Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has strongly opposed Ethiopia's alleged attempts to claim Somalia's territorial waters or enforce a disputed agreement with Somaliland, stating that his government will not accept any such moves. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Abaabul ayaa si adag uga jawaabay qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ugu hiilinayo dowladda Itoobiya, nabadoonka ayaa warbaahinta kula hadlay Muqdisho. Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in Laftagareen uu ku fashilmay inuu doorasho qabto, isla markaana kursi jecli ay u geysay in Itoobiyaan uu hoos galo, “Cabdicasiis kuu qari meyno jooji waxaa wado Soomaaliyaa tahay Xabashi ma tihid,” ayuu yiri. Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in Laftagareen uu deegaanada Koonfur Galbeed u diiday siyaasiyiintii ka soo jeeday isagoo taas bedelkeed ku aoo dhaweynaya Itoobiyaanka, isagoo arrintaas ku tilmaamay wax yaab leh. “Dadkii Bay iyo Bakool u dhashay ayaad u diiday deegaankooda, markaasaa Xabashi noo soo dhoobtay, taas kaama yeeleyno, halu daalin,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in xildhibaanadii go’aankiisa ku taageeray uu u aqoonsaday SYL 2, “kuwa diiday damaca Itoobiyaanka aad dabada ku wadato maxaan ugu yeereynaa? Iyaga ayaa xaq u leh in magacaas loo bixiyo ee magac ha u soo bixiyo.” “Dalkaan wax Mogadishu Clan iyo Raxan weyn la yiraa kama socdaan, waxaa loo kala baxay Soomaali iyo Xabashi, ninkaan wuxuu wadaa boor isku qaris iyo xasarad abuur, dadka u banaanbaxay waa jufadiisa hoose, Raxanweyn maaha,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul. Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in xaqa beelaha Raxanweyn uu yahay doorasho iyo inay iska wareejiyaan ninkaan Soomaalinimada diidan, isagoo ku guudiyey in taasi ay horgeli doonto. “Amxaaro ayaan rabaa iyo Amxaaro ma rabno isku qaba meyno Soomaali waa mideysan tahay, Laftagareen waa fashilmay ee doorashada haka wareego, xaqa Raxanweyna waa doorasho, Laftagareen magacaaga lee ku baaba’aaya tan ee ka joog Soomaaliyaa tahay, isaga iyo Muuse Biixi meesha aad ku dambey doontaana ilama fiicna,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul oo ka soo jeeda Mudullood. Hoos ka daawo The post Daawo: Nabadoon oo shaaciyey qorshe yaab leh oo Laftagareen ka dhex wado Mogadishu Clan iyo Raxanweyn appeared first on Caasimada Online.
  3. Tensions have heightened in the Horn of Africa after Egypt recently sent military equipment to Somalia. The move angered Ethiopia, already at loggerheads with its southeastern neighbour after signing a deal to operate a port in the breakaway region of Somaliland. A post on Facebook claims to show a video of divided members of Somalia’s parliament fighting over the weapons shipment sent to the country by Egypt. Source: Hiiraan Online
  4. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda. Aqoon-isweydaarsigan, oo ka socon doona labo maalmood magaalada Nairobi, ayaa isugu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta isgaarsiinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta, khubarro, iyo madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda, si ay uga wada hadlaan qaab-dhismeedka xeer-nidaamiyayaal qaabeyn doona mustaqbalka kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Aqoon-isweydaarsigu, oo qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee HIQ ee kor u qaadida isku-xirnaanta qaranka, ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida shatiyeynta soo degista xargaha badda hoosteeda, tixgelinta saamaynta deegaanka, wadaagga kaabayaasha, iyo dhiirrigelinta tartanka qaybta isgaarsiinta. Xeer-nidaamiyayaashan ayaa ujeedkoodu yahay in la waafajiyo qaab-dhismeedka isgaarsiinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah, taasoo taageeraysa yoolalka horumarinta dhaqaalaha qaranka. Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon-isweydaarsiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay aqoon-isweydaarsiga, isagoo xusay sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay uga qayb qaateen soo kabashada iyo koritaanka dhaqaale ee dalka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adda iyo daneeyayaasha isgaarsiinta intii uu socday hadalladiisa la xiriira aqoonsi-waydaarsiga. Source: goobjoog.com
