Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Lataliyha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka siyaasada Salaad Cali Jeele oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii Shalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Xubnaha mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Nairobi uu ahaa mid lagu duminayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka la tusayay in soomaaliya ay dib u laabatay oo aan wax ka jirin sida ay wax u sheegeen. Sidoo kale Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu mucaaradka ku eedeeyay in ay fowdo ku wadaan dowladda, islamarkaana waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada soomaliyeed , isgoona ka dalbaday in ay iska ilaaliyeen kooxaha Argagixisada ah waa sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Salaad Cali Jeele ayaa kusoo aadayo xili Shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay shir ku yeesheen siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo sheegay in aysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Siyaasiyiinta oo u badan xildhibaano iyo wasiiro hore aya ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, wadahadalada Somaliland, maqaamka Muqdisho, xuquuqda shacabka iyo jahwareer siyaasadeed oo ay shegeen in uu ka taagan yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna farta ku fiiqeen baahida loo qabo in dowladda ay wax ka qabato arrimahaas oo dhan. Inkastoo iska caddahay in marwalba la hela siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadaha dowladda markaa xilka hayso, ayaa waxa horay u dhici jirtay in magaalada Addis Ababa laga taageri jiray siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda maammul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Biriq xoogan ay dad ku dishay qeybo ka mid ah gobolka Baay, kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay Roobabab mahiigaan ah ka da’een gobolkaasi. Biriqda oo ku dhacday deegaanka Kanaanax ayaa la sheegay in ugu yaraan hal Qof ay ku dishay deegaankaasi, kuna dhaawacday saddex kale. Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday isbitalka guud ee magaalada Baydhabo, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad. Inta badan waxaa gobollada dalka ka curtay xilli Roobaadka go’a, kaas oo ay ku diirsadeen dad iyo duunyo intaba. View the full article
  3. New York (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda dalkaasi ay mas’uul ka tahay kumanaan Soomaali ah oo lagu dilay dalka Soomaaliya. Gabadhan oo Koongareeska ku matesha gobolka Minnesota ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in howlgalkii Marykanka ee “Black Hawk Down” uu galaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah. Howlalka “Black Hawk Down” oo ka dhacay 1993 ayaa waxaa Mareykanka looga dilay in ka badan 10 askari iyadoo looga dhaawacay 73 kale. Ilhan Cumar ayaa sheegtay in Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay weerar argagixiso midkii ugu xumaa taariikhda, isamarkaana wali ay Ciidamadiisa ay sii wadaan dilalka dadka shacabka ah ee lagu leynayo duqeymaha cirka. Hadalkan Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa dad badan oo Mareykanka u dhashay cambaareeyay iyagoo tilmaamay in tirada dadka ku dhintay howlgalkii “Black Hawk Down” ay ka yar tahay mida ay sheegtay. Ilhaan Cumar ayaa xilligan Khilaaf xoogan kala dhaxeeya Madaxweyne Trump, kadib markii ay dhawaan qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku weerartay dadka taageera Yahuudda ee ka tirsan dowladda. View the full article
  4. Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta sarkaal ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Xasan Mire Jaceyl, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Dilka ayaa ka dhacay xarunta taliska Ciidanka ee loo yaqaano (PMPF), waxaana la sheegay in uu geystay Askari kale oo ka tiran Ciidamada Puntland, kadib markii uu muran soo kala dhe xgalay isaga iyo Marxuumka. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga ayaa xusay in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana si deg deg ah cadaalada loo horkeeni doono. Dhinaca kale maxkamadda Boosaaso, ayaa maanta xukun ku riday mas’uul ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland, ka gadaal markii lagu helay kiis musuq-maasuq ah. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cawaale Maxamuud Sheekh ayey maxkamaddu sheegtay in lagu helay Xatooyo Xoolo dadwayne oo dhan 2751 Doolar. Abuukar C/nuur Jaamac guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay go’aanka, waxaana uu shaaciyay in sarkaalkaasi lagu xukumay afar sano oo Xabsi ah, shan boqol oo Doolar oo ganaax ah iyo sidoo kale in uu bixiyo dhammaan lacagtii uu lunsaday. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Puntland maxkamadeyso mas’uul ka tirsanaa maamulkaasi oo lagu soo oogay arrimo ka dhan ah Musuq-maasuq. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo xisbiga UCID ayaa gaadhay heshiis ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Somaliland. Shir jaraa’id oo labada xisbi wada jir u qabteen ayaa lagu sheegay in ay fashilmeen wada hadallo u socday saddexda xisbi waxaanay xisbiga WADDANI ku eedeeyeen in aanu doorashada diyaar u ahayn. Halkan hoose ka akhriso: Source
  6. Qaahira (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaal ka socda Africa oo saacadaha soo aadan shir deg deg ah uga furmaya magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Shirkan oo uu martigelinaya Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Siisi ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda dalka Sudan, kadib afgembigii Cumar Xasan Al-Bashiir iyo dagaallada ka socda wadanka Libya. Al-Siisi oo xilligan ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa isugu yeeray shirka Qaahira ee looga hadlayo arrimaha Sudan iyo Libya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu kulamo gaar-gaar ah kula qaadan doono Qaahira mas’uuliyiin kala duwan, si uu ugu cadeeyo mowqifka dowladda ee taageerida shacabka Sudan. Shirkan ayaa la filayaa in Madaxweynuhu uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrimaha ka taagan Sudan iyo Libya, oo ah labo dal oo Soomaaliya kala dhaxeeya xiriiro taariikhi ah. View the full article
