Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A bilateral agreement between the government of Taiwan, the local government of Hargeisa and the Ministry of Transport and Road Development of Somaliland has been signed for the upgrading construction of the road from Hargeisa Airport to Mohamud Ahmed Ali High School. The signing ceremony was held at the Somaliland Ministry of Transport and Road Development, which was attended by the minister, the mayor of Hargeisa, the ambassadors of both Somaliland and Taiwan and other officials. The government of Taiwan, which has a deep relationship with Somaliland, at the same time supports the economic infrastructure and electoral issues, Health has started to support the local government of Hargeisa by supporting the construction of important roads. At the forum where the agreement was signed, the Mayor of Hargeisa Cllr. Abdikarim Ahmed Mooge, spoke about this important main road that is to be supported by the government of Taiwan. He noted that they are grateful to Taiwan for their cooperation in the project, which will focus on its construction and implementation since it is a major road that should reflect the beatification and image of the city and the country especially to visitors. On his part, the Ambassador of Taiwan to Somaliland, Mr. Lee said that it is important to support the local governments to beautify the cities, and he noted that he is very happy with this new partnership with the local government of Hargeisa. He emphasized the importance of the construction of the road that they are planning. In conclusion, the Minister of Transport and Road Development of Somaliland, Hon. Rabi Abdi Mohamed, noted that the government of Taiwan is working with Somaliland on many projects, including the construction of the said main road, and the cooperation is only getting stronger. The minister said that the construction of this road will make a big difference to the beauty of the city, and he thanked the government of Taiwan for always standing by Somaliland and supporting it. Somaliland standard Qaran News
  2. Dhallinyarada baabuurta isku dhigaysa oo muqdisho ku soo badanaysa iyo halista ka dhalan karta. Dhallinyarada gaadiidka socda isku dhigaysa si ay muuqaallo soo jiidasho leh isaga duubaan ayaa muqdisho ku soo badanaya, taas oo ah halis baaxad leh oo dhimasho sababi karta. Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay askar iyo xubnaha kale oo ayagoo hubka fudud ee ciidanka dadka ku cabsi-gelinaya baabuurta jidadka maraysa hortooda kuraas iska dhiganaya, balse dhaqankaas ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya. Saacado ka hor waxaa baraha bulshada qabsaday sawirka wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu isku dhigay gawaarida ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxaana warar aan la xaqiijini tilmaamayaan in ciidankii baabuurtaas saarnaa ay ku signeen inay toogtaan. Inkastoo ay dhaqan xumo soo korortay tahay, haddana arrintan haddii aan laamaha nabad-gelyadu wax ka qaban waxay keeni kartaa khasaare nafeed waxaa-yeelay gaadiidka ay dhallinyaradani isku dhigayaan waxaa ku jira qaar bareeg la’aan ah oo aan waduhu si fudud u xakamayn karin iyo kuwo ciidan oo laga duubo inay qofka hor istaagaya moodaan inuu qarax ku xiranyahay ka dibna toogtaan. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo saaray hadal u muuqda hanjabaad ku socoto Soomaaliya iyo Masar, oo dhawaan dhinaca isa-saaray. Itoobiya iyo Masar oo ay ka dhaxeyso cadaawad salka ku haysa biyo xireenka webiga Niilka ayaa xilligaan waxay heshiis difaac wada saxiixdeen Soomaaliya, iyada oo uu socdo qorshe ciidamada Masar lagu keenayo gudaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uusan dalkiisa ku duulin waddan kale balse haddii la isku dayo in lasoo weeraro ay iska difaaci doonnaan, ayna taas diyaar u yihiin marwalba. Sidoo kale waxa uu dadkiisa ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo, taasi oo muujineysa in uu ku gubaabinayo dagaal, xilli laga cabsi qabo Soomaaliya inay noqoto furinta dagaal ee Masar iyo Itoobiya. “Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin balse kuwa nagu soo duulay waligood guul nagama gaarin, waxa aan iska difaacnay kuwa halista ku ah qarannimadeena,” ayuu yiri Abiy farriin cusub oo uu saaray. Hadalkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu diiday la kulanka Abiy oo billowgii sanadkaan Somaliland la gaaray is-afgarad xad-gudub ku ah midnimada dalka. Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli madaxda dowladda Itoobiya ay saacadihii lasoo dhaafay fariimo kala duwan jeediyeen, kuwaas oo intooda badan laga dheehan karaa “diyaargarow dagaal” iyagoo intq badan ku cel-celiyeen isticmaalka ereyga “cadowga”. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sugayaa in ay jawaab ka bixiso hadallada qalafsan ee kasoo yeeraya madaxda Itoobiya, xilli labada dhinac bartamaha bishaan u ballansan yihiin wada-hadal uu Turkiga garwadeen ka yahay. The post ABIY oo si yaab leh ugu goodiyay Soomaaliya iyo Masar iyo waxa laga filan karo appeared first on Caasimada Online.
