Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaashaanle Sare Axmed Khaliif Jiinow oo ah Sargaal sare oo kamida ku xegeenada xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha sharciga militariga Afrika, asagoo ku matalaya dalalka dhaca bariga qaaradda. Doorashadan uu gaashaanle Axmed Khaliif ku soo baxay ayaa ka dhacday magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia, waxaana ka qeyb-galay wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah golaha ee qaaradda Afrika. Golahan oo ka shaqeeya Arrimaha la xariira xeerarka iyo sharciyada militariga Afrika ayaa ka kooban wakiillo iyo ergooyin matala shanta gobol ee qaaradda Afrika u qeybsantahay. Source: goobjoog.com
  2. Khadra Ibrahim Edow is eager for a “new beginning.” For the 15-year-old from Somalia, that means starting Grade 9 at Bernie Custis Secondary School in central Hamilton. Source: Hiiraan Online
  3. Moss Side has worked hard to overcome its reputation for violence and gun crime. It's something other parts of the UK could learn from Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — A Somali National Army soldier was executed by firing squad in Abudwaq, Galgaduud region, after being convicted of premeditated murder, according to local court officials. Source: Hiiraan Online
  5. Garowe (HOL) — Puntland security forces have arrested several young men believed to be behind a series of attacks targeting members of the Ogaden clan in Garowe, reportedly sparked by videos shared on TikTok. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidanka Booliska gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hubeysan oo wali baxsad ah uu Sabtidi shalay ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah. Talislka Boolisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay toogashada uu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhaw keymaha koofurbari ee baadiyaha gobolka Kentacky. Qeybta taliska booliska ee degmada Laurel ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay, in dad badan lagu toogtay meel u dhaw waddada weyn ee gaadiidka gobollada aada maraan. Waxay kaloo sheegeen in jidkaasi ilaa 9 mayl la xiray. Duqa degmada yar ee London ee gobolka Kentucky Randall Weddle ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhaawacyada 7 qof. Qaarkood ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen shilal jidka ka dhacay oo ayay sababtay toogashada. Source: goobjoog.com
  7. Nightline Africa: A Somali political analyst says a Djibouti proposal to allow Ethiopian access to the sea may not be enough to resolve political tensions between Mogadishu and Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
  8. Washington (Caasimada Online) – Dadka dalka Maraykanka u dhashay ayaa bisha Nofembar dooran doona madaxweynaha hogaamin doona. Cod bixinta ayaa si aad ah loogala socon doonaa dunida oo dhan. Waxay kaloo u codayn doonaan xubnaha koongareeska oo kaalin muhiim ah ka cayaari doona in la ansixiyo shuruucda saamaynta weyn ku yeelan kara nolosha dadka Maraykanka. Haddii aad tahay muwaadin Maraykan ah oo da’diisu tahay ama ka badan tahay 18 sano, waxaad xaq u leedahay in aad codkaaga ka dhiibato doorashada madaxtinimada oo la qabto afartii sanaba hal mar. Waa goorma doorashada Doorashada 2024 waxaa la qaban doonaa maalinta Talaadada ee bisha nofembar ay tahay 5, sanandka 2024. Qof ka guulaysta ayaa muddo xilhaynteedu tahay 4 sano qaban doona hogaanka aqalka cad, taasoo bilaabanaysa bisha Janaayo ee sannadka 2025. Dhinaca adduunweynaha marka la eego, hogaamiyaha Maraykanka wuxuu leeyahay xorriyad aad u balaaran oo uu ku matalo dalka marka dibadda. Yey yihiin