-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Mar kasta oo ay xaaladi soo kororto waxaa qasab ah in ay wax walbaa iska bedalayaan dabeecadihii hore. Bishan aynu ku jirno ee April waxaa ay ka mid tahay bilaha kulul sanad kasta. Magaalada Muqdisho marka aad iminka ku soconeysid waddooyinkeeda indhahaagu waxa ay soo qabanayan miisas cusub oo lagu iibinayo cabitaano ka sameysan qudrad kala duwan. Nuuradiin waxa uu Isgosyka Xaaji Baasto ku leeyahay miis lagu iibiyo cabitaanada qabow, Shabelle waxuu u sheeegay macamiishu in ay badan tahay, xilligan oo uu jiro kuleel daran. Waxaa waqtigan kuleylaha sidoo kale Caasimadda ku soo kordhay gaari gacano lagu dul iibanayo geed miroodka Qaraha, dadka ayaana si aad ah u iibsanaya, iyaga oo ka raadinaya qabow. Dhinaca kale kuleelka xaddhaafka ah ee ka jira Muqdisho wuxuu qaar ka mid ah bulshada u horseeday cuduro kala duwan. Cabdirashiid Maxamed C/laahi waa maamulaha isbitaalka Soomaali Syrian waxuu sheegay in ay hayaan kiisas badan oo ka dhashay kuleylka. Cudurada ay qabaan bukaanadaas waxaa ka mid ah neef qabatin iyo shuban biyood. Dhaqaatiirtu talo ahaan waxa ay dadka taagta daran u soo jeedinayan in xilliga ay cad ceedu kulushahay aysan soo socon, islamarkaana ay iska ilaaliyaan biyaha an nadiifka aheyn. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in caasimada Dowlad deegaanka Soomaalida lagu qabtay lacag lagu soo qariyey gaari xamuul ah oo qaad u siday Deegaanada Somaliland. Lacagtan ayaa waxa qabtay Mas’uuliyiin katirsan kastamka heer federaal, Sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha waaxdaasi, lacagtan ayaa aheyd mid si sharci darro ah lagu dhoofinayey. Lacagtan ayaa isugu jirtay dollar-ka Mareykanka, Riyaalka Sacuudiga iyo Dirhamka Isu tagga Imaaraadka, iyada oo wadar ahaan dollar-ka la qabtay uu gaarayey 182,247, halka Riyaalka Sacuudiga uu ahaa 235,375, Dirhamka Imaaraadkuna uu ahaa 110,920. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya inay gacanta ku hayaan Waaxda kastamku wadihii gaariga iyo ruux kale oo la socday. Ilaa iyo hadda weli war rasmi ah kama ay soo saarin maamulada dowlad degaanka Soomalida iyo ka Somaliland-ba, lacagtan ay qabteen Waaxda kastamka federaalka itoobiya, inkasta oo ay Caasimada Online, isku dey inay wax ka weydiiso maamuladaas hadana uma suura-galin kadib markii ay kasoo jawaabi waayen. Muddooyinkii udambeeyay dowladda Itoobiya ayaa la daaladhaceysa dhibaatooyin dhanka lacagaha ah xili suuqa madow ee lagu kala iibsado badeecadaha uu sare u kacay, xili ay dowladu kula jirto dagaal adag kula jirto. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ugu horrayn madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa soo kormeeray mashaariic waaweyn oo dhinaca horumarka ah oo gudaha magaalada Laga hirgeliyey, kuwaas oo kamid ah qorsheyaashii saddex biloodka ahaa ee ay fulisay dawladda Hoose ee Berbera, islamarkaana bilic kusoo kordhiyey magaalada. Meelaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray waxa kamid ah saddex waddo oo casri ah oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaalada Berbera, kuwaas oo mid kamid ahi laba haad ka kooban tahay iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee Berbera, isaga oo sidoo kale kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee Berbera. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey laanta uu Baanka Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay magaalada Berbera iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, isaga oo sidoo kalena kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Berbera, madaxda Baanka iyo hay’adaha kala duwan dhaqaalahana ku ammaanay sida ay u xakameeyeen kor-u-kacii lacagta Doollarka. Garoonka kubadda cagta ee Cabdalle sandheere Stadium ee magaalada Berbera oo roogga casriga ah la dhigay, islamarkaana la casriyey, ayuu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, waxana uu wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed shaaca ka qaaday inay wasaarad ahaan hirgeliyeen casriyeynta garoonka, islamarkaana uu madaxweynuhu arrintaas kaalin mug leh ka qaatay. Maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan oo hadallo kooban ka jeediyey xadhig-ka-jarista waddooyinka cusub ee magaalada laga hirgeliyey, ayaa faahfaahiyey sida ay maamul ahaan iskaga kaashadaan horumarinta magaalada, islamarkaana ay xil iska saareen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen sidii ay u abuuri lahaayeen jawi soo jiita maalingelinta ballaadhan ee ka socota magaalada Berbera. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka gobolka, isaga oo ka marag kacay sida ay iskaga kaashadeen horumarinta degmada iyo bilicdeedaba, waxana uu yidhi, “Waxa aynnu u mahadnaqaynaa dadweynaha gobolka Saaxil iyo kuwa Berbera, runtiina waannu bogaadinaynaa maamulka gobolka iyo dadweynahaba, labaduba bogaadin bay leeyihiin oo maamulkiina hoggaamin wacan iyo la xisaabtan iyo inuu yidhaahdo wixii aad Ii dhiibteen waxaas baan idiinku qabtay iyo Daah-furnaan uu yidhi wixii aad dhiibteen waakaas oo meel walba wixii loo qorsheeyey baa la helay.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Berbera heshay hoggaamin wanaagsan, isaga oo meesha ka saaray wax dheeraad ah oo si gaar ah loo siiyo magaalada Berbera, “Dad badani waxa ay qabaan in dawladda Hoose ee Berbera ay taageere dhaqaale oo dheeraad ah hesho oo ay dekedda ka hesho, waxanse sheegayaa inaanay wax dheeraad ah oo dawladda Hoose ee Berbera heshaa aanay jirin, Berbera hoggaamin wacanna way heshay, dadkoodiina way aamineen, waxoodiina way isku darsadeen, wixii ay dawladda dhexe ay ka heleenna dadka kale ayey ula mid yihiin, markaa maamulka waxan usoo jeedinayaa in qorshahoodu uu gobolka oo dhan gaadho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu socod lug ah ku maray laamiyada kala duwan ee magaalada Berbera, isaga oo la shaaheeyey shacabka magaalada. Source
-
Baydhabo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo barqadii maanta ka dhacay magaalad Baydhabo ee xarunta G/Baay. Shilka ayaa yimid, kadib markii Gaari kuwa Xabaara Wiishka uu ka dhacay Buudada Isha Baydhabo ee magaaladaasi. Inta la xaqiijiyay waxa shilkaasi ku dhintay illaa labo Qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale. Dadka dhintay aya kala ahaa darawalkii gaariga waday iyo Wiil arday ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga shilka galay ay laheyd shirkad bixisa adeegga Korontada ee ka howgasha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo ku aadand hdhcdadaas. View the full article
-
(SLT-Washington)-Taageerayaasha xildhibaanka Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhaan Cumar iyo kuwa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigay banaanbaxyo iska soo horjeeda xilli Trump uu booqanayay magaalada Minnepolis ee ay Soomaalida ku badantahay iyo taageerayaasha Ilhan. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku sugnaa magaalada Minnesota, halkaas oo ka samaynayay hadal jeedin ku saabsan wareegtada dib u habeynta canshuuraha. Boqolaal qof oo taageersan xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Trump ku eedeeyay in uu maagis iyo daandaansi ku hayo Ilhaan Cumar. Madaxweynaha ayaa dhowaahan aad u hadal hayay Ilhaan, isaga oo ku eedeeyay wax u muuqday in ay u qiil samaynayso weeraradii 9/11 ee lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee New York. Dhanka kale taageerayaasha Trump ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhegyo ay ku taageerayaan madaxweynaha iyo ololihiisa dib usoo doorashada ee sannadka 2020-ka. Madaxa hay’adda u doodda xuquuqda Islaamka ee Caira Jaylaani Maxamed ayaa yiri “Arrinka ugu weyn ee aan maanta meesha u nimid waa in aan taageerno walaasheen Ilhaan, tan labaadna waa in aan muujino in dhaqdhaqaaqa uu madaxweynaha sameeyay aysan ahayn wax reer Minnesota ay diyaar u yihiin”. Habboon Cumar oo sidoo kale ka mid ahayd dadkii banaanbaxa qeyb ka ahaa ayaa sheegtay in Ilhaan weerar lagu yahay. Ilhaan oo loo hanjabay Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in maalin kasta ay hesho hanjabaad kaga timaada dad aysan garanaynin, taas oo ah halis nafteeda ku wajahan. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne Trump uu Ilhaan ku eedeeyay in u geftay Maraykankanka kadib hadal ay jeedisay oo si aan sax ahayn loo fasirtay. Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah. Muxuu yahay hadalka lagu heysto Ilhaan ? “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay”oraahdaan ayaa ku jirtay khudbadii Ms Cumar ay ka hor jeedisay koox u doodda xuquuqda rayidka, ee golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka ee (Cair), 23 bishii Maarso. Khudbad 20 daqiiqo soconeysay ayaa waxay uga hadashay arrimaha saameynaya bulshada sida islaam-neceybka iyo weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday masaajid ku yaalla New Zealand. Hadaladaasi oo lagu soo daray muuqaal uu bartiisa Twiterka soo dhigay madaxweyne Trump ayaa laga qaatay qodob ay uga hadashay sida loola dhaqmo muslimiinta Mareykanka kaddib weerarkii September 2001. “Runta ayaa ah. Inaa in muddo ah kusoo nooleyn inagoo neceb ahaanshaha muwaadiniin heerka labaad ah, si run ahna markii loo hadlo waan ka daalnay arrintaas, qof walba oo muslim ah oo ku nool dalkaan waa qasab inuu necbeystay arrintaas.Gollaha muslimiinta Mareykan ee Cair waxaa la aasaasaay 9/11 maadaama ay qirteen in dadka qaar ay sameeyeen qalad inaga dhana aan bilownay inaa noqono dad luminayay xuquuqdii iyo xuriyadoodii sababo la xiriira qaladkaas dhacay.” Source
-
Kaaraan (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda qof shacab ahaa uu ugu geystay isgosyka Sana degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii Marxuumka iyo Askarigu uu soo kala dhexgalay muran sababay gacan ka hadal. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac fudud marka hore la gaarsiiyay Askariga dilka geystay , kadibna uutoogasho ku dilay ninkaas oo la soo warinayo in madaxa looga jiray. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Askarigii ka dambeeyay dhacdadaasi uu goobta isaga baxsaday. Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana dib u soo noqday dhaq dhaqaaqa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
(SLT-Jubba)-Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan. Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad ee Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin la dhashay Albashiir oo lagu magacaabo Cabdillaahi Xasan Al-bashiir ayaa la hor joogsaday inay ka ambabaxaan Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyagoo raaci lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Dubai. Shabakadda Masraawi waxay kaloo qortay inay Dowladda Suudaan ka codsadeen Qaraabadda Alshabaab inay isku tijaabiyaaan inay Khartoum kaga dhoofaan dalka Imaaraadka Carabta, ee aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jubba. Widaad Babikar Cumar waxay iyada iyo carruurteeda bishan April 10-dii ka soo dhoofeen Khartoum, hal maaalin ka hor Afgembigii Albashiir, waxayna maalmihii la soo dhaafay ku sugnayd Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba. Dhinaca kale, Albashiir walaalkiisa, Cabdillaahi Xasan Al-bashiir waxa la sheegay inuu tan iyo bishan April 6-dii socdaal Ganacsi ku joogay isla Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba. Si kastaba ha ahaatee, arrinta Xayiraaddooda ayaa timid, kadib, markii Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir xilka laga tuuray bishan April 11-di, waxayna Millitreigii afgembiyey sheegeen inay Xabsi Guri ku hayaan. Albashiir waxa uu talada dalkaasi hayey tan iyo bishii June 30-dii ee sannadkii 1989-kii. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay in howshii baarista iyo soo saarista shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya ay hakatay, kadib markii dalal shisheeye ay cadaadis saareen madaxda dowladda Soomaalya. Faarax Macalin Dawaare ayaa ku eedeeyay dowladaha Khaliijka inay diidan yihiin shidaalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in shirar looga hadli lahaa nidaamka shidaalka Soomaaliya oo ka dhici lahaa Addis Ababa iyo Istanbul la baajiyay. Wuxuu sheegay in la baajiyey shirarkii daba socday bandhigii shirkii London ee Febraayo 2019 oo kal ahaa shir farsamo oo ka dhici lahaa magaalada Addis ababa, shirkii labaad ee Turkiga iyo weliba shir kale oo ka dhici lahaa dalka Mareykanka, taasoo caddeyn ah in jilbaha loo dhigay howshii. Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato illaa 280 Block oo shidala ah, balse 53 ka mid ah lagu sameeyay sahan, lana xaraashay, waxaana uu xusay in la isku haayo oo kaliya 3 Block. Faarax Macalin oo taageere weyn u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dalalka Carabta sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ku eedeeyay inaysan ogoleyn soo saarka shidaalka Soomaaliya, ayna ka mideysan yihiin arrintaasi. Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inuu shaqadii ka eryay aqoonyahanadii ugu waaweyna ee mashruucan waday, kuwaasoo afar xubnood ahaa, iyadoo saddex ka mida shaqadii laga joojiyey, laguna bedelay dad kale, taasoo dhabarjab ku ah howshii ay wadeen oo Soomaaliya ka dhigi lahayd dal qani ah. Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay aheyd inay ka dhega fureysato dalalka diidan, isla markaana ay sii wadaan arrimaha shidaalka soo saarista Soomaaliya. Faarax Macalin ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Dalka ku sheegay in madaxda Soomaalida aysan lahayn adkeysi iyo ka go’naasho ay talada danaha qarankooda ku qaataan, una nugul yihiin cadaadiska dalalka dibadda. Halkaan hoose ka daawo wareysiga Faarax Macalin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-16042019.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan ay ka keeneen habka loo qaybsaday Dhaqaale loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar ay ku soo aaday, ayaa masuuliyiinta Hirshabelle, waxa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi inay qaadayaan tallaabooyin. Wasiirka Madaxtooyadda Maamulka Hirshabelle C/laahi Maxamed Cadow oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu ku hanjabay inay furanayaan Dakadda Ceel Macaan, Garoonka Cisaley, xuduuda Gobolka Banaadirna ciidan ay soo dhiganayaan. Wasiirka wuxuu sheegay Dowladda Somaliya inay ka tabanayaan eex ballaaran oo ku aadan saamiga yar ee la siiyay Maamulka Hirshabelle, arrintaasina wax u qalma aysan aheyn Maamulkooda. “Waxa socda haddii ay ku sii socdaan Hirshabelle go’aan ayeey qaadan doontaa, Hirshabelle Garoonka Cisaley ayeey furan doontaa, xuduuda Banaadir waxaan gaynaynaa Ciidamadaan doraad qabaailka lagu tilmaamay waxaan gaysan doonaa xadka Banaadir & Hirshabelle, nin walibow isku tasho ayeey noqon doontaa, waxaan rabnaa dowladnimo & cadaalad.” Ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyadda Hirshabelle. Dowladda Federalka Somaliya ayaanan wali ka hadlin cabashada ay qabaan Maamulka Hirshabelle ee ku aadan saamiga yar ee Maamulkaasi uu sheegay in laga siiyay dhaqaale loogu talo galay gurmadka masiibooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ismail Warsame April 16, 2019 In 1998 before the foundation of Puntland State of Somalia, GAROWE, the Capital City of the first Federal State [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaadhinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo ballaadhinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera ballaadhin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaadhiyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera Source
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan madaxtooyada xukuumaddu sheegtay in la dhisayo iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu. Afhayeenku wuxuu sheegay in hannaanka dimuqraaddyadda oo ah waxa ugu weyn ee Somaliland Dunida ka iibinaysay meesha ka sii baxayso “Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayaynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuqraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeen Barkhad. Waxa uu intaasi raaciyay mawqifka xisbiga ee Komishanka “Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay.” Afhayeenka xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay qoysas sheegay in xoog lagaga qaaday dhul laga dhisayo madaxtooyo xukuumaddu sheegtay in laga dhisayo duleedka Galbeed ee Hargeysa “Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad Qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si Qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda Qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna,” sidaas ayuu yidhi Mudane Barkhad. Waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay dejiso siyaasad isu dheelli tiraysa hoos u dhacay ku yimid Doollarka iyo Sicir bararka oo wali taaggan “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya oo adeeggiisii laydh iyo biyaba waa baaba waa boog kale oo (madaxweyne) hoggaamintaada ku jira,” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Mar kasta oo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isku shaandhayn ku sameeyo masuuliyiinta xukuumaddiisa ama soo kordhiyo xilal cusub waxay bus kicisa dareenka haweenka ee ku aaddan ka qayb galka siyaasadda kuwaas oo marka ay iska dhex waayaan dareen diidmo ah ku muujiya baraha bulshada. Xarunta daraasaadka siyaasadda ee Center For Policy Analysis (CPA) ayaa warbixin ay diyaarisay waxay xustay in golaha wasiirrada Somaliland oo dhan 32 wasiir ay ku jiraan kaliya 3 dumar ah. Sida oo kale ma jirto haweenay kaliya oo madax ka ah hay’adaha madax bannaan ee dawladda. Waxa kale oo aan jirin gobol kaliya oo haweenay badhasaab ka tahay. CPA ayaa kadib isku shaandhayntii dorraad ee madaxweyne Biixi waxay tilmaantay in Dastuurka Somaliland dammaanad qaaday in haweenka la dooran karo lana magacaabi karo meeshana ka saaray kala sarayn jinsi ku dhisan. Sidaas awgeedna ay tahay in la aqbalo in haweenku siyaasadda ka qayb galo. Somaliland constitutions states women have a right to be elected & nominated, & prohibits gender discrimination and inequality. The National Development Plan requires women empowerment & political participation, yet women are underrepresented. #AcceptWomeninLeadership #Somaliland pic.twitter.com/C74SRCwo8U — Center for Policy Analysis Think Tank (@CPA_Horn) April 14, 2019 Sida oo kale haweenka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dumarku helaan masuuliyiin dumar ah oo metela kuwaas oo fahmaya baahida haweenka iyo siyaasadda iyo shuruucda kor u qaadaysa noloshada haweenka. Dhinaca kale shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsaday magaalada Boorama madaxweyne Biixi oo metelaya guddoomiyaha xisbiga iyo madaxweynaha xukuumadda ayaa su’aalo lagu sheegay isla xisaabtan la waydiiyay. Su’aalaha waxa hadheeyay cabashada haweenka ee ku aaddan in iyaga oo soo halgamay aanay doorkooda ka helin xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba xilalka. Madaxweynaha oo arrintan uga jawaabay haweenay reer Togdheer ah ayaa yidhi “Ta xilka wixii aad qabateen iyo dagaalkii aad gasheen intaba xisbigu wuu idiin ogsoon yahay waana la idiinka mahaqnaqaya; ta xilkana xaq baa u leedihiin oo dhalliisha waxa leh aniga iyo ragga xisbiga kaga jira golaha dhexe, guddida fulinta iyo xukumadda ee reer Togdheer oo hablaha intaa gujinaya.” Madaxweyne Biixi oo marar badan ammaanay doorka haweenka sidoo kalena sheegay in aanay mararka qaarkood sahlanayn in ay soo gaadhaan maaddaama ay xishoonayaan ma cadda in ay culays saareen dalabyada ragga xil doonka ah iyo in ay jirto siyaasad kale oo uu haweenka ka leeyahay. https://twitter.com/MariaGaheir/status/1117460895700070400/photo/1?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1117460895700070400&ref_url=https%3A%2F%2Fwww.sayruuq.com%2Fmuxuu-madaxweyne-biixi-dhegaha-uga-furaystay-cabashada-siyaasiga-ah-ee-haweenka-somaliland%2F Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa 194 Arday oo Xaafidul Qur’aan ah u furay tartan oo saddexda arday ee ugu sarreeyaa dalka Jabuuti kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo lagu qabanayo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ugu horreyn kulankaas tartanka oo lagu qabtay Masaajidka xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada tartankaas, isaga oo sheegay inay saddexda arday ee ugu sarreeyaa magaca Somaliland kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan lagu qaban doono Jabuuti. Agaasimuhu waxa uu sheegay inay tartanka adkeeyeen maaddaama oo lagu xulayo 3 arday oo Somaliland oo dhan ku meteli doona tartanka ay kaga qaybgalayaan Jabuuti. Waxa uu agaasimuhu u mahad-celiyey dowladda Jabuuti, waxaanu yidhi; “Tartankan Qur’aanka waxa bisha barakaysan ee Ramadaan lagu qabtaa dalka Jabuuti, waxa loogu magac-daray Madaxweynaha Jabuuti. Waxaannu u mahad-naqaynaa dowladda Jabuuti iyo Madaxweynahooda, sida milgaha, sharafka iyo qarannimada leh ee ay dalkeenna ugu soo casuumaan inaannu ka qaybgelno tartanka Qur’aanka bisha Ramadaan ee Jabuuti. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa wasaaradda Diinta, awqaafta iyo dhaqanka dowladda Jabuuti oo Wasiirku xidhiidh la soo sameeyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, kana codsado diyaarinta ardayda tartanka innooga qaybgelaysa.” “Tartankan la doonayo ardayda ehlu Qur’aanka ah ee halkan fadhida inaynu ku kala saarno, waad dareemaysaan culayska ay wasaaradda ku leedahay. Laakiin, markaannu eegnay guddiga aannu u xulnay, markaannu eegnay sida aannu daacadda uga nahay tartankan, Insha Allaah waxaannu rejaynaynaa inay soo baxaan saddexda arday ee meteli doona Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee tartankaas Qur’aanka ee lagu qabanayo Jabuuti ka qaybgeli doono.. Halkan waxa fadhiya 194 arday oo diyaar u ah inay saddexdaas boos u tartamaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland. Agaasimaha waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Shekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa ka warramay habka ay xidhiidhka ula sameeyeen Maddaariska Hargeysa, waxaanu yidhi; “Lix boqol oo macallin baannu la hadalnay afar cisho looma kala hadhin, waxaannu nidhi wixii kaa diyaarsan keen, rag badani way cudur-daarteen oo waxay yidhaahdeen maannaan diyaar-garoobin, intii diyaar-garawdayna waynaga halkan ku kulansan ardayday soo xuleen. Maanta 194-ka arday ee aad halkan ku fadhidaan saddex arday ayuun baa laga qaadanayaa oo noqonaya saddexda ku guulaysta tartanka 10-ka Jis, 20-ka Jis iyo 30-ka Jis, markaa nasiibkiinnaad qaadaysaan.” Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo gebo-gabadii kulankaas tartanka ardaydan loo sameeyey, ayaa sheegay inay ka cudur-daaranayaan inaan ardayda tartamaysaa isaga imannin gobollada dalka ee ay Hargeysa ku kooban yihiin, maaddaama oo waqtiga iyo dhaqaaluhuba koobnaayeen laga gaadhsiin waayey in gobollada laga soo xulo. Waxa uu Wasiirku sheegay inay muhiimad weyn leedahay in kor loo qaado Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Qawlka eebbe, tahayna masuuliyad saaran qof kasta oo Islaam ah, wasaaraddana waajibaad gaar ahi ka saaran yahay oo ay qaranka masuul uga tahay arrimaha Diinta. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa dowladda Jabuuti oo dowlad aynu walaalo nahay ah, iyadoo xidhiidh fiicani naga dhexeeyo wasaaradda Diinta, awqaafta iyo Hiddaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay tahay sannadkii saddexaad ee ay Somaliland ahaan innagu soo marti-qaadaan. Tartankaas oo loogu loo bixiyey tartanka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waa tartanka Qur’aanka kariimka ah, Ramadaan kasta waa la qabtaa, waxa uu magaalada Jabuuti ka bilaabmi doonaa toddobada bisha Ramadaan, waxaanu socon doonaa illaa 11-ka bisha Ramadaan haddii Illaahay idmo,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo awqaaftu. Wasiir Khaliil waxa uu dardaaran iyo ducoba u jeediyey ardayda ay ka soo dhex bixi doonaan 3 arday ee tartanka Jabuuti ka qaybgeli doona, waxaanu yidhi; “Cidda innaga tegaysaa waxay noqonaysaa arday magaca Somaliland ku meteli doona shaygii ugu qiimaha badnaa ee Qur’aanka kariimka ah. Waxaannu idinka rejaynaynaa inaad diyaar-garaw adag oo aad la gashaan 30 dowladood oo ka soo qaybgeli doona tartankan Qur’aanka ee dalka Jabuuti ka dhici doona inaad guul weyn ka soo hoysaan. Mar baynu kaalinta labaad gaadhnay tartankaas, waan idiin ducaynayaa, Illaahay baan ka baryayaa inuu innagu guuleeyo tartankaas, karaamada Qur’aankana Illaahay sharaf innagu siiyo.” Source
