Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baidoa (HOL) — A delegation led by Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre arrived in Baidoa on Wednesday to hold talks with Southwest regional state leaders about enhancing federal-state relations. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo uu ku mamnuucayo in dabaqyo dhaadheer laga dhiso goobo cayiman oo magaalada caasimada ee Muqdisho. Maamulka gobolka ayaa mamnuucay in dabaqyo ama dhismayaal dhaadheer laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan sida: Xamar weyne, Xamar-jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jaziira. Sidoo kale waxa uu maamulka sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 11-ka bisha 9 ee 2024 uu dhaqan-gal yahay amarkaan, islamarkaan aan laga dhisi karin dhismo dheer gudaha garoonka Aadan Cade iyo Xalane hareerahooda. “Waxaa la mamnuucay oo kale in dabaqyo dheer laga dhisi karin bar-kontrolada laga soo galo garoonka Aadan Cade, guri aan ka dheereyn saddex dabaq,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta. Waxa uu intaas kusii daray “Laga billaabo maanta in aan laga dhisi karin xeendaabka garoonka Aadan Cade iyo Xerada xalane guri aan dhismahiisu ka dheereen hal dabaq.” Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku goodiyay in ciddii ku xad-gudubta ama u hoggaansami weyda awaamiirtan laga qaadi doono tallaabo sharci ah. Awaamiirtan cusub ee uu maanta soo rogay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in loo gaaray sababo la xiriirta amniga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kadib cabasho ka timid diyaaradaha caalamiga ee yimaada garoonka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Maxay yihiin goobaha gobolka Banaadir uu mamnuucay in laga dhiso dabaqyo? + Video appeared first on Caasimada Online.
  3. Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, ku yaal ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay dhismaha dabaqyo ka dheer hal-biyaano. go’aankaan ayaa ka hortagaya in dhismayaasha cusub ee garoonka ay dhaafaan hal dabaq, taasoo macnaheedu yahay in aan la dhisi karin dhismooyin dhaadheer. Amniga Garoonka Aadan Cadde wuxuu muhiim u yahay amniga duulista hawada. Dhismayaal dhaadheer ayaa keeni kara arrimo amni, sida saamaynta muuqaalka garoonka iyo ka hortagga dhibaatooyinka suurtagalka ah ee ku yimaada diyaaraduhu sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda duulista hawada. Dhismaha Hadda socda, Dhismooyinka hadda socda ee ka baxsan xeerkan ayaa la joojiyay si loo hubiyo in dhammaan dhismayaasha cusub ay waafaqsan yihiin shuruudaha xeyndaabka. Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in go’aankan uu yahay wada shaqeyn u dhexeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, si loo xaqiijiyo in garoonka Aadan Cadde uu sii ahaado mid ku habboon oo ammaan ah. Xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ka socda Dhismayaal kala duwan inta badan dhismayaashaasi waxaa leh mas’uuliyiin dowladeed. Source: goobjoog.com
  4. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan wada-hadallo cusub kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay wadaa qorshe culus oo ay ku dooneyso in dalka uga sameysaneyso xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wada-hadalladu ay marayaan meel xasaasi ah, isla markaana Turkiga uu doonayo inuu isku ballaariyo Soomaaliya, maadaama uu haatan saaxib la yahay, isla markaana uu ka taageero dhanka milatariga. Qorshahan ayaa qayb ka ah kordhinta masaafada gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl). Turkiga ayaa leh barnaamij muddo dheer soo socday oo ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer iyo in ay qayb ka noqdaan tartanka hawada sare ee caalamka. Arrintan weli kama hadlin dowladda Soomaaliya, waxaana la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali uu diiday in uu faah-faahin ka bixiyo wada-hadallada socda iyo qorshaha Turkiga ee ku aadan sameysashada xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada. Soomaaliya ayaa ku habboon in laga gano gantaallada Turkiga ee loo tuurayo Badweynta Hindiya, iyadoo sidoo kale loo arko meel ku habboon in laga sameeyo xarun hawada sare, sida ay qabaan khubarada amniga. Si kastaba, Turkiga ayaa waxa uu ka mid yahay quwadaha shisheeye ee si joogto ah u xoojinaya xiriirkooda Soomaaliya tan iyo markii uu Soomaaliya usoo gurmaday 2011-kii. The post Turkiga oo billaabay qorshe culus oo uu Soomaaliya uga sameynayo xarunta tijaabada… appeared first on Caasimada Online.
