Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maraykanka oo shaaciyey inuu fuliyey Duqeyntii lagu dilay Ku-xigeenkii Ururka Daacish Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn ku dileen ku-xigeenkii guddoomiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Buurlayda Gobolka Bari ee Puntland. Qaran News
  2. Jabuuti (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in duqeyn diyaaradeed oo dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdixakiim Dhuqub. Dilka Dhuqub ayaa waxaa sabtidii sheegay maamulka Puntland. Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Dhuqub lala beegsaday baabuur uu saarnaa uu ka dhacay deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Dhuqub uu msas’uul ka ah howl maalmeedka kooxda, qorsheynta weerarada iyo helista macluumaadka. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa ah koox aad u yar tiro ahaan, waxaana saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay yihiin qiyaastii 150 dagaal-yahan. Waxay aad ugu yar yihiin kooxda Al-Shabaab oo lagu qiyaaso 5,000 oo askari. Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo horey uga goostay kooxda Al-Shabaab, waxaana xoogeeda ay ka howl-gashaa gobolka Bari ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Ilhan Cumar oo wajahaday Xaalad khatar ah Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay halista kusoo badatay Ilhaan Cumar oo ka mid ah wakiillada matala xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sheegtay in ay kusoo bateen hanjabaadaha loogu jeedinayo in la dilayo, tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Domald Trump bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal iyo muuqaal ku saabsan khudbad ay jeedisay bishii lasoo dhaafay, sida uu shaaciyay Telefishinka CNN. Gabadhan oo laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa sidoo kale sheegtay in Trump uu dhiirrigaliyay xagjiriinta garabka midi gee qalalaasaha kiciya. Hase ahaatee xog hayaha dhinaca saxaafadda ee aqalka cad Sarah Sanders ayaa Axaddii gaashaanka ku dhufatay eedeymaha noocaas ah. “Tan iyo markii uu madaxweynaha qoraalkiisa uu muuqaalka la socday Twitter-ka soo dhigay Jimcadii, waxaan arkay in ay sii kordheen khataraha ku wajahan nafteyda, in badan oo ka mid ah waxay si toos ah u soo xiganayaan muuqaalka uu soo dhigay. Waxaan u mahad celinayaa booliska Capitol, FBI-da, ciidamada aqalka iyo afhayeenka aqalkaba sida ay uga walaaceen hanjabaadahan”, ayaa lagu yidhi bayaan ay Ilhaan soo saartay galinkii dmabe ee Axadda. Afhayeenka Koongareeska Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay amaanka Ilhaan Cumar kala hadashay saraakiisha ciidanka ilaalada aqalka, ayna ku amartay in si xoog leh loo adkeeyo amnigeeda. Donald Trump ayaa Twitterkiisa soo dhigay muuqaal laga arkayo Ilhaan Cumar oo khudbad jeedinaysay bishii lasoo dhaafay, isagoo dusha uga qoray “waligeen ma illoobi doonno”. Muuqaalka oo la jarjaray ayaa lagu celceliyay erayada ay dhaheysay qaarkood, taasoo dadka Ilhaan taageera ay u arkeen mid lagu muujinayo Islaam nacayb. Waxay Ilhaan muuqaalkaas uga hadleysay guddiga lagu magacaabo CAIR ee gobolka Calofornia, kaasoo ka shaqeeya xiriirka Mareykanka iyo Muslimiinta. Trump ayaa sidoo kale muuqaalkaas kusoo dhex daray qeybo jarjaran oo ka mid ah weerarkii 9/11 ee lagu qaaday daarigii dhaadheeraa ee Mareykanka Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay Magaalada Hargeysa laga helay laba Xabaal-wadareed, kuwaasi oo ay ku sheegen inay ku aasanyihiin Dad ay laayeen Milletarigii Soomaaliya xiligii Siddeetamaadkii. Guddiga baadhitaanka Xasuuqyada u qaabilsan Somaliland ayaa sheegay inay ka heleen laba Xabaal-wadareed Xaafadda 150-ka ee Waqooyiga magaalada Hargeysa oo ay muddooyinkii u dambeeyay ka wadeen baadhitaano. Agaasimaha Guddiga baadhitaanka ee Somaliland, Axmed Keyse ayaa faah-faahin ka bixiyay Xabaalaha ay heleen, wuxuuna yiri “Baadhitaankii Xasuuqa ayaanu wadnaa, 4-tii bishan waxaanu Xaafadda 150-ka ee Hargeysa ka helnay laba Xabaal-wadareed, labada Xabaal-wadareed waxa aad badan (Dadka ku aasan badan yihiin) ta Beerta ilma Dhamac, waxaanu Tacsiyadaynaynaa Dadka Dadkoodii halkaa lagu laayey ee Imika Lafahoodii hortooda dib loogu soo saarayo”. Axmed Keyse ayaa waxa kale oo uu sheegay in marka dibedda loo soo saaro Lafaha Dadka Xabaal-wadareedyadaa ku aasan loo sameyn doonaa Aas-qaran “Dadkaa si wanaagsan baa loo aasi doonaa marka Lafahooda la soo saaro, waxaana loo samayn doonaa aas qaran” ayuu yiri Keyse. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Goobjoog, kana warramay shirkii sabtidii su’aalaha lagu weydiinayey madaxda hey’adaha amniga ayaa waxa uu xusay in su’aalihii la weydiiyey hey’adahaasi qaarkood ahaayeen kuwoo lagu qanci karo halka qaarna aan lagu qancin. Xildhibaan Fiqi oo arrinkan ka hadlayey waxaa uu yiri“ Kulanku waxa uu ahaa kulan waayahaan oo dhan carabka lagu hayey oo buuq badan ka dhaliyay Baarlamaanka. waxaana la sii shaaciyey in kulan albaabada ay u xiran yihiin oo saxaafaduna dibad joog ka tahay su’aalo lagu waydiinyay Taliyayaasha ciidamada afar taliye iyo ku xigeennadooda iyo labada wasiir gaashaandhiga iyo wasiirka amniga iyo labada wasiiro ku xigeenadooda intaas kulan laysugu keenay ay joogeen, Xildhibaanaduna ay ku weydiinayeey su’aalo xor ah oo furan, amniga, amni darrada jirta iyo talooyinn lagu siinayay amniga, waxa ay bixinayeen jawaabo kuwaas oo lagu qancayay iyo kuwo aan lagu qanceyn qaarna lagama jawaabin oo dib ayeey ula laabteen”. Sidoo kale Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho dowladda in badan ay u soo samreen, canshuurana ay bixiyaan taas badalkeedana loo baahan yahay inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo amingu ugu horeeyo iyo isku socodka loo fudeeydiyo. Xildhibaan Axmed waxaa uu yiri “Shacabku, waxa ay dalbanayaan waxaa weeye maadaama ay yihiin canshuur bixiyayaal ay yihiin kuwo dowladduna ay la noolyiin ay magan galiyeen, waxa ay mudan yihiin in dadka loogu badalo adeeggii iyo ay ku muteysteen, waajibkii ay guteen ayey mudan yihiin, marka waxaan leenahay dadka Muqdisho deggan waa ay soo dulqaateen wax bandanna waa ay u soo dulqaateen”. Dhanka kale Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qaatey hadalkii Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo uu ku sheegay in 20 ruux ay qasayaan magaalada waxa uuna sheegay in ayaan darro ay tahay inuu sidaa ku hadlo madaxweynihii dalka ayadoo shacabkii dhiigooda daadanayo. “Waxa ay aheyd ayaan darro inuu iska aamusnaado markii dadka ay dhibaatada haysto markuu soo baxana uu ku hadlo hadalo xanaf leh, oo aan daawo aheyn la soo baxo oo ma aragtay si kulul uu caroodo, waxaa mudnaa dadkaas dhibaatada haysato inuu uga garaabo, dadka reer Muqadisho dhibaatada soo gaartay dilka iyo dhaawaca laysugu daray intuu asagu madaxweynaha ahaa dhibaatada dadka hoostooda ku soo gaartay 5000 qof ka badan ayaa dhimatay dhaawcyo badan ayaa reero soo gaaray waxaa burbur-burtay hanti aad u fara badan”. ayuu yiri Fiqi Ugu danbeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa halkiisa ku soo gabagabeyay in dadka maanta dhibban inay yihiin dadkii shalay u soo banbaxay madaxweyne Farmaajo markii la doortay, mana jirin shacab cid qasabtay, ma ahan markii ay dareenkooda muujiyaan in la ciqaab markii ay taageeraana lagu faano. “Dadku waa dadkii asaga uu ku faraxsanaa, waa dadkii wax ka dhigay, markii ay taageersan yihiin oo qadyaadka uu wato ay ka hadlaan inuu ku faano, marka ay cabiraan dareenkoodana ciqaabta jamaaciga ah ay galiyeen labadii sano ee la soo dhaafay markii ay cabiraan ay ka jawaab celiyaan inuu dadkaan, xaqa ay dalbanayaan iyo dhibatada ay ka gubanayaan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay dil ugu soo hanjabeen, kadib markii uu dhawaan si adag uga hadlay xiisadii mudooyinkii dambe ka dhex aloosneed Ganacsade Axmed Geelle iyo Qoyska Madaxweynaha Jabuuti. Cabdi Good ayaa dhaliilo ku hurgufay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mar uu falanqeynayey xiisada ka dhex taagan Ganacsadaha iyo Qoyska Madaxweynaha. Abwaanka ayaa sheegay in sirdoonka cabsi galintoodi aysan waxba ka badali doonin ka hadalka arrimahan, isagoona sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in bulshada reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan. Cabdi Good oo ka hadlaya Arrimahaas, waxa uu yiri “Saaka labo mar ayaa waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp-ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo, in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay idilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geelle la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa”. waxa uu intaas kusii daray Cabdi Good “Cumar Xasan Al-Bashiir waxa helay waad arkaysaa inuu inqilaab ku qabsaday oo kii ka qaadayna laga sii qabsaday aniguna digtaytar ayaan sheegay hantida reer Jabuuti ee maqana waan sheegay qoyska ku amar ku taagleeyana waan sheegay intaas midna been maaha oo adduunka oo dhan ayaa qirsan, maxaad uga hadashay Ismaacil Cumar Geele ayaa uu sirdoonkiisii iigu soo dirayaa oo uu leeyahay Hargyesa ku dil, waar dhagaxyo soo daadi waxba ha la hadhine anigu Hargeysa ayaan joogaa oo Somaliland ayaan joogaa nin sidaas ku cabsada ma ihi nafta alle ayaa qaada oo marbay baxdaa naabaalo intaad igu soo hogaamiso bal madaxa igaga dhufo nin sidaas ku cabsada ma ihi, waa digtaytar Ismaacil Cumar Geele aniga ayaana taas aaaminsan oo aaminsan in qoyskiisu uu meesha ka shaqeeyo, waxaana kuu cadaynaaya hanjabaadan”. “Nin Sidaas ku baqda oo la iibsado ma ihi, maanta hadaan duray u dhinto waan garanayaa ciddi ay reer Somaliland godobtayda u raacayaan, hadduu duray I dilo ama iskay aan u dhinto” ayuu yiri Abwaan Cabdi Good. Waxa kale oo Abwaanku ka dhawaajiyey in Sirdoonka jabuuti ay ku haystaan maxaad uga hadashay xiisada Axmed Geelle, wuxuuna yiri “Maxaad