Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baidoa (HOL) — Southwest regional state leader Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen commended federal lawmakers from Southwest on Monday for their endorsement of pro-Ethiopian troop protests in the Bay and Bakool regions. Source: Hiiraan Online
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta dalka dib ugu soo laabtay safar maalmo qaatay oo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Baydhabo. Lafta-gareen oo soo dhaweynta kadib hadal u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay hadalladii dhawaan kasoo yeeray caasimada, taas oo ula jeedo xiisaddii ka dhalatay taageeraddii shacabka reer Koonfur Galbeed iyo xildhibaannadooda u muujiyeen ciidamada Itoobiya. Khilaafkan oo maalmo ka taagna baarlamaanka ayaa xal laga gaaray, wuxuuna hadalka Lafta-gareen u muuqda mid dib loogu istaadhayo xiisadda, isaggoo sheegay in beegsiga reer Koonfur Galbeed lagula kacay ay wax u dhimeyso midnimada, sida uu hadalka u dhigay. “25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba midnimo iyo inay ka shaqeeyaan danaha deegaankooda, isaggoo si weyn u amaanay tallaabaddii ay qaadeen xildhibaannada maamulkaasi oo dhawaan xiisad ka abuuray baarlamaanka Soomaaliya. Hadalka Lafta-gareen ayaa imanaya xilli ay xildhibaannada Koonfur Galbeed ay aqbaleen raali-gelin uga timid xildhibaanada beelaha Mogadishu Clan, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen. Xildhibaannada reer Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkeen ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo. Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Mogadishu Clan ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya. Shir jaraa’id oo dhawaan ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan. The post Lafta-gareen oo dib u istaadhay khilaafkii BF iyo arrin cusub uu maanta ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
  3. Baaritaan bilow ah oo lagu sameeyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka dalka Tanzania ayaa lagu ogaaday in la garaacay oo lagu shubay aashito, sida uu sheegay xisbigiisa. Meydka Cali Maxamed Kibao, oo xubin ka ahaa xoghaynta xisbiga ugu wayn mucaaradka Chadema, ayaa la helay Sabtidii, maalin ka dib markii laba nin oo hubaysan ay ku qasbeen bas ka yimid magaalada Daaru-Salaam, kuna sii jeeday Tanga ee waqooyi bari. Baaritaanka hordhaca ah la sameeyay, waxaa ka muuqata in Cali Kibao la dilay ka dib markii si xun loo garaacay oo xitaa aashito wajiga looga shubay, sida ay wariyaasha u sheegeen xubno ka tirsan xisbigiisu. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  4. . Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha ay u baaqdeen arrimo jiray oo guddoonka uu ku howlanaa xalintiisa kuwaas oo hada lagu guuleystay. “Waxaan idinka raali gelineynaa labadii kulan ee baaqday sababtuna waa inaan ku howlaneyn arrimo ka dhex jiray Xildhibaanada inaan xalino waan xalinnay waana ku guuleysanay, Xildhibaanada sharafta leh runtii waan idin kaga mahadcelinayaa dadaalkiina, dalkan dowlad dhiskiisa iyo horumarkiisa qeyb libaax leh oo muhiim ah ayaad kaga jirtiin waana ku mahadsantihiin”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Ajendaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan maanta lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha xildhibaanadda islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo. Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa xubnaha guddigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeesheen kulankii 12-aad ee kalfadhiga shanaad oo ku saabsanayd arrimaha matalaadda Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Timacadde oo tilmaamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka. Source: goobjoog.com
