Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. An9noJcc3hzYcOYSTaMuzfoGPMqublGqZbrw_HaNPl4oxlLMhhZLD_8--Pc8dQ6_gCXIG3y2Ok_bfN53Nh79O2LN Qaran News
  2. Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Tariikhi ah oo dhiirri galin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buuloxaaji halkaas oo Maalinkii isniinta ahayd ee 22-Luulyo-2024 ay ka fuliyeen howlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 135 Khawaariij ah. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ciidamada geesiyada ah guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalkaas isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in cadowgu uu tabar yaryahay loona baahan yahay in la is raaciyo iyadoo wax badan laga bartay dhagartiisa hada kadibna Soomaali oo dhan ay aragtay in laga adkaan karo. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in geesinimada iyo halyeeynimada ay muujiyeen guutada Birjeex ay tahay mid ka farxisay qof walba oo la daala dhacayay dhibaatada Khawaariijtu ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in loo baahan yahay dadaal kii hore ka badan iyo naf hurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa Khawaariijta. Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo halyeeyada ku shihiiday dagaalka isagoo Caafimaad taam ah u rajeeyay kuwa dhaawaca ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweynaha ayaa bilad geesinimo gudoonsiiyay Gaashanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed Taliyaha guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland Gaashanle Sare Bashiir guhaad Xasan abaanduulaha guutada Birjeex iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec. Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa mid hal darajo dalacsiiyay dhammaan Ciidamada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ee dhagta dhiiga u daray Khawaariijta banaysatay dhiiga ummada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa booqashadan Tariikhiga ah ku wehelinayay Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo Sheekh Cabdiqani Qorane oo Ciidamada ku dhiirigalinayay dagaalka xaqa ah ee ay ku jiraan kuna boorinayay inay Alle ugu dhawaadan sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa khawaariijta hororka ah. DHAMMAAD The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday Ciidamada Jubaland ee ku sugan Degaanka Buulo Xaaji appeared first on Puntland Post.
  3. Muhaajiriin ka badan 2,000 oo qof oo isugu jira dumar, rag iyo carruur oo si saf ah isula socda oo lugeynaya, ayaa Talaadadi kusoo dhex hadaafay deegaannada koofureed ee dalka Mexico, iyaga oo raja ka qaba in ay soo galaan dalkan Mareykanka. Dadkaan oo ka kala yimid dhowr waddan oo u badan bartamaha iyo koofurta Ameerica, ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in ay Mareykanka kasoo galaan xadka koofureed ee uu la wadaago Mexico, ka hor inta aanan la gaarin bisha November oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada. Qaarkood ayaa wariyaasha u sheegay in ay cabsi ka qabaan in ay awoodi waayaan in ay soo galaan Mareykanka, haddii uu doorashada soo socota ee madaxtinimada ku guuleysto Donald Trump. Trump ayaa wacad ku maray inuu dadka magan-galyo doonka ah ka xiri doono xaduudaha Mareykanka. Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay, in xeyntan dadka ah ay saaka ka hor waabari ka soo ruqaansadeen magaalada Tapachula, si ay uga baxsadaan kuleelka daran ee xilliga jiilaalka, waxay rajeynayeen in ay maalinta oo dhan ku jaraan masaafo dhan 20 mayl. Waxay isugu jireen qoysas wata carruurtooda, dad da’ah iyo dhalinyaro gabdho iyo wiilal ah. Qaar kale ayaa ku haray wabiga Suchiate River Axaddii, kaas oo kala qeybiya xadka dalalka Guatemala iyo Mexico. PUNTLAND POST The post Muhaajiriin raba in ay lug ku galaan Maraykanka oo gaaray dalka Mexico appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa guul ku soo gabagaboobay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed 2024, kaas oo uu halkudhigiisu ahaa “Jiheynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed Si Loo Gaadho Soomaaliya Bilan oo Barwaaq Ah. Shirkaan ayaa lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar, muddadii u dhaxaysay 22- 24 Luulyo. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen khubaro dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqanka, tiknoloojiyada, hogaamiyayaal bulsho, culamaa’uddiin, sugaanyahanno, iyo xubno laga doorto deegaannada ay ku noolyihiin. Kasoo-qaybgalayaasha shirka ayaa ka kala yimid daafaha dunida, iyaga oo muddadii saddexda maalmood ee shirku socday gorfeeyay mowduucyo ay kamid yihiin: Caqabadaha iyo fursadaha ka jira qurbaha, Kobcinta awoodda dhalinyarada ee xagga tacliinta iyo tiknoolajiyada Xoojinta midnimada iyo kaalinta qurbajoogtu ku leeyihiin. Xoojinta iskaashiga qurbajoogta si loo gaaro barwaaqo. Ka faa’ïideysiga aqoonta iyo hal-abuurrada ganacsi ee qurbajoogta. Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar. Habka ugu haboon ee ay dowladdu ugu adeegi karto qurbajoogta. Kaalinta qurbajoogta ee u qareemidda qaranimada Soomaaliyeed. Waxaa gorfaynta mowduucyada barbar socday barnaamijyo doceed ay kamid yihiin bandhigyo isugu jiray fan iyo suugaaan, buugaag, farshaxan, iyo kulamo guulo-tirsi ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed. Natiijooyinka Ugu Muhiimsan Ee Shirka: Shirka ayaa uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya qabanqaabada, iyo isku keennida qurbajoogta Soomaaliyeed si loo jiheeyo awooddooda loona gaaro mustaqbal bilan oo barwaaqo ah. Waxaa sidoo kale shirku bogaadiyey horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay dowladda Soomaaliya xaqiijisay sanadihii la soo dhaafay, hawlgallada dowladdu ay dalka kaga sifaynayso Khawaarijta Alashabaab, difaacidda midnimadda, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed, iyo kahor tagga damaca qaawan ee Itoobiya ay ku doonayso qaybo kamid ah dhulka iyo xeebaha Soomaaliyeed. Joogtaynta shirarka qurbajoogta Soomaaliyeed iyo unkidda dallad guu midaysa ururada qurbajoogta, iyaga oo yeelanaya kulamo joogta baritaaraya dedaallada horumarineed ee qurbaha iyo dalka gudihiisa Adeegsiga aqoonta casriga ah iyo tiknoolojiyada si sare loogu karaanka dhalinyarada Somaaliyeed iyada oo laga faa’ïideys.aqooonta iyo xirfadaha qurbajoogta. Waxaa shirku bogaadiyay kaalinta qurbajoogta ee barnaamijyada horumarineed iyo kuwa ganacsi ee dalka, iyada oo la dhirigeliyay sare u qaadida karaankooda iyo xiriirkooda wadashaqayneed. In hal-abuurka aqooneed iyo ganacsi ee qurbajoogta oo ah mid sameeyay, samaynaya horumar joogta ah aan looga maarmin tayaynta ha’yadaha horumarineed iyo kuwa ganacsi ee dalka. Xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah ee Soomaliya iyo Qatar oo ah mid samayay, samaynayana horumar la taaban karo, kaas oo dan u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka. Sare u qaadidda adeegyada Safaaradaha dowladdu u fidinayayaan qurbajoogta iyo socotada Soomaaliyeed. In la dardargeliyo kaalinta hormuudnimo ee qurbajoogtu ku leyihiin u qareemaidda midnimada iyo qaranimda Soomaaliya. Dowladda ayaa ballanqaadaysa fulinta go’aanada ka soo baxay shirka, waxaana u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga. Gabagabadii iyo gunnaanadkii, shirku waxa uu uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar martigelinta shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed 2024, iyo guud ahaan kaalinteeda wax-ku- oolka ah ee dib-u-dhiska dalka. Source: goobjoog.com
  5. Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka faa’iideystay shirkii qurbajoogta Soomaaliyeed lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo la kulmay siyaasiyiin iyo aqoonyahano saameyn leh oo lagu tirinayey dhanka Xasan Sheekh. Farmaajo ayaa sawirro lasoo galay qaar kamid ah dadka uu ku qaabilay Dooxa, wuxuuna muujiyey in olole dib u doorasho uu sii bilaabay, dadka qaar ayaa la yaabay xubnaha isla soo sawiray Farmaajo oo markii hore aad uga aragti duwanaa. Arrinta la yaabka leh waa in rag masuuliyiin ah oo aad ugu dhow Xasan Sheekh oo qaarkood ka tirsan xukuumadiisa ay Farmaajo u geeyeen dadka saameynta leh ee Dooxa uu kula kulmay. Xasan Sheekh ayaa deg deg u lumiyey miisaan siyaasadeed oo culus, taas oo soo dedejisay in Farmaajo uu helo garbo siyaasadeed, iyadoo la xusuusan yahay heerkii uu joogay markii uu Xasan Sheekh uga guuleystay xukunka. Inkastoo xogtaan aysan aad u soo