  5. (Bloomberg) -- Turkey has held talks with Somalia about setting up a site to test-fire missiles and space rockets from the Horn of Africa country, according to people familiar with the matter. Source: Hiiraan Online
  6. In aynu Madaxweynaha ka codayno oo aynu nasinaa waa waajib akhlaaqeed, mid wadaniyadeed iyo mid dadnimo. Waa midda koowaade, Madaxweynuhu wuxu ku guul-darraystay, xataa haddii aanu waxba ku soo kordhinayn, bal intii loo dhiibay uun in loogu yimaado. May dhicin taasi oo maanta Somaliland waa qalanjo dhaawacan oo dhiig baxday, qoon weyn ayaanu u geystay qabkeenii iyo qorshaheeniiba. Ninka qasaaraha intaa leeg u geystay 30 sanno wixii aynu ku tabcaynay, in aynu isaga oo guuldarraystay abaal-marin aanu u qalmin siinaa, waxay dhiirrigelinaysaa dadka aan xilkaska ahayni in ay hoggaankeena damcaan, oo ay inoo arkaan bulsho hebed ah. Waa ta labaade, Madaxweynuhu awoodihii aynu siinay wuxu u adeegsaday inu innaga inagu gumeeyo, cabudhiyo, xidhxidho, xilliyada qaarna uu nafaheena ku gaalaafto. Waxa kale oo Madaxweynuhu awoodihii aynu siinay u adeegsaday inu danihiisa gaarka ah kaga shaqeeyo, ku badhaadho, kuna sed-bursado. Waa ta saddexaade, Madaxweynuhu wuxu ku guul-daraystay inu isku keen ururiyo oo uu kaalintiisii odaynino qaato. Waxa la qummanaatay maslaxadiisana uu ka dhex arkay kala daadsanaanteena, isaga oo is tusay inay kala qaybsanaanta bulshadu tahay gabbood laga hoos galo la xisaabtanka, iyo weydiinaha ka imanaya waajibaadka uu gudan waayey. Waa ta afraade, muddadii uu Madaxweynaha ahaa waxa ku hoos burburay dhammaan hay’adihii dawladda. Musuqmaasuqii ayaa xadhkaha goostay heer la gaadhay inay saraakiishii hanti-dhawrku hay’adahii ay la xisaabtami lahaayeen qandaraasyada ka qaataan, oo ay xildhibaanadii xafiisyadii dawladda mukhalasnimo iyo dillaalis ka dhex bilaabaan, mas’uul kastaana xafiiskii uu dadweynaha ugu shaqayn lahaa uu ka dhigtay shirkad ganacsi oo uu isagu gaar u leeyahay. Waxa kale oo uu madaxweynuhu xilalkii dawladnimo ku abaal mariyey ninba ninkuu ka tuugsanaa ee uu ka xaaraan cun badnaa. Wuxu si gaar ah u xushay ninba ninkuu ka af xumaa ee uu ka cay badnaa. Intaas iyo in kale oo ka xun oo aan ka xarragoonayo sheegistooda, haddii aynu xilka ku weydaarin weyno kolkaa innagaa aayaheennii xabaal ku ridnay. Midna ogow, Kuma lihi kuwa soo socdaa waa nebiyo macsuumiin ah oo qalad ka madhan, balse waxan ku leeyahay Muuse aynu ka dhigno tusaale kuwa dambe ku cibro qaataan. Muuse waynu aragnay, waynu tijaabinay, todoba sanno oo laba xaaraan yihiin ayeynu siinay. Waynu ku qasaarnay dhan kasta. Haddii aynu isaga dooranayno mar labaad, dee aynu ardayda dugsiyada ee imtixaanka ku dhacdana wada dallacsiino!! Abwaan Weedhsame Qaran News
  7. Munaasabad lagu tartansiinayay hal-abuureyaal ganacsi oo ay si wadajir ah u taabba-geliyeen hay’adaha World Vision, iyo WFP oo kaashanaya ururka shaqa-doon ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tartantan oo ciwaankiisu ahaa IGNITE food system innovation Challenge ayaa waxaa ka qeyb-galay hal-abuureyaal maxalli ah, kuwaas oo soo bandhigay xalka caqabadaha nidaamyada cuntada ee Soomaaliya iyo dhismeedka ganacsiyadooda. Ka qeyb-galeyaasha tartanka oo 132 hal-abuure ayaa 12 kamid ah loo xushay ka qayb-galka aqoon iswaydaarsi heersare ah oo muddo laba maalmood ah socanaya, kuwaas oo soo bandhigi doona ganacsiyadooda, sidoo kale 10 shirkadood ayaa fursad u helay inay soo bandhigaan hannaankooda ganacsi, ayadoo 5 kamid ahi ay ku guuleysteen inay u gudbaan wareegga xiga ee tartanka. Shirkadaha guuleystay waxay marin doonaan barnaamij kobcin saddex bilood ah, halkaas oo ay heli doonaan tababaro iyo la-talin si ay ugu tijaabiyaan xalalkooda, ula shaqeeyaan isticmaalayaasha ugu dambeeya, isla markaana ballaariyaan shabakadooda, waxaana kamid ah SomFarm Fresh, Raas Agribusiness, Greenlife Agribusiness Limited, Kaaliye Consulting, iyo Ruman. Tartanka IGNITE wuxuu ujeedkiisu ahaa in la siiyo fursad hal-abuurayaasha maxalliga ah si ay u muujiyaan xalalkooda cusub, sidoo kalena wuxuu dhiirrigelin u yahay maalgashi iyo iskaashi cusub oo lagu xallinayo caqabadaha nidaamyada cuntada ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana mar kale Puntland ay eedeymo culus u jeedisay Xasan Sheekh. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ku eedeeyay in Soomaaliya ay ku rideen god dheer, ayna sabab u tahay siyaasad xumo darteed. Dirir ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya ay qaadatay siyaasad ka dhan ah cid kasta oo kasoo horjeeda, taasoo keentay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu xumaado, meeshana ay ka baxdo wada shaqeyntii labada dhinac. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aan la aqbali karin sida ay wax ku waddo dowladda dhexe, ayna tahay arrin walaaceeda leh, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad aan la aqbali karin oo cid kasta oo ka soo horjeeda ku caburineysa,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Sidoo kale wuxuu “Haddii aan wax laga qaban, waxaa jiri doona khatar weyn oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya oo sii xumaanaysa.” Waxaa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku guul-dareystay fulinta nidaamkii heshiiska lagu wadaa ahaa ee uu ugu horreeyo ku dhaqanka dastuurka. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay joojisay dhammaan mashaariicdii muhiimka ah ee dowlad goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay 5-ta maamul goboleed inay isku yimaadaan oo ay ka wada-hadlaan xaaladda adag ee haatan taagan. The post PUNTLAND oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  9. Ukraine targeted the Russian capital on Tuesday in its biggest drone attack so far, killing at least one and wrecking dozens of homes in the Moscow region and forcing around 50 flights to be diverted from airports around Moscow. Source: Hiiraan Online
  10. Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaankii ay ka qaaday macalimiinta Soomaaliyeed Sida ka muuqata Natiijada ay Wasaarado shaacisay waxaa loo baahnaa Saddex kun oo macalin balse hadda laba kun ayaa soo gudbay. Tirada guud ee soo codsatay: 26,570 Tiradan waa tirada guud ee dadka codsaday in ay ka qeybgalaan imtixaanka balse qaarkood waxa ay ku hareen hubinta Shahaadooyinka. Tirada dadka imtixaanka usoo gudbay: 13,252 Ka dib marka dadka ay soo gudbaan qaybta hore ee imtixaanka, tiradan ayaa ah dadka xaq u yeeshay inay galaan imtixaanka dambe qoraalka ah. Tirada dadka imtixaanka galay: 10,333 Tani waxay muujineysaa tirada dadka dhamaantood ee galay imtixaanka dambe, kuwaas oo loo diyaariyey in ay ka qaybgalaan qaybaha kala duwan ee imtixaanka. Tirada dadka imtixaanka Afka usoo gudbay 2,098 Tiradan waxay muujineysaa dadka soo gudbay qaybta imtixaanka Afka ah oo ah qeybta ugu dambeysa. Source: goobjoog.com
  11. New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle oo hadal ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo farriin culus u diray dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah. Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay waddamada qaybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ATMIS inay dhowraan madax-banaanida Soomaaliya oo uu tilmaamay inay tahay lama taabtaan. Waxaa kale oo uu ku booriyay inay waddamadu u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka, si looga hortago xiisad horleh oo ka dhacda Geeska Afrika. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in danaha dalalka ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar gelin kara xasiloonida dalka iyo guud ahaan gobolka. “Haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, waxaa dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abuukar Baalle. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka, taas oo ku xadgdubtay madax bannaanida Soomaaliya, kadib heshiis sharci darro ah oo uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed horraantii sanadkan 2024 la galay Somaliland. Si kastaba, xiisadda ayaan haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo iyana heshiis difaac la gashay Soomaaliya, waxaana ka carootay dowladda Itoobiya oo ay xukuumadda Qaahira isku hayaan arrinta Wabiga Nile oo muddo dheer soo taagneyd. The post DF oo dalab culus u dirtay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. 10000000_409380498462160_3592257694332772844_n Qaran News
