-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay. Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka hay’adda DFID ee Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland gaaray wafdi uu hoggaaminaayo safiirka Soomaaliya u qaabilsan dowladda Ingiriiska Amb. Ben Fender, waxaana garoonka diyaarada Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey madax ka trirsan Soomaaliland. Safiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay u qaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, waxaana ay kulan kula qaateen xarunta madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale Safiirka ayaa madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay arrimo ku aaday doorashooyinka dhowaan ka qabsoomaya Soomaaliland, wafdiga ayaana boggaadiyey horumarka Soomaalinland ay uga gaareen dhanka doorashooyinka iyo sida ay ugu sii tilaabsanayan dimoqoraadiyadda ee dhanka horumarka iyo doorashooyinka. Dhanka kale safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender ayaa madaxweyne Biixi kala hadlay sidii Soomaaliland ay markale ugu soo laaban laheyd miiska wada haladii kala dhaxeeyay Soomaaliya oo hakad ku jiray muddooyikii danbe. Ugu danbey uqaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, iyo madaxweyne Muuse biixi ayaa kala sixiisday wajigii 2aad kaalamada dowladda Ingiriiska kaga qeyb qaadaneyso sandanduuqa horumarinta Soomaaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha. Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa waxa uu magacaabey Guddiga ku meel gaarka Tacliinta Sare ee dalka. Halkan hoose ka akhriso magacyada Guddiga View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho ugu tegay 415 Aaskar Booliis ah oo tababar uga socdo magalaada Beydhabo, loona diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga dalka. Khayre oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan, si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Ciidamada oo Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ka ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-SHabeen-09092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaha iyo dayactirka lagu waday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Garoonka Stadium Muqdisho waxaa galabta booqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi MAXAMED guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka warfaafinta Maareeye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howlihiidhismaha iyo dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyeen. Maareeye ayaa sheegay inaysan jirin cid joojin karta shaqada ka socota garoonka. Maareeye ayaa sheegay inuu warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka uu ugua digayo baahinta warar uu sheegay inay yihiin been abuur. Maareeye waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha, isla markaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi. Warka ku saabsan in shaqada lagu joojiyey amar, oo markii hore uu baahiyey taleefishinka Universal ayaa laga soo xigtay shirkadda dhismaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, oo hanjabaado ka helay. Maadaama Shabaab aysan markii horeba awood ciidan oo ay garoonka ku qabsadeen ku joojin dayactirka, tagitaanka xubnaha dowladda ee garoonka caddeyn uma noqon karaan inaan la joojin, waxaana lagu kala ogaan doonaa sida ay shaqada u socoto maalmaha soo socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu soo dhaweeyey isla markaana wax lagu farxo ku tilmamay heshiiskii shalay xisbiyada Mucaaridku ku ogolaadeen in kominshanka doorashooyinku ahaadaan 7 xubnood isla markaana doorashadii wakhtigeedii qabsoonta Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu cadeeyey in arinta saami qeybsigana uu qaranku xal ka gaadhi doono Ugu danbeyn gudoomiyaha oo ka jawaabaya su,aal la weydiiyey ayaa sheegay in xilka gudoomiye nimada Kulmiye cid lagu wareejinayaa aaney jirin isla markaana reero isku wareejinayaa aaney jirin balse cidii noqon laheyd gudoomiyaha xisbiga uu shirweynaha xisbigu go,aamin doono Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay. Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka hay’adda DFID ee Somaliland. ALLAA MAHAD LEHMaxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Source
-
The Deputy Chairman of Jubaland Independent Electoral Commission, Ahmed Mohamur Omar, told the media representatives in Kismayo that efforts made by Federal Member State to secure the release of its Security Minister currently in detention in Mogadishu had ended in failure. Omar said that meetings Jubaland Administration held with Federal Government officials and officers from the national intelligence agency ended in a deadlock following unrealistic conditions set by the federal government to release Jubaland Security Minister, Abdirashid Hassan Nur. Nur was travelling by an Ethiopian airplane that was forced to go through Mogadishu as a part of new guidelines to curtail aviation privileges of Jubaland after the outcome of Jubaland election results that the Federal Government of Somalia declined to recognise. Federal Government Police in Mogadishu took Jubaland Security Minister into custody. Omar described conditions for release as “divisive”. PUNTLAND POST The post Federal Government Sets Undisclosed Conditions to Release Security Minister appeared first on Puntland Post.
