-
Content Count
214,197 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shabaka ayaa ka hadlay shirkii maalmahan ka socday magaalada Garowe kaas oo ku soo dhamaaday is afgaranwaa . Xildhibaan sakariye ayaa xusay in ay tahay waxaan loo fadhin oo nasiib darro ah in madaxdii dalka shirkoodii natiijo la,aan uu soo dhamaado aanan loo daneen danta dalka iyo dad intaba waxa uuna sheegan golaha shacabka uu aad uga xun yahay.. “ Waa nasiib darro weyn oo aan loo fadhin oo fashilaad ah oo systemkii dowladnimo ee heer gobal ilaa heer qaran ay fashilaad tahay aan loo fadhin, arrintaas shacabka Soomaaliyeed waa ka careysan yihiin, baarlamaanku waa ka careysan yahay” Sidoo kale Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabd ayaa carabka ku dhuftay madaxda dalka ay ka soo bixi waayeen shaqadii igmaday. “Nimankii madaxda noo ahaa ee aan u igmanay iney dalkaan iney maamulaan oo Kuraasta lagu fariisiyay oo xuquuqda gaarka ah la siiyay heer gobol ha noqdeen ama heer dowlad dhexe ha noqdeene shaqadoodii waa ka soo bixi waayeen” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa xusay in baarlamanka Fedetalka Soomaaliya oo ka wakiil ah shacabka uu la xisaabtami doono madaxda dalka iyo dowlad-gobaledyadaba.sababta ay todobo maalin wax natiijo ah u gaati waayeen. . “waana la xisaabtaaynaa sababta kentay in todobo maalin shir loo fadhiyo oo Madaxweynihii Raiisalwasaarihii iyo shantii madax gobaleedna ay joogeen ilaa hadaa ay fashil tahay waxa laga sugayo maxay tahay Haddii ay dalkaan ay ku heshiin waayeen inay maamulaan oo dhibaatada dadkaan ay ka saaraan maxaan ku halayneynaa” Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu ku soo aadayaa ayadoo maanta shirkii ka socday magaalada Garowe uu ku soo dhamaaday is afrasho la,aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas soo gaaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib todobaad uu magaalada Garowe u joogay shirkii Wadatashiga ahaa, kaasoo natiijo la’aan ku soo dhamaaday. Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Madaxeynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku haray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaana sababta uu haray kasoo baxayo warar kala duwan. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Villa Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe kusii sugnaano doon illaa laba cisho, waxaa la sheegayaa inuu ka qeyb geli doono kulamo uu qeybaha kala duwan bulshada la qaadan doono. Waxaa horey Garoowe uga soo tagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaas oo dowladda dhexe ku eedeeyey inay sabab u aheyd fashilka shirkii Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa u baroor-diiqeysa hogaamiyihii ugu da’da weynaa dowladeeda, Xaaji C/kariin Xuseen Yusuf oo loo yaqaanay Xaaji Cabdi Waraabe. Cabdi Waraabe oo da’diisu tahay 122, ayaa maalintii jimcihii ku geeriyooday Hargeysa International Hospital, kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxa uu ahaa xubin muhiima oo kamida Golaha Guurtida Somaliland, isagoona astaan u ahaa nabada iyo nabadeynta deegaanada Somaliland. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa maanta loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday. Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus qaranka Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay badiba haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Somaliland. Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro dalalka deriska ka yimi iyo kuwo xubno ka ah xukuumadda Somaliland, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii mucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin kasoo ciyaaray nabadaynta iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, waxana ay ka markhaati kaceen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, wuxuuna yiri “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo”. Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland. Dhinaca kale, Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxa uu aduunka caan ka sii noqday markii ay waraysatay idaacada BBC-du haweenayda Falanqaysa arimaha Soomaalida ee Mary Harper ay ka sii daysay BBC World Service 2012-kii in Xaajigu Uu Xasuusto Caleemo Saarkii Boqorada Queen Elizabeth II 1953-kii. Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa xiligaa ahaa 115-jir, kaas oo markii uu 12 jirka uu ahaa loo doortay inuu beeshiisa hogaamiyo ayaa waxa uu yiri “Si Wanaagsan ayaan u xasuustaa Boqorada. Xaqiiqdii waxaan xasuusta aabaheed King George VI 1937-dii. Abtigay ayaa ka qaybgalay xafladii caleemo saarka ee London”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ku soo dhawaada barnaamijka Caweyska Washington, oo aan xilliyadan oo kale idin soo gudbinno. Read More
