Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xaafadda cagaaran ee Boosaaso waa xaafad dhowaan la qorsheeyey in laga hirgeliyo dhanka galbeed ee magaalada Boosaaso. Waxaa mashruuca lagu dhisayo xaafadaan cusub iska kaashanaya qurbajoog soomaaliyeed oo maalkooda ku bixinaya horumarinta dalkooda. Dhulkan ayaa loo qaabeeyay in mustaqbalka dhow laga dhiso ilaa 2500 Guri iyo Goobo danta guud ah. Munaasibadda lagu dhagax dhigayey xaafadan cusub waxaa ka soo qayb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntlan , maamulka Gobalka bari kan degmada Boosaaso , isimo , siyaasiyiin xilal kala duwan soomaaliya ka soo qabtay ,waxgarad iyo dadweyne kala duwan. Dadkaasi oo ay aaad u soo jiidatay nidaamka cusub ee loo qorsheeyey in xaafadda cagaaran ee Boosaaso loo dhiso. Gudoomiyaha Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado , Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Puntland Axmed Cirro iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa soo dhaweeyey xaafaddan cusub. Mas’uuliyiinta ayaa qurbajoogta soomaaliyeed ee mashruucaan hirgelinaya u balan qaaday wadashaqayn joogto ah Eng Cabdimahad Siciid Cali kawir oo ah injineerka xaafadan cusub dhismeheeda gacanta ku haya ayaa isna ka hadlay habka dhismayaasha xaafadaan noqon doonaan iyadoo aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo madaxa mashruuca uu si lamid ah uga hadlay sidoo kalena Cabdisalaam Cismaan Yuusuf oo kamid ah aasaasayaasha mashruucaa xaafadda cagaaran ee boosaaso . Dhegayso codadka Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  2. Warbixintaan hoose waxay Howlwdeenada Puntlandi.com idinka soo ururiyeen warar aan kasoo xigany dhowr Dublamaasi oo u dhuun daloola Safarkii Madaxweyne Dani,Xaaf iyo Axmed Madoobe ee [...] Source
  3. Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee magaalada Hargaisa maamulka jeegaanta ee uu hor-joogaha ka yahay Muuse Biixi ayaa maanta dhagaystaya dacwadii loo haysaty wariye Cabdi Maalik [...] Source
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn kulul u jeediyay maanta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo, iyagoo sheegay inaysan waxba qaban hawlihii loo igmaday. Sheekh Sharif, Xasan Sheekh iyo Jawaari Hadalkan ayay ka sheegeen labada madaxweyne munaasabad uu Muqdisho ku qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaasay Sheekh Shariif, kaasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda hadda jirta. Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah inaysan waxba ka qaban amniga dalka, sidoo kalena ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay in halkii ay uga tagtay dowladdii midan ka horreysay uu weli taagan yahay. “Al-shabaabkii aan shalay Muqdisho iyo gobolo badan oo wadanka ka mid ah aan ka xoreynay in maanta nala yiraahdo dekedda Mogadishu ayay canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, annagu dowladda diyaar baan ula nahay inaan ku garab-istaagno hawlaha looga igmaday haddii ay doonayso inay wax ka qabato,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, Wuxuu dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Farmaajo ka dalbaday inay wax ka qabato saddex arrimood oo kala ah; Wax-ka qabashada Amniga oo meel fog laga keenay, dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka iyo inay xilli hore caddeyso nooca doorashada dhacaysa 2020-ka si loogu diyaar garoobo. Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isagana ka hadlay goobta wuxuuna sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta mareyso meel xun oo loo baahan yahay in si deg-deg ah loo badbaadiyo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ah ay caburin ku hayso siyaasiyiinta dalka ku sugan qaarkood, isagoo xusay in awood sheegashada dowaldda ay dalka burburin karto haddii madaxda sare ee hoggaanka haysa aysan muujin tanaasul siyaasadeed. “Waddanka hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo lagu qabto gacan bir ah – afkana la qabto waa tan maanta soddon sano na dhigtay meesha aan maanta aalno, fidnadii ka dhalatayna weli way socotaa,” ayuu Xasan Sh. Maxamuud ku yiri hadalkiisa. Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa ku yiri. “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagana si walbo ahaado waa isu tagayaan, haddii Qaranka wax kasoo hor-jeedo laga hadlana Qaran dumis in la yiraahdo waa afqabasho iyo wax aan raalli laga noqonayn, dhaqan suubanna ma ahan.” PUNTLAND POST The post Eedeymo kulul oo loo jeediyay madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka. Aden Madoobe oo horay u soo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga Himilo Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan madaxda xisbiga Himilo Qaran oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbigan uu ku yimid baahida loo qabo xisbi siyaasadeed oo hano karo talada dalka, kana saari kara xaaladda lagu jiro. Mudane Shariif ayaa soo qaatey in maanta qaranka u baahanyahay “Yac” “Shalay annaga oo joogna ayuu korkaanna ku dumay, waqti ayaa lagu baxshay, dad badan oo qaali ah ayaan ku weynay, abaalmarintooda waxaa waaye in aan qarannimada ilaalinno” ayuu intaa raaciyey. Madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Arrin dhacdey ayaan rabaa in aan idiinkaga sheeko oo aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh na dhex martay waagii aan joogney Garoowe, xooga madaxweynaha waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda dumiyo, war heedhe adiga waxaa la rabay in aad dowladda dhisto ee maxaa jira ii sheeg? Wuxuu dhahay Xashaa lilaah, cabbaar ayaa sheekeysaney, gacabtaan ka qabtey, madaxweyne Farmaajo ayaan u geeyey waxaan iri, madaxweyne ninkan wixii lagu xamanaayey been waaye, 2-badaada sano in aan dhameysato ayuu ogol yahay, laakin waxuu rabaa wuxuu qoonsadey in aad dhageysto? Wuxuu dhahay waa aqbaley, waa ballameen la isma arkin ilaa hadda”. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore golaha shacabka ayaa hambalyeeyey xisbigan, isaga oo ku dheeraaday heerarkii axsaabtii siyaasadda laga soo bilaabo 1945-1969 oo 60 xisbi ay jireen iyo dhaqan dimoqoraadi ah, 1969-1979 xisbi ma jirin, 1979 hal xisbi oo kacaanka ahaa ilaa 1990-2015 sidoo kale xisbi ma jirin ilaa laga ansixiyo xeerka xisbiyaga July 2015-kii. Mr. Jawaari waxaa uu soo-jeediyey in axsaabta ay ku midoobaan aragti iyo ajende mideysan, waxaa kale uu ammaaney sida xilalka isugu wareejiyeen kaas oo ah dhaqan ay soo bilaabeen Aden Cabdulle iyo Cabdirashiid Sharma’arke, waxaa uuna ku dar-daarmay in la digtoonaado in asxaabta la takooro iyo in awoodaha dowladnimada ee 3-da ah ay hal gacan gasho. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda xisbiga Himilo ayaa sheegay in dadka hoggaanka u haya ay waayo-aragnimo u leeyihiin dowladnimada. Mudane Xasan Sheekh oo arrimo badan ka hadley waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dowladdu waa iney ogolaataa, raalli ka noqotaa, fududeysaa, dhiirigelisaa, ilaalisaa siyaasiyiinta marka ay hadalayaan, dadka waa mucaarad iyo waa qaran dumis yaan lagu dhihin ee gurigaaga iska gal qofna ma dhahayo, dadku waa dadlayaan, waa isu tagayaan, sida ugu haboon ay isugu tagi lahaayeen haddii laga hor istaago xataa si aan habooneyn ayey isugu tagayaan, marka marna iney isu tagaan, lama celin karo, dowladda iyo hogaankeeda waxaan ku dhiirigelineynaa in saaxada siyaasadda in la furo, annaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku taageerno wax kasta oo qaanuunka waafaqsan, oo dastuurka waafaqsan, oo dowladdu ay wado in aan ku taageerno, wax kasta oo dastuurka dhinac marsan, qanuunka dhinac marsan in aan diidno ayaan diyaar u nahay, isku darnaa xaajada, haddii dastuurka wax ka soo horjeedo maya dhaho, qaran dumis ma ahi, dowlad diid ma ahi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Can women save the world? By looking at the life Edna Adan Ismail, Somaliland’s former Foreign Minister and former First Lady, the answer would be a resounding, ‘YES.’ Labeled the ‘Muslim Mother Teresa,’ Edna has taken everything she learned through these prominent positions to save the lives of untold numbers of women and children. Edna Adan Ismail As the current director and founder of the Edna Adan Maternity Hospital in Hargeisa , her mission is to help improve the health of the local inhabitants and, even more urgently, to decrease Somaliland’s extreme levels of maternal and infant mortality, which are among the highest in the world. This non-profit making charity and midwifery teaching hospital, which Edna built from scratch, is also training student nurses and other health professionals. ‘I am just doing what needs to be done,’ Edna says, reflecting on her decision in 1998 to sell her home and car, as well as donate her U.N. pension, to fund the hospital. Edna Adan Maternity Hospital Officially opened on March 9, 2002, the Edna Adan Maternity Hospital was built on land donated to her by the regional government at a site formerly used as a garbage dump. The region lacked trained midwives/nurses to staff the hospital – as most had either fled the country or been killed during the Somali Civil War , which destroyed Somaliland’s entire health infrastructure. Edna recruited more than 30 candidates and began training them while the hospital was still under construction. Now completed, it houses two operating rooms, a laboratory, a library, a computer center and a university dedicated to training nurses and midwives as well as other health professionals. As of 2018, the university hospital has grown to 200 staff members and 1500 students. ‘Due to our training, our country now has the largest number of midwives per capita, and we have been able to reduce infant mortality significantly,’ Edna says proudly. The hospital’s historical survival rate is 75% higher than the national average. This facility is also the address where Edna calls home, having moved into the only room that had a door and a shower/toilet during construction. ‘I was born into this,’ she says, recalling that, as a child, ‘the problems of the world came to my father’s door.’ Edna witnessed her father, a prominent physician, display compassion, generosity and devotion to his patients throughout her childhood. ‘His patients came before his own needs,’ she recalls. ‘I brought this level of dedication to my diplomatic career, and now to this hospital.’ The first woman Minister of Social Affairs (August 2002 – June 2003), Edna then became Foreign Minister, and found she was able to more powerfully present the case for supporting Somaliland not only as a diplomat, but as a woman. ‘Being a woman, I am allowed to be forceful and angry and show sorrow for my people. I am allowed to express pain and sorrow and anger. I can be motherly and I can be tenacious. I can also shed a tear or two,’ Edna adds. ‘I can also share emotions I feel by witnessing the pain and Injustice my country has suffered.’ Further, as the Foreign Minister of Somaliland, Edna purposely hosts delegations at the hospital. ‘I do this so that I can prove to everyone that if this site is good enough for my patients, it is also good enough for me to live in, and it is also good enough for those who wish to associate with me.’ As the only woman in the delegation, she has also had to remind other dignitaries that she is the head of the delegation. ‘If I bang on a table or shed a tear, don’t try to appease me, I tell them. When I express anger, don’t tell me to cool down,’ she continues. ‘Don’t try to impose a different emotion to what I am expressing at that moment. I will know when I want to cool down, and I will tell you what I need. If I wish to show my emotions, it is because I have chosen to do so.’ Yet one of the most memorable stories she tells is of an experience that occurs time and time again, and often just before a woman is about to die. ‘Since a woman in our society does not have the authority to sign for her own surgery when requiring a Caesarean section, she must have a male (father, husband, brother or son) do it for her. Sometimes, when we tell the husband that we must have his consent immediately (because of a time-sensitive emergency) or his wife will die, he will refuse, or will want to wait to decide. But we cannot afford to wait. So I summon a policeman, and on the back of the form I write, ‘I want my wife to die, ‘ when she is in danger of dying without the surgical intervention that she needs. I then ask him if he wants to sign that instead. The husband approves the surgery for a C-section every single time. If not,’ Edna adds, ‘I would have taken the risk and signed it myself, which could cause me to go to prison if his wife did not survive the surgery. Fortunately, no one has ever called my bluff.’ Yet it doesn’t stop there. ‘My battle against female genital mutilation (FGM) has been the biggest battle of my life,’ Edna says. A victim of FGM herself, she was the first woman to speak out against it. ‘These young girls have survived measles, whooping cough, chronic diarrhea and other life-threatening diseases, and when they reach the age of seven or eight, when they are learning to jump and learn and talk…they are subjected to FGM.’ ‘It is not only cutting. It is total mutilation!’ she adds. Edna believes that fathers have to be educated about the dangers of FGM as well, so she is working on publishing an animated book about it since so many in her country cannot read. Based upon so many of Edna’s accomplishments, one would think there wouldn’t be anything she could fail at. But there is. ‘I want to get my country internationally recognized. That is my unfinished book,’ she says. ‘The world is losing the presence of a democratic country in Somaliland. We have managed to demobilize our militia with our own resources, we have a functioning, democratically elected government and we generate all taxes from our own country. While the international community is spending billions of dollars to try to bring peace in Somalia, they are ignoring the peace we have already achieved in Somaliland. We gain from peace and stability,’ she adds, ‘They gain from lawlessness.’ By Lori Sokol About the author: Lori Sokol, PhD, is Executive Director and Editor-in-Chief of Women’s eNews. Her book, #SheIsMe: How Women Can Save The World, will be published in the Spring, 2020. MENAFN2704201902070000ID1098445245 Qaran News
  7. Deegaanada Puntland waxaa laga soo sheegayaa abaaro xoogan oo samayn ku yeeshay dadka iyo duunyada, abaarahan ayaa si siman uga jira guud ahaan goboladda, waxaana isa soo taraya qaylo dhaanta kasoo yeeraysa dadka ku nool dhulka miyiga. Sida ay sheegaayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST waxay tilmaamayaan in xaalada ugu xun ee hada jirtaa ay tahay biyo la’aan samayn ku yeelatay dadka iyo xoolahooda. Waxaa aad deegaanada Puntland ugu yar ama aan da’inba roobkii gu’ga illaa hada, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu horayna u yaraa xili roobaadkii ka horeeyey ee dayrta, waxaana arimahani sababeen in dadka iyo xooluhuba u adkaysan waayaan abaarta daran walow waayadii danbeba ay xooluhu ku noolaayeen raashinka caadiga ee ay dadku quutaan. Maxay Dawladda Puntland uga aamusan tahay abaarahan? Xiliyadan oo kale dawladda Puntland waxay ku dhawaaqi jirtey in deegaanadeeda ka jiraan abaaro, iyadoo baaq u diri jirtey hay’adaha caalamiga ah, isla markaana dawladda qudheedu bilaabi jirtey wax ka qabashada xaaladaha jira hadba wixii ay awoodo, sidoo kale waxaa la samayn jirey gudi heer wasiiro oo arimaha abaaraha iyo taakulaynta dadka ay saameeyeen qaabilsan. Xukuumadda billaha yar jirta ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Siciid Deni inkastoo ay dhawaan abaabushay roob doon aan goboladda sidii la rabey uga wada dhicin, illaa iminka si mugleh ugama hadlin abaarahan, mana jirto gudi gaara oo ay xukuumaddu u xil saartay taakulaynta dadka reer miyiga iyo xoolahooda. Dadka ay abaaruhu haystaan ayaa Alle ka rajaynaya inuu xaaladan ka saaro maadama aysan jirin wax u dhigma raxmada Eebe oo ay kusoo kaban karaan, hadana waxay tabanayaan dhaliil iyo gaabis ka jira dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Madaxweyne Deni maxay uga aamusan tahay abaaraha ka jira Puntland? appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo racfaan ka soo qaatay xukuno horay ugu riday Maxkamadda, waana markii saddexaad oo dacwadan la dhageysto. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa weydiiyay xafiiska xeer ilaalinta ee Ciidamada iney keenaan Maxkamada horteeda marqaatiyaasha ku xusan eedeysanaha Kiiskiisa oo markii saddexaad loo fariistay. Ma jirin wax marqaati ah oo la horkeenay Maxkamadda, balse badalkeeda xafiiska ayaa soo jeediyay ineysan sii socon karin xilligan ka dib dacwad qaadista eedeysanahan, waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Maxkamada go’aan ka gaarto eedeysanaha iyadoo la raacinayo tallaabooyin amni oo xadidaya dhaq dhaqaaq eedeysanaha. Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada, wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in Maxkamada go’aan ay ka soo saari doonto Kiiska. “Kiiska sidaasi ayuu ku gabagabeysan yahay, wixii go’aan ah Maxkamadda dib ayay ka soo sheegi doontaa, ” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida. Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa xilliyo kala duwan loo xiray arrimo la xiriira argagixisanimo, waxayna Maxkamadaha ciidamada Puntland xilliyo kala duwan ku xukumeen dil iyo xabsi, balse Bishii November 2018, ayaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Heer Federaal looga fursan waayay Kiiskan oo culeyskiia lahaa oo ay la soo wareegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa duqeyn diyaardadeed oo ka dhacday deegaano hoos taga degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Duqaybta ayaa [...] Source
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon markii labaad la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex . Wariye Coldoon ayaa muddo ku siman 10-cisho u xidhan xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi, Isagoo markii u horeysay ee la horgeeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex, uu Gudoomiyaha Maxkamadaasi ku amray ciidankii soo qabtay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer. Balse Maxkamada gobolka ee maanta lasoo taagay Wariye Coldoon ayaa daba socoto kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland uu soo saaray go’aan ah in dacwada ka dhanka ah Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii Xeer ilaalintu ku andacootay arrimo la xidhiidha dhinaca amniga. Eedaymaha loo haysto Wariye Coldoon ayaa saaka qaar kamida laga hor-jeediyey fadhigii saaka lagu dhageysanayey dacwada sida uu sheegay garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon. Garyaqaan Mubaarik Cabdi oo ah garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon, ayaa soo saaray qoraal uu kaga waramayo sidey saaka wax u dhaceen, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxakamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdilmalik Musa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay, waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn kamid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jigjiga oo uu qoraal ku dul qoray, iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado. Qoraal uu facebookiisa ku qoray buu idhi laba taliye oo xanuunsaday baa cusbitaal ba la geeyay tiina waa loo xidhay> Coldoon Eheladiisu maxakamada damaanad bay u weydiiyeen si uu debada iskaga joogo intay dacwadiisu socoto maxakamaduna dalabkoodi way ka diiday walow ay ku sababaysay qodobada hor dhaca ahi inaanay lahayn Damaanad. FG: Wali dacwad rasmi ah laguma Soo oogin balse waa eedaha hor dhaca ah waxaanay saamaynayaan xoriyada hadalka iyo inuu qofku si xor ah u cabiri karro Aragtidiisa isagoon cabsi qabin”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Laba qof ayaa ku geeriyooday hal qof kale wuu dhaawac culus ayaa soo gaadhay ka dib markii colaad kale ka soo cusboonaatay deegaanka gobolka Sanaag. Colaadan ayaa waxay ka bilaabmatay ka dib markii ah uu nin toogtay nin, waxaana islama markiiba ka fal celiyay dilkaasi mid ka mid ah beesha wax laga dilay waxaana uu toogay laba qof oo midna qudh baxay halka kalena dhaawaciisu culus yahay. Deegaanka mashaqadu ka dhacday ayaa wax la yidhaahdaa Dharin Yaxye ka tirsan Godcaanood. Xukumadda Somaliland iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaan ka hadal arrinkan wali, Dhawaan ayay ahayd markii la soo afjaray colaad in muddo ah ka taagnayd deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa sheegay in Somaliland uu ragaadiyay musuq-maasuq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Laydh