Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulaha shirkadda Amal Bank ee magaalada Qardho Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere) oo saaka laga af-duubtay Qardho ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in laga sii daayo kooxdii qafaashay. Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolkaasi oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in dib xoriyadiisa loo siiyo maamulaha Amal-Bank Qardho Yuusuf Dheere oo saacado kooban af-duubnaa. Yuusuf Dheere oo ay isku hayb yihiin agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano waxa la sheegay in ay af-duubteen dabley hubaysan oo ka tirsan ehelka Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur oo xalay Ciidanka PSF ku af-duubteen Boosaaso. Dhinaca kale waxaan weli xorriyaddiisa helin oo ku xiran xarunta PSF Boosaaso Eng. Cabdirashiid Yaasiin oo ahaa xiriiriyaha shirkadda dhisaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Maamulaha shirkadda Amal Bank ee magaalada Qardho oo laga sii daayay koox saaka af-duubtay appeared first on Puntland Post.
  2. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti oo dhawaan u yaboohday Itoobiya inay si toos ah ula wareegto dekedda Tadjoura, si xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib uga laabatay, iyada oo banaanka usoo baxay qorshe qarsoon oo ay ka laheyd arrintaasi. Jabuuti ayaa sii deysay hadal ay ku sheegtay in aysan ka wadin in Itoobiya ay siinayso deked ee ay ula jeeday in suuqa dekedda Tadjoura kor loo qaado, islamarkaana ay isticmaalan Itoobiyaanka si aysan u waayin macaamiishooda u weyn ee Itoobiya. Itoobiyaanka ayaa hadda ku tiirsan ganacsi ahaan dekedda Jabuuti, oo ay wax kala soo dagaan, waxayna dowladda Jabuuti uga dan laheyd inay sii xajisato Itoobiyaanka, si aysan ugu guurin Somaliland iyo Eritrea. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu hadalkiisu ahaa in Itoobiyaanka usoo bandhigayeen in ay wada maamulaan waxna kala degto dekeddaasi, taas oo ka fog hadalkii uu horey usii daayay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd in ay haystaan macamiishooda u weyn ee Itoobiya, si aanay ugu guurin Somaliland iyo Eritrea, isaggoo meesha ka saaray in dhawaaqooddii hore uu ahaa in dekedda Tadjoura ay siinayaan Itoobiyaanka. Itoobiya ayaa wax jawaab ah ka bixin tan iyo markii uu soo baxay yabooha Jabuuti, waxaana muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka laheyd tallaabadaasi, kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay. Itoobiyaanka ayaa iyagu raba deked aan kiro aheyn oo ay milkiyaan, waana midda illaa maanta ay ugu dhagan yihiin is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland, kaas oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka Soomaaliya. Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal. The post Ujeedo qarsoon oo Jabuuti ka laheyd yaboohi Itoobiya ee dekedda oo banaanka yimid appeared first on Caasimada Online.
  3. This First Person column is the experience of Linda Ewack, who lives in Regina. For more information about CBC's First Person stories, please see the FAQ . Source: Hiiraan Online
  4. Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed. Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii Augost ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah. 3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah. 4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. Source: goobjoog.com
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran. “Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”. Waxa uu sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda. Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka. Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) — Djibouti has announced it will not grant Ethiopia complete control over the Port of Tadjoura, offering instead a joint management agreement to secure trade relations between the two nations. This decision reverses earlier plans to transfer complete oversight to Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  7. Baardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus, waxaana lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhamaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo. Garoomada muhiimka ah ee ciidamada Itoobiyaanka la saldhigteen ayaa waxaa kamid ah kuwa degmada Luuq, Doolow, iyo Baardheere. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar lagu beddelo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya, oo ayagu jooga inta badan gobollada xaduudaha la’leh Itoobiya. Itoobiyaanka ayaa haatan kalsooni ka haysata maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horyimid in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda, xilli ay shaacisay dowladda Soomaaliya in aysan sii joogi doonin dalka haddii aysan ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland. Tallaabadan ayaa daba socot mid ay horey dowladda Itoobiya ay ciidamo badan oo gaashaaman ugu sool daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Tan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda. Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar. Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya. Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weyn usii kala fogaadeen. The post Ciidamada Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  8. Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday “hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday” oo ka dhan ah Itoobiya. Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay golaha ammaanka qaramada midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga qaramada midoobay BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah. WarqadDaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka, ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad. Hadda kahor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha. Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda. Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo waxa ayna ku soo aadday ka dib markii sida ay warbaahinta qaar tebiyeen diyaarado ciidan oo Qaahira ka yimid ay ka dageen Muqdisho waxaana sii korortay xiisadda gobolka. Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya. Dhanka kale Danjire Taye Pagume, ayaa isna warqad u qoray madaxweynaha golaha ammaanka sanadkii 2016, waxa uuna sheegay in uusan aqbalin eedeynta Masar ay u jeedisay Itoobiya. Warqaddaas ayay Itoobiya ku muujisay mowqifkeeda ah in go’aanka ka faa’iidaysiga kheyraadka uu yahay mid ay maamulaan dalal, wixii khilaaf ah ee yimaadana lagu xalliyo xiriirka labada dal ama urur-goboleedyada. “Itoobiya, waxay doonaysaa inay si aan leexleexad lahayn u xaqiijiso in isticmaalka biyaha Masar ama mashruuc kasta aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin saamiga saxda ah, sharciga ah iyo saamiga ku habboon ee Itoobiya ee biyaha Niil”. Danjire Taye ayaa xasuusiyay in markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqasho rasmi ah ku tagay Qaahira bishii Luulyo 2015, uu la gaaray Madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi in la qabto wadahadal saddex geesood ah oo ku saabsan buuxinta biyaha iyo ka shaqeynta biyo xireenka. Qoraalka sawirka,Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray golaha ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo Si kastaba ha ahaatee, “in kasta oo Itoobiya ay si buuxda ugu diyaargarowday inay sii waddo wada-xaajoodka; Masar waxay ku dhawaaqday inay ka baxday wada xaajoodkii saddex geesoodka ahaa,” ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in Masar ay hareeyeen wada xaajoodyadii saddex geesoodka ahaa iyo in ay warqado isdaba joog ah u diraan golaha ammaanka ay tahay caqabad kale oo hortaagan dadaallada lagu doonayo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal. Safiirka ayaa sheegay in Masar ay dooneyso inay si gaar ah u isticmaasho biyaha Niilka. Dhawaan Ra’iisul wasaaraha Masar ayaa yiri ‘Mashruuc kasta oo horumarineed oo dal kasta laga sameeyo waa in loo sameeyaa si aan waxba u dhimin ama aan la dhimin saamiga biyaha ee wabiga Niilka ee Masar’ iyada oo lagu hagayo shuruuc gumaysi oo aanay dalalka kale ee dooxadu ku jirin ama aanay ku raacsanayn, ayuu danjire Taye u diray warqad. Danjire Taye ayaa sheegay in Itoobiya ay muujinayso sida ay uga go’an tahay in la gaaro heshiis lagu heshiisiin karo cid walba, wuxuuna muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii wado wadahadallada saddex geesoodka ah ee ay garwadeenka ka tahay midowga Afrika ama iyadoo la raacayo sharciga guud ee iskaashiga. Gorgortanka biyo-xidheenka Renaissance Bishii Diseembar 2016, wadahadallada ay Itoobiya, Masar iyo Suudaan wadeen dhowr sano oo ku saabsan dhismaha iyo hawlgalka Renaissance. Waxaa lagu xasuusan doonaa inuu kala diray oggolaansho la’aan. Masar iyo Itoobiya waa ay awoodi waayeen in ay heshiis gaaraan, sababo la xiriira kala duwanaanshaha aasaasiga ah ee biyo xireenka. Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka ku yimid wada xaajoodka. Masar iyo Suudaan ayaa ku doodaya in heshiis dhab ah la gaaro ka hor inta aysan Itoobiya billaabin buuxinta biyo-xireenka weyn oo dhismihiisa socday muddo 13 sano ah. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa biyo-xireenka ka dhigaysa in uu biyo xidho iyada oo aan la gaadhin heshiis dhab ah oo sheegaya in ay ka faa’iidaysato saamiga ay ku leedahay biyaha webiga Niil. Bbcsomali Qaran News
