-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in aysan Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamusho, taasi oo ka duwan ballan-qaadkii hore ee Jabuuti. Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa mar kale u hadlay si ka duwan balan-qaadkiisii hore, ee ahaa in ay Itoobiya siinayaan dekeda Tojora, islamarkaana ay 100% maamulkeeda yeelanayso Itoobiya. “Marnaba manaan dhihin waanu iibinay marsada ama cid ayaanu siinaynaa, lakiin aynu wada maamulno marsada Tojora ayaynu nidhi, waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga u socda Itoobiya” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay 100% maamulkeeda yeelato, si loo xalliyo khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale waxa uu dhawaan sheegay in aysan Itoobiya siin doonin saldhig badeed, balse ay dekeddu noqon doonto marin ganacsi oo looga faa’idaysto suuqa ganacsi ee Itoobiya. PUNTLAND POST The post Dowladda Jabuuti oo mar kale sheegtay in aysan Itoobiya siin doonin deked ay maamusho 100% appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday xero ay deggan yihiin Falastiiniyiin ka soo barakacay koonfurta Qasa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku sugan halkaasi. Wararka ayaa intaas ku daraya ugu yaraan 20 teendhooyinka barakacayaasha ah oo ku yaal aagga al-Mawasi ee Khan Younis la weeraray subaxnimadii Talaadada, sida laga soo xigtay hoggaamiyaasha Falastiiniyiinta. Dagaalka Qasa oo socda muddo 11 bilood ah ayaa sababay dhimashada ku dhowaad afartan iyo kow kun oo qof, halka dhawacuna uu 100000 kun oo ruux qarka u saaranyahay, ilaa haddana ma muuqdo xal lagu soo afjarayo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka reer falastiin ee aan wax galabsan. Source: goobjoog.com
-
Adeegga gargaarka deg degga ah ee Gaza ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee saaka ku bartilmaameedsadeen, teendhooyin ay ku noolyihiin dadka ku baracakay dagaalka Gaza. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dadka lagu dilay duqayntaasi ilaa hadda ay gaarayaan 40 qof, waxaana laga cabsi qabaa in tirada ay sii kororto. Saraakiisha caafimaadka ayaase xaqiijiyay dhaawaca 65 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters. Millatariga Israa’il ayaa sheegay in ay beegsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla koofurta Gaza. Dadka degaanka iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in teendhooyin ku yaalla xerada Al-Mawasi ee duleedka degmada Younis, oo ah goob ay Israa’il u calaamadeysay in ay tahay zoon colaadda ka caagan la bartilmaameedsaday. Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ilaa afar gantaal lagu garaacay xarunta. Xerada ayaa la ciireysa qoysas badan oo Falastiiniyiin barakac ah oo isaga kala yimid meelo badan oo Marinka Gaza ah. Ilaa 20 teendho ayaa la sheegay in uu dab qabsaday, walina lama oga khasaaraha dhabta ay ee duqeyntaasi. Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa horay u sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza ay kor u dhaaftay 40 kun oo Falastiinyiin ah tan iyo 7-badi October. PUNTLAND POST The post Dad badan oo ku dhintay duqayn saaka Israa’iil ka fulisay marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — U.S. President Joe Biden has extended sanctions targeting individuals and groups involved in Ethiopia's ongoing conflict, continuing a national emergency order that was set to expire on September 17, 2024. The sanctions, authorized under Executive Order 14046, will remain in effect for another year, following Biden's decision to address what he described as an ongoing threat to U.S. national security and foreign policy interests. Source: Hiiraan Online
-
Over the last 30 years, hundreds of thousands of people have fled Somalia due to political instability and civil war. Some have resettled in Maine, seeking peace and safety for their families. But there is an established global trend of displaced Somalis returning home to seek public office. One man, who has lived in Maine for over a decade, has set his sights on returning to his homeland to run for president of his former state. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia - Somalia held a significant Security and Climate Conference on Monday in the capital Mogadishu, focusing on the critical intersection of climate change and national security. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government is under fire after a recent directive from Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe that bans lawmakers from holding press conferences on parliamentary grounds. The decision, announced amid escalating political tensions, has led to accusations of media suppression and sparked concerns about government transparency. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia has said Egypt “must abandon its aggressive approach” towards a controversial hydroelectric dam on the River Nile as tensions between the two countries continue to escalate. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa hortegay guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka oo su’aalo adag ka weydiiyey arrimo ay ku lug leedahay wasaaradda uu hoggaamiyo. Xildhibaanada ayaa Wasiir Mukhtaar Roobow weydiiyey sababta uu shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay ugu casuumi waayey culimada Ahlusunna. Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wada Ahlusunno yihiin, sidoo kale wuxuu sheegay in culimada Suufiyada ay metelaad ku lahaayeen shirarkii loo qabtay culimada. “Ahlusunna waxaan la dhihin Soomaaliya kama jiraan, dadka Soomaaliyeed oo dhan waa Ahlusuno, laakiin duquuqu Suufiya shirkaas waa yimaadeen mashaa’ikh badan ayaa ka joogtay, hadii qof kasta yiraahdo meeshii anigaa ka maqan waa dhibaato, dadka dhana lama wada qanci karo, hoolka Hotel Jazeera culimada Soomaaliyeed ma wada deeqo,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Wasiir ayaa carabka ku adkeeyey in culimada Soomaaliyeed ay shirkaas u dhamaayeen, “waad ogtihiin Nabigii ilaahey soo diray ayey dad ka hor yimaadeen oo wax ka sheegayeen, anaga maxaa naloo maleynayaa,” ayuu yiri Wasiir Roobow. Wuxuu qiray in culimada Duruuqu Suufiya ay wadankaan u soo halgameen, isla markaana ay shir guddoon ka ahaayeen shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee dowladu qabatay, “Sheekh Suufiyare ayaa guddoomiye ka ahaa guddigii shirka culimada soo abaabulay, Sheekh Maxamed Baari oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Suufiyada ayaa joogay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray “Qof shakhsi ah tabasho waa qabi karaa, laakiin dhamaanteen ayaa Ahlusunno ah, culimada Suufiyadana waa joogtay shirkaas, culimada waxaa naga go’an inaan isku wadno, waa noo siman yihiin dhamaan culimada Soomaaliyeed.” Culimada Ahlusunna ayaa shirkaas ka qabtay tabasho badan maadaama aan lagu casuumin intooda badan, sidoo kale waxay mar kasta ka cabtaan Wasiir Mukhtaar Roobow oo sida ay sheegeen aad u diidan jiritaankooda, inkastoo ay toos u dagaalameen waayihii uu Mukhtaar Roobow ku jiray Khawaarijta Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiir Mukhtaar Roobow oo si cajiib ah uga hadlay qadiyadda Ahlusunna appeared first on Caasimada Online.
-
VID-20240909-WA0007 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib u doorashadiisa. Labada madaxweyne ayaa wadahadalkooda hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal. Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune ayaa dib loo doortay markii Afaraad, sidoo kale waa mid ka mid ah hoggaamiyaasha sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dib loo doortay ee Aljeeriya waxay wadahadalkaan si qota dheer ugu lafagureen caqabadaha hareeyey Afrika iyo danaha ay wadaagaan labada dal. Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka Geeska Afrika, taasi oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, halka Masar oo muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey Itoobiya ay hadda dib uga soo biirtay xiisadda. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa galay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya loo qiray inay kaga guuleysatay Itoobiyaanka, waxaana hadda laga cabsi qabaa gacan ka hadal saddex geesood ah oo Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah ay ku jiraan. Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya caawa ku dhiirigeliyey in xiisadda la qaboojiyo ilaa xad, lagana baaqsado dagaal toos ah. The post Xasan Sheekh oo la xiriiray madaxweynaha Algeria – Maxay ka wadahadleen? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana kulanka goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha. Labada masuul ayaa ka wadahadlay horumarinta xarriirka iyo wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Mareykanka, ayadoo xoogga la saarayo iskaashiga amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida lagu sheegay war ay baahisay wakaaladda wararka ee SONNA. Howlgalka AFRICOM ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, ayagoo kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada dowladda taageera. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda. Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maareeyaha Dakadda Muqdisho, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Xubno matalayay Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamulka Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka iibka qaranka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maareynta Maamulka Maaliyadda Guud, waxa uu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in dadaal xoogan loogu jiro sidii loo kobcin lahaa daqliga si loo gaaro isku filnaan dhaqaale. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa. Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne cabdulmajiid Tabbuun ayaa dhowaan mar kale loo doortay Madaxweynaha dalkaasi Aljeeriya ka dib doorasho dhacday lixdii bishan aanu ku jirno ee September. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwo ka dhan ah dowladda Masar oo ay ku eedeysay ‘hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday oo iyaga ka dhan ah’ waxayna Itoobiya codsatay in Masar ay tixgeliso. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maanta warqad u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay. Sida ku cad qoraalka uu diray Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Taye Atzik-Salase wuxuu dowladda Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn ee ku saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadii’da caalamiga ah. Warqada ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor sidaan oo kale dowladda Masar u dirtay warqad kale. Wasiirka arimaha dibadda Masar, Dr. Badare Abdulati ayaa warqad sidaan oo kale uu ugu diray madaxweynaha Golaha Ammaanka wuxuu ku sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah, si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha. Sidoo kale warqadaas Masar waxay ku sheegtay in aysan si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance. “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay, si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay Masar u dirtay golaha Ammaanka, kaasi oo ka horeeyey kan maanta ay dirtay Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka, iyagoo midba midka kale uu eedeynayo, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii ay Masar ciidankeeda keentay Soomaaliya, taasi oo cabsi iyo walaac nadan ku abuurtay Itoobiya. Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya, waxayna isku diyaarineysaa inay bedesho doorka howlgalka gudaha Soomaaliya, iyadoo bedeleysa ciidanka Itoobiya oo gabi ahaantiisba laga saarayo Soomaaliya. The post Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay Qaramada Midoobey, codsina u jeedisay Masar appeared first on Caasimada Online.
