-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khubarada Geeska Afrika ayaa aaminsan in Itoobiya ay si weyn u muujisay welwelka kadib qorshe cusub oo Masar ay ku doonayso in ciidamadeeda ay ku geyso Soomaaliya. Qorshahani wuxuu ka dhashay xilli ay jirto xiisad sii kordhaysa oo u dhaxaysa Itoobiya iyo dalalka Soomaaliya iyo Masar. Dawladda Masar ayaa qorsheynaysa in ay ciidamadeeda geyso Soomaaliya, iyada oo la tixraacayo heshiisyo milateri iyo isfaham dhinaca amniga ah. Tallaabadan ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu taageero ciidanka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka gobolka. Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda militariga, taasoo ka dhigtay in Itoobiya ay dareento cabsi ku saabsan qorshayaashan cusub. Shalay Abiy Axmed ayaa meel Fagaare ah ayuu ka sheegay in dalkiisa duulaan lagu soo yahay. xilli Itoobiya ay ku xadgubtay madaxbaanida Soomaaliya markii ay heshiis la gashay Somaliland bilowgii sanadkaan. Dhinaca kale, Itoobiya iyo Masar waxay isku heystaan arrimo ku saabsan wabiga Niile, gaar ahaan qaybta uu wabigu ka socdo gudaha Itoobiya. Masar ayaa si weyn uga welwelsan qorshayaasha Itoobiya ee ku saabsan xakamaynta iyo isticmaalka biyaha wabiga Niile, iyadoo ay Masar u aragto in talaabooyinkaas ay khatar ku yihiin ilaha biyaha ee muhiimka ah. Sidoo kale Khubarada geeska Afrika ee dhanka Siyaasadda ayaa aaminsan in Soomaaliya ay kaga guuleystay Itoobiya Siyaasadda arrimaha dibada. Ururada Hubeysan ee ka jira Itoobiya ayaa sidoo kale dhul cusub qabsaday maalmihii lasoo dhaafay. waxa ay ku eedeeyeen Abiy Axmed in uu Qatar ku yahay nabada geeska. Kordhinta xiisadaha iyo iskaashiga ka dhanka ah Itoobiya ee gobolka ayaa ka dhigaya xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika mid murugsan. Source: goobjoog.com
-
459095836_1595934187939805_7881351184033545884_n Qaran News
-
In the first sequence of “Mother Mother” a herd of camels cry out in the dark. Their guttural sounds are their own kind of haunting music as we are drawn into the world of two camel herders in rural Somalia: widow and force-of-nature Qalifo and loyal only son Asa (newcomers Maan Youssouf Ahmed and Elmi Rashid Elmi). Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Growing military cooperation between Somalia and Egypt is heightening tensions in the Horn of Africa as the two nations align to counter Ethiopia's influence. As Egypt sends troops and arms to Mogadishu, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has vowed to defend his country's territorial integrity amid fears of an escalation in regional hostilities. Source: Hiiraan Online
-
Dhimashada ka badan 50-ka qof ayaa ka dhacday gobolka Bartamaha Nigeria ee Niger kaddib markii booyad shidaal ay ku dhacday gaari xamuul ah oo siday dad iyo lo’, sidaasina waxaa sheegay hay’adda masiibooyinka dalka. Sida ay hay’addu sheegtay, shilka oo dhacay saq dhexe habeenimo waxaa ka dhashay dab qabsaday labada gaari. Gawaari kale ayuu sidoo kale dabku gaaray. Muuqaallo laga duubay goobta wax yar kaddib markii uu shilka dhacay ayaa muujinaya labada gaari oo wada gubtay iyo lo’idii oo halkaas ku dhimatay. Shaqaalaha samatabixinta ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay isku dayayaan in ay ka soo saaraan goobta dad iyo xoolo wixii halkaas ku dhintay. PUNTLAND POST The post In ka badan 50 qof oo ku dhintay shil ka dhacay dalka Nigeria appeared first on Puntland Post.
