-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baardheere (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyey degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanka Boolisku ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladaasi uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga. Baaritaaanadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Qaahira (SMN) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, C/laahi Cali Xasan iyo wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Masar, Naxar Nasar ayaa waxa ay qalinka ku duugeen heshiiska isfahamka maalgashiga wadajirka ah ee labada dal. Heshiiska istaraatiijiyada iskaashiga maalgashiga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu saxiixay Qaahira, kadib markii la soo gabagabeeyey shirweynihii labaad ee guddiyada ganacsatada labada dal ee ka socday gudaha magaaladaasi. Munaasabadda saxiixa ee heshiiskaasi waxaa goob joog ahaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay maamullada degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow. Intiisa badan kulankan aya waxaa diirada lagu saaray, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa ballan inuu wax ka qaban doono xaaladaha ka taagan gobolka Bakool. Halkan hoose ka daawo Sawiirada: View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa kulamo ka wada halkaasi. Ra’iisul wasaare Khayre oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xalay la kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso amniga, gaar ahaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolkaasi. Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay tayeynta xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada. Mudane Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa u ballan guddoomiyeyaasha iyo waxgaradka uu la kulmay inuu wax ka qaban doono xaaladaha ka taagan gobolka Bakool. Booqashada Ra’iisul wasaaraha oo ah tii ugu horreysan ee Xudur ayaa ku soo aadeyso, iyadoo dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan gobolka Bakool, kuwaas oo ay ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-11092019.mp3 View the full article
-
Taliska guud ee ciidamada booliska dowladda Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray ammaanka guud ee deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe. Taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin culus ka soo saaray dadka qoryaha ku dhex wata magaalooyinka, isagoona sheegay in ciddii qori magaalada kun dhex wadata lagala wareegi doono. Muxuyadiin Axmed Muuse, wuxuu ciidanka amar ku siiyey inay qoryaha ka qaadaan askarta aan howlgallada kujirin ee hubka la dhex qaada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhanka kalena, taliska ciidanka Puntland ayaa mam noocay in qaadka lagu iibiyo qaar kamid ah wadddooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Garoowe si loo ilaaliyo ammaanka iyo bilicda caasimadda. “Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka ilaa Rugsan, ilaa dhinaca kale u leexo Wadada Meeraysane (Dr Jimcaale) ilaa jidka Sodonka intaa qaad laguma qadi karo marfashna lagama samayn karo, cid walba oo halkaa wax u yaaliin waa inay ka qaadataa waayo waxaa ka timid amni xumo”, ayuu yiri Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse. Taliyaha ayaa digniin u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada caadaystey inay falalka ammaan xumo ka geystaan magaalada Garoowe, isagoona ugu baaqay inay qabsadaan haddii kale aysan hadhaw ka aqbali doonin inay xabsiyada uga daba yimaadaan. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Taliska ciidanka booliska Puntland oo awaamiir ka soo saaray ammaanka Garoowe. appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo maalinimadii shalay lagu soo dhoweeyey. Ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa ayaa waxaa habeenimadii xalay ahayd kulan soo dhoweyn ah u sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Xudur. DAAWO PUNTLANDPOST The post Bulshada Xudur oo kulan soo dhoweyn ah u qabatay waftigii ra’iisul wasaare Khayre. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in lagu xiray shuruudo lagu burburinayo Jubbaland. “Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya,dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayuu yiri Maxamuud Sayid. Waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in lakala diro ciidankii Jubbaland ee dalkooda hal-ganka dheer u soo galay, isagoona caddeeyey inaysan ogeyn xaaladdiisa iyo halka uu hadda ku sugan yahay wasiir Janan. “Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”,ayuu raaciyay. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo shaaciyey shuruudihii lagu xiray siideynta wasiir Janan. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa markale ku dhowaad 100 ergo ah ku soo bandhigay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Odayaashan oo tiro ahaan gaaraya illaa 90 qof ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay cafis u fidisay, islamarkaana ay Towbad keeneen, sida ay hadalka u dhigtay. Ma shaacin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab meelaha ay ka kala yimaadeen Odayaashaasi, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in ergada u badan yihiin kuwo ka soo jeeda Galmudug. Munaasabadda lagu soo bandhigay oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo khudbado uu jeediyey ergada. Al-Shabaab ayaa horay gobollada Hiiraan iyo Baay ugu soo bandhigtay boqolaal ergo ah oo ay ku jiraan 11 Dumar ah, kuwaas oo wax ka soo doortay baarlamaanka Soomaaliya. Bayaanka ay Al-Shabaab ee ka dhanka ah Odayaasha ayaa soo baxay 15-kii bishii July, waxaana fuliyey ku dhowaad kun ergo ah oo lagu soo bandhigay deegaanadooda. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Ururka Al-shabaab ayaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug ku soo bandhigay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto degaannada Galmudug. Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in madax-dhaqameedkaas ay Al-shabaab cafis u fidisay kadib markii ay iclaamiyeen in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha towbadda loo qabtay ay isgaa yimaadeen dhammaan degaannada Galmudug kadib markii Al-shabaab ku amartay in ay iska soo diiwan-geliyaan degaanka Xarardheere si cafis loogu fidiyo. Al-shabaab ayaa hore sidaan oo kale u soo bandhigtay ergooyin kamid ah madax-dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo soo bandhigtay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii so xulay xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI / LONDON - Hundreds of refugees trapped in Libyan detention centers will be evacuated to Rwanda as conflict rages in the north African nation, the United Nations said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU,(Xinhua) -- The Norwegian Refugee Council (NRC) on Tuesday called on donors to increase emergency humanitarian assistance to help avert further displacements in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheeko cusub ma’ahn in Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaataan dhamaan dhismooyinka magaalada Muqdisho iyo adeegyada kale ee ganacsi ee ka jira Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka balse waxaa layaab noqday in Al-Shabaab dhismo ka joojiyaan dowladda Soomaaliya. Dad badan ayaa ku baraarugsaneen in Al-Shabaab ay hore ugu guuleesteen joojinta dhismayaal ku socday goobo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo dhismiyaal dowladeed. Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay muddo dheer ka hor joojiyeen dhismiyaal hotel iyo ganacsi kale, iyo ilaa xarun oo kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab waxay joojiyeen dhismo ka socday isgoyska Jubba, kuna dhaggan hotel Dorbin oo isagana qorrax ka soo bax kasii xiga xarunta ugu wayn ee NISA, sidoo kalane ku dhaggan aqalka golaha senate-ka Soomaaliya (Aqalka Sare). Dhismahaan ayaa waxaa la sheegay in loo dhisayay dhowr wasaaradood oo katirsan xukuumadda Soomaaliya, sida gaadiidka iyo caafimaadka oo ku soo guuri laheyd, mana bilaaban ilaa hadda dhismahaas oo