-
Content Count
213,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargaysa) Iyadoo maalmihii u danbeeyay doodo ku Aadan 18- ka May la maq laayay, waxaanu halkan idinku Soo gudbinaynaa sidii ay Ku timi iyo tariikhdii maalintaas Qaran. Waraysi xiiso badan oo uu kaydiyay Muniir Axmed Cigaal oo Laga qaaday Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Mud Xasan Ciise Jaamac. Hoos ka dhagayso. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen Boqor Cabdi Axmed Cali oo loo yaqaan Cabdi Calas, kadib markii ay kasoo kaxeeyeen xaafadiisa. Boqor Cabdi Calas ayaa lagu xeray saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen, iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay xariga loo geystay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in boqorka loo xeray wareysi uu Shalay siiyay Idaacadda Goobjoog, kaasi oo uu kaga hadlay dil shalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka, kaasi oo loo geytay ruux waday Mooto Bajaaj. Wuxuu sheegay in isaga uu saarnaa Mootada, kadibna uu joojiyay askari goobta ku sugnaa, iyadoo askariga uu goobta ku toogtay wiilka dhalinyarada ahaa ee mootada waday, sida uu sheegay Boqor Cabdi Calas. “SHalay Mootada anigaa saarnaa, askariga ayaa la joojiyay, wuxuu dhahay wiilka la dilay adeer maxaad iga rabtaa, kadiba xabad ayuu ku dhuftay” ayuu yiri Cabdi Calas, hadalkaasi oo loo malaynay in loo xiray. Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo taliska ciidamada Booliska degmada ayaanan ka hadlin sababta Cabdi Axmed loo xiray iyo waxyaabaha laga doonayo. Hoos ka dhageyso qeyb kamid ah wareysiga Boqor Cabdi Calas uu shalay bixiyay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/calas.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Anshax-marinta ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Axmed Ducaale ayaa ka hadlay hadal uu Xildhibaan Dhakool oo ay isku Gole yihiin ku sheegay inaanu 18-ka May u aqoonsanayn Maalin Qaranka Somaliland wada leeyahay. Xildhibaan Dhakool oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Xuska 18 May uu yahay mid u gaar ah beeshii u badnayd Jabhaddii SNM, balse Maalinta la wada leeyahay tahay Xuska 26-ka June. Laakiin, Xildhibaan Axmed Ducaale oo hadalkaa ka dareen-celiyey ayaa yidhi “Xildhibaan Dhakool muddo dhowr iyo labaatan Sanadood ah ayuu Golaha ka tirsan yahay, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladana waa isku ardaa, markaa anigu ma garanayo Sababta uu xilligan hadalkaa u soo qaatay, meeshana uma ekayn wakhtigan, waayo? Maalmaha Qarankuna way iska faro badan, Ummad kasta oo meel ku dhaqana Taariikh kastaba ha ku timaadee Maalin ay xusaan ayay leeyihiin, markaa Anigu maan garanin waxa Xildhibaanku isagoo Golihii fadhiya uu hadalkaa uga jeeday.” Xildhibaan Axmed Ducaale oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Taariikhdu ku xidhnayn hadba Qofku wuxuu jecel yahay “Nin jecel iyo nin Neceba, 18 May waa Taariikh Somaliland leedahay, Taariikhda Sayidku Taariikhbay ahayd, Nin neceb iyo Nin Jecel ba oo lama dafiri karo, siyaad Barre iyo Soomaaliya, Taariikh dhacday oo inna soo martay ayay ahayd, Nin neceb iyo Jecelba, markaa Taariikhdu kuma xidhna Anigaa jecel ama Anigaa aamisan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Guddi ahaan Anshax-marintoodu ku eg-tahay marka Xildhibaanku uu ka hor-yimaaddo wax Goluhu isla qaatay, balse aragtidiisa uu Golaha dibeddiisa ka sheegi karo “Annagu oo ah Guddiga Anshax-marinta, waxa Xidhibaankaasi ku hadlay kuma shaqo lihin.” Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-10052019-1.mp3 View the full article
-