-
Edmundo Gonzalez oo ah musharraxi xisbiga mucaaridka Venezuela u matalay doorashadi madaxtinimo ee bishi July, ayaa gaaray dalka Spain, halkaas oo uu ka helay magan-galyo siyaasadeed. Gonzalez ayaa xalay ka duulay Venezuela, kaddib todobaadyo uu dhexda uga jiray qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay natiijadi kasoo baxday doorashadi maxatinimada ee uu kula baratamay madaxweyne Nicolas Maduro. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Maduro uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada, hase yeeshee mucaaridka ayaa sheegay in doorashada lagu shubtay. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Spain ayaa lagu sheegay, in Gonzalez iyo xaaskiisa ay diyaaraddi wadday kasoo degtay saldhiga miilatariga Torrejon de Ardoz ee magaalada Madrid. Ka cararista dalkiisa ayaa timid todobaad kaddib marki ay xukuumadda Maduro ee Venezuela soo saartay waaran lagu soo xirayo. Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo quwado kale ayaa rumeysan in Gonzales oo ah 75 jir uu ku guuleystay doorashadi madaxtinimada ee ka dhacday Venezuela. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaridka Venezuela oo u cararay dalka Spain appeared first on Puntland Post.
-
458965271_1190840395485890_2921763459087817869_n Qaran News
-
laamaha amaanka Isra’il ayaa shaaciyay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xamuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil. Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaalila marinka laga soo galo Daanta Galbeed. Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca xadka Urdun ay la wadaago Isra’il tan iyo 7-dii October, markaasoo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya Axaddii ay ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Masuu’liyiinta Isra’il ayaa Axaddii sheegay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xammuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil. Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaalila marinka laga soo galo Daanta Galbeed. Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca xadka Urdun ay la wadaago Isra’il tan iyo 7-dii October, markaasoo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya Axaddii ay ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay afar xubin oo ka mid ah qoyska Maxammed Mursi. Isra’il wali kama aysan hadlin dilka mas’uulkaasi. Adeegga Gurmadka degdegga ah ee Gaza ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dilka Morsi uu ka dhigay xubinti 83-aad oo ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisa ee lagu dilo Gaza, tan iyo 7-badi bishi October. The post Darawal u dhashay Urdun oo dilay saddex Isra’iliiyin ah, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) — Somaliland's Parliament has again dismissed charges against MP Mohamed Abiib, sparking renewed political and public backlash over his controversial detention. In a session held on Sunday, 43 out of 47 lawmakers voted to reject the charges, which included allegations of treason, defamation of the military, and aiding the enemy. The vote marked the second time that efforts to strip Abiib of his parliamentary immunity and prosecute him have failed. Source: Hiiraan Online
-
Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in duqaymaha Israa’iil ay dileen ugu yaraan shan qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan toban kale kadib markii ay ku dhaceen bartamaha dalkaas. Waxay sheegtay in shan goobood la beegsaday, oo ay ku jirto xarun cilmi baaris oo la sheegay inay soo saarto gantaallo sax ah. Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan warkaasi. Kormeere fadhigiisu yahay UK ayaa sheegay in weerarradu ay ku yimaadeen mowjado, kuwaas oo lala beegsaday goobo ciidan oo ku yaalla magaalada Masyaf, halkaas oo uu sheegay in khubarada horumarinta hubka ee taageersan Iran ay ka shaqaynayeen. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo weerar duqeymo ah ka fulisay bartamaha dalka Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo Agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa soo saaray bayaan ay ku joojiyeen, dacwana uga gudbiyeen wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhowr qodob ka kooban. Wasaaradaha warkaan soo saaray oo wasaaradda caafimaadka Puntland kaliya ay ka maqan tahay ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ay caqabad weyn ku tahay mashaariicda caafimaadka ee dalka ka socota. Wasiirrada ka dacwooday wasiirka caafimaadka dowladda dhexe waxay sheegeen in bishii 3-aad ee sanadkaan ay kula kulmeen Muqdisho, isla markaan tabashadii iyo wadashaqeyn la’aantii ay ka cabanayeen aan ilaa hadda waxaba laga qaban, sidaas darteed ay hadda ku qasbanaadeen inay xiriirka u jaraan wasaaradda caafimaadka heer federaal. Wasiirada dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay ka jawaabayaan warqad cabasho ah oo uga timid agaasimayaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir, waqadaas waxaa ku cad dhamaan caqabadaha taagan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1- In wasaaradda caafimaadka heer federaal ay hey’adaha ku amartay in aysan la shaqey karin wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. 