-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan gaari ay la socdeen dad shacab ah ay ku rasaaseeyeen nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gaariga oo ku sii jeeday tuulada Xabaal Daacuun oo waaqooyi kaga beegan degmadaasi ayaa la sheegay in kooxo burcad ah ay rasaas ku fureen, kadibna ay dhac iyo jirdil u geysteen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi. Sidoo kale waxaa falkaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo ka mid ah rakaabkii la socday baaburka la rasaaseeyey. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-soofeysane.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat. Danjire Abdoulaye Diop, oo yimid Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle . Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday wiilka madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Siyaad Barre oo lagu magacaabay Xasan Maxamed Siyaad Barre. Xasan Maxamed Siyaad oo sidoo kale loo yaqaan Xasan Rubeeti ayaa mar ahaan jiray safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman. Waxa uu goordhow ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay dadka Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-22082019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in aanay Dawladdu ogolayn inay qabsoonto doorashada Golaha Wakiilladu. Xildhibaan Nac-nac waxa kale oo uu sheegay in marka si kale loo eeganaya aanay Xildhibaanno ahaan ogolaanayn in la galo doorashada iyadoo ay cabanayaan beelaha Darafyada iyo kuwa la hayb-sooco isla-markaana aan diwaangelin la samaynin. Nac-nac oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In Beri doorashada la qabto waanu ogollahay, laakiin waa in sharci lagu qabtaa, Dadka Darafyada iyo kuwa laga tiro badan yahay way cabanayaan, markaa waa in saami-qaybsigii la sameeyaa, waa in tiro-koob la sameeyaa, laakiin aynu iska yaacno uun ma yeelayno oo waa khalad.” Xildhibaanku wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay xildhibaanno ka dareeray Fadhi lagaga doodi lahaa in Komiishanka lagu kordhiyo laba Xubnood “Maalintii dhawayd ee la yidhi Komiishanka laba ha lagu daro, waanu yeellay in laba xubnood lagu daro, haddana xagga dambe ayaa la nagaga yimid oo waxa la yidhi diida, ka baxaa la yidhi oo wayba naga baxeen, markaa Dawladda ayaan doorashada ogolayn.” ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dablay hubaysan ayaa laba haween Oromo ah ku dilay deegaanka Halleeya ee duleedka Hargeysa sidoo kalena ku dhaawacay laba nin oo isla Qoomiyada Oromada ah. Oromadan oo ahaa tahriibayaal gaadhi saaran ayay dablaydu rasaas ku fureen. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay soo qabteen dadka ku eedaysan in ay dilkaasi gaysteen Boolisku waxa ay sheegeen in raggaasi ay khamri cabsanaayeen marka ay falkaasi samaynayeen. Source
-
The arts scene is booming in the self-declared republic of Somaliland but, as the BBC's Mary Harper writes, the people who are pushing the cultural boundaries have come up against some opposition. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay si rasmi ah u furay daahfurka xafiis cusub oo dadka ajaabibka ahi ay u fududeyn doona adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan. Xafiiskani wuxuu bixin doonaa adeegyo markii hore ay bixin jireen xafiisyo badan oo ka tirsan Wasaaradaha iyo laamaha dawladda, balse imika wixii ka dambeeya lagu mideeyey hal xafiis. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu adeegan cusub kaga dhawaaqay kulan maanta lagu qabtay xarunta laanta socdaalka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku weheliyeen Taliyaha guud ee ciidanka laanta socdaalka Sareeye Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), agaasimaha Guud ee Maaliyadda, Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasime ku-xigeenka waaxda Cashuuraha berriga Khadar Maxamed Maxumed iyo agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdilaahi Axmed Raabi. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inay maanta fureen xafiiskan oo iska kaashanayaan wasaaradaha Maaliyadda, Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo laanta Socdaalka Somaliland. Waxaanu tilmaamay in adeegaasi uu dadka ajaanibka ah ee Somaliland martida u ahi sida macalimiinta iyo dhakhaatiirta u fududeyn doono adeegga ay u baahan yihiin ay goob kaliya ka wada heli doonaan, halkii ay markii hore xafiisyo kala duwan ka tagi jireen, waxaanu xusay inay ka raysan doonaan xafiisyadii faraha badnaa ee ay hawlahooda la tagi jireen. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in adeegan oo noociisu ku cusub yahay Somaliland ay rajaynayaan inuu wax badan ka beddeli doonto habka loogu adeego dadka ajaanibka ah ee dalka yimaada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa hanbalyeysay dawladda Kenya oo ku guulaysatay taageerada midowga Afrika oo ah in Kenya xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada midoobay. Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa yidhi. “Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council”. Kenya ayaa ka guulaysatay waddanka Jabuuti oo ay la tartamaysay. Dawladda ayaa Jabuuti ayaa iyada sheegtay in aanay wali ka rajo dhigin inay ku guulaysto kursigaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, isla markaana ah xildhibaan mucaarid ah ayaa ka hadlay doorashadii goor-dhoweyd oo maanta ah ka dhacday magaalada Kismaayo. Doorashadan goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin cid ka taqaana baarlamaanka Jubbalanad hogaamiyaha ku haboon, hogaaminta maamulka Jubbaland, isagoona fariin bogaadin ah u direy Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Fiqi: “Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee DG Jubaland Md. Axmed MAXAMED Islaam oo markii labaad loo doortay xilkaas. Waa go’aanka wakiilada dadka Jubaland ay u gaareen deegaanadooda iyo dawlad goboleedkooda, mana jirto cid ka taqaan ayaga hogaamiyaha u haboon Jubaland. Waa mas’uuliyad adag oo waqti adag loo igmaday madaxweynaha cusub ee Jubaland, hawlo badan oo hortabin leh ay horyaalaan sida midnimada dadka reer Jubaland, iyo tan Soomaaliyeed, nabadgalyada iyo adeegyada bulshada”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The head of the UN Mission in Somalia (UNSOM), James Swan has told the UN Security Council that Somalia has made the great process in improving the economy despite the security challenges. Mr. Swan said that the Government has made “great strides” towards improving the country’s fiscal performance and strengthening governance, putting Somalia on the path towards economic recovery. “This progress is set against a backdrop of an ongoing humanitarian crisis that remains “one of the most protracted in the world”, with 2.2 million Somalis facing acute food insecurity, and 2.6 million internally displaced, fleeing conflict and drought,” Swan told the UN Security Council. The UN envoy urged member states to urgently resource a Drought Impact Response Plan issued by the UN and Somali Government, which calls for funding of $686 million saying half of that sum has been secured. In his first briefing to the world body since taking office, Swan told the council that despite encouraging developments, insecurity remained a serious concern in the country. On the war against terror, Mr. Swan noted the effectiveness of the collaboration between the UN and international partners, and the Somali Security Forces working with the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which has seen areas near the capital Mogadishu taken back from terror group al-Shabab in recent months However, Mr. Swan noted that terrorism remains a threat to progress, citing the deadly al-Shabab attack on the offices of the mayor of Mogadishu in July, which killed and injured several Government officials. A more immediate concern for Mr. Swan was a regional election in Jubaland province slated on 22nd August where a contested outcome could see an increased level of insecurity, which would not only put progress made in Jubaland in jeopardy but also potentially undermine national priorities, including preparations for the 2020 elections View the full article
-
One million Somalis will receive lifesaving food and clean water to help reduce food scarcity and malnutrition, the UK government announced on Wednesday. This new £30 million package of UK aid builds on the £38 million in humanitarian and resilience support which the UK is already providing in the country. During a visit to the country this week, Minister for Africa Andrew Stephenson announced that as well as providing food and water, UK aid will also help build longer-term resilience to climate change and drought. “Somalia is being crippled by drought and millions of people are in desperate need of life-saving food, clean water, and treatment for malnutrition.” Stephenson said, adding “The UK has been at the forefront of the humanitarian response, but more needs to be done. Britain, alongside the international community, is committed to providing immediate assistance and building Somalia’s ability to manage the crisis.” An extra £30 million of UK aid support will also provide vaccines for livestock which Somali farmers rely on for their livelihoods. Minister Stephenson led a roundtable with humanitarian partners during his visit, where he discussed how the UK and international community can support Somalia to build their resilience to climate change and end their reliance on emergency aid. He met Somalia’s Prime Minister Hassan Ali Khayre and reiterated the UK’s commitment to supporting Somalia reform on security, politics and developing Somalia’s economy. The minister also traveled to Baidoa in Southwest State where he saw first-hand how the British Military is supporting the training of the Somali National Army at a CSSF-funded training facility. While there, he met Southwest State leader Abdiasiis Laftagareen and discussed the UK’s support for stability and security in the area. View the full article
