-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Yemen)-Cusbitaal ku yaala Masar iyo Saraakiil ka tirsan Safaarada Yemen ay ku leedahay Qaahira, ayaa ku hawlan iibinta xubno bani’aadam 2014-kii waxaana ku jiray boqolaal bukaan iyo didaaliin ka soo kala jeeda Yemen iyo Masar, sida lagu ogaaday baadhis ay Aljazeera samaysay. Waraysiyo iyo Documentiyo ay heshay Aljazeera, ayaa baadhista waxa ay muujisay saraakiil ku bixiyey waraaqo been abuur ah in dad ay ku heleen amaro ay ku bixiyeen xubnahaasi bani’aadam. Ganacsigan xubnaha bani’aadamka ayaa khatar ku ah dadka saboolka ah ee Yemen oo doonaya inay u socdaalaan Masar si ay u iibiyaan Kali si ay u helaan dakhli ay ku sii noolaadaan, ugu yaraan in mudo ah. Mid ka mid ah Yemenidani waa Axmed, kaas oo 2014-kii u sheegay saaxiibkii inuu ka helay xabad kaliya $5,000 dollar. Oo uu ogolaaday, una duulay qaahira. Inkastoo aanay yemen xiligaasi ahayn meesha dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ugu daran aduunku ay ka jiraan ee aanu dagaalku burburin boqolkiiba 80 shacabkeeda. Balse waxay ahayd dalka ugu saboolsan bariga dhexe, qayb ahaana shacabku ay sabool yihiin. Gudaha Yemen, iibinta xubnaha qofku maaha sharci daro. Balse dalka Masar in xubnaha qofka la iibiyaa waa sharci daro. Nabil al-Fadhil, oo ah madaxa ururka Yementa ee la dagaalama ka ganacsiga xubnaha banidaamaka ayaa sheegay in ay cadeeyeen 1,000 kiis oo xubno la iibiyey ah, balse ay intaasi ka badan yihiin oo ay yihiin tobonaan kun. “Kunkii aanu waraysanayba, 900 ayaa iibiyey kalyahooda – kadibna waxaanu ku noqonay yemen oo dilaaliintu ay raadinayaan dhibanayaal cusub,” sidaasi waxa yidhi al-Fadhil oo Aljazeera u waramayey dhamaadkii 2018. Source
-
(SLT-Ottawa)-Asia Bibi oo ah Haweenay Kiristaan ah oo u dhalatay Dalka Pakistan, ayaa gaadhay dalka Kanada oo ay ka heshay Magangalyo. Haweenaydan ayaa sanadihii u dambeeyay oo dhan deris la ahayd Cabsi ay ka qabtay in la dilo, ka dib markii Dadka Muslimiinta ah ee Dalkaa ku nooli ku eedeeyeen inay Cayday Nebiyullaahi Muxamed (CSW). Asia Noreen oo loo yaqanay – Asia Bibi ayaa meel qarsoodi ah lagu hayey intii loo diyaarinayey Safarka ay Dalka Pakistan kaga qaxaysay, si ay ugu dhoofto Kanada oo ay Gaadhay, sida Warbaahinta Caalamku baahisay Arbacada shalay. Bibi ayaa Maxkamadda sare ee Pakistan ku xukuntay Xabsi, laakiin Looyarkeedii lawyer Saif ul Malook ayaa sheegay in gaadhay Dalka Kanada, halkaasi oo Qoyskeeda, gaar ahaan Labadeeda hablood garteen inay si nabadgalyo ah ugu noolaan karto. Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa bishii October ee sannadkii 2018 laashay Xukunkii Bibi ee ahaa xadhigga, waxayna arrintaasi Dalka Pakistan ka abuurtay Mudaharaaddo Rabshado watay. Wakhtigaa waxa Dawladda Pakistan Xidhay Khadim Hussain Rizvi oo ka mid ah Culimada Mayalka adage e Dalkaasi, kana mid ah Xisbiga Tehreek-e-Labbaik (TLP), ka dib markii lagu eedeeyay inuu abaabulay Dibad-baxyo lagaga soo horjeeday xukunka Bibi ee Maxkamaddu laashay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa Dawladda xidh-xidhay Tobannaan Taageerayaasha Wadaadkaasi ah oo iyaguna Rabshado sameeyay. Source
-
(SLT-Moscow)-Dowladda Ruushka ayaa dalkeeda ka ceydhisay laba diblumaasi oo u dhashay Sweden kadib markii xukuumada Stockholm ay diiday in Visaha ay u cusbooneysiiso Saraakiisha Ruushka. Af-hayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka Sofia Nahringbauer ayaa arbacada maanta ah sheegtay in dalkeeda uu si rasmi ah u diiday in Visaha dal ku jooga ah uu u kordhiyo diblumaasiyiinta Ruushka u jooga Shiinaha. Ruushka oo ka jawaabaya arintaan ayaa dalkiisa ka ceyriyay laba diblumaasi oo Sweden u joogay magaalada Moscow. Ms Nahringbauer ayaa diiday in ay jawaab ka bixiso in dowlada Sweden ay wax talaabo ah qaadi doonto iyo Inkale. Dhanka kale afhayeenka wasaarada arimaha dibeda ruushka Maria Zakharova oo warbaahinta kula hadashay Moscow Arbacadan ayaa talaabada ay qaadeen ku sheegtay in ay la xidhiidho diidmada ka timid Sweden. Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya iyadoo labada dal mid mid kale uu ku tuhmayo in uu Basaasayo. Bishii Jenewery ayaa laamaha amniga Sweden waxay ku xireen magaalada Stockholm la taliye dhanka technology-da oo u dhashay dalkooda xilli uu casho la qaadanayay diblumaasiyiinta Ruushka. Sweden ayaa ku eedeysay in Ruushka uu u tababaray muwaadiniinta Sweden in falal basaas ah uu u Adeegsado. Source