  6. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhawaan dowladda Jabuuti ayaa ugu yaboohday dowladda Itoobiya inay siinayso deked ay si buuxda u maamushaan oo xigta dhanka xadka Jabuuti ay la wadaagto Eritrea, si loo soo afjaro khilaafka gobolka xasillooni darrada galiyay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareysi ku sheegay ballan-qaadkan, wuxuuna raaciyay inay sababta tahay sidii loo kala bad-baadin lahaa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Balse yaboohaasi qaaliga ah illaa hadda kama soo jawaabin dowladda Itoobiya, sidoo kale Itoobiya ayaa horey u diiday inay qaadato saami 19% ah oo laga siiyay dekedda magaalada Berbera sanadkii 2018, markaas oo maamulka dekedda lagu wareejiyay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World. Inay Itoobiya diiday inay qaadato saamiga laga siiyay dekedda magaalada Berbera, haddana ay ka aamusto dalabka dekedeed ee uga yimid dowladda Jabuuti waxay muujineysa in aysan Itoobiya raadineyn marin ganacsi. Sida iska cad Itoobiya laba hadaf ayey leedahay, mid waa deked ay toos u yeelayo iyo midda labaad oo ah saldhig ciidan, waana midda keentay in aanay kasoo jawaabin farriinta Jabuuti, sidoo kalena aanay qaadan saamigii ganacsi ee laga siiyay dekedda Berbera. Dekedda ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya waa fahamsan tahay Addis Ababa in aysan toos u qaadan karin balse ay tahay mid ganacsi, sidoo kalena aanay ka dhigan karin saldhig ciidan. Maamulka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida waa inay tani baraarug ku ridaa. Ciddii maanta Itoobiya u fasaxda biyaha Soomaaliya waa hubaal in aanay berri ka kicin karin. Yabooha dekedeed ee ka yimid Jabuuti wuxuu sii fashiliyay qorshaha Itoobiya. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu fagaareyaal badan ka sheegay in 120 milyan ee Itoobiyaanka ah inay xaq u leeyihiin inay helaan bad ay ku ganacsadaan. Laakiin hadda si fudud ayey Jabuuti u tustay caalamka in uusan hadalka Abiy Axmed sax aheyn oo doonistooda ganacsi ku eekeyn. Xiisada u dhaxeysa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli taagan, waxaana la filayaa in bartamaha bishaan inay markale labada waddan isku arkaan magaalada Ankara ee waddanka Turkiga, xilli aanay wax weyn oo macno leh kasoo bixin wejiyadii hore ee wada-hadallada. The post Jawaab la’aanta Itoobiya ee yaboohii Jabuuti oo muujinaysa damac halis ah appeared first on Caasimada Online.
  7. 457149966_856788669875115_1532661665911059349_n (1) Qaran News
  8. Xafiska Tirakoobka Jabuuti ayaa soo bandhigay natiijada Tirakoobkii Saddexaad ee Dadweynaha iyo Guriyeynta dalka Jabuuti, kaas oo Muujinaya in dadka reer Jabuuti ay kor u dhaafeen 1 milyan oo qof. Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobka Jabuuti Ibrahim Cabdi Xaddi oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in si aad ah ay u sugayeen in tirada dadka reer Jabuuti ay gaarto 1 milyan oo qof. Tirada dadka ku nool dalkaasi ayaa hadda ka talawday oo hal milyan oo qof kor u dhaaftay sida uu sheegay agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobka dalkaasi Ibrahim Cabdi Xaddi. “Maanta waxaan u sheegaynaa dadwaynaha Jabuuti dhammaan inaan hal milyan lix iyo lixdan kun sideed boqol iyo sagaal qof(1.066,809) aan nahay Jabuuti” ayuu yiri Ibraahim Cabdi Xaddi. Sida ku cad tirakoobka tirada dumarka ayaa ka badan ragga ku nool dalka Jabuuti waxaana ay yihiin %50.3 dumarku halka tirada ragga ay tahay boqolkiiba %49.7 PUNTLAND POST The post Tirada guud ee dadka Reer Jabuuti oo gaartay in ka badan hal milyan oo qof appeared first on Puntland Post.
  9. 7gu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Suuriya sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowladdu. Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Masyaf ee gobolka Hama ayaa waxa uu dhaliyay dab xooggan,waxaana uu geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh sida ay baahisay wakaaladda wararka SANA ee dalka Suuriya. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in 36 qof ay weerarka ku dhaawacmeen, kuwaas oo laba kamid ahi ay dib ka geeriyoodeen, taas oo tirada dhimashada oo 14 qof u ahayd ka dhigtay 16. Source: goobjoog.com
  10. Maxaas (Caasimada Online) – Mid kamid ah Odayaasha ku dhaqan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, isla markaana si weyn loogu bogaadiyay, kadib markii uu soo celiyay shidaal uu horay uga bililiqeystay dowladdii hore ee milatariga ee uu hoggaamiyaha ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Ninkan oo lagu magacaabo Muumin Fiidow Rooble, isla markaana 85 sanno jir ah ayaa sheegay in markii ay dhacday dowladdii hore, dalkana uu galay burburka uu ka qayb-qaatay bililiqada shidaal ay lahayd dowladda oo xilligaas u gacan galay dadka shacabka ah. Muumin Fiidow ayaa sheegay inuu isaga uu qaatay 50 liitar oo shidaal, haddana uu go’aansaday inuu shidaalkaas dib ugu soo celiyo dowladda Soomaaliyeed. Wareysiyo uu bixiyay ayaa waxa ku sheegay inuu dareemay inay