Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa habeen hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimkii waynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig), kaas oo isla shalay lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay kumaan kun oo dad ah una badan Jamaacadiisa. Geerida Sheekh Cusmaan Xiddig kadib ayaa waxaa haatan soo kordhay arrin kale oo uu ka dhawaajiyay Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow) oo la sheegay inuu ka mid yahay Imaamyada Masjidka wayn ee Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho, kaas oo war yaableh kasoo saaray geerida marxuumka. Ibraahim Ciyow ayaa soo saaray qoraal dheer oo ‘u muuqdo mid digasho ah’ wuxuuna si aad ah loogu baahiyay baaraha bulshada, kadib markii ay ka caroodeen dad badan. Ninkan ayaa qoraalkiisa uga hadlay Kutubadii uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig oo uu ku tilmaamay inay ka hadlaan shirki iyo la barakeysto maydkiisa. “Geeridu digasho maleh laakiin mabaadi’da mujaamalo ma taqaan . Waxaan arkayay kuwa wahaabiyo ah oo leh “ sh cismaan xidig ilaaheey ha unaxariisto ,wuxuu allifay kutub badan oo naafico ah ……….” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ibraahim Ciyow. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nacam wuu allifay kutub lkn ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu ubixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un , mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay , ilaaheey baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan”. Imaamka Masjidka Cali Jimcaale oo sii hadlay ayaa xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay. “Al muhiim qofku wuxuu yahay inuu yaqaan waa muhiim inta uusan caadifadii iyo qalbi jileecee ummu hebel galin, igana qor inaad arki doontaa isaga oo mardhow la caabudayo oo magac Ziyaaro loo bixin doono u tagistiisa iyo baryadiisa, illeen isagaaba usii dhigay in la barakeysto, haddii uu dhintee” ayuu mar kale yiri Imaamka Masjidka Cali Jimcaale. Arrintan ayaa dhalisay dood xasaasi ah iyo falcelin xoogan, waxaana ka hadlay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka carooday hadalka kasoo yeeray Ibraahim Ciyow. Siyaasiga caanka ah Cali Yare oo ka falceliyay ayaa yiri ” Waxaan maqlayaa in ninkaan kibray ee baarqabka ah oo meydka AUN Shiikh Cismaan Xidig caayay kuna tilmaamay mushrigga inuu Iimaam ka yahay masjidka Shiikh Cali Jimcaale ee Muqdisho ku yaalla iyo inuu macalin u yahay ardayda masaajidka quraanka lagu baro. Middii ay labadaas tahayba xertii Sheekhu ka tagay ee kumanaanka kun ah iyo ummada muslimka ah ee ninkaan magaalada uu joogo la joogta ama haleeli karta masuuliyad in la edbiyo ah ayaa dushooda saaran”. Shiriif Shire Axmed ayaa isna yiri “Waa xaqiiq in uu soo saarayo kuwa is qarxiya Somalia waxaa la dagay waa dadka nuucaan ah oo cid wax ka qabanaysa aysan jirin”. Sakariye Cabdi Xakiin ayaa isna ku jawaabay “Ibraahiim Ciyow cilmiga aad soo baratay maku fari waayay inaad maytida afkaaga ka dhowrto. Sheekh Cismaan Xidig AUN inaad ku tilmaamto qof shirki faafinaya maaha wax lagaa aqbali karo, waliba Masjidka Cali Jimcaale in aad imaam noogu noqoto adigoo culimadeenii gaalaysiinayana”. Ayuu Barre ayaa yiri “Ma jecleen inaan wax yaabo kale ka hadlo balse waxaan la aamusi waayay dhaqan xumada iyo jaahilnimada xargaha goosatay ee inankaas kula dhaqmaayo Ahlu-qabuurka”. Ugu dambeyn Ibraahim Ciyow ayaa qoraalkii uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ka saaray, laakiin dad badan ayaa sawirro ka qaaday, kadibna jawaaba kulul ka bixiyay. The post Caro xooggan oo ka dhalatay Imaam Masjid ‘oo u gefay’ Sheekh Cusmaan Xiddig appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeisa (HOL) — The Hargeisa International Book Fair, one of the most significant literary events in Africa, entered its second day on Sunday, showcasing a diverse array of books, historical photographs, traditional tools, and ancient artifacts reflecting the rich cultural heritage of Somaliland. Running from July 20 to 25, 2024, at the Hargeysa Cultural Centre, this year's event features Tunisia as the partner country with the theme "Togetherness." Source: Hiiraan Online
