Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa dowladda Kenya u balanqaaday in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin heshiisyada dhanka dekadaha ah ee ay la galeen dalal Soomaaliya ay kamid tahay. Meles Alem oo ah danjiraha Ethiopia ee Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyaga oo ka wada hadlay arimo ay ka mid yihiin heshiisyadii labada dowladood ee dhanka Badda. Wuxuu u sheegay Kenyatta in heshiisyadii horey ay u wada saxiixdeen labada dowladood aysan waxba iska badali doonin marka loo eego heshiisyada Ethiopia la gashay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea. Kenya ayaa horey walaac badan kaga muujisay heshiisyadii Ethiopia la gashay dowladda Soomaaliya kaasi oo dhigayay inay maalgashi ku sameyneyso ku dhawaad 4 dekadood oo Soomaaliya ku yaala. Ethioia waxaa kale oo ay heshiis dhinaca dekadaha ah kula jirtaa dalka Jabuuti oo hadda ah halka ugu weyn ee ay badeecadaha dibadda uga soo degaan Ethiopia, sidoo kale xukuumadda Addis Ababa ayaa maalgashaneysa Dekadda Casab ee Dalka Eritrea. Ethiopia iyo Kenya ayaa horay ugu heshiisyay dhismaha Dekad laga dhisayo Lamu, taas oo sidoo kale loo sameynayo Waddo Tareen oo Dekaddaas ku xirta Ethiopia, Koofurta Suudaan iyo Rwanda. Ethiopia ayaa adeegsata dekadaha dowladda Kenya, waxaana Kenya halkaasi ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuurta kaga soo xaroota. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  2. XOG: Musuqmaasuqa Masuuliyiinta Caafimaadka Togdheer, Xujada Wasiirka Cusub & Fashilka Mashruuca SHINE ee HPA/DFID. Qore Ciise Yaasiin Assalaamu Calaykum dhamaan wey salaamanyihiin akhristayaasha Shabakaddan Wararka. Waxaan halkan jeclaystay inaan idiin kusoo gudbiyo xog xaqiiq oo ka dhacday magaaladan aan joogo ee Burco, Togdheer. Hordhac: Kawaran laba masuul oo BILKASTA lunsada $40,000. Gobol dadkiisu u baahanyahay adeeg bulsho? Kawaran hadii 400 shaqaale caafimaad ah aan lagu xidhin cilmi caafimaad, imtixaana aan laga qaadin? Kawaran hadii 400 shaqaale midkasta laga qaaday lacag uu ku iibsado jago shaqo caafimaad? 400 oo shaqaale ah miyay qarinkaraan galdaloolooyinka & dulmiga, dhaawacaya quruxda dawladnimada iyo bixinta adeeg caafimaad? Dhamaan waa dhacdooyin xaqiiq ah oo magaaladaydan ka dhacay, qofkastana saamaynaya. Musuqmaasuq & Caafimaad waa labo aan isqaban: Musuqmaasuq waa Aafo baabi-isa dawladnimada iyo dadnimadaba. Somaliland oo sanadkan 28 jirsatay, markii ugu horeysay waxaa muuqmaasuq shaqada ku waayay Laba (2) Wasiir, agaasimayaal guud iyo Agaasima-waaxeedyo. Dhamaantood waxay ahaayeen masuuliyiin loo arkayay lama taabtaan, laakiin waxaa galaaftay tuhunno musuqmaasuq iyo maamul xumo. Waxaana suuragal ah inaanay masuuliyiintaasi waxba lunsan shakhsiyadoodu, laakiin maamulkoodii oo jilicsanaa ama ka warhayay musuqmaasuqa ayaa galaaftay. Waa tallaabo horey loo qaaday, Madaxweyne Muuse-na wuu ku mahadsanyahay. Wasaaradda Caafimaadka waxay dad badani ka war-qabaan inay tahay wasaaradaha ugu mashaariicda badan uguna hanta-lunsiga iyo musuqmaasuqa badan. Dabagal dheer oo aan sameeyay ka dib waxaa iisoo baxday musuqmaasuq caddaan ah oo ka dhexsocda hawlaha Wasaaradda, qaybo ka mid ah. Musuqmaasuq hadheeyay Mashruuca ee SHINE (DFID) ee Nafaqaynta & Daryeelka Caafimaad Musuqmaasuqqa Dhakhtarka weyn ee Hargeysa & Deynta $425,000 Shaqaalihii Dhakhtarka weyn ee aan la shaqaalaysiin 7 sano, qaar cusubna si hoose loo qaatay. Qoraalkani wuxuu ku koobanyahay Musuqmaasuqa Mashruuca SHINE. Somali Health And Nutrition Programme (SHINE) waa mashruuc caafimaad oo ay malaayiin Doolar ku maalgelinayso dawladda Ingiriisku (DFID-UK). Mashruucani wuxuu ka fulayaa labada gobol ee Awdal iyo Togdheer ee Somaliland iyo labaa gobol ee Banaadir iyo Galguduud ee Soomaaliya. Gobolka Togdheer waxaa fulinaya Haayadda HPA, waxaana gobolka Togdheer ka shaqeeya in ka badan 400 oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira Kalkaaliso (Nurse), Umuliso (Midwife) iyo Dhakhaatiir. Shaqaalaysiinta 400 ee muwaadin loo marin habka iyo sharciga qaadashada shaqaalaha. Waxaa loo xushay hab aad u foolxun. Waa kuwan dhacdooyinkii ku gedaamnaa qaadashada shaqaalaha caafimaad ee mashruuca SHINE-DFID, ee Gobolka Togdheer ee Somaliland: Qabyaalad ku koobnaatay labada masuul ee ugu sareeya caafimaadka gobolka Qofkasta oo hab qabyaaladeed lagu xushay waxaa lagu xidhay in uu bixiyo lacag fadhiisin lagu sheegay ama lacag baad ah oo xaaraan ah. Lacagtaasi waxay u dhaxaysay $50 ilaa $100, qofkiiba. Masuuliyiinta caafimaadka gobolka Togdheer waxay Jeebabkooda ku xeerooday lacag u dhaxaysa $20,000 ilaa $40,000 (50×400=20,000). Labadii bilood ee ugu horeeyay shaqada waxaa shaqaalaha laga goostay midkiiba $200. Waxaanay noqonaysaa = $200 x 400 shaqaale = $80,000 sideetan kun oo doolar. Waxaana kala qaatay labada Diktoor ee Gobolka ugu sareeya. Bil kasta waxaa shaqaalaha laga reebaa ama laga goostaa $100 ($100×400=$40,000) Hadda waa AFARTAN kun oo doolaar oo BILKASTA taagan. Kirada laba gaadhi oo si qasab loogu shaqaaleysiiyay (Conflict of Interest) iyagoo meesha ka saaray laba gaadhi oo kale dad shicib ahi lahaayeen oo si cadaalad ah hore ugu shaqayjiray. Waxaa musuqmaasuqa qayb weyn ku leh Haayadda HPA, oo u fududeysay in Masuuliyiintani Xisaabta Shaqaalaha u maamulaan la-Xisaabtan la’aan (NO Transparency and NO Supervision). Haayadda HPA waxay lacagta hore ugu shubi jirtay shaqaale kasta Xisaabtiisa Bangiga uga furan (Employee Bank account) laakiin imi waxay ku wareejisay Xisaabaadka Bangiyada ay maamulaan labadan masuul. Talo ku socota Wasiirka Caafimaadka: Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Cumar Cali Cabdillaahi (Cumar Dheere) waxaanu ka codsanaynaa inuu baadhis weyn ku sameeyo dhamaan tuhunnada musuqmaasuq ee Wasaaradda ka jira, gaar ahaan uu baadhis ku sameeyo Maamulka caafimaadka Togdheer, Dhakhtar weyn ee Burco, iyo Mashruuca SHINE ee Haayadda HPA & DFID gobolka ka wadaan iyo Musuqa ku huursan shaqaalahaas. Wasiirka waa masuuliyadiisii shaqo, waana mid uu If iyo Aakhiroba u taala wuxuu gashado habsami u socodka hawlaha caafimaad ee dalkeenan tamarta daran. Talo ku socota Haayadaha HPA & DFID-UK: Haayadahan waxaa saaran masuuliyadda guuleysiga mashruucan oo lacag badani ku baxday. Hadii lacagtii loogu talo galay loo leexiyo jeebab kale waxaa fashilmaya mashruucan qiimaha badan, iyo lacagtii cashuur-bixiyayaasha Ingiriiska. Qore Ciise Yaasiin Cali Burco, Togdheer. Qaran News