xaaraan tahay falka uu sameeyay, kadibna uu la tashaday culimada, sidaasna uu kusoo celiyay. Aabe Muumin Fiidow ayaa shidaalkan geeyay xarunta maamulka degmada Maxaas, waxaana kala wareegay guddoomiyaha degmadaasi oo sidoo kale u mahadceliyay. ”Aniga oo ah Muumin Fiidow oo ku nool Maxaas, waqtigii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre in la bililiqeestay shidaalkii dowladda oon loo aabo yeelin, waxaan kamid ahaa dadkii bililiqeestay shidaalkaasi, waxaa maalintaas iga soo gaaray 50 liitar, culmida markaan weediiyay waxa ay ii sheegeen in shidaalkaasi qaanta ah kaliya ku wareejin karo dowlad maadaama ay dowlad laheyd, waxaana ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas, si aan maalinta qiyaamo la iigu qabsan shidaalkaasi” ayuu yiri Muumin Fiidow. Tallaabada uuq aaday Aabahan Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu boggaadiyay, maadaama uu gartay inuu iska soo celiyay shidaalkaas oo kamid ahaa hantidii qaranka ee la boobay. The post Nin bililiqeystay hanti ay lahayd dowladdii Siyaad Barre oo hadda soo celiyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga. Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dedaal xoogan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Isaga oo ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Amniga iyo Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (HOL) — Somali Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama highlighted the critical link between climate change and security on Monday during the Conference on Security and Climate Change in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  13. Garsoorku waa hannaan lagu kala saaro dulmanaha iyo dembiilaha, cidda gar leh iyo cidda gardarrada ku socata, qofka xoolaha iska leh iyo midka xoogga ama xeeladda uga boobaya, iyo guud ahaan ismaan-dhaaf kasta oo dadweynaha ka dhex aloosma. Maadaama garsoorku yahay adeegga dadka is haysta u gar-naqaya, islamarkaana cid waliba waxa ay mudantahay u sugaya oo qumanaha iyo qaldanaha kala saaraya waxaa muhiim ah in fursad uu howlihiisa ku gudan karo la siiyo. Dulucda haddii aan kuu soo dhoweeyo fal-dembiyeedyada iyo xiisadaha bulshada ka dhex aloosma laamaha garsoorka lagu simo intaan tillaabo kale la qaadin ama dhibka dhacay mid kale looga jawaabin. Tusaale haddii uu tuug guri u soo dhaco oo intaanu waxba qaadan ay gacanta ku dhigaan reerkii guriga iska lahaa waxaa wanaagsan in bahda garsoorka lagu wareejiyo intaan la jirdil oo dhibaato loo geysan, balse haddii la garaaca oo dhaawac ama jug culus la gaarsiiyo waxaa xadgudub asaga qudhiisa lagula kacay oo laga yaabo inuu ka saamayn bato kii uu geystay. Si kastaba ha ahaatee falcelinta dembiyada dalka ka dhacaahi waxay u badantahay gef gef lagu saxay oo ah in cid wax laga tabanayo ama eedeysanaha laysku dayo in laga aargoosto oo la cinqaabo ama xoog iyo xeelad middii fudud lagu wajaho, markii lagu daalo oo laga quusto ka dibna garsoorka lagu dacaweeyo, taasina waa mid howl gudashada garsoorka lid ku ah. Falcelinta ugu wanaagsan ee dembiyada iyo is qab-qabsiyada halista keeni kara ayaa ah in laamaha ammaanka lagu wargeliyo, wixii marqaati iyo caddayn kale ahna la diyaarsado si ay ka salgaaridda faldembiyeedka ama khilaafku u fududato. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka horymid tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto banaanka xarunta Villa Hargeysa. Go’aanka oo maalin kahor soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in hadda kadib la joojiyay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta baarlamaanka iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi. Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka jawaabayay tallaabadan ayaa sheegay inay tahay mid aan qaban xildhibaannada, sidoo kalena lagu caburinayo warbaahinta madaxa bannaan. “Waxaa nasoo gaartay in Idaacadaha laga mamnuucay inay baarlamaanka hortiiisa ay wararka ku duubtaan runtii suurtagal ma’aha, wax na qabta ma’ah, Ummadda Soomaaliyeedna cadaalad uma ah” ayuu yiri xildhibaan Cabdirsaaq Ciid. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “”Suurta gal ma’ahan in Xildhibaanada loo diido in ay la hadlaan warbaahinta oo ay cabshaha shacabka gudbiyaan, midaasi waa caburin mana yeeleyno”. Dhankeeda Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo arrintan si kulul uga hadashay ayaa tiri “Anaga bur iyo bariis ma gadno, meeshan hadal ayaan uj oognaa, cid naga celin kartana maleh”. Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka. Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan. The post Daawo: Xildhibaanno ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  15. 458924689_1197763304840331_6902494986173417331_n Qaran News