-
(SLT-Koofur Afrika)-Waxaa xalay la soo gabagabeeyay doorashadii Madaxtinimo ee ka socotay dalka Koofur Afrika, kaasoo ay ku tatamayeen hoggaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ka jira. Saddexda Xisbi ee kala ah Xisbiga talada haya ANC, Xisbiga D.A iyo Xisbiga saddexdii sano ee u danbeysay ololaha balaaran waday ee E.F ayaa ugu cad cadaa kuwa loolamayay ee loo saadaalinayo in midkood uu ku guuleysan doono doorashada madaxtinimo, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo maalinimada Sabtida ah. Sagaalka gobol ee Koofur Afrika ayay doorashada si isku mid ah uga socotay, waxaana sanaadiiqda codadka la dhigay meelaha ay bulshada ku badan tahay sida Isbitaalada, Iskuulada, Jaamacadaha iyo xarumo kale, iyadoo ugu dnabeyn xalay la soo xiray dhamaan goobihii cod bixinta. Dadka codadka dhiibanayay ayaa ahaa kuwo muddo ku siman Lix bilood ka hor isu diiwaan geliyay codeynta, iyadoo shalay fasax ay wada aahayeen Shacabka maadaama ay u eheyd maalin ay soo dooranayeen qofkii hoggaamin lahaa wadanka. Soomaalida ayaa la sheegay in sanadkan ay markii ugu badnaa ee codeynta ka qeyb qaataan, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in inta badan Soomaalidii codadka dhiibatay ay taageerayeen Xisbiga Sanadihii u dambeeyay talada hayay ee A.N.C. Si kastaba, waxey noqoneysaa 25 sano kadib markii u horeysay oo doorasho tan lamid ah ay ka dhacdo wadanka, iyadoo shacabka Koofur Afriika ay soo xasuusteen doorashadii uu ku guuleystay sanadkii 1994 Nelson Mandela. Source
-
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ee Donald Trump oo cadaadis ku heysa xukuumadda Iran ayaa sheegtay inay cunaqabateyn kusoo rogeen dhamaan Birta ay Iran dunnida u suuqgeyso, Maraykanka ayaa horey u mamnuucay shidaalka uu dalkaasi soo saaro. Cunaqabateyntan cusub ayaa qoreysa in shirkadaha iyo wadamada aysan iibsan birta, aluminium iyo maarta (copper) ay Iran caalamka u suuq geyso. Qorshaha Maraykanka ayaa ah in dhaawac weyn loo geysto dhaqaalaha dalka Iran si cadaadis loo saaro xukuumada Tehran ama uu kacdoon dalkaasi uga dhasho, waxayna xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Sacuudiga, Isreal iyo imaaraatiga horey ugu hanjabeen inay qaadi doonaan tilaabo militari. Dhinaca kale dowlada Iran ayaa beesha caalamka siisay muddo 60 maalmood ah inay la yimaadaan tilaabo lagu bedbaadinayo heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo ay saxiixeen 2015, heshiiskaasi oo uu ka baxay dalka Maraykanka oo kamid ahaa wadamadii wax ka saxiixay. Iran ayaa sheegtay inay dib u bilaabi doonto kobcinta Yuraaniyumka laga dhaliyo Quwada Nukliyeerka arrintaasi oo aan jabin doonin heshiiskii horey u saxiixday balse ah digniin ku socotada Beesha Caalamka in IRAN aysan usii adkeysan doonin cunaqabateynta Maraykanka, heshiiskii horey loo saxiixay ayaa ahayd in Iran joojiso barnaamijka nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta dhaqaale. Source
-
PRESS RELEASE Move refugees in Tripoli out of harm’s way, urges UNHCR When the hostilities intensified late last night, refugees and migrants were trapped inside and unable to flee to safety UNHCR, the UN Refugee Agency is calling for refugees and migrants in detention centres in conflict areas in Tripoli to be immediately evacuated to safety, after an airstrike hit a target less than 100 metres away from Tajoura detention centre, where over 500 refuges and migrants are being detained. More than 500 people are currently being held in Tajoura, two of whom were injured and required medical assistance. When the hostilities intensified late last night, refugees and migrants were trapped inside and unable to flee to safety. Given the ongoing violence in Tripoli and the clear risk to lives, it is now more urgent than ever that those responsible for these centres allow the immediate