Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ah ee Middle East Monitor ayaa maanta qoray in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay xireen shabakad sirdoon oo ay leeyihiin Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa sheegay inuu warkan kasoo xigtay dad adeegsanaya barta twitter-ka oo uusan shaacin, kuwaas oo soo xigtay shaqsiyaad ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya. Wargeyska ma uusan bixin wax faah-faahin oo intaas dhaafsan kuna saabsan tirada dadka la xiray, goorta iyo goobta midna. Caasimada online oo xiriir la sameysay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxay sheegeen inaysan waxba ka ogeyn arrintan. Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa wixii ka dambeeyey bishii April ee 2018, markaasi oo dowladda Soomaaliya ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo ay Imaaraadka lahaayeen lana wareegtay. Horaantii sanadkan, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa iyo Imaaraadka uusan ahayn sidii la rabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo sanadkii 2011 waqtigaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Al-Shabaab laga saaray guud ahaan Magaalada Muqdisho, haddana weli awooda AL-Shabaab way ka muuqataa magaalada iyadoo ay dalka ka jirto Dowlad aan kumeel gaar aheyn. Waxaa weli taagan awoodda Al-Shabaab ee Muqdisho, waxay dadka Muqdisho dhaqan geliyaan amrada kasoo baxo Kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana waxay bixiyaan lacag kasta oo ay kooxdaan kusoo rogto. Waxaan warbixintaan kusoo qaadaneynaa seddex waxyaabood oo muujinayo awoodda Al-Shabaab ee Magaalada Muqdisho. Caddaaladda Al-Shabaab loo doonto Dadka Muqdisho intooda badan ma helaan cadaalad Garsoor, maadaama Maxkamadihii Dowladda ay noqdeen kuwa ku shaqeeyo Laaluush iyo isdabamarin. Midaas waxay keentay inay dadka Muqdisho iyo weliba qaar kale oo dagan Gobolada cadaalad garsoor u doontaan Kooxda Al-Shabaab. Sababta ugu weyn oo dadkaan ku kalifeyso inay Al-Shabaab cadaalad u raadsadaan ayaa ah hay’adaha garsoorka ee dowladda ay yihiin kuwo aysan ka marnayn musuqmaasuq iyo caddaalad darro, taasina ay ku kaliftay in maxkamadaha Al Shabaab ee shabeelooyinka, gaar ahaan deegaannada Tooro-Toorow iyo Bariirre ay caddaalad u raadsadaan, waxaana arrintaas dhawr jeer digniin kasoo saaray Dowladda Soomaaliya oo diiday in Al-Shabaab cadaalad loo raadsado balse taas inta badan dadka ma aysan aqbalin sababtoo ah uma arkaan Maxkamadaha Dowladda inay yihiin kuwa u cadaalad fali karo dadka Shacabka ah ee kala heysto Hantida iyo kuwa Maalka isku heysto. Dowladda Soomaaliya ayaa ku andacooto in dadka Al-Shabaab cadaaladda u raadsado ay yihiin kuwa looga guuleysto dacwadaha Maxkamadaha Dowladda sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Maxamuud. Canshuurta ay Al-Shabaab Dadka ku sugan Goobaha ay dowladda ka taliso ayaa dareemayo culeys xoog leh oo ku saabsan dhanka Canshuur bixinta maadaama ay Canshuur siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab. Canshuurta sida caadiga ah waxaa qaado dowlad loo igmaday inay shaqo ugu badasho dadka canshuurta laga qaado balse Canshuurta Al-Shabaab la siiyo sidaas maahan oo waxay dadka ku badbaadsadaan naftooda maadaama la dilayo haddii aysan dhiibin canshuurta. Ganacsatada ku sugan meelaha ay dowladda gacanta ku heyso ayaa si isku mid ah Canshuur u siiyo Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab midaasna waxya culeys ku tahay faa’idadii ay ka heli lahaayeen ganacsigooda. kaamerooyinka CCTV-ga Kooxda AL-Shabaab ayaa amartay in la joojiyo isticmaalka Kaamirooyinka qarsoon ee loo isticmaalo goobaha ganacsiga sida Hoteelada, Dukaamada iyo Guryaha ku yaal Magaalada Muqdishi kadib qatar uga timid arrintaas. Sababta ay ganacsatada u isticmaali jireen Kaamirooyinka qarsoon ayaa ah si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa aagga ganacsigooda si ay u yareeyaan Khatarta amni iyo inay sahli karto dabagalka dhibaatooyinka