Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawan isku afgartay in dib lo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal. Labada dal ayaa ku heshiiyey in safiiradooda dib u bilaabaan howshooda Dimlomaasiyadeed kadib asbuucyo ay hakad ku jirtay maadaama ay taagneyd xiisad ka dhalatay dacwad ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka kadib markii ay Kenya sheegatay qeybo kamid ah Badda Soomaaliya. Lucas Tumbo oo ah Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa dib u dib Muqdisho uga bilaabay howlihiisa diblomasiyadeed, balse waxaa is waydiin mudan sababta uusan Safiirka Soomaaliya weli u tagin Magaalada Nairobi. Amb. Tarsan ayaa Habeen hore Transit ku ahaa Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxaa xilligaas wada hadal dheer loo ogolaaday inuu seexdo Hotel ku yaalla gudaha garoonka, saacadihii uu ku sugnaa garoonka. Tarsan ayaa Shalay Muqdisho kusoo laabtay, waxaana jiro caqabado ka hor taagan inuu dib ugu laabto Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya si uu u qabsado howlihiisa diblomaasiyadeed. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan weli qorin warqadii codsiga aheyd ee dib u laabashadiisa Nairobi, sidoo kalana waxaa jiraan arrimo kale oo la isla dhex marayo oo ay kamid tahay inuusan Tarsan ku qanacsaneyn inuu dib ugu laabto Nairobi uuna ka fakarayo inay Dowladda Soomaaliya u magacowdo xil kale. Dowladda Kenya ayaa bartamihii bishii February ku amartay Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi inuu dib ugu laabto dalkiisa, halka Safiirkii u joogay Muqdisho ay u yeeratay inuu si degdeg ah u soo galo, iyadoo Kenya xilligaas cabasho ka muujineysay xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay shidaal ku jira dhulka badeedka ay sheeganeyso ee uu muranka ka taagan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 33-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/04/2019, warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, horumarinta beeraha iyo horumarinta Biyaha. Ugu horayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha dhaqaalaha dalka isagoo wasiirku isbarbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay. Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya 43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii. Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku da’aan wakhtigii la sugayey sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga, waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan biyo ku filan wakhtigan. Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan. Source
  3. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha madaxweynha mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray hirgelinta iyo fulinta xeerka kufsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii golaha xukuumadda ee khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019. Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay wasiiradda wasaaraddaha Haweenka, cadaaladda, caafimaadka, taliyaha ciidanka booliska Puntland, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, taliyaha ciidanka danbi baarista, guddoomiyaha guddiga xuuqda aadanaha iyo guddiga sare ee garsoorka. Sidoo kale, madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aasaasay guddiga gaarka ah ee fullinta iyo maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron 1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga, 2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga, 3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada cilka kufsiga ee dilku la socdo, 4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo ka warbixinayey shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay gargaar caafimaad oo deg deg ah gaarsiisay degmada Taleex ee gobolka Sool kadib markii halkaasi uu ka dillaacay cudurka Shuban-biyoodka. Sabareey ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka Puntland ay laba kooxood oo caafimaad u dirtay degmada Taleex si ay ula tacaalaan xaaladda cudurka Shuban-biyoodka oo ku dhacay qaar kamid ah bulshada degmadaasi ku nool. Wasiirka ayaa sii raaciyay in kadib markii ay gurmad caafimaad u fidisay xukuumadda Puntland ay haatan xaaladoodu soo hagaagayso dadkii uu ku dhacay cudurka Shuban-biyood ee ka dillaacay degmada Taleex. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay gurmad caafimaad gaarsiisay degmada Taleex oo Shuban ka dillaacay appeared first on Puntland Post.