  7. Horudhac Taariikhda saxaafada Waxaa la xusaa qaraalkii ugu horeeyay ee daabacaad in uu ka soo baxay dalka Shiinaha taariikhdu markay ahayd 1,041 miilaadiga. Waxaa uuna cirka isku sii shareeray Kacaankii daabicidda Jaraa’idka qarnigii shan iyo tobnaad. Waxana kale oo taariikhyahanadu xusaan wixii ka dambeeyay waqtigaas uu sii koray daabacaada iyo qoraalka wargeysyada kala duwan oo dhamaantood gundhig u ahayd siinta xog dadyowga caalamka iyo kuwa maxaliga ahba. Waxaa sidoo kale xusid mudan in markii ugu horaysay ee labaahiyo saxaafaada maqal iyo muuqaalka ah ay a hayd qarnigii labaatanaad taas oo tiknoolajiyada kaalin weyn ka qaadatay horumarinta warbaahinta iyo saxaafada caalamka. Hanaqaadka heerarka saxaafada iyo warbaahinta ee Dunida : Bilowgii qarnigii 20aad waxaa xooga la saarayay daabacaada wargeysyaya ama jaraa’idka mana jiran wax raadiyo ama telefishin ah. Sanadkii 1940-kii Raadiyaha ayaa si weyn u faafay intii lagu gudo jiray dagaalkii labaad ee Adduunka waxaana loo adeegsaday inuu faafiyo warar iyo isbedelada degdeg ah ee ka soo cusboonada dagaalka waxa uuna ahaa mid ka dhakhso badan marka la barbar dhigo isticmaalka jaaridka iyo wargaysyada. Sanadkii 1950-kii ayaa waxaa bilowday kacdoonkii warshadaynta Telefishinka. Sanadkii 1962-kii ayaa waxaa bilowday kacdoonkii dayaxgacmeedka kaas oo sahlay in fudud wararka dunida oo dhan si toos ah looga daawada telefishinka. Siddeedameeyadii qarnigii labaatanaad, waxay saxaafadda gashay kacaan cusub taas oo ka dhigtay warbaahinta mid si toos ah looga daawan karo adduunka oo idil aaladaha iyo kanaalada kala duwan ee satelliterka (dayax-gacmeedka). Sagaashameeyadii qarnigii labaatanaad waxaa lagu qiyaasey in 98% dadka Maraykanku ay telefishinnadooda ku haystaan guryahooda. Dhamaadkii qarnigii 20aad, kacaankii internetku wuxuu galay saxaafada iyo warbaahinta qeybaheeda kala gedisan. Saxaafada Saxaafada ama suxufinimada waa xirfad ku salaysan soo uruurinta, qaabeynta, tafatirka iyo baahinta wararka iyada oo utabinaysaa xogta dadweynaha. Saxaafada ayaa sidoo kale loo yaqaannaa warbaahinta, taas oo leh qeybo kale duwan kuwaas oo isku daya in ay toosh ku ifiso dhacdooyinka iyo arrimaha kala gedesan ee ku geedaaman siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka, ciyaaraha, amniga iyo nabada bulshooyinka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba iyo iwm. Warka Habada, Ereyga War (News) waxaa lagu qexaa War cusub “wax aan hore loo maqlin” isla markaasna isbedel sameeya si guudna marka loo macneeyo waxaa lagu qeexi karaa akhbaar cusub oo raad ku reebta dadweynaha. Warku waa khabar cusub oo ka hadlaya dhacdo taagan isla markaasna loo gudbiyo qeyb sadexaad (dadweynaha), marka aan leeyahay qeyb sadexaad waxaan ula jeedaa tusaale ahaan “Dowladdda Soomaaliya iyo Maamul goboleedya ka jira dalka ayaa heshiis gaaray” waa hal daraf, wariyaha ama warbaahinta warka gudbineysana waa darafka labaad, cidda loo gudbinayo oo ah dadweynaha waa darafka saddexaad. Haddaba War(News) waxaa noqon kara wax aan hore loo ogayn ama loo maqlin oo cusub oo markaasi dhaca sida tusaale: dagaal si kadis ah ku bilaabta, dhimasho iyo dhaawac meel ka dhaca,qof sun cabay,masuul la toogtay,madax la doortay ama iscasilay, qarax diyaaradeed,markab quusay,mudahraadyo dhaca ama dil, goobo ganacsi oo dab qabsaday, dhul gariir, duufaano, roobab khasaarooyin ama faa’iidooyin geystay,cudur halis ah oo dilaacay,dad daroogo lagu qabtay,afduub nooc walba leh,sicir barar,cimilo si kadis ah isku bedesha iyo arrimo kale oo fara badan. Haddaba wariyeyaasha si ay dhegeystayaashooda ama akhristayaashooda ugu gudbiyaan isla markaasna u qanciyaan una soo jiitaan waxaa khasab ah in ay siiyaan xog dhab ah, waxaana lama huraan ah in ay u soo raadiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku qotoma. Hanaanka diyaarinta wararka Hababka wararka loo diyaariyo waxa ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan ee warbaahinta. Maxaa yeelay tan waa xirfad ay ku kala hormarsanyihiin suxufiyiinta ka hawlgala saxaafada qeybaheeda kala duwan. Sidaas owgeed, waxaa jira qodobo muhiim u ah marka la diyaarinayo, waxayna ka koobanyihiin lix qodob weydiimood kuwaas oo kala ah: Maxaa —————–What? Xagee—————— Where? Goorma ————— When Kuma ——————-Who? Sidee——————– How? Sabab——————- Why? Ugu yaraan 2 ka mid ah suu’alahan ama ka badan waa in laga helaa warka ama sheekadda aad diyaarinayso,tusaale haddii aad akhritayaasha ama dhageestayaasha aad u soo gudbineyso shil ka dhacay meel ama wado waxa ay kaa doonayaan in ay ogadaan goorta uu shilku dhacay,iyo cidda wax ku noqotay, sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay wax u dhaceen iyo xaalkii dadka shilka wax ku noqday halka uu ku dambeeyay shilka kadib. FIIRO GAAR AH: waa in la kala saaraa Ra’iga iyo warka, Ra’yi waxaa loo isticmaali karaa faalooyinka iyo sheekooyinka caadiga ah. Sifooyinka laga doonayo suxufiga Waxaan shaki ku jirin in shay kasta leeyahay miisan kaas oo lagu cabiro guushiisa iyo fashilkiisa. Sidaa owgeed, waxaa la isku raacsanyahay in suxufigu ama saxaafiyadu la yimaadaan sifooyinkan: Maskax korsan iyo masuuliyad weyn 2-Hal abuur 3-Aqoon guud oo balaaran (tani macnaheedu waxuu yahay in suxufigu wax ka yaqaano xiriirka caalamiga ah (international relationship) iyo juqaraafiga adduunka (geography of the world) 4-Dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan 5-Dareen xog ogaalnimo doon ah 6-Cadaalad iyo daacadnimo 7-dhexdhexaadnimo,8-Maskax madax banaan oo wax isweydiisa iyo iwm. Inkasto ay jiraan tiro yar oo ka mid ah saxaafiyiinta Soomaalida kuwaas oo maadada saxaafada iskuulo uga soo baxay, hadana qaabka lagu noqon karo suxufinimaddu waa arrin aad u weyn marka loo eego masuuliyada uu qofku qaadayo, sababtoo ah ficil ahaan wey adagtahay sida suxufi lagu noqon karo mana jiraan imtixaano si cad loogu soo baxo oo kuu sahlaya in aad ku soo biirto saxaafada qeybaheeda kala duwan. Waxa keli ah ee lagaaga baahanyahay waxa weeyaan in aad awood weyn iyo hibo u leedahay wax qorista isla markaasna aad ku hubeysantahay aqoon sal adag leh. Marka sifahan lagaa helo ayay suurto galtahay in laguu aqoonsado suxufi ama saxafiyad aadna fursad fiican u heli kartaa in aad dhexgasho xirfada suxufinimo. Run ahaantii, saxafaddu ma ahan mid gabi ahaanba lagu hanan karo fasaladda ama barida lagu barto maadada saxaafada, Rasmi ahaanteedana, waxaad saxaafada ku baran kartaa in aad markasta ku dhexjirto shaqadda saxaafadda. Ogowna, in macalinkaaga kuugu wanaagsan ee saxafadda ku bari karo ay tahay qibradaada iyo inta waqti ee aad geliso barasha qaab dhismeedka diyaarinta iyo tabinta warka. Waa maxay meelaha ay warbaahinta ku wacantahay ama liidato ? Hanaanka Meelaha ay ku wacantahay Meelaha ay