Ku Shaqayn Doona Tamarta Cadceeda Oo Laga Hirgaliyey Magaalada Laasacaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Wasiirka Caddaalada dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud oo Sabtida maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday dagaal warbaahineed oo sumcadda iyo sharafta looga dilayo. Wasiir Xaamud ayaa sheegay in Puntland ay wajahayso dagaal looga soo qaaday baraha bulshada oo ay wadaan dad doonaya in ay sawir fool-xun ka bixiyaan Puntland si ay sumcadda iyo sharafta uga dilaan. “Puntland waxa ku wajahan dagaal social media-da ama gudaheena ha ahaato ama meel kale ha ahaateeoo lagu baabi’inayo image-ka Puntland” ayuu yiri xaamud. Wuxuu tusaale u soo qaatay in gabadh shil gaadhi ku dhimatay laga faafiyay warar been-abuura oo sheegaya in la kufsaday balse markii dambe beenoobay. Wasiirka ayaa ku baaqay in la helo dhalinyaro baraha bulshada aad u isticmaala oo weerarkaasi ka difaacda dowladda si loo ilaaliyo sumcadda Puntland. “Waa in aynu helno dad dhalinyara social media-yaha iyaguna dee waxa weeye aad u isticmaala oo arrintaa ka hortaga” ayuu sii raaciyay wasiir Xaamud. PUNTLAND POST The post Cawil Sheikh Xaamud: Puntland Waxa ku wajahan dagaal appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa waxaa uu sheegay in xuska 18-ka may ee la xusi doono wakhtigeedii oo ku beegan 12 bisha barakaysan ee ramadaan oo aan la soo rari doonin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda dalka, waxaana uu sheegay in dowladda Maanta jirtaa aysan Mas’uuliyad badan iska saarin Xaaladda dalka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. “Shabaabkii aan shaley Muqdisho iyo gobolo badan oo dalka ah ka xureyney in nala yiraahdo maanta Dekeda Muqdisho ayey Canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, anagu Dowlada diyaarbaan ula nahay inaan ku garab istaagno” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Shariif ayaa hordhigay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay Caddeyso Saddex qodob oo kala ah: 1. Qorshaheeda amniga dalka, oo meel fog laga keeney 2. Goorta ay soo dhameystirayso dastuurka kumeel gaarka ah 2. Inay xili hore caddeyso nooca Ddoorashada 2021 Sheekh Shariif ayaa Muqdisho kusoo laabtay jimcihii, wuxuuna daaha ka rogay xisbigiisa cusub ee Himilo Qaran, oo la filayo inuu ka mid noqdo xisbiyada ugu miisaanka culus ee doorashada dalka ka dhaceysa 2021. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Xasan Shiikh Maxamuudf"dalkaan wuu soo arkay nidaam kaligii talis ah hana laga diktoonaado" Xasan Shiikh Maxamuudf"dalkaan wuu soo arkay nidaam kaligii talis ah hana laga [...] Source
  18. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka. Aden Madoobe oo horay u soo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga Himilo Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan madaxda xisbiga Himilo Qaran oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbigan uu ku yimid baahida loo qabo xisbi siyaasadeed oo hano karo talada dalka, kana saari kara xaaladda lagu jiro. Mudane Shariif ayaa soo qaatey in maanta qaranka u baahanyahay “Yac” “Shalay annaga oo joogna ayuu korkaanna ku dumay, waqti ayaa lagu baxshay, dad badan oo qaali ah ayaan ku weynay, abaalmarintooda waxaa waaye in aan qarannimada ilaalinno” ayuu intaa raaciyey. Madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Arrin dhacdey ayaan rabaa in aan idiinkaga sheeko oo aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh na dhex martay waagii aan joogney Garoowe, xooga madaxweynaha waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda dumiyo, war heedhe adiga waxaa la rabay in aad dowladda dhisto ee maxaa jira ii sheeg? Wuxuu dhahay Xashaa lilaah, cabbaar ayaa sheekeysaney, gacabtaan ka qabtey, madaxweyne Farmaajo ayaan u geeyey waxaan iri, madaxweyne ninkan wixii lagu xamanaayey been waaye, 2-badaada sano in aan dhameysato ayuu ogol yahay, laakin waxuu rabaa wuxuu qoonsadey in aad dhageysto? Wuxuu dhahay waa aqbaley, waa ballameen la isma arkin ilaa hadda”. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore golaha shacabka ayaa hambalyeeyey xisbigan, isaga oo ku dheeraaday heerarkii axsaabtii siyaasadda laga soo bilaabo 1945-1969 oo 60 xisbi ay jireen iyo dhaqan dimoqoraadi ah, 1969-1979 xisbi ma jirin, 1979 hal xisbi oo kacaanka ahaa ilaa 1990-2015 sidoo kale xisbi ma jirin ilaa laga ansixiyo xeerka xisbiyaga July 2015-kii. Mr. Jawaari waxaa uu soo-jeediyey in axsaabta ay ku midoobaan aragti iyo ajende mideysan, waxaa kale uu ammaaney sida xilalka isugu wareejiyeen kaas oo ah dhaqan ay soo bilaabeen Aden Cabdulle iyo Cabdirashiid Sharma’arke, waxaa uuna ku dar-daarmay in la digtoonaado in asxaabta la takooro iyo in awoodaha dowladnimada ee 3-da ah ay hal gacan gasho. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda xisbiga Himilo ayaa sheegay in dadka hoggaanka u haya ay waayo-aragnimo u leeyihiin dowladnimada. Mudane Xasan Sheekh oo arrimo badan ka hadley waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dowladdu waa iney ogolaataa, raalli ka noqotaa, fududeysaa, dhiirigelisaa, ilaalisaa siyaasiyiinta marka ay hadalayaan, dadka waa mucaarad iyo waa qaran dumis yaan lagu dhihin ee gurigaaga iska gal qofna ma dhahayo, dadku waa dadlayaan, waa isu tagayaan, sida ugu haboon ay isugu tagi lahaayeen haddii laga hor istaago xataa si aan habooneyn ayey isugu tagayaan, marka marna iney isu tagaan, lama celin karo, dowladda iyo hogaankeeda waxaan ku dhiirigelineynaa in saaxada siyaasadda in la furo, annaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku taageerno wax kasta oo qaanuunka waafaqsan, oo dastuurka waafaqsan, oo dowladdu ay wado in aan ku taageerno, wax kasta oo dastuurka dhinac marsan, qanuunka dhinac marsan in aan diidno ayaan diyaar u nahay, isku darnaa xaajada, haddii dastuurka wax ka soo horjeedo maya dhaho, qaran dumis ma ahi, dowlad diid ma ahi”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Magaalada Bosaaso ayaa maanta waxaa laga dhagax -dhigay xaafad cusub oo loogu magac daray Green Village, waxaan dhagax dhigay qaar kamid ah golaha Wasiirda ee dowladda Puntland. [...] Source
  20. safiirka UK iyo madaxweynaha Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Sabtiya magaalada Garoowe kula kulmay, safiirka dalka UK u qaabilsan Soomaaliya Ben Fender. Kulanka madaxweynaha iyo safiirka ayaa looga hadlay arrimaha: abaaraha ka jira Puntland, amniga, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, sida ay labada mas’uul ka sheegeen hadal ay warbaahinta siiyeen kulankooda kadib. Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horreeyay ayaa sheegay in ay ka wada-hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo qodoba kale, isagoo xusay in ay kulamo kale yeelan doonaan mudada safiirku Puntland joogo. Safiirka ayaa isna socdaalkiisa ku tilmaamay markii u horraysay ee uu yimaado degaannada Puntland, waxaana uu sheegay in kulanka looga hadlay afar qodob oo kala ah; arrimaha abaaraha , horumarinta dhaqaalaha, amniga & la’daagallanka argagixisada iyo guud ahaan siyaasadda dalka. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo Puntland ka caawinaya dhinacyo kala duwan appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxda Soomaalida Markay kasoo degayaan Garoomada Diyaaradaha waxay u dhaqmaan qaab kaligii taliye waxaa garoonka Diyaaradaha loo daabuleeyaa raxan shacab ah oo soo dhaweeya. Halka [...] Source
  22. Taliyaha Jabhada dib u xoraynta degmada Yube Iyo deegaanada hoos-yimaada Taliye Bashiir Axmed Jaamac Shire ayaa fariin adag waxa uu u diray maamulka Muuse Biixi [...] Source
  23. Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe, ka dhacay shir u dhaxeeyay Senataro katirsan aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta wasaaraddaas. [...] Source
  24. Ilaa saddex kursi oo doorashada xildhibaannada golaha shacabka ah ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ilaa hadda waxaa soo baxay labo xildhibaan, oo kala baday taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo Col. Ruush Xildhibaan Cali Sheekh Cabdulahi (Cali Afgooye) ayaa badalay Xuseen Cismaan Xuseen halka Nuur Siidow Baaba Xasan uu isna badalay Col. Ruush. Waxaa socda doorashada kursiga 3aad, ee natiijada la soco Goobjoog News Source: goobjoog.com