  5. Balanbale (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad colaadeed laga dareemayo deegaanka Balanbale ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhexeyso Maleeshiyo Beeleed wada daga halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya in markale dagaallo ay ka dhacay gudaha deegaankaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona Maleeshiyaadka labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro, Xildhibaano, Senataro, siyaasiyiin iyo dadweyne faran bada ayaa si weyn u soo dhaweeyay Sheekh Shariif oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran. Waxa uu tilmaamay isaga oo la hadlay taageerayaashiisa inuu u yimid arrimo la xariira xisbigiisa oo la sheegay in dib u habeyn iyo isbedal lagu samey rabo. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa tan iyo markii uu isaga tagay xilka ku noolaa dalka dibaddiisa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  7. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna si weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb waxaana loo dhigay Roog Cagaaran. Xildhibaanka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaano, Wasiiro iyo Odayaal dhaqameedyo. Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal ayaa sharaxaad ka bixiyey Sababta ka dambeyso safarkiisa uu ku kala tagayo Dhuusamareeb iyo Guriceel. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Mahad Salaad Saakay waxaan safar ugu anbabaxay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug. Safarkeygu wuxuu isugu jiraa: Dib-u-heshiisiin guud iyo mid gaar ahaaneed. Gogol xaar sidii loogu diyaar garoobi lahaa gogashii uu fidiyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur. Furida mashaariic dhinaca biyaha ah oo aan ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Guriceel, Balanbale iyo Dhuusamareeb. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  8. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka M/Muqdisho. “Howlgal aan cidi wax ku noqon oo Ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka NISA. Hay’adda Nabad Sugida ayaa sidoo kale tilmaantay in Saraakiisha amniga ay ku hayaan baaritaan la xariira howlaha uu ku jiray ninka la soo qabtey, oo aan wali magaciisa iyo goorta gacanta lagu dhigay aan la shaacin. Maalin ka hor, NISA ayaa sheegtay in Ciidanka amniga ay qabten xubin ka mid ah Amniyaatka Al Shabaab oo ku sugnaa degmada Shibis, kaas oo ay xustay in uu ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ee gobolka Banaadir. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan sheegashada NISA ee ah in la qabtey labo xubnood oo garabka Sirdoonkeeda ka tirsanaa. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda horumarinta khayraadka Badda, Kalluumaysiga iyo Xannaanada Xoolaha Xasan Maxamed Cali Xasan gaafaadhi Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey, Halkan hoose ka akhriso Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo shalay dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa uu isla maanta-ba cisbitalka Gargaar ee magaalada Hargeysa uu ku booqdey Saxafi Khadar Macalin Deeq Tifatirihii Bulsho Tv oo ciidammada Boolisku ay jidh dil u geysteen muddo afar cisho ah ka hor Saxafi Khadar Macalin Deeq ayaa dhawaac ka soo gaadhay misig-ta oo laba meelood dilaac ku yimid, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Addis Ababa (SMN) – Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay go’aankii horaantii bishan April ka soo baxay dowladda Belgium ee ay ku shaacisay in ay ku aqoonsatay baasaboorka dalka Soomaaliya. War-Saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid xoojinaysa xiriirka Soomaaliya iyo Belgium-ka, sidoo kalena u fududeynayso dowladda Federaalka in ay si toos ah ula macaamisho hay’adaha Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay magaaladda Brussels. Xoghayaha Guud ee IGAD Mahboub Maalim ayaa tilmaamay in go’aanka Belgium-ka uu muujinayso in ay jirto kalsooni sii xoogeysanaysa oo Beesha Caalamka ay ku qabaan dowladda Federalka ah ee Soomaaliya. Mahboub Maalim ayaa ugu baaqay dalalka kale ee Yurub inay ku daydaan tallaabada Belgium-ka isagoo ka codsaday in ay aqoonsadaan Baasaboorka Soomaaliya. Dowladda Belgium-ka ayaa todobaad ka hor shaaciayay in ay aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha ee Soomaaliya, balse dib u dhigtay aqoonsiga Baasaboorka dadka caadiga ah ah ee aan u shaqeynin dowladda. Dowlado badan ayaa joojiyay in dalalkooda lagu tago Baasaboorka Soomaaliya, kadib markii la riday dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, sababo la xiriira amniga. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee heysto Dhalashada dalka UK ayaa waxay Magaalada Muqdisho kula kulmeyn safiirkooda u fadhiyo Soomaaliya. Kulanka labada dhinac oo ka dhacay safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxaa la iskula soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya, sida ay u wada shaqeyn karaan labada dal iyo waxyaabaha la midka ah. Safaaradda INgiriiska ee Soomaaliya ayaa intii uu kulanka socday waxaa ay soo bandhigtay habka ay u socdaan kaalmada Dowladda UK ay ku bixiso Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Dalalka Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan safaaradda UK ee Muqdisho iyo Xildhibaannada heysta dhalashada Ingiriiska eek u jira Baarlamaanka Soomaaliya. Inta badan Xildhibanada, Wasiirada iyo madaxda ugu sareeyo dalka ayaa heysto dhalasho dalal kale taasoo qeyb ka ah Xisilooni darada siyaasadeed ee ka taagan dalka maadaama ay ka shaqeenayaan danaha dalal kale isla markaasna aysan dan ka laheyn dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-250419-sx.mp3 View the full article