ku liitaan Websites, blogs, microblogs, social media Sifudud ayaa loo heli karaa adeegooda, waxaana kale uu leeyahay qaabab kala gedisan oo leh xiisahooda iyo soo jiidashadooda, waxa aadna ku heli karaysaa qiimo jaban oo degdegsiinyo ah Waxa uu u nugulyahay gudbinta wararka aan saxda ahayn; taasoo badanaa ku salaysan eex iyo aragta guracan. Wargeysyada, Jaraa’idka iyo buugta Gudbinta warar sax ah oo dhammaystiran isla markaasna soojiita dadweynaha Waxaa xadidan qoraalkiisa iyo sawiradiisa, heerka gudbintiisuna waa hooseysaa Fogaan-arag (TV) iyo idaacadaha Waxa uu leeyahay cod wacan oo maqal muuqaal leh kaas oo kusoo jiidanaya goor walba iyo goob kasta Waa alad ku salaysan ganacsi iyo wax ka dhaadhicin waxaana dhicikarta in loo isticmaalo eex iyo kicinta bulshada. Noocyada warbaahinta Noocyada warbaahinta waxaa loo kala saara labo qeybood oo waa weyn. Waxa ayna kalayihiin sidaan: warbaahintii hore iyo warbaahinta cusub ee maanta dunida ka jirta. Marka dib loo milicsado warbaahinta xiliyadii hore waxay ahaan jiraan mid ku dhisan tabinta iyo daabacaad waranka oo kaliyea; sida Jaraa’idada, wargeysyada iyo idaacada maxaliga ama dowliga ah( Radios) , laakin maanta waxaa jira isbedel weyn oo loo qaaday dhanka horumarinta warbaahinta cusub iyada oo la isticmaalayo hannaan dhijitaal ah(digital form) sida blogs and podcasts oo labada ay ku shaqeeyaan hannaanka dhijitaal ah ( digital form). Jaantuskaan ayaa wuxu sifudud kuu fahamsiinaya noocyada warbaahinti hore (traditional media iyo midda cusub ee maanta jirta (new media): Xeerka Anshaxa Saxaafada Soomaliya Runtii wax walba oo la unkayo waxay ubaahanyihiin xeer kaas oo ah marjaca ama meesha kala saarta sax iyo qaladka. Saxaafada Soomaalida waxay leedahay xeerka anshaxa kaas oo ka kooban 21 qodob oo muhiim u ah hanaanka iyo horumarinta saxaafada dalka. 21 kaas qodob waxay sidoo kale aad ugu nuuxnuuxsadeen kala hagedi iyo maaraynta anshaxa saxaafada iyo saxafiya labadaba. Qofkii doonayaa qodabadaan oo dhammaystiran waxa ka daalacan kartaa halkan: Habada,Xoriyadda Warbaahintu (Freedom of the press), waa mid aan la kala dhantaali karin lehna xuquuq iyo waajibaad la mid ah midka aas-aasiga ah ee ay bulshadu u leedahay in la wargeliyo islamarkaana loo ogolaado xornimo ay dadku afkaartooda ku baahiyaan iskuna dhaafsadaan. Sidaa daraadeed, waa muhiin in xeerkan loo karaameeyo si xushmad leh, islamarkaana aan loo fasirin hab khaldan ama horseedi kara in xeerkan uu hakad geliyo habsami u tebinta arimaha danta guud ee bulshadu ay ku jirto. Sidaas owgeed, qeybaha kala gedisan ee warbaahintu waxaa saaran waajibaad looga baahanyahay in ay meel mariyaan kaas oo ah habka ugu sareeya ee anshaxa laga doonayo xirfadlaha warbaahineed. Hadaba waa masuuliyadda tifaaftireyaasha, Hay’adaha Warbaahinta iyo Maamulayaashooda in ay meel mariyaan xeerkan kuna dabbaqaan xeerarka faafreeb ee iyaga u gaarka ah. Waa inay si adag u dhowraan dhamaanba qeybaha kala gedisan ee maamuleyaasha, tifaaftireyaasha, Saxafiyiinta iyo dhinacyada kale ee dibadda ka ah warbaahinta. Saxaafada waa Awooda 4-aad Qoraagii ugu horeeyay ee kalmadaan ku dhawaaqa waxaa uu ahaa nin u dhashay dalka Britain kaas oo lagu magacaabi jiray Edmundorek waxaa uuna dhintay taariikhdu markay ahayd (1797), waxaa la xusaa in mar uu ku sugnaa Aqalka Guurtida ee dowlada Britain uu u soo dhaqaaqay dhankii saxafiyiinta fadhiday waxa uuna ku yiri , ” idinka waxaad tihiin awaado afaraad.” Hadaba taas macnaheeda ma ahan in saxaafadu leeday awooda xeer dejinta, awooda fulinta iyo awooda garsoorka laakin waxay maamushaa maskaxda iyo maanka malaayiinta ku xiran ee kala socda dunida dacaladeeda iyo gudaha dalka kasta. Waxaana xaqiiq ah in saxaafada maanta dowr weyn ka ciyaarto qaabaynta fahamka bulshooyinka dunida. Sidaa owgeed, saxaafada waa awooda afaraad ee bulshooyinka dunida hagta. Taas oo la macna ah in saxaafuda ay tahay mid ka mid ah awoodaha had iyo jeer xakameeya hab dhaqan siyaasada iyo dhaqaalaha dowladaha dunida iyo kuwa ay ka hawlgalaan labaduba. Doorka warbaahinta ay ku leedahay arrimaha bulshada Warbaahinta waxa ay kaalin wayn ka ciyaartaa horumarinta arrimaha bulshada, waxa ay bulshooyinka usoo bandhigtaa macluumaadka iyo fikradaha saameynaya geeddi-socodka go’aan-qaadashada iyo hirgelinta arrimaha la xiriira horumarinta dhaqan-dhaqaalo ee bulsho. Waxaana shaki kujirin in warbaahintu tahay il muhiim ah oo wacyigelin iyo dhisidda fikirka bulshada. CAQABADA HAYSTA SAXAAFADA Caqabadaha haysta saxaafada Somaaliyeed way noocyo badanyihiin laakiin waxaan kusoo koobaynayaa 10-ka qodob ee soo socda: Qodabka 1 aad: Amniga suxufiyiinta Warbixin lagu daabacday webseedka ay leedahay hay’ada calaami ah ee u dhaq-dhaaqda xuquuqda iyo xoriyada saxafiyiinta(IFJ), ayaa waxa ay soo bandhigtay tirada suxuyiinta wax ku noqday rabshadihii ka dhacay dunida dacaladeed iyada oo xustay in 2018-dii uu hoos u dhac ku yimid dilalkii loo geysan jiray saxafiyiinta ka halgala warabaahinta qeybaheeda kala gedesan. Hadaba, sida ay daraasada xustay, waxaa lagu qiyaasay dadka suxufiyiinta ah dhibaatada ka soo gaartay rabshadahaas ilaa 94 suxufi. Waxay hadalkeeda kusoo afmeertay hay’ada xiriirka Caalamiga ah ee Saxafiyiinta (IFJ) dhimashadaas cusub ayaa kor u kacday boqolkiiba 82 marka loo barbar dhiga dilalkii dhicijiray sanadahii la soo dhaafay. Waxaana loo arkaa isbedel hoos u dhac ah laga bilaabo saddexdii sano ee la soo dhaafay. Suxufiyiintii lagu dilay iyaga oo gudanaya waajibaadkood shaqo Sanadkii tagay ee 2018 Dunida oo idil Hay’adaha u dooda xorriyatul qowlka ayaa iyagana sheegaya in dilka xarigga, iyo cagajugleynta saxafiyiinta uu weli yahay mid aan waxba laga qaban. Hay’adda Amnesty International ayaa Turkiga ku tilmaantay dalka ugu horreeya dhinaca xarigga lo gaysto suxufiyiinta. Qodabka 2 aad: aqoonta suxufiga iyo waayo aragnimadiisa Runtii aqoonta, waayo aragnimada iyo anshaxa suuban waa hiraalka iyo horumarka qofkasta. Sida owgeed, waxaad dareemaysaa haddaad u kuurgasho suxufiyiinta Soomaaliyeed in aysan culays weyn saarin barashada mihnada saxaafada. Laakiin, uu waqtiga kaga lumo raadinta xogta ilo wareedyada kala duwan ama raadinta magac iyo maamuus. Laakiin, haddii aad doonayso in aad noqoto suxufi ruugcadaa ah oo magac iyo maamuusba ku dhex leh bulshada qeybaheeda kala duwan,taasna waxay ku xirantahay hadba aqoontaada, waayo aragnimaada iyo kartidada suxufinimo inta ay la egtahay. Taas oo laga dheehankaro sida aad barnamijyada u diyaariso iyo sida aad u soo saarto