Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah mucaaradka Turkiga gaar ahaan kuwa ku jira baarlamaanka dalkaas ayaa waxay walaac kamuujiyeen soo jeedintii dhawaan uu golaha baarlamaanka geeyay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan ee ku adanaa in ciidamada badda Turkiga la geeyo Soomaaliya. Ciidamadaas oo la sheegay in ay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu soo jeediyay madaxweynuhu in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya. Mid ka mid ah ragga ugu tunka wayn mucaaradka oo ah ku xigeenka madaxa xisbiga Dadka Jamhuuriga ah ee Turkiga oo lagu magacaabo Yankı Bağcıoğlu, ayaa ka digay in ciidamo loo diro biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay qatar galineyso hawlgallada milatari ee haatan socda. “In ciidamo hubaysan oo Turki ah loo daabulo aagagga biyaha Soomaaliya waxay qatar galineysaa hawl-galadeena haatan socda iyo amniga qaranka. Qatarta uu horseedi karo mooshinkaan waa in si baaxad leh looga fiirsada,” ayuu yiri Bağcıoğlu oo baahiyay warkaan oo qoraal ah. Hadalka siyaasigaan Turkiga ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli madaxweynaha Turkigu uu Jimcihii horgeeyay baarlamaanka in ay ansixiyaan soo jeedin ku saabsan in ciidamo Turki ah oo badeed la geeyo Soomaaliya. Arrintaas ayaa timid kadib markii dawladda Turkiga ay ku dhawaaqday heshiis sahmin iyo qodis shidaal ah dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay sheegtay dawladdu in ay hawlgalkii lagu sameyn lahaa hawshaan uuna dhawaan ka bilaaban doono Soomaaliya. Dhanka kale Bağcıoğlu waxa uu sheegay in ay tahay in baarlamaanku xeerayo qatarta ururka al Shabaab ee xulafada la ah al Qaacida iyo sidoo kale khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. “Gobolkeena dab ayaa ku shidan, maraakiibta aan diri doono saameyn taban ayay ku yeelan doonaan badbaadadeena,” ayu uku yiri qoraalka uu daabacay Bağcıoğlu. Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya Inkasta oo bilowgii sanadkaan heshiis wayn ee difaac iyo dhaqaale ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa hadana maalinkii khamiista ee aynu soo dhaafyay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga kaas oo uu Turkigu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol. Munaasabad lagu saxiixay heshiiskaan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, cabdirisaaq Cumar iyo dhigiisa Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa waxay ka dhacday magaalada Istanbul. Heshiiskaan ayaa waxa uu xaquuq qaas ah u siinayaa dawladda Turkiga in ay hydrocarbon oo ah – shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib ka soo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar. Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir. Halka laga qodayo shidaalka Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud wasaaradda Batroolka iyo macdanta Maxamed Xaashi Carabay, Turkida ayaa bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona Sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya Goobaha ay Turkigu ka bilaabayaan sahaminta iyo qodista shidaalka ayuu agaasime Xaashi ku sheegay inay ku yaalaan dhanka badda ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. “Saddexda aag ay hadda qaateen waa inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Hobyo, halkii aagna waa ilaa 5,000 oo kilomiter oo isku wareeg ah, ” ayuu yiri Carabay. Wuxuu sheegay in Sembeter ay Turkigu soo diri doonaan markabka iyo howlwadeena bilaabaya qorshadaha sahahimta shidaalka ka dibna ay guda gali doonaan shaqada “Waxay samaynayaan marka hore sahaminta samaynayaan wax la dhaho 3D, markay ku sahamiyaan ka bacdi waa qiimayn waxay soo saaray warbixin, ka dibna waxay arkayaan meesha laga qadoyo ka dib markaas ayey qodista bilaabayaan” ayuu BBC-da u sheegay agaasime Xaashi. Agaasime Maxamed Xaashi Carabay, ayaa intaa raaciyey in ka dib qiimaynta ay qodistu shidaalka ee Turkiga agaas ka bilaaban doonto saddexda bilood ee hore ee sanadka cusub ee 2025-ka. Dhanka badda ee degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ayaa ka mida ah meelaha Soomaaliya ay ku yaalaan xirmooyin shidaal balse cadadkaasi waxaa uu Agaasimuhu ku tilmaamay inay ku yaallaaan wax ka badan tobban agaaas oo shidaal. Isha: BBC The post Ciidankii TURKIGA usoo diri lahaa Soomaaliya oo laga soo horjeestay appeared first on Caasimada Online.
