-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhimashada ka dhalatay dhul go’a dalka Itoobiya ayaa kor u dhaaftay 257, balse waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay gaari doonto 500 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA. Hay’adda ayaa tirooyinkan soo saartay Khamiistii ka dib markii uu dhul go’ay ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Gofa ee koonfurta Itoobiya, kaas oo uu uga horreeyo roobab mahiigaan ah oo Isniintii ka da’ay, kii labaadna uu qabsaday dadkii isu soo baxay si ay dadka u badbaadiyaan. Tirada dhimashada ee dib loo xaqiijiyay ayaa kor u kacday 28 marka loo eego tirooyinka uu bixiyay Komishanka Maareynta Khatarta Masiibooyinka Qaranka ee Itoobiya oo Talaadadii shaaciyay xog qayaas oo dadka dhintay ku saabsan. Boqolaal qof ayaa ku sugan goobta ay masiibada ka dhacday ee deegaanka Kencho Shacha, iyagoo raadinaya dad ka badbaaday dhul go’ii ugu xumaa ee laga diiwaan geliyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika,in ka badan 15,000 oo qof oo ayaana dhibaatadu saameysey, kuwaas oo u baahan in meelo kale loo daadgureeyo sida ay sheegtay hay’adda OCHA. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC ayaa sheegtay in dad kale oo gurmad goob u tagey ay ayaguna waxyeello ka soo gaartay haadaamihii ama buuraamihii dhoobada ahaa ee dhul go’ii hore uu sababay. Dhul go’an ayaa kii labaad oo qaaradda Afrika ka dhaca seddax bilood ah gudahood, labada bilood ka hor ayaanay ahayd markii ku dhowaad 700 qof oo qof ay ku geeriyooday dhul go’ sidan oo kale uga dhacay dalka Papua New Guinea. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliiska Gobolka mudug ayaa ku guulaystey soo qabashada nin isku ekaysiiyay Qof dumar ah. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in eedaysanaha oo lagu magacaabo Axmed Cali Shire uu adeegsan jiray magac dumar oo ah Aniso Cali Shire. Qoraal uu soo saaray Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedaysanaha oo da’diisu tahay 20 sano uu ka shaqeysan jirey in mudda ah magalooyinka Boosaaso, Garoowe ilaa Gaalkacyo. Hawlgalka qabashada Axmed Cali Shire oo qaatay waqti kooban ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee magaalada Galkacyo L/Xidigle Axmed Jaamac Xayir(Raad goob). “Howlgalka qabashada Axmed Cali Shire oo qaatay waqti kooban ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Galkacyo L/Xidigle Axmed Jamac Xayir(Raad goob)” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. “Eedaysanaha ayaana lahor-gayndoonaa Hay’adaha cadaalada ee kiiskan shaqadda kuleh” ayuu sii raaciyay qoraalka Booliska. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin isku ekaysiiyay qof dumar ah appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — A new study by the Somali Institute for Health Research reveals that 43% of women in major Somali cities are still giving birth at home, despite the availability of healthcare facilities in these urban areas. The findings highlight a critical need for better maternal health education and accessible antenatal care services. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha soo xaadiray shirka maanta. Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey heshiis afgarad ah oo u dhexeeyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group oo laga leeyahay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta. Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa kulankooda maanta ku ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka. Intaas kadib golaha ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo. Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada. Xubnaha golaha wasiirad ayaa si weyn u boggaadiyay guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan guulihii laga gaaray dhinaca Jubbaland. Dhowaan uun ayay ahayd markii Al-Shabaab soo weeraray deegaanada Buulo-xaaji iyo Harboole lagu gaarsiiyay jab xoogan , isla markaana looga furtay hub iyo saanad ciidan. The post Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay heshiis cusub oo lala galay Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