  16. Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha Israa’iil ay dileen ugu yaraan shan qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan toban kale kadib markii ay ku dheceen bartamaha dalkaas. Waxay sheegtay in shan goobood la beegsaday, oo ay ku jirto xarun cilmi baaris oo la sheegay inay soo saarto gantaallo sax ah. Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Israa’iil oo si naadir ah u qirata duqaymaha Suuriya. Kormeere fadhigiisu yahay UK ayaa sheegay in weerarradu ay ku yimaadeen mowjado, kuwaas oo lala beegsaday goobo ciidan oo ku yaalla magaalada Masyaf, halkaas oo uu sheegay in khubarada horumarinta hubka ee taageersan Iran ay ka shaqaynayeen. Bbcsomali Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha cusub Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab oo xalay munaasabad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mas’uuliyiadda culus loo igdamay, isaga oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa Jaamacadda Simad oo iyagu soo qaban-qaabiyay munaasabadda. Ugu horreyn Daahir Carab ayaa u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu qaadan doonto talada bahda diblumaasiyiinta safaaradda, si horay loogu sii wado shaqada. “Allaha ii fududeeyo xilka Safiirka Mareykanka ee Madaxweynuhu ii magacaabay, waxii talo ah bahda safaaradda ayaan ka qaada doonaa.” ayuu yiri Danjire Daahir Carab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu xoogga saarayo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo soo bandhigay dardaaran uu siiyay madaxweynaha. “Madaxweynaha wuu ila dardaarmay, waxa uu u yiri Dowladda hadda joogta waxyaabaha ay Maraykanka ka rabto waa waxyaabo iska kooban waxaana kamid ah in la xoojiyo xiriirka labada Dal, in la kobciyo dhaqaalaha & dhanka waxbarashada” ayuu mar kale yiri danjiraha cusub Soomaaliya ee Maraykanka. Ugu dambeyn Daahir Carab ayaa ballan qaad gaar ah u sameeyay saaxibadii Jaamacadda Simad, maadaama uu ahaa guddoomiyahoodii, kahor inta aan xilkan loo magacaabin, isaga oo tusaale usoo qaatay sheeko hore oo ka ka dhacday magaalada Beledweyne. “Hadda kahor nin aan saaxibo nahay oo reer Beledweyne ah ayaa waxaa sagaashameeyadii usoo baxay leen Ingiriiska ah kadib wuxuu wacay dadki xaafadda deganaa, si loogu duceeyo kulanka ayuu ka istaagay wuxuu yiri ma i maqleysiinoo reer Buulo-Xaabley haddaan Ingiriiska tego qof halkan joogi doono ma jiri doono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa SIMAD appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) — The Ministries of Health from Somalia's federal member states and Banadir region have accused the Federal Ministry of Health of canceling cooperation with regional governments and the Banadir region, escalating tensions over the delivery of crucial health services. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u billowday kulamadii caadiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad galay, sababo la xiriira xiisadda hareysay Golaha ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada. Wararla ayaa sheegaya in haatan baarlamaanka Soomaaliya uu mid kamid ah kulamadiisa ku leeyahay xarunta Villa Hargeysa, si loo sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo. Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ayaa baaqday, sababo la xiriira is qab-qabsiga xildhibaannada, kadib markii ay xiisad ka dhalatay mudanayaal taageeray Itoobiya. Sababta ugu wayn ee muranka ka dhashay waa arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya. Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Sidoo kale waxaa jiray go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa. Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, dib u bilaabidda kulamada baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli todobaadkii hore is-faham buuxa laga gaaray khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaannada, kadib dadaallo uu sameeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). The post BF Soomaaliya oo dib u furmay, kadib maalmo uu hakad galay appeared first on Caasimada Online.