  9. Mogadishu (HOL) — After breaking Somalia's 36-year absence in the CAF Champions League, Dekedaha SC now confronts one of African football's most daunting tasks: back-to-back matches against Tunisia's Esperance, with both legs taking place in hostile territory. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — After breaking Somalia's 36-year absence in the CAF Champions League, Dekedaha SC now confronts one of African football's most daunting tasks: back-to-back matches against Tunisia's Esperance, with both legs taking place in hostile territory. Source: Hiiraan Online
  11. Xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaarta meeshii ugu xumayd tan iyo markii uu khilaafka labada dal billowday horraantii sanadkan, kaas oo ka dhashay xadgudub ay xukuumadda Addis Ababa ku samaysay midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wixii ka dambeeyay xilligaas waxaa socday dagaal diblumaasiyadeed oo looga adkaaday Itoobiya, wuxuuna maamulka Abii Axmed la kulmay ceeb iyo waji gabax caalami ah oo ku qasbay dalbashada wada-hadallo xiisadda lagu qaboojinayo, taas oo Soomaaliya ay ku xirtay in marka hore meesha laga saaro is afgaradkii ay la galeen Muuse Biixi. Kaasi waa dadaalkii dhinaca diblumaasiyadda ee ay dowladda Soomaaliya kaga guuleysatay Itoobiya, balse waxaa hadda muuqda ifafaalaha dagaal militari oo ay xukuumadda Addis Ababa dhaqdhaqaaqiisa waddo, islamarkaana laga dareemayo soohdimaha iyo xittaa gudaha Soomaaliya. Itoobiya waxay hub culus iyo ciidamo tiro badan ku soo daabulaysaa dhulka Soomaali galbeed ee la haysto, gaar ahaan gobolka Shabeelle, sidoo kale waxaa diyaargarow istiraatiijiyadeed ku jira ciidamadeeda shaarka ATMIS gashan ee ku sugan gobollada Gedo, Bakool, Baay, iyo Hiiraan. Ciidanka Itoobiya oo todobaad ka hor ku luglahaa abaabulka dibedbaxyo dalkooda lagu taageerayay oo ka dhacay magaalooyinka Xudur iyo Waajid ayaa saacado ka hor la xaqiijiyay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha degmada Luuq ee gobolka Gedo. Qabshada garoonkan iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo ay ciidamada Itoobiya aaggaas ka wadaan ayaa u muuqda diyaargarow dagaal, balse dowladda Soomaaliya weli ma qaadin tillaabo ay ciidamo dheeraadka ku geysanayso gobolladaas. Xeeldheereyaasha arrimaha militariga ayaa qaba inaan Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna xilligan u diyaarsanayn dagaal toos ah, balse weydiinta aan weli jawaabta loo helin ayaa ah maxaa dowladda Soomaaliya ka hor taagan inay samayso dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo lamida midka Itoobiya maadaama ay ayada duullaan lagu yahay ? Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) — Ethiopian forces have reportedly taken control of key airports in Somalia's Gedo region, including Luuq, Dolow, and Bardhere, amid rising tensions following reports that the Somali federal government plans to deploy Egyptian troops near the Ethiopian border. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanayaal gaaraya todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed. Eedeysaneyaasha ayaa racfaan kasoo qaatay xukun ay horey ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, ayada oo ugu dambeyn ay maanta maxkamadda sare xukun kasoo saartay, xubnahan oo kala ah; 1. Dable xoogga Mahdi Colaad Xiireey 2. Dable xoogga Nuur Daahir Xersi 3. Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar 4. Dable xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5. Dable xoogga C/qani Cali Xaaji 6. Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo 7. Dable xoogga Axmed Xasan Maxamed Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 4-ta bishii Augusta ee sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Maxkamadda sare ee ciidamada oo aqbashay dalabkii racfaanka ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. Dable xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo dable xoogga Nuur Daahir Xersi ayeyaxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan boqol halaad oo geel ah “diyo muqalado ah” ahna magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo min shan sano oo xabsi ciidan ah. Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay todobo sano oo xabsi ciidan ah. Dable xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, dable xoogga Cabdiqani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo dable xoogga Axmed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ee ciidamada qalabka ku xukuntay min 3 sano oo xabsi ciidan ah. Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Sareeye-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida. The post Muqdisho: Xukun adag oo lagu riday koox loo haysto dil iyo ku takrifal awoodeed appeared first on Caasimada Online.