(SLT-London)Arsenal ayaa u soo baxday finalka UEFA Europa League kadib markii ay guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Valencia. Unai Emery oo taariikh layaableh ku leh Europa League ayaa markale u muuqda mid Gunners ka caawin kara in ay ku guulaystaan Europa League. Arsenal ayaa Valencia ku soo garaacday 4-2 iyada oo finalka ugu soo baxday wadarta labada kulan oo dhan 7-3 taas oo muujinaysa sida ay Gunners uga awood badnayd kooxda dhibta badan ee Valencia. Arsenal oo ay rajadeeda u soo bixitaanka UEFA Champions League ku xidhan tahay guusha ay ka gaadho finalka Europa League ayaa hadda haysata fursad fiican oo ay koobkan ugu guulaysan karto isla markaana ay Champions League ugu soo bixi karto. Aubameyang ayaa saddexley goolal ah dhaliyay halka Lacazette uu isna hal gool dhaliyay waxayna sidaa Gunners ku soo laabtay shaqadii cajiibka ahayd ee ay u soo gashay finalka Europa League. SHIXIHII LALBADA KOOXOOD EE KULANKAN: ARSENAL (3-4-1-2): Petr Cech; Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Nacho Monreal; Ainsley Maitland-Niles, Granit Xhaka, Lucas Torreira, Sead Kolasinac; Mesut Ozil; Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette. Kadyka: Bernd Leno, Mohamed Elneny, Shkodran Mustafi, Henrikh Mkhitaryan, Eddie Nketiah, Alex Iwobi, Matteo Guendouzi. VALENCIA (4-4-2): Neto; Cristiano Piccini, Gabriel, Ezequiel Garay, Jose Gaya; Daniel Wass, Daniel Parejo, Francis Coquelin, Goncalo Guedes; Rodrigo Moreno, Kevin Gameiro. Kadyka: Jaume Domenech, Carlos Soler, Ferran Torres, Mouctar Diakhaby, Santi Mina, Toni Lato, Facundo Roncaglia. Arsenal ayaa doonaysay in ay si adkaysato guushii 3-1 ka ahayd ee ay Emirates Stadium kaga sii gaadhay kooxda Valencia si ay ugu soo baxdo finalka Europa League laakiin Valencia oo marti loogu ahaa Mestall Stadium ayaa dagaal wayn ugu jirtay in ay natiijadii hore dhinaca kale u dhigto. Daqiiqadii 11 aad Valencia ayaa qaab fiican ciyaarta ku bilaabtay kadib markii ay heshay goolkeeda furitaanka ee rajada u soo nooleeyay kaas oo uu dhalyay Kevin Gameiro wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Valencia hogaanka kula wareegtay. Daqiiqadii 17 aad Arsenal ayaa iska dul qaaday cadaadiska xoogan ee kaga imanayay dhinaca kooxda martida loo ahaa ee Valencia waxaana goolka barbaraha u saxiixay Aubameyang kadib markii uu caawin ka helay Lacazette waxayna ciyaartu noqotay babraro 1-1 ah. Goolkani waxa uu Arsenal ka soo celiyay goolkii ay Valencia marti ahaanta ku soo dhalisay wuxuuna sidoo kale ka barbareeyay natiijada ciyaarta ee ay Valencia doonaysay in ay soo laabashada ku dhamaystirto. Labada kooxood ayaa dadaal badan u sameeyay goolka labaad laakiin dhamaadkii qaybtii hore Aubameyang ayaa kooxdiisa Gunners ka lumiyay fursad uu goolka labaad ku dhalin karayay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah oo ay wadarta labada kulan ku garacan saraysay Arsenal. Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xamaasada ayaa cirka isku shareertay iyada Valencia doonaysay in ay ka dagaalanto xaalada ay ku jirtay balse Gunners ayaa wali ahayd kooxda ciyaarta ku maamulaysay wadarta guud. Daqiiqadii 50 aad Arsenal ayaa markeeda hogaanka ciyaarta ku hormartay kadib markii uu Lacazette dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Lucas Torreira wuxuuna ahaa gool waran xanuun badan ku noqday kooxda Valencia oo doonaysay in ay ciyaarta soo laabasho ku samayso. Goolka Lacazette ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Arseanl hogaanka kula wareeegtay wuxuuna ahaa mid wadarta labada kjlan ka dhigay 5-2 ay Gunners si wayn ugu horayso. Daqiiqadii 58 aad Kevin Gameiro ayaa goolkiisii labaad ee ciyaarta dhaliyay si uu markale u soo nooleeyo rajada kooxdiisa Valencia wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 2-2 ah inkasta oo ay wali Gunners ku horaysay natiijada kulankii lugtii hore. Daqiiqadii 69 aad Arsenal ayaa musiibo kale ku abuurtay kooxda martida loo ahaa ee Valencia kadib markii uu Aubamayeng dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaartan iyo waliba kan saddexaad ee Arsenal waxaana ciyaarta goolkan sameeayay da’yarka Maitland-Niles. Ciyaarta ayaa noqotay 3-2 ay Arsenal waqti muhiim ah hogaanka ku soo ceshatay iyada oo wadarta labada kulan noqotay 6-3 ay Gunners laba jibaar ku horayso. Daqiiqadii 88 aad Aubamayeng ayaa gool cajiib ah ugu qubeeyay kooxda Valencia wuxuuna si rasmi ah u soo gaba gabeeyay rajo kasta oo yar oo ay ka qabeen in ay goolal ku soo laabtaan kadib markii uu caawin ka helay Henrikh Mkhitaryan. Aubameyang ayaa dhamaystirtay saddexleyda goolasha ah ee uu ka dhaliyay kooxda Valencia si uu kooxdiisa Gunners uga caawiyo in ay cadaadiska la’aan ugu soo baxdo finalka europa league. Ciyaarta ayaa noqotay 4-2 ay Gunners ku xasuuqayso kooxdii goolka kaga hor martay ee Valencia waxayna sidaa Arsenal ku xaqiijisatay booskeeda finalka Europa League iyada oo wadarta labada kulan ku awooday in ay 7-3 ku gumaaday Valencia. Source