  3. Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen. Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Israa’iil ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen. Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaadhay dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il. Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta. Dhanka kale, ayaa Sabtidi sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen dilka 29 Falastiiniyiin ah. Dadka la dilay shalay waxaa ku jiray wariye lagu magacaabo Mohammad Abu Jasser, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, kaddib marki gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza la duqeeyay. Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa ku warramay in Maxamed Jaser uu noqday saxafigi 161-aad ee ay Israa’iil ku disho Gaza tan iyo 7-badi bishi October. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan raashin dhacay oo dhowaan lagu qabtay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo gudbiyo suuqyada Muqdisho, si loo iibiyo. Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay inuu dhacay, wuxuuna gaarayay illaa 7 kunteenar. Intaas kadib waxaa kiiskan la wareegay xafiiska xeer ilaaliyaha oo baariis dheer kadib caddeeyay in Burkan uu yahay mid dhacay, wuxuuna kasoo saaray go’aan culus. Xeer ilaaliye Mustaf oo dekedda kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga. “Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay” ayuu yiri xeer ilaaliye Mustaf. Waxaa kale oo uu kusii daray “Todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaalinayay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in warbixin baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay. “Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, lala wadaagaayo safaaradda Turkiga” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo la go’aamiyay in shirkadda keentay Burkan dhacay magdhow ahaan looga qaado lacagtii ka baxday ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu soo qaldan badeecaddaasi. Ugu dambeyn hay’adda Taya-dhowrka iyo Xeer ilaalinta ayaa digniin culus u diray guud ahaan ganacsatada, waxayna sheegeen in tallaabi laga qaadi doono cid kasta oo raashin dhacay dalka usoo dhoofiso, maadaama uu halis ku yahay nolosha dadka Soomaaliyeed, The post Daawo: DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo cajiib ah, dal kalena ku celisay… appeared first on Caasimada Online.
  5. Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si qoto dheer uga walaacsan dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Buulo Mareer Shabeellaha Hoose 17-kii Luulyo 2024 sanadkaan taasoo lagu dilay dad shacab ah. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay ATMIS in ay dileen laba qof oo shacab ah sidoo kalena ay dhaawaceen mid kale. ATMIS ayaa sheegtay in ay la socota dhacdadaan , islamarkaana ay bilowday baaritaano ku saabsan dadkaasi. “Waxaan bilownay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedaymahan waxayna halkan u xaqiijinaysaa dhammaan daneeyayaasha in natiijada la soo bandhigi doono dadweynaha marka la soo gabagabeeyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS. Waxa ay intaasi kusii dartay “ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen, waxayna u rajaynaysaa in ay u hiiliyaan xilligan adag.” ATMIS ayaa sheegtay in Hawlgalladeeda Taageerada Nabadda ee Soomaaliya ay hagto ATMIS-ta udub-dhexaadka u tahay ilaalinta nolosha rayidka. “Ciidamada ATMIS waa in ay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Xeerarka Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada milatari, iyada oo si gaar ah xoogga loo saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS. ATMIS waxa ay sheegtay weli ka go’an tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka dhammaan hawlaheeda, islamarkaana markii howlgalka dhamaado ay soo bandhigi donaan sida falka u dhacay. Source: goobjoog.com
  6. Economic issues and LGBTQ issues in local schools are prompting more Somali voters to choose Republican candidates, according to some local Somalis. Source: Hiiraan Online
  7. Three people were killed in the air raids against the port city which come a day after a drone attack by the Yemeni group killed one person in Tel Aviv. Source: Hiiraan Online
  8. Donald Trump held his first campaign rally since he survived an assassination attempt Saturday, returning to the battleground state of Michigan alongside his newly named running mate. Source: Hiiraan Online