-
Eng C/laahi Cali Xassan wasiirka cusub ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan. Soo dhaweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay masuulyiin kala duwan oo ka socotay dowlada iyo qaar kamid ah bulshada, hadal jeedinta martida ayaa inta badan quseesay soo dhaweynta wasiirka cusub . Ugu danbeen waxaa goobta ka hadlay Eng C/laahi Cali Xassan oo ah wasiirka cusub ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxa uuna u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay soo dhaweynta quruxda badan ee loo sameeyay wuxuuna alle ka baryay inuu la garab galo xilka culus ee loo magacaabay. Dhawaan ayaa la filayaa inuu si toos ah xilka u la wareego C/laahi Cali Xassan oo ah wasiirka cusub ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Saudi Arabia ayaa ku soo biiray wadamada danaynaya inay martigaliyaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia. Waddamo dhawr ah oo ay ku jiraan Eritrea, Ethiopia, Djibouti, Turkey , Saudi Arabia Iyo Wadamo Midawga Yurub ka tirsan ayaa sidoo kale u xamaasadaysan wadahadaladan la filayo inay dhexmaraan Somaliland iyo Somalia. Bishii April 4, ayay ahayd markii Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed uu sheegay in dawladdiisu ay u heelan tahay inay dhexdhexaadiso Somaliland iyo Somalia. Sida uu Raysal Wasaaraha Ethiopia ka sheegay mar uu ka hadlayey Jigjiga oo ay shir ku yeesheen Soomaalida Ethiopia ayaa Abiy Axmed uu hoosta ka calaamadiyey inuu ka shaqaynayo sidii loo xasilin lahaa gobolka Geeska Afrika. “Dawladaydu waxay bilawday dedaalo ay ku dhexdhexaadinayso wadahadalo ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia. Labada dhinacna waxay muhiim u yihiin horumarka iyo amaanka gobolka,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed. Waxaana arinta Raysal Wasaaraha Ethiopia uu isku qanciyey inuu galo ay timid markii Madaxweynaha Somaliland muuse biixi cabdi uu socdaal ku tagay Addis Ababa oo uu martiqaad ka helay dawlada Ethiopia. Inkastoo labada dhinac ay xiligaasi ka doodeen Nabadgalyada gobolka iyo isdhexgalka labada bulshood ee xidhidhka laba geesoodka ah ee mudada soo jiray. Bishii May 3, Safiirka Sucuudiga u fadhiya Somalia Mohammed Abdi Khayat ayaa isna booqday Somaliland waxaanu kulan laba geesood ah uu Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaana meelaha ay dul istaageen Somaliland iyo Somalia ka mid ahaa suurtagalnimada mustaqbalka in Somailand iyo Somalia ay ku wadahadlaan boqortooyada gudaheeda. Halka bishii May 10, Eritrea ay ku soo biirtay wadamada quudaraynaya inay martigaliyaan wadahalada Somaliland iyo Somalia. Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa iftiimiyey doorka Asmara ee Wadahadalada Somaliland iyo Somalia inay muhiim tahay, isagoo sheegay in wadamo bariga Afrika ka tirsani ay ka shaqaynayaan sidii labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ay isugu keeni lahaayeen miiska wadahadalka. “Eritrea waxay muujisay siday u danaynayso martigalinta mustaqbalka wadahadalo Somaliland iyo Somalia ku dhexmara Asmara” ayuu yidhi Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia. Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Eritrea Cismaan Salax iyo la taliyaha Madaxwenaha Mr Yemane Gebreab ayaa markii ay socdaalka ku tageen Somaliland bishii march oo ay kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi, kadib socdaal ku tagay mudisho bishii ka dambaysay, ayaa bilaw u ahayd dhexdhexaadin. Dhinaca kale Wadahadladii dawlada Turkigu ay martigalisay ayaa burburay bishii March 2015-kii, iyadoo dhamaan isku dayadii lagu fashilmay in wadahadaladaasi guulo laga gaadho. Si kastaba ha ahaatee Somaliland-Somalia ayaa marka ay soo gaadhaan halka u dambaysa isku afgaran waaya iyadoo ay jirto dhibaato farsamo. Balse dawladaha Somaliland iyo Somalia ayaa doonaya inay sii wadaan wadahadalada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa u baroor-diiqaysa ninkii ugu da’da weynahaa dawladda ee hogaamiyihii hogaamiyeyaasha, Haji Abdikarim Hussein Yusuf, oo loo yaqaanay Xaaji Cabdi Waraabe, kaas oo jimcihii ku geeriyooday Hargeisa International Hospital isagoo ay da’diisu tahay 122. Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ka mid ahaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida, isagoo astaan u ahaa nabada iyo nabadaynta Somaliland tan iyo xiligii gumaystaha oo ay Somaliland xornimada ka qaadatay 1960 iyo dalka ay jaarka yihiin ee Somalia oo ay xornimadeeda kala soo noqotay 1991. Waxa lagu aasay Hargeysa saacado ka dib geeridiisa, waxaana aaska loo sameeyey ka qaybgalay boqolaal reer Somaliland oo muujinayey xushmadii ay u hayeen ninkii mudada dheer noolaa ee soo dhexdhexaadiyey khilaafyadii xiligii gumaystaha iyo siyaasiyiintii Somaliland. Xaaji Cabdiwaraabe ayaa aduunka caan ka sii noqday markii ay waraysatay BBC-du haweenayda Falanqaysa arimaha Soomaalida ee Mary Harper ay ka sii daysay BBC World Service 2012-kii in Xaajigu Uu Xasuusto Caleemo Saarkii Boqorada Queen Elizabeth II 1953-kii. Xaaji Cabdiwaraabe ayaa ahaa 115 jir, kaas oo markii uu 12 jirka uu ahaa loo doortay inuu beeshiisa hogaamiyo ayaa waxa uu yidhi “Si Wanaagsan ayaan u xasuustaa Boqorada. Xaqiiqdii waxaan xasuusta aabaheed King George VI 1937-dii. Abtigay ayaa ka qaybgalay xafladii caleemo saarka ee London,” ayuu u sheegay BBC-da Xaaji Cabdi Waraabe. Somaliland’s oldest statesman who became chief way before Elizabeth II was enthroned has died at 122 https://menafn.com/1098508685/Somaliland-Haji-Abdi-Warabe-Dies-at-the-age-of-12 Source
-
(SLT-Muqdisho)-Bangi Shiine ah iyo dawladda Somalia ayaa heshiis ku dhaagay $200million oo dollar oo dayn ah in Somalia la siiyo si loogu dhiso dekeda Muqdisho. Ganacsiga caynkaas ah ayaa bangiga Shiinaha ah siinaya inuu si gaar ah uga kalluumaysto xeebaha Somalia, waxaanu sidoo kale uu qayb weyn ku yeelanayaa dekeda Muqdisho inta dayntaasi si dhamaystiran loo bixinayo. Sida uu Bangiga Shiinaha ee ‘The Chinese Exim Bank’ uu ku dhawaaqay dhawaan markii uu soo dhigay Twitter-ka arinta heshiiskan ay la galeen Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya. Xeebaha Somalia oo caan ku ah budhcad baddeeda afduuba maraakiibta caalamka ayaa sababtay in aan kalluumaysi farabadani ka dhicin xeebaha Somalia oo khayraadka kalluunku uu dihin yahay. Arintana waxay badashay Xeebaha Somalia, oo qani ku ah khayraadka ku duugan, taas oo hada si aan xad lahayn loogu ogolaaday Shiinaha inuu kalluunka uga gurto Somalia. Waxaana arintan lagu tilmaamay mid aan u fiicnayn khayraadka Somalia ku jira iyo dadkiisaba. Iska daa shaqo ay dadku helaane, balse arintani ay si dhakhso ah usoo gabogabaynayso Kalluunka ku jira Xeebaha Somalia maadaama oo Shiinuhu uu mudooyinkii u dambeeyey uu ku hawlanaa sidii uu iskaga muujin lahaa qaybaha Qaarada Afrika, isla markaana Suuqa kalluunka ee dalkiisu uu si xawili ah uu hoos ugu dhacayo. Dhaqdhaqaaqyada kalluumaysiga Shiinuhu ayaa inta badan sababaa burbur xoog leh oo uu ku keeno xeebaha Afrikanka. Waxaana jirta in Hogaamiyeyaasha Africanka uu saamayn badan ku leeyahay Shiinuhu, waxaay ilaa hada sheegayaan in ay ka faa’iidaysan doonaan dadka guduhu mashaariicda Shiinaha oon waligood la mahadin, iyagoo ugu yeedha arintaasi ‘horumar’ ay ka heli doonaan shaqooyin badan. Balse xaqiiqdu waxay muujinaysaa in Shiinuhu yahay ka sababa macaluusha, dhimasho iyo burbur meelo badan oo Qaarada Africa ka tirsan iyo in tiro yar oo dad ahi ay ka faa’idaan mashaariicdiisa. Hogaamiyeyaasha Africanku waxay wakhti xaadirkan si aayar aayar ah ay qaarada uga iibinayaan Shiinaha. Waxaana la fili karaa in kalluumaysi xad-dhaaf ah ay horseedi doonto macaluul farabadan oo soo food saarta dadka ku dhaqan Somalia ee Kalluumaysiga ku tiirsan. Waxaana Afrika caan ka ah odhaahda ah ‘Macaluusha uu noo keenay Shiinuhu. Hada waa horumar!’. Source
-