release of people being held there so they can be moved to safety. “The risks are simply unacceptable at this point,” said Vincent Cochetel, UNHCR Special Envoy for the Central Mediterranean. “People inside detention centres in Tripoli are facing ever-increasing dangers, making it vital that we immediately move them out of harm’s way.” Since the onset of the conflict in Tripoli last 4 April, UNHCR has relocated over 1,200 persons from high-risk locations to safer areas. However, some 3,460 refugees and migrants remain in detention centres near to conflict-affected areas. No evacuations have taken place out of Libya since 146 people were relocated to Italy on 29 April. UNHCR urges the international community to come forward with further offers of humanitarian corridors and relocation. UNHCR is also concerned at the use of detention centres for storing weapons and military equipment. Utilising civilian infrastructure in this manner constitutes a violation of international humanitarian law and must be avoided at all costs. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Jabhada ONLF ayaa ka hadashay keydka gaaska dabiiciga ee gadhaya 1.6 Trillion Cubic Feet ee laga helay Deegaanka Hala-quraan ee dhulka Ismaamulka Soomaalida. Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Caddaani Hirmooge ayaa sheegay in shidaalkan la helay ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, balse ay ka fara maroojiyeen maamuladii hore ee DDSI, haatanse aysan jirin cid ka leexsan karta xuquuqdooda. Waxaa uu sheegay in dib loogu noqonayo heshiisyadii ay hore u saxiixeen maamuladii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in kheyraadka dhulkaas ku jira ay manaafacsadaan dadka deegaanka. “Hantidan hanti Soomalaiyeed weeye, doorka dowladda Ismaamulka ay ku leedahay arrimaha gaaska iyo Batroolka, dowladda shacabka ay leeyihiin iyo doorka ay Jabhadu leedahayba waa iney cadaataa arintaas, heshiisyadii hore ee dadka Soomaaliyeed lagu dul minaayay ma soconayaan” ayuu yidhi Hirmooge. Afhayeenka Jabhada ONLF ayaa dhinaca kale sheegay in xubno ka mid ah hoggaankooda iyo Wasiirka Batroolka Itoobiya ay hal mar kulan ka yeesheen arinta shidaalka, isagoo tilmaamay iney u cadeeyeen walaaca ay ka qabaan in la iska qaato kheyraadkooda, iyadoo aan laga tala gelin shacabka iyo maamulka halkaasi ka jira. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in kheyraadka laga helo dalka Itoobiya si cadaalada loo qeybin doono, isagoo intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar. Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Itoobiya ayaa todobaadkan shaaca ka qaadday in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka degmada Dharkeynley iyo saraakiisha ciidamada booliska degmadaasi ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay baaritaan ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Dharkeynley. Ciidamada ayaa baaritaankaasi ku baadi goobayay shaqaale la sheegay inay la shaqeynayay shirkad bixisa Adeega Internet-ka oo lagu afduubtay degmada Dharkeynlay. Guddoomiyaha Maamulka degmada Dharkenley Abuukar Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay baadi goobayeen dadka afduubta geystay islamarkaana ay soo heleen qofkii la afduubtay. Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay baxsadeen qaar kamid ah raggii gaystay afduubka kadib markii ay arkeen Ciidamada amaanka oo ku raad jooga balse ay soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Dharkeynleey ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, darawalkii waday iyo askarii qayb ka ah raga afduubka gaystay. Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha in raggaani ay ahaayeen Shabakad horay uga jirtay degmada dharkeenley qofkii guri dhisanayana ay ka kaxeysan jireen Ingineerka si ay lacago baad ah uga qaadaan. Waa dhacdadii ugu horeysay oo ka dhacday degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir tan iyo sanadkaan 2019. Caasiimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maraykanka Oo Hakiyay Heshiis Uu Maydad Kula Soo Wareegayay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dadaalladii ay kula wareegaysay hadhaaga askartii laga laayay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, iyadoo badhtanka lagaga jiro xilli uu go’ay xidhiidhkii uu dalku la laahaa Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadkii hore wareejisay haraaga maydadka konton askari oo Maraykan ah oo la dilay intii u dhaxaysay 1950-1953 markaas oo dagaal socday. Arrintaas ayaa muujinaysay in uu soo hagaagayo calaaqaadka u dhaxeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un. Balse Wasaaradda Gaashaan dhigga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay hakisay qorshahaas ka dib markii ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen shirkii labada hoggaamiye ay yeesheen. Askar lagu qiyaasay 36,000 oo ciidammada Maraykanka ka tirsan ayaa ku geeriyooday dagaalkii Kuuriya, Maraykankuna wuxuu sheegay in aan wali meelna lagu ogayn in kabadan 7,700 askri. Ku dhawaad 5,300 oo askartaas ka mid ah ayaa lagu waayay gudaha Kuuriyada Waqooyi. Dadaalka labo geesoodka ah ee dib loogu soo celiyo haraaga maydadkii askarta Maraykanka ayaa qayb ka ahaa fulinta heshiisyadii ay gaareen Trump iyo Kim kulankoodii u horreeyay ee Singapore ka dhacay 2018. Balse xidhiidhkii ayaa hakaday ka wixii ka dambeeyay kulankoodii labaad ee Vietnam ay ku yeesheen sannadkan, kaas masuuliyiintan ay ku guuldarraysteen in ay wax horusocod ah ka gaaraan wadahadalkii barnaamijka nukliyeerka ah ee Pyongyang. Chuck Prichard oo u hadlay Defense POW/MIA Accounting Agency ayaa sheegay Arbacadii in masuuliyiinta Kuuriyada Waqooyi aysan wax xiriir ah la soo samayn tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii bishii Feebaraay dhacay. Source -
(SLT-Venezuela)-Xukuumada Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa markii ugu horeysay xabsiga u taxaabtay mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka ee ka qeyb qaadanayey qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan. Hogaamiyahan la xiray oo lagu magacaabo Edgar Zambrano ayaa ah Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalkaasi oo ay aqlabiyadiisa heystaan xisbiyada mucaaridka ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido ayaa horey u sheegtay inuu yahay Madaxweyne kumeel gaadh ah. Juan Guaido iyo kooxaha mucaaridka ayaa todobaadkii hore isku dayey inay sameeyaan inqilaab militari oo ay ku fashileen, kadib markii ay taageero ka waayeen inta badan ciidamada dalkaasi Venezuela oo weli daacad u ah xukuumada Madaxweyne Nicolas Maduro oo isagu ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday sanadkii tagay. Mucaaridka oo taageero ka helaya Maraykanka ayaa doonaya in xukunka laga tuuro Nicolas Maduro oo ay kasoo horjeedaan siyaasadiisa u jeen jeerta garabka biddix iyo dhinaca dadka saboolka ah ee reer Venezuela. Maduro oo isagu sheegay inuu heysto taageerada inta badan shacabka iyo militariga ayaa sheegay in kooxaha mucaaridka ay hogaamiyanayaan tujaarta dalkaasi horey uga soo talin jiray oo doonaya inay dalkaasi iyo khayraadkooda shidaalka u gacan geliyaan Maraykanka. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wakaalada wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency ayaa sheegtay in wadahadal dhinaca Talefoonka ah ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani. Labada mas’uul ayaa wadaahalkooda waxa uu la xidhiidhay Salaan iyo isu hambaleynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinimadii Isniinta ee todobaadkan bilaabatay. QNA ma bixin faahfaahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan haddii uu jiro arrimo kale oo ay isla soo qaadeen Farmaajo iyo Tamim. Majirto wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya oo la xidhiidha wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani. Qatar oo galaangal ku leh Siyaasada gudaha ee Soomaaliya ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana horaantii sannadkan ku deeqday lacag gaadheysa 20 milyan oo ah Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan. Source
-