-
(SLT-Nairobi)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray magaalada Muqdisho, kuwaasoo tagi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Khamiistii ay soo gaartay warqad ka soo baxday laanta duulista Hawada ee dalka Kenya, taasoo ku xusneyd in wixii ka dambeeyay maanta oo Jimco ah 10-ka May, diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Mr. Oomaar ayaa sheegay in isaga xitaa aanu ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaaday Xukuumada Nairobi, balse dhankooda ay wadaan la tashiyo arrinkaasi ka dhan ah, isagoo tilmaamay inay dib ka soo sheegi doonaan waxa ay noqoneyso fal celintooda. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo amni ay la xiriirto tallaabadan cusub ee Kenya qaaday, isagoo ku faanay in amniga garoonka Muqdisho uu la mid yahay kuwa waa weyn ee Caalamka. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan iney jirto dhaqaale xumo dowladda Kenya ka soo wajahday dakhligii uga soo xaroon jiray garoonka Wajeer, iyadoo warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation ay muujineyso in tan iyo markii dib loo bilaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, garoonka Wajeer uu khasaaray 19kun oo dollarka Mareykanka. Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilowday sanadkii 2017, kaddib markii dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ay gaareen heshiisyo dhowr ah oo ku saabsanaa iskaashiga iyo socdaalka, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay diyaaradaha ka bixi jiray Muqdisho ayaa toos uga degi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana dadka ka baxa Muqdisho ku qaadan jirtay inay Nairobi ku tagaan saacad iyo bar. Source
-
(SLT-Washington)-Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da iyo waaxda amniga dibeda ayaa digniin u jeediyay saaxiibada iyo asxaabta wariyihii geeriyooday ee Jamal Khashoggi. Digniinta ayaa lagu yiri hadii ay sii wadaan shaqsiyaadkan dhaleeceynta ka dhanka ah boqortooyada ay la kulmi doonaan in la Beegsado. Qareenka lagu magacaabo Ciyaad Al-Baqdaadi oo ku nool Norway iyo Cumar Cabdi Caziiz oo ah qareen ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada in shaqsi ku nool Mareykanka oo diiday in magaciisa la sheego sababo amni ayaa la shaqeynayay wariye Jamal Khashoggi, sida laga soo xigtay Majalada Time. Raggaan ayaa si hoose ugala shaqeynayay siyaasad ay halis tahay in la galo iyo mashaariic dhanka xuquuqda aadanaha gaar ahaan dhibaatada ay boqortooyada ku heyso shacabka Sacuudiga. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in sadaxda qareen todobaadyo ka hor loo soo diray digniin dhanka amniga,maadaama ay suura gal tahay dhibaato ay kaga imaan karto Sacuudiga. Al-Baqdaadi oo ah muwaadin Falastiini ah una ololeeya xuquuqda aadana iyo qoraa qeyb ka ahaa kacdoonadii carabta sanadkii 2011-kii ayaa marar badan dhaleecayay dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Ciidanka booliska Norway ayaa 25-tii bishii April waxay ku booriyeen in uu qaato ciidan suga amnigiisa,si looga hortago in la Beegsado. Source
-