  2. 452466333_1148413756384438_3426770122828039078_n Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay sheegtay inay ku howlan tahay falal lagu wiiqayo amniga Somaliland. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal kula jirto madax-banaanida Somaliland, oo ayadu u dhaqanta sidii dal madax-bannaan. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland ay xor u tahay inay heshiisyo la gasho waddamada caalamka, uuna heshiiska Itoobiya uu muhiim u yahay iskaashiga iyo horumarka labada dhinac. “Wax laga xumaado weeyi in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ee aan maamulin caasimadiisa inuu ku hawlan yahay falal ay ku waxyeelaynayo amniga Somaliland, isaga oo isticmaalaya maleeshiyaad maxaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland. “Xukuumada Somaliland waa mid sharci ah oo ku dhisan mabda’a dimuquraadiga ah, wuxuuna madaxweynaha uu ku joogo cod dadweyna,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay soo xuleen dad tiro yar. Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1-da 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, taasi oo keentay in Itoobiya ay dib uga joogsato damaceeda guracan ee ay ku rabto dhul baddeed. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale meel-marisay qaraar ay ku diideyso heshiiska Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya, ayada oo diiday in lala fariisto madaxda Itoobiya illaa ay ka laabanayaan is-afgaradkan. The post Somaliland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Meydadka illaa 50 qof ayaa dhoobada hoosteeda laga soo saaray dalka Itoobiya kadib markii uu koofurta dalkaasi ka dhacay laba dhul go’ oo aasay guryo badan. Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo dorraad da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay. Khasaaraha dhimashada ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay dhul go’i labaad kadib marki ay dadka deegaanka iyo saraakiil boolis ay isugu yimaadeen halki uu ka dhacay dhul go’i koowaad. Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in dadka ku dhintay masiibadaasi ay isugu jireen dumar, carruur iyo askar ka mid ah ciidanka booliska deegaanka. Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in baadigoobka dadka badbaaday uu si xawli ah u socdo balse dhimashada ayaa weli sii kordhi karta. Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinayay boqolaal qof oo isugu soo baxay goobaha wax ka dhaceen iyo qaar kale oo qodaya dhooqada iyo ciidda iyagoo raadinaya dad ku hoos jira. Gofa waa qayb kamid ah gobolka loo yaqaan koonfurta Itoobiya, waxayna ku taal qiyaastii 320km (199 mayl) koonfur-galbeed ee caasimadda dalkaas ee Addis Ababa. Koonfurta Itoobiya ayaa kamid ah meelaha ay sida gaarka ah ugu dhufteen roobabkaas mahiigaanka ahi, iyaga oo fatahaado halkaa ka socdeen bilihii la soo dhaafay, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee QM (Ocha). The post Dad badan oo Ethiopia ku dhintay kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isbeddel ku sameeyay golaha wasiirrada ee dhowaan uu magacaabay , wuxuu isku beddelay Wasiirkii Difaaca , Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Haweenayda Soipan Tuya, oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada dhowaan hadda loo beddelay wasaaradda difaaca. Ducaale, ayaa isbeddelkan si deg deg usoo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay Ruto , balse ma cadda in isbeddelkan uu ku yimid cadaadiska ay gudaha Kenya ku wajahayaan siyaasiyiinta Soomaalida oo haya xilalka ugu sarreeya ee Amniga. Haweenayda hadda qabanaysa xilka Wasiirka difaaca oo ah qareen, Soipan Tuya waxay noqonaysa haweenaydii u horreysay ee ka soo jeeda qomiyadda Maasai oo qabata jagada Wasiirka difaaca Kenya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo Wasiirkii Difaaca ka beddelay Aadan Barre Ducaale appeared first on Puntland Post.