  3. Waxaan aad u jecelaystay inaan Bulshada Somaliland la wadaago Qoraalo taxane ah oo aan isleeyahay ugu iftiimi Shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Halka uu Shaqada Dawladda kasoo galay, cidda soo galisay, Dhacdooyin layaableh oo Musuq Maasuq oo taariikhdiisa shaqo ku sidkan, qaabka uu uga tujaaray Hantida Qaranka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo si gaar ah qalbiga Qof kasta u taabanaya kuwaasi oo meesha ka saaraya inuu sii ahaado ama uu madax kasii ahaado Hay’addii dhamayd ee Qaranka ugu mudnayd ee loogu talo galay illaalinta Hantida Qaranka. Waa kuma Axmed Yuusuf Dirir, Sideebaanu Shaqada Dawladda Ku Soo Galay? Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu kasoo jeedaa Qoys Sabool ah oo xoolo dhaqato ah (imika waa tujaar eh), waxaanu ku dhashay, kuna barbaaray Nolosha baadiyaha, isagoo da’ ahaan weyn ayaa magaaladda Berbera la keenay Bilawgii Shagaashanaadkii, waxaana miyiga kasoo kaxeeyay Mareeyihii ugu mudada dheeraa Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo ay ehel dhaw yihiin, waxaana shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Dekeda Berbera, isagoo ahaa shaqaale hoosaadka Dekeda, waxaana qoray Cali Xoor Xoor oo noloshiisa soo gacanta qabtay. Axmed Yuusuf Dirir, maanta waa maalqabeen hanti badan ka dhaqday, xilal kala duwana kasoo qabtay Dekeda Berbera. Fuuqyada ugu dhaadheer ayuu ku leeyahay Magaalada Berbera iyo Hargeysaba, sidoo kale waxa uu Dubai ku leeyahay Hanti xoog ah oo uu si qarsoodi ah uga samaystay Dubai iyo Baananka uu lacagta dhigto oo Dubai uga Furan. Sidoo kale waxa uu Dubai ku guursaday naag carabiyad ah oo uu imikana uu Hargeysa usoo raray taasi oo muujinaysa sida uu uga tujaaray Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Door Noocee Ah Ayuu Cali Xoor Xoor Ku Lahaa Nolosha Axmed Yuusuf Dirir? Axmed Yuusuf Dirir waxa si weyn usoo gacan qabtay Cali Xoor Xoor oo waxbarashada dadka waa weyn ku daray, waxa uu markii dambe u diray isagoo shaqaale hoosaadka Dekedda Berbera ah(Xamaal), koorso dibadda ah, Muddo lix bilood ah ayaanu ku maqnaa dal Africa-da kuyaala(South Africa), markii uu soo noqdayna Waxaa uu u magacaabay oo uu u dhiibay Xisaabiyaha Guud ee Dekeda Berbera,wakhtigii Xukuumaddii UDUB. Waxa uu Axmed Yuusuf wakhtigaasi khaayimay Cali Xoor Xoor-kii noloshiisa qaybta weyn ku lahaa ee soo dhisay ee soo gacan qabtay, waxaanu Siraha dekeda u basaasi jiray Xisbigii wakhtigaasi mucaaridka ugu weyn ahaa ee Kulmiye, isagoo qorshihiisu ahaa inuu haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto uu Xilka kala wareego Cali Xoor Xoor, taasi oo markii dambe dhacday, oo uu Kulmiye abaal gud uga dhigay basaasnimadii uu kula shaqayn jiray ee uu sirraha Cali Xoor Xoor dibada ku siin jiray. sidii ay ahayd, Islamarkii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka ku guulaystay 2010-kii waxa Axmed Yuusuf Dirir loo magacaabay Dekeda Berbera, inyar kadib waxaa lagu helay arimo Musuq Maasuq, markiiba waxa uu qaaatay lacago badan, fooqyo ayuu dhistay, dhulki danta guud ayuu boobay,waxaanu arinkiisu noqday mid ifka u soo baxay oo lawada ogaaday oo aan cidna ka qarsoonayn, sidaasi ayaan Xilkii looga qaaday. Markii Shirkadda Dp-World Dalka Timid iyo Dhacii Ugu Balaadhnaa Ee Uu Axmed Gaystay!!!! Afar sanno markii uu ka maqnaa Xilka Maareeyaha Dekeda Berbera, ee ay Shirkadda Dp-World timid ee Cali Xoor Xoor-na si aad ah ugasoo hore jeestay ayaa uu mar labaad dib ugu yeedhay Maxamuud Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda. Markan dambe waa markii uu dhacay Wadanka. Gaadiid badan oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay oo ay dekedu lahayd, Alaabo safar dibadda ugu maqnaa Dekeda, iyo Lacago kaash ah oo Qasnadda ugu jirtay oo illaa 5-Milyan Dollar ahayd oo cadaan ah oo uu Cali Xoor Xoor Goob fagaare ah ka sheegay oo uu ku wareejiyay waxaasi oo dhan waa uu isku muudsaday oo kamuu xishoon. Waxa uu markiiba dib ulasoo noqday Lacagta alaabo Dekeda loo soo iibinayay oo Cali Xoor Xoor dalabkeeda ka tagay , taasi oo uu jeebka u shubtay lacagtoodii, arintaasi oo ku cadaatay markii dambe, kana mid noqotay dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee uu ku kacay ee fashiliyay. Inyar markii uu Xilka hayay, waxay Dawladdii Kulmiye Galisay Hanti dhawr, waxa kooxdii gashay hogaaminayay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire, Baadhistaasi waxaa lagu ogaaday in Hal milyan iyo boqol iyo konton kun maqantahay oo lacagtii Dekeda ee Akawnka kujirtay ahayd, waxa kale oo la ogaaday inay maqan tahay lacagtii Taagga lagu soo iibinayaya oo iyana Shan Milyan ahayd, sidoo kale waxa la waayay sagaal gaadhi oo Cali Xoor Xoor ku wareeejiyay, waxa kale oo la ogaaday qandarasyadii uu bixiyay Cali Xoor Xoor inuu dadkii kasoo celiyay oo uu lacagtii cunay. Halkaas markay maraysao waxay Hanti dhawrku sameeyeen in habeenimo gurigiisa loo daatay, waxa kooxdii Gurigiisa u daadatay ka mid ahaa oo hogaaminayay Ninka lagu magaabo Cali Bilyan, waxa islamarkan GURIGIISA loo daatay uu ku mashquulsanaa Guryo uu ka iibsanayay Magaaladda Dubai oo goobo mihiim ah ku yaalay kuwaasi oo laga war helay, Waxa markii loo daatay Gurigiisa loogu tagay oo laga soo helay laba gaadhi oo ka mid ah sagaalkii Gaadhi, todobaddii kale waa la waayay oo sidaasi ayaa lagaga quustay. Qaabkii Uu Ku Dhacay Lacagtii Shanta Milyan Ahayd Ee Taagga Iyo Siduu Uga Badbaaday Xadhigga + Cidda La Tacaashay. Waxa kale oo baadhistaa iyo dabagalkaasi lagu sameeyay ee lagu raadcaynayay hantida badan ee ku maqnayd lagu soo helay Foojarigii uu lacagta Shanta Milyan ah ee Taagga loogu talogalay uu kula baxay, kaasi oo ay kuyaalaan Hal saxeex oo aanay la saxeexin raggii sharci ahaan la saxeexa lalahaa sida Xisaabiyihii Guud ee Dekedda iyo Raggii ee lalahaa saxeexa jeegaga. Dhacdooyinkaasi fajicisada lahayd ee lagala kulmay baadhistaasi waxa ka mid ahayd in markii laga waraystay hantida baddan ee ku maqan halka uu mariyay iyo halka ay martay lacagtii Cadaanka ahayd ee Shanta milyan ahayd ee uu la baxay, waxa uu sheegay inuu Laba Milyan oo ka mid ah lacagtaasi uu Siiyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Wakhtigaasina Madaxweynaha Maanta Xilka haya Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo layaab ku noqotay Xukuumaddii Wakhtigaasi iyo masuuliyiintii baadhista sameeyay ee uu xogta la wadaagay. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay inuu sheegay inuu iyana Kharash galiyay oo uu lacagtaasi ku maqan ku soo sameeyay Calamaan iyo koofiyo Xisbiga Kulmiye iyo waxyaabihii kale ee Ololaha Xisbiga Kulmiye. Waxa waxa uu Meelna ku sheegi waayay 7-dii Gaadhi ee la waayay ee Cali Xoor Xoor ku wareejiyay. Waxa kale oo la ogaaday in dhisme xafiisyo Cusub oo loo dhisayay wakhtigaasi Dekeda oo ay Soo qiimaysay Shirkadda VILLA and mansion oo ay afar boqol oo Kun oo dollar kusoo qiimaysay dhismahaasi waxa uu Koontaraaka Dhismahaasi siiyay shirkad kale oo la yidhaa Daryeel Construction taasi oo uu heshiis kula galay inuu lacag badan uu dul dhigto, waxa uu ku sheegayHal Milyan iyo Laba Boqol inay ku baxeen dhismahaasi,halka Shirkadda VILLA and mansion hore ugu qiimaysay afarta Boqol oo Kun Oo Dollar,taasi oo iyaduna amakaag ku riday maasuuliyiintii wakhtigaasi baadhista ku sameeyay, iyo Xukuumaddii Wakhtigaasi Xilka u egmatay. Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Dirir Halka Ay Iskala Jaan Qaadeen!!!. Waxay baadhistaasi ay bilaabantay 14/09/2017-kii, waxaanay socotay illaa 18-kii bisha oo ah Afar cisho gudaheed, waxaana mudadaasi afarta cisho ah la ogaaday in hanti malaayiin doolar ahi ay maqantahay. Madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaa laga codsaday inuu xilka ka qaado si loo xidho. Waxa dagaal u galay in xadhig laga badbaadiyo Odayaal iyo salaadiin reerkooda ah, waxa kale oo isna dagaal kala hortagay in ninkaasi la xidho Gudoomiyihii Xisiga Kulmiye ee Wakhtigaasi imikana ah Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Muuse ku qanciyay Xukuumaddii Siilaanyo in xilka uun laga qaado oo aan la xidhin, 22-kii Bishii Sagaal ee 2017-kii ayaa xilka laga qaaday. Muuse Biixi ayaa Siilaanyo ka codsaday oo ku yidhi “ reerka ha igu kicin”. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inuu Muuse Biixi wakhtigaasi uu codsigan uu ka dalbanayay uu lugaha qabsaday Madaxweynihii wakhtigaas Siilaanyo. Waxa Xasuus Mudan in Axmed Yuusuf Dirir uu lacagaha lagu helay ee ku maqan uu ku sheegay inay qaybo ka mid ahi ku maqan tahay Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiye ka ahaa Muuse Biixi Cabdi, waxaana Ficilka iyo dhaq dhaqaaq uu Muuse ku difaacayay ka muuqda inuu isaga laftiisu wax badan ka hortagayay. Waxa halkaasi ka cadaatay inay Muuse Biixi iyo Axmed Yuusuf Dirir isku xidhnaayeen islamarkaana uu dan gaar ah ku qabay, suurtagalna ay tahay inuu Lacagtaasi iyo hantidaasi uu dhacay wax ogaa. La Soco Qaybaha Dambe Ee Taxanahan …. Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2001@gmail.com) , London. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan go’aanka ay sida wada jirka ah u soo wada saareen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, diidmada Xisbiga Waddani, Maceeshada qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay. Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, wuxuu Xisbiyada ugu baaqay inay isku tanaasul ay sameeyaan, wixii ay isku hayaana ay ka heshiiyaan, waxaanu yidhi “Somaliland isku tanaasul iyo is qancin bay halkaas ku soo gaadhay, markaas anigu waxaan mar walba danaynayaa sida uu dastuurku dhigayo in la isku tanaasulo, oo la is qanciyo, taas ayaan xal u arkaa”. Mar uu ka hadlaayey qiimaha maceeshada ee qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay ayaa yidhi “In Lacagteena Somaliland tayo yeelato, oo shilinkeenu tayo yeesho, oo wax lagu kala iibsado, oo kirooyinka lagu biixiyo, oo goobaha ganacsi iyo goobaha waxbarasho lagu bixiyo,oo Shacabkeenu aad u isticmaalahan, halka ay ka isticmaali lahaayeen lacagaha qalaad waa mid loo baahan yahay, waxaan se anigu ku talinayaa in maceeshada loo jabiyo dadka masaakiinta ah, oo sida uu doolarku u jabay, maceeshadana loogu jabiyo, iyada oo la ixtiraamayo bila’aadanimada iyo dadnimada, iyo dadkeena danyarta ah, waxaana ku talinayaa inaynu isku duubnaano, oo aynu is taageerno, oo dadkeena baahan aynu u gurmano” Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isna ka hadlaya aragtidiisa ku waajahan go’aanka Xisbiyada UCID iyo Kulmiye gaadheen ayaa yidhi “In Doorashada la galo oo la qabto waa la ogol yahay, oo waanu ogol nahay, waxaanu se doonaynaa inay Somaliland oo dhami Doorashada gasho, waxaanada mooda in Xisbiyada Kulmiye iyo UCID wax gaar ah eryanayaan,mar haddii uu Xisbiga Waddani uu yidhi kuma kalsooni garsoorka Komishanka, Xisbigu xaq buu u leeyahay in laga bedelo oo Komishan kale la sameeyo, waana inagu ceeb iyada oo la helayo dad daacad ah oo Garsoor dhex ah noqda, in Komishankani sii joogana meesha, Xisbiga kulmiyena garan mayno wuxuu uga dhegan yahay, ee waxbaa jira, ee haddii la doonayo inay dalka Doorashooyin ka dhacaan waa in la bedelaa Komishankan, ta kale maaha in Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu faraha la galo waxaanu garanaynin, ee waa inuu wax ka weydiiyaa dad wax garanaya, saami qaybsiga kow laga dhigaa, oo beelaha darafyadu waxay xaqa u leeyihiin waa inay helaan, maxaa yeelay doodii iyo raggii cabanaayey weynu arkaynay, markaas Beelaha darafyadu wey cabanayaan, waxay ka cabanayaana in wax laga qabtaa waa daruuri, markaas saami qaybsiga iyo tirikoobkaba waa in la sameeyaa, tan kale ee ay leeyihiin Madaxweynaha iyo Wasiirka Dakhligu kooto ha loo xidho Haweenka, waa sharci daro, Dastuurkuna ma ogola, qof kasta oo Somaliland waa la dooranayaa, waxna uu dooran