(SLT-Hargaysa)Wasiirka horumarinta biyaha somaliand Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab kulul ka bixiyey qaabkii xildhibaan dhakool uga hadlay xuska 180ka May. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraal uu baahiyey waxa uu kaga waramay muhiimada xuska 18-ka May isaga oo ganafka ku dhuftay qaabka uu xildhibaan Dhakool uga hadlay. Wasiir Koore ayaa tilmaamay inaanu garanayn sababaha keenay in wakhtigan uu xildhibaan Dhakool ka horyimaado xuska 18-ka May isaga oo ka qayb galayey 28 sanadood ee ay somaliland jirtayba. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraalkiisa ku yidhi “”Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay? Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May. Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahy” Source
-
(SLT-Garoowe)-Taliska ciidammada Maraykanka ee Africom ayaa sheegay inay duqayn ay ka sameeyeen gobolka Bari ee maamulka Puntland ay ku dileen 13 qof oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish. Talisku wuxuu sheegay in xogo sirdoon oo ay heleen ay u suurtagalisay inay bartilmaameedsadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxda Daacish, ku qarsadaan Hubka, ku tababaraan maleeshiyaadkooda. Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay inaysan jirin waxyeelo dadka shacabka ah ka soo gaartay weerarkaasi, islamarkaana ay ogolyihiin in la baaro hadii ay yimaadaan macluumaad la xidhiidha dad waxyeelo soo gaartay. Duqaynta lagu dilay maleeshiyaadka Daacish ayaa dhacday saqdii dhexe ee habeenkii Arbacada, waxayna ka dhacday ceel ku yaal degaanka Cameeyra oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Maraykanka ayaa weeraro cirka ah oo isdajooga waxaa ku bartilmaameedsanayaa Kooxda Daacish oo ku dhuumaalaysata buuralayd Cali Bari ee Puntland. Weeraradaas waxa ay ku dileen guddoomiye ku xigeen, ahaana madaxii dhaqaalaha ee Daacish, bishii April ee sanadkan. Source
-
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland. Dhakool ayaa shalay sheegay in maalinta 18 may aanay ahayn maalin Qaran balse ay leedahay beesha dhexe ee Somaliland. Dastuurka Somaliland ayaa dhigayaa in aan la xidhi karin Xildhibaan Baarlamaan ilaa xasaanada uu sito Laga qaado. Source
-
(SLT-Washington)-Maraykanka ayaa sheegay in uu qabtay markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ku eedaysay in uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan. Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in markabku uu waday dhuxul dhagax, taas oo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay. Markabka ayaa markii u horraysay lagu qabtay Indonesia bishii Abriil ee sannadkii 2018. Waa markii koobaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran, arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhaxeeya. Kulan ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un iyo madaxweynaha Marayanka Donald Trump ayaa dhammaaday isagoon wax heshiis ah laga gaarin bishii Feebaraayo, iyadoo Maraykanku uu ku adkaystay in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka ah, Pyongyang waxay dalbatay in laga dabciyo cunaqabataynada saaran. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay labo hub hal toddodobaad gudahii, arrintaas oo si wayn loogu arkay isku day uu dalkaasi ku doonayo in uu Maraykanka cadaadis ugu saarayo is afgaranwaaga dhex yaalla. Maxaan ka ognahay Markabka? Markabkan oo la dhoho Wise Honest, ayaa markii u horraysay la qabtay sannadkii hore Maraykanka ayaana codsaday ogolaanshihii uu kula wareegi lahaa bishii Luulyo ee sannadkii 2018. Indonesia oo qabatay ayaana markabka wareejisay, haddana wuxuu ku sii jeedaa dhanka dalka Maraykanka. Maraykanka ayaa shaaciyay in ku dhawaaqidda markabkan aysan wax shuqul ah ku lahayn gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi. “Xafiiskanaga ayaa daaha ka rogay hab ay Kuuriyada Waqooyi ku dhoofinaysay dhuxul dhagax heer sare ah iyada oo dalal ajnabi ah ka iibinaysay isla markaasna qarinaysay halka uu asal ahaan ka soo jeedo markabka Wise Honest,” ayuu yidhi Geoffrey S Berman oo ah dacwad ooge Maraykan ah. “Arrintaas Kuuriyada Waqooyi uma suuragalinin in ay cunaqabataynta caalamkiga ah kaga xidaaraysato oo kali ah, balse markabka Wise Honest waxaa sidoo kale Kuuriyada Waqooyi loogu sii qaadi jiray mashiinno culculus, arrintaas oo gacan ka gaysan jirtay awoodda ay Kuuriyada Waqooyi uga xidaaraysato cunaqabataynnada saaran.” Kharashaadka lagu dayactirayay markabka Wise Honest ayaa lagu eedeeyay in loo adeegsaday lacago doolarka Maraykanka ah oo lala kaashaday bangiyo Maraykan ah oo aan ka shakisnayn, arrintaas ayaana dawladda Maraykanka fursad u siisay in ay tallaabo dhanka sharciga ka qaadaan oo dacwad ku soo oogaan. Kuuriyada Waqooyi waxaa saaran cunaqabataynno badan oo uu ku soo rogay Maraykanka iyo kuwo kale oo caalami ah, iyadoo Pyongyang loo hayso horumarinta hubkeeda nukliyeerka ah iyo gantaallada ay tijaabiso. Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi dib ma isula jaanqaadi karaan? Arrimaha ka soo cusboonaaday labada dal ayaa tilmaamaya in ay ku laabanayaan cadaawaddii ka dhaxaysay, balse ergayga Maraykanka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Stephen Biegun ayaa hadda ku sugan Kuuriyada Koonfureed si ay uga wada hadlaan sidii dib loogu billaabi lahaa barnaamijka tirtiridda hubka nukliyeerka ah. Madaxweynaha Trump ayaa sheegay “in qofna uusan ku faraxsanayn” tibaabooyinkii hubka ee u dambeeyay. “Waan ogahay waxay doonayaan in la wada xaajoodo, waxay ka hadlayaan wada xaajood. Balse uma malaynayo in ay diyaar u yihiin wadaxaajood,” ayuu yidhi. Wuxuu noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi ka dib markii ay shireen sannadkii hore, balse inkastoo kulankaas iyo mid kale oo dabo socdayba ay dhaceen haddana wax wayn oo la taaban karo kama soo bixin marka la eego qorshaha hubka nukliyeerka ah looga tirtirayo gacanka. Sannadkii hore Kim wuxuu sheegay in uu joojin doono tijaabinta hubka nukliyeerka ah isla markaasna uusan sidoo kale ridi doonin gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, balse dhaqdhaqaaq arrimahaas la xidhiidha ayaa sii socdaan. Waxyaabihii la taaban karay ee kulanka labada masuul ka soo baxay waxaa ka mid ah in Maraykanka loo celiyo askartii ka dhimatay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, arrintaasina hadda way joogsatay. Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanayo deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Galmudug ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgalo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Nabad sugidda iyo kuwa meletariga Soomaaliya ayaa waxay kula wareegeen deegaanada Caad Camaara iyo Ceel Huur, kadib dagaal saacado qaatay oo halkaasi ka dhacay. Dhaqdhaqaaqa Ciidamada oo xalay soo bilowday ayay ugu suuro gashay inay deegaano dhowr ah la wareegaan, waxaana la sheegay inay hadda doonayaan inay la wareegaan degmada Xarardheere. Degmada Xarardheere ayaa ah saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Mudug, waxaana ay halkaasi maamulayeen sanado badan. Saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada DANAB ay qeyb ka yihiin howlgalka, waxaana cabsi badan ay ka taagan tahay deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin Galmudug. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koor ayaa isaga oo ku sugan Deegaanada Dawlad Deegaanka Somalida, ka jawaabay hadal kasoo baxay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, kaasi oo la xiriiray 18 May Iyo Xuskeeda. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland sanadihii ugu dambeeyay ay u dabaal dageysay xuska maalintaasi, islamarkaana aysan jirin cid hadda diidi karta xuska maalinta xoriyadda Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay in wax lala yaabo tahay in ruux ku sugnaa degaanada Somaliland uu iska dhego tiraa xuska maalinta Xorriyadda Somaliland. “Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay?” ayuu yiri Wasiir Koore. “Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May” “Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahay” ayuu hadalkiisa kusii daray Saleebaan Cali Koore . Hadda waxaa xabsiga arintaasi loo dhigay xildhibaan Dhakool oo kamid ah xubnaha kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@Live.com
-