  6. Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac oo hadda ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay xubin kamida Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya. Gen. Bashiir ayaa ku soo baxay kursiga HOPE 18 oo horey u bannaanaa, islamarkaana deegaan doorashadiisu ay tahay Galmudug, islamarkaana ay horey isaga casishay Sahro Colaad Cabdi oo ku fadhin jirtay. General Bashiir Goobbe ayaa ah ninka derajo ahaan ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, wuxuuna horey u soo qabtay xilal uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  7. Ku dhawaad 10 saacadood ayay si nabad ah ku socdaan doorashooyinka golayaasha degaanka degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Dangorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal. In ka badan 64 kun oo qof ayaa ka codaynaya 80 goobood oo ku yaalla saddexdaas degmo ah waxaana doorashada ku tartamaya 8 xisbi oo ay u sharraxan yihiin 431 musharrax oo ku tartamaya 81 kursi. Doorashada ayaa bilaabatay saaka 6:00am subaxnimo waxaana ay goobaha cod-bixinta xirmi doonaan 6:00pm makhribnimo sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Puntland. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo farriin kooban u diray cod-bixiyaasha saddexda degmo ee weli safafka dhaadheer ku jira ayaa ugu baaqay in ay dulqaataan , qoraxda, dabaysha iyo harraadka si ay codkooda ugu muujiyaan xaqooda. “Dadkaygow halkan in aad soo gaartaan wax sahlan mahan, sidaasi darteed u dulqaata , Qoraxda, Dabaysha iyo Haraadka waa hal maalin oo aad gudaneysaan xaqa aad u leedihiin in aad codeysaan, in aad wax doorataan lana idin dooran karo” ayuu yiri Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo farriin u diray dadweynaha codkooda ka dhiibanaya doorashada saddexda degmo appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarigga xalay Muqdisho loogu geystay wariye Cali Nuur Salaad oo ka mid ah suxufiyiinta maalmihii dambe tabinayay dhaliilaha nidaamka Xasan Sheekh. Wuxuu muujinaya sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ugu soo bareereen iney bur-buriyan saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya. Madaxweynuhu inuu abaal-dhaco oo Cali Nuur iyo rag la mid ah oo la ogyahay kaalintii ay ka qaateen olollihiisa uu ku abaal-dhaco lama yaabin, laakiin waxaa iga fajicisay inuu wali aaminsanyahay in saxaafadda xoog lagu aamusin karo, taas oo uu ku fashilmay mudo xilleedkiisii hore. Madaxweynaha waxaan leenahay dhabe khaldan ayaad aadday, wanaagna kuuma horseedi doonan kuwa kugula taliyay inaad saxaafadda caburin, xariga iyo caga-jugleyn u geysato. Waxaan ku baaqeyna in si deg deg ah wariye Cali Nuur Salad loo siidaayo, dastuurka dalka iyo xaqa muwaadinkana la ilaaliyo, Baarlamaankuna waa inuu la xisaabtama laamaha amniga ee muwaadiniinta kula kacaya falalka xeer-dhaafka ah. Qofka madaxda ah isaga laga raba inuu ka dhowrsado shaqooyinka wax u dhimaya sumcaddiisa qofeed iyo qiimaha madaxtinimada, laakiin waxaan raban walaaqaya lamana sheegi karo sax ma’ahan. W/Q: Abdullahi Osman Farah The post Tallaabaddii xalay oo muujinaysa arrin ay Xasan iyo kooxdiisa usoo bareereen appeared first on Caasimada Online.
  9. Beledweyne (HOL) — Hundreds of Ethiopian troops have crossed the border shared by Ethiopia and Somalia's Hiiraan region for the second time this month. Source: Hiiraan Online
  10. Palestinian factions have signed a “national unity” agreement aimed at maintaining Palestinian control over Gaza once Israel’s war on the enclave concludes. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka. Kulankan oo laba cisho ka socday Hoteel Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee XFS. Kulanka ayaa lagu muujiyay sida aysan u kala harin maqaamka caasimadda iyo dhameystirka dastuurka oo cutubyo kamid ah uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Xasan Macallin oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in wasaaradda iyo madaxda ugu sarreysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka. Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay wasiirka in dastuurka uusan dhameystirmeynin illaa meel la saaro maqaamka caasimadda iyo matalaadda gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo shirka qayb ka ahaa ayaa bogaadiyay kulan howleedkaan diiradda lagu saarayay hannaanka maqaamka caasimadda, wuxuuna xusay in shacabka caasimadda iyo kuwa gobolka ay baahi weyn u qabaan dhameystirka dastuurka iyo in ay helaan matalaaddooda. Madashan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, la-taliyeyaal ka socday xafiiska madaxweynaha iyo kan guddoomiyaha gobolka Banaadir. Sidoo waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka tirsan wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, ururka haweenka, madaxda bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin kale. The post Maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka oo la isku xirayo kadib arrin soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  12. Dowladda Uganda ayaa ciiddamada qalabka sida saaka ku soo daadisay goobaha muhiimka ah ee magaalada Caasimadda ee ah ee Kampala. Ciidamada ayaa loogu tala galay in ay ka hor tagaan bannaan baxyo ay qorshaynayaan dhallinta dalkaasi ku dhaqan. Ciiddamadan oo aad hubaysan ayaa si gaara u ilaalinaya Xaruunta Baarlamaanka halkaas laga cabsi qabo in ay xoog ku galaan dhallinyarada ka soo hor jeedda habka dalkaas loo maamuulo. Uganda ayaa noqonaysa dalkii labaad eeBariga Afrika ku yaalla ee ay sannadkan dabyalaha is beddel doonku gaadhaan ka dib dalka Kenya oo ay Dhallinyaradu xoog ku hor is hor taagtay xeerkii kordhinta cashuuraha. PUNTLAND POST The post Dowladda Uganda oo ciidamo ku soo daadisay caasimadda dalkaasi ee Kampala appeared first on Puntland Post.