Around 60 migrants most of them from Bangladesh have died after their boat capsized in the Mediterranean Sea after it left Libya for Italy, the Tunisian Red Crescent said Saturday. Survivors told the Red Crescent the tragedy unfolded after some 75 people who had left Zuwara on the northwestern Libyan coast late Thursday on a large boat were transferred to a smaller one that sank off Tunisia. “The migrants were transferred into a smaller inflatable boat which was overloaded, and 10 minutes later it sank,” Mongi Slim, a Red Crescent official in the southern Tunisian town of Zarzis, told AFP. Tunisian fishermen rescued 16 people and brought them to shore in Zarzis. The survivors said they spent eight hours trapped in the cold sea before they were spotted by the fishermen who alerted the Tunisian coastguard, Slim said. The bodies of three people were plucked out of the waters on Friday, the Tunisian defence ministry said. Survivors said the boat was heading to Italy and had on board only men, 51 from Bangladesh, as well as three Egyptians, several Moroccans, Chadians and other Africans. Fourteen Bangladeshi nationals, including a minor, were among the survivors, said the Red Crescent. “If the Tunisian fishermen hadn’t seen them (migrants), there wouldn’t have been any survivors and we would have never known about this” boat sinking, said Slim. Charity ships have plied the Mediterranean Sea to rescue migrants in large numbers but the number of rescue operations have dwindled as these vessels have come under fire, namely from the populist Italian government, over their action. Italy’s far-right Interior Minister Matteo Salvini has imposed a “closed ports” policy, refusing to allow migrants rescued at sea to enter his country. On Friday, however, more than 60 migrants disembarked in Italy after two boats which had left Libya faced difficulties at sea and needed assistance. The UN agency for refugees UNHCR called for stepped up search and rescue operations to avoid future tragedies in the Mediterranean, which it calls the “world’s deadliest sea crossing”. “Across the region we need to strengthen the capacity of search and rescue operations,” said Vincent Cochetel, the agency’s special envoy for the Mediterranean. “If we don’t act now, we’re almost certain to see more tragic events in the coming weeks and months,” he warned. According to the UNHCR, the journey across the Mediterranean “is becoming increasingly fatal for those who risk it”. “In the first four months of this year, one person has died (crossing the Mediterranean) for every three that have reached European shores, after departing from Libya,” it said. Libya, which has been wracked by chaos since the 2011 uprising that killed veteran dictator Moamer Kadhafi, has long been a major transit route for migrants desperate to reach Europe. View the full article
-
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, waxaa soo jeedinaya Caasha Ibrahim Aden iyo Ibrahim Xasan Garabey. Read More
-
(SLT-Yemen)-Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta billaabay inay ka baxaan dekadahaSaleef iyo Ras Issa ee gobolka Xudeyda. Tallaabadaan ayaa loo arkaa midlooga dhabeynayo heshiiskii ay QM ay kala dhex-dhigtay Xuutiga iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee isku haya dagaalka Yemen. Xudeyda ayaa ah ah halka ay badeecooyinka dibadda iyo gargaarka bani’aadannimo ka galaan Yemen, waxaana ay muhiim u tahay nolosha malaayiin reer Yemen oo hadda qarka u saaran macluul. Madaxa guddiga kacaanka ururka Xuutiyiinta Yemen Mohammed al-Huthi, ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay billaabi doonaan in ay ka baxaan magaalada maanta tobanka barqanimo xilliga Yemen. Wuxuu sheegay in mucaaradka ay si hal dhinac ah uga baxayaan Xudeyda, kaddib marki ay ciidamada dowladda ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay marar badan dib u dhigeen ka bixidda magaalada, taasoo qeyb ka aheyd haeshiiskii dalka Sweden. Qaramada Midoobay oo Jimcihi sii sheegtay ka bixista Xudeyda ee ciidamada mucaaradka, ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay dhameysti doonaan ka bixisita Xudeyda iyo labada dekedood oo u dhaw, maalinta Talaadada ah. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacado kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday kulankii Garoowe uga socday Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa arrintaas ka hadlay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn uga hadlay Shirkii Fashilka kusoo dhamaaday ee ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan hoggaamin karin Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaadi doonaan tilaabo deg deg ah. Wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka nijad jabsan yihiin Fashilka shirkii Garoowe, wuxuuna eedda dusha uga tuuray madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Wuxuu is cadi sheegay inuu fashilmay system-kii Dowladnimo ee ka jiray Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd heer Gobola iyo heer Qaran. Xildhibaanka ayaa xusay in ay tahay nasiib daro weyn in Madaxdii maamul goboleedyadda iyo Madaxweynaha dowladda dhexe ay heshiis gaari waayaan Muddo 7 maalmood ah. Wuxuu is waydiiyey waxa laga sugayo madaxda Soomaalida ee ku shiray Garoowe haddiiba ay ku heshiin waayeen inay dalkaan maamulaan oo ay shacabka Soomaaliyeed u hiiliyaan si dhibaatada looga baxo. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Zakariye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Zakariye.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Alla ha u naxariistee Xaaji Cabdikarim Xuseyn (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ahaa mudanihi ugu da'da weynaa baarlamaanka Somaliland. Read More
-
Magaalada Garawe, Waxaa natiijo la'aan ku soodhamaaday shirki u dhaxeeyay madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa maamul gonoleedyada. Read More
-
Ka dib burburkii dowladdii dhexe ardayda araga La’ waxa ayna u fariisteen imtixaanka qaran ayagoona qeyb ka noqday 31.500 oo arday oo maanta u fariistay Imtixaanka ay qaadayso wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ayaana sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin iney qeyb ka noqdaan Imtixaanka, waxa ayna sheegeen iney ka soo gudbeen caqabado adagay intii ay soo wadeen waxbarashada heerka Iskuulka. Gudoomiyaha Iskuulka Alnuur ee ardayda aragg La’ ayna wax ku bartaan C/fitaax Maxamed Daahir, oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay ku farxsan yihiin ardayda Imtixaanka galayso assagoo u rajeeyay inay guuleystaan. “Ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisatay ee aragga La’ waa 28 arday waxa ayna nooga dhigan tahay waa soo baryay ,maxaa yeelay waa ay adkeyd in ruux araga aan laheyn inuu duruuftaan iskuul ka soo bilaabibo Primary maantana uu ka qalin jabinaayo Secondry” Dhanka kale gudoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo gacanta ku heysa Iskuulka Alnuur C/llaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay in ardayda ay kaga soo gudbeen marxalado kala duwan dugsiyadii hoose iyo dhexe ee Alnuur, ka dib shirkadu ay kula dartay Iskuulada magaalada oo maantana ay ka qalin jabinayaan dugsigii sare waxa uuna sheegay in sanadkaan wixii ka danbeeyo arday loo dhisi doono dugsi sare ee Al nuur. “ waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay in halkaan ay soo gaaraan, waa ardaydii dugsiga hoose iyo dhexe ee Al nuur oo aan ku kala darnay Iskuullada magaalada maantana waxa ay u fadhiyaan imtixaankii, waxaad ogtihiin Iskuulka Alnuur inuu yahay Iskuulka ay wax ku bartaan ardayda aragga aan laheyn ,Imtixaanka ardayda ay galayaan waa su,aalo Oral ah oo afka laga weydiiyo arday afka laga weydiinayo su,aashana waxaa ka qorayo macalin la fadhiyo” Samiiro Jimcaale Aadan waa gabar aragga La’ waxa ay ka mid aheyd ardaydii maanta u fariistaay Imtixaanka waxa ayna sheegtay in aad ugu farxsan taghay in maanta ay heerkaan soo gaarto ardayda Soomaaliyeedna ay la gasho Imtixaanka guud, “ Walaahi aad iyo aad ayan ugu faraxsan nahay inaan ka qeyb galo Imtixaanka Qaranka ay qaadeyso dowladda, noqdo dufcaddii ugu horeysay ee gasho Imtixaanka, dadaal dheer iyo juhdi badan aan soo galnay, ruuntii Imtixaanka waxaan ku galeynaa su’aalo oo Oral ah macalinka kula fadhiyo ayaa ku weydiinayo jawaabta aad bixiso ayuu kuu qoraa macalina sax ama qalad wixii ay kuu noqoto sidaas