murashaxiinta, sideese loo soo magacaabaa Labada xisbi ee waaweyn ayaa soo magacaaba murashixiinta madaxweynenimada, ayadoo tiro cod bixinno loo qaado kuwaasoo loo yaqaanno “isreebreeb (primaries)”, waana kuwo ay dadku ku xushaan qofka ay doonayaan inu xisbiga ku hogaamiyo doorashooyinka guud. Xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihii hore, Donald Trump, ayaa helay taageerada xisbigiisa marloo eego dadka isaga ka soo horjeeda. Wuxuu noqday qofka uu xisbigu sida rasmiga ah u soo magacaabay, shirweynihii xisbiga ee Milwaukee, Wisconsin. Dhinaca xisbiga dimoqradaadiga, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Kamala Harris ayaa noqotay qofka la soo magacaabay. Waxay tartanka ku soo biirtay markii uu ka baxay madaxweyne Joe Biden. Ms Harris ayaa taageero aad u weyn ka heshay xisbiga dimoqaraadiga gudihiisa shirweynihii xisbiga ee ka dhacay Chicago bishii Agoosto. Maxay u taagan yihiin xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga Xisbiga Dimoqaraadiga waa xisbi siyaasadiisa tahay mid liberal ah, ayadoo ajendihiisana uu ku dhisan ayahay in la dardar galiyo xuquuqaha madaniga, daryeelka bulshada iyo isbeddelka cimilada. XIsbiga Jamhuuriga waa xisbi muxaafid ah, waxaa kaloo Maraykanka gudihiisa looga yaqaan GOP (Grand Old Party). Wuxuu u ololeeyaa in canshuurta la dhimo, in la yareeyo baaxadda xukuumadda, iyo xayiraado adag oo lagu soo rogo socdaalka iyo ilmo iska soo rididda. Sidee loo qabtaa doorashada madaxtinimada Maraykanka Qofka guulaysta ma aha qofka helay codadka ugu badan ee dalka oo dhan. Taa beddelkeeda waa in labada murashax ay u tartamaan inay ku guulaystaan loollanka dhamaanba kontonka gobol. Gobol kasta wuxuu leeyahay tiro cayiman oo loo yaqaanno codadka electoral college, taasoo ku salaysan tirada dadka ku nool. Guud ahaan codadkaas waa 538, qofka guulaystana waa murashaxa hela 270 cod iyo wixii ka badan. Gobolladaas oo dhan laba ka mid ah ayaa qofka ku guulaysta aqlabiyadda uu kursiga helaa. Inta badan gobolladu dhinac ayey u badan yihiin, sidaa darteed diiradda waxaa la saaraa in lagu guulaysto 12 gobol, waxaana loo yaqaanaa gobollada lulanaya oo micnaheedu yahay inay hadba dhan raacaan (swing states), codadkoodana waa kuwo aan la saadaalinkarin. Waxaa suurtogal ah in murashax uu ku guulaysto codadka shacabka ee dalaka oo dhan laakinse ku guuldarraysta codadka electoral college, sida ku dhacday Hillary Clinton 2016. Yaa kale oo la doortaa Indhaha oo dhan waxay ku sii jeedaan madaxtinimada, laakinse cod bixiyeyaasha waxay kaloo doortaan xubnaha aqalka koongareeska – halkaasoo shuruucda lagu ansixiyo. Koongareeska wuxuu isugu jiraa aqalka wakiillada ooleh 435 kursi oo loo codeeyo, iyo 34 kursi oo ah senetka ooiyagana kloo tartamo. Xisbiga jamhuuriga ayaa wakhti xaadirkan gacanta ku haya koontaroolka aqalka wakiillada halkaasoo ah meesha laga soo bilaabo kharashaadka xukuumadda, halka senetka oo u codeeya magacaabista xukuumadda ay gacanta ku hayaan xisbiga dimoqraadiga. Labadaas aqal waxay ansixiyaan shuruucda , waxayna sidoo kale hubiyaan qorsheyaasha aqalka cad. Goorma ayaa la ogaada qofka guulaysta Inta badan qofka guulaysta waxaa lagu dhawaaqaa habeenka doorashada, laakinse sannadkii 2020 tirinta codadka ayaa dhowr maalmood qaadatay. Xilliga doorashada ka dambeeya waxaa loo yaqaanaa ‘kala guur’, haddii madaxweynaha la baddalayo. Waa xilli maamul cudub uu imaanayo, kaasoo ay ku jiraan wasiirro, si loo abuuro qorshaha muddada cusub ee xil haynta. Madaxweynaha waxaa si rasmi ah loogu dhaariyaa xafiiska bisha Janaayo, xaflad loo yaqaanno ‘caleemosaar’, waxayna ka dhacda xatabadda aqalka capitol Hill ee Washington