labadaba. Taasna, waxay u baahantahay in aad waqti geliso barashada milgaha iyo maamuuska xirfada saxafinimada haddii kale Soomalida waxay ku maahmaahdaa , “Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.” Oo macnaheedu yahay haddaadan aqoon iyo karti ulahayn shayga aad sheeganayso aayar ayaa looga dhexbaxaa. Haddii kale, waxaad maciin bidaysaa maahmaahdii kale ee ahayd , “Nin daad qaaday xunbo cuskey.” Qodabka 3 aad: Iskaashi la’aanta haysta suxufiyiinta Iskaashi la’aanta suxufiyiinta waa mid ka mid ah caqabada ugu waa weynt haysta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waayo Somaalida waxay kumaahmaahdaa,” Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan”, taas macnaheeda yahay haddii suxufiyiinta ay u midooban dantooda iyo maslaxadooda waxaa fududaanaysa in si sahlan loo maareeyo dhibooyinka soo wajaha suxufiyiinta meelkasta oo ay dalka ka joogaan. Sidaas dareed, iskaashi waxa uu noqonkaraa mid dhaqan-dhaqaalo, aqoon iyo isbahaysi kaas oo dadka iskaashanaya u sakhiraya in ay si fudud ugu gudbaan caqabada ka horyimaada. Qodabka 4 aad: Awooda saxufiga u leeyahay diyaarinta iyo tabinta wararka Dadka u kuurgala hanaanka tabinta iyo war faafinta warbaahinta Soomaaliyeed waxay farta ku fiiqan in ay jirto aqoon yari la xiriirta hanaanka tabinta ,qoraalka iyo taftarka wararka, taas oo kaaga muuqan karto marka aad horfadhido Fogaan araga(TV), ama aad dhageysanayso idaacad ama aad akhrinayso wargeysyada qeybahooda kala duwan. Taas oo muujinaysa in aysan jiran hanaan kala gedisan( diversity model) oo ay isticmaalaan warbaahinta Soomaaliyeed.waxaana habboon in suxufiyiinta iyo hawlwadeena warbaahinta ay ka digtoonaadaan xuquuqda minguurinta(capy rights) marka ay timaado diyaarinta iyo tabinta warar kala gedisan. Waayo taas waxay dhaawacaysaa sharciga saxaafada,aqoonta suxufiga taas oo ka dhalankarta in uusan suxufigu yeealan hal abuur u gaar ah markasta uu ku tiirsanaado qofkale aqoontiisa. Sidaas owgeed, waxaa mudan in lagu baraarugo khatartaas ka imaanaysa arrintaas aan kor kusoo xusnay haddii kale waxay noqan maahmaahdi ahayd,” bartii yaqaan bari uma kororto!”sidaas owgeed, waxaan suxufiyiinta Soomaaliyeed kula dardaarmayaa barashada hanaanka kala gedisan ee loo tabiyo ama loo diyaariyo wararka in ay ubaahantahay aqoon iyo waayo aragmo mug weyn laakiin taas kaliya lagu gaari karo dadaal iy go’aan qaadasho suuban oo katimaada qofka suxufiyga ah waana in suxufiga markasta uu ilaaliyaa anshaxa iyo asluubta tabinta iyo qoraalka warbaahinta. Qodabka 5 aad: Manhajka iyo agabka waxbarasha suxufiga oo hooseeya Waxaan shaki ku jirin in manhajka iyo agabka waxbarasha saxaafada dalka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u hooseeya marka la barbardhigo dalalka kale ee soo koraya.Waxaana kale oo jira tababarro soo noqnoqda kuwaas oo aan waafaqsanayn baahida warbaahinta. Sidaa owgeed waxaa laga codsanayaa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada in layimaadaan istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta daboolista baahida warbaahineed ee dalka ka jirta, iyada oo weliba la tayeeyo manhajka iyo macalimiinta si loo soo saaro suxufi u carbisan saxaafada qeybaheeda kala gedisan. Qodabka 6 aad: ku dhaqan la’aanta sharciga iyo xeerarka saxaafada ku dhaqan la’aanta sharciga iyo xeerarka saxaafada waxaa ka dhalanaya dhibaatooyin waa weyn, kuwaas oo dhibunahu uu yahay suxufiga. Sidaas owgeed, waxaa habboon in suxufigu ilaaliyo xeerarka iyo anshaxa saxaafada. Sidaas oo kale waxa iyada hobboon in dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ixtiraamaan xeerarka iyo sharciyada saxaafada oo aan saxafiga loo waxyeelayn in uu soo bandhigay runta ka jirta dalka, waayo saxaafada waa muraayada ay dowladda iska daawato isla markaasna ay ku qiimayso waxqabadkeeda. Sidaas owgeed, waxaa mudan in la hirgeliyo isla markaasna lagu dhaqmo xeerarka iyo sharciyada u yaala saxaafada . Qodabka 7 aad: Dhaqaale la’aan haysta Suxufiyiinka; Runtii saxaafada lagama helo dhaqaale, laakin waxaa laga helaa oo kaliya magac iyo maamuus uu ku dhexyeesho saxufiga wanaagsan bulshada dhexdeeda, laakin taas haan uma buuxin. Sidaas owgeed, waxa laga codsanayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyda in ay taageero buuxda siiyaan suxufiyiinta dhankasta oo ahaato waayo suxufiga waa isku xiraha dowladda iyo bulshada sidaas owgeen haddi la hagaajiyo xiriirka u dhexeeya suxufiyiinta iyo dowladda taas waxay dhalinaysaa horumar dhankasta ah. Qodabka 8 aad: Anshaxa baahinta qoraalka ama tabinta wararka Anshaxa baahinta qoraalka ama tabinta wararka oo ah mid liita, isla markaasna u baahan in suxufiyiintu ku baraarugaan kolka ay baahinayaan qoraal ama ay tabinayaan wararka ama barnamijyada taas oo haddaan si wacan laa maarayn dhaawici karta akhristayaasha, dhageystayaasha, daawaadayaasha iyo weliba iyada saamayn mug leh ku yeelan karta sumcada saxufiga ku dhexleeyay bulshada amaba keeni karta dhib ka weyn intaasba. Qodabka 9 aad: Dadka caanka ah oo saameyn ku leh saxaafada Saxaafada Soomalida inteeda badan maanta waxay noqotay meel la isku weydaarsato hadalada qalqalafsan iyo kuwa been abuurka ah, taas oo aad mooda in ay garabmarsan tahay ku dhaqanka xeerarka iyo anshaxa saxaafada dalka leeyahay. Qodabka 10 aad: maamulada xarumaha warbaahinta oo aan aqoon u lahayn mihnada saxaafada Maamulada xarumaha warbaahinta oo aan aqoon u lahayn mihnada saxaafada, xeerarka iyo anshaxa saxaafada.Habada, dadka u kuurgala qaabdhismeedka xarmuha iyo goobaha internetka(website), waxay farta ku fiiqaan in xarumahaas ama goobahaas loo maareeyay si ka duwan sidii looga talagalay oo ah in laga dhigtay meel loo maalgashto si looga sameeyo dhaqaalo iyo ganacsi taas oo dhabarjab weyn ku ah hirgelinta xeerka iyo anshaxa saxaafada Soomaaliyeed. Gunaanad Saxaafadu ma ahan wax fudud oo qaacido lagu soo koobi karo waxaana laga yaabaa in sida ugu dhaw uguna haboon aynu ku sharxi karno ay tahay kaalin muuhim ah oo u adeegta bulshada ama shacabka, War cusub oo joogta ahna gaarsiiya qeybaha kala duwan ee bulshadda mana ahan hawl damaanadeeda si fudud lagu qaadi karo. Saxaafada iyo suxufinimaddu waa muhiim waxayna u baahantahay masuuliyad weyn iyo u bislaansho qoto dheer waayo waxa ay saameyn ku dhex leeyihiin Ra’yu caalamka guud ee dadweynaha iyo miisaan weyn oo bulshadda dhexdeeda ah. Sidaa awgeed wa in suxufiyiintu si fiican u fahamasanyahihiin xirfadooda si aysan u geysan waxyeelooyin ka imaan kara xirfadooda suxufinimo oo aysan si qaldan u adeegsadaan ama loogu adeegsado. Waxaadna ogaataa in saxaafadu ka madax banaantahay qabyaalada iyo qof jeclaysi ama nacaybsi waana mid had iyo jeer ku salaysan runta, cadaalada iyo dhexdhexaadnimada xogta ama wararka ay tabinayso. Talo soo jeedin: Waa in lagu dhaqmaa xeerka iyo anshaxa saxaafada kaas oo aad hadda mooda mid aan weli la dhammaystiran Waa in la sameeyaa hanaanka sugan kaas leh islaxisaabtan ku aadan dadka si xun u isticmaala saxaafada iyo qalabka warbaahinta. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta. In la dadajiyo sharciga saxaafadda ee baarlamaanka hor-yaalla, waxna laga beddelo qodobbada qaar ka hor inta aan la ansixin. Qodobbada walaaca leh waxaa ka mid ah Shuruudda wariyaha. Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waa in ay layimaadaan istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta daboolista baahida warbaahineed ee dalka ka jirta, iyada oo weliba la tayeeyo manhajka iyo macalimiinta si loo soo saaro suxufi u carbisan saxaafada qeybaheeda kala gedisan. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta. Qoraalkaan waxaa igu kallifay in aan soo bandhigo markii aan arkay ahmiyadda ay leedahay saxaafada iyo sida dadka qaarkiis ay uga dhigtaan goob ama fagaaraha laga tabiyo wixi xun isla markaasna keeni kara burbur iyo qaran jab. Sidaas si lamid ah, ayaa waxaa kaloo ii muuqday in lagu tumanayo xeerarka iyo anshaxa ay leedaahay saxaafada dalka Soomaaliyeed. Habada, waxaa habboon in la dhaqangeliyo xeerarka iyo anshaxa saxaafadu leeday si looga badbaado wax kasta oo keenikaro burbur iyo in ummada hankeeda dowladnimo uu hoos u dhaco. Tixraac Wikipedia somaliatalk.com/2010/dec/xeerka_warbaahinta.pdf International federation of journalists: Al Jazeera and news agencies http://www. barbaarmedia.com https://mawdoo3.com www.bbc.com/somali Cismaan Maxamuud Nuur (Dheere) The post Saxaafadu waa Seef laba afleey ah (Maqaal) appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Shalay magaalada Nairobi shir ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda axsaabta siyaasadeed, xildhibaanno mucaarad ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, kaas oo ay ku dalbanayeen in xukuumadda haatan la kala diro. Waxay xildhibaannadaas iyo siyaasiyiintu ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya inay diidday in mucaaradku ay shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho, sidaas daraaddeedna ay ugu qabteen Nairobi. Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galay kulankaas ayaa BBC-da u sheegay in hoteellada Muqdisho laga xannibay in lagu qabto shirar siyaasadeed. “Waxaa waajib ah in xaqa dastuuriga ah ee qofka la eego oo hoteellada loo fasaxo ganacsiyadooda, taas ayaa sabab u ah inaan Nairobi ku qabanno shirka, eeddeedana waxaa yeelaneysa xukuumadda,” ayuu yiri Cabdifitaax. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in siyaasiyiintu ay la gudbooneyd inay iyagoo gudaha dalka jooga ay talooyin u soo jeediyaan dowladda. “Dalkan dowlad ayuu leeyahay, ceddii wax qabsanayso waa inay codsi u soo qorataa wasaaradaha iyo hay`adaha ay quseyso, waayo ammaankooda ayaa lagu sugayaa. Iyaga ayaa doonaya inay dad isu keenaan oo wixii amni darro dhacana dowladda ku eedeeyaan, taasi suurto gal maaha.” Ayay tiri. Inkastoo ay cudurdaar u yeeleen in dowlada hadda jirta ay u diiday inay ku shiraan magaalada Muqdisho, taasoo keentay inuu shirkooda ka dhaco magaalada Nairobi, haddana waxaa ku jiray xildhibanno fara badan oo maalin kasta ku dhegan madaxda dowladda iyadoo Muqdisho jooga. Siyaasiyiintan ayaa ujeeddada ugu weyn ee shirkooda ku sheegay inay walaac ka qabaan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta ee dalka, iyagoo soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, siyaasadda dibadda iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland. Waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda ammaanka dalka, ayna ka gaabisay la dagaallanka Alshabaab, waxayna soo jeediyeen in la dhiso xukuumad cusub. “Madaxweynaha labo sano ayaa u harsan, laakiin raysal wasaaraha waxaan soo jeedinayaa in xilka laga qaado oo lagu beddelo qof ka karti badan oo howlaha loo igmaday qabanaya. Annagu ma nihin xukun raadis oo ma dhahayno annaga ha nalagu beddelo, ee waxaan dooneynaa in qof kale oo ka habboon lagu beddelo .” Ayuu yiri Cabdifitaax. Khaladaadka ku jira war-murtiyeedka siyaasiyiintaasi waxaa ka mida: 1- Inay ahaayeen shaqsiyaad ilaa 30 xubnood ah oo u badan musharixiin hore iyo mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay dowaldda hadda jirta, isla markaana aanay jirin cid ay hadda metelaan iyo sharciyad ay ku hadli karaan, marka laga reebo inay ahaayeen koox oo ra’yi isku darsatay. 2- Inay codsi u direen madaxweyne Frmaajo si uu meesha uga saaro xukuumadda hadda jirta, taasoo aan ahayn qaab lagu rido Ra’iisal wasaare iyo xukuumad; sida xukuumad loo rido waxaa loo maraa Baarlamaanka, iyadoo loo qaadayo codka kalsoonida marka mooshin laga keeno, kamana mid aha awoodaha madaxweynaha. 3- Qabashada shirweyne Qaran: Waxa ku hanjabeen inay shirweyne Qaran bisha June ku qabanayaan magaalada Muqdisho, haddii la casili waayo xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo micnaheedu yahay fowdo iyo sharci darro laga booday hay’adihii sharciga ahaa sida Baarlamaanka. Marka la isku soo duubo kooxda siyaasiyiinta ah ee ku shirtay magaalada Nairobi waxay u muuqdeen inay xilal u ooman yihiin oo kaliya, iyagoo og inaysan suuragal ahayn xilligan si loo kala saaro Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-23042019-ww.mp3 View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayay oo dhawr maalmood safar ugu maqnaa dalka UAE ayaa Axadii ku soo laabtay caasimadda Hargeysa. Madaxweyne Biixi, ayaan sidii looga bartay saxaafadda wax war ah siinin si ay umada ugu sii gudbiso, bedelkiisana waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo sheegay in Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta UAE ay ka wada hadleen dhawr qodob oo ay shacabku su’aalo badan iska weydiiyeen. Madaxweyne; yaad la kulantay? Mudane Madaxweyne, inkastoo uu Wasiirkaaga khaarajigu sheegay inaad masuuliyiitna dawladda UAE ka wada hadasheen dhawr qodob oo kala duwan, haddana wasiirku ma sheegin masuuliyiinta aad la kulantay kuwa ay yihiin iyo darajadooda, lamana arag wax muuqaal ah oo ay madaxtooyadu la wadaagtay warbaahinta oo ku saabsan kulamadaas, sidii looga bartay safaradii aad hore dibadda uga baxday oo ay madaxtooyadu warbaahinta la