  5. Bosaso (HOL) — Puntland Security Forces (PSF) on Wednesday issued a warning to airlines using Bosaso Airport and ordered nearby residents to evacuate citing a dispute over airport management. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u soo saaraan miinooyin ayAl-Shabaab aaseen. Miinooyinkaan ayaa la dhigay waddo muhiim ah oo xiriirisa deegaanada Ceelbacad iyo Alkowsar. Miinooyinkan ayaa halis ku ahaa amniga dadka dadka isticmaalada wadadaa. Ciidanku waxay isticmaaleen qalab casri ah iyo xirfado gaar ah si ay miinooyinka u soo saaraan ugana baajiyaan khatarahaas. Tallaabadani waxay qayb ka tahay qorsheyaasha dowladda iyo ciidamada si loo xoojiyo amniga gobolka oo loo yareeyo falalka argagixiso ee Shabaab. Waddooyinkan ayaa ah kuwa muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana muhiim ah in la helo amni buuxa si bulshada u isticmaasho waddooyinkaas si nabad ah. Source: goobjoog.com
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war culus kasoo saartay heshiiska badda ee ay horraantii sanadkan la gashay Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, isla markaana la dhaqan-geli lahaa. Go’aankan ayaa wasiirka wuxuu is toos ah ugu wargeliyay xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraalka. “Wasiirka arrimaha dibadda Dr Ciise Kayd ayaa maanta ka warbixiyey xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan. Waxa uu ku wargeliyay in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu dhammaaday, isla markaana uu dhow yahay in loo beddelo heshiis sharci oo rasmi ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay xiisadda kasii dartay iyo arrinta Masar, isaga oo sheegay inay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee la keenayo. Ciise Kayd ayaa xusay dhaq-dhaqaaqa ay haatan bilowday Masar ay colaad horleh ka hurin karto gobolka Geeska Afrika, arrintaas oo halisteeda leh. “Wasiirka waxa kale oo uu diblumaasiyiinta caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan u sheegay walaaca dowladda Somaliland ka qabto ciidamada Masar ee la soo dhoobay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geysta colaadaha mandaqada.” Tallaabada Somaliland ayaa uga sii dari kartay xiisadda, maadaama weli dowladda federaalka ay diidan tahay heshiiska baddaa, waxaana fashilmay laba shir oo ay Addis Ababa iyo Muqdisho ku yeesheen Turkiga, waxaana hadda loo ballansan yahay kulan 3-aad. The post SOMALILAND oo war culus kasoo saartay dhaqan-galka heshiiskii badda ee Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddida diiwaan galinta Ururada Siyaasadda iyo anshaxa xisbiyada Qaranka Somaliland ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay 7-da urur ee ka qayb gali doona doorashadda dalka ka dhici doonta sannadkan 2024-ka, tirada ururada siyaasadda ayaa markii hore ahaa 10 urur, waxaana ka hadhay Waaberi, Mideeye iyo Ogaal. Toddoba urur iyo saddexda xisbi qaran ayay maanta u gudbiyeen gudiga ururada siyaasadu komishanka doorashooyinka Somaliland, doorashada sanadkan ayaa waxa ka dhiman wax ka yar 60 cisho taasi loo astyeeyay in isa-saar lagu galo doorashooyinka sanadkan loo qorsheeyay in ay dhacaan. Source
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka. Source: goobjoog.com
  10. Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in la dhamaystiray heshiiskii is af-garad ee ay wada galeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland oo dhowaan si rasmi ah loo saxeexi doono. Sidaasi waxa sheegay Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd. Heshiiska is af-garad ee ay wada galeen dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhacay sanadkan 2024-ka bishiisii koowaad, balse xaalad siyaasadeed ka abuuray Geeska Afrika waxaana ka biyo diiday dawlada Soomaaliya. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulamo kala duwan ku yeeshay dalka Turkiga, balse labadii kulan ee ay yeesheen labada dal ayaa lagu kala kacay iyada oo aan wax natiijo ah aanay ka soo bixin labada kulan. Wadanka Itoobiya ayaan ila hada ka noqonin heshiiska is af-garad ee ay la galeen dalka Somaliland, balse hadalkan hadda uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili aanay fadhiyin siyaasada Soomaaliya iyo Itoobiya oo khilaaf hor leh ka dhex abuuray labada dal. Source