  9. Milateriga maamulka Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka fuliyeen magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee dalka Yemen, taas oo jawaab u ah weerarrada kooxda Xuutiyiinta horey ugu qaadeen dhinacooda. Wasaaradda caafimaadka ee ka hawl-gasha deegaannada ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen, 87 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha, ayadoo intaa ku dartay in qaar badan oo ka mid ah dadkaas waxyeello gubasho ahi ay soo gaartay. Duqeymaha cirka ah ee Israa’iil ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Xuutiyiinta ay sheegteen mas’uuliyadda weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo hal qof ku dilay Tel Aviv, laguna dhaawacay 10 kale oo Israa’iiliyiin ah. TV-ga Al Masirah ee taageera kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarka Israel lala beegsaday goobo lagu keydiyo saliida iyo warshad koronto oo ku taal Xudeydah, halkaasi oo uu dab ka kacay, waxyeello gubasho ahi ay ka dhalatay. Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiisha caafimaadka ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan la cayimin tirada rasmiga ah, balse militariga Israa’iil ayaa caddeeyay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo militari oo ku yaal Yemen. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo inuu dagaalka Qasa ku sii baaho guud ahaan Bariga Dhexe, waana duqeyntii ugu horreysay ee ay Israa’iil ka fuliso gudaha Yemen tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa. Source: goobjoog.com
  10. Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaadday dekedda Xudeydah ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen, maalin kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay kooxdaasi leedahay duqaysay magaalada Tel Aviv. Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa in dalkiisu uu fariin u diray dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta. “Dabka hadda ka holcaya Xudeyda, waxaa laga arkay Bariga Dhexe oo dhan, muhiimadduna waa caddahay,” ayuu yiri Gallant Wakaaladaha wararka ee Xuutiyiinta ku xiran ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen in ka badan 80 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil. Sarkaal ka tirsan Xuuthiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa weerarka diyaaradaha israa’iil ku tilmama “gardarrada Israa’iil ee Yemen”. Waxa uu sheegay in duqeymahan looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Xuutiyiinta in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Qasa, arrin uu sheegay in aysan dhici doonin. Waa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay si toos ah uga jawaabto waxa ay ku sheegtay boqolaal ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen iyo weeraro gantaallo oo lala beegsaday dhulkeeda bilihii la soo dhaafay. Muuqaal laga soo duubay Xudeydah ayaa muujinaya dab weyn oo kacaya fiidnimadii Sabtida. Xukuumadda Sanca ee Xuutiyiinta ay maamulaan ayaa sheegay in Israa’iil ay garaacday goobo saliidda lagu keydiyo oo u dhow xeebta, iyo sidoo kale warshad koronto ah oo halkaas u dhow. War qoraal ah oo ay soo saarteen ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF, ayaa lagu yyiri “Ka dib sagaal bilood oo weeraro cirka ah oo isdaba joog ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Israa’iil, diyaaradaha dagaalka ee IAF, Ciidanka Cirka ee Israa’iil, waxay fuliyeen weerar hawl-gal oo ballaaran oo ka dhacay meel 1,800km u jirta bartilmaameedyada militariga argagixisada Xuutiyiinta” ee aagga dekedda Xudeyda. “IDF waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso meel kasta oo looga baahan yahay, waxayna weerari doontaa ciidan kasta oo khatar gelinaya Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaanka, Israa’iil ayaa howlgalkeeda sabtidii ay ku garaacday Yemen ugu yeertay ‘Garabka fidsan.’ Mr Gallant, ayaa sheegay in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen kooxdan sababtoo ah waxay dhibaato u geysteen Israa’iiliyiinta. “Xuutiyiintu waxay na soo weerareen in ka badan 200 oo jeer, waa markii ugu horeysay ee ay waxyeello u geystaan muwaadin Israa’iili ah, anagu waa weerarnay. Taasna waxaan ka sameyn doonnaa meel kasta oo looga baahdo,” ayuu yiri. Gallant. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Isagoo hadlayay Sabtidii kadib weerarrada, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisa uu “si walba isu difaaci doono” waxkasta oo ay ugu kacdo. “Qof kasta oo na wax yeelo waxa uu ku bixin doonaa qiime aad u culus gardaradooda,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay telefishinka, isagoo sheegay in dekadda ay duqeeyeen ay tahay meel laga soo galiyo hubka Iran. Wuxuu intaa ku daray in cadowga Israa’iil ay u muujinayso inaysan jirin meel aysan gaari karin. Duqeymo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dhismo ku yaalla magaaalada Tel Aviv, ayaa sarkaal ka tirsan militariga Israa’iil uu sheegay in diyaarad nooca ay duuliyaha lahayn ee Iiran lagu farsameeyey ay fulisay weerarka. Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkaas, waxayna wacad ku mareen inay sii kordhin doonaan. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay nin 50 jir ah oo dhawaan u guuray Israa’iil isagoo ka yimid Belarus, waxaana ku dhaawacmay siddeed kale. Sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda difaaca ay ogaadeen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee imaanaysa balse aysan isku dayin inay soo ridaan sababta oo ah “qalad bini’aadantinimo”. Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, oo ah hay’adda fulinta ee dhaqdhaqaaqa, ayaa laga soo xigtay warbaahinta ay maamulaan Xuuthiyiinta fiidnimadii Sabtida in ay jiri doonto “jawaab wax ku ool ah” oo ku saabsan duqeynta cirka. In kasta oo aanay Israa’iil hore u duqayn Xuutiyiinta Yemen, haddana Maraykanka iyo UK waxa ay wadeen duqeymo ka dhan ah kooxdan muddo bilo ah si ay u joojiyaan Xuutiyiinta oo weerarro ku qaada maraakiibta ganacsi ee mara gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Xuutiyiinta ayaa markii hore sheegay in ay weerarayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil, ama ku sii jeeda ama ka baxaya. Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yahya Saree, ayaa wacad ku maray in kooxdu aanay ka waaban doonin weerarrada “bartilmaameedyada muhiimka ah” ee Israa’iil, saacado kaddib markii Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadday magaalo xeebeedka Xudeydah ee Yemen. Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay jiri doonto “jawaab wax ku ool ah” oo laga bixiyo duqeynta Israa’iil. Source bbcsomali Qaran News
  11. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirkadaha korantada kula xisaabtamayso waxyeellada dadweynaha iyo hantidooda ka soo gaarta dabka ay sababto korantadu, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin khasaare walba oo taxadar la’aan iyo masuuliyad xumo keenaan. Maareeyaha hayadda korantada qaranka Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ilaalinta bedqabka dadweynuhu ay tahay musiiliyadda ugu weyn ee hay’adda saaran, islamarkaana ay shirkadaha kula xisaabtami doonaan qaladaadka aqoon xumada iyo dayaca ku yimaada ee dadka waxyeelada u geysta. Maareeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay hubin doonaan tayada qalabka korantada iyo waxtarkiisa si uu u noqdo mid ku habboon, una qalma halbeegyada saxda ah ee agabka loo adeegsado korantada caalamiga. Hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli ay shilal badan oo korantadu sababta u tahay dalka ka dhacaan, islamarkaana ay dhashaan waxyeellooyin isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed, ayadoo aan dhibaatadaas inta badan waxba layska weydiin, cidna loo maxkamadayn. Source: goobjoog.com
  12. A PROMINENT IRISH-Somali anti-female genital mutilation (FGM) activist has said care and supports for victims of female genital mutilation in Ireland are not currently adequate. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) —African Union peacekeeping forces, ATMIS, have been accused of killing at least two civilians in the Buulo Mareer area of the Lower Shabelle region, sparking major concern and prompting an investigation. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan hubka sharci darrada ah, dagaallada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18 xildhibaan oo ka tirsan Golaha. Xildhibaan Cali Mahdi Qalato oo ka tirsan xubnaha gudbiyay mooshinkan ayaa faah-faahiyay ujeedkooda, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin keenista mooshin, maadaama ay yihiin xildhibaanno, ayna tahay inay la xisaabtamaan cid kasta oo gudan wayso shaqadeeda. “Mooshinka sidiisa xildhibaannadu xaqbey u leeyihiin inay keenaan oo waxaa weeye ciddii shaqadeeda gabta in laga keeno waajib waayay, baalamamaanka sidiisaba wuxuu ku shaqeeyo waa mooshin” ayuu yiri Xildhibaan Cali Mahdi Qalato. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka mooshinka ay gudbiyeen uu yahay mid ku toosinayaan xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay ku fashilantay shaqadeeda, “Mooshinkii maanta waxaan rabnaa in aan dalka ku toosino, waayo xukuumaddan waxaan ka war heynaa sida ay maanta fadhiidka u tahay” ayuu mar kale yiri xildhibaan Qalato. Waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala diro xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isla markaana uu soo dhiso xukuumad cusub, “Aniga waxaan qabaa in madaxweynaha Soomaaliyeed ay hal arrin u furan tahay dalkii maanta siyaasad waa lagu kala tegay arrimaheenna gudaha qalalaase ayaa ka jira, dalkii maanta cadow ayaa kusoo duulay waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in xukuumadda uu kala diro, maadaama ay fashilantay oo uu soo dhiso xukuumad ka shaqeyn karta midnimada iyo qaranka Soomaaliyeed” ayuu kusii daray xildhibaanku. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, taas oo leh wajiyo kala duwan, waxaana xaaladda ugu adag wajahaya xukuumadda. The post Muxuu yahay MOOSHINKA cusub ee guddoonka golaha shacabka loo gudbiyay? appeared first on Caasimada Online.