-
The former Minister of Planning Ministry Abdirahman Aynte has expressed dismay at the leadership style of leaders of the Somali Federal Government, reports Jowhar.com “Somali federal leaders subscribe to the view that politics is zero sum game at a time the country needs conciliatory approach” Ayte said. Ayte said Somalia is not at a stage where defeating the political opponent is the solution. “Collective leadership is the necessary path” he added. The continued tussle between the federal government and federal member states, according to Aynte, is a product of the leadership style the incumbent federal leaders have adopted. Aynte has pointed out that deteriorating security situation had become a boon for Al-shabaab, which levies tax on Mogadishu businesses. Comments of the former minister will not go down well with the federal government. Aynte was in charge of the preparations for 2017 London Somalia conference. “The President occupies the highest position in the country. He is expected to fulfill the promise he made in Garowe earlier this year to act as reconciler” Ayte said. © PUNTLAND POST The post Aynte: Somali leaders view politics as zero sum game appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ay kala yihiin labo dal iyo labo dowladood, inkasta oo beesha caalamka iyo dunida inteeda kaleba ay u aqoonsantahay maamul ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Awaamiirtan uu maanta ku dhawaaqay wasiirku ayaa waxa dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay mudo dhan labo todobaado oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/09/2019-ka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Somaliland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaasi
-
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo gaaray Hargeysa. Danjire Ben Fender iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay xiriira a xoojinta xiriiraka Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada ballaaran ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay. Waftigaan ayaa Somaliland ku ammaanay horumarada laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxiixdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland. The post Madaxweyne Muuse Biixi iyo Danjire Ben Fender oo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, wuxuu bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyay Xafiis ay leedahay Wasaaradda arrimaha dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray. Furitaanka Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Garoowe. DAAWO PUNTLANDPOST The post Axmed Karaash oo ka hadlay shahaadada ardayda Puntland & xafiis DFS Garoowe ka furatay. appeared first on Puntland Post.
-
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqbashay markii ay maxkamadda ICJ geysay dacwad ka dhan ah Kenya in ay aqbasho xukun walba oo maxkamadda ka soo baxa: guul iyo guuldarroba. Dacwaddu ma ahayn mid Xasan Sheekh uu guri ay Kenya ka dhacday ku soo dhacsanayo, waxay ahayd dacwad uu ku gudbiyay magaca Jamhuuriyadda ee uu shaqaalaha ka ahaa, Farmaajana sidoo kale. Jawiga hadda Soomaaliya ka jira wuxuu marayaa in xitaa la siyaasadeeyo guusha wiilashii Soomaaliyeed ee ka badiyay Zimbabwe. Libintii u soo wada hoyatay Soomaali oo dhan ayaa koox siyaasadeed u tarjumatay riixidda ujeeddo gaar ah iyo olole. Kiiska badda wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dhifka ah ee ay Soomaalida ku mideysan tahay. Sida haddii lagu guuldarreysto ay isaga fogeyn lahayd mas’uuliyadda fashilka, waxaa la gudboon Villa Somalia in ay libin marka ay timaadana ay ku ekaadaan u mahad celinta dadkii shaqadan bilaabay iyo kuwii sii dardar geliyay illaa guul laga gaaro, guushana ka dhigto guul Soomaaliyeed. Sannadkii 2008 dhaqaalaha Maraykanka ayaa dhulka galay; Obama intii uu xilka hayay wuxuu qaaday tallaabooyin dhaqaalaha lagu habaynayo, wayna shaqeeyeen, laakiin waxaa uu kobocii muddo laga soo shaqaynayay uu si sax ah u taabbo galay markii Trump uu xilka qabtay: laga billaabo sayladaha Dow Jones, NASDAQ, shaqo helidda, abuurka ganacsiga dhammaan waxay joogaan heerkii ugu wannaagsanaa. Sida caadada ahba Trump wuu inkiray shaqadii Obama ee 8 sanno soo socotay, wuxuu sheegtay xishood la’aan in uu asaga 2 sanno gudahooda ku kobciyay dhaqaalaha. Koboc dhaqaale waa wax lagu farxo laakiin falcelinta ka dhalatay sheegashada Trump ayaa waxay keentay in dad badan oo caan ah, siyaasiyiin iyo wariyayaal, in ay burbur dhaqaale oo ku habsada dalkooda Maraykan ay ku duceystaan. Bill Maher oo ah daadihiye barnaamij caan ah ayaa yiri: “waxaan jeclaan lahaa in uu dhaqaalaha dhulka galo, la waayo shaqo, sayladaha ay sabbeeyaan, si shacabku ay u dhibtoodaan, kaddibna ninkaan madaxa jaalaha leh bannaanka loo tuuro”. Derek Thompson oo ah wariye ka tirsan wargeysa Atlantic ayuu wuxuu qoray maqaal cinwaankiisu