loo geysto ganacsigooda. Qaar ka tirsan Ganacstada oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in joojiyaan isticmaalka kaamirooyinka qarsan kadib amar kaga yimid Kooxda Al-Shabaab kadib markii loo sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ka hor timaado amarkaas. Amarka Al-Shabaab kasoo baxay ayaa yimid kadib markii dhawr jeer ay kaamirooyinka qarsoon kasoo muuqdeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo fulinayo weeraro iyo qaar kale oo waxyaabaha qarxo ku xirayo gawaari taalo meelaha ay Kaamiradaas ku xiran tahay taasoo cabsi weyn ku keentay kooxdaan oo si qarsoodi ah u fuliso weeraradeeda Muqdisho. Caasiimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Somaliland: The Tour Of The Two Professors. Professors Ahmed Ismail Samatar and Ali Khalif Galaydh have been criss crossing Somaliland holding lectures and forums from Las Anod to Borama. The lectures and the subsequent debates, question and answer sessions, have been dubbed by the two academics as “tabliiq siyaasadeed”, a political round table. The lectures and debates have been interesting, stimulating, controversial, at times full of humour, at time cutting close to the bone. But, that is good. In a free society, the truth cannot be muzzled, and we Somalilanders, in spite of our many faults, we posses one unique trait, east to west, north to south; we cannot abide lies. It is just not in our DNA. Quite a few Somalianders see these debates as being detrimental to the country, it’s security and stability. Some of them have expressed to me that given the previous stands of both professors in regard to Somaliland, “they are continuing their opposition from within, fermenting divisions, supported by funds from Mogadishu” etc. etc. Which in my opinion, is just nonsensical paranoia. First all both men were born and bred in Somaliland, and have every right to be here and express their opinions. Secondly, both men are pragmatist, they have been to Mogadishu and points beyond and have seen the reality on the ground. Thirdly, Professor Ali Khalif was there at the rebirth of Somaliland, “willingly or not” as the case may be. Fourthly, neither man has any desire to use his position to feather his bed. They both can and have made a good life for themselves outside of Somaliland and the region. So, the question is what is reasoning behind this tour and political round table? Most of the points made in these lectures are true, and some are not. Somaliland belongs to all Somalilanders, those born here, those with ancestral ties here and those who have chosen to make Somaliland their home. This last point is true, amazing, but true. People have actually migrated to Somaliland, from Syria, Yemen, Somalia and Ethiopia for a better and safer life. The main arguments made by the two professor are, ” Is Somaliland inclusive enough? Is the “central community” the Isaaq community dominating?, Does every Somalilander feel like a stakeholder?”. All of the above are valid points and everyone has their opinions on the matter. What do we need to change. Is the 18th of May too “Isaaq centric”? No, because the liberation of Somaliland was not fought only by Isaaqs. Should we make the 26th of June as the national Independence Day? Why not. I have always celebrated the 26th of June. Should the constitution be amended? Definitely. A constitution is like a book which can be reviewed, edited, amended, corrected. Should the parliament and Guurti reformed? Absolutely. Should branches of the government be diversified in location and staffing? Most assuredly. If you concentrate everything in one place, say Hargeisa, then the rest of the country is neglected. Should the minority communities be given more rights? Yes. Not just minority communities, but all minorities. One may support or agree to any of the above points, and one may not. That is democracy. But, the fact that such debates are taking place between