2- In Mashruuca Damal Caafimaad oo Bangiga Adduunka uu maalgelinayo, qeybtiisa wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada ay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka caqabad ku noqotay in laga faa’iideysto, isla markaana ay khasaareyso lacag dhan 25 milyan oo doolar. 3- In Mashuuca COVID-19 aysan waxaba ka dhaqaaqin oo wasaaradda heer federaal ay xayirtay, isla markaana uu ku egyahay 2025 isagoo wax cusbooneysiin ah aan laheyn, taasi oo ka dhigay inay khasaareyso lacag dhan 48 milyan oo doolar. 4- In mashruuca CCU shaqaalihii loogu tala galay isbitaallada caafimaadka aan la qaadan oo muddo sanad ah uu wasaaradda caafimaadka heer federaal u xayiran yahay, mashruucaas ayaa dhacaya Abriil 2025. Qodobada ay ku xusan yihiin caqabadaha ay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyadu ku qabaan wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka, waxay gaarayaan 12 qodob oo warqadda aad ka akhrisa kartaan. Sidoo kale waxay dacwo u gudbiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, iyagoo u sheegay inay wasaaradda caafimaadka heer federaal ay ku heyso caqabado isugu jira kuwo lasoo dhaafay, kuwo hadda taagan iyo kuwo soo wajahan. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka wasiirrada: The post Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka soo dacwooday Wasiir ka tirsan DF appeared first on Caasimada Online.
-
The University of Minnesota’s new public safety center opened Friday in Dinkytown, a neighborhood where crime has become a major concern over the past few years. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has warned that corporations recognizing Somaliland as an independent state would be met with some penalty. Tensions between Somalia and Somaliland escalated further when Ethiopia signed an MoU with Somaliland, recognizing the country as independent. Since then, Somalia has gone on to repel the deal in an attempt to make it illegitimate. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa galabta wajahay su’aalo adag oo guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka ay ka weydiiyeen waxyaabaha khuseeya wasaaradda ee ka dhex socda dowladda. Mid ka mid ah su’aalihii ugu adkaa waxaa weydiisay xildhibaan Faa’isa Jeyte, waxayna tiri “Waaiir Mukhtaar mid kamid ah culimadii aad ku casuumateen shirka ayaa yiri qofkii dowladda Xasan Sheekh mucaarada hala dilo, marka ma dowladdaa ka dhex bilowdeen?” Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay su’aasha Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa sheegay in hadalkaas qof yiri uusan garaneyn, isla markaana aysan masuul ka aheyn hadal wadaad yiri. “Waa ogtihiin culimo meel isugu timid midba meel ayey mas’aladu la geleysaa, marka anigo ma ogi qof yiri qof kale hala dilo, waxaasna wasaaraddu maauul kama aha,” ayuu yiri Waaiir Mukhtaar oo iska fogeeyey eedeynta xildhibaan Faa’isa Jeyte. Xildhibaanada kale ee guddiga ah ee goobta su’aalo weydiinta ah joogay ayaa Wasiirka si cad ugu sheegay in arrinta ay xikdhibaan Faa’iso sheegtay ay jirto, isla markaana wadaadka ay ka hadlayaan uu si toos ah u yiri hadalkaas. Mukhtaar Roobow oo is jilcinaya ayaa ku jawaabay “in hadalkaas la yiri waa dhici kartaa, balse qorshihii loo qabtay shirkaas kuma jirin dadka in dil loo iclaamiyo, waxaana ka bixineynaa raali gelin, hadii qof aan soo casuumanay uu hadalkaasi ka soo yeeray,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Sidoo kale, Wasiirka Diinta Soomaaliya ayaa wajahay su’aalo kale oo u badan kiisas ku saabsan xajka iyo sidii loo maareeyey, iyadoo xildhibaanadu ay si adag u weydiiyeen su’aalo ku saabsan qaabka loo qeybiyey qoondadii reer Puntland ay ku lahaayeen xujeyda. Su’aalo weydiinta ayaa socotay muddo labo saac ah, waxaana Wasiir Mukhtaar Roobow ku wehliyey oo qaar kamid ah su’aalaha ka jawaabayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara. Hoos ka daawo The post Daawo: Mukhtaar Roobow oo su’aal adag laga weydiiyey Sheekh dil ku hanjabay appeared first on Caasimada Online.