  14. ” Kaftanka maanta ,Sunaha kulmiye ku socdo ” . Wax waliba dabeecad iyo sune ay ku socdaan ayay leeyihiine,Xisbiga kulmiye sunne iyo khariidad uu ku socdo ayuu leeyahay , taasoo marka aad muuqaalkeeda aragtaba aad si fudud u fahmi karto . Sunaha kulmiye ku socdana waa tubtii iyo wadadii uu jeexay maamulkii Siilaanyo . Tusaale . Xukuumaddii Siilaanyo , bahda Magaaladdu waxay ku lahayd shan wasiir , kuwaasoo kala ahaa afar wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah , waxaanay bahdu waagaas ahayd beesha ugu wasiirada badan . Xukuumadda Cusub ee Muuse , Bahda miyigu waxay ku leedahay Afar Wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah . Xukuumadii Siilaanyo , waxay soo kordhisay labadii sanno ee ugu horeeyey ,boos aan horre u jiri jirin , waxaana booskaas oo loo bixiyey Cheif of Cabinet loo magacaabay nin aan horre siyaasadda ugu jirin oo kasoo jeeda Raaska Madaxwayne Siilaanyo ee Maxamed Abokor kaasoo maamula madaxtooyadda . Xukuumadda Cusub ee Muusena , waxay soo kordhisay Agaasiimaha guud ee Madaxtooyadda , kaasoo ah nin aan siyaadadda horre ugu jiri jirin , oo kasoo jeeda jufada Madaxwaynaha ee Xuseen Abokor , waa Maxamed Cali Bille. Dawladii Siilaanyo Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeday beesha Madaxwaynuhu waxay ahayd Marwo Ilhaan oo ka mid ahayd qurbe-jooga kasoo noqday Wadanka Kanadda , Dawlada Muuse na Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeda beesha Madaxwaynuhu waa Guri-barwaaqo isna ka mida ah qurbe-jooga kasoo noqday Isla Wadankaas Kanadda . Xukuumadii Siilaanyo Beelaha Ciise , Ciidagale waxa kaga jirey min hal wasiir , xukuumada muuse na min hal wasiir . Sidoo kale , Beelaha Gadabiirsi iyo Habar yoonis iyo Dhulbahnte ,waxaa kaga jirey min3 wasiir ayaa kaga jirey Xukuumaddii Siilaanyo , ta Muuse na min sadex wasiir . Sidoo kale , Beelaha Arab iyo Ciise Muuse ayaa iyana labada dawladood ay kaga jireen min laba wasiir . Si kastaba ha ahaatee , taageerayaasha xukuumaddan muuse waxay jecel yihiin dhagaysiga heesta tidhaahda , hayaanka tubtiisa haysta , markaad eegto xukuumadda cusubi u leedahay talaabadda xukuumadii horre waxaad ogaanaysaa in hayaanku weli tubtiisii haysto . Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in la bilaabay kireynta qeybo kamid ah Xaruntii Wasaaradda Beeraha oo dadkii daganaa laga bixiyey 5 sano ka hor. Xarunta Wasaaradaaan oo ku dhagan Xarunta dambi Baarista ee CID ayaa asbuucaan lagu bilaabay in laga kireeyo dad ganacsato ah kuwaas oo durba bilaabay inay halkaas ka furaan ganacsiyo. Qeybaha kirada lagu bilaabay ayaa ah wajiga hore ee Wasaaradda oo saaran Laamiga, waxaana laga furay ganacsiyo dhawr ah. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kireynta Xaruntaan ayaa waxaa ka dambeeyo ciidamada Ilaalada u ah Xaruntaas iyo kuwa kale oo ka tirsan Xarunta Dambi Baarista ee CID, waxayna Caasimadda Online idiin ballan qaadeysaa inay idiin soo gudbiso magacyada dadka ka dambeeyo kireynta Guryahaan waxaana dadkaas kamid ah kuwa aad ugu dhow Wasiirka hadda ku magacaaban Wasaaradda Beeraha. Qaar ka tirsan Ganacstada halkaas laga ijaaray ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inay halkaas ka ijaareen Ciidamada Ilaalada u ah Wasaaradda Beeraha iyo Saraakiil ka tirsan Xarunta Dambi Baarista ee CID. Waxaa nasiib darro ah in Xarun laga saaray dad danyar ah oo loo sheegay inay Wasaaradda ku shaqeyn doonto hadda la bilaabo in la kireeyo iyadoo aan wax dayactir ah lagu sameyn xaruntaas oo haawaneyso muddo 5 Sano ah tan iyo sanadkii 2014. Xilligaas waxaa dalka Ra’isulwasaare ka ahaa Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna waqtigaas mar uu booqday Wasaaradda oo dadkii daganaa laga saaray yiri “Aad ayey ii farxad galinaysaa inaan maanta joogo xarunta Wasaarada beeraha oo ahayd xaruntii wax soo saarka, aqoont iyo cilmi baarista. Halkan aan maanta joogno waxaa laga maamuli jiray horumarka runta ah ee Soomaalidu u baahantahay” . Kireynta qeybo kamid ah Wasaaradda Beeraha ayaa kusoo aadeyso Xilli Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow uu wado olole dadka looga saarayo Xarumihii Dowladda laheyd oo aan loo heyn wax mashruuc ah maadaama kuwii hore dadka looga saaray shan sano ka hor la bilaabay in la kireeyo. Mar dhow la soco xog faahfaahsan oo ku saabsan dadka ka dambeeyo in la kireeyo Xarunta Wasaaradda Beeraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Khartoum)-Saddex kamid ah xubnaha ugu sarreeya golaha sare ee millatariga Suudaan ayaa xilka iska casilay, arrintani ayaa kamid aheyd waxyaabaha ay doonayeen dibadbaxyaasha dalkaasi. Xubnahan ayaa kamid ah hoggaanka sare ee golaha millatariga ee awoodda la wareegay. Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxiib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir. Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Suudaan ka socday kulan ay lahaayeen golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya si xukunka loogu wareejiyo dowlad rayid ah. Afahayeenka Millatariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay laba dumar ah oo magaalada Hargeysa ku xidhna saddexdii bilood ee u dambeeyay. Haweenka ayaa lagu xukumay xabsi dhan laba bilood iyo badh kadib markii lagu eedeeyay in ay isticmaaleen daroogo. Qareennada difaacayay iyo dumarka ayaa diiday in ay isticmaaleen mukhaadaraad mamnuuc ka ah Somaliland waxaanay ku doodeen in aan laga helin wax maandooriye ah gurigii laga soo qabtay laakiin, dhawaan ayay si joogta ah warbaahinta Canada wax uga qortay arrinta dumarkan taas oo keentay in xeer ilaalinta Somaliland kiiska ka noqoto lana sii daayo. Wargeyska Globe and Mail oo ka soo baxa dalka Kanada oo arrintan markii u horaysay wax ka qoray ayaa sheegay in dawladda Kanada, safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Ayaan Maxamuud iyo Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) u xaqiijiyeen sii daynta labada dumarka ah lagana noqday kiiskii loo haystay. Dawladda Canada ayaa wargeyska u sheegtay in ay gacan ka gaysatay sii daynta labada dumarka ah oo kala ahaa Maymuuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 23 jir ah kuwaas oo Somaliland u yimid hawlo la xidhiidha la dagaallanka tacadiyada haweenka. Dawladda Canada oo aan aqoonsanayn Somaliland ayaa ku tilmaantay dawlad iskeed ugu dhawaaqday madax bannaani oo citiraaf raadis ah waxaanu wargeyska Globe And Mail sheegay in dawladda Canada dhammaan muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalidda Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo kula talisay in aanay u socdaalin loona qabsan karo madax furasho lacageed. “Dhammaan Ajaaniibtu waxay halis heerkeedu sareeyo ugu jiraan in lagu afduubto guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Dhawr qof oo ajaanib ah oo arrimo bani’aadanimo ka shaqaynayay ayaa la afduubtay,” Sidaas ayuu wargeysku ka soo xigtay Bogga dawladda Canada ee talooyinka siiya muwaadiniinteeda. Ma cadda in digniintani la xidhiidho kiiska labadan dumar ah oo ay si weyn indhaha ugu hayeen todobaadadii u dambeeyay warbaahinta Canada iyo ururada xuquuqal iinsaanku. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka casbi in qaba kacdoon shacab kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey lagaga tuuro, waxaanu sheegay in isaga illaahay ka bad-baadiyey waxa ku dhacay Madaxweynayaashi dalal ka mid ah Qaaradan Afrika muddo dheer ka talinayey keligood. Waxa uu xusay in la doonayo in la mariyo dhabihii ay mareen saaxiibadiisa Al-bashiir, Qadaafi, Xusni, Mubaarik iyo kuwa kale, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Jabuuti in haddii ay arrintaas ka feejignaan waayaan uu dalku halis gelayo. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in kooxo aan dalka joogin iyo dalal shisheeye ay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaayo la mid ah kuwii galaaftay saaxiibkiisa Sudan Al-bashiir oo ay ka wadaan Jabuuti, isla markaana la rabo in dalka Jabuuti uu ka istaadhmo dagaal sokeeye iyo qalaasi siyaasadeed Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkiisu u dhignaa “ Nebigeenii wuxuu yidhi “CSW” fidna wey hurudaa nacladii illaahay ayaa ku degta ninkii kiciya , fidnad ayaa wadankeena lasoo gelinayaa kolba si ayaa lagu dayayaa waxa loo jeedaana waa in wadanka qas la geliyo, waxa loo jeedaa in aan galno meel dad kale galeen oo annagana illaahay naga bad-baadiyey xoogbay ku dayayaan dilbay doonayaa mashaakil noqonaya dagaal sokeeye ayey doonayaan , haddii dadkeenu uu ka feejignaan waayana halis ayuu wadanka oo dhani geli doonaa .” Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweyne Geelle waxa uu intaasi ku daray “Annagu waxaanu leenahay Dowladu dadka oo dhan ayey Dowlad u tahay ay ilaalin u tahay, ay wax siin u tahay, ay is barbar joog u tahay , cid ay cid kale uga dhaafi kartaayi ma jirto , haddii qabiil la dayona qabiil qudhaata ayaanu nahay calan midaata ayaan wadaagnaa diin mid ah ayaanu wadaagnaa , walaal-nimadu waa in la abuuro oo la dhaqo weeye.” Geesta kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanu dalka iyo dadka wax u tarayn nin siyaasi ah oo doonaya inuu kursiga ku gaadho dhiig “Nin Siyaasi ah oo dhiiga dadka inta uu dul socdo leh waxaan ku gaadhayaa madax-nimada wuxuu ummada u tarayaa majiro dalkana wax-ba uma tarayo qasmooyaane .” Dhanka kalena Madaxweyne Geelle ayaa si dadban u sheegay in dad reer Jabuuti ah oo aan dalka joogin iyo wadamo kale ay wadaan qorshahan, kuwaas oo uu sheegay inuu diiday amaradoodii ay farayeen, isla markaana ay duulaan ku soo qaadeen “Waxa aan annigu afkaygaasi aan ka dhawrayo dadka fidnada soo abaabulayaa halkan lanama joogaan , meel kale ayey joogaan , kuwaasina kuwa kale ayaa ka dambeeya , waxa ay doonayaan waxa weeyaan in aan horumarkeena joojino, dadka aan xidhiidh wanaagsan oo walaal-nimo ah aan la leenahay iyo wax-qabad inay na garab mariyaan ayey doonayaan, halkaa maxaad u maraysaan ayaa nala leeyahay, maxaad Dowlada ula shiraysaan ayaa nala leehay, maxaad taa usoo dhaweynaysaan ayaan nala leeyahay, xor ayaanu nahay ayaan leenahay.” Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka sakow duufaannada ah kacdoono shacab oo saameeyay dalalka dariska la ah ee Itoobiya iyo Suudaan waxa dul hoganaya danaha is diidan ee reer Galbeedka, Shiinaha iyo xulufada Carabta ee Imaaraadku ka mid yahay kuwo ugu firfircoon. Reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ayaa si weyn uga soo horjeeda galaangalka Geelle la samaystay Shiinaha, Imaaraadka iyo xulufadiisa ayaa ka soo horjeeda Geelle kadib eryiddii Dp World waxaana jira dad mucaarad ku ah oo reer Jabuuti waana arrimaha u muuqda in ay tushuush ku fureen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti dheer ka talinayay Jabuuti. Source