DC. Isha: BBC The post Waxa aad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada madaxtinimada Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) — Chinese President Xi Jinping has pledged $51 billion in new financial support for African countries over the next three years, focusing on job creation, infrastructure development, and clean energy projects. The commitment, announced during the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) in Beijing, is part of China's efforts to strengthen ties with the continent amid global economic challenges and geopolitical tensions. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — The Speaker of Somalia's House of the People has issued a directive banning all press conferences from being held both inside and outside the parliamentary premises. Source: Hiiraan Online
  11. K'naan honours Somali mothers with debut film Source: Hiiraan Online
  12. Outbreak of violence in the area has led to loss of life, injuries and theft of livestock. Source: Hiiraan Online
  13. “All human beings are born free and equal in dignity and rights.” The iconic opening sentence of the Universal Declaration of Human Rights and all the document’s articles are now available in seven more languages and dialects spoken across Somalia’s diverse communities as part of a multilingual initiative to make the cornerstone of human rights better known and understood in the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  14. Ethiopia's approach to Somalia in recent years bears a striking resemblance to strategies employed by colonial powers and settler movements throughout history. Particularly, one can draw parallels to the tactics attributed to Jewish settlers in Palestine during the early 20th century and the subsequent establishment of Israel. This comparison, while not exact, offers an intriguing lens through which to view Ethiopia's engagement with its eastern neighbor. Source: Hiiraan Online
  15. 11 bil ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Gaza, iyada oo ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Gaza iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta. Ilo-wareedyada caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ay ku dileen ilaa 61 qof oo Falastiiniyiin ah. Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza. Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah. Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  16. War kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu beeniyay in xaafado ka mid ah degmooyinka Muqdisho xalay lagu garaacay hoobiyeyaal. Booliska ayaa ka jawaabay dhawaqa ay maqleen shacabka caasimadda iyo welwelka dhanka Amniga. Dhawaqa: Dhawaqa xooggan ee dadka qaar maqleen waxaa lagu sababeeyay baco waaweyn oo la dhigay meelo kala duwan. Bacahaasi waxay qaadi karaan dhawaq ama buuq xooggan oo u dhici kara sida Hoobiyaha balse ma ahan hoobiyeyaal. Khasaare iyo Waxyeelo: Booliska waxay xaqiijiyeen in aysan jirin wax khasaare nafeed oo dhacay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray waxyeelo gaartay guryo jiingada ah, oo ay sabab u tahay bacaha la dhigay, laakiin ma jiro dhaawac ama khasaare naf ahaaneed oo ka dhashay dhacdadan. Nabadgelyada: Booliska waxay caddeeyeen in magaalada Muqdisho ay haatan nabad tahay oo xaaladda amni ay tahay mid deggan. Waxaa lagu wargelinayaa dadka in aysan ka welwelin dhacdadan, islamarkaana ay sii wataan noloshooda sida caadiga ah. Source: goobjoog.com