-
Dab xooggan oo khasaare baaxad leh sababay ayaa qabsaday goob ganacsi oo maqaayad ahayd, taas oo ku taalla degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliiska, waxaana ka dhashay baaba’ hantiyeed oo xoog leh. Haweenayda maqaayaddaas milkiilaha ka ahayd oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in hantidii goobtaas taallay ay dhammaanteed dabka ku basbeeshay dabka, sidoo kale waxay xoguhu tilmaamayaan in qof kamida dadkii goobta ku sugnaa uu dhaawac soo gaaray, islamarkaana la geeyay xarumaha caafimaadka. Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Koranto, waxayna sawirrada iyo muuqaallada maqaayaddaas oo lagu asturan laga soo qaaday muujinayaan burbur xooggan oo goobta gaaray. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Cabasho xooggan ka muujiyay Wada-shaqaynta Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo aysan ku jirin Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya caqabad ku noqotay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee ka socday dalka. War-murtiyeedka ay soo saareen Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayay ku muujiyeen Cabashadooda ku aaddan caqabadda Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya hor-dhigtay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee ka socotay dalka. Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku eedeeyay in ay awaamiir cad u dirtay Hay’adaha kuwaasi oo ku saabsan in au joojiyaan La-shaqaynta Dowlad Goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Caqabad ku noqotay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee dalka ka socday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidmada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed. Labada nin oo ka wada howl-galayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, ayaa lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid kamid ah gaadiidka dadweynaha iyo cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida. 27-kii bisha lixaad ee sanadkaan is-rasaaseyn dhex-martay labada eedeysane ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan. Xafiiska xeer ilaalinta iyo ehellada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa racfaan ka qaatay xukunkii maxkamadda darajada koowaad ay horey ugu riday labada eedeysane 28-kii August, xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa mar kale codsaday qaadista kiiskaan. Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi (Madaxeey) ayey maxkamada sare ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse. 2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay 6 sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo-guuto Liibaan Cali Yaroow, guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida. The post Go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska askar NISA iyo booliska oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u aqaabilsan arrimaha diinta iyo awqaafta ayaa su’aalo adag weydiiyay madaxda wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo uu ugu horreeyay wasiirka Wasaaraddaaas Shiikh Mukhtaar Roobow Cali. Wasiirka iyo ku xegeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa wax laga weydiiyay qaabka ay u maareeyaan arrimaha xajka, in ay dhexdhaxaad u yihiin dariiqooyinka dalka ka jira, sida ay ku qeybiyaan u adeegidda xujayda ama waxa loo yaqaanno xamlooyinka, iyo hab maamulka guud ee wasaaradda. Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka warcelinayay qaar kamida weydiimaha xildhibaanada ayaa sheegay in xamlooyinka tartan furan loo galo, islamarkaana cid waliba ay ka qeyb-gali karto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inaan koox diimeedyo kala duwan wasaaraddiisu aqoonsanayn, balse dariiqada culumada Suufiyada ay wada shaqayn feecani ka dhexayso, islamarkaana ay hawlaha ay wadaan hormuud ka yihiin. Wuxuu intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad fakarkooda gaarka ah ku khilaafsan shaqada iyo hab maamulka wasaaradda, asagoo tilmaamay inaan qof goodi ah la qancin karin, hadalkan ayaana u muuqda inuu jawaab u yahay qaar kamida culumada Suufiyada oo wasiir Roobow ku eedeeyay inuu ka eexday. Source: goobjoog.com