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo horey xilka uga qaadeen Garabka Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulkaas ayaa afka furtay. Carabey oo markii horeba garab ka helayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka deyriyey rajada laga qabo inay wax ka qabato Khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug. Wuxuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay go’aan iyo xukun cad ka qaadato cidda qaldan labada garab ee isku hayo maamulkaas. Carabey ayaa xusay inuusan jirin Khilaaf shakhsiyan kala dhaxeeyo Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf balse ay isku hayaan fulinta qaar kamid ah qodobadii heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa tibaaxay inay weli wax socon la’yihiin isla markaasna uu fadhiisad noqday Maamulka Galmudug. Maamulka Galmudug ayaa noqday maamul aan dadkiisa u shaqeyn, waxayna madaxda maamulkaas waqtigii ku lumiyeen khilaaf dhexdooda iyo dano shakhsiyadeed oo ay ugu horeyso sidii ay qolo kasta u heli laheyd lacag. Inta badan Siyaasiyiinta kasoo jeedo Maamulka Galmudug ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay iyada sabab u aheyd burburka Maamulka Galmudug, sidoo kalana ay garab taagan tahay garabka uu hormuudka u yahay Carabey inkastoo ay hadda muuqato inay kala furteen Carabey iyo Dowladda Dhexe. Khilaafka Galmudug ayaa meeshii ugu darneyd gaaray kadib Heshiiskii dhexmaray Ahlu Sunna iyo Galmudug oo kenay in Maamulka loo soo raro Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ah Caasimadda rasmiga ah ee lagu heshiiyey markii maamulkaas la dhisayey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Gaariga oo la sheegay inuu ahaa kuwa xambaara Wiishka ayaa ka dhacay Buundada magaalada Baydhabo, waxaana ka dhashay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca dad kale oo goobta ku sugnaa. Buundada Insha Baydhabo ayaa la sheegay inuu Gaariga ka dhacay, waxaana ku dhintay ruuxii waday iyo ruux kale oo arday ahaa sida dadka deegaanka ay sheegeen. Maamulka degmada Baydhabo iyo shacabka degmada ayaa isku dayay inay u gurmadaan dadka waxyeelada soo gaartay, waxaana ku dhintay shilkaasi labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa darawalkii gaariga waday. Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga uu ahaa mid kamid ah gaadiidka Shirkadda Korontada ee BECCO. Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal ay badi sabab u yihiin burbruka Wadooyinka,waxaana shilka Maanta Baydhabo ka dhacay uu kusoo aadaya xilli shalay duleedka Hargeysa shil ka dhacay ay dad ku dhinteen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
The Kenyan government has relocated Cuban doctors based in Garissa and Wajir barely four days after armed men kidnapped two doctors from Mandera town. Early Friday morning, gunmen suspected to be al-Shabaab kidnapped two Cuban doctors from Mandera town. The abducted doctors had been identified as Landy Rodriguez (a surgeon) and Herera Correa (general practitioner). In a statement by the minister of Health, Wajir and Garissa administration was directed to evacuate the Cuban doctors to Nairobi following a national security adviser. Garissa OCPD Aaron Morasae disclosed that the team from Garissa left on Saturday morning, and it was not clear when they would resume work. Last weekend, the two specialists posted to Lamu and Tana River left in a huff. “It’s true. The two Cuban doctors traveled out of Lamu abruptly over the weekend,” Lamu Health Executive Anne Gathoni told a local newspaper, the Nation. “The Mandera incident is really traumatizing them, and that’s why they are seeking guidance and counseling. It’s a matter under discussion on whether they will return to Lamu or not bearing in mind that our county also borders Somalia.” Kenyan authorities suspected the attackers are members of al-Shabaab and believed the two victims had been taken to neighboring Somalia. The two doctors are among 100 Cuban specialists who arrived in Kenya in June 2018 under a bilateral arrangement between Kenyan and Cuban governments. View the full article
-