  13. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dulleyn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika. Itoobiya oo la sheegay in ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, ayaa waxaa uu khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay heshiis dhinaca badda ah oo Ethiopia la gashay maamulka la baxay Somaliland. Xiriirka Masar ee Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsan, taasi oo la xiriirta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee wabiga Nile. “Nala taaban maayo! Si kastaba ha ahaatee, waanu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo hanjabto si aan iyaga uga leexino,” ayuu Abiy ka yiri xaflad lagu xusayay maalinta Qaranimada oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa. “Cidna kalama xaajoon doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raaciyay. Itoobiya ayaa bishii hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin in ay doonayaan in ay “qalqaliyaan xasilloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay Soomaaliya ka dib heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen Qaahira iyo Muqdisho. Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday Soomaaliya in la geeyo ciidamo ka tirsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo sanadka soo socdabedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda loo yaqaan ATMIS. Itoobiya ayaa hadda gacan weyn ku leh ATMIS, iyadoo ka gacan siisa ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Balse dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed, iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu weeraray madax madax-banaanideeda dhuleed. Turkiga ayaa dhex dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka, balse ma aysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo. Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sannado badan waxaa ka dhex jiray khilaaf, iyagoo is dhaafsanayay ereyo kicin ah oo ku saabsan mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar ay sheegtay inuu khatar ku yahay ammaankeeda biyaha. The post Abiy Ahmed oo hanjabaad cusub diray xilli ay kasii dareyso xiisadda gobolka appeared first on Caasimada Online.
  14. Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamulkeeda yeelato, lakiin ay rabto in heshiis ganacsi ay Itoobiya kula gasho dekeda Tojora, oo ay hore u sheegtay in ay Itoobiya si buuxda ugu wareejinayso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si ka duwan balanqaadkiisii hore sheegay in anay Itoobiya siinayn dekeda Tojora, lakiin ay rabaan in ay wada maamulaan. “Marnaba manaan dhihin waanu iibinay marsada ama cid ayaanu siinaynaa, lakiin aynu wada maamulno marsada Tojora ayaynu nidhi, waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga u socda Itoobiya” ayuu yidhi Wasiir Yuusuf. Waxa uu sheegay in 60 milyan oo dollar ay ku baxday dhismaha dekeda Tojora, lakiin anay bixin karin mushaarka shaqaalaha ka hawlgala, sidaas darteedna ay rabaan in ay ka dhigaan deked ganacsi, si ganacsiga Itoobiya aanu ugu wareegin Somaliland iyo Eriteria. “Bari waxa furmi doonta marsada Casab oo xamuulka qaar ayaa halka u guuri doona, waxa dhici karta in qaar kale u wareegaan Somaliland, innagu waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga Itoobiya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirka ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay 100% maamulkeeda yeelato, si loo dajiyo khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidookale, waxa uu dhawaan sheegay in anay Itoobiya siin doonin saldhig badeed, lakiin ay iyagu yihiin ganacsato, isla markaana khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ay labada dowladood ka xaali doonaan. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Xamza ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland. “Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MoU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yir. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Masar oo xiisadda sii kordhisay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka. “Xaq-baan u leenahay haddii aan Soomaali nahay haddii aan dowlad kale u tegnay oo Carbeed oo aan dhahnay annagana na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu. Ugu dambeyn wuxuu si xoogan u dhaliilay siiyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, isla-markaana ay marin habaabinayaan arrinta badda oo uu tilmaamay in waajibka koowaad ay tahay in la difaaco. The post XAMZA oo war culus kasoo saaray xiisadda Itoobiya iyo arrinta Masar appeared first on Caasimada Online.