karaa, markaas Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaan leeyahay wax kooto la yidhaahda ma jirto ee saami qaybsiga kootada ka muhiimsan”. Mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa yidhi “Waa ayaan daro in Maceeshaduna ay cirka sii gasho, doolarkuna uu jabo, ninka askariga ah ee qaata 80 doolar, ee shanta caruurta leh uu dhiban yahay, inta la leeyahay Madaxtooyo cusub ayaa la dihsayaa, waxay ahayd in la daryeelo askarta jiida joogta, qoysaskooda, oo maceeshada laga jabiyo, mushahaaradkana loo kordhiyo, Caasimadda Somaliland waa Hargeysa, Madaxtooyaduna waxay ku taala meel umadda u dhex ah, oo aan xaafad ama degmo gaar ah lagu tilmaami karin, laakiin in halkaas laga raro oo degmo gaar ah oo Maadaxweynaha xaafadiisiya loo raraa waa sharci daro, ee Madaxweynuhu haddii uu doonayo halkaas inuu guriyo waawyn ha ka sameeysto, oo masaakiinta ha daayo, Madaxtooyadana halkeeda ha u daayo, haddii la doorbiday in Madaxtooyo cusub dalka loo dihsana, xaafada State House-ka ldadkaas degan ha laga raro oo guriyo ha loo dhiso, kadibna Madaxtooyo balaadhan ha laga dhiso” Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idin ku soo gudbinaynaa waraysi kulul oo lala yeeshay wasiirka Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku taliyey in wax walba oo la isku hayo in xal iyo heshiis laga gaadoh, xilli Xisbiyada Qaranku ay Siyaasad ahaan aad u kala fogaadeen. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay maceeshada qaaliga ah, qiimaha sarifka ee hoos u dhacay iyo abaaraha, waxaanu ugu horeyn yidhi “30 sanno in ku dhaw inaynu ahayn dal madax banaan, oo iskii u taagan, muddadaas aynu jirnay, waxaynu qabsanay, qaabka aynu uga soo gudubnay duruufihii iyo marxaladihii adkaa Caalamku aad buu ugu bogay, waxaana kale oo aad loogu riyaaqay qaabka aynu uga gudubnay nidaamkii qabaliga ahaa, ee aynu ugu gudubnay nidaamka dimuqraadiga iyo axsaabta badan, waxaa kale oo aad looga dharagsan yahay kala dambaynta, Dawladnimada, Dimuqraadiyada iyo qaabka wacan ee aynu u qabsanay Doorashooyinka,markaas waa in wada tashi iyo wanaag aynu ku xalinaa dhib kasta oo inala soo gudboonada,si aynu uga fogaano wax kasta oo qarankeena, dadkeena iyo dalkeena dhib ku keenaya, waana inaynu ka dheerano wax kasta oo dhaawac siyaasadeed inagu keenaya, waxaan aan xal lahayna ma jiro, ee wax kasta oo la isku hayo aynu xal uga gaadhno sida ugu haboon”. Mar uu ka hadlaayey Maceeshada iyo Sarifka ayaa yidhi “Qiimihii Sarifka ee Lacagta Doolarku inay jabto aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, si uu Shilinkeenu wax tar u yeesho,isticmaalka Shilinkeenuna waa mid loo baahan yahay oo muhiim cid kasta u leh, laakiin in iyada oo sarifkii inoo jabay in maceeshadii wali qaali tahay looma baahna, mana wanaagsana, ee waa in Maceeshada la jabiyaa, Ganacstaduna waa inay dadkooda danyarta ah u naxaan, una naxariistaan, marka ay maceeshada u jabiyaan ALLENA ayaa iyana u barakeeynaya ganacsigooda, waxaana muhiim ah in la isku saleeyo qiimaha sarifka iyo qiimaha maceeshad,a si ay iskula jaanqaadan, laakiin maaha in dadka wax lagaga iibiyo qiimihii hore ee sarifka lacagta doolarku halku maraayey”. Mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Wax walba qadarka ALLE ayey ku dhacaan, inaguna dabcan waxaynu nahay dad islaam ah, oo ALLE ayaa inaga dihgay muslimiin ah, oo diinta qudha ee xaqa ah haysta, mar walbana ALLE waxaynu ka baryeynayaa naxariistiisa, nimcadiisa, raxmadiisa, waxaana la inooga baahan yahay inaynu mar walba ALLE ku xamdino, oo shugrigiisa, mahadnaqiisa iyo cabsidiisa aynu badino, abaaraha soo noq-noqdana ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo uu roobkiisa inoo khayr qaba inoo shubo, laakiin maaha inaynu ku baraaruugno oo qudha marka ay abaaruhu yimaadan, ee waa inaynu la nidaamna siyaasad iyo qorshe ku talagala, oo aynu kaga sii baaran-degayno abaaraha soo noqnoqda, ALLE inooma keeno mar kale, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ka sii digtoonano abaaraha, oo aynu sameeysano Biyo xidheeno, iyo Dhamaam, oo aynu ka sameeysano Gobolada, Magalooyiinka iyo Deegaanada kale duwan ee dalka, iyada oo aan cid kale ama Wadan kale inaga caawin ayeyna sameeysan karnaa, tusaale ahaan qof walba wixii karaankiisa ah ayuu bixinaya, waxaana hubaal ah haddii qorshahan aynu ku dhaqaaqno inaynu wax badan qabsanayno”. Source
  7. (SLT-Sri Lanka)-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaalka kooxdii fulisay weeraradii is qarxinta ahaa ee Axadii la soo dhaafay ka dhacay dalka Sri Lanka, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan saddex boqol oo qof. Muuqaalkan oo ay ka dhex muuqdeen illaa sideed qof oo wajiga u xirnaa iyo hoggaamiyahooda ayaa waxay bayco ama balan la galayeen Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, iyagoo sheegaya inay awaamiirtiisa fulinayaan. Kooxdan ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood iyo saddex Hoteel caan ah, waxaana labo ka mid ah dadka is qarxiyay ku jiray labo walaalo oo ka soo jeeday Qoys caan ku ah Ganacsiga. ISIS ayaa sheegtay in weeraradaas ka dambeyso, hase ahaatee dowladda Sri Lanka ayaa sheegtay in weerarkan ay qaaday Koox Maxali Xagjir ah. In ka badan 60 ruux ayaa loo xiray qaraxyadan ka dhacay dalka Sri Lanka, waxaana la sheegayaa in weli lagu haayo baadigoob rag kale oo qeyb ka ahaa weeraradan. Source
  8. (SLT-Tanzania)-Maxkamadda Sare ee caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam waxaa la soo taagay 7 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo loo haystay inay ahaayeen Budhcad-baddeed weerar u geysatay Markab marayey Xeebaha dalkaasi. Dacwad-oogaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegeen in Eedeysanayaasha ay bishii October 3-dii ee sannadkii 2011-kii weerareen Markab Shidaal oo lagu magacaabo SAM A. ALLGOOD, kaasi oo marayey Badweynta Hiondiya, gaar ahaan Aagga loo yaqaano xuduudka Dhaqaalaha ee dalkaasi. Eedeysnayaasha waxaa la sheegay inay Ciiddanka dalkaasi is-weydaarsadeen, ka hor inta aan loo itaal-sheeganin. Garsooraha Maxkamadda Darasalaam, Yose Mayambina waxa uu Eedeysanayaasha ku wada xukumay xabsi Daa’im, waxaana Eedeysanayaasha la xukumay magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Aadan, Bashiir Rooble, Faragani Cabdul, Ali Nuur Ali iyo Omar Maxamed oo lagu nanaayso Mudhee. Source