  4. Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo Maraykanku ku leeyahay, taas oo dul maraysay hawada dalkaas, sida uu sheegay yahya Saree oo ah Afhayeenka milatariga ee Xuutiyiintu. Muuqaal la soo duulay oo warbaahintu heshay ayaa muujinaya diyaarad nooca MQ-9 Reaper oo ay soo rideen difaacyada cirka ee Marib oo kamida qalabka militariga ee kooxdu haystaan. Diyaaradan ayaa ah tii 8-aad ee noocaan ah oo la soo rido tan iyo markii uu bilowday dagaalka, sida ay sheegeen kooxdu, waxayna sheegeen inay tillaabooyinkan oo ka dhashay maraakiibta ay badda-cas ku beegsanayaan ugu hiillinayaan dadka reer falastiin ee maamulka Israa’iil ku gumaadayo Qasa. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga Itoobiya. Baaqan ayey culimaddu kusoo saaren war-murtiyeed ay kasoo saareen damaca guracan ee Itoobiya, xilli maalmihii u dambeeyay ay culimada ka shirsanayeen, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka. Culimada ayaa ugu horeyn bayaanka ay soo saareen ku adkeeyay midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaana qodobada ay soo saareen kamid ah; 1. Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeynayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed. 2. Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqayaan in ay u midoobaan difaaca dalka, kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed. 3. Waxa ay culimada ka digayaan dadka ku hoowlan kicnta iyo iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina waxay culimada Soomaaliyeed ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay uga difaaci lahayeen Itoobiya oo ay ku tilmaameen “cadow” iyo cidkasta oo soo damaacisa dhulkeenna. Bayaankan kasoo baxay culimada ayaa wuxuu xoojinayaa mowqifka dowladda iyo midda shacabka Soomaaliyeed oo iyagu meel adag iska taagay is-afgaradkii Itoobiya ee Somaliland ee Abiy ugu bareeray meel-marinta damaca baddeena. The post Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan culus oo la xiriira damaca Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  6. 458936031_1253139849370010_6840972571241731605_n Qaran News
  7. 458320734_945981567288220_545135365156521760_n Qaran News
  8. Garowe (HOL) — A massive fire broke out at a gas station in Garowe, the capital of Puntland, on Saturday night, causing huge damage and casualties. Source: Hiiraan Online
  9. 459093463_809216484456633_4086392768067572906_n Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga miisaniyadda dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo biiray xubno cusub. Shirka waxaa maanta ka qeyb-galay odayaasha dhaqanka, haweenka, ganacsatada iyo ururrada bulshada rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aallo la xariira hanaanka miisaniyadda qaranka ee 2025 ka. Shirka oo furmay shalay waxaa sidoo kale maanta kusoo biiray wasiirka wasaaradda maaliyadda Biixi Iiman Cige oo safar shaqo ah ugu maqnaa dalka Mareykanka iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda. Kasoo qeyb-galayaashii shirka ee maanta ayaa waxay hordhigeen wasiirka maaliyadda iyo xubnihii kale ee matalayay wasaaradda oo ay kamid ahaayeen wasiiru-dowlaha, agaasimaha miisaaniyadda iyo agaasimaha guud ee dakhliga su’aallo muhiim ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyada dowladda. Shirkaan wadatashiga diyaarinta miisaaniyadda dowladda ee 2025-ka ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo bari oo Isniin ah, halkaas oo lafilayo in ay ka soo baxaan tallooyin wax ku ool ah oo wax badan kusoo kordhin doona hab diyaarinta miisaaniyadda oo la filayo in ay ka duwanaan doonto kuwii hore. Kulankaan wadatashiga miisaaniyadda oo ah mid sanad walba la qabto ayaa sanadkaan waxa uu kaga duwan yahay sanadihii hore in laga soo hormariyay xiligii la qaban jiray oo aheyd marka la diyaaro kadib, balse si hada loo helo talo iyo gikir miro-dhal ah ayaa la qabanayaa ka hor inta aanay hey’ad waliba soo gudbinin qoondadeeda Sanad laha ah. Si kastaba, xiritaanka shirka ayay wasaaraddu ka filaysa natiijo iyo talooyin wax ku ool ah in ay ka soo baxaan kulanka wadatashiga miisaaniyadda 2025-2026, oo ah mid muhiim ah. The post Odayaal dhaqameedyo iyo xubno kale oo maanta ku biiray shirka ka socda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Anakara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay mar kale sii amba qaadaan wada-hadalladii uga socday dalka Turkiga ee horay u fashilmay. War cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in labada dal ay mar kale sii bilaabayaan wada-hadalladooda, isla markaana 17-ka bishaan ay isugu tegayaan magaalada Anakara, waxaana dhex-dhexaadinaya Turkiga oo dadaal ku bixinayo sidii ay xal u gaari lahaayeen. Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itooobiya ayaa lagu soo warramayaa inay sii tagayaan Turkiga, iyaga oo gogol xaar u ah wadahadalkan oo aan la fileyn inuu foolka ka fool noqdo. Kulankan ayaa noqonayo kii saddexaad oo ka dhaca Ankara, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan ee hore ee ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan uu noqon doono midkii u dambeeyey, yada oo haddii lagu heshiin waayo ay dhici karto kala tag wayn iyo inay wadahadallada burburaan. Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneya mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, halka weli Itoobiya ay dhankeeda ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo dhaqan-gelinta heshiiskaas oo ay ka carootay dowladdu. Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar. The post War cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saaray ayaa si la yaableh uga hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayada oo lala eegtay dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir. Warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in jugta qaraxyada la maqlay ahaayeen kuwa dheemish ah oo la dhashay baco ay Al-Shabaab dhigeen dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu boolisku xaqiijiyay in wax khasaare ah uusan jirin, isla markaana magaalada ay tahay nabad, sida lagu shaaciyay qoraalka. “Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la dhigay” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad”. Ku dhowaad 10 hoobiye ayaa xalay la maqlay, waxayna ku kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ay gaysteen. Waxaa sidoo kale ilo wareedyadu innoo sheegeen in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo burburka muuqaallada guryo ay ay daganaayeen dad rayid ah lagu baahiyay baraha bulshada. Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan bartilmaameedyo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo qaybo kamid ah degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir. The post BOOLISKA oo war yaab leh kasoo saaray hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  13. Wejiga saddexaad ee Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu hoggaaminayo Turkiga ayaa lagu wadaa in uu mar kale dib uga furmo magaalada Ankara 17 bishan September. Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa in ay dhawaan u safraan magaalada Ankara halkaasi oo uu ka furmayo Wada-xaajoodka aan tooska ahayn ee labada dal sida ay sheegayaan wararka dibloomaasiyadeed. Dowladda Turkiga ayaa laba wareeg oo hore u kala dab-qaaday labada waddan kadib wada-hadallo aan toos ahayn oo ka dhacay magaalada Ankara balse labadaasi wareeg ee wada-xaajoodka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan. Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in marka hore Itoobiya ka laabato is-afgaradkii badda ee ay la gashay maamulka Somaliland si wada-xaajoodku u guulaysto halka Itoobiya dalbatay in marka hore loo caddeeyo wixi ay ku beddelan lahayd ka-laabashada Is-afgaradkaasi. Xiisadda labada dal ayaa marba marka ka danbaysa cirka isku sii shareeraysa tan iyo intii Abiy Ahmed uu is-afgaradkii badda la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi taasi oo ay si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi millitari la saxiixatay Masar waxaana la sheegay in ciidamada Masaaaridu imaanayaan Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika taasi oo Itoobiya ka sii carootay. PUNTLAND POST The post Wejiga Saddexaad ee Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale 17 bishan ka furmaya Turkiga appeared first on Puntland Post.
