Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland ayaa war kasoo saartay in ciidamo Turki ah ayna ka howl geli karin agga badaha ee Somaliland. Qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si cad u diidaysaa in “Ciidamada Badda ee Turkiga la geeyo Aagga Badda Somaliland”. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u diidaysaa in la soo geliyo ciidamada badda ee Turkiga ee ku sugan dhulka Somaliland ee la aqoonsan yahay. Aagaggani waxay si cad u qeexayaan shuruucda caalamiga ah, waxayna lagama maarmaan u yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland”. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horraan heshiis la gashay dhiggeeda Turkiga kaas oo sheegayay in Turkigu uu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya. Xeebaha Somaliland ayaa nabdoonaa tan iyo 33kii Somaliland ay jirtay iyada oo ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ay ku guulaysteen in ay sugaan amaanka xeebaha Somaliland oo ayna jirin wax budhcad badeed ah oo ka jirta badaha Somaliland. Hadii ciidamadda Turkigu ay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland oo nabdoonaa waxa hubaal ahi dawladda Turkigu ua sii dari doonto xaaladda hada ay ku sugan yihiin oo ah nabad iyo horumar. Dawladda Turkigu ma aha in ay ku dhex milanto siyaasda Somalia iyo Somaliland oo kala ahaa laba dal oo isku biiray 1960kii isla markaasina kala tagay 1991kii Qaran News
  2. Garowe (HOL) — The Puntland Election Commission announced the preliminary results of the local council elections in the Nugal region, revealing a close race between major parties. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee baarlamaanka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Mustaf Dhuxlow ayaa sheegay in dalka uu hadda ku socdo waddadii lagu yaqaanay kaligii talisnimada, isaga oo sheegay dhammaan laga arki karo tallaabooyinka ay qaaday dowladda, sida uu hadalka u dhigay. Dhuxulow ayaa shaaca ka qaaday in dalka la keenay fikirkii madaxweynaha dalka Eritrea oo kale ee kalitalisnimada, wuxuuna tilmaamay inay ka digayaan. “Horta haddii aad aragtiin Media la xiraayo, doorasho la diidan yahay iyo dowlad goboleedyada oo la diidan yahay dhaqankaas waxaa iska leh Afwerki, marka lama ogolo in la caburiyo saxaafadda xorta ah inta lasoo qaado oo halkan la keeno fikirkii Afwerki”” ayuu yiri Xildhibaan Mustaq Dhuxulow. Xildhibaanka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay iyadu hortaagan tahay doorashooyin ka dhaca maamul goboleedyada, taasna ay tahay caqabad dib u dhigi karta dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cawaaqib xumo laga dhaxli kari, haddii aan waqtigooda lagu qaban doorashooyinka dalka. “Caalamka haddii doorashooyinka ay waqtigooda ku dhici waayaan waxaa dhici doonta inay ka goostaan taageerayaasha ay siiyaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha oo uu ugu baaqay inuu wax ka beddalo jihada siyaasadeed ee uu haatan ku wado dalka. “Madaxweyne Xasan Sheekh oo nin oday ah 70 jiro ah oo lasoo doortay waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka beddalo siyaasaddiisa” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. The post Mustaf Dhuxulow: Soomaaliya waxaa la keenay fikirkii Afwerki appeared first on Caasimada Online.