Ina Cismaan Geele Arab Ugu hiilisay miyaanu ahayn nin ka soo cararay, sida kaas loo eryanaayo ayaa anigana la doonaya maxaad uga hadashay, waar ina Cismaan Geele godabtiisu anigay ii taalaa waanan ka hadlayaa, hadduu dulmiga wadano waan qabanayaa hadduu dulman yahayna waan u hadlayaa, imikana ina Cismaan Geele Arab inta Hargyesa laga kaxeeyo Jabuuti lama gaynmaayo, maxkamadaa sharcigu waxay ku leeyihiin bangiyadu waa halkeeda laakiin maxaad ugu hadashay waar imikaan u hadlayaa,caqliguu jabuuti ku hayayna waa uu hayaa lacagtiina waa uu hayaa, halkanba kanbaniyo waa uu ka samaysanayaa aniguna waan hadli intay saantaydu qoyantahay, qaranka Jabuuti ayaa la dhacay ayaan idhiye ma wax kale ayaan idhi, maamulka Ina Cumar Geelaan wax ka sheegee ma jabuutibaan wax ka sheegay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Xil Qabte kastaa Dhac Hadoodilan ayuu u yahay Awdal iyo Gobolada dalka Hargaisa iyo dadkeedana 85% Dan iyo munaaficaad ayuu u xisaabsanyahay !! Dr.Khadar-Libaaxley. Nidaam siyaasadeedka Somaliland ku dhisantahay ee Xaruntiisu tahay Hargaisa waxa uu ka ganacsadaa ( Xoogga, Xoolaha iyo Xil-kasnimada Labeenta iyo Hal-doorka Gobolada) balse Gobolada iyo dadkoodu iskuma haystaan in ay koriyaan dhaqaale ahaan iyo camiraad ba Hargaisa iyo Dadkeeda, Dadka Goboladu kaliya waxa ay ku faraxsanyihiin in ay Hargaisa yimaadaan ama u soo guuraan si xisaab iyo qiimo la’aan ah. Xil-Qabte kasta oo Awdal iyo Gobolada kale ee dalka ka mid ah waxa ay Midhaha , Manfaca iyo Maalkaba u hooriyaan 85% waa Hargaisa , halka Gobalada iyo dadka ay siyaasada ku matalaan ( Manfac iyo Midhaba waxa soo gaadha Awdal iyo Goboladaba hambada Hargaisa ka soo hadha oo hab hiif ah iyo waliba sidaa in ay wax weyn tareen/ qabteen ay isku arkaan mid Gobolkiis , ha ugu ayaan daraadeen kuwa Awdal e’ ) Hargaisa ayey dan iyo munaaficaad u yihiin 85% macnaheedu = 1.) waxa ay tahay Masuul kasta oo la magacaabo mushaarkiisa iyo lacag kasta oo si toosa iyo si dadban u soo gasha waxa uu ku cunaa 85% in ka badan Hargaisa marka lagu daro inta uu shaxaad u bixinaayo iyo inta martiqaadaayo ; waxa suuragal ah 10% in ka yar oo lacagtaasi ah in ay soo gaadho Awdal iyo waliba Gobolada kale habka ay ku soo gaadheysaana waliba yahay shaxaad iyo kalifaad odayo oo intuba Hiif iyo fara-saydh-saydh kaga soo baxda , halka 5% suuragal ay tahay saaxiibo gobolada kale ah in uu ku marti-qaado taasina wax saxa ay tahay balse sawirka guud mudane akhriste Miyuu matalaa dadkii iyo gobolkii uu ka soo jeeday ? malahayga waxa aan u arkaa dhac hadoodilan dadkuna dareen la’aan ugu faraxsanyihiin ayaan u arkaa. 2.) Mashaariic kasta iyo fursadaha yaala xafiisyada wasiirada Hargaisa jooga waxa 85% xaabsada dadweynaha reer Hargaisa, ha ugu sii darnaadeen wasiirada Awdal ka soo jeeda , waayo mid kasta oo la magacaabo waxa uu shaqaale fiican oo fariida u yahay Reer Hargaisa iyo had-ba madaxweynaha xilka haya gobolkiisa sababtuna waxa ay tahay kuwa reer awdal waxa ay dareemayaan in aaney gurigoodii joogin , habrasho ka dhalatay joogid la’aanta gobolkiisii darteed ayey ku bartaan iyaga oo ku faraxsan fursadaha markaa xafiiskooda yaala dadweynaha Hargaisa ee ishooda fahmay , masuuliyiin Awdal dadka Awdal Xilka ku hella marka qof reer awdal ah albaabka uga soo gallo hoos ayey u yara naxaan, iyaga oo ka baqaya in la yidhaahdo ( meeshiiba waxa uu ka dhigay meel Gadabuursi ) muraad ay wadaataan dadkaa uu matalayaa waxa u hirgala 10% waliba ma’aha marwalba , ma jeclaystaan in xafiisyadooda uu cabaar la fadhi is yidhaad-ho qof ay isku gobol yihiin xataa wax muhiim ah hakala hadlayaba e’ , hadii qof reer Hargaisa iyo Gobolada Bari ah ugu soo galaan xafiisyada aad bay u niyada iyo oogadaba uga farxaan muraadkasta wey u fuliyaan 95% oo karaan kooda ah !! mudane akhrista markuu xaalku kaa yahay miyaaney aheyn dhac hadoodilan oo sidiisa u yaala ? ma kuu muuqataa in isbedal lagu maareeyo habkan nolosha siyaasadu u socoto oo loo baahanyahay ?. Ayaan Darada ugu weyni waxa ay tahay iyadoo Hargaisa ay Xaalufisay ( Xoogga, Xoolaha iyo Xil-kasnimada Labeenta iyo Hal-doorka Gobolada) in ay Handana Qaadato ( Tirada Xillalkii ugu Badnaa ee Dalka !! Halkii ay aheyd in Hargaisa oo dareemaysa sida Dadweynihii Goboladu u gobeeyeen iyada oo khajilsan oo farxad iyo mahadnaq uurka ah Hoosta ka eegaysa gobolada in ay tidhaahdo Hadaan Hargaisa ahey Goboladow idinkaa iga mudan e qaata tirada ugu badan ee kuraasta ah , hadey wasiiro tahay iyo hadey xildhibaano tahay waayo??? Dhamaantood calloosha Hargaisa ayey Marti u yihiin iyada ayey Dad ku qabta oo munaafacaadsata. Gabo-Gabo iyo Gunaanad: Sida nolosha siyaada ee dalku u socotaa kaliya waa hab-siyaasadeed faa’iidadeedu hal dhinacle tahay, Hargaisa iyo shacabkeeda ayuun bay dan u tahay , Goboladana Been, Hafar iyo Dhac-hadoodilan ayey ku tahay, mana haboona in ay siisocoto siyaasada noocan u jilmaysaa waa in Dastuurka la furo, AWDAL waxa ay u baahantahay Dawdal Goboleed 70% talladeeda iyo maamulkeeda maasha iyo malafsata , Hargaisana 30% laga maamulo , Gobolada kale iyagaa u madax banaan rabitaankooda. Mudanayaal manecbi Hargaisa iyo dadkeeda balse nasteed iyo samadoon ayaan u ahey dhamaan dadweynaha jamhuuriyada Somaliland. Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts Ahna isbedel Doonka Siyaasada Dalka 4/14/2019 Qaran News