shaac-bixin, hadana ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan siyaasiyiin Xasan Sheekh aad ugu dhowaa oo hadda si hoose ula shaqeynaya Maxamed Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa hadda ku jira sanadkii 3-aad ee muddo xileedkiisa, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo muuqanaysa in si ogaal iyo ula-kac ah looga maarmayo dhammaan wixii mawaaqif iyo mabaadii ahaa ee shalay lagu ololeeyay ee bulshada laga iibiyay. Arrinta Dooxa waxay muujineysaa waxyaabaha la filan karo dhowrka bilood ee soo socota, waxaana garabka Xasan Sheekh tartiib uga sii baxaya siyaasiyiin saameyn leh, oo garan waayey cidda qaadaneysa macaashka dowladii ay soo dhisteen. Madaxweynaha ayaa ku guul-dareystay inuu daadajiyo talada, oo kalsooni siiyo saaxiibadiisa siyaasadda, si kale hadii loo dhigo dadka gorfeeya siyaasadda waxay dowladda Xasan Sheekh ku macneeyeen “xukuumad aan milkiile laheyn” taasi oo muujineysa in aysan jirin cid dareemeysa ‘lahaansho gaar ah’ oo xukunka Xasan Sheekh kalsooni badan ku qabta ama difaacaneysa. Hoos ka eeg qaar ka mid ah kulamadii uu Farmaajo la yeeshay mucaaradkiisii hore: The post Xog: Farmaajo oo helay fursad weyn oo Xasan Sheekh uu dayacay – Maxaa ka socda Qatar? appeared first on Caasimada Online.
  6. Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u fariisatay dhageysiga mid kamida gal dacwadeedyadii ugu yaabka badnaa ee ku saabsan xubnaha ka tirsan kooxda Alshabaab ee ku jira xabsiyada dalka. Gar-maqalka dacwadaha maxkamadda ayaa waxaa ka soo muuqday wiil dhallinyaro ah oo muddo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kaas oo ka sheekaynaya hagardaamo oo halis badan oo ay kooxdu u igmatay inuu ku fuliyo hooyadiis. Dhagari kala xanuun badane wuxuu caddeeyay in lagu amray inuu hooyadiis madaxa ka jaro oo nafta dhaafiyo haddii uu doonayo in xil iyo abaal-marin lagu maamuuso, ayadoo tilmaamay inuu arrintaas aqalka ku duugay. Bastooladdii uu ku dili lahaa ayaa gacanta laga saaray, ka dibna wuxuu u ambabaxay sidii uu hooyadiis oo 9 bilood caloosha ku siday madaxa uga toogan lahaa, balse intuu dhex ku sii jirey ayuu fakaray oo go’aankii ka laabtay sida uu sheegay. Arrinta uu wiilkani ka waramay ayaa baraha bulshada hadal-hayn xooggan ka abuurtay, waxayna dad badani walaac ka muujiyeen halista ka imaan karta carruurta maskaxdooda falalka xagjirnimada ah lagu tallaalay oo xittaa waalidkii dhalay aan u jixin-jixayn. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  7. Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan gaar ahaan Saldhigga Booliska Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macoow Deeyow 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax xumo ah, islamarkaana dooriyay jirkiisa. Ninkan oo muuqaalkiisa qaab dumar u ekwysiiyay ayay boolisku sheegeen inay baaritaan ku wadaan, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan u horgeyn doonaan maxkamad awood u leh qaadidda gal dacwadeedkiisa. Booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkaan dambe waday howlgal ballaaran oo ay kula dagaalayaan dadka ku kaca falal anshaxa wanaagsan iyo diinta ka soo horjeeda ama baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha aan feecnayn. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macoow Deeyow 30 jir ah. Ninkaan ayaa ku eedeysan in uu ku kacay falal liddi ku ah dhaqan Suuban ee Soomaaliyeed, sidoo kalana ‘dooriyay jirkiisa.’ “Waxaa ku socota baarista Booliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir. Ninkaan oo lagu soo sawiray loogada booliska ayaa xiraa Diraca dumarku xirtaan, waxaana u deysan timaha sidii dumarka. Sidoo kale Axmed Suudi Macoow Deeyow waxaa laga dheehan karaa astaamaha ay ku eedeeyeen booliska, markii la eego muuqaalkiisa, lama yaqaan sababta ku kaliftay inuu xirto diraca dumarku xirto oo lagu soo sawiray. Booliska Soomaaliya ayaa wada la dagaalan xooggan oo ku saabsan dhaqan dooriska iyo dadka wada, waxaana xabsiga la dhigay dad badan oo eedeysanayaal ah bilihii lasoo dhaafay. Sidoo kale dadka la xiray maalmihii iyo bilihii lasoo dhaafay waxaa ku jirta dhamaan dhalinyaradii Muqdisho ee baraha bulshada ku baahi jirta dhaqamada aysan jecleysan dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed. Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa ka furan dacwada dhalinyaradii lasoo xiray, waxaana maalmaha soo socda lasoo gabagabeynayaa dacwadda qaar ka mid ah dadka xiran oo u badan gabdho caan ka ah barta TikTok. The post Booliska Muqdisho oo soo xiray nin si yaab leh “dhaqankiisa u dooriyey” appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (Caasimada Online) – As Ali-nur Salad Hassan spends his third consecutive day in detention, the Somali government continues to defy calls for the release of the journalist. During the arrest of Hassan, a former BBC journalist, legal procedures were disregarded, his dignity was violated, and the incident reflected a dictatorial approach by the authorities. Hassan was photographed without his consent in a distressing and humiliating manner, at a location typically reserved for those accused of serious crimes such as robbery and murder. At a press conference in Mogadishu on Tuesday, leaders of the Somali private media condemned the police’s actions. Abdullahi Hirsi, Director of the UK-based Somali TV, Universal, expressed his outrage, saying: “It is a disgrace to the press and the Somali people to treat Ali-nur Salad in such a manner. Justice must be served, and Ali-nur must be granted his freedom.” Former President Sharif Sheikh Ahmed released a statement on Monday, asserting that the repression of journalists violates both the country’s constitution and international standards. Mr. Ahmed characterized Ali-nur’s arrest as an attempt to silence independent media and intimidate journalists. Similarly, former Prime Minister Hassan Ali Khayre voiced his concerns on social media, describing the arrest as an effort to suppress the truth and independent press. “Freedom of speech is a constitutional right. The media is essential for government accountability and the implementation of democracy. Arresting journalists damages the government’s credibility,” Khayre said. Despite the ongoing outcry, the Somali government has not provided any official information regarding the status of Hassan, who previously served in the Prime Minister’s office as an information and public relations officer during PM Hassan Khayre’s tenure. Somalia remains one of the most dangerous countries for journalists. In April this year, the National Intelligence and Security Agency (NISA) arrested another prominent journalist, Hussein Abdulle, after he published a report exposing NISA, including one detailing expected sackings within the agency. Abdulle was later released on a presidential order as he claimed on his Facebook account post, but without trials. Abdirahman Abdishakur, a member of the Somali Parliament, described Ali-nur’s arrest as a violation of the constitution and freedom of speech. “It is essential that the government protects the rights of journalists so they can carry out their duties without fear of pressure and intimidation,” said Mr. Abdishakur. The post Mounting outcry as Somali government ignores demands to release detained journalist appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho dhiirigelin iyo kormeer ah ugu tagey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan guulo ka soo hooyay dagaal ay la galeen kooxda Alshabaab. Ciidamadan oo fadhigoodu yahay deegaanka buulo xaaji ayuu madaxweynuhu uga mahadceliyey guushii ay ka soo hooyeen dagaalkii ay deegaanka harboole kula galeen kooxda Alshabaab, kaas oo lagu diley in ka badan 100 dagaalyahan oo kooxda ka tirsan, halka qaar kale iyo hubna ay ciidamadu gacanta ku dhigeen. Sidoo wuxuu dalacsiin u sameeyay askarta iyo Saraakiisha ciidanka, asagoo ku dhiirigeliyay inay difaaca dalkooda iyo dadkooda u dhabar adaygaan, sidoo kale wuxuu Alle naxariistii janno uga baryay askartii ku dhimatay dagaalka, kuwii ku dhaawacmayna bogsasho degdeg ah ayuu Eebbe uga durraantay. Source: goobjoog.com
  11. Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa burburiyey goobo ay xarumo ku lahaayeen kooxda Alshabaab oo ku yaalay tuulo lagu magacaabo Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka ayaa intii hawlgalku socday waxay Khawaarijta ka dileen maleeshiyad badan, iyagoo soo bandhigay hubkii ay ka furteen Kooxda Al-Shabaab Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, waxayna ka socdaan deegaannada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug. Source: goobjoog.com