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Cabdiraxmaan Dahir Guure (Karoore) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan ciidamada Itoobiya ee shalay kasoo tallaabay xadka, isla markaana gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Wasiir Karoore ayaa sheegay inay hayeen xogta ciidamadaas, isla markaana lala soo wadaagay HirShabelle, wuxuuna tilmaamay in ujeedkoodauu yahay inay galbiyaan ciidamada Itoobiya ka joogay gobolkaas, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka ATMIS. “Ciidanka Itoobiya ee kasoo gudbay xadka dhinaca Feerfeer sida annaga nagu soo gaartay warbixinta ku saabsan ciidamadaas in ay ciidankii gobolka Hiiraan ka joogay oo qaarkood ATMIS ay ahaayeen, qaara ay caawinayeen inay guurayaan waqtigiina uu ka dhammaaday in ciidamadaas galbinayaan ayaa warbixinta nagu soo gaaray” ayuu yiri wasiir Karoore. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay HirShabelle lasoo xiriireen, ayna u sheegeen inay baxayaan, isla markaana ay si nabad ah ku marayaan waddooyinka Hiiraan. “Way nala soo xariireen maamullada deegaannadana way la hadleen oo waxay rabaan inay waddooyinka si nabad ah ku maraan,” ayuu mar kale yiri wasiirku. Waxaa kale oo uu raaciyay “Shalay way noo yimideen, maantana haddii ay baxayaan annaga wargelin kale oo gooni a kama rabnee kolley shaqadii ayaa u dhammaatay inay baxaana waa qasab”. Arrintan ayaa sidoo kale ku timid codis ay dowladda Itoobiy u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbaneysa in loo ogolaado in gudaha Soomaaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah, si ay u gelbiyaan ciidan kale oo Itoobiya ka jooga degmada Maxaas. Intaas kadib dowladda dhexe ayaa Ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay tagaan Maxaas, si halkaas ay uga gelbiyaan 500 oo Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan. Si kastaba, Bixitaanka ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya, sida ay cadeysay dowladda Itoobiya. The post HirShabelle oo war cusub kasoo saartay ciidamada ITOOBIYA ee soo galay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Eritrea ayaa dalkeeda ka mamnuucday duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, wuxuuna go’aankaasi dhaqan-galaya laba bilood ka dib oo ku beegan dhammaadka bisha September. Eritrea ayaa diyaaraddan ku eedeysay xadgudubyo iyo falal xadtooyo ah oo lagula kaco rakaabka, ayadoo sheegtay in boorsooyinkoodii laga xaday dad la socday duulimaadkeeda. Dhacdadan ayaa ah fadeexaddii labaad oo ay Ethiopian Airlines la kulanto tdobaad gudihiis, ayadoo maalmo ka hor ay falcelin xoogani ka dhalatay gabar Soomaaliyeed oo ay kursigeedii qasab uga dejiyeen si loo saaro wasiir ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abii Axmed. Diyaaradda ayaa wajahaysa hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh, waxaana sii lumaysa sumcaddeedii iyo kalsoonidii ay dadka rakaabka ahi ku qabeen, taas oo ka dhalatay falal xadgudubyo ah oo ay howl-wadeenadeedu ku kaceen. Source: goobjoog.com
  6. 10000000_1155799605540424_8904987077345059766_n (1) Qaran News
  7. Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo maanta kulan la qaatay Xisbiyada iyo Ururada siyaasada ayaa xaqiijiyay in Doorashadu aanay maalin dib udhacaynin oo wakhtigeeda ay ku qabanayaan Waxaana komishanku kulankan Xisbiyada iyo Ururda ugu qaybiyeen Saddex xeer oo kala ah. 1:- Xeerka habdhaqanka xisbiyada qaranka iyo ururada siyaasada 2:- Xeer nidaamiyaha gudida anshaxa xalinta khilaafaadka iyo kormeerka doorashooyinka madaxwaynaha, ku xigeenkiisa iyo xisbiyada qaranka 3:-Xeer hoosaadka gudi hawleedyada xisbiyada qaranka iyo ururada siyaasada. Source
  8. The Government of the Republic of Somaliland vehemently rejects any “deployment” of the Turkish Naval Forces at Somaliland Maritime Zones. Hargeisa, July 24th, 2024 – The Government of the Republic of Somaliland vehemently rejects any potential deployment of Turkish naval forces within Somaliland’s recognized maritime zones. These zones are delineated clearly under international law and are essential to the sovereignty and territorial integrity of the Republic of Somaliland. Somaliland reaffirms its adherence to the principles set forth in the 1964 OAU Cairo Declaration, which asserts that the inviolability of African borders established at independence. The boundaries between Somaliland and Somalia (formerly Italian Somalia) are internationally recognized and can not be breached by any external party, including the Mogadishu Administration. Any unilateral action by external entities, such as the reported intention of Turkish naval forces to operate in Somaliland maritime zones, constitutes a grave violation of international law and Somaliland’s sovereign rights. Such actions undermine regional stability and contravene the spirit of peaceful coexistence among neighboring states. The Government of Somaliland calls upon the international community to respect and uphold the sanctity of its maritime boundaries. We emphasize the need for all parties to engage in dialogue and respect established international legal frameworks governing maritime territories. Furthermore, Somaliland remains committed to fostering cooperative relationships with all nations based on mutual respect and adherence to international