  9. (SLT-London)-Amiirka labaad ee leh dhaxalka boqortooyada Britain William Arthur Philip oo lagu naanayso Duke of Cambridge ayaa ka dagay dalka New Zealand, halkaas oo uu kula kulmi doono dadkii ka badbaaday weerarradii argagixisada ee lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla Christchurch iyo qoysaska dadkaas. Booqashada amiirka oo laba maalmood ah ayaa ka billaabanaysa xuska Anzac Day oo lagu maamuuso askartii hore ee Australia iyo New Zealand. Wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa dadkii ay saameeyeen weerarradii bishii March dhacay ee 50 ruux ay ku dhinteen. Amiirka ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqan doono shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ah. Amiir William ayaa booqashadan ku matalaya Boqoradda Ingiriiska ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heshay Ra’isulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern. Maaliinta Anzac Day ayaa ku suntay dagaalkii ugu horreeyay ee wayn ee ciidammada Australia iyo New Zealand ay kaga qaybqaateen Dagaalkii Koobaad ee Adduunka. Catherine oo ah xaaska Amiirka ayaa iyaduna munaasabad middaas la mid ah kaga qayb gali doonta Westminster Abbey oo magaalada London ku taalla. Xafiiska boqortooyada Britain ayaa sheegay in William uu “bogaadin doona dadka reer New Zeraland isaga oo ku amaanaya garab istaagii iyo rafiiqnimadii ay muujiyeen markii ay weerarrada masaajidku dhaceen.” Ma aha markii koobaad ee Amiirku uu booqanayo Christchurch oo dhibaato ka dhacday. Sannadkii 2011 ayuu ka qayb galay xus loo samaynayay 185 qof oo ku dhintay dhulgariir. Hadal uu maalintaas jeediyay ayuu ku sheegay in uu ayaydii mar ka maqlay hadal macno ahaan u dhigma “cidda la jecel yahay ayaa loo murugoodaa, markaas ayuuna ku sii daray “halkan maanta waxaan ku sugannahay anaga oo idin jecel isla markaasna murugaysan.” Source
  10. (SLT-Addis Ababa)-Orod-yahanka Calaamiga ee Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ku yaalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Abeba, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa Tababar Laylin Orod. Mo Farah oo ah dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland caan ku ah Orodada Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Mobayl iyo Sacaad Qiimo weyn leh oo ay xaaskiisa haddiyad ahaan u siisay. Waxa uu xusay in dhaca loo geystay Shandadiisa taallay qolka uu ka degganaa Hotelka ay ahayd bishii March ee la soo dhafaay 23-da, xilli uu ku maqnaa Tababar dhinaac Orodka. Dhinaca kale, Mo Farah waxa uu cambaareeyey Orod-yahanka Ethiopian-ka, Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ay Ethiopian leeyihiin. Mo Fraah waxa uu tilmaamay inuu taageero kooban ka helay Shaqaalaha Hoteelka, wuxuuna xusay in aanu Haile Gebreselassie marnaba ka taageerin dhaca loo geystay. Dhinaca kale, mar lala xidhiidhay Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay Mo Fraah waxay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan Telefoonadooda, si wax looga weydiiyo falka lagu dhacay mid ka mid ah Macaamiisha Hoteelkooda. Source
  11. Sida ay sheegeen Saraakiisha Midowga Europe ee howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida , ee ( ATLANTA) Burcadbadeeda ayaa weeraray doonyo kaluumeysi oo marayay meel u dhow Xeebaha Somalia. Waxa ay sheegeen saraakiishaasi in weerarkaasi ay fashiliyeen ilaalo la socday doonyahaasi kadib markii Burcadbadeeda Rasaas isweedaarsadeen. Howlgallada Burcadbadeeda ayaa gaabis ku yimid tan iyo sanadkii 2012 hase ahaatee weli waxaa jira cabsi laga qabo weeraro cusub ay fuliyaan. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Lataliyihii Hore ee madaxweyne Farmaajo Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya iyo dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al Shabaab. Ugu horeyn lataliyahii madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan hadda wax guul ah ka gaari karin dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in xal kale la raadiyo. Xuseen Macalin oo ah guddoomiyaha machad ka faalooda arimaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka dhabeyso wadahadal lala galo Al Shabaab. Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan ka dhawaajiyay inuu wadahadal la galayo Al Shabaab, islamarkaana loo baahan yahay inuu ka dhabeeyo wadahadalkaasi si looga baxo dhibaatada ka jirto dalka. “Al shabaab Dowlada dagaal kagama adkaan karto ee xalku waa wada hadal wa in lagu dayaa oo waliba madaxweynuhu uu ka dhabeeyaa “ayuu yiri Xuseen Macalin maxamuud La taliyihi hore ee Madaxweyne Farmaajo. Dhawaan Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya usoo jeediyay inuu ka dhabeeya wadahadal uu la qeybo qeybaha kala duwan ee mucaaradka ku ah dowladiisa. Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jira dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida ay wadahadal ku aqbali doonaan, maadaama ay horey usoo bandhigeen sharuuda ay kamid yihiin in dhamaan ciidamada ajaaniibta laga saaro dalka. Wasiirkii hore ee amniga xukuumaddii Xasan Shiekh ayaa horey u sheegay in dowladda Farmaajo ay ku wareejiyeen cadeymo la xiriira in wadahadal ay kula jireen Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Baladxaawo ( SMN )Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Xaafadaha degmada Baladxaawo ayaa waxa ay billaabeen burburin ka dhan ah Darbiga ay sida sharci darrada ah Kenya uga dhiseyso dhulka soo xiga xuduuda Somalia. Dowladda Kenya ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii ay ay u sii wadi lahayd dhismaha Darbigaasi. Muddo 5 Cisho ah ayey wadaan shacabkani Burburinta waxaana ay sheegeen in arrintaasi ay u sahashay Roobab ka da’aya halkaasi iyagoona qeybo badan dhulka la simay dhismahaasi sharci darrada ah. Weli maamulka Jubbaland kama uusan hadlin kacdoonka Shacabka ay ka billaabeen degmada Baladxaawo. View the full article