Dowladda Kenya ayaa qoraal shalay gelinkii dambe ay soo saartay ku joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. maanta wixii ka dambeeya Diyaaradaha ka duula Magaalada Muqdisho waxay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, halkaasi oo baaritaano lagula sameyn doono, intaasi kadibna ay Nairobi uga sii gudbi doonto. Wasiirka Duulista Hawada Somaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo xaqiijiyay warkan ayaa sheegay ilaa hadda in Dowladda Kenya aysan cadeyn sababta talaabadan ay u qaaday, balse wuxuu tilmaamay in Dowladda Somaliya ay arrintan ku heyso baaritaan dhab ah. “Waa sax warkaasi war ay soo saartay Kenya ayay ku sheegtay Diyaaradaha ka duula Muqdisho inay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, ilaa hadda sababta nalooma sheegin, balse wada hadal ayaa socda, Garoonkeena amnigiisa waa mid aad u sareeyo, ma dooneyno inaan ka hor dhacno, iyaga ayaan ka war sugeynaa”. ayuu yiri Wasiir Oomaar. Bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa jiray heshiis dhexmaray Dowladda Somaliya iyo Kenya, kaasi oo sahlay in Diyaarada ka duusha Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi xilli markii hore ay sii mari jireen Magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaas (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa war kasoo saaray duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka fuliyeen Puntland, taasi oo laa eegtay fariisin kooxda Daacish leeyihiin. Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo xubno Daacish ka tirsan ay ku sugnaayeen oo ku yaala Buuraha Golis ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, duqeyntaasi oo dhacday Labo maalin ka hor. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasi oo buuraha ku dhuumaaleysanayay. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu wiiqayo awooda kooxaha Al Shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama Soomaaliya. “Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay13 ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada Afrika Admiral Heidi Berg. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah, isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay. Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaanada Puntland,waxaana duqeyn 14-kii bishii April ee sannadkan ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn. Heshiisyada ayaa diirrada saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano. “Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay 2 milyan oo euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ku billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri wasiir Saadiq Warfaa. Wasiir Warfaa, oo u mahadceliyo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha. “Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay wasiir Saadiq Warfaa. Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ,Carlo Campanille ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada. Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dunida aynu ku noolnahay Tiknoolajiyaddu waxa ay uga jirtaa dhinac waliba oo nolosha aadamaha ah ayadoo marba marka ka danbeyso ay ku tilaabsaneyso horumar aan qiyaas laheyn. Gudaha wadanka way adkeyd in muddo ah inuu adduunka wax kula qeybsado horumarka laga gaaray dhanka Tiknoolajiyadda, sababta oo ah wadanka oo ah dalka kujira soo kabasho dagaalo sokeeye oo qasabtay in hardan loo galo in la badbaadiyo nolosha. Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka yagleelmay Ganacsiyo, Talaabooyin iyo figrado ay saldhig u tahay Tiknoolajiyadda, bulshada Soomaaliyeedna ay fahmeen lana jaanqaadeen. Cawil Axmed oo ah maamulaha IRISEHUB oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegaya in dhalinyadu ay si aad ah ula qabsadeen fahamaka iyo ku shaqeynta Ganacsiyada ku dhisan Tiknoolajiyadda, waxa uuna xusay in asbuuc waliba dhalintu ay soo bandhigaan barnaamijyo cusub. ” Asbuuc waliba waxa aad social medi-yaha aad ku arkaysaa barnaamijyo cusub oo la soo kordhinaayo, waxa ay taas ku tusinaysaa in dhalintii aad u firfircoon yihiin