  15. Shamsa Sharawe has become infamous within the Somali community across the world for speaking out against female genital mutilation (FGM) . In a video to illustrate what happened to her vulva when she was aged six she cut off the petals of a rose with a razor blade and then stitched up what was left of the flower. Source: Hiiraan Online
  16. ANKARA, Türkiye (HOL) — Türkiye has submitted a presidential motion to the Turkish Grand National Assembly (TBMM) seeking authorization to deploy troops to Somalia for two years. This decision continues Türkiye's long-standing support for Somalia's security and economic development. Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI, July 20 (Xinhua) -- The Horn of Africa region will have warmer than usual temperatures during the August-October season, the climate prediction agency of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) said Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. Xudeyda (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Isra’il Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen. Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Isra’il ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen. Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaaray dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il. Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta. Dhanka kale, ayaa Sabtidi sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen dilka 29 Falastiiniyiin ah. Dadka la dilay shalay waxaa ku jiray wariye lagu magacaabo Mohammad Abu Jasser, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, kaddib marki gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza la duqeeyay. Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa ku warramay in Maxamed Jaser uu noqday saxafigi 161-aad ee ay Isra’il ku disho Gaza tan iyo 7-badi bishi October. The post ISRAEL oo weerar cirka ah ka fulisay dalka YEMEN appeared first on Caasimada Online.
  19. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa soo saaray Qodoba dhammaystir u ah Nabadaynta Colaaddii Galbeedka Mudug. Dhinacyada oo Shir ku yeeshay Degaanka Maygaagta ee Galbeedka Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay Qodobada dhammaystirka Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta ee Colaadda Labada Beelood ee ku dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug. Waxaa la go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhammaystirka fulinta Qodobadii Xabbad-joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka Beelihii dagaallamay, islamarkaana Ciidamada qaabilsan Amniga ay xaqiijiyaan in aan isku dhac danbe imaan inta laga hirgelinayo Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah. Waxaa Sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo Degaameyn laga sameeyo Dhulkii lagu dagaallamay, waxaana loogu baaqay dhammaan Odayaasha Labada Beelood in ay Kaalintooda ka qaataan Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta Labada dhinac. 5/8/2024 ayaa loo asteeyay in uu furmo Shirka Rasmiga ah ee Nabadaynta Labada Beelood, kaasi oo lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro Gogoshii Wada-hadalka Nabadda Labada dhinac ee dirirtu dhexmartay. Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay In wadahadallada Gogoshu ay ku koobnaadaan Odayaasha Labada dhinac, iyadoo Maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan mar walba lana xallinayaan Odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan sidoo kalana ay farsamao ahaan hagayaan Maamulka Shirka. PUNTLAND POST The post Go’aanno laga soo saaray dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  20. Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay xarunta guddiga kula shiray madaxda xisbiyada siyaasadd Puntland, oo walaac ka qaba hufnaan la’aanta doorashada. Qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lagu sheegay in shirka labada dhinac guddiga iyo xisbiyada siyaasadda looga hadlay hufnaanta doorashada saddexda degmo. “Shirka ayay ugu wada hadleen sidii ay saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo xor iyo xalaala, sidoo kale xisbiyada iyo Guddiga ayaa ka wada dooday tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyagoo ku dhameeyay is afgarad labada dhinaca” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. Sabtidii shalay war-saxaafadeed wadajir ah, oo ay soo saareen lixda xisbi oo kala ah; Mideeye, Mustaqbal, SINCAD, Ifiye, RUNCAD iyo Shaqaalaha ayay ku muujiyeen walaaca ku aaddan hufnaan la’aanta doorashada, kadib markii sida ay sheegeen xisbiga talada haya ee Kaah uu xad-gudub ku sameeyay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada saddexda degmo. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashada iyo xisbiyada Siyaasadda Puntland oo xalay shir ka yeeshay arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Dhabancad loogu magacaabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland. “Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Punland” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale Wasiirkii Hore Tamarta iyo Macdanta Puntland Carshe Maxamed Siciid u magacaabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Dhabancad iyo Carshe u magacaabay Wakiilada Arrimaha Siyaasadda iyo Ganacsiga ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si deg deg ah uga jawaabay weerarradii ay Israa’iil ka geysatay magaalada Xudeyda, kaddib markii weerareen magaalada ay ku taal dekedda ugu muhiimsan Israa’iil ee Eilat. Xoogagga Xuutiyiinta Yemen oo ka jawaabaya weerarkii Israaiil ee dekedda Xudeyda ayaa tiro gantaallo u direy gudaha Israaiil kuwaasi oo qaarkood ku dhaceen magaala xeebeedda Eilat inkasta oo aan la soo werin khasaare. Ciidanka Israa’iil , ayaa xaqiijiyay in qaraxyo ka dhaceen magaalada ay ku taal dekedda badda cas ee Eilat waxaana warbixin ay baahiyeen lagu sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira qaraxyada ka dhacay Eilat. Israa’iil oo cabsi ka qabta gantaallada Xuutiyiinta ayaa durba bilowday diyaar-garow iyo difaac gelis waxaana heegan la geliyey maamullada dekedaha, garoommada diyaaradaha iyo tareennada. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo si deg deg ah uga jawaabay weerarkii Israa’iil ee Xudeyda appeared first on Puntland Post.
  23. Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 87 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay diyaaradaha dagaalka ee Isra’il Sabtidi shalay duqeeyeen dekadda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen. Weerarkan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Dowladda Iran ay gantaal nuuca riddada dheer ku dhufatay magaalada canagsiga Isra’il ee Tel Aviv, halkaas oo la sheegay in uu ku dhintay hal qof afar kalana ku dhaawacmeen. Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga ayaa sheegay, in dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaaray dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, kuwaas oo ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha f-15-ka Isra’il. Afhayeen u hadlay milatariga Isra’il ayaa sheegay in dekadda Xudeyda ay Xuutiyiinta ay kala soo dagaan hubka uga yimaada Iran. Waxuu kaloo sheegay in meelaha kale ee ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha tamarta. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqaysay magaalada Xudeyda ee dalka Yemen appeared first on Puntland Post.
  24. Somalia is in deep mourning following the passing of Sheikh Osman Sheikh Omar Sheikh Daud, widely known as Sheikh Osman Hidig – which literally means Sheikh Osman Star – as he was a star among his fellow students during their learning years. His death has profoundly impacted the nation, as he was a highly respected and influential Islamic scholar. Thousands of mourners gathered to pay their respects, with many lifting his coffin in a show of collective grief and reverence. The solemn funeral procession moved to the cemetery, where the final rites were performed. Sheikh Osman Hidig was renowned for his dedication to the propagation of Islamic teachings. His lifelong commitment to religious education made him a beloved figure in the country. His funeral was attended by individuals from across the country and abroad, all united in their respect and admiration for the scholar. The funeral procession took place in the Karan neighborhood of North Eastern Mogadishu. Despite the intense heat of the sun, attendees walked several kilometers to reach the burial site. Sheikh Mohamud Ow Abdulle Arif, a prominent Sheikh, delivered an emotional tribute, emphasizing Sheikh Hidig’s unwavering dedication to spreading religious knowledge and his significant impact on the community. “His history does not need to be elaborated upon, as he was widely known for his dedication to spreading the faith. May Allah have mercy on him,” said the famous Sheikh, Mohamud Ow Abdulle Arif, almost in tears, due to grief. He said that the cleric was dedicated to serving the religion of Allah, and he taught many Imams who enlightened the Islamic religion. Sheikh Bukhari, another cleric present at the funeral, described Sheikh Osman as a distinguished religious scholar. “I kissed him three times on the forehead on your behalf,” he told the gathered mourners, attempting to calm them down. As Sheikh Osman Hidig mastered several arts of the Arabic language, he became an expert in it. This enabled him to write over 19 books, which are now valuable resources for learning about religious studies. The Somali government expressed its condolences, recognizing Sheikh Osman Hidig as a true servant of Allah. Born in 1942 in Eeldheer town, Galgaduud region, Sheikh Osman memorized the Holy Quran at the age of ten. He then pursued advanced studies in Islamic studies and traveled to the city of Bardhere in the Gedo region, which is far from his hometown, thousands of kilometers. Prominent lawyer Abukaate Dudaye described Sheikh Hidig’s death as a “great tragedy” while acknowledging that such losses are a part of the human experience. Current and former leaders, politicians, and well-wishers have all expressed their sorrow, noting Sheikh Hidig’s rare dedication and significant contributions to the religious and educational landscape of Somalia. May Allah grant him eternal peace and mercy. The post Somalia mourns a revered cleric: Sheikh Osman Hidig’s legacy of faith and guidance appeared first on Caasimada Online.