  14. (SLT-Qaahira)-Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha qaarada Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Qahira ee dalka Masar ayaa u qabtay muddo saddex bilood ah inay ku dhamaystiraan dib u habeynta dimuqraadiyada golaha millatariga ee haya maamulka dalka Suudaan. Go’aankan ayaa waxaa uu sii dheereynayaa waqti ay hore ugu qabteen ururka Midowga Afrika golaha millatariga ee Sudan inay ku wareejiyaan xilka dowlad rayid ah. Golaha Milatariga dalka Sudan oo xukunka la wareegay 11kii bishan kadib markii ay afgambiyeen dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cumar Xasan Al-Bashir ayaa wajahaysa cadaadis kaga imanaya kumanaan banaanbaxayaal ah kuwasoo dalbanaya in dowlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo. Midowga Afrika ayaa haddii uu go’aan ka gaadho hogaanka Milatariga dalka Sudan waxaa wadankaasi soo wajahi kara in uu dhibaato kale gudaha u galo iyadoo haatan uu dalkaasi ku jiro qalalaase siyaasadeed. Madaxweynaha dalka Masar Sisi oo ka hadlay kulankan oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah madaxda dalalka qaarada Afrika ayaa sheegay in kulankan la isla oggolaaday baahida loo qabo in xal deg-deg ah oo kama dambeys ah ay ka gaaraan shacabka Sudan si dib loogu soo celiyo habkii dastuuriga ahaa. Source
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu maanta soo garao Magalada Muqdisho. Xubno katirsan Xisbigiisa Himilo Qaran ayaa Shabelle u sheegay ujeedada imaatinkiisa in ay tahay arimo la xiriira shaqada Xisbiga. Shiekh Shariif Shiekh Axmed Madaxweynaha Dowladii KMG ahayd ayaa marka uu yimaado la filayaa in uu ka hadlo safarkiisa iyo arimo kale oo ku saaban Xaaladda Soomaaliya. Safarkan ayaa kusoo Beegmaya xili ay madaxda Xisbiyadda Siyaasadda iyo xubno kale oo dowladgoboleedyadda katirsan ay kulan ku yeeshen Dalka Kenya, iyadoo Shirkaasi ay ku dhaliilayeen Xukumadda Haatan shaqaysa View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay magaalada Muqdisho ku casuumeen inay yimaadaan guddoonada baarlamaanka 11 dal oo ku yaala Qaarada Africa. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa ka sheegay maalintii shalay kulan xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho, in Muqdisho kuso wajahan yihiin guddoonada baarlamaanada Africa. Gole isbaheysi oo ay ku mideysan yihiin baarlamaanada 11 dal oo ku yaala Africa, waxaana sida la qorsheeyay isbaheysigan golahaan ay imaan doonaan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in ujeedada xubnahaan u imaanayaan magaalada Muqdisho ay tahay inay qibrad ahaan wax badan ka faa’ideystaan qaababka ay ku xaliyaan dhibaatooyinka ka jira dalalkooda. Hogaanka Isbaheysigaan ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in isaga uu warbixin golaha ka siiyay isbaheysigaan iyo ujeedada laga leeyahay. “Golaha shacabka ayaa marti qaaday, waxaana rabnaa inaan ka faa’ideysano qibradooda iyo qaabkii ay kaga guuleysteen dhibaatooyinkii dhacay”ayuu yiri guddoomiye Muudeey. Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdi Cali uu bixiyay talooyin badan oo la xiriirta casuumaada loo fidiyay xubnaha isbaheysigaan oo imaanaya magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay la kulmeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid, ayaga oo kulanka ay albaabadu u xirnaayeen, Saxaafaduna dibad joog ka aheyd, wararka ayaa sheegaya in looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho ay qeybgalaan labada xisbi. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wada gaareen labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye iyo sida labadaas xisbi oo kaliya ay doorasho ku gali karaan maadaama xisbiga Wadani uu qaadacay shirka ayagoona horay ugu baaqay in la kala diro guddiga doorashada. Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid iyo Guddiga doorashooyinka ayaa ku balamay in kulan danbe dib laysugu yimaado, waxaana rajo xumo laga muujiyey qabsoomidda doorasho ay 3-da xisbi ku loolamaan. Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo ah xisbi ballaaran, taageero bandanna ku leh gudaha Somalinland ayaa sheegay inaysan jirin doorasho labada xisbi kaligood ay qaban karaan, waxa ayna wax lagu xumaado ku tilmaameen dhawaqa ka soo yeeray labada xisbi waa Kulmiye iyo Ucid oo maanta guddiga doorashada la qaatay kulan ku soo dhmaaday natiijo la’aan. Khilaafka u dhaxeeyo Sedexda xisibi ayaa ah mid dhowaanahaan soo laablaabanayay shacabkuna waxa ay ka war sugayaan waxa uu noqonayo xalka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Erateria, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Asias Afwerki ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Asmara ee caasimadda Erateria. Shirka labada madaxweyne ayaa looga hadlay ahmiyada labada dal ay ugu fadhiso joogteynta iyo hormarinta xiriirka ku dhisan iskaashi iyo wada shaqeyn. Sidoo kale shirkan labada madaxweyne ayaa waxaa uu ahaa mid daba socday Shirar ay horay labada madaxweyne ugu kala yesheen magaalooyinka Muqdisho iyo Asmara, waxaana shirkan looga hadlay dardargalinta waxyaabihi horay labada dal isugu afgarteen View the full article
  19. Deni iyo Chabbra oo kulmay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa xalay kulan la qaatay safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya, Rahul Chabbra. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay: arrimaha ganacsiga & maalgeshiga, waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Ambassador Chabbra, ayaa xukuumadda Puntland ku ammaanay, kaalinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo la’dagaallanka burcad-badeedda, waxaana uu ballan-qaaday in dowladdiisu xiriir wanaagsan la yeelan doonto Puntland, sida ku cad war-saxaafadeedka. Madaxweyne Deni, ayaa isna dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay, in ay wada-shaqeyn la yeelato dowladda Hindiya, si kor loogu qaado xiriirka Puntland iyo waddanka Hindiya. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Safiirka Hindiya oo ballan-qaad u sameeyay Puntland appeared first on Puntland Post.