Somalilanders is a healthy thing. We need to discuss such matters and not bury them in the sand. It will make us stronger, more confident of who we are and what we stand for. The truth is often painful, but it always sets one free. And as, Professor Ahmed Abdi always says ” we are facing a new challenge in the region, politically, socially and economically and we need to be ready for these challenges”. Whatever the outcome of these lectures, debates and political round tables, they have proven that Somaliland’s unique formula of dialogue, discussion and consensus is still in action. After all, we can always say, as we have a habit of often saying” Waar yahee, waar u kaadi sidaa ma ahee” Wa Bilaahi Towfiiq Ahmed Kheyre Qaran News
  4. (SLT-Addis Ababa)-Wasaarada Maaliyada dalka Ethiopia (MoF) ayaa meel marisay cashuur la’ aan in lagula soo dago qalabka iyo mishiinada lagaga shaqeeyo beeraha. Qalabkan lagaga shaqeeyo beeraha ee dawlada Ethiopia ay cashuurta ka dhaaftay ayaa waxa ka mid ah Qalabka Waraabka Beeraha, Qalabka Lagu Quudiyo Xoolaha Nool ee Technologiyada ah iyo dhamaan qalabyada kale ee loo adeegsado qaybahaasi in laga bilaabo maanta ay cashuur la’aan yihiin ayay sheegtay dawlada dalka Ethiopia. Waxaana sidoo kale Hay’adda Beeraha ee dalka Ethiopia oo ay wadashaqayn leeyihiin Wasaarada Beeraha ay sheegtay in dedaaladani cashuurta lagaga dhaafay qalabka beeraha ay ka mid tahay isbadalka dhinaca cashuuraha ee la sameeyey oo ka mid ah isbadalka siyaasadeed ee dalkaasi ka socda. Waxaanay intaasi ku dareen in isbadalkan cashuurta ujeedadiisu ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhinaca wax soo saarka dalka iyo beerashada, waxaana dhamaanba meesha laga saaray waajibaadkii cashuureed ee lagu soo rogay qalabka beeraha loo adeegsado haday tahay mishiinada wax lagu qodo, kuwa waraabka iyo kuwa kale ee quudinta xoolahaba loo adeegsado. Source
  5. (SLT-Xinjiang)-Dawlada shiinaha ayaa shaqaalaha dawladda, Ardayda iyo Macalimiinta ka joojisay inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadan, waxaanay ku amartay in hudheeladu ay furnaadaan gobolka Xinjiang ee dalkaasi Shiinaha oo ay ku dhaqan yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka Shiinaha. Dhamaan Muslimiinta caalamka ayaa bishan barakaysan ee Ramadaan cuntada ka sooma waa bariga ilaa cadeed dhaca, taas oo aduunka oo dhan u bilaabantay maalintii Isniintii ee todobaadkan. Dalka Shiinaha oo uu ka taliyo xisbiga hantiwadaaga ayaa sanado badan cadaadis iyo cunaqabatayno dhinaca diinta ah ku haysay dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolka Xinjiang. “Shaqaalaha cuntada kariya ayaa si caadiya saacadahoodii uga hawlgala hotelada intii lagu gudo jiray bisha ramadaan,” sida ay cadeeyeen dadka gobolkaasi ku dhaqan oo soo dhigay baraha bulshada. Sidoo kale saraakiisha gobolkaasi ayaa dadka xaafada Bole county ku wargaliyey: Inta lagu gudo jiro bisha ramadaan in aanay soomin, waxaana sidoo kale dhamaan cibaadooyinka kale ee dadka muslimiinta ah ay ka joojiyey. Talaabadan dawladdu ay isku dayday in ay soonka kaga joojiso muslimiinta Uighur eek u dhaqan gobolka Xinjiang ayaa waxa ka dhacay cambaarayn xoogan oo ay dawladda dalka Shiinuhu kala kulantay kooxo u dooda xuquuqda Aadamaha. Source
  6. (SLT-Brussels)-Wadamada midowga Yurub ayaa diiday muddo 60 maalmood ah oo ay u qabatay dowlada Iiraan oo ku aadanaa go,aankooda ah in ay ka qaataan heshiiskii wadamada quwadaha leh ee dhanka Nucoear-ka ay la gaadheen Iiraan. Xukuumada Tehraan ayaa sheegtay in tallaabo dhanka sharciga ah u qaadi doonto arintaan si ay u difaacato danaheeda hadii aysan wadamada Yurub go,aankooda aysan soo gudbin mudo 60 maalin Ah. War saxaafadeed ka soo baxay Khamiista maanta ah madaxa dhanka siyaasada arimaha dibeda ee midowga Yurub Federica Mogherini iyo wasiirada arimaha dibeda UK Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Arintaan. Dalalkaan ayaa dhanka kale sheegay in ay ka go,antahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii lala gaadhay Iiraan. Iiraan ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday in ay dib u bilaabi doonto bacriminta hubka uranium-ka hadii mudo 60 maalin ah jawaab celin ay ka weyso Midowga reer Yurub. Dowlada Mareykanka ayaa dhamaadkii sanadkii hore shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiskii wadamada quwadaha ay la gaadheen Iiraan. Wadamada Jarmalka Faransiiska Shiinaha UK Ruushka iyo Shiinaha ayaa qeyb ka ahaa heshiiskaan waxaana ay sheegeen in ay ka go,antahay sidii lagu xaqiijin lahaa. Source