  11. Baydhaba (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaa soo si weyn loogu soo dhaweeyay. Xamza iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaanno iyo boqolaal shacab ah. Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaadan doono madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, si uu ugala hadlo xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso dowladda dhexe. Wararka ayaa sheegaya in Xamza uu diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu wakiil uga noqon doono dhex-dhexaadin la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan ee ka dhalataya arrimaha Itoobiya. Sida ay ogaatay Caasimada Online ra’iisul wasaaraha ayaa doonaya inuu Laftagareen ku qanciyo inuu yimaado magaalada Muqdisho, kadibna ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed. Xiisadda ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya. Sidoo kale waxaa jirtay xildhibaanada taageeray Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyana dab ku shiday xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo u mahaceliyay Laftagareen. “25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu horay u yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakii arrimahan waxay kusoo aadayaan xilli haatan Koonfur Galbeed ay ku soo wajahan tahay doorasho si weyn loogu loolami doono. The post Qorshaha safarka Xamza uu ku tegay Baydbaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. Taliska Ciidanka PSF ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xiisad maalmahan ka taagan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayay ku sheegeen in loo diiday isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso cid kasta oo ka socota ama ku socota PSF. Taliska Ciidanka PSF ayaa tilmaamay in mudda saddex sano ah garoonka diyaaradaha Boosaaso laga dhigay xero ciidan oo cid gaar ah u xiran islamarkaana laga hor istaagay in ay adeegsadaan ciidamada PSF. “Garoonka diyaaradaha Boosaaso ma ahaan doono goob cid gaar ah u xiran oo PSF laga hortaagan yahay in ay garoon ahaan u isticmaalaan shacabku haka fogaadaan ilaa garoonku noqonayo meel loo siman yahay” ayaa lagu yiri qoraalka PSF. Ciidanka PSF ayaa sidoo kale uga digay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa lagu soo celinayo gacantii hore uuna noqonayo meel loo siman yahay. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Taliska Ciidanka PSF oo digniin ka soo saaray xiisad ka taagan magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeisa (HOL) — Authorities in the breakaway region of Somaliland shut down an Egyptian-owned library in Hargeisa on Wednesday without providing details about the reasons behind the closure. Source: Hiiraan Online
  14. Taliska Ciidanka Puntland ee lagu magacaabo PSF ayaa sheegay in loo diiday in askar dhaawacyo ah oo ay wadeen in laga dhoofiyo garoonka magaalada Boosaaso. Garoonka waxaa gacanta ku haya Ciidanka Badda Puntland ee dowladda Imaaraadka Carabta ay maalgaliso. War Saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin haddii ay sii socdaan hakinta ka dhalatay in Garoonka ay isticmaalaan. “Sida lawada og yahay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ah goob duulimaadka rayidka ah loogu tala galay waxaa laga dhigey xero ciidan, muddo saddex sanno ah waxaa la diidan yahay in PSF cid u socota ay ka soo degto ama saraakiisha PSF ay ka duuli karaan, sidoo kale waxaa laga hor istaagey in dhaawacyada ciidanka PSF ay isticmaali karaan Garoonka Boosaaso”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska. Waxaa uu intaasi kusii daray “Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11/09/2024 PSF waxay isku daydey in askar ka tirsan Ciidanka oo qaba dhaawacyo kala geddisan kuwaas oo u baahan caafimaad degdeg ah ay Garoonka Boosaaso ka dhoofaan, laakiin arrintaas waa laga hor istaagey iyada oo khatar la geliyey nafta askarta iyaga oo dalkooda u shaqeynaya dhibaato