Ku simaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare BJFS mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa tacsi ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig.} Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa saxiixay buuga tacsida, wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Cusmaan Xiddig. Sidoo kale guddoomiye Cali Shacbaan waxaa weheliyay , Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS ,xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xoghayaha guud. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliiska gobolka Mudug ayaa ku guulaystey soo qabashada Nin isku ekaysiiyay dumar, isagoo ninkaan uu kaga shaqeysan jirey muddo magaalooyinka Boosaso, Garowe ilaa Gaalkacyo inuu gabar yahay. Ninkaan ayaa lagu Magacaabaa Axmed Cali Shire 20 jir ah balse waxaa uu ku shaqeyn jiray magaca Aniso cali shire. Howlgalka qabashada Axmed Cali Shire oo qaatay waqti kooban ayaa waxaa ku guulaystay taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Gaalkacyo L/Xidigle Axmed Jamac Xayir(Raad goob). Eedaysanaha ayaana lahor-gayndoonaa Hay’adaha cadaaladda ee kiiskan shaqadda kuleh. Shalay ayay aheyd markii Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ay soo qabteen eedeysane loo heysto in uu isku egeysiiyay qof dumar. Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay soo xiritaanka dadka lagu eedeeyay in ay sameeyaan falal ka baxsan Anshaha. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan habdhowraha golaha shacabka iyo xildhibaano ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha ha u naxriistee marxuum Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig) oo dhowaan ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ehelada,qoyska ,xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka ayaa saxiixay buuga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig. Allah unaxariistee Sheekha ayaa dhowaan ku geeriyooday Muqdisho waxaana socda Buugga Tacsida oo todobaadkaan uu furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin kale, waxaana soo xiri doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka. Source: goobjoog.com
-
Bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah Israa’iil iyo dagaalka ay ka waddo marinka Qasa ayaa ka dhacay afaafka hore ee aqalka Congress-ka Mareykanka oo uu khodbad ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo dalkaas booqasho ku jooga. Dibad-baxyada ayaa mideeyay Dad Falastiin ah oo ka soo horjeeda gumaadka ay xukuumadda tell Aviv ka waddo iyo kuwo Israa’iiliyiin ah oo qaarkood ay qaraabo la yihiin la-haysteyaasha ay xamaas gacanta ku hayso, kuwaas dalbanaya in dagaalka la joojiyo, wada hadalladiina dib loo furo si maxaabiista loo laysku waydaarsado. Booliiska Maraykanka ayaa xiray lix qof oo kamid ah qaraabada Israa’iiliyiinta lagu hayo Qaza, kuwaas oo qeyb ka ahaa dadka bannaanbaxyada dhigayay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno kale oo kamida xegta dadka maxaabiista ah ee Xamaas gacanta ugu jira. Dadkan ayaa xirnaa funaanado ay xardhan yihiin erayo nuxurkoodu yahay “shaabbad ku dhifo heshiis” oo ay Benjamin Netanyahu ugu baaqayaan inuu xamaas kala xaajoodu sii daynta la haysteyaasha marinka Qasa. Dad badan Israa’iiliyiin ah, gaar ahaan ehelada ay dadkooda xamaas gacanta ku hayso ayaa diidan sii socoshada gumaadka ay xukuumadda Netanyahu ka waddo Qasa, ayagoo door bidaya in wada hadal lala galo kooxdan u dagaallamaysa difaaca dadkooda, dalkooda, iyo diintooda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan hab-dhowraha golaha shacabka iyo xildhibaano ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha u naxariistee marxuum Sheekh Cusmaan Xiddig. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ehelada, qoyska, xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka, waxa uuna saxiixay buuga tacsida Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud. Sidoo kale, ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare BJFS Cali Shacbaan Ibraahim ayaa isna tacsi ugu tagay qoyska AUN Sheekh Cusmaan Xiddig. “Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa saxiixay buuga tacsida, wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Cusmaan Xiddig,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddoonka baarlamaanka. Sidoo kale guddoomiye Cali Shacbaan waxaa wehliyay wasiirka wasaaradda amniga XFS, xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xoghayaha guud. Sheekh Cusmaan Xiddig, waxa uu muddo ka badan 40 sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka habeen hore ayuu ku geeriyooday Muqdisho oo shalay meydkiisa lagu aasay. Dadka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada dunida Islaamka ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Xiddig, dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa “maktabad soconaysay.” Sheekh Cusmaan Xiddig ayaa muddo dheer lagu yaqiinay soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida. Kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka, gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen, sidoo kale dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada laga akhristo kutubta uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig. The post Sawirro: Aadan Madoobe iyo Shacbaan oo tegay guriga Sheekh Xiddig kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha golaha baarlamaanka bulshada bariga afrika, Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya baarlamaanka dalladda bulshada Bariga Afrika ee EAC iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee gobolka. Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo wafdigiisa ayaa madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran. Sidoo kale wuxuu bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan ayaa dhankiisa tilmaamay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin dallada bulshada bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Marwo Sacdiya Yaasiin, guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow iyo xubno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka. Dhanka Ntakirutimana waxaa qeyb ka ah wafdiga uu horkacayo xildhibaan Iman Falhada Dekow,John N. Mutega oo ah hab-dhowre ku-xigeenka baarlamaanka bulshada bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana. The post Sawirro: Xasan oo guddoomiyaha barlamanka EAC kala hadlay 3 qodob muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka. Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka. Source: goobjoog.com
-
Boorama (Caasimada Online) ― Ciidamada Dab-demiska maamulka Somaliland oo gurmad deg-deg ah sameeyay ayaa soo bad-baadiyay ilmo yar oo musqul lagu riday. Ciidanka ayaa waxa ay ku guuleysteen in ilmahan yar ay ka soo samata-bixiyeen musqusha isagoo mayd ah, waxaana ay geeyeen Isbitaalka weyn ee Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Sidoo kale ciidamada ayaa farriin culus u diray shacabka Somaliland waxayna ka codsadeen inay lasoo xiriiraan, haddii ay dareemaan xaalad halis ah. Ciidamada Dam-demiska ayaa qoraal ay kaga waramayaan sida u dhacay howl-galkaasi samato-bixintu waxay soo dhigeen bartooda Facebook-ga, wuxuuna u dhignaa sidan:- “Boorama- Ilmo yar oo Musqul lagu Riday oo Ciidamada Dabdemisku Musqul ka soo saareen isagoo Mayda. Ciidanka Dab-demiska Boorama ayaa lagu soo wargeliyay gurmadka Ilmo yar oo lagu Riday Musqul kuna taalla Xaafada Jarka ee degmada Sheekh Cabdisalaan. Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku Maydka Ilmahaa yar ka soo saareen Musqushaas. Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar Maydkiisii geeyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Boorama. Ciidanka dab-demiska wuxuu uga digayaa dadka falalka noocana ku kaca in sharciga la marin doono kana waantoobaan falalkaa arxan daradda ah. Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel.”