-
Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa aqlabiyad ku guuleystay Axmed Madoobe, isaga oo madaxweyne sii ahaan-doona ilaa 2023-ka. Waxaa Ku Tartamay: 1: Axmed Maxamed Islaam. 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Musharax Maxamed Cumar Geedi 4: Canab Maxamed Daahir Axmed Madoobe oo guuleystay sida aan sheegnay waxaa uu codadka xildhibaannada ka helay 56, halka Canab Maxamed Daahir oo ku xigtay ay heshay 17 cod, murashaxa kale ee Maxamuud Muxumed Cumar ayaa isna helay hal cod. Xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland guud ahaan waa 73. Mudane Axmed Madoobe waxaa uu Jubbaland hogaaminayey tan iyo 2013-kii, waa markii 2-aad ee ka noqdo madaxweynaha dowlad goboleedkan. Doorashada Madoobe ayaa dhacday xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo xukuumadda federaalka ah, taasi oo keentay inuu xirto hawada, dhulka iyo badda Kismaayo, kana mamnuuco madaxda dowladda iney tagaan magaalada. Xukuumadda federaalka ah, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay marar badan ku celisay in aaney aqoonsan-doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland. Beesha caalamka oo xalay qoraal soo saartay waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in doorashada Kismaayo laga fogaado qalalaaso. Dhinaca kale, guri ku yaalo Kismaayo ayey xildhibaannada koox la magacbaxday isbadal-doonka ku doorteen Cabdirashid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, arrintaas oo dad badan u fasireen qalalaaso siyaasadeed iyo fowdo lagu furayo maamulka cusub ee Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay Ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-Kismaayo)-Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo gebogabeeyay Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu doorashadaa ku guulaystay isla-markaana Madaxweynaha Afarta sannadood ee soo socda Hoggaaminaya Jubbaland loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe). Doorashada oo ay ku tartameen Musharraxiinta kala ahaa Axmed Maxamed Islaam oo ahaa Madaxweynihii hore ee Jubbaland, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Maxamuud, ayaa waxa ku guulaystay Axmed-madoobe. Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa helay 56 Cod, Canab ayaa iyaduna heshay 17 Cod, halka Musharraxa Saddexaadna helay 1 Cod. Madaxweynaha la doortay ayaa waxa markiiba xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland. Source
-
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa ayidey xukunkii maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay ku rideen saddex nin oo loo haystey dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas Aadan. Kadib markii muddo saddex jeer ah la horkeenay maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhammaan ku xukuntay dil toogasho ah. Magacyada 1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame 3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame DAAWO XUKUNKA PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo ayidey xukumadii maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Diyaarad Drone ah oo Millateriga Maraykanku leeyahay ayaa lagu soo riday Dalka Yemen. Diyaaradda ayaa lagu soo riday Koonfurta-bari ee Magaalada Sanca oo ay Maamulaan Kooxda Xuutiyiintu, sida ay laba Masuul oo Maraykan ahi u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters. Afhayeen u hadlay Ciidammada Xuutiyiintuna wuxuu sheegay in Ciidammadoodu ay Arbacadii dhulka sii dhigeen Diyaarad Drone ah oo Maraykanku leeyahay, laakiin Masuuliyiinta Maraykanka ah ee Reuters la hadlay ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday Xilli dambe oo Salaasadii ah. Tani maaha Diyaaraddii ugu horraysay ee Maraykanka lagaga soo rido Yemen, balse Bishii June ayaa sidan oo kale diyaarad Drone ah oo Hawl-gal ka wadday Yemen la soo riday. Ciidammada Maraykanka ayaa hore Yemen uga bilaabay Duqaymo ay ku beegsanayaan Al-qaacidada Yemen. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in ayna weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya. Safiirka ayaa sheegay in ayna is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi. ‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yidhi Daa’uud. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’ Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya. Source