  14. Dabley hubaysan ayaa saaka magaalada Qardho ka af-duubtay Maamulihii Shirkadda Amal Bankii Xafiiskeeda Qardho Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere). Yuusuf Dheere oo ay isku hayb yihiin agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano waxa la sheegay in ay af-duubteen dabley hubaysan oo ka tirsan ehelka Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur oo xalay Ciidanka PSF ku af-duubteen Boosaaso. Ciidamo ka tirsan PSF oo ka gadoodsan xarigga suxufi Maxamuud Jamaal Dooxo oo ka tirsan xafiiska Warfaafinta PSF islamarkaana mudda saddex bilood ah Garoowe ku xiran ayaa xalay af-duubtay Injineer Cabdirashiid. PUNTLAND POST The post Maamulihii Shirkadda Amal Bankii Xafiiskeeda Qardho oo saaka dabley hubaysan af-duubteen appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) — Somalia's ECOSOM is tackling a growing environmental crisis by converting the invasive Ali-Garoob tree into charcoal and livestock feed, helping to restore farmlands and protect livestock. The fast-spreading tree, known locally as 'Iskabaxaa,' has caused widespread damage to Somalia's arid regions, threatening the livelihoods of farmers and herders across the country. Source: Hiiraan Online
  16. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu af-duubtay Eng. Cabdirashiid Yaasiin Nuur Geesood oo kamid ah Qoyska Madaxweyne Deni. Ciidamo ka tirsan PSF oo sida la sheegay ka gadoodsan xariga suxufi Maxamuud Jamaal Dooxo oo ka tirsan xafiiska Warfaafinta PSF islamarkaana mudda saddex bilood ah Garoowe ku xiran ayaa la sheegay in ay af-duubteen Injineerka. Wararka ayaa sheegaya in hadda uu xarunta PSF ku af-duuban yahay Eng. Cabdirashiid Yaasiin oo ahaa xiriiriyaha shirkadda dhisaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidanka PSF oo Boosaaso ku af-duubtay nin kamid ah Qoyska Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in lagu sameeyo Prank, iyaga oo bulshada uga digay arrintaan oo kusoo badaneysa magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lala xisaabtami doonno dad uu ku tilmaamay in ay hay’adaha amniga degmadaas ku sameynayaan Prank ama loo yaqaan kaftan ciyaareed Waxa uu soo bandhigay xog-baaris ay ku sameeyeen kiisas cabasho ah oo la xiriiray in degmada Kaxda dad looga dhacay telefoonnada gacanta, balse baaris dheer kaddib ay caddeeyeen in hal qof oo keliya looga qaatay degmadaas. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyarada qaar ee cabashada dhaca telefoonka u gudbiyay hay’adaha ammaanka ay markii dambe u sheegeen in ay ku sameynayeen Prank, halka qaar kale ay iibsadeen. “Amnigu Prank ma galo, kama aqbalaayo oo waan cafiyay kuwii sidaas sameeyay, rabbul-cizza ma cafin doonno, tallaab ayaa laga qaadayaa, waalidiinta ordayoo ee la xiriiraya laamaha ammaanka ee cabashada gudbinaya waxa aan leeyahay hubiya wiilashiina waxa ay barteen, iyaga ayaa iibsaday telefoonnadooda,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda. Sidoo kale wuxuu digniin u diray saraakiisha iyo mas’uuliyiin kale ee degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ka shaqeeya, isaggoo ku hanjabay in sharciga lala tiigsan doonno mas’uulkii ama askarigii ku xad-gudba shacabka. “Mawaadinka haddii uu qaldamo xaq uma lihid in aad tunto, muwaadin inta ay bistoolad la baxaan ama feer la dhacaan kama aqbali doonno, sarkaalka ciidanka katirsan ee qori ku qabta qof Shacab ah lagama aqbalaayo,” ayuu yiri guddoomiyaha. Waxa uu intaas kusii daray “Muwaadinka dhibbanaha ah adigana ha aamusin ee imoow, waala qabanaa oo sharciga ayaa la horgeynayaa.” Si kastaba, muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay kiisaska dhaca la xiriira ee laamaha ammaanka loo gudbinayo, iyada oo ciidamaduna ay bilaabeen raad-raaca kiisaskaasi oo qaarkood ay dad usoo qabteen, halka ay barbar socdaan kuwa kale oo lagu sheegay “kaftan ciyaareed”, kuwaas oo jahwareer ku riday laamaha ammaanka. The post Laamaha amniga Muqdisho oo qaati ka taagan Prank – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