  7. A British national Jermaine Grant, who was found guilty of being in possession of explosive-making materials, has been sentenced to four-year imprisonment. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)-Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka hadlay xuska 18-ka may iyo goobta cusub ee loo asteeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Dhawaan ayuu warbaahinta la hadlay Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada Soomaalilaan, kana soo jeeda gobolka Sool. Hadalka Xildhibaan oo badnaa waxa ku jirtay weedh u dhignayd sidan” “18-ka May ma jirto, waxaanu u naqaanaa Maalin madow oo beeshe dhexe dabaal dagto, waa Maalin SNM oo kaliya leedahay” waa kelmad aan maskaxda la soo marin oo meel-ka-dhac ku ah taariikhda 18 May iyo go’aamadii lagu gaadhay shirkii Burco ee 18 May 1991 ee ay u dhammaayeen beelaha Soomaalilaan. Xildhibaanka ayaa lagu yaqaanaa nin si caadifadeysan u guta doodihiisa siyaasadeed ee uu kolba kaga soo horjeedo cida ay is-hayaan. Doodaha ku dhisan difaacada cida ay maslaxadi ka dhaxayso ayuu hadh habeen u taagan yahay. Calaamad Islaam way ka muuqataa oo sunnaha gadhka wuu la baxay, ma se xakamayso caadifada uu inta badan ku faano. Mar uu u jawaabayey wasiirkii hore ee caafimaadka Xaglo toosiye oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen ayuu hab-dhaqanka qofnnimo ee wasiirka ku sheegay “Wasiir xaglo-toosiye maaha qof dhaqan ahaan iyo maamul ahaanba caadiya”. Tafsiirka hadalkaasi waa mid aan maanka iyo maskaxda la soo marin, oo si aan hubsiimo lahayn loo yidhi. Xildhibaan Dhakool inuu dafiro sooyaalka ay ku timid 18 May waa laba mid uun: kow, In aanu waxba ka aqoon taarikhda Soomaalilaan siday ku timid markii uu meesha ka baxay keligii-taliyihii dhiigyo-cabka ahaa ee MSBarre. Laba, inuu si badheedh ah ugu gefay taariikhda isaga oo og siday ku timid, hasayeeshee siyaasadeynaya oo cid ay is-hayaan u jeeda. Waa se nasiib-darro inuu sidaasi yeelo, haddii ay ta dambe dhab ka tahay. Haddaba xidhilbaan Dhakoolow dhugo taariikhda 18 May siday ku timid, maankaaga u sii daa. Siday Ku Timid 18 May 1991? Shirkii Walaalaynta Beelaha Waqooyi Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob: = In Waqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur = In lagu dhaqmo shareecada Islaamka = In la sugo nabadgelyada Waqooyi = In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Waqooyi = In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Waqooyi = Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah. Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.Shirkii ay SNM qabsatay. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii SNM waxa guddoominaayey, guddoomiye ku xigeenkii SNM Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Somaliland ee taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay”Halkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (Somaliland) isku turxaan bixiyaan” Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Buro ayuu golihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax bannaan 18/5/1991 Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad.Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon sanno ka dib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha. Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa: 1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah 2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo. 3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni oo ka mid noqda Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah. 4. Waxa kal-fadhigii 2-aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Tix-Raacyo: The Search For Peace oo ay soo wada saareen APD, Interpeace iyo Diiwaanka Dhaxal-reeb Horaad ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Meerisyada Taariikhda (V.1)……….Cali Qoryooley Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Kal-Fadhigii 34-Aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Lagaga Dooday Siyaasadda dhulka, loona qaybiyey Nuqullada Siyaasadda Ganacsatada Dhexe Iyo Ganacsatada Yar Yar. Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga. Waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen siyaasada dhulka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada iyo muranka dhulka ee soo noq-noqday muddooyinkii u danbeeyey, siyaasaddan dhulku waxay diirada saaraysaa, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhulka, iyada oo goluhu guddi u saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu samayn doono siyaasadda dhulka. Waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada siyaasadda ganacsatada dhexe iyo ganacsatada yar yar, siyaasadaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku, iyadoo goluhuna kal-fadhiyada danbe ku soo celin doonaan golaha. Ugu danbayntiina waxa golaha warbixin ka horjeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo ku dheeraaday hawlaha shaqo iyo horumarka wasaaradda isagoo golaha u soo bandhigay qorshayaashii u hirgalay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga oo ka soo laabtay safarro uu muddooyinkii u danbeeyey ku marayey dalalka yurub ayaa golaha warbixin ka siiyey kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay qaar ka mida masuuliyiinta dalalkaas iyo shirkado maalgashi, waxaanu wasiirku sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland, badiba ay dalalka adduunku danaynayaan inay maalgashi ka sameeyaan, ayna majeerteen sida bulshada Somaliland diyaarka ugu yihiin in dalkooda la maalgashado, madaama shirkado caalamiyi ku dhiiradeen maalgelinta Somaliland, wasaaradda maalgashiguna iyadoo ka duulaysa doorkeeda iibgeynta maalgashiga dalka uu wasiir ahaan la wadaagay fursadaha maalgashi ee wadanka. Source
  11. Gaadiidku Wuxuu Ka mid yahay laf dhabarta dhaqaalaha ee wadan kasta inuu si wax soo Saar leh oo hadday shaqo tahay hadday isgaadhsiin badeecadeed tahay ,hadday bulsho gaadiid tahay ama (services) bixin tahay waa waxa nolosha wadan kastaa KU xidhan tahay markaa wada Marid in la kordhiyo mooyee wadan in la yareeyo oo la cunna qabateeyo wada maridda KU fikiraa ma jiro. Mar walba oo Shil baabuuro dhacaan Somaliland gudaheeda Waxaa madaxda police KU isla soo taagaan shaadhadaha hanjabaad aan wax Soo kordhin (improvement) wax Soo kordhin mushkiladii udambeeyeen KU jirin iyo cannaan darawalada KU waajahan intaasina mushkiladda isku dhaca baanuurta xawaaraha KU socota waxba Kama qaban karto. Madaxda booliisku itaalkooda way dadaalayaan laakiin waxba kama tari karaan mushkiladda taagan Somaliland ee soo noqnoqonaysa. Mushkiladda waxaa Ka masuula Xukuumadda oo Madaxweynuhu know Ka yey. Mushkiladdani waxay u baahan tahay miisaaniyad dawladeed oo BALLAADHAN oo wadada maridda Somaliland gobol kasta wax Ka qabad KU samaysa . Ta koobaad ugu yaraan in askar badan loo diro tababar oo weliba ardayda jaamacada kasoo baxday u badan oo cadaalad lagu Soo soocay reer walba IYO gobol walba lagu daray . Waa in madaxda booliiska iyana tabar la SIIYAA, wadooyinka waa in boodhadh iyo calaamado loo sameeyaa, xawaaraha SOMALILAND gaadhi kasta oo magaalada ama meel la deggan yey marayaa waa inuu KU SOCDAAN 30km/hour Ka magaalooyinla u Kala gooshaya waa In engine kasta lagu joojiyaha 70km/hour markuu cidlooyinka marayo oo wasaaradda gaadiidku gaadhi aanay jeegaray aanuu wado Marin gaadiidku hawshaa kharashkeeda bixiyaan. Miisaaniyad