  19. Arooryadii Sooyaalku ku suntanaa 6dii Feberweri 2017ka ayaan u jarmaaday goobjognimada munaasibad mug leh oo Xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayay Garab-weynihii NEW UCID ee uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Waxa kale oo maalintaas Hargeysa ka soo degay Madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo KULMIYE soo-dhaweyntiisa u haleeli waayay xafladda socotay, sidoo kale waxa isla barqannimadaas Hargeysa ka dhoofay Dr Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Madaxweynaha Khaatumo. Cali Khaliif waxa loo diiday in uu ka duulo madaarka Buuhoodle. Waxa lagu qabtay hoolka weyn ee Maansoor waxaana ka soo qaybgalay kumannaan iyo kumannaan qof. Waxa ka mid ahaa: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE Jamaal Cali Xuseen Murashaxii Hore ee Madaxweynaha UCID Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee KULMIYE Samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Maaliyadda Amina Sheekh Maxamed Jirde (Weris) Marwada Madaxweynihii Hore ee Somaliland Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Madaxweyne Cigaal (IHUN) Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirkii Xannaanada Xoolaha Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Maayarka Gebiley Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) Maayarka Berbera Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) Guddoomiye ku-xigeenkii 3aad ee UCID Yuusuf Googgooye Xoghayihii Guud ee UCID iyo xildhibaanno ka tirsan goleyaasha deegaanka Somaliland oo lix ahaa, marka lagu daro labada maayar ee aan xusay. Md Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu halkaas ka jeediyay fagaare-hadal aan dhegahagayga ku maqlayay oo uu ku bilaabay sidan: Salaama Calaykum Maanta waxa aynu marka hore u mahadnaqynnaa haddii aynu nahay bahweynta KULMIYE oo Madaxweynuhu ugu odaysan yahay, waxa aanu aad iyo aad u soo dhawaynaynnaa, garabka UCID ee uu hoggaaminaayo Murashaxii Hore Jamaal Cali Xuseen oo xoog iyo aqoon, gudo iyo dibadba, qurbe-jooggoodii iyo qolqol-jooggoodiiba xisbiga KULMIYE ku soo xoojiyay. Waxa aanu leennahay soo dhawaada. Kal iyo laab ku soo dhawaada. KULMIYE ku soo dhawaada. Aad iyo aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin. Waxa kale oo aan doonayaa in aan caddeeyo saacaddaa, inay dhammaantood ka mid yihiin xisbiga KULMIYE si rasmi ah Walaalleyaal, maanta waxa jira saddex dhacdo oo taariikhda geli doona ayaa Hargeysa ka jira Waa marka koowaad’e, waa garabkii iyo xooggii NEW UCID oo ku soo biiray oo xoojiyay KULMIYE. Waa dhacdo aad iyo aad taariikhda u gelaysa oo xusuus mug ah leh. Waa ta labaad’e, waxa kale oo aan halkan ka soo dhawaynayaa Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo intii munaasibaddu socotay ka soo degay madaarka. Iyaduna waa munaasibad. Madaxweyne ku soo dhawaw dalkaaga, aad iyo aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynnaa, haddii aanu KULMIYE nahay madaxweynihii hore ee Somaliland. Ta saddexaad, saaka intii aynu qabanqaabadan ku jirnay, waxa isaguna dalka ku soo galay dhinaca dhulka oo haddana dhoofay goor dhawayd, oo aynu xafladdan kaga mashquulnay oo aynu soo dhawaynaynnaa isaga oo nabad wada, isaga oo oday ah, isaga oo inay Somaliland isu timaaddo wada Mudane Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa yimi maanta” Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbaddiisa inta badan ku soo qaatay sida uu ula dhacsan yahay imaatinka Dr Cali Khaliif Galaydh ee Hargeysa. Waxa Cali Khaliif laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle, isaga oo u socday ka qayb-galka wada-hadal Somaliland iyo Khaatumo uga socday Jamhuuriyadda Jabuuti, sidaas ayuu aroorye hore uga dhoofay Hargeysa. Waxaana ka mid ahaa weedhaha uu taas kaga hadlay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland isaga oo dareenkiisa cabbiraya: “Maanta waa maalin ku suntan taariikhda, Somaliland ayaa isu timi daraf iyo daraf iyada oo isu soo hilawday. Waxa aad shalay saxaafadda ka arkayseen niman dhallinyaro ah oo Cali Khaliif ku eedayanaya Somaliland buu u tegay, oo uu nabad la gelayaa. Waxa aanu leennahay waayo-arag ma aydaan ahayn. Waxa aanu leennahay waad gaadhi doontaan mar waayo-aragnimada iyo xilka iyo dantu halka ay ku jirtaa ay kow tahay nabadda, nabadda, nabadda Somaliland. Cali Khaliif Galaydh waanu ku hambalyaynaynnaa goaanka uu qaatay. Waanu ka xunnahay dhibaatada ku soo gaadhay. Waanu ka xunnahay nimanka siyaasiyiinta ah ee ku eedaynaya “Cali Khaliif nabad buu wadaaa”. Maanta Geeska Afrika nabad buu u baahan yahay. Dunidu nabad bay u baahan tahay. Somaliland nabad bay u baahan tahay. Waxa aanu leennahay cid walba oo nabad wadda waa taageraynnaa, waan bogaadinaynnaa. Cali Khaliif nabadda uu wado iyo in uu maanta Hargeysa lug ku soo galay isaga oo nabad raadinaya, aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynnaa, waanan ku garab taagannahay. Waxa aan raacinayaa dhibaatada ay leedahay aragtida gaaban ee qabyaaladdu. Walaalleyaal Cali Khaliif