  8. Waxa jiri jiray Nin aad u dhabcaal ahaa (bakhayl ) aadna u lacag jeclaa , noloshiisii oo dhanaa wuxuu ku qaatay lacag ururin, berigii danbe ayuu gaboobay oo xanuunsaday , isaga oo sakaraad ah ayuu xaaskiisii la sii dardaarmay , wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaan kula inaan kula sii dardaarmo iina ballan qaadin inaad fuliso arinkan aan kuu sheegi doono , oo ah haddii aan dhinto waxaan doonayaa in aad lacagtayda oo dhan ila xabaasho , oo iilka laygula rido , si aan aakhiro ugu qaato . Xaaskiisii way u ballan qaaday inay dardaarankiisa u fuliso . Laba casho kadib ayuu odaygii dhintay (geeriyooday) , Markii la kanfay ee la damcay in laqaado suga , inta ay ag-fadhiisatay maydkii ayay kafantii meel ka dilaacisay , oo ay gelisay sanduuq yar , kadibna qaada ayay tidhi . Saaxiibadeed ayaa waxay waydiisay : Naa ma dardaarankiisii baad fulinaysay , oo lacagtii oo dhan baad kafantiisa meel ka gelisay ? Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday , oo dardaarankiisii waa inaan u fuliyaa. Gabadhii oo aad u cadhootay baad ku tidhi : Naa shaw bahal nacas ah baad tahay , oo aan abddo (faa’iido) lahayn , anna waxaan ku moodaayay inaad intaa dhaanto . Iyada oo aan cadhoon ayaa waxay ugu jawaabtay : waayo miyaanay xoolihiisii ahayn ? Gabadhii oo aad u cadhaysan ayaa hadana waxay weydiisay :Naa ma kaa dhab-baa iminka ? Waxay ugu jawaabtay : horta saaxiibay lacagtii oo dhan inta aan ururiyay , ayaan baankaygii ku shubay (accoun -kaygii) , ka dibna (check) jeeg ayaan u qoray saygaygii (ninkaygii)oo magaciisii ku qoray iyo tiradii lacagta , jeegiina kafantiisii ayaan u geliyay , sidaasna dardaarankiisii waan sameeyay , ballan qaadkaygiina waan u fuliyay , bal hadaba isagu jeegga aakhiro ha ka sarifto . Hadaba waxa iswaydiin leh , xukuumadda kulmiye ee shaqadoodu noqotay lacag urursi iyo dhac hantida dalka iyo dadka , ee weliba tartanka ugu jira , sidii ay wax u boobi lahaayeen oo qudha . Bal xaggee bay wax u urursanayaan , ma akhiro ayay ganacsi kaga geli doonaan ? mise aakhiro ayay guryo kaga iibsanayaan ? mise waxay moodayaan in naarta jahanama lacag lagaga badbaado ? mise waxay moodayaan in janada lacag lagu iibsado ? Hadaba ogow lacagta aad urursatay ee xaaraanta ah, aakhiro waxba kaaga tari mayso aan ahayd cadaabta oo lagu geliyo , ogowna aakhiro xisaab-baa taala . Hadaba idinka oo aakhir-cimri taagan , maxaydun ilaahay la hortegi doontaan . Ilaahayaw khaatumada ha na seejin . aaaamiin . Ilaahayaw khaatumada khayr nooga dhig . aaaamiin CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  9. Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah: 1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada (3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda. 2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta intaan la wareejin. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadadii Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) taasina maydhicin ee teenii ayaa laynoo kab-kabayaa. 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine ee balanqaad bay ahaayeen ee barwaaqada la suga. Waxaa khatarteeda leh Khiyaamooyinka dahsoon ee maalkii shacabka Somaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn in la jumlado joharadii ummaddu wada laheyd, Boowe ! Waxaa ummadda JSL u cadaatay in : 1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera uu jeeb khaldan ku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynu mashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ? ma Wadada lay noo kab-kabaayo !! 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in lagu jaxaaso shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. Fiiro Gaar ah : Kadib markii loo kuur galay heshiisyadii ay hore u gashay shirkada Macaashdoonka ah ee DPW Waxaa laysku raacay in heshiiskan ay JSL la gashay uu khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilantay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  10. The US military conducted an airstrike Sunday that killed Abdulhakim Dhuqub, a high ranking ISIS-Somalia official. US Africa Command, which oversees US military operations on the continent, said in a statement Monday that the strike targeted a vehicle near Xiriiro, Bari Region. The statement refers to Dhuqub as the terror affiliate’s “second in command,” saying he “was responsible for the daily operations of the extremist group, attack planning, and resource procurement.” ISIS’ Somalia branch is a relatively small affiliate of the terror group, commanding fewer than 150 fighters