  12. Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa guddoomiyay shirka heer wasiiro oo ku saabsan Barnaamijka Xasilinta. Ra’iisul Wasaare ku xegeenka ayaa ugu horrayn bogaadiyay Ciidamada Qalabka sida guulaha wax ku oolka ah ee ay ka samaynayaan furimaha dagaalka oo ay ugu dambeysay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay la galeen Kooxda Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan dagaal xooggan oo xubno badan oo Alshabaab lagu diley kooxda kula galay deegaanka harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shir aan caadi aheyn oo eer wasiirro ah. Shirkan ayaa looga hadlayay qorshaha xasillinta deegaannada laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, xilli uu dhawaan si rasmi ah u bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horrayn bogaadiyay ciidammada qalabka sida guulaha wax ku oolka ah ee ay ka samaynayaan furrimaha dagaalka oo ay ugu dambeeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo dhawaan xoreeyey deegaanno ka tirsan maamulkaas. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka xasilinta iyo howlaha ka qabsoomay deegaannada la xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Waxa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradaha ee ku aaddan deegaanada sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegga dawladnimada sida waxbarashada, cafimaadka iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah. Howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda ayaa bilowgii hore keenay natiijo wax ku ool ah iyo in kooxda laga fara-maroojiyo dhul baaxad leh oo sanado badan ay ka talinayeen, inkasta oo bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka, wallow uu socdo qorshe dhiig cusub loogu shubayo si ay dowladda usii xajisato libinta dagaalkan. Ciidamada dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howl-gallada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka. The post R/Wasaare ku-xigeenka oo guddoomiyey shir aan caadi aheyn + Ujeedka (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — The Eritrean Civil Aviation Authority has announced a suspension of all Ethiopian Airlines flights to Eritrea's capital, Asmara, effective September 30, 2024. This decision, published in the state newspaper Hadas Eritrea, cites "systematic mistreatment" of Eritrean passengers as the primary reason. Source: Hiiraan Online
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal culus oo maanta ciidanka kumandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan dhaca gooblka Jubbada Hoose. Howl-galkan oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ciidanka ku burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda Al-Shabaab Ciidanka ayaa intii howl-galku socday waxay Al-Shabaab ka dileen maleeshiyad badan, sida ay warbaahinta dowladda u shegeen saraakiishii hoggaamineysay howl-galka. Sidoo kale waxaa howl-galkan ay ciidanak DANAB ku furteen hubkii maleeshiyaadka la khaarajiyay, iyagoo soo bandhigay hubkaasi, oo ay sawiraddiisa baahisay warbaahinta dowladda. Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaanada dhaca gobolka Jubbada Hoose ka socday howl-gallo lagu beegsanayo Shabaab-ka ku sugan halkaasi, ayada oo Isniinta ay dowladda dhexe baahisay in dagaal ka dhacay deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobolkasi lagu dilay 81 dagaal-yahaan oo ka tirsanaa kooxda. Howl-galkaas ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaas, kadibna ay ciidanka ku guulaystay inay cagta mariyaan xubnihii weerarka soo qaaday, sida ay baahisay dowladda. Ciidammadda ayaa howl-galkaas ku furtay hub aad u fara badan oo ay wateen Shababaka, kuwaasi oo ay kamid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa xaqiijisay inay ka go’an cirib-tirka kooxda Al-Shabaab, xilli dhawaan la filayo inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid. The post Sawirro: Xogta howl-gal culus oo DANAB ay ka fulisay J/Hoose, kuna furatay… appeared first on Caasimada Online.