  25. Ankara (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa werisay in Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga, kaas oo Turkigu u ogolaanaya inuu shidaal ka baaro 3-aag oo ku yaalla gudaha badda Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa heshiiskaan la saxiixday dhigiisa Turkiga Alparslan Bayraktar, munaasabadda heshiiskaan lagu saxiixay ayaa ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, warbixintaan ayaa soo baxday Khamiistii. Dowladda Turkiga ayuu heshiiskaan xuquuq gaar ah siinayaa, sida ku cad warbixinta, waxaana si buuxda loogu ogolaaday in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ay ka baarto, kadibna ka soo saarto 3-aag oo badda Soomaaliya ah, kuwaas oo kiiba yahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah. Warbixintaan oo dowladda Soomaaliya aysan shaacin waxaa daaha ka rogay Wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dowladda Turkiga Bayraktar, isagoo warbixintiisa ku cadeeyey inta uu dhan yahay dheerarka dhulka ay u ogolaatay Soomaaliya. “2 kamid ah 3-da aag, waxaa 50 KM gudaha loo galayaa badda, halka midka kale 100 KM loo aadayo gudaha badda,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo u waramay Wakaaladda Wararka Tukriga ee Anadol. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wajiga 1-aad ee baaristaan ay samin samey doonaan, taas oo ay ku eegayaan aagagga loo ogolaaday “Waxaan u direynaa Soomaaliya markabkeena Oruc Reis dhamaadka September ilaa bilowga October,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar. Wasiirka oo tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay saxiixa heshiiskaan dhexmaray labada dal ayaa sheegay in hadda uu Turkigu deg deg u bilaabayo sahmin qaada doonta dhowr bilood. “Waxaan direynaa shaqaale gaaraya 50 qof oo raacaya Markabka Oruc Reis, waxaana safarkaas ku wehli doona 5 Markab oo kale oo sahanka ka caawi doona, baaritaankaas wuxuu hoggaami doonaa qodista iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya, hadii ay suurtagasho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar. Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo haatan tallaabadii ugu horreysay u qaaday difaaca Badda Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamo uu ku geeyo xeebaha Soomaaliya. Arrintan ayaa daba socota heshiiskii difaaca ee ay horay u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga , kaas oo la saxiixay bishii Febraayo ee sanadkan 2024-ka, ayada oo ujeedka uu yahay in Ankara ay la wareegto amniga iyo difaaca guud ahaan Badda Soomaaliya. Erdogan ayaa mooshinka uu geeyay baarlamaanka ku dalbaday in la siiyo muddo labo sano ah, taas oo awood u siinaysa in Turkiga uu ciidamada baddda usoo diro Soomaaliya. “Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga. Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ay soo gaaraan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo ka ilaalin doono cadow iyo kalluumaysiga sharci-darada ah. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jirtay in horaantii bishan uu Turkiga isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay badda, isaga oo martigeliyay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse kulankooda uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan. Si kastaba, Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. The post DF oo 3-aag Turkiga u saxiixday inuu shidaal ka qodo iyo Turkiga oo shaaciyey qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.