muddo hakad ku jira. Sidoo kale, Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya ka joojiyeen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo markii dambe lacag lagu bixiyay dhismaha wadadaasi. Qatar ayaa boqolaal kun oo dollar ay ku bixisay dhismaha wadadaasi oo Al-Shabaab markii hore hakad geliyeen. Goobaha sida gaarka ah loo leeyahay oo Al-Shabaab dayactirkooda joojiyeen waxaa kamid ah hotelkii waynaa ee Maka Al-Mukarama oo ay dhowr jeer weerareen iyo maqaayadii Hilaac UK, oo sidoo kale isku mar la weeraray labadaasi xarun. Al-Shabaab ayaa dhismaha hotelkaan ay joojiyeen iyo goobaha kale ku micneeyay in aysan raali ka aheyn sii shaqeynta hoteelkaasi oo lagu tiriyo goobo fara ku tiriska ah oo diiday bixinta canshuurta Al-Shabaab, halka Hilaac UK la sheegay in ay sababsatay warar sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacago taakulo ah oo dadkii ku hanta beelay lasiiyay. Cidna kama qarsoona saameenta Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho oo aad uga sii kordheysa halkii ay joogtay 3 sano ka hor iyadoo ay kusii milmayaan gudaha ganacsiga iyo shacabka intii uga harsaneed. Xaqiiqda kale oo ay Caasimada Online, la wadaageyso akhristiyaasheeda waxaa kamid ah in Al-Shabaab, muddo todobaadyo ah joojiyeen adeegyadii dekadda Muqdisho kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha iyo gaadiidleyda dekadda Muqdisho, balse dib loo xaliyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wafdi isugu jira odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano ay tageen Muqdisho, si dowladda federaalka ay uga la hadlaan siideyntiisa Wasiir Janan balse la hor-dhigay shuruudo dhowr ah. Maxamuud ayaa sheegay in shuruudahaas ay ugu adkaayeen saddex qodob oo aysan suurta-gal ahayn in Jubaland ay fuliso. ”Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya, dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayuu BBC-da u sheegay Maxamuud Sayid Aadan. Madaxweyne ku-xigeenka oo aan sheegin cidda ka tirsan dowladda federaalka ee ay la hadleen Jubaland ayaa intaasi ku daray in marnaba aysan aqbali karin oo taas ay ka dhigan tahay in ciidammadii Jubalanad ee Al Shabaab la dagaalamayay la kala diro. Dowladaha deriska, oo loo maleynayo in loola jeedo Kenya, ayuu sidoo kale sheegay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka labada dhinac, dalabkas na uusan macquul ahayn. Guddiga horey ay Jubaland usoo dirtay oo u badnaa xubno ku beel ah Janan iyo madaxweyne Farmaajo, oo u badan odayaal dhaqameed ayaa sheegay in shuruudaha lagu xiray uu ka dambeeyo madaxweynaha. Waxa uu sheegay in xaaladda Cabdirashiid Janan aysan ka warheynin oo aanay garaneyn xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay. “Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”, ayuu raaciyay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug ayaa waxaa la sheegay in lagu gacan bidixiyeeyay shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Guddoonka Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa shalay u yeeray qaar ka mid ah beelaha, si loo xaliyo cabasho la sheegay in ay qabaan. Beelahan loo yeeray ayaa kala ahaa Saleebaan, Waceysle, Shiikhaal iyo Beesha Shanaad. Madashii la doonayay in lagu xaliyo beelahan ayuu buuq ka dhashay, ka dib markii ay madasha soo fariisteen xubno la sheegay in ay ka yimaadeen Deegaanada Soomaalida Itoobiya, kuwaa oo ku andacoonaya qaar ka mid ah Beesha Shanaad inaanay degin Galmudug. Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo ka mid ahaa saxiixe-yaasha Galmudugtii 2015 lagu soo dhisay Magaalada Cadaado ayaa beeniyay warka ka soo yeeray kooxda la sheegay in ay ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. “Nimankan ka yimid Kilinka Shanaad ee Itoobiya waxay doodoodu tahay in beelo ay ka mid tahay Beesha Guuleed Cadde/Beesha Shanaad aanay degin Galmudug. War adeer warkaasi war soconayo maaha, war jirana maaha. Beesha Guuleed Cadde iyo beelaha kalaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.” Ayuu yiri Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale. Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Guuleed Cadde waxay deggaan Galgaduud, Kulbeer waxay deggaan Mudug, Tumaalo iyo Carab Saalax intaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.” Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale ayaa Guddoonka Shirweynaha Dhuusamareeb ugu baaqay in ay wax ka qabtaan gacan bidixeenta uu sheegay in lagu hayo qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug. Waxa uu intaa ku daray haddii aan arrintan wax laga qaban ay waxba kama jiraan noqon doonto waxa ka soo baxa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Galmudug uga soconaya Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb. Cabashadan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Somaliya ay juhdi ku bixineyso, sidii ay dib u heshiisiin u dhex dhigi laheyd beelaha ballaaran ee deegaanka ku ah Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Marka aan Leeyahay ma burburtay haybaddii butlaan waxaa aan uula jeeda in uu dhammaanayo qiimihii iyo heerkii ay joogtay butlaan kaas ahaa mid qofkii sheegtaa uu ahaa mudan ama ciddii maqashaaba ay siin jirtay mudnaan, taasina ma ahayn mudnaan ku timaadda cago-juglayn ama jajuub, ee waxay ahayd mudnaan ay butlaan lahayd taas oo ka dhigtay in ay noqoto meel dadku jeclaystaan maqalkeeda iyo joogisteedaba, luguna tiriyo in ay butlaan ahayd meel qofkii tagaa ama ku yimaadda uu ahaa xurmadleh miisaan leh. Butlaan oo ah meelihii ay soomaali ku badbaadday, cidkastana ay ka dhiganaysay gabbaad, hanti badan oo soomaliyeedna ku ammaan heshay luguna tabcaday, Waxa ay noqotay meel mar lugu xisaabtamay, balse aan maanta ka duwannayn meel mar loo haajiray oo laga soo laabtay. Siyaasad ahaan butlaan waxa ay ahayd meelihii uugu doonista badnaa nidaam dawladdeed oo soomaliyeed, taas oo maskax iyo maalba gelisay sidii la isugu keenilahaa soomaalidii kala irdhowday “kala fogaatay” Dadaalkii badnaa ee butlaan iyo marti-soorkii soomaliyeed ee ahayd mid qof kasta oo soomaliyeed deegaankiisa ka mudnaa, waxaad mooddaa in uugu dambayntii butlaan noqotay sidii meel aan marnaba laga helin wax Abaal ah oo hore. Tani ma aha mid aan anigu ku dhaliilaayo soomaalidii hore ugu bad-badday butlaan iyo kuwii hantida ku tabcadayba, waayo dadkaasi waxay ahayeen dad tegay dhul soomaliyeed wajiibna ay ahayd in aysan cidi ka xigsan joogista iyo ku bed-qabka dhulkaas. Waxaa wax kasta oo ay butlaan soo samaysay dhulka ku jiiday kana dhigay Hal-bacaad lugu lisay siyaasiyiinta deegaankaas hoggaanka ka noqonaysay muddooyinkii dambe iyo weliba metelaad xumada ku haysa dawladda dhexe. Marka leeyahay kuwo dawladda dhexe ku metela, waxaan u jeeda wasiirrada iyo xildhibaannada oo noqday kuwo aan joogin heerkii laga rabay ee ahayd in mar kasta ay hor-boodaan xalkii ay hore u raadinjireen. Kuwo badan waxa ay ku milmeen ka qaybqaadashada hannaanno badan oo aysan dawladda federalku raalli ka ahayn, taas oo dib u celinaysa hannaankii socday. Waxaa loo baahnaa dhammaan masuuliyiinta butlaan ka jooga federaalka in ay yihiin kuwo u heellan sidii ay hore butlaan uugu heellanayd dhismaha soomaliya waarta, siidookale waxaa loo baahnaa in ay meesha ka saaran tabashada soo jiitamaysay muddadii dheerayd ee u dhexaysay butlaan iyo dawladda dhexeba, waana taas dhaliisha aan u jeedinayo anigu masuuliyiinta ku metela butlaan dawladda dhexe. Dhinaca kale waxaa mooddaa in madaxdii timi butlaan muddooyinkii dambe ay ahayeen kuwo amminsan shaqada loo idmaday in ay tahay uun caqabad-gelinta dawladda dhexe, tanna waa dhaliil aan u jeedinayo hoggaannadii uugu dambeeyay ee qabtay butlaan, waxaa loo baahanyahay in hoggaanku ku baraarugsanyihiin butlaan in ay ahayd meeshii soomaali ku nabad heshay, haddana ay butlaan mudantahay in sidii ay soomaali u sii ahaato oo ay ka qayb-qaadato dhammaystirka shaqooyinka soo celinaya soomaliyadii awoodda lahayd. Haddii hoggaanka butlaan uu mashquul ku yahay jigraaridda “dhibitaanka’ dawaldda dhexe waxaa meesha ka baxaysa in butlaan ay yeelato qiimihii ay hore u lahayd, waxaana si toos ah butlaan luugu arkayaa in ay tahay meelaha ay soomaali ka dhaqaaqi-weyday, waxaa ay butlaan noqonaysaa mid aan meelna laga tix-gelin iyada iyo dadkeedaba. Wax kasta oo maanta butlaan haysta iyo si kasta oo loola dhaqmoba waxaa sabab u ah madaxdeeda aan marnaba ku hamiyayn ilaalinta wanaaggii butlaan W/Q: Cumar Rodol Cumarrrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