fahmeena istmaalka iyo faaiidada Tiknoolajidda, runtii anaga waxaan ku shaqr=eynaa qaab online ah bulshadana ayagoo guryahooda jooga iney helaan waxa ay naga rabaan” Maxaa sababay in dadku fahmaan isticmaalka adeegyada ay Tiknoolajiyaddu laf dhabarka u tahay iyo in dadku ay ku dhiiradaan ku adeegashada qaabka onlinka ah, waxaa sharaxayo Maxamed Shiine oo ah aas-aasaha shirkadda Soomar oo ayadu qaab online ah wax ku iibisa. “ Aniga waxaan ahay aas- aasaha shirkadaan Soomar oo qaab online ah wax ku iibiso, dadka nala shaqeeyo waa dad aad ugu sareeyo isticmaalka Tiknoolajiyadda, waxaan u suura galinaa bulshada ayagoo guyahooda joogaan iney helaan alaabtooda,taasna waxa ay saamaxday in adeegeeno uu dad badan uu gaaro, runtii dadka hadda wax ku iibsadana aad ayeey u soo badanayaan” Inkastoo si aada ay uga muuqato isticmaalka Tiknoolajiyadda gudaha caasimadda Muqdisho shirkado caalamka laga yaqaano ay soo sal dhigteen, haddana waxaa jiro caqabado dhanka bulshada ah oo ku aadan aaminaada kalsoonida ay ku qabaan . Cabdi shakuur Fuje, waa aas-aasaha Shirkada Soomaali Deals oo ku shaqeysa qaab online ah waxa ayna iibisaa Dhulalka,Beeraha iyo kireenta Guryaha waxa uu sheegayaa wali inay yartahay kalsoonida bulshadu ay qabaan. “ Wali caqabado ayaa jiro caqabadaas oo ah in dadka markii ay arkaan warbinada aan soo galinay qadka in su,aalo badan ay naweydiiyaan, waliba waxaa u daran dadkii hore sababtoo ah ayaga maba ahan dad aad u fahamsan, lakiin dhanka kale bulshada hormar aad ah ayaa jiro,rajo aad uweyn ayaana ka qabnaa in caqabadahaan ay dhamanayaan , wax waliba oo la bilaabo waxaa jiroo caqabado ku hor gudban inay dhamaato ayaan rajaynaynaa oo maraan fogeeyn wax waliba lagu kala iibsado qaab online ah bulshaduna fahmaan” Sanadkii 2018ka Muqdisho waxaa lagu qabtay shir lagu soo bandhigayay laguna tartan siinayay shirkadaha Tiknoolajiyadda ku shaqeeya oo qaarkood ay dhalinyaro abuureen waxaana ka soo qeyb galay dad kabadan 4000 oo qof oo isu jiray Soomaali iyo Ajaanib taas oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay ugu hamuun qabaan iney ku talaabsadaan Horumar dhanka Tiknoolajiyadda, waa kanaa Cawil Axmed waxa uu ka mid ahaa dad qaban qaabiyay shirkaas waxa uu sharaxayaa ahmiyadda uu u lahaa dadka Soomaaliyeed. “ Shirkii 2018 waxaan aamin sanahay midka 2019ka uu ka casriyeeysnaan doono oo dad 4000 ahaa ka badan ay ka soo qeyb galin doonaan , shirkadaha aan uga qeyb galnay wuu yaraa hadda dadku faaiidada way arkeen waxaan rajaynaa inuu sanadkaan shirkado ay nagu soo biiri doonaan ka badan kuwii hore” Sadexdii sano ee la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka hana qaaday dhowr isku dayo oo lagu doonayay in lagu hirgaliyo ganacsiyo iyo shirkado si guud ku shaqeynaya Tiknoolajiyadda taas oo sawir guud ka bixinaysa sida wadanka uu ugu sii socdo inuu horumar uu ka gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadanaa duulimaadyada diyaaradaha isaga kala gudba magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Heshiiskaasi ayaa dhigayay in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u cago dhigtaan garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta, halkii markii hore ay mari jireen magaalada Wajeer, waxaana hadda dhamaan diyaaradaha ka baxa Muqdisho lagu sii baari doonaa magaalada Wajeer. Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kadib go’aanka dowladda Kenya waxay war kasoo saartay waxa ay kala socdaan go’aanka dowladda Kenya iyo dhankooda go’aanka ay qaadanayaan. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warheyso go’aankaasi, islamarkaana aysan ogeyn sababta Kenya go’aankaasi u qaadatay. Wuxuu sheegay in amaan ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan, balse Go’aanka Kenya ayuu sheegay iney u malaynayaan inuu arimo kale a xiriiro. “Sida aad og thiin amaanka garoonkeena wuxuu ka sareeyaa amaanka garoomada kale, waxaan hubnaa inaysan sabab amni ay go’aankaasi u qaadan, waxyaabo kale ayaan fileynaa, waxaan sugeynaa xagooda”ayuu yiri Oomaar. “Dhamaan waxaan la xiriirnay diyaaraha toos u aadi jiray Nairobi, way heystaan aqbaarta, diyaaradaha labo nooc ayay u kala baxaan kuwo UN-ka oo mar walbaa sii mari jiray Wajeer iyo kuwa Rajaabka oo Nairobi ka dagi jiray” “Marka aan ogaano waxay doonayaan iyo sida ay howsha u joojinayaan ayaan annagana go’aan ka qaadan doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