norms. We urge all stakeholders to support efforts aimed at maintaining peace, security, and stability in the region. Somaliland for the past 20 years has had a robust framework for protecting its territorial waters from piracy, human trafficking and terrorism. Through the Somaliland Coast Guard and in collaboration with our international partners, we conduct patrols, surveillance, and enforcement operations to safeguard our maritime zones. Our efforts and proactive measures, both at sea and on land ensure the safety and security of our waters and the safe passage of international trade along our maritime borders. The Government of the Republic of Somaliland will continue to protect its territorial integrity and sovereignty against any encroachment, and we stand firm in our commitment to upholding the rule of law in international relations. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Horjoogayaal sar sare oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa haatan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kordheen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka. Hoorjoogaha koowaad ee soo galay gacanta dowladda ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Caraaye, kaas oo uu magaciisa kale ee afgarashada uu yahay (Cabdirashiid), wuxuuna isku soo dhiibay Ururka 26aad, guutada 6aad qaybta 60 aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ee ku sugan degaanka Buula -Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose. Cabdueshiid oo muddo 10 sano ah la shaqeynaya kooxda Al-Shabaab ayaa u qaabilsanaa dhanka maaliyada, sida ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxaa isna isa soo dhiibay hoorjooge kale oo lagu magacabo Khaliif Maxamed Cabdi, isla markaana kooxda looga dhex yaqaano Khaliid, kaas oo 10 sano ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna dhiibay ururka 19 Aad ee guutada 3-aad ciidamada Xoogga dalka. Labada horjooge oo wwareysiga laga qaaday waxa ay u sheegeen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay si wanaagsan usoo dhaweeyeen horjoogayashan, isla markaana ay mari doonaan habraaca loo dajiyay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay beegsiga ka dhanka ah Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay. The post Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - Two al-Shabab militant leaders surrendered to the Somali army forces stationed in the Bula Mare district in the Lower Shabelle region on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa raalligelin buuxda ka bixiyey “gef uu u gaystay” baarlamaanka, kadib markii uu dhawaan jeediyay hadal ay dhibsadeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya. “Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale. Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan waxaana kasoo jawaabay qaar kamid ah xildhibaannada, sida Faa’iso Jayte oo dalbatay in baarlamaanka uu tallaabo ka qaado Madaale. “Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada. Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku jawaabtay xildhibaan Faa’iso Jayte. Intaas adib waxaa mar kale soo hadlay Duqa Muqdisho wuxuuna sheegay inuu shaki soo kala dhex-galay isaga iyo xildhibaannada “Baarlamaanka shalay iyo darraad shaki ayaa na kala dhex-galay” ayuu yiri. Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale raalligelin buuxda siiyay xildhibaannada Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii uu horay u yiri. “Anoo imooshinaal ah ayaa laga yabaa in xoogaa ay wax iga soo baxeen marka waxaan leeyahay ha’iga raalli ahaadaano xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Nin wax caayo ma’ihi afkeygana ma qabto in xildhibaan Soomaaliyeed aan caayo ama aan wax ka sheego”. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn ku baaqay in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Waxaa la rabaa mar kasta inay noo kala soocnaato mucaaradnimada siyaasadeed iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta oo ciidanka Soomaaliyeed u dhimanaayo” ayuu yiri. The post Daawo: MADAALE oo raali-gelin ka bixiyay gefkii uu u gaystay… appeared first on Caasimada Online.
  12. Warsidaha Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in maanta uu heshiis iskaashi difaac dhexmari doono dalalka Jabuuti iyo Faransiiska. Heshiiskaas oo jiri doona 10 sano wuxuu qeyb ahaan ku saabsan yahan in 1500 oo ka tirsan ciidanka Faransiiska ku sii sugnaadaan dalka Jabuuti, Heshiiska oo diyaarintiisu ay socotay muddo seddex sano wuxuu ku beegamayaa xilli Badda Cas ay ka jiraan xiisado colaadeed iyo isku dayga in itoobiya ay si xoog ah ku hesho deked ku taalla Badda Cas. Macron iyo Geelle ayaa heshiiska saxiixi doona. Gorfeeyayaasha siyaasadda Geeska Afrika ayaa heshiiska ku tilmaamay mid muujinaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kaalin ku lagaa dedejinta heshiiska si uu uga hortago halis kaga iman karta Itoobiya oo laga yaabo inay colaad ka aloosto Geeska Afrika hase ahaatee go’doonsan diblomaasiyad ahaan. Ciidammada Faransiiska ee ku sugnaan doona Jabuuti waxaa loo yaqaannaa FFD. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa heshiiska saxiixi doona. © Puntland Post, 2024 The post Heshiis Iskaashi Ciidan oo Maanta Dhexmari Doonaa Jabuuti iyo Faransiiska appeared first on Puntland Post.
