Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The police are speaking to witnesses daily and investigating various tips around the fatal assault of a Somali man in The Hague last weekend. A spokeswoman did not want to comment on the identity of the men who are being sought as suspects due to the ongoing investigation. Source: Hiiraan Online
  2. Abdihamid Nur, a Somalia American runner who will be representing Team USA in the 5,000m race at the Paris Olympics, says he is vying for Olympic medal at the games in France, and wants to show that his country can put up a great performance in long distance running, a field predominantly won by Kenyan and Ethiopian athletes. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) — Ethiopia has again rejected accusations from Somali officials that it is involved in smuggling weapons across their shared border. The Ministry of Foreign Affairs expressed dismay over what it described as "unwarranted and irresponsible" accusations from the Somali government. Source: Hiiraan Online
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay qoraal ay iskaga fogeynayso eedeymihii ay dowladda federaalka Soomaaliya u jeedisay, oo ay ugu dambeysay middii hubka. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto weedhaha kicinta ah ee soo noq-noqday ee kasoo yeeraya dowladda federaalka Soomaaliya. “Si ka duwan eedeymaha aan salka lahayn ee dowladda Soomaaliya, sodon sanno iyo dheeraad Itoobiya waxay si hagar la’aan ah ugu tafoxaydnayd ka shaqaynta xaslloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya oo ay u hurtay naf iyo maal,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Itoobiya. Itoobiya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay hadallo ay ku tilmaamtay kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyad darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, si ay muhmal u galiyaan doorka togan ee dowladda Itoobiya ku leedahay dowladnimada Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka. “Iyada oo maanka lagu hayo isku tiirsanaanta xooggan ee mandaqada, xidhiidhka dhaqanka iyo midka taariikheed ee ku dhidban dhiigga iyo dhidid wadaagga, Itoobiya waxay qaadatay in aysan dheg jalaq u siin eedeymaha marin habowsan ee kasoo burqanaya madaxda Soomaaliya.” Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Itoobiya oo ay u muuqato garadarrada eedaymaha qaawan ee lala daba socdo, waxay haddana door bidday in ay qaado hilinta samirka, qal-qaalada togan iyo baxnaannada danta guud ee dadkeenna aan marnaba kala maarmayn.” Sidoo kale waxay Itoobiya walaac ka muujisay ka ganacsiga hubka fudud ee kusoo qul-qulaya Geeska Afrika, loolanka colaaddeed ee ka aloosan xeebaha iyo sidoo klae xuduudaha aan amnigooda gacanta lagu hayn, xilli dhawaan hub la sheegay inuu kasoo gudbay dhanka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. “Itoobiya waxay sii wadi doontaa isbar-bartaagga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashiga gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka oo uu ku saxiixna afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. The post Itoobiya oo qoraal aan looga baran ugu jawaabtay DF – Maxaa ku qoran? appeared first on Caasimada Online.
  5. 453008184_995581118639213_3566846091766145597_n Qaran News
  6. Mumbai (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka India oo lagu magacaabo Raghav Chadha ayaa tusaale xun usoo qaatay Soomaaliya xilli uu khudbad ka jeediyay golaha. Raghav ayaa sheegay in muwaadiniinta India ay canshuurta u bixiyaan sida Ingiriiska oo kale, ayna helaan adeeg liita oo lamid ah kan Soomaaliya. “Muwaadiniinta India sidii kuwa Ingiriiska ayey canshuurta u bixiyaan, haddana waxay helaan adeeg lamid ah midka dadka ku nool Soomaaliya,” ayuu yiri Raghav Chadha oo si weyn u dhaliilsan adeega ay bixiso dowladda India. Xildhibaanka oo si weyn u dhaliilsan xadiga canshuurta ay qaado iyo tayada adeegyada ay bixiso ayaa tusaalaha foosha xun usoo qaatay Soomaaliya, oo lagu tiriyo waddamada ay madaxdeedu ka shaqeystaan ee aysan u shaqeyn bulshadooda. Soomaaliya oo in ka badan 30 sano kusoo jirtay fowdo, nidaam la’aan iyo colaado, ayaa adduunka u noqotay tusaale xun, ayada oo horey sidan oo kale madax kala duwan tusaaleyaal fool xun ugu soo qaateen dalkeenna. Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa la xasuusta Trump in Soomaaliya uu horer ugu tilmaamay wadamada ugu halista badan caalamka, islamarkaana ah gunta argagixisada. Halka Museveni oo ah madaxweynaha Uganda ayaa isna kamid ah madaxda caadiyeystay inay Soomaaliya u soo qaatan tusaalayaasha ugu xun-xun, oo liidid ah. Falalkan aan garowshiyo lahayn ayaa sharaf-dhac ku ah sharafta dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed. The post Xildhibaan Hindi ah oo si weyn ugu gefay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) — The Somali government has banned the importation of narcotic drugs to combat escalating drug abuse, Deputy Health Minister Mohamed Hassan Mohamed Bulaale announced Tuesday, warning traders of severe penalties for violations. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somali government has announced that Turkish naval forces will arrive in the country in the coming weeks under a Defense and Economic Cooperation Framework Agreement signed in February 2024. Source: Hiiraan Online
  9. Galkayo (HOL) — In Galkayo, the Mudug region's capital, Puntland police on Thursday arrested a young man who was disguised as a woman. The incident highlights the crackdown on behaviour deemed immoral in Somalia's deeply conservative society. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aad u qaabeyso xukunkaaga ayaa dhalin karta jaceyl ama naceyb, kalsooni ama kala shaki bulsho. Haddii qofka madaxda ah uu la yimaado qorshe xumo, eex siyaasadeed ama qabyaalada qoysaysan dhaxalku waa niyad jab shacab, waxaana dhici karta in dadka si buuxda uga horyimaadan qofka xukunka haysta ama inay taageeraan fikrado kale oo halis ah. Xasan Sheekh Maxamuud oo xukunka Soomaaliya laba jeer qabtay ayaa weli lagu eedeynayaa musuq, qabyaalad iyo maamul xumo. Xildhibaan Xuseen Dhagaweyne oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu asbuucan ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa hoggaan xumo, qorshe xumo, cadaalad darro iyo eex. Wuxuu sheegay in dhaqamadaasi ay yihiin kuwo u daneynaya ama caawinaya argagixisada. Xildhibaan Dhagaweyne oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo kamid ah goobaha ay weli haysato argagixisada oo wax laga weydiiyay sababta dhulkaasi loo xoreyn waayay ayaa sheegay in sida dagaalka loo hoggaamiyay oo qaldaneyd inay keentay in cadowga laga xoreyn waayo deegaanadaas. Wuxuu ku baaqay in hoggaanka Xasan Sheekh uu is hagaajiyo si dalka loo hagaajiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ereyo toosin ah ka helay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, tan iyo markii uu furmay kal-fadhigga 5-aad ee baarlamaanka. Laakiin Villa Somalia waxay dhaliilahaasi u taqaana duullaan siyaasadeed. Qofkasta oo madax looga dhigo Soomaaliya waxaa laga rabaa cadaalad iyo sinaan bulsho, inuu amaanada ilaaliyo oo xoolaha dadka la boobin iyo in uusan uga sii darin xaalka oo aanay dadka dooran duul qaldan sida argagixisada. Marka aad soo qaadato ereyada cadaalad, sinaan, ammaano iyo hufnaan maamul oo aad ku fiiriso nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kusoo baxaya is-diidooyin badan iyo niyad-jab. Laakiin madaxweynaha weli wuxuu haystaa waqti uu dalka ku badbaadin karo, niyada shacabka kusoo celin karo, waana haddii uu hagaajiyo maamulkiisa oo eexda iyo musuqa wax laga qabto, mudnaana la siiyo dowlad wanaaga iyo dad isku haynta. The post Hab-dhaqanka dowladda Xasan Sheekh oo laga digayo inuu caawiyo dhinac halis ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay sheegtay in maxaabiista Laascaanood iyo kuwa Hargaysa ku xidhan ay diyaar u yuhiin dhankooda in si nabad geliyo ah oo shuruud la’aan ah loola kala wareego. Wasiirka Arimaha gudaha ahna gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa BBC u sheegay “in dhankooda ay diyaar u yihiin in si nabad geliyo ah oo shuruud la’aan ah looga wada hadlo” maxaabiista dagaalkii Sool, Wasiirku wuxuu intaa ku daray in ay jiraan wadahadalo u dhexeeya labada dhinac ee Somaliland iyo SSC oo ku saabsan arimaha maxaabiista. Source
  12. Hargeisa (HOL) — The Somaliland government has announced its readiness to negotiate the fate of prisoners captured during the Las Anod conflict. The talks come nearly a year after the guns fell silent between the Somaliland National Army and the SSC-Khaatumo forces of the Sool clan in Las Anod, the capital of the Sool region. Source: Hiiraan Online