  14. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa qorsheyneyso in haatan diyaarado cusub oo dagaal ay kasoo iibsato Shiinaha, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya. Masar ayaa heshiis cusub la gashay waddanka Shiinaha, iyada oo ujeedadu tahay, si ay u iibiso diyaaradaha dagaalka ee J-10C, isagana bedasho diyaaradaheeda F-16 ee Fighting Falcons. Ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo ayaa laga soo xigtay in heshiiska ay Masar diyaaradahan kusoo iibsaneyso la saxiixay bishii August ee sanadkan 2024-ka. Haddii ay Masar hesho diyaaraddan dagaalka waxay ka dhigeysaa dalkii labaad ee haysta diyaaradaha J-10C, waxaana ka hrreeyay waddanka Pakistan. Arrintana ayaa dhalisay hadal hayn xoogan oo ku aadan diyaaradaha cusub ee haatan raadsaneyso Masar oo ay si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya. Itoobiya ayaa dhankeeda wax u muuqdo diyaar-garow dagaal ku jirta, waxaana dhowan ay soo bandhigtay gantaallada balaastikada ah ee M-20, oo ay keentay xadka Soomaaliya. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanayo maalmo uun kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda. Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar. The post MASAR oo soo iibsaneysa diyaarado dagaal, xilli ay kasii dartay xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
  15. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Salub Axmed Firin iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay shirkii u horeeyay ee Dowladda Shiinaha iyo ururka Iskaashiga Boliiska Bariga Afrika (EAPCCO). Shirkaan diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Shiinaha iyo Ururka Iskaashiga Boliska Bariga Afrika (EAPCCO) si looga hortago dembiyada Argagixisada, Dembiyada Abaabulan, iyo kuwa isaga gudba xuduudaha, si loo ilaaliyo badqabka dhammaan muwaadiniinta ku nool Bariga Africa iyo Shiinaha. Sidoo kale, Taliyaasha Boliiska Bariga Afrika iyo Dowladda Shiinaha ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham oo ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyada oo laga faa’idaysanaayo horumarka Teknolojiyadda casriga ah iyo tayeynta Hayadaha Amniga Bariga Africa. Ugudanbeyn, waxaa la isla gartay muhiimadda joogteeyo kulamadaan, si loo adkeeyo is dhaafsiga khibradaha amni iyo kuwa farsamo ee Ciidanka Bolioska Bariga Africa iyo Dowladda Shiinaha. Source: goobjoog.com
  16. Markii laga hadlo galdacwadeedyada maalinlaha ah ee Hay’adaha garsoorku ay la falgalaan waxaa jira dad dhacdooyinka dacwadahaasi ku saabsanyihiin ku lug leh oo bahda caddaalada dhexdeeda looga yaqaanno magacyo kala duwan oo loogu yeero. Labada dhinac ee loo garsoorayo mid waa dhibane oo ah cidda dacwoonaysa oo faldembiyeed loo geystay ama xoolo lahaanshadoodu la hubo lagu haysto ka cabanaysa, balse dhanka qof ama kooxda wax laga tabanayo garsoorku wuxuu ugu yeeraa seddax magac oo kala ah eedaysane, tuhmane, iyo dembiile. Markii faldembiyeed dhaco dadka loo malaynayo inay kaalin ku lahaayeen ama ka dhawaayeen goobta dhibaatadu ka dhacday, loogana shakisanyahay inay ka qeyb-qaateen ayaa ah tuhmane ama tuhmanayaal, balse markii dadkaas baaris dhab lagu sameeyo qofka sida gaarka farta loogu fiiqo oo raadadka dagalku ay soo galaan, islamarkaana maxkamadda loo gudbiyo waxaa loo yaqaannaa “Eedaysane”. Haddaba markii eedaysanahaas dacwadda loo haysto lagu helo, islamarkaana maxkamaddu ay xukun ku rido ayaa loogu yeeri karaa dembiile, balse haddii waxba lagu waayo, xorriyaddiisana dib loo siiyo seddaxda magacba loogu yeeri karo oo wuxuu noqanayaan “dhiblaawe” ama qof bari’ ah sida hannaanka garsoorku qabo. La soco qeybta ee qormada garsoorka. Source: goobjoog.com