wadaagtay meel kasta oo aad martay. Waxa keliya ee la ogyahay inaad saddex habeen ku maqnayd dalka UAE. Madaarkii Berbera Mudane Madaxweyne, Wasiirkaaga arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in saldhigii milatari ee UAE ka dhisanaysay Berbera sidoo kalena loo isticmaali doono duulimaadyada rayidka ah, “Waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon. Laakiin Madaxweyne heshiiskii ay xukuumadii Siilaanyo ka ansixisay labada gole Baarlamaan waxa ku jiray qodob sheegayay in UAE dhisi doonto madaar shacab. Qodobka 8aad ee heshiiskaas, faqradiisa ‘T’ waxay odhanaysay in dawladda UAE dhisi doonto madaar cusub “ T) Dhismaha Madaar cusub oo laga hirgeliyo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).” Sidaas ayuu u dhignaai qodobka 8aad ee heshiiskaas labada gole ansixiyeen, faqradiisa ‘T’. Waxa markaas Madaxweynoow la isweydiinayaa ma isbedel ayaa lagu sameeyay qodobadii heshiiska oo UAE waxay joojisay dhismaha madaarkii cusbaa ee heshiiskaas ku jiray. Waa su’aal Madaxweyne, lagaa sugayo inaad umadda uga jawaabto Is afgarad, heshiis mise wada hadal Madaxweyne, wuxuu wasiirkaaga arrimaha dibadu sheegay in qodobada kale ee in la xuso mudan ee aad ka wada hadasheen dawladda UAE ay ka mid ahaayeen in UAE iyo Somaliland sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland oo gaadhsiisa caalamka ama dalalka kale ee Carbeed, “Arrintaasi waa arrin weyn oo la soo galay oo la filayo inay dhaqaalaha badan ka qaban doonto” ayuu yidi Wasiirul khaarajigu. Madaxweyne, Wasiirku ma sheegin in hay’adan cusub laga wada hadlay, ama is afgarad laga gaadhay amaba heshiis la saxeexay. Saddexdaas midka ay tahayba waxa lagaa sugayaa inaad umadda u soo bandhigto, waayo xooluhu waa laf dhabarta dhaqaalaha umadda Somaliland, waxaana dhoofinta xoolaha Somaliland ka shaqaysa ganacsato badan oo reer Somaliland. Sidoo kale wuxuu Wasiirku sheegay in laga wada hadlay in sidii loo xoojin lahaa baanka dhexe ee Somaliland. Laakiin waxa xiiso badan inaanay weftiga Madaxweyne Biixi ka mid ahayn cid ka socota Baanka Somaliland amaba wasaaradda xanaanada xoolaha oo ay labadan qodoba khuseeyaan. Warbaahinta UAE Socdaalkan uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalka UAE wuxuu noqonayaa socdaalkii saddexaad. Marka laga reebo socdalakiisii u horeeyay oo ay warbaahinta UAE warbixino badan oo kala duwan ka diyaarisay, socdaalkan u dambeeyay iyo socdaalkii ka horeeyay waxa muuqata in warbaahinta UAE oo ay gacanta ku hayso dawladda UAE aanay wax warbixino ah ka diyaarin Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa. Madaxweyne, socdaalkaagii u horeeyay waxay warbaahinta UAE siisay ahmiyad gaar ah, socdaalkii labaad waxay warbaahinta UAE u muuqatay inaanay wax dareen ah siinin, socdaalkan u dambeeyayna waxa xataa la waayay wax muuqaal ah oo ku saabsan socdaalkaaga shaqo ee UAE iyo kulamada aad ka qayb gashay. Gunaanad Madaxweyne, socdaalkaagan u dambeeyay wuxuu ahaa kedis, iyadoo aanay bil ka soo wareegin socdaalkii u dambeeyay ee aad UAE ku tago, ayaad haddana socdaalkan u dambeeyay ku gaadhay dalkaas. Waxa socdaalkan la iska weydiinayaa Madaxweyne su’aalo badan oo ay ka mid yihiin su’aalahn xagga sare ku xusan iyo weliba kuwo kale oo badan. Madaxweyne, waxa markaas loo baahanyahay inaad umadda la hadasho oo aad uga jawaabto su’aalo badan oo ka dhashay socdaalkan iyo weliba hadalka wasiirkaaga arrimaha dibadu siiyay saxaafadda. Source
  11. Hargeysa (Somalilandtoday) Siyaasiyiin badan oo miisaan ku lahaa saaxada siyaasadda Somaliland oo iskugu jira Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenadii hore ee soo maray Somaliland,ayaa gebi ahaan-ba hadda si toos ah uga muquurta ka haddalka xaaladaha dalka ka jiray, kuwaas oo cahdigii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka hadli jiray xaaladaha ka alloosnaa dalka, isla markaana dhaliilo kala duwan dusha u saari jiray Xukuumaddaasi,iyagoo hadda ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegayaa inuu jiro is fahan hoose uu dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo xubnahaasi Siyaasiyiinta ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland iyo ka haddalka xaaladaha dalka tan iyo wakhtigii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Biixi, ayaa waxa kamid ah Odayaashii madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland isku bahaystay, kuwaas oo ay kamid ahayeen Mujaahid Xasan Guure,Mujaahid dhega weyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Prof Cabdisalan Yaasiin iyo xubno kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madashu ay wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey inay ka hadli jireen xaaladaha dalka ka alloosan , isla markaana ay dhaliilo u jeedin jireen, waxaanay xuluufadaasi Madasha ku bahowday ay cahdigaasi ahayeen kuwa shirar saxaafadeed-yo is daba jooga qaban jiray oo ay ku dhaliili jireen Xukuumaddaasi Siilaanyo, haseyeeshee tan iyo wakhtigii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ayey noqdeen kuwa ka gaabsatay ka haddalka xaaladaha dalka oo ay gebi ahaan-ba ka muquurteen Xoggo kala duwan oo laga hellayo illo wareed-yo kale gedisan ayaa sheegaya in odayaasha Madasha iyo Madaxweyne Biixi uu jiro is fahan hoose oo u dhaxeeya, kaasi oo ah in aanay Xukuumaddiisa ka hor iman isla markaana aanay dhaliil iyo toosan mid-na war-baahinta u marini, balse ay wixii talo iyo toosin ah si hoos isaga ula wadaagaan, isla markaana uu albaabkiisu u furan yahay xili kasta Dhanka kale kalene Siyaasi Cali Guray oo kamid ah isaga laftiisu siyaasiyiintii dhaliili jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo , haseyeeshaa hadda afka ka xidhay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isagu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bogga Facbuuga uu ku leeyahay kaasi oo u dhignaa sidan “Maxmed Xaashi mee? Xasan Guure mee? Boobe mee? Ibraahin Dhegawayne me? Caligurey mee?Raggan badankoodu CIRKIYO DHULKA MEEL DHEXDOODA AHOON DHANABA JIRIN BAY DHACDHACAYAANE ISKA DAAYA. Maxamed Xaashi isagu waa Muuse saaxiibkii muddo ayay kala baadeen malahase hadda dib ayaabay isu heleen. Mooyi ma hubo.”Ayuu ku yidhi Cali Gurey qoraalkiisa Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee soo maray Somaliland ayaa iyana u muuqda wakhtigan kuwa ka muquurtay ka hadalka xaaladaha dalka iyagoo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi talada dalka qabtay ay yihiin kuwa aan ka haddal xaaladaha dalka, halka ay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo isku bahaysan jireen ka haddalka xaaladaha dalka ka jira oo ay keli keli iyo wadar jirba uga hadli jireen xaalada dalku uu marayo , balse bulshada reer Somalilana ayaa ah hadda kuwa su’aalo badan iska weydiinaya waxaay uga aamuseen inay ka hadlaan xaaladaha kala jeedka ah ee dalka ka taagan. Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu Maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 25 April uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay. Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Sharifi ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas. Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21. Imaanshaha Shariif ee Muqdisho ayaa la rumeysan yahay inuu culeys siyaasadeed ku yahay dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo horay Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Shiikh Shariif ayaa Muqdisho imaanayo xili ay Dowladda Soomaaliya la kulmeyso culeyso siyaasadeed oo kaga imaanayo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku kacsan Dowladda uu hoggaamiye Farmaajo. Sidoo kalana wuxuu kusoo aadayaa Xilli madaxda Maamul Goboleedyada ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaas oo ay kulan kula yeesheen Beesha Caalamka iyagoo dacwad ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Eritrea reportedly closed the Bure-Assab road starting Monday morning, according to a report by DW Amharic. This was the only border that was not closed. The road was opened ceremoniously with the presence of Eritrean president Isayas Afeworki and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed after the two countries ended two decades old hostility in 2018. The border closure came four days after the Omhajer-Humera border, which is in the north Western part of Ethiopia and South West of Eritrea, is closed. The road closure is only on the Eritrean side. Why Eritrea has to close the border is unclear but the DW Amharic reported that there are speculations that the action has something to do with move to regulate commerce between the two countries. What is clear is, based on DW Amharic Report which is published on Monday April 22,2018 is that higher authority in Asmara has ordered the closure. Qaran News
  14. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in the Egyptian capital, Cairo on Monday. The president and his delegation will take part in a consultation meeting convened by Egyptian President, Abdulfatah al Sisi who is the current African Union Chairman on the ongoing political development in Sudan and Libya. “The President will take part in a meeting by the neighbors of Sudan and IGAD,” Somali Foreign Minister Ahmed Awad said. Somali head of state and his delegation will also have sideline meeting with President Al Sisi of Egypt before the summit to discuss the mutual interest of both Arab countries. Heads of Governments from Chad, Djibouti, Rwanda, Congo, South Africa, the Ethiopian deputy prime minister, the South Sudanese advisor for security affairs, as well as officials from Uganda and Nigeria will be attending the consultation meeting in Cairo on Tuesday. Sudan has been witnessing a clash between the Sudanese Transitional Military Council (TMC) and protesters over the handover to civilian rule, only 10 days after the ousting of former President Omar Hassan Al-Bashir. The talks between the military and opposition parties continue despite calls for the transfer of power to civilian rule. View the full article
  15. Burco:(SL-T)Barnaamij Xiiso Badan Oo Sugaan Kaftan Iyo Qosol Ba Isku Jira Oo Lagu Waraystay Mid Ka Mid Ah Albuurada Togdheer Source
  16. Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kumaandooska Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee PMPF waxaana la sheegay in askari kale uu ku dilay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Sarkaal la dilay oo lagu Magacaabi jiray Xasan Mire jaceyl ayaa ka dhacay taliska ciidamada (PMPF). Ee duleedka Boosaaso,waxaana la sheegay in uu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada, kadib khilaaf soo kala dhex galay. Dilka kadib Ciidamada Puntland ee Saldhigaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Askariga dilka u geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa Kumaandoosta. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in askariga dilka u geystay sarkaalka dhawaan Maxkamad la horgeyn doono,isla markaana ay gacanta ku hayaan. Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sida ay isku qabteen labada ruux, waxaana xabsiga la dhigay askariga dilka geystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Xidigihii saddexlayda bishii December 2018 ka dhaliyay xulka Jabuuti Feysal Axmed Xasan kana mid ahaa ciyaartooydii dalka u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka ayaa si rasmi ugu mid noqday naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaana saxiixan laacibkan isha ku hayay kooxaha waaweyn ee dalka. Cabdi Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka tirsan macalimiinta kooxda Muqdsiho City Club ayaa sheegay in uu kalsoonyahay xirfada laacib Feysal Axmed si weyn loo sugayo xirfadiisa goolasha uu kusoo bandhigay waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay 2018. Feysal Axmed Xasan ayaa ka haray kooxdii ka timid wadanka Britain,balse isaga uu kasoo raacay dalka Norway wuxuuna caasimada Muqdisho laacibka u imaaday ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhagal bulsho,balse laacibkan waxa uu safarka kooxdii uu la soccday uga haray waajibaadka xulka qaranka. Kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa si weyn ugu loolalamay saxiixan xidigana,balse falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragti ah in laaciibkan uu biixin karo boosas badan oo iminka ka maqana kooxda Muqdisho City Club sanadaha soo aadan oo koobab badan kula guulaysandoono M.C.C. Taageerayaasha kooxda Muqdisho City Club ayaa qaba rajo wanaagsan taas oo ku aadan in sanadkan tartamada kubbadda cagta mid ka mid ah ay ku guulaysan karaan maadaama sanadkii lasoo dhaafay 2018 ay hanteyn koobka sanadalaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Feysal Iyo Ku Biiritaankiisa Kooxda Muqdisho City Club W/D-W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa sheegay inay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay saddexda xisbi sidaa darareed labadooda oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya. Qodobada ay ku heshiiyeen Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa waxa ka mid ah in guddidan doorashada ee hadda joogaa ay sii wadaan hawlaha ka horreeya doorashada, marka wakhtigoodu dhammaadana la soo magacaabo guddi doorasho oo 7 xubnood ka kooban. Labada xisbi ayaa ku eedeeyay xisbiga WADDANI in aanu diyaar u ahayn doorasho wakhtigeedii ku dhacda. Xisbiga WADDANI ayaa hore kalsoonida ugala noqday guddida doorashada ee hadda la sheegay in ay sii wadayaan hawlaha ka horreeya doorashada. Warkan oo faah-faahsan goor-dhaw la soco Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliyo iyo maamulka Puntland ayaa khilaaf hoose uu soo kala dhex galay, kaasi oo ka dhashay mashaariic dhanka caafimaadka ah. Warar Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay isku qabteen la wareegida Mashaariic Caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ay maamuleysay. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in sanado kadib la wareegto maamulka Mashaariic dhanka caafimaadka la xiriira oo laga fulin jiray deegaanada maamulka Puntland, halka Puntland ay dooneyso inaan laga wareejin mashaariicda caafimaadka. Muddo 10 sano ah ayaa la sheegay in mashaariicda dhanka caafimaadka laga fulin jiray deegaanada maamulkaasi, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay maamulaan Mashaariicda, sida wararka aan ku heleyno. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in xubno matalayay Puntland oo Muqdisho kaga qeyb galayay shir arimahaasi looga hadlayay ay caro darteed ka baxeen shirka, waxaana taasi ay keentay in natiijo la’aan lagu kala tago. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan kulanka lagu kala tagay, waxaana socda sidii markale xubnaha kala matalaya labada dhinac ay kulamo kala ku yeelan lahaayeen. Ma wanaagsana xiriirka Puntland kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxaana Puntland ay ka carootay markii Garowe laga wareejiyay kulan u dhaxeeyay dowladda iyo maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho ayaa ka hadlay shir siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Xildhibaano ka tiran BFS ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Natiijada ka soo baxday shirkaasi ayuu sheegay in aysan wax tar u laheyn guud ahaan Ummadda Soomaliyeed. Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay la shireen Beesha Calamka, balse waxa uu xusay in ay isku soo Sawireen shaqaale ka tirsan QM, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Sofeysane-1.mp3 View the full article
  21. Wasaarada caafimaadka dowladda Puntland ayaa qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka waxa ay udirtay gobolada Sool, Sanaag, iyo Haylaan oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka [...] Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Tan iyo intii Somaliland Xornimada lasoo noqotay ee dib u dhiska lagu samaynayay dalka, ciidamada kala duwan ee qaranku waxa ay ahaayeen kuwo shacabka tix-gelin ballaadhan ka haysta marka la eego doorka ay ku lahaayeen dib u dhiska iyo nabadaynta qaranka iyo dhinaca kale duruufaha adag ee ay muddodaasi soddonka sano ku dhaw ku soo shaqaynayeen. Ciidamada Booliska Somaliland oo ka mid ah ciidamada qaranka ee kala duwani waxa ay hore ugu suntanaayeen dadaal iyo naf-huris ay qarankooda ugu shaqaynayeen tan iyo maalintii dhidibada loo taagay sannadkii 1993-kii wakhtigaasi oo ay soo mareen duruufo kala duwan oo waayahooda lahaa bulshaduna in badan ka war qabtay doorka iyo kaalinta ay qaranka ugu jiraan balse muddooyinkii ugu dambeeyey marka aad eegto hab-dhaqannada layaabka leh ee ay marar badan ku kacaan ciidamada ammaanku waxa soo baxaya hoos u dhac weyn oo ku yimid shacbiyaddii ay umadda ku dhex lahaayeen iyada oo intaasi Bulsahdu ku baaqayso in la gaadhay wakhtigii ciidamada booliska dib u habayn ballaadhan lagu samayn lahaa (Reform). Hannaanka ay uga jawaabaan rabshadaha wakhtiyada qaarkood dhaca ee ay rabshadaha uga hor tagaan waxa ay hore u keentay marar badan in ay rasaas nool dad badan ku laayeen. Sidoo kale waxa muddo badan isa soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta yar ee suuqyada ku ganacsadaa dhibaatada ay kala kulmaan ciidamada ammaanka sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida bacad-yaalka ah. Saxaafadda ayaa iyana muddo dheer cabasho ka soo yeedhaysay hannaanka dhibka badan ee boolisku ula dhaqmaan marka ay hawlgallo ka dhan ah saxaafadda fulinayaan iyada oo la wada xasuusto qaabkii uu dhawaan askari ka tirsan ciidamada boolisku u waxyeeleeyey gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii oo ka tirsanaa Telefishanka HCTV iyo waliba hawlgalkii ugu dambeeyey oo shalay ciidamada Boolisku ku waxyeeleeyeen mid ka mid ah wariyayaasha Telefishanka kaasi oo la sheegay in askari ka tirsan ciidamada nabad galyada waddooyinku soo gaadhsiiyey dhaawac jabniin ah. Dhinaca kale falkii loogu hadal haynta badnaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey si gaar ahna u qabsaday waxa baraha Bulshadu waxa uu ahaa muuqaalka muujinaya qaabka argagaxa leh ee laba ka tirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayaan haweenay ummul ah oo ka mid ahaa dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga binaynayo madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa. Badiba dadka aaraada iyo afkaaraha kala duwan ka bixinayay muuqaalka laga soo duubay falkaasi labada askari kula kaceen haweenaydan uurka leh oo ay baastoolad qoorta kaga qabteen marar badana jiidjiidayaan waxa kaaa muuqanaysa sida shacabku khaati uga taagan yahay soo laab laabashada falalka gurracan ee ciidamada ammaanku ku dhaqmayaan muddooyinkan ugu dambeeyey iyada oo sannadkii hore dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ay soo saartay warbixin dheer ay ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada dalka ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala bixiyay in ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn. Waxa iyana xusid mudan in dhawaan Golayaasha sharci dejinta ee dalku baas gareeyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen in uu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada in ay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska balse xeerkaasi dib loos oo celiyey wax ka baddalna lagu sameeyey. Ururrada u doodda xuquuqal insaanka iyo qaar ka mid ah qareennada Somaliland ayaa dhawaan mar ay arrinka xeerkan ka hadlayeen waxa ay sheegeen in ay walaac weyn ka qabaan in xeerkaasi laga saaray qodobo badan oo muhiim ah oo Booliska xakamayn lahaa. Source