Xidigaha xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinayna ka qeyb galka tartamada qorshaysan sanada 2019 ayaa maalmihii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Midnimo iyo L.L.P Jeenyo,iyagoo gaaray guul muhiim ah maadaama ay u aheyd ciyaaro saaxiibtinimo oo tijaabo ah. Kulankii 1aad waxa ay la ciyaareen kooxda Midnimo waxayna ciyaartaas kusoo idlaatay 5-2 oo ay guusha qaateen xidigaha Ocean Stars waxaana goolashaas u dhaliyay xidigaha kala ah Cabdullahi Cali Bile,Feysal Axmed Xasan,Feysal Xasan Xaashi iyo Abuukar Cabdullahi Siidoow. Waxayna ka kala tirsanyihiin kooxaha kala ah Horseed,Dekedda iyo Muqdisho City Club macalmin Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ka mid ah tabarayaasha xulka qaranka ayaa sheegay in howshan ay bilaawo tahay ayna sii wadi doonaan in ay Ciyaartooyda xulka ka gaarayaan kaalamaha hore taratamada ay ka qeyb galayaan sanadan. 14-Maarso 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliya ee sanadaha soo aadan u magacaabay Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana,isagoo soo hogaamiyay xulka gabdhaha iyo wiilasha Ghana,Macalin Hayford ayaa sheegay in uu da’daal ku bixinayo dhismaha heerar kala duwan ee xulka Soomaaliya si mustaqbalka loo gaaro guul waaweyn Kualankii labaad ee saaxiibtinimo ciyaartioyda xulka waxa ay natiijo 4-2 ka gaareen dhigooda Jeenyo waxaana goolasha u dhaliyay xidigaha kala Q eys Cabdulle Macalin,Deeq Cabdiraxmaan Taree,Cabdullahi Cali iyo Feysal Saabuuni macalimiinta xulka ayaa bogaadiyay xidigahooda,iyagoo sheegay in bandhigan loogu baahan yahay tartamada banaanka ee kusoo wajahan. 01 April 2019-Xulka ayaa si rasmi u bilaaway tababarka guud ee 2019 mar aan booqday xerada tabababarka ee garoonka Jamaacadaha ciyaartooyda ayaa inoogu waramay in ay qaadayaan tababar xoogan si natiijooyin wanaagsan ay ugu soo hooyaan taratamada ay ka qeyb galayaan Xulalka heerar kala duwan ee qaranka ayaa bilaha soo aadan ka qeyb galaya ilaa saddex tartan waxaana laga sugayaa in ay soo hooyo natiijooyin aad u waangsan oo horomarka dalka Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guulaha Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isku shaandheyn iyo xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyayaasha qaar ayaa la beddelay halka kuwo kale loo wareejiyay degmooyin kale ama degmooyinka look ala beddelay. Tusaale Degmada Dharkenley waxaa laga qaaday C/Raxmaan Sayid Cali,waxaana loo wareejiyay Degmada Shibis, halka degmada Dharkenley loo magacaabay Abuukar Axmed oo ay isku heyb yihiin Guddoomiyihii hore ee Shibbis Safiya Xasan Cali. Degmada Wadajir waxaa lo magacaabay C/Raxmaan Cali, halka Sabaax Cabdullahi Asad,waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/Casiis. Degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub waxaana lagu magacaabaa Abshir Kaaraan,horay waxaa uu u ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaas. Dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar, waxaana xilkaas loo magacaabay Mustaf Cali Kheyre . Tan iyo markii uu Yariisow qabtay Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa dhacay isbadalo badan oo lagu sameeyey Guddoomiyaasha degmooyinka, waxaana isbadalada qaar u dhaxeeyey waqti yar oo kooban. Isbadalada uu Yariisow sameenayo ayaa ah cadaadis uu kala kulmayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta sida weyn ugu dhow Nabad iyo Nolol kuwaas oo rabo inay xilal u helaan asxaabtooda, wuxuuna Yariisow ku qasban yahay inuu fuliyo amarkooda si uu u difaacdo kursigiisa. Waxaan dhawaan idinla wadaagi doonaa sheeko yaab leh oo la xiriirto sida ay u dhacday in xilka laga qaado Guddoomiyaha dhawaan loo magacaabay Degmada Howlwadaag ee Cabdikariin Cali Kaar kaasoo cadaadis kala kulmayo Siyaasi ay isku beel yihiin kaasoo xiriir dhow la leh Dowladda Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
DP World oo shaacisay caqabadaha ka heysta Balaadhinta Dekadda Berbera oo hakad galay Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaadhinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaadhinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaadhin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaadhiyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera Qaran News
-
Ganacsade Soomaaliya oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox budhcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar. Sidoo kale kooxda budhcada ah ayaa la sheegay in ay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday. Dhinaca kale Budhcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi. Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo wajahay soomaalida,isla markaana dukaanadooda la boobayey,waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere. Qaran News