according to US defense officials. It is much smaller than the al Qaeda affiliated Al-Shabaab militant group which commands more than 5,000. Progress “We continue to work with our Somali partners to keep pressure on the al-Shabaab and ISIS-Somalia terror networks,” Maj. Gen. Gregg Olson, the US Africa Command director of operations, said in the statement. American military officers, diplomats and USAID officials all tell CNN that Somalia is making progress in its fight against ISIS and the Al Shabaab insurgency, citing battlefield gains and economic and security sector reforms being made by the country’s Prime Minister Hassan Ali Khayre. Khayre was in Washington last week where he met with National Security Adviser John Bolton and visited the Pentagon to meet with senior defense officials. Source: CNN
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar dambe oo maanta ah ka cudur daartay ka qaybgalka Munaasad lagu marti qaaday oo Galabta lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online. Munaasabadda oo aheyd mid lagu taageerayay howlgalada Ciidamada amniga ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in ay ka ahayd munaasabo dhowr ah oo lagu qaban doono dhowr degmo oo ka tirsan Gobalka Banaadir, waxaana lagu bilaabay degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir. Boqolaal dad ah oo saf dheer la geliyay maanta duhurkii islamarkaana aad loo baaray ayaa lagu xareeyay Xarunta degmada Kaaraan waxaana la sugayay in uu la hadlo Madaxweynaha Soomaaliya balse ma dhicin waxaana soo dhamaaday Munaasabadaasi. Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir in uusan Madaxweynaha imaan karin Munaasabadda loona baahan yahay in isaga soo xiro. La-taliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Farmaajo u sheegay in uusan ka qaybgalin Munaasabadda sababo amni iyo Xaalad Siyaasadeed. Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha lagu wargeliyay in uusan ka qaybgalin Munaasadda dhowr sababood aawgeed waxaana ugu waawayn. 1) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan degmada Kaaraan ee u dhaxeyso Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Dowladda Soomaaliya. 2) – Kulankii Fashilka ku soo dhamaaday ee uu Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta Mudulood la qaatay oo muujisay heerka khilaafka Dowladda iyo Mudulood. Sidoo kale cabashooyin ay qabaan dadka daga degmada Kaaraan iyo waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay sabab u aheyd baaqashada Madaxweynaha. Arintaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Senator Muise Suudi Yalaxow kaas oo mudooyinkaan dhan taagnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Daayeer ayaa cadaalad darro iyo sinaan la aan diiday . Culimada xayawaanka ayaa waxay ogaadeen , iyaga oo cilmi baadhis ku sameynaaya DAAYEER , inaanu DAAYEERKU ogolaan in CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN lagu sameeyo , oo aanu aqbalin , haddii lagula dhaqmo . Culimadu waxay u fiirsadeen iyaga oo DAAYEER yar oo qafis ku jira , waxay ka codsadeen inuu dhagxanta yar yar ee qafiskiisa taalla uu u soo dhiibo xabbad xabbad , kolka uu marba mid soo dhiibona , waxa abaal marin loo siinaayey xabbad yar oo khiyaar ah , isna si deg deg ah ayuu u cunaayey , si uu mid kale u helo , aadna shaqadaa wuu ugu faraxsanaa . Hadaba waxa la arkey DAAYEERKII kale ee yaraa ee qafiska ku xigey ku jiey , oo aad iyo aad u cadheysan , marka uu arko iyada oo khiyaar la siinaayo , kii la jaarka ahaa , si xunna wuu u eegaayey , indhahana aad buu ugu gubaayey . DAAYEERKII yaraa intuu qafiskii gilgiley , ayuu jebiyey , kabacdina khiyaarkii buu boobey , meel halkaas ah , intuu la tegey ayuu ka dhergey . Markaasaa waxa la ogaadey , in aanu DAAYEERKU qaadan in lagula kaco CADAALAD DARRO iyo SINAAN LA AAN TOONNA . Hadaba xukuumadda kulmiye waxa ay wado , maaha wax laqaadan karo , (CADAALAD DARADA – SINAAN LA AANTA – SHARCI KU TUMASHADA -MUSUQMAASUQA- QABYAALADDA ) iyo wax yaabe kale oo badan . Hadaba sida ay maanta u ogolaatey in shirkii GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA la qabto ( si kasta oo ay istidhi ku jooji , way joojin kari waydey ) , arimaha kale ee ay xukuumaddu diidan tahayna , way ogolaan doontaa , ee arintan wax haku qaadato , waxna ha ka barato . MA WAXA UU DAAYEERKU DIIDEY BAYNU QAADANAA ? CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  13. Wafdi ka kooban Xubno ka tirsan Golaha kumeelgaarka ee la wareegay awooda Dalka Sudan ayaa booqasho ku tagay Dalka Itooboya. General Galaledin Alsheikh oo hogaaminaya [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha Dhalay wiil Bajaajle ahaa oo lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa muddo kadib shaaciyay inaan wali waxba looga qaban askarigii wiilkiisa ku dilay degmada Waaberi. Aweys Maxamed Diinle oo ah aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi ayaa wareysi uu siiyey Dalsan TV ku sheegay in askarigii dilay wiilkiisa uu ku dhex jiro madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ka dalbaday in askariga ka dambeeyay dilka wiilkiisa ee ku dhex jira madaxtooyada Soomaaliya in laga soo saaro, islamarkaana loo marsiiyo Cadaaladda. Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan tacsi la wadaagin qoyska wiilka uu ka dhintay, waxaana uu cadeeyay in hadda askariga uu ku dhex jiro madaxtooyada oo cadaalad ay ka sugayeen. “Waxaa la yiri askarigii dilay wiilkeyga madaxtooyada ayuu joogaa, madaxweyne Farmaajo waxaan ka codsanaa in la ii toogto askariga dilka geystay, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xitaa wali iigama tacsiyeynin dilka wiilkayga, habeen kastaa kama hurdo waan ku riyoodaa” ayuu yiri aabaha dhalay wiilka. “DHaqaalo ma heysano, mootada deyn ayaan kusoo qaadanay, deyntii anigoo iska dhiibin ayaa la dilay wiilkayga, mootadana waa jajabtay, wiilkayga Markii Farmaajo la doortay mootada ayuu korkeeda ka dabaal dagay, haddana Alle ha u naxariisto xitaa nama dhihin”ayuu hadalkiisa kusoo daray. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Millatariga Somaliland Oo Ka Hadlay Ciidammo La Sheegay Inay Ka Goosteen Kuna Biireen Maamul Gobolleedka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. PRESS RELEASE African Consultative Group Meeting: Statement by the Chairman of the African Caucus and the Managing Director of the International Monetary Fund (IMF) The economic recovery in Africa is expected to continue WASHINGTON D.C., United States of America, April 15, 2019/ — Minister Kenneth Ofori-Atta, Chairman of the African Caucus, and Ms. Christine Lagarde, Managing Director of the International Monetary Fund (IMF), co-chaired the African Consultative Group meeting today at the IMF Headquarters. [1] They issued the following statement after the conclusion of the Group’s meeting in Washington D.C.: “We had very productive discussions on Africa’s economic developments and prospects. The economic recovery in Africa is expected to continue. However, under current policies and amid increased global uncertainty, medium-term growth for the region is expected to continue to fall well short of what is needed to absorb new entrants to the labor force. The key challenge that Africa faces is to invest in human and physical capital to create jobs while at the same time reducing debt vulnerabilities. “Against this backdrop, we agree that countries need to generate fiscal space, enhance resilience including to climate change, and create sustained high and inclusive growth, including by removing obstacles to greater gender equity. This will require, in particular: (i) pursuing growth-friendly fiscal consolidations, where needed, that strike the right balance between development spending, reducing debt vulnerabilities, and meeting essential social needs; (ii) strengthening the effectiveness of monetary policy to enhance the monetary transmission mechanism; (iii) enhancing the flexibility of markets to facilitate adjustment to shocks and preserve competitiveness; (iv) removing trade barriers to boost medium-term growth, including in the context of the African Continental Free Trade Agreement; and (v) addressing illicit financing flows and base erosion to enhance governance and strengthen revenue collection.” Ms. Lagarde stated that “the IMF will remain closely engaged with its African members. The Fund will continue to support the authorities’ efforts to address the current macroeconomic and structural challenges and achieve a stronger, durable and inclusive growth to absorb new entrants in the labor force.” Minister Kenneth Ofori-Atta echoed Ms. Lagarde on the economic prospects of the continent, and the willingness of the sub-region to work closely with the IMF to tackle emerging concerns. He emphasized the need for members to sustain commitment to structural reforms and encouraged the Fund to show patience in its program engagement when there is demonstrated ownership by country authorities for successful outcomes. Distributed by APO Group on behalf of International Monetary Fund (IMF). SOURCE International Monetary Fund (IMF) Qaran News
  17. PRESS RELEASE Somali Forces & U.S. Africa Command Conduct Airstrike Targeting Al-Shabaab Airstrikes are one part of the U.S. strategy to support Somali forces in their commitment to the Federal Government of Somalia’s advancement of economic development, governance, and their military institutions WASHINGTON D.C., United States of America, April 15, 2019/ — In coordination with the Federal Government of Somalia’s continued efforts to degrade al-Shabaab, U.S. Africa Command conducted an airstrike in the vicinity of Garowle, Lower Shabelle Region, Somalia, on April 11, 2019. Airstrikes are one part of the U.S. strategy to support Somali forces in their commitment to the Federal Government of Somalia’s advancement of economic