waa Professor aad taqaanniin oo cimrigiisii iyo noloshiisii wax badan dadka Soomaaliyeed wax u soo taray, magacna ku leh. In badan ayuu haddii ay qabyaaladi wax tarayso uu kuwaas maanta qoriga isla hor taagay reer ahaan waxa ay doonayaan uu ugu hoggaansanaa. In badan buu u dib jiray. In badan buu duurka u joogay, iyada oo aan Ilaahay badin oo uu ka maarmi karaayo, in uu iyaga noloshooda meel la raadiyo. Nasiib-darro, aragtidii qabyaaladda ee soo gaabatay, waxa ay keentay ninkii iyaga naftooda u huray, in ay maanta ixtiraam-darro qori isla hor taagaan. Taasina waa abaalka qabyaaladda: inkii moodaya inuu qabyaalad wax ku helayow. Cali Khaliif Galaydhna waanu ka xunnahay waxaas gaadhay, waanan garab taagannahay. Malaha waan ku dheeraaday, waanay mudnayd. Waayo waa arrin mabda’iyan ah, waa arriin masiiriya, waana arrin caqliyan ah arrintaas saaka dhacday” Dr Cali Khaliif Galaydh waxa uu heshiis kama-dambays ah Magaalada Caynaba kula saxeexday Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii sooyaalku ahaa 20kii Oktoobar 2017ka, waxaana doorashada ka hadhsanaa 23 cisho. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr Cali Khaliif Galaydh waxa ay kulmeen markii uu maalmo kooban xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ah sidii loo hirgelin lahaa heshiiska Khaatumo iyo Somaliland kala saxeexdeen. Qof ahaantayda hal habeen ayaan Dr Cali Khaliif Galaydh ku arkay Hargeysa. 26kii Jeneweri 2018ka ayay ahayd. Waxa aanu Maansoor ku lahayn casho-sharaf ay Qalinleydu ku marti-qaadday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo). Annagu alooska dhacdadaas ayaanu u joognay dabaqa sare ee Maansoor, waxa meel dhinaca bari naga xigta wada fadhiyay Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Muddo laba saacadood ah oo aanu madashaas joognay iyo markii aanu ka dareenay oo noqonaysa intii u dhexaysay 07:30-09:30 cawaysnimo, Wasiir Maxamed Kaahin iyo Dr Cali Khaliif Galaydh waxa ay wada fadhiyeen gudaha dhismaha, gebagebadana bannaanka ama albaabka ayay taagnaayeen. Kollay waxa laga wada hadlayay waxa aan u arkayay ambaqaadka heshiiskii ay Somaliland iyo Khaatumo wada gaadheen. Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland waxa ka mid ahaa furitaanka Dastuurka. Waxa ay ahayd in ugu yaraan dib loo eego qodobbada heshiiska: haddii ay maangal noqdaan iyo haddii ay noqon waayaan. Laakiin waxa muuqata in aan fulintiisa diyaar loo ahayn, waxaana taas marag u ah marka aad aragto Wasiir Saleebaan Cali Koore oo leh “looma baahna in la furo”. Maalinta uu Cali Khaliif Galaydh ka dhoofayo Hargeysa ee 6dii Feberweri 2017ka waxa laga joogaa laba sanno, laba bilood iyo dheeraad ama maalmo dhan 807 dharaarood. Sidee ayuu kuula muuqdaa murkacashada heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Khaatumo? Siciid Maxamuud Gahayr saedmgahair@hotmail.com Source
  20. Saddexda xisbi waxa loo sameeyey in hadba labada is ee raaca loo hogaansamo, tusaale, sanadkii 2009-kii waxa is raacay xisbiga UCID iyo KULMIYE waxaanay muquuniyeen xisbigii UDUB, ka dib markii la isku qabtay dib u dhaca doorashooyinka oo dhawr sanadood kolba dib u dhacayey, waxaana soo horeyn lahayd baarlamaanka, balse markii labadda xisbi mucaarad is raaceen waxa lagu qasbay inuu soo horumariyo ta madaxtooyadda, sidii baanay u dhacday oo waa tii 2010-kii doorashadii madaxtooyadu dhacda Marar kale waxa is raacay UDUB iyo UCID waxaanay qasab ku noqotay KULMIYE inuu labadda xisbi ee kale aragtidooda qaato, hadii kale dadkii uu codka ka rabay waxay u arkayaan inuu kulmiye khaldan yahay, isago arrintaasi diidaya ayuu marar badan raacay labaddii xisbi go’aanadooda isagoo hoosta ka ogolayn ku qasbanaaday. Xisbiga UCID door weyn iyo saameyn buu ku leeyahay wakhtiyada khilaafyada la is mari waayo dalka ka dhacayaan, waxaanay mar walba u janjeedhsadaan dhinaca danta guud oo wuxuu jecel yahay in aanu marna dadka shacabka wax ka nixinaya ku dhowaaqo.. Doorkan KULMIYE waxa uu raacay aragtidii UCID uu qabay, tusaale ahaan, xisbiga WADANI wuxuu watay in la kala diro komishanka, xukuumaddu way diidaneed, UCID waxa uu watay in la kordhiyo oo laba xubnood loogu daro labada xisbi mucaarad, xukuumaduna way diidanayd. markii sadddexda xisbi is mari waayeen ee ku kala kaceen, xisbiga KULMIYE wuxuu taageeray aragtidii dhexdhexaadka ahaa ee xisbiga UCID,waxaana ogolaadeen in laba xubnood loogu daro xisbiyad mucaaradka oo xeerkaasi wax laga bedelo doorashada ka dib, taasina waxay keentay inay isku soo dhowaadaan KULMIYE iyo UCID mar hadii tiisii la raacay. Waxa la moodaa in taladii ka qaloocantay WADDANI, waxay aragtidoodii ku qancin kari waayeen UCID, waxay ku qancin kari waayeen beesha caalamka ee doorashada taageerta, waayo xisbiga kulmiye wuxuu beesha caalamka u sheegay in sabab loo bedela jirin guddi aan muddu xiloodkoodii ka dhamaan, sharcina u lahayn inuu kala diro illaa iyagu is casilaan mooyee. Xisbiga WADANI markii beesha caalamku waydiiyeen sababta loo bedelayo, waxay ku doodeen in aanay ku qanacsanayn, taas macnaheedu waxa weeyi doorashadii hore kuma qanacsanid hadii aanad ku qanacsanayn doorashadii hore maxkamada geeya, ma gaynayo, waana ku qanacnay natiijadii doorashada