Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Police in Mogadishu have arrested ten male suspects linked to acts of killing, robbery, and other security offences during recent operations. Source: Hiiraan Online
  2. Xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Somaalya, ayaa ka qeyb galaya meertada 10-aad ee shirka dhallinyarada Baarlamaannadda Adduunka oo ka socda Yerevan, Armenia. Shirkaan oo sanadle ah islamarkaana ay ku kulmaan xubnaha dhallinyarada Baarlamaanada Adduunka, ayaa sanadkaan waxaa diiradda lagu saarayaa laguna lafa-gurayaa arrimo ay ka midka yihiin, ka hortagga marin habaabinta jiilasha dhallinyarada ah iyo ka warqabka iyo ilaalinta duruufaha waxbarasho iyo shaqo ee dhallinyarada. Shirkan oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ku metalaya: 1. Sanatar ayaan Aadan Cabdullaahi 2. Sanatar Saciid Cabdi Xusee {Cawke} 3. Xildhibaan Cabdirisaaq Warsame Xusul. Source: goobjoog.com
  3. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka oo ay Wasaaradda Amniga Guduha soo gudbisay. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ciribtirka Khawaariijta. Golaha ayaa warbixin muhiim ah oo la xiriirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed, waxa uu ka dhagaystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Source: goobjoog.com
  4. Towfiiq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in daaal beeleed lagu hoobtay uu maanta ka dhacay deegaanka Buuq oo hoostaga degmada Towfiiq oo dhacda bariga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa soo bilowday gelinkii dambe ee shalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan rayid iyo dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka dagaalamay oo helayo gurmadyo kala duwan, taas oo uga sii dareysa xiisadda. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalka lagu hoobtay ee dib uga qarxay gobolka Mudug. Wuxuu dagaalka kusoo aaday, xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay Galmudug iyo Puntland ku howlanaayeen sidii loo baajin lahaa coladda deegaankaasi oo muddo dheer soo jiitamaysay siweynna u ragaadisey horumarka deegaandaasi. Si kastaba, gobollada dhexe ayaa waxaa kusoo laa laabta colaado sokeeye, waxaana dagaallo kala duwan ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal xooggan oo maanta dib uga qarxay gobolka MUDUG + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  5. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii dhowaan hanjabaad culus ay soo saareen ciidanka PSF ee fadhiggoodu yahay gudaha magaaladaasi. Taliska PSF oo maalin kahor qoraal soo saaray ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo beddalay xero ciidan, isla markaana laga wareejiyay gacantii rayidka, sidoo kalena askar oo dhaawac ah oo ka tirsan ciidanka PSF-ta laga hor istaagay in laga dhoofiyo garoonka Boosaaso. PSF ayaa sidoo kale ku goodisay inay qaadeyso tallaabo ciidan, waxayna shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan aagga garoonka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin halkaasi. “Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah waxaan uga digeynaa dhammaan shacabka ku dhaw garoonka Boosaaso in ay isaga fogaadaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ma ahaan doono goob u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah” ayaa lagu yiri qoraal maalin kahor kasoo baxay ciidamada PSF. Intaas kadib Puntland ayaa jawaab ka bixisay hanjabaadda PSF, waxaana xalay kulan ay isugu yimid maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha ciidamada, kaas looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Boosaaso, wararka la xiriira khalkhal galinta. Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Saciid oo madasha ka hadlay ayaa ganafka ku dhuftay hadalka kasoo yeeray ciidanka PSF, wuxuuna hoosta ka xariiqay in nabad-gelyo xumo aysan ka jirin magaalada Boosaaso. Sidoo kale wuxuu baaqay ciidanka PFS inay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri karo nabad-gelyo darro, si loo ilaaliyo xasiloonida magaalada. “Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari. Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaasi. The post PUNTLAND oo jawaab culus ka bixisay hanjabaadii ciidanka PSF appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo. Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta, isaga oo soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la dhammaystiro howlgallada dalka lagaga xoreynayo khawaarijta, gaar ahaan deegaannadan oo ay argagixisadu caqabad ku yihiin nabadda, horumarka iyo xasilloonidooda. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la xoojiyo arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, iyada oo muhiimad gaar ah la siinayo difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Koonfur-galbeed doorka ay kuu leeyihiin dowladnimada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Baydhabo ku guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo. Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta, isaga oo soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la dhammaystiro howlgallada dalka lagaga xoreynayo khawaarijta, gaar ahaan deegaannadan oo ay argagixisadu caqabad ku yihiin nabadda, horumarka iyo xasilloonidooda. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la xoojiyo arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, iyada oo muhiimad gaar ah la siinayo difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Koonfur-galbeed doorka ay kuu leeyihiin dowladnimada. Source: goobjoog.com
  8. HELSINKI, Finland (HOL) — Yle Uutiset will launch a Somali-language news service on September 23, 2024, to cater to the Nordic country's growing Somali-speaking population, one of its largest immigrant communities. The year-long initiative aims to provide Somali speakers with news in their native language, enhancing their understanding of Finnish society and helping to improve integration. Source: Hiiraan Online
  9. Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Galgaduud, kadib markii hal goob lagu dilay nin iyo xaaskiisa oo ay weerareen maleeshiyaad hubeysan. Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado ee gobolkaasi, waxaana lasoo wariyay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil. Marxuumka ayaa kasoo jeeday Cadaado, waxaana lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar, ayada oo lala dilay xaaskiisa, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda, kaas oo sidoo kale dab la qabad siiyay. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuuna sheegay in loo dilay aano qabiil darteed, ayada oo ay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi oo lasoo wariyay inay kasoo jeedaan dhanka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud. “Allaha u naxariistee waxa ay maleeshiyaadku dileen nin la yiraahdo Cilmi Cumar iyo naagtiisa, waxaana dilay maleeshiyo ka soo jeedo beesha degtay Gadoon oo gabadha iyaga ayay islahaayeen, ninkuna dhinaca Cadaado ayuu kasoo jeeday, hal goob ayaana lagu dilay guriga ayaana loogu tegay” ayuu yiri. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan dilka argagaxa leh ee loo gaystay dadkaasi. Dilkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay dagaallo ka socdeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo ku sugan halkaasi. The post Nin iyo xaaskiisa oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduuud + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) — Josep Borrell, the European Union's Vice President and Head of Foreign Affairs, warned of a looming humanitarian disaster in Gaza, drawing comparisons to Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay Masar siin doonaan 1.3 bilyan oo doolar oo kaalmo militari ah, taas oo meesha ka saareysa walaaca laga qabo xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquqda aadanaha ee lagu eedeeyo dowladda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi. qayb ka mid ah gargaarkaas ayaa ku xirnaan doonta shuruudo u baahan in ay fuliso Masar, kuwaas oo ku saabsan hagaajinta xuquuqul insaanka, Islamarkaana ay wax ka qabato xadgudubyada ka dhanka ah mucaaradka iyo shaqsiyaadka madaxweyne Siisi ka aragtida duwan, balse xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u sheegay Congress-ka in kaalmada militari aysan wajihi doonin shuruudaha caadiga ah. Intaas ka dib afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sharraxay in shuruudahaas lagu dhaafay magaca amniga qaranka, waxaana go’aankan lagu sheegay mid muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo kaalinta Masar ee xal u helidda xasraha Bariga dhexe sida dagaalka Qasa. Masar oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaartay wada xaajoodyada xabad joojinta ee socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda hubaysan ee Falastiin ee Xamaas, iyadoo hoggaamiyeyaasheedu ay doonayaan in la soo afjaro dagaalka marinka Qasa. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) — Mogadishu University has emerged as the winner of the Somali International Humanitarian Law (IHL) Competition, securing its place to represent Somalia at the All Africa IHL Competition in Nairobi this November. The event was held in Mogadishu on Wednesday and was the first in-person edition after two years of virtual competitions. The mock trial saw Mogadishu University outshine Somali National University in a heated final round. Source: Hiiraan Online