  20. Maxaabiis madowa oo loo “shirqoolay” Maxbuus caddaana, mindina kala daalay iyagoo gacmaha miis kaga xidhan Qaran News
  21. Faysal Rooble oo su’aalo la weydiiyay Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Faysal Cabdi Rooble oo xalay su’aalo lagu weydiiyay kulan dadweyne oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada. Rooble oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay asalka khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka? ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dagaal ku hayo nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dhisan taasina ay sal u tahay khilaafka dhammaan la’ ee labada dhinac. Faysal Rooble ayaa sheegay in hannaanka Federaalka ee dalku qaatay uu si cad u qeexayo Dastuurka GMG ee Soomaaliya islamarkaana aysan jirin faham la’aan ka timid dhankaasi balse madaxweyne Farmaajo uu si bareer ah ula dagaallamayo nidaamka Federaalismka. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uusan gebi ahaanba ku qanacsaneyn hannaanka baahinta maamulka ee Federaalismka ee ay ku heshiiyeen umadda Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay sidaasi darteedna uu dagaal aan joogsi lahayn kula jiro nidaamkii lagu doortay. Mudane Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in 6-dii bilood ee u dambaysay dowladda federaalka Soomaaliya ay waday qorshe lagu majaxaabinayo nidaamka Federaalka dalka kaasi oo lagu burburinayo dowlad goboleedyada dhisan si aan nidaamkaasi u hirgelin. Ugu dambayntii wuxuu dowladda madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in ay doonayso in ay Dastuurka ka saarto qodobada qeexaya Federaalismka si uu ugu ekaado hannaan dowlad dhexe taasi oo aan lahayn nidaam baahsan. PUNTLAND POST The post Aqoonyahan Faysal Rooble oo sheegay in madaxweyne Farmaajo Nidaamkii lagu doortay la dagaallamayo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka ruqsaysay 130 qof oo dhalinyaro dalka wax ku bartay ah. Dhalinyaradaan ayaa ku dhowaad 4 sano si lacag la’aan ah ugu shaqaynayay Isbitaalka Martiini oo ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay hey’addi gacanta ku haysay. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar, Agaasimaha Wasaaradda, HRM-ka Wasaaradda iyo Xubno kale ayaa shaqaalaha Khamiistii ku wargeliyay in shaqada laga ruqseeyay, dowladana ay qaadan doonto Shaqaale cusub. Qaar kamid ah Dhaqaatiirtaan oo aan la hadlnay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ubadan yihiin dhalinyaro dalka Gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa kale oo dibadda waxbarasho u aaday oo dalka ku soo laabtay kuna qanacsanaa dalkooda, balse ay dowladda Soomaaliya shaqo la’aan dhigayso halkii ay aheyd in ay dhalinyarada Shaqo u abuurto. Shaqaalahaan oo isugu jira hablo iyo wiilal ayaa ka walaacsan halka ay Xaaladooda ku dambeyn doonto hadii ay ka tagaan shaqadaan, waxayna dowladda Soomaaliya dalbadeen in ay ka laabato go’aankaasi. Mid kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Martiina ee shaqada laga eryay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ka fekarayaan sidii ay ku heli lahaayeen badalka shaqo kale. Qaarkood ayaa sheegay in ay dalka ka tahriibayaan hadii ay go’aansato dowladda Soomaaliya in shaqada ka Cayriso sababtoo ah waxay sheegayn in aysan haysan shaqo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Akhri: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir?, Siduu Shaqada Dawlada Ku Bilaabay Iyo Ruuxa Uu Yahay. Waxaan aad u jecelaystay inaan Bulshada Somaliland la wadaago Qoraalo taxane ah oo aan isleeyahay ugu iftiimi Shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Halka uu Shaqada Dawladda kasoo galay, cidda soo galisay, Dhacdooyin layaableh oo Musuq Maasuq oo taariikhdiisa shaqo ku sidkan, qaabka uu uga tujaaray Hantida Qaranka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo si gaar ah qalbiga Qof kasta u taabanaya kuwaasi oo meesha ka saaraya inuu sii ahaado ama uu madax kasii ahaado Hay’addii dhamayd ee Qaranka ugu mudnayd ee loogu talo galay illaalinta Hantida Qaranka. Waa kuma Axmed Yuusuf Dirir, Sideebaanu Shaqada Dawladda Ku Soo Galay? Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu kasoo jeedaa Qoys Sabool ah oo xoolo dhaqato ah (imika waa tujaar eh), waxaanu ku dhashay, kuna barbaaray Nolosha baadiyaha, isagoo da’ ahaan weyn ayaa magaaladda Berbera la keenay Bilawgii Shagaashanaadkii, waxaana miyiga kasoo kaxeeyay Mareeyihii ugu mudada dheeraa Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo ay ehel dhaw yihiin, waxaana shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Dekeda Berbera, isagoo ahaa shaqaale hoosaadka Dekeda, waxaana qoray Cali Xoor Xoor oo noloshiisa soo gacanta qabtay. Axmed Yuusuf Dirir, maanta waa maalqabeen hanti badan ka dhaqday, xilal kala duwana kasoo qabtay Dekeda Berbera. Fuuqyada ugu dhaadheer ayuu ku leeyahay Magaalada Berbera iyo Hargeysaba, sidoo kale waxa uu Dubai ku leeyahay Hanti xoog ah oo uu si qarsoodi ah uga samaystay Dubai iyo Baananka uu lacagta dhigto oo Dubai uga Furan. Sidoo kale waxa uu Dubai ku guursaday naag carabiyad ah oo uu imikana uu Hargeysa usoo raray taasi oo muujinaysa sida uu uga tujaaray Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Door Noocee Ah Ayuu Cali Xoor Xoor Ku Lahaa Nolosha Axmed Yuusuf Dirir? Axmed Yuusuf Dirir waxa si weyn usoo gacan qabtay Cali Xoor Xoor oo waxbarashada dadka waa weyn ku daray, waxa uu markii dambe u diray isagoo shaqaale hoosaadka Dekedda Berbera ah(Xamaal), koorso dibadda ah, Muddo lix bilood ah ayaanu ku maqnaa dal Africa-da kuyaala(South Africa), markii uu soo noqdayna Waxaa uu u magacaabay oo uu u dhiibay Xisaabiyaha Guud ee Dekeda Berbera,wakhtigii Xukuumaddii UDUB. Waxa uu Axmed Yuusuf wakhtigaasi khaayimay Cali Xoor Xoor-kii noloshiisa qaybta weyn ku lahaa ee soo dhisay ee soo gacan qabtay, waxaanu Siraha dekeda u basaasi jiray Xisbigii wakhtigaasi mucaaridka ugu weyn ahaa ee Kulmiye, isagoo qorshihiisu ahaa inuu haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto uu Xilka kala wareego Cali Xoor Xoor, taasi oo markii dambe dhacday, oo uu Kulmiye abaal gud uga dhigay basaasnimadii uu kula shaqayn jiray ee uu sirraha Cali Xoor Xoor dibada ku siin jiray. sidii ay ahayd, Islamarkii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka ku