  17. Duqeynta Milatariga Israa’iil ku hayo Marinka Qasa ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 48 kii saac ee la soo dhaafay 61 qof oo Falastiiniyiin ah sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Kow iyo toban bilood oo uu socday dagaalka Marinka Qasa ayaa waxa guul dareystay isku dayo dublamaasiyeed oo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka, laguna sii daayo lahaystayaasha shisheeye ee gacanta ugu jira ururka Xamaas. Labo duqeyn oo lagu qaaday labo iskuul oo hoy u ah dadka gudaha ku barakacay oo ku kala yaala degmada Qasa iyo degmada kale ee Jabaliya ayaa waxa ugu yaraan tii ku dhintay 12 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin. Milatariga Israa’iil waxa uu sheegay in weerarka lagu bartilmaameed saday xubbno hubeysan oo ka tirsan Xamaas oo ka hawgalayay dhismayaasha la duqeeyay. Shan qof oo kale oo falastiiniyiin ah ayaa duqeyn cirka ah lagu dilay guri ku yaala degmada Qasa, waxana tirada Sabtidii shalay la dilay oo kaliya ay noqonaysaa 28 qof. Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islaamik Jihaad iyo Fatax ayaa sheegay in ay dagaal adag oo loo adeegsanayo garneylo, hoobiyayaal iyo miinooyinka dhulka lagu aaso ay kula jiraan ciidamada Israa’iil. Bbcsomali Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo qalqal ku beeray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Ku dhowaad 10 hoobiye ayaa la maqlay, waxayna ku kala dhaceen degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ay gaysteen. Waxaa sidoo kale ilo wareedyadu innoo sheegeen in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo burburka muuqaallada guryo ay ay daganaayeen dad rayid ah lagu baahiyay baraha bulshada. Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in qaraxyada la maqlay ay ka dhasheen bacasho dheemish ah oo ay tilmaameen in Al-Shabaab ay ku cabsi galinayeen shacabka ku dhaqan caasimada. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana weli soconayo baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka, si gacanta loogu soo dhigo dambilayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa ku beeray reer Muqdisho. Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan bartilmaameedyo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo qaybo kamid ah degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir. The post Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaashii xalay lagu garaacay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — The Somali Police have denied reports of mortar attacks in Mogadishu despite multiple explosions shaking the city on Saturday evening. Eyewitnesses dispute official statements attributing the blasts to non-militant activity, raising concerns over the accuracy of the government's response. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Egypt has secured a deal with China to acquire advanced J-10C fighter jets, a major step in modernizing its military amid ongoing tensions with Ethiopia over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). The agreement, signed on August 19, positions Egypt as the second country to operate these Chinese-built fighters, following Pakistan. Source: Hiiraan Online
  21. Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhawaq xooggan oo xalay dhawr jeer laga maqlay Muqdisho uu ahaa baco la dhigay gooba kala duwan. “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliya. Taliska Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah oo intaasi dheer ma bixin balse wuxu sheegay in aan khasaare nafeed ka dhalan bacaha marka laga reebo waxyeello gaartay guryo jiingadood. ” khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la ag dhigay” ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post Taliska Booliska Soomaaliya oo beeniyay in xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Khasaare hantiyeed oo baaxad leh ayaa ka dhashay dab fiidnimadii xalay qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla bariga magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ahna caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Dabka oo saacado badan lala tacaalayay, islamarkaana xilli dambe damintiisa lagu guulaystay ayaa sababay gubashada gawaari badan oo goobta taallay, halka kaalintii shidaalna ay si xun u basbeeshay. Milkiilaha kaalinta shidaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan waxba ka cayman hantidii goobtaas taallay oo shidaal iyo baabuurba isugu jirtay, asagoo tilmaamay in Qadar Alle ay wax waliba ku dheceen, islamarkaana ay ku qanacsanyihiin. Ma jirto wax khasaare nafeed ah dhaawac iyo dhimasho toona oo la xaqiijiyay in dabku sababay, balse dhammaan hantidii goobtaas taallay waxba kama badbaadin sida ay masuuliyiintu sheegeen. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi saraakiil Mareykan ah ayaa maanta gaaray furinta hore ee dagaalka ee dhinaca gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha Mareykanka ee wehlinaya taliyaha ciidamada Xoogga dalka waxaa kamid ah taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. Sidoo kale waxay saraakiishan kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, ayada oo kulanka looga hadlay sidii kooxda Al-Shabaab looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin deegaanada HirShabelle iyo guud ahaan dalka. Taliye Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo kulanka ka hadlay ayaa amray saraakiisha ay la kulmeen inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga. Dhankooda saraakiisha ka socota Mareykanka ayaa soo dhaweeyay howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayna ka qaadan doonaan doorkooda. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Shabeelaha Dhexe dib looga bilaabay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi. Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolka ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday Al-Shabaabka ku sugan hawdka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale taageero siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. The post Saraakiil MAREYKAN ah oo tegay furinta hore dagaalka Shabellaha Dhexe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  24. MINNEAPOLIS – Amid the chatter of mid-day grocery runs and pharmacy orders being filled at Afrik Grocery in Minneapolis' Cedar-Riverside neighborhood, Fardousa Yossuf stuck out her hand and introduced herself as "a storyteller." Source: Hiiraan Online
  25. Booliska gobolka Kentucky ee waddanka Mareykanka ayaa sheegay in nin hubeysan oo weli baxsad ah uu Sabtidi shalay ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah. Boolisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay toogashada uu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhaw keymaha koofurbari ee baadiyaha gobolka Kentacky. Qeybta taliska booliska ee degmada Laurel ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay, in dad badan lagu toogtay meel u dhaw waddada weyn ee gaadiidka gobollada aada maraan. Waxay kaloo sheegeen in jidkaasi ilaa 9 mayl la xiray. Duqa degmada yar ee London ee gobolka Kentucky Randall Weddle ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhaawacyada 7 qof. Qaarkood ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen shilal jidka ka dhacay oo ayay sababtay toogashada. Toogashadan ayaa imaneysa laba maalin kaddib marki wiil yar oo hubeysnaa uu laba macallim iyo laba arday ku dilay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Georgia. Falkaasi ayaa loo xiray wiil 14 jir ah iyo aabihiis oo loo heysto in uu u ogolaaday wiilka qoriga uu dadka ku laayay. PUNTLAND POST The post Booliska Mareykanka oo baadi-goobaya nin hubaysan oo dad ku laayay Gobolka Kentucky appeared first on Puntland Post.