ayaan ku galaynaa Imtixaanka” Ugu danbeyn Raiisalwasaare ku xigeenka dalka Mahdi maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in maanta Imtixaanku si toos ah uu furan yahay ardaydana uu rajaynayo iney guul ka gaaraan Imtixaanka waxa uu sheegay inuu soconayo ilaa Maalinta Arbacada “ Imtixaankii maanta wuu inoo furan yahay assaga oo ardayda lagu hor furay aan horay loo arag, taas waxa ay natusaysaa in dowladnimadii ay taabo gashay waxaa maanta Imtixaanka u fariistay 31,500 arday oo ah faslka 12 aad ee dugsiyada sare ee dalka waxaan u rajaynayaa dhamaan ardayda inay dalkooda aaminaan” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa isugu tagay hogaamiyaal leh Awood siyaasadeed aragtidoodana ay aad u kala fogtahay, waxayna xaaladda u muuqatay in Shirkaas aysan heshiis ku gaari karin dhinacyadii Kulmay. Falanqeeyaasha Arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in Garowe ay ku kulmeen hogaamiyaal mid kasta wata dan gaar ah, islamarkaana aysan midkoodna ka suurta gelin tanaasul iyo dabacsanaan Siyaasadeed, waxayna arintaasi hormuud u noqotay Guul darrada Shirkii Garowe. “Hogaamiyaasha Shirkii Garowe u dhexeeyay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxay isku maan-dhaafeyn arimo aan ka tarjumeynin dan guud balse u muuqda kuwa dan gaar ah ka tarjumaya” aqoon-yahaan Xersi Iimaan oo la hadlay Caasimada Online. “Hogaanka Dowladda Soomaaliya ma yaqaanaan Tanaasul iyo in ay yihiin madaxdii dalka oo ay u dhaqmaan sida Hooyo” ayuu yiri Xersi Iimaan oo mar wareysi siiyay Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in ay raadinayaan sidii ay ku soo laaban-lahaayeen, balse aysan ka fekeraynin maslaxad guud iyo in dalka uu hore u socdo Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in aysan ku salaynin doodooda arimo ka hadlaya dan guud balse ay ka fekerayn sidii ay ku soo laaban lahaayeen hogaanka maamuladaasi ama ay usii maamuli lahaayeen. Markii la isu geeyo dhamaan hogaamiyaasha halkaasi ku kulmay iyo sida ay wax u wadaan ayaa waxaa muuqata in Soomaliya ay ku sii dhacayso ceel-fog oo aan dhowayn lamana oga cida ka hor istaagi doonto dhibaatada dalka loo hor-seedayo taas oo ka imaaneysa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Around 60 migrants most of them from Bangladesh have died after their boat capsized in the Mediterranean Sea after it left Libya for Italy, the Tunisian Red Crescent said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Tunis (SMN) – Dooni siday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo Muhaajiriin ah ayaa ku qalibantay biyaha badda Mediterranean,gaar ahaan xeebaha ku yaalla dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen illaa 65-ruux. Hadal maalinimadii shalay ay sii deysay Hey’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-Qof oo saarnaa doontaasi ,kadib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah. Afar ruux oo Meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinayo dadkii wax ku noqday doonida qalibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta. Sida laga soo xigtay warar ay baahisay wakaaladda wararka ee dalka Tunisia TAP ayaa sheegaya in doontaasi ay siday 70- qoo oo Qaxooti iyo Muuhaajiriin isugu jira, kuwaas oo aan la shaacin dalalka ee ka soo kala jeedaan. Balse warar hoose ayaa sheegaya in inta badan dadkani ee ka yimaadeen dalal ka tirsan Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto . Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahan,waxaana dadka saarnaa doonta ka mid ahaa kuwo u dhashay dalalka Bangladesh–Morocco. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii Kenya ay ku joojisay Duulimaadkii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqisho iyo Nairobi. Dadweynahan ayaa tilmaamay in shacabka labada dal aysan wax dan ah ugu jirin go’aankaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Kenya tallaabada ay qaaday bedalkeeda loo baahan yahay in la joojiyo qaadka laga keeno Nairobi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay dowladda Kenya ay gabi ahaan joojisay Duulimaadkii Muqdsho iyo Kenya, iyadoona tallaabadaasi ay si weyn u cambaareysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Popular Contributors