  13. Magaciisu waa Rashiid Gaaruf. Waa qurbejoog ku daalay Maraykan. Eedadii Aamina-waris oo waagaas odaygeedu Somaliland Madaxweyne ka ahaa ayaa u dhamaysay shaqo naasnuujin ah oo loo gu yeedhay Safiirka SL ee Washington, waxaana bishii loo qoray 15 kun oo doolar, oo isugu jira mushahar iyo kharash xafiis. Muddo sagaal sanno ah ayuu tuubadaas xaaraanta ah jaqaayay, hal maalin na warqad ma qorin, xafiisna maba yeelan oo gurigiisa ayaa wax kasta u ahaa. Shaqooyinka xamaaliga ah ee halkaas ka jira ayuu ku tuuran jiray, sidaas baanu ku waday ilaa meeshii la ga wareejiyay waa dhexdii ahayd oo la geeyay Bashiir Sh Cumar. Intii uu meesha ka tegay, shaqadiisa cusubi waa in uu social media ka soo afuufo nacayb iyo is ku dir, si gaar ah na waxa uu shiishku u gu saaranyahay ninka Cabdiraxmaan-cirro la gu magacaabo iyo reerka uu ka soo jeedo. Dhacdadii Gacanlibaax waa in la ga aar goosto, oo Cirro iyo reerkiisa la laayo ayuu twitter ka ga dooddaa, taliska Kulmiye na waxa ay u gu yeedhaan aqoonyahan. Imika, iyaba waa yaabe, waxa la ii sheegay in uu ku casuumanyahay bandhigga buugaagta ee Hargeysa, oo sanadkan hal-ku-dheggiisu yahay Wadajir – togetherness. Wadajirkii ma wax baa la ga bedelay? Si kastaba, Rashiid in badan buu ka hadlay Gacanlibaax iyo Oofwareen nin la gu magacaabo, waanu ku xiiqay oo ku xabeebtay. Imika ayuu arladii joogaa ee ninkaas ha raadsado oo ha ka goosto waxa ka ga maqan, haddii kale buuqa ha inaga dhaafo. Rashiid iyo kuwo badan oo uu ka mid yahay ‘baga’ ayay cod dheer ku lahaayeen maalintii sanad ka hor caruurta bilaa dembiga ah madaxa lagaga wada toogtay Hargeysa ilaa Ceerigaabo, wax micno ah na ma u gu fadhiyin, dhacdada dambe se ilaa maanta ayay ka hadlaan. Muhiimaddu gef diidis iyo dhiig daadin nacayb ma aha. Hadal dalab leh, lug dalab leh laga garan og. Qaran News
  14. Inta la xaqiijiyay Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka magaalo madaxda dalka Nepal ee Kathmandu, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee gobolku. Shilkan ayaa yimid ka dib markii diyaarad yar oo waday koox shaqaale ahi ay ku dhacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka ku yaalla caasimadda Nepal , taas oo keentay burburka diyaaradda iyo dhimashada dadkan badan. Hal qof ayaa ka badbaaday shilka ay gashay diyaaradda lagu magacaabo Saurya Airlines, hay’adda duulista rayidka ayaana bayaan ay soo saartay ku sheegtay sidaas, dhammaan 19-kii qof ee la socday ayaana ahaa howl-wadeenno u shaqeynayay markabka, sida uu xaqiijiyay booliisku. Sawirro laga soo qaaday goobta oo warbaahinta ay heshay ayaa muujinaya qiiq aad u xooggan oo ka kacayay diyaaradda gubatay oo maraysay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka ee Kathmandu. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) - Ethiopian government has denied social media reports alleging that Ethiopia was involved with illegal arms traders who smuggled weapons into Somalia from the Ethiopian border on July 15. Source: Hiiraan Online
  16. Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa saaka shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka qabsoontay degmada Garoowe. Guddiga PEC ayaa sheegay in tirada guud ee degmada Garoowe ka codaysay ay dhan tahay 27,662 islamarkaana ay ansax noqdeen 25,724 cod halka ay xumaadeen 1,938 cod. Xisbiga xukuumadda ee Kaah oo kaalinta kowaad kaga galay degmada Garoowe ayaa 12 xubnood ka helay xildhibaannada golaha degaanka halka xisbiga Horseed oo ku soo xiga uu helay 6 xildhibaan. Xisbiga SINCAD oo kaalinta saddexaad ku jira ayaa 5 xildhibaan ka helay xubnaha golaha degaanka degmada Garoowe halka dhammaan xisbiyada kale heleen min 2 xubnood. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo shaaciyay natiijada doorashadii degmada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubkii sharci darrada ahaa ee dhowaan lasoo geliyay gudaha dalka, isla markaana lagu bililiqeystay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Afhayeen lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa tilmaamay in hubkaasi aanu wax xiriir la laheyn Itoobiya, isagoo meesha ka saaray eeda loo jeediyay dowladdiisa. Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse ay tahay mas’uuliyad saaran dowladda Soomaaliya oo leh awoodda maamulka hubka, maareyntiisa iyo bixintiisaba. Nebiyu Tedla ayaa ka gaabsaday mar wax laga waydiiyay in hubkan ay iyagu ka iibiyeen ganacsato ama koox kale, sida horay loogu eedeeyay balse kama jawaabin. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya oo warbixin diblumaasiyadeed uga hadashay arrinta hubkan ku eedeysay inay gudaha dalka soo gelisay Itoobiya oo xilligan ay kala dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay Somaliland. “Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dowlada Itoobiya in ay ka waantoowdo faragelinta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay kamid tahay tababarida iyo qalabeynta maleeshiyaad beeleedyada soo gelinta hubka sharci darrada ah” ayay dowladda federaalka ku tiri warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Xog bixin diblumaasiyadeed” taas oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Tani waxay dhiirogelineysaa isku dhacyada beelaha iyo abuurista xasillooni darro ku baahda gobolka iyo soo nooleynta argagaxisadasii liiceysa”. Si kastaba, hubka sharci darrada ah ee lasoo geliyay dalka ayaa dhaliyay walaac xoogan oo gudaha iyo heer caalami ah, maadaama uu u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq. The post Itoobiya oo war culus kasoo saartay hubkii lagu boobay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  18. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab, ciidanka ayaa muddooyinkaan dambe howlgal sameynayay Koonfur Galbeed. Deegaanka Abagbeeday oo qayaastii 20-km u jirta, dhanka berina kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo xubno ka tirsan Alshabaab waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47, sida ay sheegtay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida afkooda ku hadashaahi. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, waxayna si isku mid ah uga socdaan deegaannada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug. Source: goobjoog.com
  19. 452855093_1068157931590733_3677943014393082670_n Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad la xiriirta muran dhuleed ayaa mar kale kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay burburiyeen dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay daganaayeen shacab. Arrintan ayaa dhalisay xiisad lamid ah tii Dab-damiska oo ay horay dowladda Soomaaliya uga barikicsay qoysas daganaa dhukaas oo ah mid dan-guud ah. Qoysaska haatan laga burburiyay guryahooda ee deganaa Ceelasha Biyaha ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in la boobayo dhulkooda, loona gaystay xadgudub wayn oo ay sheegeen inuu uga yimid Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaan halkan ka caddeynayaa dhibaato aan wanaagsaneyn inay nooga timid ciddii aan maciinsaneynay ee mas’uulka naga ahayd ee dowlad noo ahayd inay dhibaato burburin hantiyeed iyo dil dadeed intaba meesha ka dhacday” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Cabdikariin Cabdulle Macow oo kamid ah qoysaskan ayaa sidoo kale ku dooday in dhulkan ay ka dhexleen waalidoontooda, isla markaana ay haystaan dukuminta cabirka dhulkaasi. “Waxaa nagula haystaa dhulkii oo fac ka fac ah oo aan ka dhexalnay Aabaheyn, waxaa noo cabiray Xaaji Axmed Sacuudi” ayuu isna yiri Cabdikariin Cabdulle Macow. Sidoo kale waxa ay qoysaskani tilmaamay in weerar lagu soo qaaday habeen madow, isla-markaana cagta la mariyay koofafkooda iyo guryihii ay daganaayeen. “Habeen madow oo sideed saac ah ayaa naloo soo galay waxa nagula dumiyay ma naqaano, wax nagala xukumay ma jirto dhibkaas ayaa nagu dhacay” ayuu yir Cabdullaahi Iidow Caki oo 52 jir ah, kana mid ah dadka laga barakiciyay dhulkaasi. Xildhibaan Mukhtaar Xasan Saajid oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dhulkan iyo xiisadda ka dhalatay, wuxuuna farriin u diray Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo su’aal ka keenay waxa soo celiyay dhul boobka haatan socda. “Waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed haddii arrinta laguu qariyay