  13. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga. Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda. Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la tartanto musharraxa Jamhuuriga Donald Trump. “Waxaan u wacay in aan ku dhaho, aniga iyo Michelle ma jirto wax nooga farxad badan in aan ku taageerno oo aan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan kaaga caawino doorashadan oo aad u gasho Xafiiska Oval,” madaxwaynihii hore ayaa sidaas u sheegay Harris, oo muuqaal lagu muujiyey iyada oo qabaneysa taleefonka. Michelle Obama ayaa iyana tiri “Kuma soo wici laheyn aniga aan ku dhaheyn, gabadheyda Kamala, aad ayaan kuugu faanaa.” “Tani waxay noqon doontaa taariikh,” ayey ku dartay. Harris, oo aqoon u laheyd labada Obama ka hor tan iyo doorashadoodii 2008, ayaa uga mahad celisay saaxiibtinimadooda, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay “halkaas gaarto, oo ay waddada hayso” ayna kala qeyb galaan saddex bil oo olole doorasho ah, ka hor 5-ta November. Sida ay shaacisay wakaaladda wararka AP, Harris ayaa horey u xaqiijisay taageerada ergo ku filan kahor Shirweyaha Qaran ee Dimoqraadiga oo 19-ka August ka dhacaya Chicago. Guddiga Qaran ee Dimoqraadiga ayaa qaban doonaa codeyn hab fogaan arag ah taasi oo la filayo in ka hor 7-da August ay xaqiijiso in Harris ay noqoto musharraxa rasmiga ah ee xisbiga. The post Kamala Harris oo heshay taageero horleh iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in aan dalka la keeni karin daawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha, kuwaasi oo muddooyinkii dambe soo badanayay. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan laheyn nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaradda ugu tala-gashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka. “Haddii waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna,” ayuu yiri wasiirka, oo hoosta ka xariiqay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn, kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha intaba, “ha laga digtoonaado daawooyinka liita iyo kuwa sida qaldan loo isticmaalo.” Wasiirka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada. Waxa uu sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux, halka laga daaweynayo illaa 21 qof, isaggoo calaamadooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran, beef qabatoow iyo tabar-yari. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in adeeg caafimaad oo buuxa laga hirgeliyay deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dowladda dib u dayactir ku sameysay isbitaallo muddo xirnaa, lana gaarsiiyay gawaarida caafimaad ee qalabkooda u dhameystiran yahay. The post DF oo mamnuucday in Soomaaliya la keeno… appeared first on Caasimada Online.
  15. Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa beeniyay warar dadka dhexdiisa ku faafay maalmihii u dambeeyay oo sheegayay in xisbiga Kulmiye uu musharraxa madaxweyne uu isaga ka dhigi doono. Wasiir Kaahin oo BBC wareysatay ayaa yidhi; “arrintaas waxba kama jiraan xisbigu Musharrax buu leeyahay waana caddahay arrintaasi” Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahin ka bixiyay ciidamada Turkiga usoo dirayo Soomaaliya ayaa sheegay inay daba socoto heshiiskii difaaca ee dhawaan gaareen labada dal. Xuseen ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ee Muqdisho imaanaya ay door weyn ka qaadanayaan dhismaha ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa badda, sida ay horey ugu heshiiyeen dhinacyada. “Ciidamada imaanaya waa ciidamadii badda noo dhisi lahaa, oo heshiiskii dhaqaale ee la kala saxiixday fulinteeda qeyb ayey ka tahay,” ayuu Xuseen Macalin ku yiri wareysi uu siiyay VOA. Waxa uu intaas kusii daray “Qaabka ay u hawl-gali doonaan, sida ay u hawl-geli doonaan iyo goobta ay ka hawl-geli doonaan waa wax aan weli la guda-gelin, laakiin in heshiiskii la bilaabo oo la hirgeliyo si howshii dhaqaale iyo milatari isku mar bilowdaan.” Ciidankan oo la sheegay inay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu madaxweynaha Turkiga u jeediyay in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya. Inkasta oo bilowgii sanadkaan heshiis wayn ee difaac iyo dhaqaale ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa haddana dhawaan waxay dowladda federaalka Soomaaliya heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dowladda Turkiga. Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadol. Heshiiskan ayaa wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar. Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir. Si kastaba, Turkiga ayaa sida uu qorshuhu yahay bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya. The post Villa Somalia oo xog ka bixisay ciidamo cusub oo Turkiga usoo dirayo Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Asarbayjaan iyo Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa fursadaha iskaashiga dhanka tamarta, xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso kobcinta kaabashaasha dhaqaalaha oo hormarinta Tamartu ku jirtu. Wasiirka dhaqaalaha Asarbayjaan Mikayil Jabbarov sheegay in kulan oo la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay diirada saareen sidii loo sahmin lahaa fursadaha dhanka dhaqaalaha ee ka jira Soomaaliya si ay maalgalin ugu sameyso dowladdiisa. Sidoo kale, dhinacyadu waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay ugu habboon tahay in la sameeyo xiriir dhaqaale oo faa’iido u leh labada waddan, ballaarinta qaab-dhismeedka sharciga si loo taageero horumarinta xiriirka, iyo isdhaafsiga khibradaha dhinacyada danaha labada dhinac. “Intii aan ku guda jirnay kulanka aan la yeelanay Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan wada-hadalladayadu ay ku qotomeen horumarinta xiriirka dhaqaale ee labada dal iyo sahminta fursadaha iskaashiga dhanka tamarta,” ayuu yiri Jabbarov. Kulankaan ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay waday maalmihii lasoo dhaafay dadaallo lagu horumarinaayo dhanka tamarta iyo dhaqaallaha. Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal la furto hoggaanka gacanta ku haya Laascaanood, kaas oo salka ku haya maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii labada dhinac. Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin oo la hadlay BBC ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoo sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga furo arrinta maxaabiiista. “Somaliland maxaabiista meel fiican ayay ka taagan tahay, markastana waxay diyaar u tahay si nabad-galyo ah oo aan shuruudo lahayn in arrinta maxaabiistaa dhinacyadu uga wada-hadlaan,” ayuu yiri wasiir Kaahin. Sidoo kale wuxuu xusay in wada-hadalka dhinacyada ay wax ka bilaaban yihiin laakiin ay wali qabyo badani ku jirto, sidaas darteedna aan la sheegi karin waqti rasmi ah oo xal laga gaari karo arrinta maxaabiista, oo muddo ku kala xiran Hargeysa iyo Laascaanood. Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallada hoose ee Somailand shaacisay. Horey, SSC-Khaatumo ayaa shuruud uga dhigtay sii deynta maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayaan illaa inta laga gaarayo heshiis nabadeed buuxa, mana cadda inay taas aqbashay xukuumadda Somaliland. Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer SSC-Khaatumo ku eedeysay in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistaas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC. The post Somaliland oo ogolaatay arrin ay muddo diidaneyd oo la xiriirta SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo sidoo kole Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Mohamed ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay wakiilka hey’adda Qaxootiga aduunka (UNHC) ee Soomaaliya mudane Charles Mballa. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar-galin lahaa taageerada Qaxootiga, Barakacyaasha iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoona gudoomiyaha hay’adda NCRI marwa Safiya ay xustay in dowladda Soomaaliya Mas’uuliyad gaar ah iska saartay garab istaagga dadka Nugul. Kulanka ayaa sidoo kole looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Dedaallada xalka-waara loogu abuuraayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalka, kuwaas oo wajahaya xaalado kale duwan oo hoos la’aantu ay ugu horeyso iyo nolosha aasaasiga ah. Source: goobjoog.com
  20. Wararka ka imaanaya deegaanka harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ay halkaas weerar ku qaadeen, xilli dhowaan dagaal ka dhacay deegaanka. Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa isku dayay in ay weeraan ku qaadaay Deegaanka Harboole waxaa iska caabin xooggan kala hortagay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland sida lagu sheegay qoraal ay baahisay war baahinta ku hadasha afka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya. Weerarkan oo ku soo beegmaya maalmo yar ka dib markii ugu yaraan 100 xubnood ay ciidanku ka dileen koox ka tirsan Alshabaab oo isla deegaanka Harboole soo weerartay ayaan xog dhammaystiran laha hayn, waxaana isi soo taraya wararka ku saabsan. Source: goobjoog.com