Xoog leh bay arintu u baahantay , madaxda booliisku Inay shacabka u hanjabaan waxaa Ka habboon oo Ka saxsan Inay Madaxweynha iyo Wasiirka Daakhiliga u hanjabaan WAAYO kuwa shaqadoodii Baal marsani waa iyaga, lacagta Malaaayiinka ah ee Madaxtooyaa lagu dhisanaya iyo FATOOKHA NOOCAAS AH WAA IN LA GELIYAA WADA MARIDDA IYO TABABARKA BOOLIISKA IYO CALAAMADAHA WADOOYINKA. Manhajka wax barashada Somaliland waa in lagu daraa maadad wadda MARIDDA oo dugsiyada-dhexe iyo kuwa Sare iyo Jaamacada wadan KU wadan ah Inay dhigaan. Markaa mujtamaca xagga wada maridda isbedel weyn baa Ka imandoona si dhaqsa ah. Talada Madaxweynaha KU socotaa waa wasiiraddaada Tayo xumaa Ka muuqata weliba Saaxiibkaaga Daakhiliga IYO Ka Wasiirka Gaadiidka oon khibradba Ka muuqanin hadalkiisa IYO waxqabadkiisaba. MBasheqoranebashe@gmail.com Source
  12. Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Read More
  13. Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay nawaaxiga tuulada Cameeyra oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari sida ay sheegtay VOA-da oo xiganaysa dadka degaanka. Goob-jooge ku sugan miyiga ku xeeran Cameeyra oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay duqeyn culus ka maqleen nawaaxiga tuulada Cameeyra oo sida uu sheegay ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo Daacish. Goob-joogaha ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay geysteen diyaarado dagaal oo guuxooda la maqlayey balse uusan faahfaahin ka hayn khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale wuxuu cabsi ka muujiyay diyaaradaha halkaasi duqeymaha ka geysta oo sida dareemay halis geliyay naftooda iyo maalkoodaba. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday buuraleyda gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay afar askari ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyn ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo. Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, israsaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada Ammanka maamulka Jubbaland ay isku dayeen in ay Baaraan Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah Musharixinta u tartamaya Xilka Madaxtininada maamulka Jubbaland. Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda Musharaxiinta. Musharax Seeraar iyo ilaaladisa ayaa ka biya diiday Baaritaanka waxaana taasi ay sababtay in rasaas ay isweydaarsadan Ciidamada Ammaanka iyo kuwii Ilaalinayay Cabdi Nasir Seeraar. Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Ciidanka dhaawacmay ay yihiin Ciidanka Ilaalada Musharax Seeraar. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. Newly deployed military officers serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have been tasked to support the implementation of the Concept of Operations (CONOPS), which provides strategic direction and conduct of AMISOM operations to degrade Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Sanaag)-Shan qof ayaa cudurka Kixda ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, isla markaana dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay gurmad degdeg ah u soo fidiso. Deegaanada ay shanta qof ugu geeriyoodeen cudurka Kixda ayaa waxay kala yihiin Dhabqadood, Raqas, iyo waliba tuulooyin kale oo hoos yimaada degmada Xiis ee Gobolka Sanaag, sidaasi awgeed Dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi qaar ka mid ah oo wareysi uu la yeeshay Star tv ayaa waxay yidhaahdeen, “Halkan waxa ka dilaacay xanuun qufac leh oo la yidhi waa kix ayaa dadka halleelay, waxaana ilaa hadda u dhintay inta la hubo ilaa shan qof, waxaanu xanuunkaasi deegaanadan hoos yimaada degmada Xiis uu ka jiray ilaa saddexdii bilood ee u danbeeyey, markaa waanu u soo sheegnay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo waxaanu u baahanahay inay la noo soo gurmado oo ay dawladdu noo timaado oo ay noo keento daawo”. Source