guulaystay 2010-kii waxa Axmed Yuusuf Dirir loo magacaabay Dekeda Berbera, inyar kadib waxaa lagu helay arimo Musuq Maasuq, markiiba waxa uu qaaatay lacago badan, fooqyo ayuu dhistay, dhulki danta guud ayuu boobay,waxaanu arinkiisu noqday mid ifka u soo baxay oo lawada ogaaday oo aan cidna ka qarsoonayn, sidaasi ayaan Xilkii looga qaaday. Markii Shirkadda Dp-World Dalka Timid iyo Dhacii Ugu Balaadhnaa Ee Uu Axmed Gaystay!!!! Afar sanno markii uu ka maqnaa Xilka Maareeyaha Dekeda Berbera, ee ay Shirkadda Dp-World timid ee Cali Xoor Xoor-na si aad ah ugasoo hore jeestay ayaa uu mar labaad dib ugu yeedhay Maxamuud Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda. Markan dambe waa markii uu dhacay Wadanka. Gaadiid badan oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay oo ay dekedu lahayd, Alaabo safar dibadda ugu maqnaa Dekeda, iyo Lacago kaash ah oo Qasnadda ugu jirtay oo illaa 5-Milyan Dollar ahayd oo cadaan ah oo uu Cali Xoor Xoor Goob fagaare ah ka sheegay oo uu ku wareejiyay waxaasi oo dhan waa uu isku muudsaday oo kamuu xishoon. Waxa uu markiiba dib ulasoo noqday Lacagta alaabo Dekeda loo soo iibinayay oo Cali Xoor Xoor dalabkeeda ka tagay , taasi oo uu jeebka u shubtay lacagtoodii, arintaasi oo ku cadaatay markii dambe, kana mid noqotay dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee uu ku kacay ee fashiliyay. Inyar markii uu Xilka hayay, waxay Dawladdii Kulmiye Galisay Hanti dhawr, waxa kooxdii gashay hogaaminayay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire, Baadhistaasi waxaa lagu ogaaday in Hal milyan iyo boqol iyo konton kun maqantahay oo lacagtii Dekeda ee Akawnka kujirtay ahayd, waxa kale oo la ogaaday inay maqan tahay lacagtii Taagga lagu soo iibinayaya oo iyana Shan Milyan ahayd, sidoo kale waxa la waayay sagaal gaadhi oo Cali Xoor Xoor ku wareeejiyay, waxa kale oo la ogaaday qandarasyadii uu bixiyay Cali Xoor Xoor inuu dadkii kasoo celiyay oo uu lacagtii cunay. Halkaas markay maraysao waxay Hanti dhawrku sameeyeen in habeenimo gurigiisa loo daatay, waxa kooxdii Gurigiisa u daadatay ka mid ahaa oo hogaaminayay Ninka lagu magaabo Cali Bilyan, waxa islamarkan GURIGIISA loo daatay uu ku mashquulsanaa Guryo uu ka iibsanayay Magaaladda Dubai oo goobo mihiim ah ku yaalay kuwaasi oo laga war helay, Waxa markii loo daatay Gurigiisa loogu tagay oo laga soo helay laba gaadhi oo ka mid ah sagaalkii Gaadhi, todobaddii kale waa la waayay oo sidaasi ayaa lagaga quustay. Qaabkii Uu Ku Dhacay Lacagtii Shanta Milyan Ahayd Ee Taagga Iyo Siduu Uga Badbaaday Xadhigga + Cidda La Tacaashay. Waxa kale oo baadhistaa iyo dabagalkaasi lagu sameeyay ee lagu raadcaynayay hantida badan ee ku maqnayd lagu soo helay Foojarigii uu lacagta Shanta Milyan ah ee Taagga loogu talogalay uu kula baxay, kaasi oo ay kuyaalaan Hal saxeex oo aanay la saxeexin raggii sharci ahaan la saxeexa lalahaa sida Xisaabiyihii Guud ee Dekedda iyo Raggii ee lalahaa saxeexa jeegaga. Dhacdooyinkaasi fajicisada lahayd ee lagala kulmay baadhistaasi waxa ka mid ahayd in markii laga waraystay hantida baddan ee ku maqan halka uu mariyay iyo halka ay martay lacagtii Cadaanka ahayd ee Shanta milyan ahayd ee uu la baxay, waxa uu sheegay inuu Laba Milyan oo ka mid ah lacagtaasi uu Siiyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Wakhtigaasina Madaxweynaha Maanta Xilka haya Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo layaab ku noqotay Xukuumaddii Wakhtigaasi iyo masuuliyiintii baadhista sameeyay ee uu xogta la wadaagay. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay inuu sheegay inuu iyana Kharash galiyay oo uu lacagtaasi ku maqan ku soo sameeyay Calamaan iyo koofiyo Xisbiga Kulmiye iyo waxyaabihii kale ee Ololaha Xisbiga Kulmiye. Waxa waxa uu Meelna ku sheegi waayay 7-dii Gaadhi ee la waayay ee Cali Xoor Xoor ku wareejiyay. Waxa kale oo la ogaaday in dhisme xafiisyo Cusub oo loo dhisayay wakhtigaasi Dekeda oo ay Soo qiimaysay Shirkadda VILLA and mansion oo ay afar boqol oo Kun oo dollar kusoo qiimaysay dhismahaasi waxa uu Koontaraaka Dhismahaasi siiyay shirkad kale oo la yidhaa Daryeel Construction taasi oo uu heshiis kula galay inuu lacag badan uu dul dhigto, waxa uu ku sheegayHal Milyan iyo Laba Boqol inay ku baxeen dhismahaasi,halka Shirkadda VILLA and mansion hore ugu qiimaysay afarta Boqol oo Kun Oo Dollar,taasi oo iyaduna amakaag ku riday maasuuliyiintii wakhtigaasi baadhista ku sameeyay, iyo Xukuumaddii Wakhtigaasi Xilka u egmatay. Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Dirir Halka Ay Iskala Jaan Qaadeen!!!. Waxay baadhistaasi ay bilaabantay 14/09/2017-kii, waxaanay socotay illaa 18-kii bisha oo ah Afar cisho gudaheed, waxaana mudadaasi afarta cisho ah la ogaaday in hanti malaayiin doolar ahi ay maqantahay. Madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaa laga codsaday inuu xilka ka qaado si loo xidho. Waxa dagaal u galay in xadhig laga badbaadiyo Odayaal iyo salaadiin reerkooda ah, waxa kale oo isna dagaal kala hortagay in ninkaasi la xidho Gudoomiyihii Xisiga Kulmiye ee Wakhtigaasi imikana ah Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Muuse ku qanciyay Xukuumaddii Siilaanyo in xilka uun laga qaado oo aan la xidhin, 22-kii Bishii Sagaal ee 2017-kii ayaa xilka laga qaaday. Muuse Biixi ayaa Siilaanyo ka codsaday oo ku yidhi “ reerka ha igu kicin”. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inuu Muuse Biixi wakhtigaasi uu codsigan uu ka dalbanayay uu lugaha qabsaday Madaxweynihii wakhtigaas Siilaanyo. Waxa Xasuus Mudan in Axmed Yuusuf Dirir uu lacagaha lagu helay ee ku maqan uu ku sheegay inay qaybo ka mid ahi ku maqan tahay Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiye ka ahaa Muuse Biixi Cabdi, waxaana Ficilka iyo dhaq dhaqaaq uu Muuse ku difaacayay ka muuqda inuu isaga laftiisu wax badan ka hortagayay. Waxa halkaasi ka cadaatay inay Muuse Biixi iyo Axmed Yuusuf Dirir isku xidhnaayeen islamarkaana uu dan gaar ah ku qabay, suurtagalna ay tahay inuu Lacagtaasi iyo hantidaasi uu dhacay wax ogaa. La Soco Qaybaha Dambe Ee Taxanahan …. Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2001@gmail.com) , London. ………………………………………….. Qaran News
  24. Su’aashii Qarniga oo Gudoomiye Cirro ku ganay Muuse Biixi & Xukumadiisa Somaliland Haddey dhexdeeda Wadahadli weydo,Sideebay Soomaaliya ula hadlaysaa? Qaran News