soo gaartey. Arrintan ugubka ah waxay dhabar-jab ku tahay dadaalada lagu difaacayo dalka loogana xoreynayo khawaarijta”. Ugu dambeyntii Ciidanka PSF ayaa digniin u diray taliska Ciidanka ee Garoonka “Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah. Waxaana uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan, sidoo kale dhammaan duulimaadyada diyaaradaha waxaan uga digeynaa in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha ilaa lagu soo celinaayo gacantii hore uuna noqon doono meel loo siman yahay oo muwaadiniintu wada isticmaali karto” Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, kuna aadan doorashada kusoo foodka leh maamulka Koonfur Galbeed ee uu hadda hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen. Villa Soomaaliya oo qayb ka ah qorshaha socda ayaa lagu soo warramayaa inay u yeertay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madasha la magac baxday MAAN-SHIIL si looga wada-hadlo xaaladda taagan iyo arrimaha ka cusub Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana lagu heshiiyey labo qodob oo kala ah in jawi doorasho loo abuuro maamulka iyada oo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in xubnaha mucaaradka ay tagaan magaalada Baydhaba wax kasta oo ay ku qaadan karto. Qodobka tagitaanka Baydhaba ayaa adkaan doono iyadoona keeni karto iska-hor-imaad hubeysan maadaama maamulka Laftagaree uusan raali ka ahayn. Dhinaca kale waxaa maata Baydhaba isna ku wajahan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo la kulmi doono madaxweynaha Koonfur Galbeed, si loo qaboojiyo xiisadda taagan. Sida ay ogaatay Caasimada Online ra’iisul wasaaraha ayaa ku qancin doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen inuu yimaaDo magaalada Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed. Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay dhowaan, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya. The post Villa Somalia iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo laba QODOB ku heshiiyay + Xog appeared first on Caasimada Online.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka taageera dowlad-dhiska iyo xasiloonida Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay Saaxibada ugu dhow Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markii la eego dhinaca beesha caalamka. Source: goobjoog.com
  17. 11-ka bisha 9-aad ee September ayaa Mareykanka uga dhigan maalin madow oo ku suntan taariikh mugdi iyo murugo leh, taas oo lagu xasuusto dhacdooyin xanuun badan oo galaafta nolosha dad badan. 11-kii bishii September sanadkii 2001 waxaa Mareykanka gaar ahaan magaalada Newyork ka dhacay weerarro is xig xigay oo loo adeegsaday diyaarado la afduubtay ka dibna la qarxiyay, waxaana ku dhintay dad gaaraya illaa 3000 kun oo qof. Rag la sheegay inay xariir la lahaayeen ururka al-qaaciddo ayaa afduubtay afar diyaaradood oo ganacsi, kuwaas oo ku sii jeeday gobolka California, waxayna laba kamid ah ku dhifteen daarihii mataanaha ahaa ee magaalada Newyork oo xilligaas lagu tirin jirey dhismahayaasha ganacsi ee dunida ugu dhaadheer. Labadii diyaaradood ee kale ayaa mid kamida lagu weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka oo ku taalladegmada ArlingtoneegobolkaVirginia, halka middii kalena ay ku burburtay miyiga Pennsylvania. Weeraradii 11-ka Sebtembar ayaa kamid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa taariikhda ee ay geysato koox argagixiso, wuxuuna Mareykanku uga falceliyay tillaabooyin ay kamid ahaayeen duullaamadii dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  18. Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada magaalada Qaahira oo uu uga qayb-galay shir caalami ah. Fiqi ayaa xaadiray meertada 162-aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar. Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo shacabka reer Falastiin oo ay weli duqeymo ku hayaan ciidamada Israel. Sidoo kale madaxda Carbeed ee ka qayb-galay shirka ayaa si wadajir ah hoosta uga wada xariiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani’aadannimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la’aan ah, si mandiqadda loogu soo dabaalo xasilooni waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu sii wado kulamadiisa, isaga oo gargaar ula shiri doono madaxda Masar iyo kuwa kale oo isugu tegay magaalada Qaahira. Arrimaha muhiimka ah ee uu la shar tegayo Fiqi ayaa waxaa ugu muhiimsan sii dhaqaajinta heshiiska difaaca ee labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Masar. Dhaq-dhaqaaqyadan aya waxa ay kusoo aadayaan, xilli haatan gobllka ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda, taas oo u dhexeyo xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa. Xiisadda ayaa haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay dowladda Masar oo ay Wabiga Nile isku hayaan Itoobiya, waxaana Qaahira ay ciidamo usoo direysaa Soomaaliya, kuwaas oo beddalaya ciidamada Itoobiya, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS. The post Wasiir FIQI oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada Qaahira + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Shaqadii garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta ayaa gebi ahaanba joogsatay, ka dib markii shaqaalaha garoonka oo gadoodsani ay shaqo joojin lama filaan ah ku dhawaaqeen . Shaqaalaha ayaa ka cabanaya qorshe ay dowladda Kenya shirkad Hindiya laga leeyahay ugu wareejinayso maamulka gegida diyaaradaha ugu weyn dalkan ku yaalla bariga afrika . Booliska kenya ayaa isku dayay inay garoonka shaqadiisa sideedii ku soo celiyaan, ayagoo shaqaalaha ku qasbaya inay howlohooda wataan, xoogsatada iyo xirfadlayaasha ka shaqeeya Jomo Kenyatta ayaa intooda badan ka biya diiday inay ka laabtaan go’aanka shaqo joojinta. Muuqaallo laga soo duubay gudaha garoonka ayaa muujinaya dad ku xoonsan goobaha diyaaradaha laga raaco, si ay boorsooyinkooda halkaas uga qaataan, lamana oga sida ay xaalladu ku dambeyn doonto. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa habeenkii salaasada yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November. Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay xalay isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia. Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale. Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka. “Sicir barar ma jirin xilligayga. wax sicir barar ah ma jirin. Sicir-bararkii ugu sarreeyay ayay keeneyn, malaha taariikhda waddankeenna, waayo weligay ma arag waqti ka xun. Dadku ma bixi karaan oo iibsan karaan cereal, ama hilib, ama beed ama wax kale,” ayuu yidhi Trump. Hase yeeshee Harris ayaa sheegtay in Trump uusan lahayn wax qorshe dhaqaale ah. “Donald Trump wax qorshe ah idin ma hayo. Marka aad eegto qorshihiisa dhaqaalena, waa cashuur dhaaf loo sameeyo maal-qabeenada oo kaliya,” ayey tidhi. Marka ay noqoto in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale, Harris ayaa tiri “Qofna ma ahan in uu ka tago caqiidadiisa ama waxa uu aaminsan yahay si uu wax u ogolaado. Dowladda iyo Donald Trump waa in aysan haweeney u sheegin waxa ay jirkeeda ku sameyneyso.” Balse Trumo ayaa sheegay inuu taageersan yahay in arrintaas ay go’aan ka gaadhan gobollada, oo aanay go’aamin dowladda federaalka. “Muddo 52 sano ah waxay isku dayayeen inay Roe V Wade u dhaafaan Gobolada, iyada oo loo marayo garaadka iyo awoodda lix garsoore oo Maxkamadda Sare ah, waanu awoodnay inaan taas samayno. Hadda waxaan aaminsanahay waxa ka reeban kufsiga, iyo nolosha hooyada. Waxaan awoodnay inaan gayno gobollada, wayna u codaynayaan, markuu ugu horraysay baad arkaysaa, waa arrin 52 sano dalkeenii kala qeybisay,” ayuu yidhi. Source