  13. 452529865_838054794955751_9000888311476369690_n Qaran News
  14. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isagoo ka codeeyay goobta codbixinta ee Iskuulka Ilays. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalin taariikhi u ah Bulshada Garoowe oo markii u horeysay qof iyo cod ku dooranaya Golaha Deegaanka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wadaagay dareenkiisa bulshada in uu ku faraxsanyhay in uu codkiisa dhiibtay maanta. Doorashada Goleyaasha deegaanka ayaa maanta ka socota degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiraan oo ay kumanaan Dadweyne ah safaf dhaadheer saaka u istaageen in ay codeeyaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo codkiisa ka dhiibtay doorashada qof iyo cod ee degmada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Waxa Xafiiskiisa si heersare ugu soo dhaweeeyey Waxgarad Aqoonyahano Dhalinyaro Ka Soo Jeeda Degmooyinka Ibraahim Koodbuur Iyo 26 June Kuwaas Si Rasmi Ugu Biiray Xisbiga Rajada Shacabka Soomaliland Ee Waddani Waxaanay Hoosta Ka Xariiqeen Sida Diyaarka Ugu Yihiin ay Isbadalka Waddani U Codeeyaan Kulanka Waxa Murashaxa Ku Wehelinaaayey Siyaasiyiinta Kala Ah Cabdilaahi Ismaaciil Cirro ‘ Axmed jaambiir Suldaan ‘ Cabdi Cali Mahdi Iyo Yuusuf Kirix Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Ayaa Uga Mahadceliyey Aqoonyahankaa Iyo Dhalinyarada Taageerida Xisbiga Iyo Murashaxnamadiisaba Isagoo Sheegay In Soomaliland Dadkeedu Oo Dhan Isbadalka Diyaarka U Yihiin Qaran News
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Doorashada kursiga HOP#18 ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala baxay, kaas oo doorashadiisa ka qabsoomtay magaalada Dhuusamareeb. Kursigan oo horey u banaana ayaa doorashadiisa waxaa kusoo baxay General Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoo loo doortay mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Keenadiid ayaa waxaa kursigan kula tartameysay Najax Axmed Maxamed, iyada la fahamsan yahay in kursiga loo xiray Bashiir Goobe. Generalka ayaa cod gacan taag ah ku guuleystay kadib markii Najax ay tanaasushay. Generaal Bashiir ayaa hadda ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, isaggoo ku magacaaban yahay wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya. Kursigan oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay iska casishay Xildhibaan Sahro Colaad Cabdi. Kursigan HOP#18 ayaa ka mid ahaa kuraasta ka banaanaa golaha shacabka, waxaana ugu dambeyn ay doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. The post Doorashada kursiga HOP#18 oo lagu kala baxay maanta – Yaa kusoo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  17. Shacabka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa saaka u dareerey doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland sida lagu sheegay war ka soo baxay guddiga doorashooyinka golaha deegaanka ee PEC. Doorashooyinka ayaa ka dhacaya 80 goobood oo ka kala tirsan saddexda degmo ee gobolka Nugaal, iyadoona ay codeynayaan in ka badan 64 kun oo qof oo kala xulanaya 431 musharax oo ka kal socda 8 xisbi siyaasadeed. Maamulka Puntland ayaa horey u qabtay doorashada 33 degmo oo golaha deegaanka ah, iyadoona saddexdaan degmo ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay. Doorashadan ayaa astaan u ah nabad-gelyada deegaanadaas iyo baraarugga dadweynaha ee ku aaddan dowladnimada iyo ka qeyb-galka maamul dhiska deegaanka. Source: goobjoog.com