development, governance, and their military institutions. “We continue to target and strike various levels of leadership within the al-Shabaab network,” said Marine Corps Maj. Gen. Gregg Olson, U.S. Africa Command director of operations. “These precision strikes help sow discord within the ranks of al-Shabaab.” The Somalia National Army (SNA) and partner forces continue to increase pressure on the al-Shabaab terrorist network. These precision airstrikes support Somalia security force activities and build enhanced security conditions to allow time and space for government and economic development to occur. They directly impact al-Shabaab’s ability to carry out activities and recruitment. At this time, it is assessed this airstrike killed two (2) terrorists and destroyed one (1) motorcycle. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. Our process and procedures allow for additional information to inform post-strike analysis. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
  18. PRESS RELEASE U.S. Embassy supports University linkages between Egypt and America The delegates from selected U.S. universities will meet with Egyptian government and university officials from both public and private universities CAIRO, Egypt, April 15, 2019/ — Continuing its ongoing support to Egypt’s educational sector, the U.S. Embassy, in partnership with the Ministry of Higher Education and Scientific Research and AMIDEAST, welcomes to Egypt this week a delegation of senior university administrators from the United States. This visit is connecting American universities to the Ministry’s efforts to promote the establishment of international branch campuses in Egypt, an integral part of the Government of Egypt’s educational reform initiatives. During their week-long program, the delegates from selected U.S. universities will meet with Egyptian government and university officials from both public and private universities, to explore the higher education landscape in Egypt and discuss the many opportunities for partnership. The university tour will serve as a catalyst for international partnerships between Egypt and the U.S. in academia and research, present a valuable networking opportunity for interested universities and foster dialogue with key players in the higher education landscape in Egypt. The program will culminate in a summit on Partnerships in Higher Education, to be held on Thursday, April 18. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy – Cairo. SOURCE U.S. Embassy – Cairo Qaran News
  19. PRESS RELEASE African Development Bank Business Opportunity Seminar – Investing in partnerships for Africa’s transformation Ethical business model key to successful project delivery by the African Development Bank – participants ABIDJAN, Ivory Coast, April 15, 2019/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) held a Business Opportunity Seminar (BOS) focused on strengthening and fostering the engagement of the business sector and of other stakeholders to effectively support investment in infrastructure and human development projects. Seeking strategic alliances and potential business opportunities with the Bank, the participants, private-sector representatives, civil works contractors, local manufacturers, suppliers, small and medium-sized enterprises and government representatives, took part in presentations and interactive sessions on the Bank’s vision for Africa’s economic development, operational priorities, business processes and procurement guidelines. Bank officials at the two-day seminar, held 4-5 April 2019 at the institution’s Babacar N’diaye Auditorium, also facilitated dialogue sessions on ongoing projects and the Bank’s financial products business opportunities and programs available to public, private and social enterprises. Delivering the first presentation of the seminar, on the Bank’s strategies and policy parameters for partnerships and project financing, Hassanatu Mansaray, a Senior Policy Specialist said, “In every investment we make, the Bank’s due diligence teams look at the economic viability and development impact of the project or program.” Valerie Dabady, the Bank’s manager for Resource Mobilisation and Partnerships, said the institution’s capacity to link public-sector needs with private sector expertise, technology and resources was unrivalled on the continent. “The African Development Bank Group has funded 4,391 projects since its inception. This includes 1,166 projects in West Africa with total commitments of $23.5 billion. In 2018, the Bank’s total approvals and disbursements stood at $8.90 billion and $6.02billion, respectively,” Dabady said. The Bank’s non-sovereign investments also continue to grow, Dabady remarked, with investments in private sector transactions growing from $250 million in 2005 to $2.29 billion in 2018. She listed several prospective opportunities for