  21. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dulleyn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika. Itoobiya oo la sheegay in ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, ayaa waxaa uu khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay heshiis dhinaca badda ah oo Ethiopia la gashay dawladda Somaliland. Xidhiidhka Masar ee Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsan, taasi oo la xidhiidha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ee wabiga Nile. “Nala taaban maayo! Si kastaba ha ahaatee, waanu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo hanjabto si aan iyaga uga leexino,” ayuu Abiy ka yidhi xaflad lagu xusayay maalinta Qaranimada oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa. “Cidna kalama xaajoon doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raaciyay. Itoobiya ayaa bishii hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin in ay doonayaan in ay “qalqaliyaan xasilloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay Soomaaliya ka dib heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen Qaahira iyo Muqdisho. Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday Soomaaliya in la geeyo ciidamo ka tirsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo sanadka soo socdabedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda loo yaqaan ATMIS. Itoobiya ayaa hadda gacan weyn ku leh ATMIS, iyadoo ka gacan siisa ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Balse dowladda Soomaaliya ayaa aad uga cadhootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed, iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya. Turkiga ayaa dhex dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka, balse ma ma sameyn wax horumar ah oo la taaban karo. Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sannado badan waxaa ka dhex jiray khilaaf, iyagoo is dhaafsanayay ereyo kicin ah oo ku saabsan mashruuca biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar ay sheegtay inuu khatar ku yahay ammaankeeda biyaha. Source
  22. Adeegga gargaarka deg degga ah ee Gaza ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee salaasadii shalay ah ku bartilmaameedsadeen, teendhooyin ay ku noolyihiin dadka ku baracakay dagaalka Gaza lagu dilay tiro aanan wali la cayimin oo u badan rayid. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dadka la dilay ilaa hadda ay gaadhayaan 40 qof, waxaana laga cabsi qabaa in tirada ay sii korodho. Saraakiisha caafimaadka ayaase xaqiijiyay dhaawaca 65 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters. Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay beegsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla koofurta Gaza. Dadka deegaanka iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in teendhooyin ku yaalla xerada Al-Mawasi ee duleedka degmada Younis, oo ah goob ay Isra’il u calaamadeysay in ay tahay zoon colaadda ka caagan la bartilmaameedsaday. Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ilaa afar gantaal lagu garaacay xarunta. Xerada ayaa la ciireysa qoysas badan oo Falastiiniyiin barakac ah oo isaga kala yimid meelo badan oo Marinka Gaza ah. Ilaa 20 teendho ayaa la sheegay in uu dab qabsaday, walina lama oga khasaaraha dhabta ay ee duqeyntaasi. Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa horay u sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza ay kor u dhaaftay 40 kun oo Falastiinyiin ah tan iyo 7-badi October.­­ Source
  23. Dowladda Jabuuti ayaa mar kale ka hadashay deked ay sheegtay inay ku yabooheyso dalka Itoobiya, dekeddaas oo ah dekedda Tajuura oo 100 km u jirta xadka Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yussuf, ayaa sheegay inaysan qorsheyneyn inay Itoobiya gebi ahaanba ka iibiyaan dekeddaasi, balse ay labada dowladood si wadajir ah u maamuli doonaan. Wasiirka ayaa sheegay inay tallaabadan ay uga gol leeyihiin inay ku horumariyaan dhaqaalaha dalka Jabuuti. Wareysi uu dhawaan wasiirka siiyay BBC-da ayaa waxaa uu ku sheegay in Itoobiya ay siinayaan boqolkiiba 100% deked iyo marin cusub oo hore loo dhisay, taas oo uu faahfaahin ka bixiyay. Wasirku waxa uu sheegay in dekedda Tajuura ay ku maal geliyeen lacag kor u dhaafeysa 60 milyan oo doollar. “Dowladda Itoobiya waxa aan usoo bandhignay ma aha in aan ka iibineyno dekeddeena Tajuura ee waa in labadeenna dowladood ee Itoobiya iyo anaga oo Jabuuti ah aaan si wada jir ah uga faa’iideysanno”, ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. Dowladda Itoobiya ayaa hadda isticmaasha dekedda Tajuura hase yeeshee ma badneyn isticmaalkeeda. Source