  20. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay, halka ay 299 kalena ku dhaawacmeen Vietnam oo ay ka dhaceen dhul go’ iyo daadad ka dhashay duufaan lagu magacaabo Yagi oo meelo dalkaas kamida ku dhifatay. Duufaantan ayaa ahayd tii ugu xooga badneyd ee sanadkan ka dhacda qaarada Asia, waxaana ay ku dhifatay xeebaha waqooyi bari ee Vietnam, kadib markii ay ka timid dhinaca Shiinaha iyo Filibiin oo ay khasaare baaxad leh ka geystay. Dadka dhintay waxaa ka mid ah lix qof oo ay ku jiraan carruur yar yar, kuwaas oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday buuraha Hoang Lien Son ee waqooyi-galbeed ee Vietnam, ayadoo meydadkooda laga helay halkaas sida uu sarkaal maxalli ahi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  21. Somalia's narrative spans thirty years of governance and order, contrasting with over thirty years of civil unrest and fragility. Somalia is one the countries that gained independence in the third quarter of the 20th century- this marked the Cold War era where Second World War victories shaped a new world order, making market-centered economy policies that were highly sparred by the liberal societies and the communist world. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — Hodan Ali hasn't slept properly in years. The 32-year-old mother of three wakes up in terror almost every night, haunted by the sound of gunfire from Mogadishu's years of conflict. Like millions of other Somalis, Hodan is trapped in a mental health crisis worsened by decades of violence, stigma, and a lack of professional care. Source: Hiiraan Online
  23. Soomaaliya waxaa ku badan dabka suuqyada iyo goobaha ka ganacsiga qabsada, kaas oo sababa khasare hantiyeed oo baaxad leh, ayadoo ay suurta-gal tahay in ganacsato badani ay ku tacab beelaan. Qof saacado ka hor maalqabeen ahaa ayuu dabku sababi karaa inuu daqiiqado yar sabool fara badan ku noqdo, taasina waa dhibaato si joogto ah uga dhacda magaalooyinka Soomaalida iyo meelo kala ee dunida kamid ah. sidoo kale dhibaato kale oo waxyeello hantiyeed sababta ayaa qofka ama shirkadda qabsan karta sida dhac bank, markab degay, shil gaari, dhaqaalo xumo sicir barar ka dhalatay iyo wixii lamid ah. Markii ay musiibo noocaas ahi dhacdo Soomaalidu waxay sameeyaan gurmad dadkii dabka ku hanti beelay loo samaynayo, balse gurmadkaasi kaalmo muuqda iyo kab dhaqaale oo weyn ma noqdo ee kaliya wuxuu ku koobanyahay dib u dhiska suuqa iyo wax lamid ah. Haddaba dalalka caalamka waxaa ka jira hannaanka caymiska oo ah hab loogu talo-galay in haddii dhibaato dhacdo dadka waxyeelladu gaartay lagu garab istaago, islamarkaana kab looga dhigo. Caymiskaasi wuxuu noqan karaa mid nafeed oo qof uu uga faa’iidaysan karo daryeelka caafimaadkiisa, horumarinta noloshiisa iyo aqoon kororsiga, sidoo kale wuxuu noqan karaa mid hantiyeed oo xilliga dhibaatooyinka dhaqaale dhacaan lagu badbaado. Hannaankani waa mid muhiimad weyn u leh bulshada, waana qidmad ama lacag oo ay kooxi isku darsanayso, islamarkaana ay si joogto ah u aruursanayaan, kaas oo yaraynaya saamaynta uu khasaare kasta oo dhacaahi ku yeelan karo nolosha iyo dhaqaalaha qof kasta oo kamida kooxda ku mideysan. Si kastaba ha ahaatee ku biirista caymisku waa badbaadada ganacsiga iyo horumarinta nolosha bulsho iyo mid qofeedba, balse Soomaalida inteeda badani ma fahamsana, balse waxay u badanyihiin hannaanka kale ee hagbadda ama ayuutada loo yaqaan oo kaliya loogu tala-galay in lacagta lagu aruursado si meerto ahna qofba mar u qaato. Source: goobjoog.com
  24. Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahinoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelle ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa waxa uu dhex-maray ciidamada Liyu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ku sugnaa duleedka degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku baxay muran ka taagnaa halkaas ay isku dhaceen maleeshiyaadka deegaanka, waxaana goobta oo ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah ku dhintay ku dhowaad 20 qof. Mid kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixiyay dhacdadan ayaa sheegay in goobta lagu dilay shacab badan, kuwa kalena ay dhaawacmeen, halka qaar kalena la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. “Hoggaanka nabad galyada gobolka Shabeele dadki ay kulaayen duleedka Cadaadle wax dhintay iyo wax dhaawac ah iyo wax baxsaday oo ilaa hada la’layahay ayay noqden dadba dhiig bax u dhintay o wax qaada waayay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaayo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Cadaadle ee gobolka Shabeelle. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaas shacabka lagu laayay ee lagu eedeeyay ciidamada Liyu Boolis. The post Ciidamada Liyu Boolis oo laayay dad badan oo SHACAB ahaa appeared first on Caasimada Online.