  16. Hargeisa (HOL) - The Government of the Republic of Somaliland firmly opposes any potential deployment of Turkish naval forces within its recognized maritime zones, emphasizing that such actions constitute a grave violation of international law and threaten regional stability. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU (Xinhua) -- Some 139,155 Somali refugees have returned home since December 2014, the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka Kenya, si ay qeyb uga noqdaan golaha wasiirada cusub, xilli ay weli socdaan dibadbaxyada gilgilay dalka oo dhan. Ruto ayaa ku dhawaaqay xubnaha la magacaabay isagoo khudbad u jeedinayay dadweynaha, isaga oo balan qaaday in uu soo magacaabi doono gole wasiiro oo cusub si uu uga jawaabo sii socoshada mudaaharaadyada oo halis ku ah in uu xukunka sii hayo. Ku dhawaaqista ayaa timid labo todobaad ka dib markii Ruto uu meesha ka saaray golihii wasiirada ee hore, iyadoo dibadbaxyada ay sababtay canshuur kordhin la qorsheeyay ay dalkoo dhan, islamarkaana uu khasaare baaxad lihi ka ka dhashay. Wasiirrada uu magacaabay madaxweyne Ruto ayaa waxaa kamida John Mbadi Ngo’ongo oo hogaamin doona wasaarada maaliyada, halka James Opiyo Wandayi loo magacaabay wasiirka tamarta. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu madaxweynuhu ku doonayo inuu ku qaboojiyo bannaanbaxyada weli ka socda dalka, kuwaas oo markii hore ka dhashay qorshe ay dowladdu ku doonaysay inay canshuur cusub ku soo kordhiso, balse markii dambe jaantaa rogan noqday. Source: goobjoog.com
  19. Hargeisa,(Qaran news)-Madaxda xafiiska ay Turkugu kuleeyihiin Somaliland ayaa maanta booqday magaaladda xeebta ah ee Berbera booqashadani ayaa la filayaa in ay dawladda Turkigu doonayso in ay wax ka ogaato xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaaladda Berbera oo ka mid ah dekadah ugu waaweyn ee ku yaala qaarada Africa siiba bariga Africa. Hadaba madaxda Turkiga ee Somaliland u jooga oo fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa booqashadooda Berbera aad u amaanay. Qoraal ay soo dhigeen bartooda X- waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan waxana ay yidhaahdeen. Berbera ayaanu tagnay. Magaaladan quruxda badan ee badda, waxaan sidoo kale booqannay xabsiga iyo masaajidka ay lahaayeen xilligii Cusmaaniyiinta. Waxaan xog qiimo leh ka helnay maamulka Dekedda Berbera. Qaran News
  20. Deqa Yasin’s work promoting women’s rights in Somalia has led to significant successes, including an increase in the number of women in Parliament and the development of the Somali Women’s Charter. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tallaabooyinka dal ku galka ee la siiyo muwaadiniinta Soomaalida. Bayaan uu soo saaray guddiga Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono “in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.” Tallaabooyinkan ayaa laga leeyahay dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray dalalkaasi, kuwaas oo aan haysan dukumentiyo sax ah. Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah. Tan ayaa ka dhigan in codsiyada fiisaha Schengen ee Soomaalida lagu qaban doono 45 maalmood gudahood, halka 15 maalmood ee caadiga ah laga qaadanayo dalalka kale. Qaar kamid ah sharciga fiisaha Schengen ee Soomaalida ayaa laga yaabaa in la joojiyo, oo ay ku jirto suurtagalnimada in laga dhaafo shuruudaha soo gudbinta dukumentiyada caddaynta. Soomaali badan ayaa sanad kasta iska dhiiba waddamada Yurub kadib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan. Dalalka Midowga Yurub ayaa sidoo kale Itoobiya iyo Gambia ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah. The post Midowga Yurub oo adkeynaya VISA-ha dal ku gal ee Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  22. Ayaan Waeys, who had Somali heritage, had shown symptoms of pre-eclampsia and died at St Thomas’ hospital after giving birth to stillborn girl Source: Hiiraan Online
  23. Garowe (HOL) — Somali government forces launched a heavy assault on Al-Shabaab militants early this morning on the outskirts of Hudur district in the Bakool region, inflicting significant casualties. Source: Hiiraan Online