balse guddidan inay shaqo dambe qabtaan ma doonayno ayey doodoodii ahayd, taasi waxay keentay inay ku qanci waayeen beesha caalamka go’aanka xisbiga WADANI ee ku aadan guddida doorashooyinka. Waayo natiijadii doorashadii madaxtooyadii ay soo saareen waan ku qanacsanahay balse guddi aan muddo xileedkoodu dhamaan sabab la’aan ha la eryo way u cuntami waayeen. Arrintaasi waxay fursad siisay xisbigii kulmiye, KULMIYE oo fajadii qaaxo ciyaaraya waxa uu raacay aragtidii xisbiga UCID ee dhexdhexaadka ahaa si bulshada caalamka u tusaan cidda kaliya ee khaldani inay tahay xisbiga WADANI oo ay ka dhigaan gar ma qatayaan aan xal keeneen, hadii WADDANI sidaas ku sii adkaysanaya waxay dhibaato u keenaysa uun sumcadda xisbiga. Hadhow marka liiska mushariinta la diyaarinayo ragii ka sharaxnaa xisbiga laba mid bay noqonaysa, inay hogaankooda ku qasbaan inay go’aankan labada xisbi qaataan iyo inay xisbiyada kale iska soo sharaxaan, taasina uma fiicna xisbiga WADDANI oo waxay isku diraysa musharaxiintii xildhibaanada xisbiga ka sharaxnaa iyo madaxda xisbi, waxaanay ku doodayaan marka doorashada madaxtooyada gaadho ama doon ama diid gudoomiye, balse doorkan waa markayagii ee doorashada ha naga reebin dibna ha u dhigin, waxaanay u eekaan doonta in xisbiga WADANI sabab u noqon karo in mar kale loo kordhiyo baarlamaanka hada jooga, taas oo si weyn uga cadhoon doonaan musharaxiinta qaarkood guryahoodii u iibiyey doorasahda soo socota ee kolba dib loo dhigayo. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Dadweyne Badan ayaa soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay isaga iyo wafdi uu hogaaminayay. Shariif Sheikh Axmed waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay iyo masuuliyiin kale. Dadweynaha ayaa safnaa wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ilaa isgoyska KM4, waxaana ay wateen sawirada iyo astaanta xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay. Shariif Shariif ayaa ujeedooyin dhowr ah dalka ugu soo laabtay, waxaana kamid ah kulamo uu la qaadan doono xubnaha xisbiga iyo dhalinyarada kala duwan oo uu kala hadli doono nidaamka dowladninada iyo xisbiyadda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale uu ka qeyb gali doono munaasabad weyn oo xisbiga ku qabsan doono magaalada Muqdisho, taasi oo xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ay kasoo muuqan doonaan. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari la doonayo in laga dhigo guddoomiyaha xisbiga, iyadoo hogaamiye uu noqon doono Sheikh Shariif. Dowladda Soomaaliya ayaa culeesaad badan kala kulmeysa hogaamiyaashii dalka Soomaaliya oo hogaaminaya xisbiyo kala duwan, waxaana ay dowladaan yeelatay mucaaradkii ugu badnaa. Wali dowladda ma aysan shaacin nooca doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021, waxaana hadda moodaa inay socdaan olalaha doorashada oo aan waqtigooda la gaarin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha Somaliland Mundane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinba maalinta Ka danbaysa u sii xuub siibanayaaya qaabkii lagu yaqaanay askartii kalitaliska ahayd ee soo maray gayiga afrikada Bari isaga oo cagta saaray dhabadii ay qaadeen askartaa kahoraysay ee ay kamidka ahaayeen:- Migiste Xayle-maryam, Maxamed Siyaad Bare,Iidi Amiin,Cumar Xasan Albashiir iyo kuwii lamidka ahaa. Waxa is weydiin mudan isaga oo Mudane Muuse Biixi aan Ku qabsan dalka qori caaradii iyo afganbi oo Ku yimid far khad loodaray iyo dooraasho dumuqraadiya maxaa kalifay inuu la halmaalo ragaa Ka tegey taariikhda madow? Jawaabtu waa Muuse waa Askari,oo aduunka oo dhan Dal Askari kataliyey oo mahadiyey lama hayo, dhanka kale waxa Mudane Muuse lagu sheegaa Mujaahid usoo halgamay dalka hadana waxa soo ifbaxaaya inuu ahaa uun Askari ka cadhooday askarigii u talinaayey wakhtigaa,waayo wixii wakhtigaa laga dagaalamaayey wax Ka xun ayuu Ku kacay ah kali-talisnimo, cadawnimo, cadaalad daro,caddaadis,cago-juglayn, cabudhin, Amar-kutaaglayn, barakicin, boob, xaraash-hanti-qaran,macangagnimo, arxandaro,qabyaalad iyo sifooyin ugaara askarta siiba kuwa kalitaliska ah oo ah waxba looma sheegaan keni adag oo cidna talo weydiin cidna dheg jalaq usiin. Waxaana taa u cadayn ah qasriga uu dhisanaayo Mudane Muuse ee uu ku sheegaayo madaxtooyo cusub ,waxa isweydiin mudan Jamhuuriyadan curdinka ah ee Somaliland waxa lagu dhidbay oo ay kusoo caano maashay wada tashi iyo wax wada gorfayn iyo caddaalad se haddii laga talaabsado wixii ummadu ku dhaqmi jirtay waa ayaan Daro iyo Qaran dumis. Iyada oo aan ciddi diidayn haddii xaajo lasoo bandhigo oo laysla gorfeeyo oo laysku raaco waa lawada meel marin wax meel marana wey noqon, se arin aan gudi loo saarin oo lawada gorfayn oo baarlamaan la horkeenin oo laysla eegin oo laga wada xaajoon oo bogcad booli ah oo shacab laga boobay oo maati laga bara-kiciyey laga yagleelay in lagu sheego madaxtooyo qaran maaha! se sakaaro xaar muuqmuuqday aas aastaaye waxa jira oo ayaan-daro ah in dalkii lawada xaraashay oo maantana Madaxtooyadii qaranka uu Mudane Muuse ka iibiyey ganacsade qoyskiisa ah oo ka hirgashan doona goobo ganacsi Marka uu Mudane Muuse xaafadiisuu kasoo jeedo qasri uga dhiso isna lagu wareejindoono furaha madaxtooyada,ganacsadahan oo mudo dabada kariixaayey si uu u hantiyo dhulka madaxtooyadu ku taal waana arinta keentay in aan qaranku ka xaajoon arinka rarida madaxtooyada. Iskusoo wada duub oo waligeedba Askari Dal loo dhiibay qasri uu dhisto ayuu Ka bilaabi jiray aakhirkana waa lagu dumin jiray isaga oo dhex yuurura, se waxa ayaan Daro ah shacabka maatida ah ee milatariga lageliyey ee la barakiciyey ee dhulkoodii laboobay ee waxyeelada loo geystay ee lagu eegaayo hagardaamada iyaga oo bacad-yaal ah waana ayaan-daro iyo arin ku ugub ah reer Somaliland ee ilaahow inoo sahal. Illaahay baa mahadleh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Source