As Uber (UBER) gears up for its debut on the public markets on Friday, ride-hailing drivers’ grievances have come under heavy focus. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo madax goboleedyada, ayaa qarka u saaran bur-bur kadib markii shalay uu meel xun gaaray, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo oo ay isku rasaaseeyeen ciidamada Jubaland iyo kuwa musharax Cabdi Naasir Seeraar ay si xooggan u saameysay shirka. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aad uga carooday falkaas islamarkaana uu madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay soo direen Seeraar, si uu qal-qal uga abuuro Jubaland. Shirka oo shalay buuq ku dhammaaday ayaa qorshuhu ahaa in xalay afurka kadib la isku soo laabto, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inuusan dhicin kadib markii Axmed Madoobe uu iman waayey. Xiisadda cusub ee Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa uga sii dartay shirka oo markii horeba ay hareesay xiisadda madaxweynaha Galmudug iyo dowladda federaalka, oo maalmihii uu shirka uu socday oo dhan laga hadlayey. Waxaa la ballansan yahay in maanta mar kale la isku laabto, balse ma cadda sida wax noqon doonaan, waxaana la hubin in Axmed Madoobe shirka iman doono iyo in kale, taasi oo haddii ay dhacdo inuusan iman ay u badan tahay in mar kale shirka baaqdo. Cabdi Naasir Seeraar, oo horey ugu dhowaan jiray Axmed Madoobe, haddana musharax ah ayaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, taasi oo aad uga carreysiisay Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
American airstrikes killed 13 militants affiliated with the Islamic State’s burgeoning Somalia faction, as Washington and its allies attempt to stamp out the terror group’s efforts to gain a wider foothold in North Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, kadib loolan muddo adag socday. Muqdisho ayaa ku guuleysatay in lala mataaneeyo magaalada Saint Paul ee caasimadda gobolka Minnesota ee Mareykanka, kadib markii uu fashilmay dadaal ay wadeen jaaliyadda Puntland ee gobolka Minnesota, oo doonayey in Saint Paul lala mataaneeyo Garoowe. Muddo sanad ka badan ayaa waxaa dagaal xooggan galay oo mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul kasoo horjeeday jaaliyadda Puntland ee Minnesota, oo sameeyey mashruuc la magac baxay Mashruuca Mataaneynta St. Paul iyo Garoowe, horena loo oron jiray Saaxiibada Minnesota ee Puntland. Bayaan ay soo saareen sanad ka hor oo ay werisay Caasimada Online, ayay ku sheegeen in qorshaha uu yahay mid “Waqtigiisa kasoo hormaray oo aan suurtgal ahayn” Waxay sheegeen in mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul uu abaal marinayo “Magaalo hantida dadkoodii lagu dhacay, dadkoodiina lagu laayey, oo lagu qasbay inay ka qaxaan”, sida ay hadalka u dhigeen. “Xaqiiqda ayaa ah in Muqdisho ay tahay magaalo ay la dageen weeraro argagixiso, oo dhammaadkoodu aanu soo dhaweyn. Waa kasoo horjeednaa in Muqdisho iyo St. Paul la mataaneeyo. Haddii sidaas ay dhacdo waxaa ka faa’iideysan doona, kuwa taageera xagjiriinta, oo ka soo horjeeda reer galbeedka” ayay yiraahdeen ururka mashruuca Garoowe. Dagaalkan ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxaana Saint Paul ay garwaaqsat in Muqdisho oo ay ku nool yihiin laba milyan iyo ka badan aan lala meel dhigi karin Garoowe, oo xitaa aan dhameyn hal degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka. “Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay” Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta . Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Popular Contributors