. The post Sawirro: Dhacdo argagax leh oo Borama ka dhacday kadib markii ilmo yar lagu riday… appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALILAND oo aqoonsi cusub heshay kadib codeyn ka dhacday…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee gooni isu-taagga ayaa haatan helay aqoonsi cusub, kadib codeyn ka dhacday magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, taas oo noqotay magaaladii ugu horreysay ee dalkaasi ee ku dhowaaqda aqoonsiga Somaliland. Golaha Deegaanka Liverpool ayaa Arbacadii sheegay in ay Somaliland u aqonsadeen “dal madax bannaan” kadib markii goluhu cod u qaaday. Sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah golaha ayaa marka hore ka dooday mooshinka aqoonsiga maamulka Somaliland, waxaana dood dheer kadib ay u codeeyeen in Somaliland u aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale. Horay waxa loo xasuustaa magaalooyinka Sheffield, Cardif City oo Wales ka tirsan in sidaan oo kale ay u aqoonsadeen Somaliland. Qurba-joogta ugu badan ee Somaliland ayaa ku nool UK, kuwaas oo badanaa ka shaqeeya sidii ay golayaasha magaalooyinka ay joogaan uga ololayn lahaayeen Somaliland oo muddo 33 sano ah raadineyso ictiraaf. Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana muddooyinkii u dambeyay ay Somaliland dadaalkii ugu xooganaa gelisay aqoonsiga ay muddada dheer raadineyso oo xittaa ay bad uga bedalatay Itoobiya, sida ay horay u shaaciyeen madaxda maamulkaas. Dhaqaajinta heshiiska ayaa weli socota, waxayna Somaliland ka dooneysaa Itoobiya aqoonsi, ayadoo shalay ay uugu dambeysay warqadaha aqoonsiga laga guddoomay safiir ay Somaliland sheegtay inuu u fariisan doono magaalada Addis Ababa. “Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee hab maamuuska Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedda damaca Somaliland oo halis ku ah midnimada iyo wadajira ummadda Soomaaliyeed. The post SOMALILAND oo aqoonsi cusub heshay kadib codeyn ka dhacday… appeared first on Caasimada Online. -
Kolkaad maqasho barbaarin waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya in loola jeedo kaalin waalidka oo keliyihi u igmanyihiin oo aan cid kale la wadaagin, balse sidaa way ka duwantahay oo waa masuuliyad wadareed dadweynaha oo dhan saaran, maxaa yeelay dadweynaha iyo deegaankuba saameyn lixaad leh ayay ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo koridda maskaxeed ee carruurta. Barbaarintu waa dhisidda iyo kobcinta anshaxa, wax-baridda, iyo toosinta hab-fakarka ubadka, waana howl ay bilowgeeda iyo bud-dhiggeeda hooyadu leedahay, balse ayada oo qura kuma koobnee waa xil gudashadiisa bulshadoo idil laga doonayo. Waa howl aad u culus oo haddii la fududaysto aayo-xumo, hagaas, saaqidnimo , iyo dhibaatooyin kaloo faraha badan laga dhexlo, waalidka laftooduna ay jeer aan fogayn eedaan oo ka shallaayaan. Labada is qaba oo carruurta Eebbe siiyay haddii ay ka gaabiyaan hagaajinta iyo hab-baridda suuban oo diinta iyo anshaxa ku dheehan ee ay korinta jirka uun ku ekaadaan waxaa ka dhalanaya dhibaato aan la mahdin iyo waxyeello aduun iyo mid aakhiro oo ay hooyada iyo Aabaha qudhoodu dhibbanayaasha koobaad u noqan doonaan. In garaad toosinta iyo geda-baridda wanaagsan ee ubadka xoogga la saari lahaa gasiinkooda oo keliya laysku howlo waxaa laga dhaxlaa caasinimo, sagagarnimo, macangagnimo, madax-adayg, tuugnimo, iyo aanfooyin kaloo badan. Dhammaan dhaqamadaa xun xun ee halistaa waxaa mirohooda gurta waalidkii carruurtiisa si feecan u ababin waaya, maxaa yeelay dhibkastoo ay geystaan ayagaa la weydiinayaa haddii ay noolyihiin, haddii ay dhinteena xisaabta Alle hortiisa ku sugaysa ka sukow habaarka dhashooda lagu halgaadayo qeyb bay ku leeyihiin.Haddaba hooyo iyo Aabe waxaa idin la gudboon inaydnaan ilmihiina dayicin oo aad maskaxdooda iyo muruqooda si isku midda ah u korisaan, diinta iyo anshaxa suubanna ku ababisaan si ay u noqdaan kuwo adduun iyo aakhiroba wax idin tara, lafahooda wax u qabsada oo aayatiin wacan hela. Source: goobjoog.com