yahay, “walaalyaalow dhaqaalo burbur ha ku duceysanina”. Aqoonyaho, indheer.garad, macallimiin jaamacadeed, siyaasiyiin kuwii ugu garashada badnaa ayaa aad ugu faraxsan is qab qabbsiga dhaqaale ee Shiinaha iyo.Maraykanka bal haddii uu burbur dhaqaale uu u keenni karo dalkooda oo shacabka dhib ku ah balse ay u arkaan xannuun gaaban oo gaarsiinaya guul ah in ay Trump dhaafiyaan Aqalka Cad. Waxa ugu qaalisan ee uu dal leeyahay haddii la arko in uu qof si shakhsi ah uga faa’ideysanayo, in dad badan oo qiima leh ay duruufta ku kalifayso in ay yiraahdaan: “Inta uu Farmaajo libinta u isticmaali lahaa siyaasad, badyahay jinni laguu xukun”. Sidoo kale waa la mid maamulkii Xasan Sheekh, waa in aysan sheegasho siyaasadeed ka dhigan libin laga soo helo maxkamadda! Sida goolkii wiilkii asagoo qarankiisa u dhidhidaya dhaliyay siyaasad ahaan loogu isticmaalay, yaanan qaddiyadda badda ee na mideysa loo isticmaalin. Bad ka weyn baan u bi’inay yuusan hebel iyo asxaabtiisa keligood macaashin; waxaana u duminay qaran, waxaana nooga dhintay dad fara badan, welina kabasho ayaan ku jirnaa. In guud ahaan midnimo aan gaarno, qeybsanaantana iska deyno, waxay ka billaabanaysaa ugu yaraan in aan qeybin ka ilaalino meelaha ay midnimadu ku dambeyso, qaddiyadda badda iyo xulka qaranka waa ka kow! Inta hartay dacarta ka daaya! W/Q: Hassan Adam Hosow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka ee Puntland Faarax Maxamuud Cawasah ayaa sheegay in ay qabteen Doomo kaluumeysi sharci darro ahi ka waday Badda, waxaa uuna tilmaamay wasiirku in ay dhisi doonaan iskaashi kaluumeysi si wax looga qabto dadka sida aan sharciga aheyn uga faa’ideysta kheyraadka badda Soomaaliya. Wasiirka ayaa xusay ilaa iyo hadda in Puntland ay gacanta ku soo dhigtay dhowr Doonyood oo ku eedeysan kaluumeysi shaci darro ah, waxaana uu yir” Muddadii hadda aan joognay waxaan soo qabanay oo aan ganaaxnay ilaa 7 doon oo aan goobo kala duwan aan ku soo qabanay, qaarkood xeebta ayey aad ugu soo dhawaadeen, taas sharciga ma ogol yahay in xeebaha ay ka kaluumeysaan dadka deegaanka oo doomaha yar yar ay kaga kaluumeysan karaan mar haddii shabaak yahooda ay ka jiiraan oo ay aad ugu soo dhawaadan, kuwana shatti la’aan ayeey ku kaluumeysanaayeen” Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay dhisaan iskaashatada kaluumeysiga ee deegaanada ku xeeran badda ee Puntland, asaga oo ku macneeyay u jeedku inuu yahay in is kaashatadu ilaaliyaan kheyraadka deegaanka, waxaana uu yiri “ wasaaraddu waxaa horay ay u soo dhistay afar iskaashato oo kala ah Boosaso, Eyl, Beyla, iyo Garacad, tii shanaad waxaa noqoneysa Baargaal oo hadda doorashadeeda ay dhaceyso, ujeedkuna waxaa waaye in dadkii dan yarta ahaa doomaha iska lahaa guddi u sii shaqeeyo kaluunkii soo qabta ammaankana wax ka ilaaliya” Dhanka kale wasiirka kaluumeysiga dowlad gobaleedka Puntland Faarax Maxamuud Cawaashe, ayaa ka warbixiyay shatiyada wasaaraddu ay siiso Doomaha shisheeye ee kaluumeysta oo cabasho badan ay ka keeneen kaluumeystada yaryar,waxaana uu yiri” Shattiga wasaaraddu ay bixiso waa mid sharciyeeysan waxaa uuna soo maraa wasaaradda maaliyadda oona soo daabacda, annagu waan codsannaa tiro number go’an, doontu marka ay timaado shaqaalaha wasaaradda ayaa fuula codsi ayeey marka hore soo qorataa oo waa ay timaadaa waxaa la hubiyaa tankeeda waxaa la hubiyaa shabaagada nuuc Loo ogol yahay mayahay waxaa la hubiyaa nuuca ay rabto in ay u kaluunmeysato markaas ayaa la’ siiyaa nidaamka kaluumeysiga iyo xeerrka wasaaradda” Ugu danbey wasiirka ayaa sheegay in waasarad ahaan ay ka go’an tahay in iskaashaqada heer gegmo ilaa heer gobol la gaarsiiyo si ugu dabnbeyn loo helo iskaashato ay midaysan yihiin dhammaan kaluumeysatada reer Puntiland waxaana uu yiri” Hadda waxaan dhiseynaa iskaashato heer degmo afar ayaan horay u soo dhisnay Baargaal ayaa shank u ah ka dib waxaan sameyn doonaa heer gobal ka dibna waxaan rabnaa mid guud oo Puntland, daladda iskaashada ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (SMN) – Taliyaha ciidamada difaaca Puntland, S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Taliye Yaasiin Dheere ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnahan oo lagu qabtay degmada Baran, iyaga oo wata gaari nooca raaxada ah haatan uu ku socdo baaritaan dheeraad ah. Dhowaan ayey aheyd markii Puntland ay shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa maanta shir muhiim ah ka daah-furay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya hay’adaha horumarinta dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya, xubno ka socda wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyadoona diirada lagu saarayo arrimaha kobaca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlayaa barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarada, si loo hubiyo shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