  21. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u danaynaysa in Ruushku uu safaarad rasmi ah ku yeesho Muqdisho sida ay qortay warbaahinta dalkaasi Ruushka. Soomaaliya ayaa usoo jeedisay Ruushka in uu safaarad rasmi ah ka furto magaalada Muqdisho , sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka ee RIA Novosti oo xiganaysa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi. Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa , ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya. Tallaabadani ayaa timid kadib markii bishii May ee sannadkan uu Muqdisho soo booqday Safiirka Ruushka ee Soomaaliya , Danjire Mikhail Golovanov — kaasi oo aan degganayn Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Ruushka u soo jeedisay in uu safaarad rasmi ah ka furto Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Talaadadii ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti. Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qabakii loo maareeyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaal bariga Afrika. Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay. Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii. Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara. Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda. Maxay tahay faa’idada Jabuuti ugu jirta heshiiskan? Aadan Cumar Cabdillaahi, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Jabuuti ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid labada dal-ba ay dan ku qabaan. Waxaa uu xusay in Faransiiska uu u arko ciidamada Jabuuti ka jooga kuwa muhiimad gaar ah ugu fadhiya. “Heshiiskan waa heshiis ay dan ku qabaan labada dal-ba, Faransiiska waxaa Jabuuti ka jooga 1,500 oo askari xarun militari ayuu ku lahaa 47 sano ee la soo dhaafay ee ay Jabuuti xorriyadda ahyad, danta Faransiiska waxaa weeye ragga halkan kaa jooga sharciga ay ku joogayaan muxuu yahay, sharcigaas ayayna ku dadaalayaan”, ayuu yiri Mr Aadan. Aadan Cumar Cabdillaahi, ayaa dhanka kale sheegay in Jabuuti ay heshiiskan ka faa’ideyso in la sugo amniga badda cas iyo guud ahaan ammaanka gobolka. Waxaa uu xusay in saldhigyada militari ee ay Jabuuti ku leeyihiin dalalka kala duwan ay dan ugu jirto guud ahaan amniga gobolka iyo badda cas. “Jabuuti waxa ugu jiro waxaa weeye labo faa’ido ayaa ugu jirta tan ugu horeysa waa in ragaasi ay ka qeyb galaan amniga guud ee Jabuuti, badda cas iyo geeska Afrika, ” ayuu intaa ku daray. Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Jabuuti Aadan Cumar Cabdillaahi, ayaa sidoo kale qaba in saldhigyada ay Jabuuti ku leeyihiin dalalka shisheeye ay Jabuuti u soo jiideyso maalgashi caalami ah. “Jabuuti ma ah dal sidaasi loo garanayo aduunyada waa dal yar oo dhaqaalo yar, dadkiisu ay yaryihiin mar jabuti tan waxay siinaysaa way muujinaysaa Jabuuti si ay u hesho maalgalino ajnabi ah iyo si ay u sii sugto jiritaankeeda” ayuu yiri. Heshiiskan iskaashiga militari ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ku soo begmaya xilli dhawaan ay dalalka Soomaliya iyo Turkiga ay ka saxixdeen heshiis iskaashi militari. Dalalka kale ee saldhigayada ku leh Jabuuti Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo xasilooni ay ka jirto Islamarkana ku yaalla gobol ay daganaashiyo la’aan ka jiro ayaa waxaa saldhigyo militari ku leh dalal kala duwan. Jabuuti waxa ay martigelisaa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier, kaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 4,000 oo shaqaale ah oo badankood ay askar yihiin. Shiinaha ayaa 1-dii Ogosto ee sannadkii 2017-kii si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda. Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii 2016-kii. Kharasha ahaan wuxuu Shiinaha sheegay in dhismaha xaruntan ay ka baxday lacag dhan 590 million oo doolar. Tiro ahaan militariga ku sugan ayaa lagu sheegay inay yihiin kun ilaa laba kun oo askri. Dalka Japan ayaa dhankooda ku soo biiray loolanka saldhig ee Jabuuti waxaan saldhig yar ay ka fureen dalka Jabuuti. Ma jiro dal kale oo Afrika ku yaalla oo ay saldhigyo intaa dhan ku leeyihiin dalal shisheeye o qaarkood siyaasad ahaan iyo istaraatijayad ahaan is diidan. bbcsomali Qaran News
  23. Magaalada Paris waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya ciyaaraha caalamiga ee Olompikada Caalamka taas oo si weyn looga dareemayo dariiqyada magaalada. Xaflada ka dhacday Madxafka Louvre. Madaxeyne Makron waxaa uu marti galiyey wafuuda iyo guddiga olympicada caalamiga ah isaga oo xusay in ciyaarahu yihiin waxyaalaha soo afjara kala qaybsanaanta bulshada u dhexeysa. Ciyaaryahanno kala duwan oo meteli doona noocyada kala duwan ee tartanka, ayaa isgu yimi magaaladan. Waxa sida oo kale maalmihii u danbeeyey buux dhaafiyey Paris, dad dalxiisayaal iyo daawadayaal ka kooban, kuwaas oo raba in ay markhaati ka ahaadaan tartankan Caalamiga ah. Ciidammo kala duwan ayaana daaddan waddooyinka Magaalada Paris kuwaas oo isku deyeya in ay sugaan amniga kumannaanka qof ee isu yimi. Qaran News