African football minnows Somalia were eliminated from 2022 World Cup qualifying Tuesday after a dramatic 3-1 loss to Zimbabwe in Harare. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE British Embassy, AstraZeneca support young Egyptians to create innovative medical solutions The British Embassy and British pharmaceutical company AstraZeneca are sponsor eleven Egyptians to visit the AstraZeneca research & development labs in the UK CAIRO, Egypt, September 10, 2019/ — The British Embassy in Cairo and leading British pharmaceutical company AstraZeneca are sponsoring eleven Egyptians to travel to the UK to visit the research and development labs of AstraZeneca in Cambridge. The partnership between the British Embassy and AstraZeneca is designed to encourage young Egyptian graduates in the faculties of Pharmacy and Medicine to develop innovative digital solutions that will better serve Egyptians in several medical fields, including diabetes and oncology. As part of the initiative, known as ‘Astrafekra’, recent graduates have been invited to pitch their ideas to a panel. The winners will get the chance to explore state-of-the-art labs, and talk to world-renown scientists to help them develop innovative and cutting-edge medical solutions that will benefit Egyptians. British Ambassador to Egypt Sir Geoffrey Adams said: “The UK is well-known for its exceptional healthcare system and world-class medical research. Our support for this project reflects our wider commitment to share British expertise in pivotal sectors like health and education. I am proud we are supporting young Egyptians to think innovatively as they work on life-changing medical discoveries that will benefit all Egyptians”. The Embassy’s support is part of its ‘Inspire Egypt’ programme, which aims to invest in the potential of Egyptians from all walks of life in order to make a positive difference. Through the programme, the embassy has held a series of events, workshops, activities and competitions to celebrate and encourage successful Egyptians innovating in fields including healthcare, education, entrepreneurship, and many others. Distributed by APO Group on behalf of British Embassy Cairo. SOURCE British Embassy Cairo Qaran News
-
Al-Shabaab oo ‘weerar ku dishay’ sagaal askari oo Kenyan ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho-(Caasimada Online) – War kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Mandheera ee dalka Kenya ay ku dileen Sagaal Askari oo ka tirsanaa Militariga Kenya. Weerarka oo ahaa mid jid gal ah sida ay sheegteen Al-Shabaab ayaa dhacay galinkii dambe ee maanta, waxyar uu ka dib markii ciidamada Kenya ee la weeraray ay kasoo bexeen saldhig ay ciidamada KDF-ta Kenya ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan gobolka Mandheera. Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen warkooda in weerarkaas ay Militariga Kenya uga dileen 9 askari, sidoo kala ay kaga gubeen ilaa Afar gaari oo kuwa dagaalka ah. Ciidamada Kenya ee weerarku qabsaday ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo baxeen daqiiqado ka hor inta aan la weerarin saldhig military oo ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam, waxeyna kusoo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. wali wax war ah oo ku aadan weerarkaas ay sheegteen Al-Shabaab in ay ku dileen ciidamo badan oo Keenyaan ah kama soo bixin dowladda Kenya. Ciidamada Kenya ee ka howlgala dhulka ay degaan dadka Soomaaliyeed ee loo yaqaano NFD ayaa waxaa loogu geystaa weerarro joogto ah, kuwaas oo ay mas’iiliyaddoda dusha u ritaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___-Qumanah-___-Wararka-10092019.mp3 View the full article