ka gaar, maxaa yeelay adigaa u dhaartay, Ilaaheyna wax kaa waydiinayaa” ayuu yiri Saajid. “Tankale Madaxweynaha qaranka waxaan usoo jeedinayaa ee aan annaga soo dooranay, madaxweyne mar alle markii aad adiga timaado dhulkan lagu soo yaacaayo waa la fahmi la’yahay, dhul jabis iyo dhul boob iyo howlo badan oo horor dhulnimo ah ayaa soo badatay, madaxweyne arrintan sumcadaada ayay taabanee ee wax ka qabto” ayuu mar kale yiri. The post Daawo: Xiisad lamid ah tii Dab-damiska oo ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  21. Agaasimihii Ciidanka adeegga sirta ah ee dalka Maraykanka ayaa xilka iska casishay ka dib markii ay qirtay in ay ku fashilantay ilaalinta Amniga Musharrax Trump oo isku day dil ka badbaaday. Haweenaydan oo dhowaan hor tagtay Golaha Congress ee dalka Maraykanka ayaa dhabarka u ridatay fashilka Masuuliyadeed ee ka yimi ilaalinta madaxweynihii hore ee Donald Trump kaas oo dhegta rasaas lagala eegtay xilli 13 kii bishan Khudbad u jeedinayey qaar ka mida taageerayaashiisa ku sugan gobolka Pennsylvania. Kimberly Cheatle ayaa masuul ka ahayd 7800 oo askari kuwaas oo xil saarnaa ilaalinta ammaanka madaxda xilka haysa iyo kuwii hore ee Maraykanka soo maray, waxana xilkan loo magcaabay sannadkii 2022 kii. Source
  22. Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Abagbeeday oo ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen ciidamada dowladda. Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan jab wayn lagu gaarssiyay Al-Shabaab, isla markaana laga dilay xubno sar sare. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeeda lagu sheegay in ciidamada sameeyay howlgalka ay hub kasoo furteen kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan Qoryaha BKM iyo AK47. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan Aragagaxisada. Abagbeeday oo qiyaas 20km dhanka beri kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo argagaxisada waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Xoogga dalka. Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo maalin kahor ka dhacay duleedka Kismaayo, kaas oo isna khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii lagu jabiyay weeraro ay ku soo qaadeen deegaano dhowaan laga wareegay oo ku yaallla gobolka Jubbada Hoose. Ku dhowaad 100 xubnood ayaa looga dilay dagaalkaasi, kuwaas oo maydadkooda laso bandhigay, sidoo kale waxaa laga furtay saanad ciidan, sida ay sheegtay dowladda Gobollada dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. The post Ciidamada DF oo jab kale gaarsiiyay Al-Shabaab, kana soo furtay HUB + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Booliiska dalka Ugandq ayaa xiray tobanaan qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo looga soo horjeedo musuqmaasuqa oo ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanuhu. Booliska iyo militariga ayaa aad loo soo dhoobay xaafadaha kala duwan ee Kampala, halkaasoo ay isugu soo baxeen kooxo yar yar oo dibadbaxayaal ahi maalintii Talaadada ee todobaadkan. Dibad-baxayaasha ayaa lulayay boorar ay qoranyihiin halku dhegyo musuq-maasuqa ay sheegeen inuu dalka ka jiro, waxayna ku qeylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan arrintaas, ayadoo qaar kamid ahi ay soo xirteen funaanado ay ku xardhanyihiin “Hadalsame waa in uu is casilaa” oo ay madaxweynaha ula jeedeen. Ugu yaraan 45 qof ayay ciidamada nabad-galyadu xireen intii uu socday bannaan-baxu, sida ay sheegeen ururka cutubka afaraad ee Uganda, oo ah koox u dooda xuquuqda aadanaha oo adeegyo sharci u fidineysa maxaabiista. Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Kituuma Rusoke ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin mudaaharaad halis gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana ay arrintaa si adag uga hortagi doonaan. madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkan ku yaalla bariga Afrika ka talinayay ku dhawaad ​​afartan sano, ayaa ka digay in dibadbaxayaashu ay dab ku ciyaarayaan, islamarkaana waxa at wadaan aan loo dulqaadan doonin, xilli dhowr xildhibaan oo dowladda ka tirsani ay wajahayaan eedeymo musuqmaasuq. Source: goobjoog.com