(SLT-Myanmar)-17 qof oo ay ku jiraan Duuliyaha iyo 4 Shaqaalaha Diyaaradaasi ayaa dhaawacmay, kadib markii ay Diyaarad Rakaab oo laga lahaa dalka Bangaladesh ay ku dhacday Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee magaaladda Yangoon ee dalka Myanmar. Waaxda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradda ka baxday dhabaha Garoonka, kadibna ay laba cad u kala jabtay. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Bombadier Dash 8 waxaa saarnaa 29 qof oo rakaab iyo 4 shaqaale, wuxuuna Duuliyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee shilkaasi dhliyey ahayd Cimilada oo aad u xumayd, isla markaana ay dabaylo xooggan dhacayeen. Wargeyska The Myanmar Times waxa uu soo bandhigay Sawirada Burburka Diyaaradda oo taalla dhul caws ah oo ku dhow dhabaha ay Diyaaraduhu soo caga-dhigtaan. Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Bangladesh ee Biman waxaa la socday Rakaab ka soo kala jeeda dalalka Bangaladesh, Myaanmaar, Shiinaha, Kanada, Faransiiska, Switzerland iyo Hindiya. Source
-
(SLT-Khartoum)-Golaha Milateriga Suudaan ayaa ku adkaysanaya in shareecada islaamka ay aasaas u sii ahaato sharciga cusub ee dalka. Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa golaha u gudbiyay liis ay ku dalbanayaan dowlad ku meel-gaadh ah, kadib markii bishii Abriil xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashir. Laakiin 10-ka xubnood ee golaha milateriga ayaa sheegay in ay “shaki badan ka qabaan” fikirka ay soo jeediyeen iyo mudaaharaadyaasha oo ka gaabsaday sharciga Islaamka. Wadahadaladii u dhexeeyay milateriga iyo mucaaradka ayaan wax heshiis ah laga gaarin. Dalabka dibad-baxayaasha ayaa waxaa milateriga u gudbiyay Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka ee (DFCF), oo ka kooban isbahaysiga qolyaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo xisbiyada mucaaradka. Arbacadii la soo dhaafay, Khalid Umar oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga DFCF isla markaasna ah dadka ugu cadcad xisbiga Congresska Suudaan, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan diidmada nabadeysan ee ka dhanka ah xukumadda illaa ay u rumoobeyso riyadooda . Lt-Gen Shamseddine Kabbashi, oo ah afahayeenka Golaha Milleteriga ee sida ku meel gaarka ah uu haya talada dalkaasi (TMC) oo la wareegay xilka ka dib markii xilka laga qaaday Al Bashir ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay si wanaagsan u aqbaleen baaqooda. Dastuurka u yaala dalka Suudaan wuxuu hadda dhigayaa in Shareecada Islaamka ay tahay sharciga lagu xukumo dalkaasi. Dibadbaxayaashu waxay soo jeediyeen in awoodda loogu dhawaaqayo xaalad deg deg ah ee dalka ay ku ekaato golaha, hase ahaatee, golaha Milleteriga ee sida ku meel gaarka ah u haya talada dalkaasi waxay aaminsan yihiin in ay tahay mas’uuliyadda maamulka cusub oo aan weli la magacaabin. Waxay sidoo kale codsadeen in muddada ku-meelgaarka ay ah socoto ilaa afar sano, iyadoo millatariguna rumaysan yahay inay ku egtahay laba sano oo kaliya. Laakin si ay wadahadalo ugu dhameeyaan ismari waaga taagan, ayaa Sareeye Guud Kabbashi waxaa uu sheegay inay tahay in xili hore ay ka fekeraan sidii lix bilood gudahood ay u qaban lahayeen doorasho. Sarkaalka ugu sareeya Golaha millateriga ayaa horaan BBC-da u sheegay in aysan aqbali doonin gole rayid oo ku-meel-gaar ah, bayaankaasi oo keenay dhaleeceyn ballaaran. Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay aafafka hore ee saldhiga ciidammada Khartoum, iyaga oo ku ku baaqaya xukun rayid ah. Source
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi. Deegaanka Bariire ayaa dhawaan lagala wareegay Al Shabaab waana markii labaad oo todobaad gudahiis ay weerar xoogan ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al Shabaab. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid xoogan, waxaana uu bilowday kadib markii Al Shabaab ay rasaas ku bilaabeen ciidamo ku sugnaa halka laga difaaco deegaanka. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay waxaase dadka deegaanka ay sheegeen in dagaal muddo saacad ku dhow socday uu xalay ka dhacay Bariirre. Weerarka Al-shabaab ee Bariirre ayaa ku billowday sida ay sheegeen goobjoogayaal qoryaha culus,waxaana ku xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka. Saraakiisha Ciidamada DANAB ee deegaankaas dhawaan kala wareegay Al-shabaab ayaa sheegay in ay iska difaaceen duulaankii xalay ee Al-shabaab, islamarkaana dhankooda qasaaro ay ku gaarsiiyeen. Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-09052019.mp3 View the full article