  17. (SLT-London)-Maayirkii u horreeyey ee Afrikaan ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland ayaa Maayir ka noqday Degmada Ealing ee galbeedka London. Xaflad loo sameeyey caleemo saarka Maayirka cusub ee degmadaasi Mudane Cabdillaahi Axmed Guuleed ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen siyaasiyiinta xisbiyada dalkaasi iyo hormoodka bulshada ku dhaqan deegaankaasi. Maayirka cusub ee degmadan London ka tirsan Mudane Cabdillaahi Axmed Guuleed ayaa ugu horreyn ka warramay sababta ku dhalisay inuu ka qayb galo siyaasada dalka Ingiriiska oo hadda ka noqday Maayirka koonfurta London, waxaanu yidhi “Waxa igu dhalisay markii aan dhameeyey shaqadii aan takhasuska u lahaa ayey ii soo baxday inaan ka qayb galo siyaasada dalka Ingiriiska ee may aheyn wax aan hore uga sii fikiray, sidaasi awgeedna waxa jira dalka Ingiriiska haddii uu Qofku cashuur bixinayo inuu cod yeesho, waxaana muhiim ah inuu qofku eego waxa uu qaban karo, sidaasi darteed na haddii aad daacad tahay waxa kuu codeynaya cid kasta”. Maayirku waxa kale oo uu intaasi uu ku daray, “Tallaabadani waxay dhiirigelin u noqoneysaa dhallinyarada oo ay tahay inay ku dedaalaan sidii ay halkaasi u gaadhi lahaayeen”. Dhinaca kalena, Safiirka Somaliland u jooga midowga Yurub ee Brusseles Maxamuud Cabdi Dacar oo ka qayb galay xaflada Caleemo saarka Maayirkani ayaa ka dareen celiyey, “Waxaan halkan u imid inaan ka qayb galo caleemo saarka Maayir Cabdillaahi Axmed Guuleed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ahna maayirkii u horreeyey ee Soomaali ah ee noqda Maayir, markaa dad badan ayaa gudaha dalka Ingiriiska iyo dunida kale ba ka kala yimid oo ay tuseyso Ninkani shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay iyo halka uu gaadhay ba oo magac weyn u leh dadka reer Somaliland”. Source
  18. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka C/laahi Macalin Axmed (Tima Cade ) ayaa ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo DFS ka dalbaday in Naafada Soomaaliyeed lala soo gaaro gurmad deg deg ah, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in la Afuriyo,waxaana sidoo kale uu shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan u gargaarida dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Baaqa ka soo yeeray Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadayo, xilli la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. View the full article
  19. Hargeysa (Somalilandtoday) Todobaadadii u dambeeyay waxa kor u kacay xiisadda siyaasadda Somalilang gaar ahaana waxaa warbaahinta ku yooyootamay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo masuuliyiinta xukuumadda madaxweyne Biixi, waxaana wasiirrada xukuumadda qaarkood oo u holaday jawaabta mucaaradka ka soo yeedhay hadallo shakhsi weerar ah iyo kuwo bulshadu ka biyo diiday. Waxa ay arrintani timid iyada oo hore looga hayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin in aanu dalku mucaarad lahayn. Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo 30 bishii April jawaab degdeg ah ka bixinayay hadallo guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ku dhalliilay xukuumadda ayaa ku tiraabay hadallo bulshadu si taban uga dareen celisay oo noqday lama filaan. Maxamed Muuse Diiriye ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Waxaan aqoonsanahay inay Cabdiraxmaan ay u dheeryihiin samaysigii uu Xisbiga WADDANI samaystay gelidii doorashada uu galay in aanay ka niyad ahayne Somaliland iyo burburkeeda uu u samaystay marka horeba,” waxa uu intaasi raaciyay in doorashooyinkii hore raggii geli jiray ahaayeen gob aqbasha natiijada laakiin, Cirro ilaa hadda aqbali la yaha “Raggii hore ee gobta ahaa ee doorashada geli jiray halkaas ayey ku hadhi jireen,“ ayuu yidhi wasiirku. Geesta kale Wasiirka Gaadiidka iyo jidadka Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo kowdii bishan Ramadaan War-baahinta la hadlay ayaa isna sheegay isagoo isir ahaan u xidhiidhinaya in saraakiisha Xisbiga WADDANI qaarkood ay xidhiidh la leeyihiin Xukumadda