-
Musharsxa xisbiga Waddani ee u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Somaliland dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo maanta ka hadlaayay shirkii golaha dhexe ee maanta xisbiga Waddani uga furmay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan marnaba aanu xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya aanu mad madow gali doonin . Musharax Cirro ayaa la saadaalinayaa in uu ku guulaysto doorashada madaxweynaha ee dhici doonta 2 bilood ka bacdi iyada oo uu haysto tageerada dhamaan gobollada dalka oo dhan Halkan hoose ka daawo khudbaddii musharac Cirro oo dhamays tiran 458502030_1556745688581685_3333186715014889210_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Muqdisho uga qeyb-galay shirka amniga iyo isbeddelka cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga. Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay dadaal xooggan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Waxa uuna ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan. Ugu dambeyntiina wuxuu soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan. The post Maxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ku celisay inuu dhaqangali doono heshiiskii arrimaha badda ee horraantii sanadkan ay la gaareen dowladda Itoobiya. Heshiiskaas oo ballanka uu ahaa in 30 cisho rasmi looga dhigo ayaa illaa hadda far loo qaadin kadib markii carro xooggan ka muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan deegaanada Somaliland ku maraya safarkiisi ololaha dib u doorashada ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska ay la gaareen dowladda Itoobiya, imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, wada-hadalladii iyaga iyo dowladda federaalka iyo qodobo kale. Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay jirin wax bad ah oo ay siinayaan dowladda Itoobiya, balse heshiiskooda uu yahay mid ay badda kaga kireynayaan, waxaana uu dhinac iskaga riixay dadka ku eedeynaya inuu dhul ama bad Soomaaliyeed bixinayo. Yaa kireynaya? oo ah dooda u weyn ee hadalkiisa ka dhalaneysa dhowr jeer oo hore ayuu Muuse ka jawaabay, waxaana markale sheegay in aanay Somaliland cidna fasax uga rabin arrimaha la xiriira deegaanadeeda. Wuxuuse weli Muuse is-ilowsiinaya in aan maamulkiisa la aqoonsaneyn. Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu soo hadal qaaday ciidanka ka imaanaya dhinaca waddanka Masar, kuwaas oo aqbalay inay kamid noqdaan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay Biixi in Masar xasillooni darro soo wado, oo ay kordhineyso dhibaatada gobolka oo ay duullaan tahay, waxaana uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si weyn ugu dhalleeceyay tallaabadaas. Waxa uu intaa ku daray Muuse Biixi Cabdi in aanay jirin fursad wada-hadal ah oo u hartay dowladda federaalka ah iyo Somaliland, si kooban wuxuu u yiri “ninka Masaari iisoo watay nabad igama rabo”. Muuse Biixi wuxuu kale u jawaabay dad uu sheegay inay heshiiska diimeeyen oo ay isaga ku eedeeyeen inuu dowlad kiristaan ah heshiis la galay. “Sharciga Sacuudiga u ogolaaday inay heshiis la galaan Shiinaha iyo Mareykanka ee annaga noo diiday waa kitaabkee,” ayuu yiri Muuse Biixi. Si walba, Xiisaddii ka dhalatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoobiya ayaa weli taagan, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay go’doon siyaasadeed galiso Itoobiya, wallow maamulka Abiy Axmed ku adkeysanayo inuu dhaqangal noqdo is-afgaradkii ay Muuse Biixi la gaareen ama uu wax kale u gooyo. The post Muuse Biixi oo fasiraad cusub ka bixiyay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee badda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa si adag u difaacay Xildhibaannadii Reer Koonfur Galbeed ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee degaannada Maaamulkaasi. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo Maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kadib safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa bogaadiyay mowqifka Xildhibaannada Reer Koonfur Galbeed ee taageerada u muujiyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Maamulka Koonfur Galbeed. “25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed, Xasaanada waxay ku matalaan dadkooda Koonfur Galbeed ee qabiil kale kama qaadi karo kumana matalaan, dalku waa fedaraal” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Odayaasha Beelaha Muqdisho ee colaadda u muujiyay dadka Reer Koonfur Galbeed “Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa kasoo yeeray waa wax ceeb ku ah midnimada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Lafta Gareen. Halkaan ka daawo Madaxweyne Lafta Gareen PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo si adag u difaacay Xildhibaannadii Reer Koonfur Galbeed ee taageeray Joogitaanka Ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
458989184_1026402965473200_532531405684242450_n Qaran News