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta argagixisada. Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maxamed Isaaq Mursal oo ahaa wariye rugcaddaa ah oo muddo dheer ku soo dhex jirey, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Maxamed Isaaq Mursal ayaa madax ka ahaan jirey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo saameyn weyn dunida ku lahayd beri-samaadkii, wuxuuna kaalin weyn ku lahaa hormarinta hannaanka warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan xagga qoraalka. Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyay masuuliyiin dowladda ka tirsan, bahda warbaahinta madaxa-bannaan iyo qaar kamida dadkii ay isla soo shaqeeyeen. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada waxayna shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinkaas. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka qurbejoogta ee magaalada Dooxa ayaa sheegay in haatan dalka uu aadayo doorashooyin, isla- markaana ay noqonayaan kuwa ay ka qayb qaataan shacabka. Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in doorashooyinkaas lagu bilbaabi doono kuwa maamul goboleedyada dalka, ayna dhacayaan dhammaadka sanadkan 2024-ka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshuhu yahay in la qabto doorashooyinka dowladaha hoose, si ay shacabka usoo doortay hoggaamiyeyaasha deegaankooda. Xukuumadda Soomaaliya ayuu tilmaamay inay qaaday tallaabooyinkii ku haboonaa ee doorashooyinkan, isla- markaana la diyaariyay sharciyadii lagu hagi lahaa. “Todobaadkan sharcigii doorashooyinka iyo sharcigii xisbiyada waa la dhammeeyay horay-baa la rabaa inay usii socdaan waxaan rajeyneynaa sanadkan aakhirkiisa dowladihii hoose iyo dowlad goboleedyadii iyo dowladda dhexaba inay doorashooyinkaas noqdaan kuwo dadka u siman yihiin qof walbaa codkiisa aan la metaleyn” ayuu yiri Fiqi. Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in wax badan laga qabtay amniga dalka, sidoo kale guul laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo muhiim ah doorashooyinka dalka. “Amniga waxaa la xoreeyay 400 oo kiilo mitiri ka dheer, darraad baad arkeyseen kooxihii Khawaarijta oo inta soo weeraray ciidamadii Jubbaland sida loo galay waad aragteen’ ayuu mar kale yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka taagan tahay xiisad wayn oo siyaasadeed, isla markaana hoggaanka dowladda federaalka lagu eedeeyay inay iyagu hortaagan yihiin qabsoomidda doorashooyinka maamullada dalka oo dib loo dhigay. The post DF oo shaacisay goorta ay dhacayaan doorashooyinka maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Cimraan Maxamed Cali Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa soo bandhigay sarkaal ajnabi oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish, kaasi oo lagu qabtay buurta Calmis ee gobolka Bari. Warbixin muuqaal ah oo lagu faafiyay bogga Facebook ee Taliska Ciidanka PSF ayuu ka soo muuqday sarkaalka oo ka soo jeeda jasiiradda Zanzibar, islamarkaana magaciisa ku sheegay Cimraan Maxamed Calawi. Sida uu muujinayo hadal laga duubay sarkaalkaasi oo Af-soomaali loo turjumay, Cimraan Maxamed Calawi ayaa bixinaya macluumaad ku saabsan maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari. Maxbuus Calawi ayaa qiranaya in uu ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, uuna ka qayb galay dagaallo dhexmaray Daacish iyo AS, waxaana uu intaasi ku daray in maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan Calmiskaad ay u badan yihiin ajaanib. “Daacish waxa jooga ajaanib ka yimid, Itoobiya, waxaan arkay kuwa ka yimid Malawi, waxaan arkay kuwa ka yimid Yemen. Soomaalidu waa ku yar yihiin waxa ka badan ajaanibta” ayuu yiri Cimraan Maxamed Calawi. Calawi ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay, kadib markii uu ka soo baxsaday duqayntii u danbaysay ee lagu beegsaday Daacish, taasi oo nawaaxiga Qandala ka dhacday 31 May ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Taliska Ciidanka PSF ee Puntland oo soo bandhigay sarkaal ajnabi ah oo laga qabtay maleeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka. Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika appeared first on Puntland Post.