  18. BELGRADE, Serbia (HOL) — A new cohort of Somali police officers from the Criminal Investigation Department (CID) has commenced specialized training in Serbia. Source: Hiiraan Online
  19. Minister of Foreign Affairs, Immigration and Egyptian Expats Badr Abdelatty met Sunday with his Emirati counterpart Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan in Abu Dhabi. Source: Hiiraan Online
  20. Kenya begins three days of national mourning Monday following the deaths of at least 21 students in a boarding school inferno in central Kenya. Source: Hiiraan Online
  21. France overcame a slow start to beat neighbours Belgium 2-0 on Monday as Randal Kolo Muani’s close-range strike and Ousmane Dembele’s left-foot drive handed them their first points of the Nations League campaign. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — In Galdogob, Mudug, young people are using modern farming techniques to lift their families out of poverty and combat the devastating effects of drought. These youths have found steady employment through skills learned in greenhouse agriculture and irrigation systems, providing much-needed financial relief to their drought-stricken families. Source: Hiiraan Online
  23. Amina,* 14, recalled the day when her world was shaken by violence in Kismayo, in Somalia’s Jubaland State. An explosion at her school in February sent Amina and her classmates scrambling for safety. Source: Hiiraan Online
  24. Qatar Charity (QC), with the support of philanthropists in Qatar, inaugurated the ‘Aisha bint Jassim Al-Muftah’ school in the Bay Region of Somalia’s South-West State. Source: Hiiraan Online
  25. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Barak ayaa rajo xumo ka muujiyay in la xaqiijin karo guusha ay raadinayaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa. Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag ayaa isku dhaarsaday in la sii wado dagaalka ay ciidamadu kaga jiraan Marinka Gaza, illaa iyo inta laga wiiqayo awoodda militari ee Xamaas. Ehud Barak, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel ayaa sheegay in Israel ay wajaheyso waqti adag, kaas oo keeni kara burburka Israel, haddii aan si dhakhsa ah loo soo afjarin colaadda Gaza. Waxa uu sheegay in Israel ay kala daadaneyso, isla-markaana aysan muuqan wax istiraatiijyad ah ama qorshe dagaal, oo xukuumaddu ay ka leedahay dagaalka galay bishii 12-aad. Waxa kaloo uu sheegay in Israel aysan suurtagal ahayn inay guul dhameystiran ka gaarto dagaalkan, si ka duwan taasina ay iyadu qarka u saaran tahay guuldarro. “Xaqiiqadu waa adag tahay. Israel ma aysan guuleysan October 7-deedii, kumana guuleysan doonto dagaalka ka socdo Gaza. Dhab ahaantii waxaan ku dhownahay guuldarro, intii aan guuleysan lahayn,” ayuu yiri Ehud Barak. Ehud Barak oo wareysi siiyay Wargeyska Israel Hayom ayaa ka digay burburka Isreal, isagoona Netanyahu iyo kooxdiisa ugu baaqay inay qaataan heshiiska nabadda ee lagu soo afjarayo dagaalkan, xitaa haddii xabsiga laga sii wada deynayo dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta. “Israel waxay u baahan tahay inay u diyaargarowdo in la joojiyo dagaalka Gaza, si looga hortago xaalad kale, iyada oo loo marayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.” Ayuu yiri Barak. Barak ayaa intaasi ku daray “Heshiiska ayaa keeni kara in la dejiyo xaaladda iyo inay hoos u dhacaan weerarada Xisbullah, xitaa haddii heshiisku uu yahay mid ku-meel-gaar ah.” Netanyahu iyo Wasiirada midigta fog ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada joogtada ah ee uga imanaya shacabka Israel, siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku talinaya in la joojiyo dagaalka, si la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza loo soo sii daayo. The post Ehud Barak: Israel waxay qarka u saaran tahay guuldarro appeared first on Caasimada Online.