  17. Marka (Caasimada Online) – Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan ayaa maanta hadlay isagoo u jawaabaya odayaashii beelaha Mogadishu Clan ee sheegay in Koonfur Galbeed aysan ku laheyn wax metelaad ah, isla markaana Laftagareen uu u diiday xubnihii ay maamulkaas ku lahaayeen beelaha Mogadishu Clan. Sarkaalka u hadlay Hawiyaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku magacaaban Isku duwaha Maaliyada ee maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaana lagu magacaabaa Mustaf Axmed Hilowle, wuxuu sheegay in shirkiisa jaraa’id ay qeyb ka yihiin masuuliyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan oo xilal ka haya maamulak K/Galbeed. Mustaf Hilowle ayaa ku gacan seyray hadalkii odayaasha Mogadishu Clan, wuxuuna sheegay in beeshaas ay xilal badan ka heyso maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna eedeyntaas ku tilmaamay waxba kama jiraan. “Waxaan cadeyneynaa in hadalkii ka soo yeeray odayaasha beelaha Mogadishu Clan aysan waxaba ka jirin oo Koonfur Galbeed loo dhan yahay, masuuliyiinta Mogadishu Clan ku metesha maamulka K/Galbeed aniga ayaa kamid ah,” ayuu yiri isku duwe Mustaf Hilowle. Wuxuu sheegay in hadii ay tabasho qabaan ay ku habooneed inay ayaga oo ku metela Koonfur Galbeed lasoo wadaagaan si ay maamulka ugu gudbiyaan. “Iyagoo odayaal dhaqan ah inay yiraahdaan maamulkaas wax metelaad ah kuma lihin waan laga haboonaa, wax ka jirana malaha warkaas, waa arin siyaasadeed oo Koonfur Galbeed lagu beegsanayo,” ayuu yiri masuulkaan ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose. Odayaasha uu u jawaabay isku duwahaan waxay ka cabanayeen in Madaxweyne Laftagareen uu siiday in beelaha Mogadishu Clan ay qaataan kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, maadaama dastuurku uu qorayo maamullada dhana ay leeyihiin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Hoos ka daawo The post Daawo: Koonfur Galbeed oo si yaab leh uga jawaabtay hadalkii odayaasha Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.
  18. 458987036_488965190579944_6920413180212647426_n Qaran News
  19. Muqdisho (Wararka PP) — Shirkadda PaySii, oo ay Soomaali badan app-keeda lacag ugu diraan qoysaskooda iyo ehelkooda ku sugan Soomaaliya, ayaa weli diiddan inay u hoggaansanto amar ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya dhowr toddobaad ka hor. PaySii weli uma hoggaansamin amarka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fartay dhammaan shirkadaha ka hawlgala Soomaaliya inaysan ku kicin tallaabo wax u dhimaysa gobanimada Soomaaliya. Amarka dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa shirkadaha in magaca maamulka Somaliland aan lagu darin taxa magacyada dalalka shirkad ay ka hawlgasho. Ethiopia Airlines way u hoggaansantay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. FlyDubai way u hoggaansantay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. PaySii, oo xiriir la leh shirkado sida Golis Telecom iyo Hormuud, weli waxay ka cagajiidaysaa inay u hoggaansanto amarka dowladda federaalka Soomaaliya ka soo baxay. Ethiopia Airlines iyo FlyDubai way u hoggsansameen amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Ma cadda tallaabada ay dowladda federaalka ka qaadayso PaySii oo ugu yaraan 90% macaamiisheedu lacago u diraan Koonfurta Soomaaliya. © Puntland Post, 2024 The post PaySii oo aan weli u hoggaansamin amarka dowladda federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo wefdi saraakiil ah oo hoggaaminayo ayaa gaaray gobolka Shabeellada hoose . Ujeedada safarka wafdiga ayaa ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda meela uu gobolkaasi ka mid yahay, waxaana safarka taliyaha ku wahlinayay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell. Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan xoogga Dalka iyo Dowladda Mareykanka. Shirka waxaa looga hadlay sidii Khawaarijta looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin dalka, waxaana Taliyaha Ciidanka XDS uu amray saraakiishaan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Alshabaab, iyadoo la kaashanyo dadka deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga. Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta lasoo taagay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo loo diyaariyey ka dagaalamaan deegaanada Somaliland, balse fashilmay oo soo galay gacanta hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Ragaan oo gaaraya 4 ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, waxaana la hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya, iyagoo qoraal ah. Waxaa ku jira nin oday ah oo Ugaaska ay u bixiyeen, kaasi oo dalka Jarmalka uga yimid inuu ku biro Al-Shabaab, Ugaaska ayaa Al-Shabaab ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland. Xubnahaan ka tirsanaa Al-Shabaab waxay ka soo kala jeedaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, meel kala duwan oo koonfurta Soomaaliya ah ayey tababaro ku soo qaateen, aagga Jilib ayey dhowr sano joogeen, waxaana loo diyaarinayey sidii ay Somaliland uga fuli lahaayeen falal argagixiso. Cabdikariin Ibraahim Cilmi, waxay Shabaab u magacaabeen Ugaaska beeshiisa Isaaq, waa nin oday ah oo ka yimid dalka Jarmalka, wuxuu sheegay inuu yahay cuuryaan, waxaana loo magacaabay guddoomiyaha degmada Burco. Guddoomiye Shuute ayaa wareysi dheer la yeeshay Ugaaska, isagoo weydiiyey su’aalo adag muddo 10 daqiiqo ah, ninkaan ayaa sheegay in jaceylka uu u qabo kooxda uu uga yimid Jarmalka, balse waxaa lagu qabtay Muqdisho isagoo dhuumaaleysanaya. Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah ragaan ay tashkiilanayeen bulsho ka badqabta fikirka guracan ee Khawaarijta, sidoo kale waxay qirteen in magaalooyin kala duwan ay tageen, iyagoo faafinaya fikirka argagixisada. Qaar kamid ah ragaan waxaa lagu qabtay Gaalkacyo iyagoo u socda Somaliland, magaalooyinka ay ku kulmeen waxaa ka mid ah Beledweyne, fariimo ay u direen gabdho ay shukaansanayeen oo xambaarsan fikirka argagixisada ayaa lagu soo bandhigay fadhiga maxkamadda. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo soo qabatay rag Shabaab u diyaariyeen in ay ka howlgalaan Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  22. Garowe (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa caawa fiidkii ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Waxaa ilaa hadda socda daminta iyo la tacaalida dabkaas oo ah mid xoogan, sida ay ku waramayaan goobjoogayaal qeyb ka ah gurmadka socda. Dabka ayaa markii hore ka kacay Geerish gaadiidka lagu dayactiro oo ka ag-dhowaa Kaalinta Shidaalka ee 3CC oo dabku gaaray, markii lagu guul-dareystay in la demiyo. Dabka ayaa sii fiday oo gaaray heer la xakamey waayo markii uu qabsaday kaalintaas Shidaalka oo ka mid ah goobaha Shidaalka lagu iibiyo ee ugu waaweyn magaalada Garowe. Sidoo kale dabku wuxuu burburiyey oo ku sii faafayaa goobo ganacsi oo aaggaas ku yaalay, maadaama la xakameyn waayey kaalintii shidaalka iyo Garaashkiina uu soo baabi’iyey. Gaadiidka Dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ku howlan ilaa xakamaynta iyo daminta dabkaas, waxaana caqabad noqotay goobta dabku ka kacay oo ahayd isku raran aan lahayn jidad badan oo laga gali karo. Ma jiraan wax Khasaare nafeed ah oo Garoowe laga soo weriyey, laakiin waxaa burburtay hanti badan, dabkuna wuxuu ku sii siqayaa goobop ganacsi oo horleh. The post Sawirro: Magaalada Garoowe oo caawa gubaneysa appeared first on Caasimada Online.