  13. Wararka ka imaanaya deegaanka Gaalyeel oo hoostaga magaalada Godinlabe ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in dablay hubaysani ay xalay halkaas ku dileen nin iyo xaaskiisa. Falkan oo la xariira aano qabiil ayaa kamid ah dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ay sababeen colaadaha beelaha ee gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo laamaha nabad-gelyadu ay arrintan ka soo saareen. Gobalka Galgaduud ayaa kamida meelaha ay colaadaha beeluhu aanfeeyeen, waxaana maalmo ka hor dagaallo lagu hoobtay ay ka dhaceen deegaanno ku yaalla waqooyiga gobolka. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay illaa 10 eedeysane oo loo haysto inay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Eedeysanayaasha oo sawirradooda lala wadaagay warbaahinta ayaa loo haystaa inay gaysteen dil, dhaawac iyo dhac, isla markaana ay qalqal-gelinayeen amniga caasimada. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla markaana lagu soo qabtay howlgalladii ugu dambeeyay. “Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood, kuwaas oo geestay falal iskujira Dil,Dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska Booliska. Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in raggan lala tiigsan doono sharciga, lana horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, “Waxaa ku socota baaris waxaana la mar siindoonaa cadaaaladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir. Dhinaca kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan halis kasta, “Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanak Boliiska Soomaaliyeed 991 amma banadir@bolice.gov.so.” ayaa lasii raaciyay qoraalka Booliska. Maalmihii u dambeeyay waxaa caasimda ka socday howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd, sidoo kalena lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah. The post Sawirro: 10 nin oo loo haysto dambiyo culus oo lagu soo bandhigay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  15. Minneapolis, MN (HOL) — Indian Congress leader Rahul Gandhi's meeting with U.S. Congresswoman Ilhan Omar (D-Minn.) during his visit to Washington has drawn sweeping condemnations in India, particularly from the ruling Bharatiya Janata Party (BJP). The BJP has accused Gandhi of aligning with individuals perceived to be "anti-India," citing Omar's outspoken criticism of India's policies on Kashmir, religious intolerance, and human rights abuses. Source: Hiiraan Online
  16. Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka bilowday degaanka Buq oo wax yar u jira degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug. Dagaalka oo u dhexeeya laba mileeshiyo beeleed ayaa weli soconaya waxaana laga soo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac. Dagaalka ayaa daba socday iska hor imaad khasaare geystay oo shalay labada beelood ku dhexmaray degaanka hadda lagu dagaallamayo sida ay sheegayaan dadka degaanka. Ugu yaraan 10 ruux oo kamid ah dhinacyada dirirtu u dhexayso ayaa ku dhintay dagaalka oo weli socda halka in ka badan 20 kalena ku dhaawacmeen. Marar kala duwan ayaa la isku dayay in waan-waan nabadeed lagu xalliyo colaadda labada beelood oo soo noq-noqotay balse ilaa iyo hadda laguma guulaysan dadaalladii socday. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed xooggan oo saaka ka socda nawaaxiga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shalay shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa. Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland. “Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah,” ayuu yiri Ciise Kayd. “Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri. Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya. Maxay tahay maktabaddan? Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan. Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah. Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen.” Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed. Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah. “Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay. Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas. Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore,” ayuu yiri Maxamed. Isha: BBC The post Xog: Sababta rasmiga ah ee SOMALILAND ay u xirtay maktabaddii Masaarida appeared first on Caasimada Online.