  16. UNITED NATIONS (HOL) — Somalia's Permanent Representative to the United Nations, Abukar Dahir Osman, has called on African Union troop-contributing countries to follow international law and respect Somalia's territorial integrity strictly. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal dheer soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay xiisadda Itoobiya, isaga oo la saftay xildhibaanadii taageeray Itoobiya. “25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu shalay yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka. Jaamac oo jawaab ka bixiyay hadalkan ayaa tilmaamay in SYL ay tahay astaan gobonimo oo mudan in la sharfo, maadaama ay tahay taariikh ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Koonfur Galbeer ee u banaanbaxay Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay in loo hoosaaseeyo cadow uu sheegay inay horay u diideen awoowayaasheen. “Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo” ayuu yiri. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;’- GOBANNIMADA QARANKA SOOMAALIYEED Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo. Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah. Ma jiro qof xaq u leh in ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee ummadda soomaaliyeed. Taariikhda difaaca qaranka soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya. Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo. Cabdulqaadir Sakhaawadiin Sh Uweys oo ahaa wiil Tunni ah, Digil ah reer koonfurgalbeed ah ayaa ahaa aasaasihi SYL iyo hoggaamiyihi 13ki halgamaa ee gobannima doonka casriga ah hoggaamiyay. SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeedna waxaan xasuusinayaa in kuraasta ay ku fadhiyaan ay yihiin kuraas gobeed oo leh sooyaal sharfan oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Waxaan ku fadhinaa kuraas ay milkiilayaashooda dhabta ah yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen iyo halgamayaal aan tira lagu koobi karin oo ah aabayaasha halganka taariikhiga ah ee difaaca qaranka soomaaliyeed. Waxaan ku faraxsanahay in ogaalka iyo fahamka heerkaa gaarsiisan ay leeyihiin rag iyo dumar badan oo maanta indho u ah siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase waajib naga wada saaran yahay in aan garbaduub u xirno cid walba oo wasakheyneysa sooyaalka quruxda badan ee aan huwannahay. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadka gobta ah ee daga uma qaadi karno dhegxumo iyo wax dhaawacaya sumcaddooda taariikhiga ah, kana weecsan taxanaha sooyaalkooda gobannima doonka ku asteysan. Qof walba oo naga mid ahna waa in uu dareenkaa qabaa kuna dhaqmaa. Sidaan taariikhda ka baranay, Koonfur Galbeed iyo dadkeedu marna gogol soo dhaweysa uma noqon doonaan cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena. ALLOW YAA DARWIISHKII FARRIIN DABACSAN GAARSIIYA; IN DARIIQADII NOOSHAHOO, DIHINA SOO GAADHAY; OO UU DABKUU SHIDAY, RAG KALE DOGOBYO SII SAARAY; The post Wasiir Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  18. 459103566_2047414509010292_7118994491574837979_n Qaran News
  19. 459093460_1059957268858356_7969521324808895811_n Qaran News
  20. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller. Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee Midowga Yurub uu siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas. Danjiraha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee JFS oo ay ugu horreey Dib u eegista Dastuurka KMG ah iyo ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS uu haatan ku howlanyahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, howl aad u bandanna uu ka qabtay, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BJFS. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Waxa uu baaq culus u diray dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran. “Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas kusii daray “Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.” Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda. Dib-u-dhiska wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kamid ah qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh, si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo farriin culus diray kadib tallaabo uu maanta qaaday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  22. Mohamed Abduba Dida oo u tartamay madaxtinimada Kenya sannadihii 2013 iyo 2017, ayaa hadda ku qaadanaya xabsi toddobo sano ah oo ku yaalla xabsi ku yaalla dalka Mareykanka, ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira daba-gal iyo caga-jugleyn. Dida, oo 50 jir ah, ayaa xukunka xabsiga kaga shaqaynaysay Xarunta Asluubta ee Big Muddy ee Illinois ilaa Noofambar 18, 2022, ka dib markii lagu helay laba eedaymood. Midka ugu horreeya, oo lagu tilmaamay inuu yahay daba-gal iyo hanjabaad gudbin, wuxuu ku muteystay 2 sano oo xabsi ah. Midda labaad, daba-galka aadka u daran iyo ku xad-gudbida amarka xakamaynta, waxay keentay xukun 5-sano ah. Dembiyada ayaa lagu galay degmada McLean, Illinois. Dida ayaa si kastaba ha ahaatee bilaabay cabasho ku saabsan ku xadgudubka xuquuqdiisa dastuuriga ah, oo ay ku jirto xaqa ku dhaqanka diinta Islaamka iyo ilaalinta jadwalka maalinta Islaamka ee salaadda. “Dacwooduhu wuxuu sheeganayaa in hadda Big Muddy loo oggolaaday inuu noqdo imaam tabaruc ah, laakiin waxaa loo oggolaaday hal salaad oo jimce ah. “Si kale ayaa loo diiday salaadda ka hor iyo ka dib qorrax-soo-baxa iyo qorrax dhaca, waxaana loo diiday saddex duco oo dheeraad ah,” ayaa lagu yiri dacwad sharci ah oo laga gudbiyay Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Degmada Koonfurta Illinois. Dida waxa kale oo uu ka cawday in uu u baahday qubeys buuxa maalinta jimcaha salaada ka hor, laakiin in kastoo kulamo badan oo arrintan ku saabsan, uu awoodi waayay in uu diyaariyo. “Waxa uu sheeganayaa in xitaa hal dhibic oo kaadi ah ay burinayso salaaddiisa, taas oo ka dhigaysa dhibaato in lagu tukado qol ay ku yaalliin musqulo,” ayay raacisay cabashadu. , Source: goobjoog.com