  23. Beesha Maxamed Siwaaqroon (Gahayle) oo mudda saddex Cisho ah shir uga socday magaalada CARTA ee Gobolka Bari ayaa taageertay Baaqyadii Nabadeed ee laga soo saaray colaaddii dhawaan ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. War-murtiyeed ka soo baxay Gahayle Siwaaqroon ee Majeerteen ayaa lagu yiri “waxaannu Xoojinaynaa Baaqyadii Nabadeed ee is daba-jooga ahaa, ee ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana si gaar ah u xoojinaynaa dadaallada Nabadeed ee ay wadaan Guddiga dhex-dhexaadinta Nabadgalyada degmada Ceerigaabo Beelaha kala ah; Gahayle(Majeerteen), Ogaadeen (Bah-geri), Habar-jeco iyo East Sanaag Clan” “Degmada Ceerigaabo waa meel la wada lee yahay Qolona-Qola kama qabsan karto ugumana dowladeyn karto, sidaasi darteed waxaanu Maamullada Somaliland iyo SSC-khaatumo ugu baaqaynaa in ay joojiyaan Colaadda ay ka hurinayaan Gobolka. Heshiiskii Nabadeed ee Beelaha Gobolka Sanaag ku gaareen taaariikhdu markay ahayd 1993, waxaa Beelaha qaar uga faa’idaysteen Hab Siyaasi ah oo aan loo dhammayn.” “Waxaan ugu baaqaynaa Beelaha Dan iyo Dal Wadaagta ah, ee deggan Ceerigaabo, in ay dib uga fadhiistaan oo isla saxaan wixii qaldamay si Nabadda Ceerigaabo u noqoto mid Waarta. Nabadda Ceerigaabo waxay ka go’daa in ay si dhab ah uga wada-hadlaan Beelaha deggan degmada Ceerigaabo”. “Ugu danbayn Beesha Gahayle ee Siwaaqroon waxay Tacsi u diraysaa dadkii ku dhintay Shaqaaqadii ka dhacday degmada Ceerigaabo, sidoo kale waxay ilaahay uga baryaysaa, in uu u booga dhayo dadkii ku dhaawacnay Shaqaaqadaasi” ayaa lagu geba-gabeeyay War-murtiyeedka Beesha Gahayle Siwaaqroon ee ka soo baxay Shirkii Beesha ee uga socday magaalada CATRTA ee Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Beesha Gahayle Siwaaqroon ee Majeerteen oo war ka soo saaray xaaladda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay Barnaamijka Dood Furan ee Telefishinka Universal ayaa waxaa laga waydiiyay arrimo ku aadan xaaladda magaalada Muqdisho iyo mararka qaar dibad-baxyada ka dhaca. “Markii banaanbaxyo dhacaan gudoomiyeyaashii gobolka sida AUN Eng.Yariisoow, Taabid iyo Cumar Filish Intay banaanbaxayaasha dhax tagaan bay qancin-jireen adigana Gudoomiye Madaaloow Xabad iyo Askar baa kaasoo horreysa, maxaa kuu diiday sidoodii oo kale? Ayuu waydiiyey mid kamid a ka qayb-galayaasha doodda. Intaas kadib waxaa hadalka qaatay duqa Muqdisho oo sheegay in dibad-baxyada ay hadda ka yaraadeen sidii hore, isaga oo xusay in ay suuragal tahay in dadka isku soo baxaya ay kusoo dhex dhuuntaan Al-Shabaab, sababtaasna uu uga baaqsado inuu tego. “Banaan-baxyada markii hore haddii ay badnaan jireyn hadda ma badna oo waa hal iyo labo mararka qaarkood waxaa dhici kareyso nimankii aad ogeedeen ayaa laga yaabaa inay ku hoos jiraan” ayuu yiri guddoomiye Madaale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulkiisa uu mar kasta ku dadaalo xallinta arrimaja markaas laga cawdo, isaga oo tusaale usoo qaatay xalkii ugu dambeeyay ee laga gaaray cabashada Bajaajleyda. “Marka inaan u tego oo la hadlo oo iska kala taga yiraahdo waxaan ka door biday inay waxa ay ka cabanayeen inaan abaaro oo ka shaqeeyo, Bajaajleydii hadda ugu dambeysay waxay ka cabanaayeen kuli waa ka shaqeynay” ayuu mar kale yiri guddoomye Madaale. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In wax la xalliyo ayaa sax ah ee haddii la dhex istaago iyo haddii aan la dhex istaaginbo oo inta laga soo tago la’iska daneysto wax wayn masoo kordhineyso”. The post Muxuu Yuusuf Madaale ku diiday inuu u dhaqmo sida gudoomiyeyaashi ka horeeyay? appeared first on Caasimada Online.