private sector partners in the infrastructure space, including the $371.22 million Abidjan urban transport project to finance work on a fourth bridge in the Abidjan metropolis, the Dakar – Lagos Highway rehabilitation project, and Yeleen Rural Electrification Projectin Burkina Faso. Romain Neyrand, Chief Financial Officer of SOCOPRM, an Abidjan-based firm with a concession contract, shared his insights while working on Abidjan’s Henri Konan Bédié Bridge project. Launched in 2014 and co-financed by the Bank, the 6.7 km bridge has 24 toll lanes, 4 dedicated electronic tag lanes and now averages up to 7,500 vehicles per hour. The bridge has registered over 100,000,000 vehicles since its opening, and contributes significantly to the reduction of pollution, congestion and CO2 emissions in Abidjan. The public facility currently has 185 employees. Speaking also about the Bank-funded AZITO power plant, Mr. Douphet Yeo, Chief Financial Officer of Azito Energie, said the combined cycle power plant is contributing to Côte d’Ivoire’s energy mix, and exporting electricity to the neighbouring markets of Ghana, Mali, Burkina Faso, Togo and Benin. “The Bank needs to get more private sector players plugged into its investment plans and priorities, and its business development and investment framework for key sectors like infrastructure and agriculture,” said Oladipo Ajayi, Finance Controller for Johannesburg-based AGCO Corporation, an agriculture equipment maker. Participants at the seminar affirmed that the Bank’s ethical business model is responsible for the successful financing, execution and delivery of its infrastructure and human development projects. Convened twice a year, the Abidjan Business Opportunity Seminar was attended by about 200 delegates from Algeria, Angola, Austria, Canada, Côte d’Ivoire, Egypt, France, Nigeria, South Africa, Spain, Sweden and Turkey. The second 2019 seminar is scheduled for the fourth quarter of year and will be hosted by the Bank’s Field Regional Resource Centre in Tunis, Tunisia. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa dalbaday in muddo shan maalin ah xabsiga lagu sii hayo inka badan 40 Bajaajlayaal ah oo ku eedeysan inay qeyb ka ahaayeen banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay. Dadkan ayaa loo xiray dibad-bax sabtidii ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday dilalka darwalada kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ku hanjabay in aan la aqbali doonin dibad-baxyada Muqdisho, dadka abaabulana la qaban doono. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay inay ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta qaranka in xabsiga lagu sii hayo bajaajlayaasha ilaa baaritaankooda kasoo dhamaanayo. Taliska booliska degmada Hodon ayaa ku cadeeyay dhalinyaradaan inay hor kacayeen banaanbaxyadii rabshadaha watay, iyaga oo dambi kaga dhigay inay qeyb ka qaateen burburka iyo banaanbaxyadii weynaa ee Muqdisho ka dhacay. Arinta ayaa imaaneyso iyadoo wali aan lasoo qaban askarigii dilay wiilkii Mooto Bajaajka waday iyo Abtigii, sidoo kale lama soo qaban askartii dadka banaanbaxa dhigayay waxyeelada gaarsiiyay. Balse waxaa taa badalkeeda la xiray dadkii banaanbaxa dhigayay, waana arrin yaab leh, iyadoo sidaasi ay noqotay cadaalada laga sugayo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
  21. Somaliland: President Muse Bihi Inaugurates New Berbera Port Cranes The Somaliland President, Muse Bihi Abdi, today inaugurated three new cranes at Berbera Port. The three mobile cranes are part of the redevelopment of the port currently managed by DP World. At an estimate cost of over $12 Million US, the new cranes will facilitate the loading and unloading of docking ships around the clock. With a capacity of over 120 tons, the new cranes will make it easier for harboring ships without their own on-board cranes to use the port of Berbera. Speaking at the inauguration ceremony, President Muse Bihi paid tribute to all the previous leaders of Somaliland in their attempts to bring development to the port. The President stressed the need for all Somalilanders to see the redeveloping port as part of their national assets and to support the efforts to make the port a gateway for the people in the region in regards to commerce, travel, employment and investment. Despite severe criticisms from many sectors of the Somaliland public with regard to the transparency of the Berbera-DP World agreement, and the extent of the investments by DP World in the port, and the streamlining of the port’s operations; it is quite clear, that with each passing month, the port of Berbera continues to see vast improvements in it’s capacity and operations. Qaran News
  22. Agaasimaha Furdooyinka iyo Maamule ku xigeenka kastamka Dekeda Boosaaso oo sheegay in ay hirgaliyeen adeeg siga Foomka Cadaynta Alaabada soo degta.Muuqaal ka hoos ka daawo [...] Source