  23. Inter-Governmental Authority on Development has welcomed the decision by the Belgian government that recognized Somali service and diplomatic passport earlier this month. IGAD said in a press statement released on Wednesday that it welcomes the recent move by the Belgium government. “The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) welcomes the recent decision by the Government of Belgium to recognise diplomatic and service passports issued by the Federal Government of Somalia. “ IGAD Executive Secretary Ambassador Mahboub Maalim noted that the move will significantly boost bilateral relations between Somalia and Belgium and facilitate Somalia government officials to engage with European Union institutions based in Brussels. Ambassador Maalim further noted that the positive step demonstrates the growing confidence of the international community in the Government of Somalia and its institutions. “Ambassador Maalim hopes that Belgium will extend this recognition to the ordinary passport of Somalia. “The press statement said. He encouraged other remaining European Union countries to recognize to follow the suit by Brussels facilitating for the Federal Government of Somalia national for easy the visa process. Several countries restricted Somali passport holders after the fall of Siyad Barre regime in early the 1990s due to security reasons. View the full article
  24. Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo arrived in the Eritrean capital, Asmara, on Wednesday morning for a days’ visit. The visiting president was accompanied by his Minister of Education and other senior officials. The delegation was welcomed by Eritrean president Isaias Afwerki at the Asmara International Airport. “In their meeting at State House today, the two Presidents discussed status & progress of Eritrea-Somalia ties of cooperation and partnership as well as vital matters pertaining to Red Sea & Gulf of Aden,” Eritrean Information Minister Yemane Meskel said on Twitter. The Somali president subsequently left Asmara for Mogadishu. The two Horn of Africa nations restored all brotherly and diplomatic ties last year in what was an offshoot of the Ethiopia-Eritrea peace deal of July 2018. Farmaajo has been to Asmara a number of times since the restoration of ties. Aside the trip where ties were normalized, he also joined a tripartite summit which involved the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The trio met again in Ethiopia in continuing with the tripartite arrangement that was meant at greater regional and economic integration. The meetings were at the heart of a move by Somalia’s parliament to impeach the president with the reason that he had entered into international agreements without legislative approval. View the full article
  25. Orod-yahanka caanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya una orada dalka Bratian Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village ee ku yaalla caasimadda Addis Abeba ee wadanka Ethiopia, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa tababar. Mo Farah oo haytsa dhalashada wadanka UK caan ku ah Orodka Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Moobayl iyo sacaad qaali ah waxaana qalabkan haddiyad ahaan ugu keentay xaaskiisa. Waxa uu xusay in dhaca loo geystay shandadiisa oo taallay qolkii oo ka degganaa Hotelka bishii lasoo dhaafay Maarso,isagoo waqtigaas ku maqnaa tababar oo ku qaadanayay dalka Ethiopia. Mo Farah ayaa cambaareeyey Orod-yahanka reer Ethiopia Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ah oo ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib, markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village. Mo Farah ayaa qeexay in uu gacan ka helay shaqaalaha Hoteelkii uu ka degnaa Ethiopia,isagoo sheegay in uusan marnaba uu san wax caawinaada uu ka helin saaxiibkii ay isla dagnaayeen Haile Gebreselassie oo ah muwaadin Ethiopian ah. Geesta kale, mar lala xiriiray Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay oradyahan Mo ayaa gabi ahaan iska gaabsaday arinkan maadaama mid ka tirsanaa macaamiishooda lagu dhacay Hoteelkooda,balse kama bixin wax jawaab waafi ah. Si kastaba horaantii bishii Maarso 2019-Mo Farah iyo Bashir Cabdi oo ah orodyahanno asal ahaan Soomaali ah,balse u kala orda wadamada Britain iyo Belgium ayaa kaalmaha 1aad iyo 2aad ka galay tartan orod oo ka dhacay magaalada London. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com