  18. (Bloomberg) -- Islamic State in Somalia, the global terrorist group’s affiliate in the Horn of Africa, has grown in influence through its ability to mobilize funds for disbursement to the network on the continent, according to the International Crisis Group. Source: Hiiraan Online
  19. ‘In Mogadishu, new development is welcome – but all we ask is to be included.’ Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (Xinhua) -- Food security experts from Somalia, the United Nations (UN), and other international agencies on Wednesday resolved to take proactive steps to mitigate the impacts of prolonged dry spells on the East African country. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somalia has introduced its first-ever national laboratory strategic plan to enhance its public health system by improving disease diagnostics and health crisis response. Developed in partnership with the Africa Centers for Disease Control and Prevention (Africa CDC), the plan addresses critical gaps in the country's health infrastructure, which has long been weakened by decades of conflict. Source: Hiiraan Online
  22. Wararka ka imaanaya degaan xeebeedka Gabbac oo qiyaastii 30 dhinaca bari ka xiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen afar carruur ah kadib markii uu ceel liqay. Carruurta oo dhammaantood wiilal ah islamarkaana la waayay galabnimadii ayaa xalay meydadkooda laga helay ceel ku yaalla degaankaasi Gabbac sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoysaskooda. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhammaantood ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay 10 oo kan ugu weyn uu ahaa da’da 7 sano jir. PUNTLAND POST The post Afar carruur ah oo ku dhintay ceel ku yaalla degaan ka tirsan degmada Eyl appeared first on Puntland Post.
  23. Somaliland ayaa shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa. Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland. “Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah. “Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri. Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya. Maxay tahay maktabaddan? Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan. Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah. Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen,” ayuu yiri. Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed. Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah. Xigashada Sawirka,Maxamed Cabdi Daa’uud Qoraalka sawirka,Maxamed Cabdi Daa’uud “Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay. Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas. Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore.” Ayuu yiri Maxamed. Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya iyo Masar Qoraalka sawirka,Itoobiya oo dacwad ka dhan ah Masar u gudbisay Golaha Ammaanka Itoobiya ayaa dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday “hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday” oo ka dhan ah Itoobiya. Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah. Warqaddaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka, ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad. Hadda kahor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha. Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda. “ Dhanka kale Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhow kaasoo ka caraysiisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis is af garad oo dhanka badda ah. Sidoo kale, bartamihii bishii hore, Soomaaliya ayaa heshiis dhanka difaaca iyo amniga la saxiixatay dalka Masar, kaaso ujeedkiisu ahaa iskaashi ay yeeshaan wasaaradaha gaashaandhigga labada dal. Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku qaabilay wefdi ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan, oo shir jaraa’id ay wada qabteen Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa waxay sheegeen in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo ka hor hadalkooda wasiirrada difaaca ee labada dal ay wada saxiixeen heshiis difaaca iyo amni ee Soomaaliya iyo Masar. Sidee ayay ku bilaabatay xiisadda Geeska? Itoobiya ayaa 1-dii January qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo badda, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya. Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad. La taliyaha ammaanka qaranka ee Mr Abiy, Redwan Hussien, ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in arrintan ay sidoo kale Itoobiya u suurtogelin doonto inay hesho “saldhig militari oo kiro ah” oo badda ay ka hesho. Heshiis is af-garad (MoU) ma aha mid sharci ah balse wuxuu waddada u xaari karaa cahdi shuruuc kusoo rogaya dhinacyada kala saxiixday. Xukuumadda Addis Aababa ayaa heshiiskan u aragta guul diblomaasiyadeed oo weyn. Raysal wasaaraha, oo heshiiska is af-garad caasimadda Itoobiya kula saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bartiisa X kusoo qoray in “dhammaan waxa la dhihi karo ay uun tahay mahadsanid Allah”. Mar uu ka hadlayay halka heshiiska lagu kala saxiixday, ayuu Madaxweyne Muuse sheegay in heshiiskan ay ku jirto qeyb qeexeysa in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madax bannaan mustaqbalka. Kaddib markii uu soo baxay heshiiskan, ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanayay siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwa Somaliland iyo bulshada labada dhinacba. Jawaab sax ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta dhul geyigeeda ka mid ah. Balse telefishinka qaranka Soomaaliya SNTV ayaa shaaciyay inuu jiri doono kulan wasiirrada oo degdeg ah oo maanta oo Talaado ah looga hadli doono arrintan. Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiintii hore ee Soomaaliya oo arrintan ka falceliyay ayaa ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Qaran News
  24. The Juno Award winner's debut film made its premiere at this year's Toronto International Film Festival Source: Hiiraan Online