-
Shirka magaalada Garoowe uga socda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintii 5-aad iyada oo aan wax la taaban karo la qaban. 2-badii maalin ugu dambeysay waxaa lagu mashquulsanaa arrinta dowlad goboleedka Galmudug, waxaana wada hadal arrintaasi ka lahaa madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf, wararka qaar ayaa sheegaya in arrimihii la isku heystay aan weli xal laga gaarin. Dhinaca kale, shirkan waxaa la filayaa in lagu dhiso gole iskaashi oo ay yeeshaan dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe, kaas oo ay ka shaqeyn doona arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Fikraddan waxaa lahaa oo soo-jeediyey dowlad goboleedyada kadib markii 2-badii sano ee la soo dhaafay oo fashilmay golaha amniga oo labada dhinac ay ku bahoobeen. Dowladda Xasan Sheekh waxaa ay leedahay Madasha Wadatashiga Qaranka, taas oo keentay in lagu heshiiyo arrimo badan oo ay ku jirtay doorashadii dadbaneyd ee la qabtay 2016/2017. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN):– Xalay Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaaga ee gobolka Banaadir. Tartamayaasha labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan wanaagsan oo ku dhisan Aqoon, wadatashi iyo is faham intaba. Labadani degmo ayaa u dambeeyey Group A oo ay ku wada jireen illaa 4 degmo oo kala ahaa Kaxda, Baraawe, Hodan iyo Howlwadaag. Hodan ayaa la timid 6 buundo, halka Howlwadaag oo guushu ay raacday ay keensaTay dhibco gaaraya 14 , sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Howlwadaag ayaa noqoneysa degmadii labaad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka, waxaana ka horreeyay Kaxda oo guul ka gaartay dhiggeeda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmooyinka Dharkenley iyo Wanlaweyn oo ku wada jira Groupka B ee tartanka. Sidoo kale labad degmo ayaa ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
-
Garoowe (SMN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa Xalay ka qeyb galay kulan afur ah uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Garowe. Afurkan ay maamulka gobalku Ku Casuumeen Ra’iisulWasaare xassan ayaa waxaa ku wehlinayey wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiin Kale. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Garowe, wuxuuna mid mid ula sheekaysatay dadkii ay kulmeen. Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad gelyadda ay iska kaa shanayaan. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu cadaadiyay inuu heshiisyo wax-ku-ool ah la galo maamullada ka jira dalka, kaddib kulan uu si qarsoodi ah kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia. Danjire Donald Yamamoto ayaa ku boorriyay madaxweynaha DF inuu soo af-jaro dhammaan khilaafyada kala dhexeeya madaxda maamullada waddanka ka jira, kuawasoo uu sheegay inay qabaan tabooyin ku aaddan habka ay DF wax ku waddo. Kulanka Farmaajo iyo Yamamoto ayaa toddobaadkii hore si qarsoodi ah uga dhacay Muqdisho, iyadoo warbaahinta laga qariyay inay wax ka ogaato wixii looga hadlay, balse ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa soo dusiyay wararkan. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu sheegay in khilaafyada DF kala dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada ay curyaamiyeen hawlihii ay dowladdu qaban lahayd, taasna ay tahay caqabad weyn oo haysata. “Hawlaha dowladda waxay xilliyadii u dambeeyay ka socon waayeen khilaaf aan kala joogsi lahayn oo u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada iyo dowladda aan madaxda u ahay, waxaana isku dayayaa inaan khliaafyadaas soo af-jaro, si hawlaha ay dowladdu ay horay ugu socdaan labada sano ee ka hartay xukunkayga,” ayuu Farmaajo u sheegay Danjire Yamamoto. Dhanka kale, Danjiraha Mareykanka u jooga Somalia ayaa kulankan ka hor wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula soo qaatay kulammo wajiyo badan lahaa madaxda maamul-goboleedyada, isagoo dhageystay dhammaan cabashooyinka ay qabaan. Kulammadan ayaa waxay keeneen in shir lagu qabto Garoowe, kaasoo ay goobjoogayaal ka yihiin dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira iyo xubno ka socda beesha caalamka, inkastoo aanay weli kasoo bixin natiijo lagu qanci karo. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay weli u muuqataa inay dhan isaga riixayso cabashooyinka ay maamul-goboleedyada qabaan qaarkood, inkastoo ay ogolaatay inay qaarkood ka tanaasul ka muujiso. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Famaajo oo lagu boorriyay inuu la heshiiyo madaxda Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dagaalka culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo xoogag k tirsan ururka Al-shabaab. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariirre oo hoos-taga degmada Aw-dheegle, halkaasoo ay dhawaan ciidamada DF la wareegeen, waxaana shacabka deegaanka ay sheegeen inuu dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah socday. Sidoo kale, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu le’g yahay maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo shacabka ay jiifeen, isla markaana aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay. Balse, saraakiil ka tirsan ciidamada DF ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay doonayeen inay dib ula wareegaan deegaankaas, balse ciidamada DANAB oo ku sugan halkaas ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid xoogagga kooxda Al-shabaab. Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Bariirre ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka xalay ku qaaday deegaankaas. Al-shabaab ayaan ka hadlin weli dagaalkii xalay ka dhacay Bariirre oo ay iyadu weerarkiisa lahayd, waxaana shacabka deegaanka laga soo xigtay in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo isku xigta weerarta deegaanka Bariirre oo ka mid ah deegaanno dhawaan lagala wareegay, iyadoo la sheegay in deegaankaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay Al-shabaab, maadaama ay ku qaadi jireen Zakawaat-ka. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanno dhawaan lagala wareegeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Xubno ka agdhow madaxda ku shirsan Garoowe ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in isfaham laga gaaray qaar kamid ah qodobada looga hadlayo shirka wada-tashiga madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Garoowe. Sida la sheegayo qodobada heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah arrimaha dowlad goboleedyada Galmudug oo maalmihii u dambeeyay muran ka dhex aloosay shirka iyadoo hadda la isla gartay in la isu keeno dhinacyada is khilaafsan ee Galmudug iyo in madaxweyne Xaaf laga aqbalay mudda kordhin uu ku gorgortamay. Sidoo kale waxaa la isku raacay in doorashada Jubaland wakhtigeeda la qabto iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya laga saxiixay in aysan wax fara-gelin ah ku samayn doonin doorashada madaxtinimada Jubaland. Qodobada kale ee heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah xeerarka doorashooyinka iyo betroolka oo la go’aamiyay in dib loogu noqdo islamarkaana xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu isla diyaariyaan. Waxaa kale oo la isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo in wax kasta oo tabasha yimaada laga wada-hadlo iyadoo la qaban doono kulamo dambe oo lagu sii wadayo wada-shaqeynta. Qodobada kale ee heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah Amniga Qaranka iyadoo la isku raacay in la sameeyo qorshe amni oo midaysan kaasi oo ay ku wada-shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada gaar ahaanna xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Qodobada aan weli heshiiska laga gaarin ayaa la filayaa in saacadaha soo socda kulamo kale laga yeesho sida ay sheegayaan xubno ka war-haya shirka. Shirka ayaa sida qorshuhu yahay ugu dambayn la soo geba-gabayn doona jimcaha berriya haddii laga heshiiyo qodobada harsan. Afeef: Xogtan waxan ka helnay xubno ka agdhow shirka balse mar kasta wax baa iska beddeli kara maadaama aysan si rasmi ah u soo bixin PUNTLAND POST The post Qodobada la isku raacay shirka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN):-Washington ayaa shalay oo Arbaco ahayd war ay soo saartay waxa ay eedeyn kulul dusha uga tuurtay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta. Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dagaallo iyo Khilaafyo ka aloosan gudaha dowlado dhowr ah oo carbeed kuwaas muddo sanado ah ay hareeyeen muranno xoogan. Madaxa Guddiga Xiriirka Dibadda Golaha Baarlamaanka Maraykanka Jim Rish ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu dabagal ku sameyn doono kaalinta Isutagga Imaaraatka Carabtu ku leeyihiin , Xiisadaha ka jira dalalka Sudan , Libya iyo Somalia. Warbixin sanadlo ah oo looga hadlayay Xaaladaha Nabad Gelyada ee Qaaradda Africa ayaa daaha ka rogtay in faragalinta Imaaraatka ee Geeska Africa ay wiiqday xiriirada dalalka Gobolkaasi dhaca taas oo sidoo kale fashilisay dadaaladda dib hagaajinta ee Gobolka Geeska Africa muddooyinkii dambe ka hana qaaday. Sidoo kale Warbixinta ayaa tilmaamtay in Heshiisyada Iskaashi ee Imaaraatku la saxiixday , Somaliland iyo Puntland ay u muuqdaan kuwa caqabado ka dhex abuuraya Labadaasi maamul iyo dowladda Dhexe ee Somalia. Ugu dambeyn ayaa Warbixinta waxa ay Imaaraatka ku eedeysay in cirka ku sii shareereyso Xaa ladda dalka Sudan ee dhawaan Milatarigu Afgambi kula wareegeen. Imaaraatka Carabta ayaa horay shaaca uga qaaday in ay taageereyso Maleeshiyada uu horkacayo Sarkaalka lagu Magacaabo Khaliifa Xaftar ee doonaya in awoodda dalka Libya uu xoog kula wareego iyadoona Dowladda Caalamku ka aqoonsan yahay ee dalkaas Imaaraatku ku tilmaameen Argagixiso. Imaaraatka ayaa galaangalkiisa Gobolka Geeska Africa billaabay Tobankii sano ee u dambeysay iyagoo uga gollahaa sida warbixintu xustay damaceeda ku aadan in danaheeda garaka ah ay ka fushato Gobolkaasi Geeska Africa maadaama Gobolku yahay marin isku xir oo Muhiim u ah Qaaradda Assia. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi. Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa baaritaankaan ka sameeyay xaafadaha magaalada, waxaana lagu raad joogay dad la tuhunsanaa inay abuuri lahaayeen falal amniga magaalada Boosaaso wax u dhimaya. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa howlgalkaasi kusoo qabtay aalado qaraxyo ah oo lagu qarinayay xaafadaha magaalada Boosaaso iyo shaqsiyaadkii ku howlanaa, sida saraakiisha ay sheegeen. Saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegay in baaritaanka ay sameeyeen kadib markii ay xog kaheleen laamaha amaanka, taasi oo dhalisay inay toos u weeraraan halka lagu tuhmayo inay qaraxyada yaaleen. Saraakiisha ayaa sheegay in shaqsiyaadka lagu soo qabtay howlgalka ay baaritaan ku socdaan islamarkaana ay saxaafadda la wadaagi doonaan, marka uu baaritaanka dhamaado. Ugu dambeyn saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ayaa ka dalbaday shacabka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago dadka falalka amni darada ka geysan kara magaalada. Inta lagu gudo jiro jiro bisha Ramadaan waxaa laga baqayaa in kooxaha Daacish iyo Al Shabaab weeraro ka fuliyaan magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bariire (SMN):-Wararka ka imaanaya Deeganada Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in Xalay Goor fiidkii ah ay Alshabaab Weerar ku qadeen Fariisin Ciidan oo kuyaala Deegaanka Bariire oo ay dhawaan la wareegen Ciidamad dowladda. Weerarka Kadib waxaa goobtaasi ka dhacey Dagaal mudo socdey oo u dhaxeeya Libada Dhinac, waxayna ilo deegaanka ah sheegayan in la isku adeegsaday Hub Culus. Majirto Ilaa hadda Qasaaro Sirasmi ah loo shaaciyey. Dagaalyananadda Alshabaab ayaa tiro dhawr jeer ah weerar ku qaadey Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose. Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada La Wareegay Bariire ayaa Warbaahinta kal hore u sheegay in ay Xaqiijiyeen Amniga Bariire, Islamarkaana uu Qorshahoodu Yahay in ay la wareegan Goobo Kale. View the full article