Xamar “Xisbiga WADDANI waxa jira Xubno badan oo xidhiidh toos ah la leh Dowlada Xamar oo uu kow ka yahay Xoghayahooda guud Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI waxaad ogtihiin inuu Hargeysa dhex-deeda ka yidhaah-do dhib kuma aha ayuu yidhi inuu farmaajo yimaado , isaga iyo raysal wasaare ku-xigeenku xidhiidh toos ah ayey leeyihiin isaga iyo nin kale oo Cabdilaahi Odowaa la yidhaah oo iminka Kuwait jooga oo Jamacada ka tegay xidhiidh toos ah ayey leeyihiin,“ ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Abokor. Madaxweyne Biixi oo hore u sheegay in la dhayayo xanaftii ka dhalatay doorashada dalka ka qabsoontay sanadkii 2017, waxaanu Madaxweynuhu bisha Ramadaan kow-deedii shacbiga ugu baaqay in ay mid-nimada iyo wada jirkooda ilaashadaan, haseyeeshee wasiirradiisa todobaadkii u dambeeyay saxaafadda la hadlay ayaa u muuqda kuwo taageerayaasha xisbiga WADDANI maskaxdooda ku celiyay xilligii ololaha doorashada oo kuraasta lagu kala riixanayay hadallo qadhaadh oo ilaa hadda laga soo kaban la yahay sidii bulshada Somaliland ugu kala qaybsantay hadallada siyaasiyiinta siiba kuwa Kulmiye oo WADDANI ku eedaynayay in uu Xamar xidhiidh la leeyahay. Source
  20. (SLT-London)Madaxda BBC-da ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan shirkadda oo lagu magacaabo Danny Baker ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku qoray wax loogu yeeray “hadal edeb darro ah” oo ku saabsan cunuga yar ee ay dhaleen Amiir Harry iyo Mehgan. Qoraalka, oo hadda laga tiray Twitter-ka, ayaa ku faafay baraha xiriirka bulshada waxaana uu muujinayay sawirka lamaane oo gacanta ka haya daanyeer loo labisay, waxaana uu raaciyay qoraal uu ku yidhi: “Cunuga boqortooyada wuxuu kasoo baxay isbitaalka”. Baker oo tabin jiray barnaamijyada 5Live ayaa lagu eedeeyay inuu hab cunsurinnimo ah u sheegayay asalka ay kasoo jeeddo amiiradda. Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yidhi: “Kani wuxuu ahaa khalad aad halis u ah”. Mas’uuliyiinta BBC-da ayaa intaas ku daray in qoraalka iyo sawirka uu Baker soo dhigay Twitter-ka uu kasoo hor jeedo shuruucda BBC-da. “Danny waa wariye cajiib ah, laakiin ma sii tabin doono barnaamijkeenna isbuuclaha ah”. Harry iyo Meghan, oo hooyadeed ay kasoo jeeddo Mareykanka madow, ayaa Arbacadii soo bandhigay wiilkooda cusub oo ay ku magacaabeen Archie Harrison Mountbatten-Windsor. Baker ayaa goor dambe raalli galin ka bixiyay ficilka uu sameeyay, wuxuuna sheegay in waxa dhacay uusan filaneynin. Wariyahan 61 sano jirka ah ayaa raadiyaha ka tabin jiray barnaamij baxa dabayaaqada isbuuca. Baker ayaa dadka ku taxan bartiisa Twitterka oo gaaraya nus malyan ruux waxa uu u sheegay inay suxufiyiin ugu imaadeen albaabka gurigiisa ay ku dhaheen: “Ma waxay kula tahay in dadka madowga ah ay u egyihiin Daanyeerro?”. Qoraal kale ayuu ku qeexay in ujeeddadiisu aysan ahayn sida loo fahmay, khaladkaasna uu raalli galin ka bixinayo. Source
  21. (SLT-Jigjiga)Jabahadda ONLF oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay. Afhayeenka ONFL Cadaani Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee kunool degaanka ay leeyihiin gaaska tirada badan ee laga helay degaanka, islamarkaan aysan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray. Waxaa uu sheegay in Soomaalida iyo Oromadda in dhibaato badan lagu heyn jiray oo kheyraadka dalka aan laga talagalin jirin, laakiin hadda aysan yeeli doonin in dowladda Itoobiya ay la baxdo heshiis la’aan. Hadalka ONLF ayaa ku soo aadaya xili dowlada Itoobiyaay sheegtay in gaaska laga hgelay dhulka Soomaalida 40% ay leeyihiin dadka dhulkooda laga helay. Source
  22. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has conducted training for officials of South West State who will vet recruits seeking to join the police force. Source: Hiiraan Online
  23. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Ducaale oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Prof. Samatar, Halkan hoose ka DAAWO Source