  18. Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Uurdoox oo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in heshiis hor dhac ah ay dhex dhigeen laba beelo walaalo ah oo dhowaan dagaal ba’ani ku dhex maray magaaladaas. Xildhibaanka iyo Saraakiil Ciidamada ka tirsan oo tagay goobihii dagaaladu ka dhaceen, ayaa ku guulaystay inay nabad dhex dhigaan labadii dhinac ee colaadda lagu hoobtay todobaadyo ka dhex qaraxday. Shirweyne xal looga gaarayo dagaal beeleedkaas ayuu Xildhibaan Uurdoox sheegay in si-deg deg ah loo qaban doono, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan dhamaan Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi. Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa tdobaadyo ka hor waxaa ka dhacay dagaal ba’an oo dad badani ku dhinteen, guryona lagu gubay oo dhex maray laba beelood oo walaalo ah. Source: goobjoog.com
  19. In Ethiopia, millions are suffering from malnutrition after repeated droughts and flash floods in recent years. The severity of the drought in some regions has communities learning new ways to adapt. Source: Hiiraan Online
  20. Hargeisa (HOL) — Somaliland has doubled down on its commitment to a strategic Memorandum of Understanding (MoU) with Ethiopia, promising economic gains and international recognition while sparking fierce opposition from Mogadishu and regional players. Source: Hiiraan Online
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saaka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal looga dareeray saaka doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland. Sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC doorashooyinka ayaa ka dhacaya 80 goobood oo ka kala tirsan saddexda degmo ee gobolka Nugaal. Waxaa codeynayaan in ka badan 64 kun oo qof oo kala xulanaya 431 musharax oo ka kal socda siddeed xisbi siyaasadeed. Doorashada doorashada ayaa waxaa si dhow ula socda korjoogtada caalamiga oo booqday qeybo ka mid ah seejooyinka cod bixintu ka socoto. Maamulka Puntland ayaa horey u qabtay doorashada 33 degmo oo golaha deegaanka ah, iyadoo saddexdan degmo ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay. Bulshada rayidka ayaa si weyn ugu bogaadisay maamulka doorashooyinka noocaan ah, maadaama tallaabo horumar leh loo qaaday dhanka dimquraadiyadda. Si kastaba, Puntland ayaa markii ugu horreysay bartamaha sanadkii hore qabatay doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayeen dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo doorashada maantana xujo kale ku noqon doonto maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe. The post PUNTLAND oo markale taariikh qoreysa – Maxaa dhacay maanta? (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) — Somalia's National Olympic Committee has excluded athlete Abdullahi Jama Mohamed from attending the Olympic Games Paris 2024, scheduled to be held from July 26 to August 11. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweyne-ku-xigeenka hadda ee Maraykanka Kamala Harris ayaa la soo werinayaa in ay soo jiitadayy taageerada wufuud ku filan oo dimuqraadi ah si ay u noqoton musharaxa xisbigaas ee madaxweynaha, sida ay baahisay warbaahimnta isbahaysiga la ah BBC-da ee Maraykanka ee CBS News. Sahan ay samaysay wakaaladda wararka ee Associated Press fiidnimadii Isniinta ayaa isna lagu sheegay in Ms Harris ay heshay taageerada in ka badan 1,976 oo ergo ah, kuwaas oo ah intii loo baahnaa si ay ugu guulaysato​​magacaabista wareegii koowaad ee codbixinta. Ms Harris waxa ay sheegtay in ay “ku han weyn tahay” in ay heshay “taageerada ay u baahnays” ayna rajaynayso in ay si rasmi ah u aqbasho magacaabista mushharaxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraaddiga. Ergooyinka ayaa ah dad loo soo xushay inay matalaan aagga doorashadooda Shirweynaha Qaran ee Dimuqraadiga (DNC),taas oo ah xaflada magacaabista ee uu sameeyo xisbiga. Taas oo lagu xaqiijiyo qof xisbiga mushharax u noqon doona. Source