-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS, Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku wajahanM/Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qabab qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Boqolaal dadweyne ah ayaa la isugu keenay goob fagaare ah, kuwaas oo uu la hadli doono Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Sidoo kale ammaanka ayaa la adkeeyey, iyadoo ciidamo badan lagu soo daayey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ujeedka fafarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxa uu la xiriiraa arrimaha amniga iyo dib u habeynta ciidamada. Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Ra’iisul wasaaruhu booqanayo deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 15-ka bishii todobaad ee sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha, waxaana xilligaas ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay. Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo xukuntay askari diley 3 wiil oo walaalo ah. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo inta badan la xiray waddooyinka magaalada Baydhabo Safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo dib u habeynta ciidamada. Sidoo kale waxa uu Ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa deegaano kale oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool. K/Galbeed ayaa ah maamulka 1-aad ee taabacsan dowladda dhexe, marka loo eego maamullada kale ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa si weyn u xoojiyey amniga deegaanada dhaca dhanka xadka Soomaaliya. Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in heegan la geliyey ciidamada, si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Kenya ayaa ugu baaqay shacabka deegaanadaasi in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah. Dhowaan ayey hay’adaha amniga Kenya shaaciyeen inay jirto cabsi laga qabyo in weeraro ay ka dhacaan gudaha dalkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa baaq nabadeed u diray dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud. Khayre oo la hadlayey dadweynaha ku nool deegaanadaasi ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in aysan dib u soo noqon colaadihii in muddo ah ka taagnaa deegaanadaasi. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii uu Ra’iisul wasaarahu heshiis dhex dhigay bulshooyinka deegaanada Huurshe iyo Xeeraale oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah waxay ku riddey askari la sheegay in uu horey u dilay Saddex qof oo walaalo ah. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan u qornaa: Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 15-ka bishii todobaad ee sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha, waxaana xilligaas ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay. Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)– Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka dhacay degmada Kaaraan 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan). Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-07092019-1.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa uu haatan khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska Badda uu soo kala dhexgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma. The Star oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan madaxtooyada dalkaasi ayaa sheegay in Monica lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya iyo sida ay ula dhaqantay dowladda Itoobiya. Wargeysku waxa uu sidoo kale warbixintan ku sheegay in wasiirada lagu eedeeyey in ay magacawday diblomaasiyiin aan xirfad laheyn. Sidoo kale waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku fashilantay, islamarkaana ay Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal caalami ah ku guul dareysato sanadka soo socda. Eedeynta koowaad waa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya, islamarkaana ay gaartay go’aanno culus, iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada Kenya. Midda labaad ayaa ah kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti. Ugu dambeyn Juma ayaa lagu dhaliilay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo saaxib la ah Kenya. Dhinaca kale wargeyska ayaa qoray in sidoo kale lagu dhagan yahay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, Macharia Kamau. Xoghayhaya ayaa isna lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay, islamarkaana uu ku dhawaaqay go’aanno aysan dowladdu raali ka ahayn . The Star wuuu sheegay in aysan arrintan farxad gelin Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labadaan qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo marar badan dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo muran dhinaca Badda ah, kaas oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka dhacay degmada Kaaraan 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan). Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidanka ayaa siweyn u adkeeyey ammaanka magaalada, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo. Khayre ayaa si lamid ah Baydhabo booqan doona deegaamo katirsan gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic cusub oo goboladaasi laga dhisi doono. Socdaalka Khayre ee deegaamada Koonfur Galbeed ayaa dib u dhacay Khamiistii la soo dhaafay kadib markii uu dibu dhacay shirka dibu heshiisiinta maamulka Galmudug. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay xoojin doonto xiriirka wadashaqayneed iyo maalgashiga dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay si loo xoojiyo kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo saameynta dowladda Qatar ay ku leedahay geeska Afrika. Qadar waxa ay xustay inay laba jibbaari doonto malaayiinta dollar ee ay ku bixinayso dalalka geeska Africa, xilli loolan culusi kala dhexeeyo wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga. “Dowlada Qadar iyo wadamada bariga afrika waxay hormarinayaan xiriirka dhow oo ku saleysan xiriir taariikhi ah iyo rabitaan caam ah oo lagu gaarayo dhaqaalaha gobolka, waxbarashada iyo barwaaqada bulshada. Tusaale ahaan, Sanduuqa Horumarinta Qadar wuxuu ku deeqay deeq iyo amaah bariga Afrika in ka badan $ 4 bilyan sideedii sano ee la soo dhaafay, ” ayay tiri Lolwah al-Khater, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar. Afhayeenka ayaa tilmaamay in dowladda Qadar ay qorsheynayso in lacag deyn ah oo horumarin ah ay siiso dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya si loo horumariyo adeegyadda kaabayeyaasha dhaqaallaha. “Khaas ahaan Soomaaliya, waxaan mar labaad u xaqiijineynaa sida ay Qadar uga go’an tahay taageerida umadda maadaama ay si aad ah uga shaqeyneyso sidii loo fulin lahaa himilooyinkeeda’ waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno oo aan sii xoojino iskaashiga ganacsiga, horumarka iyo waaxaha kale” ayay kusii dartay hadalkeeda Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar. PUNTLANDPOST The post Dowladda Qadar oo xoojinaysa maalgashiga dalalka geeska Africa. appeared first on Puntland Post.
-
ZIMBABWE’S 2022 World Cup preliminary round second leg clash with Somalia, which had been scheduled for Sunday at Barbourfields Stadium in Bulawayo, has been postponed to Tuesday following a request by the East African country. Source: Hiiraan Online
-
Governor Abdi urges writers to document rich Somali culture
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Writers and poets from Northeastern have been urged to use their skills to document Somali’s rich culture and preserve it for posterity. Source: Hiiraan Online -
Iran's foreign minister Mohammad Zarif paid a visit to his Chinese counterpart Wang Li at the end of August to present a road map for the China-Iran comprehensive strategic partnership, signed in 2016. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo shalay khudbad ka jeediyay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka degaankaasi ku boorriyay in ay dhaqan-geliyaan heshiiskii dhowaan la dhexdhigay bulshada ku nool Xeraale iyo huurshe. Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka degaanka ugu baaqay in aysan wax dulqaad ah u yeelan cid kasta oo isku dayda in ay dib u soo noolayso colaaddii ragaadisay bulshada wada-degta degaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobolkaasi Galgaduud. Mudane Khayre ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in ay dadka degaanka ka taageerto dib u soo celinta nabadgelyada iyo ka jawaabidda baahiyaha nololeed ee bulshada degaanka. Sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo horumarinta ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay in ay si dhakhso ah uga hawlgalaa degaaannada Huurshe iyo Xeraale ee heshiiska la dhex-dhigay. Halkan ka daawo khudbadda Ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Khayre: Haddii aad sidaan ku sii socotaan Adduunyadana waad ku halaagaysan Aakhirana waa la idinku cadaaabin appeared first on Puntland Post.
-
Magacaabista afar taliye ciidan iyo duqa caasimada Muqdisho, waxay ka abuurtay baraha bulshada iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka hadal-hayn badan. Haddaba, saraakiisha loo magacaabay xilalka, maxay kaga duwan yihiin kuwa ay jagada kala wareegayaan, maxaase gaar ku ah kooxdan cusub? Waa dooda faallada. Ma’ahan markii ugu horaysay ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, magacaabo taliyaal ciidan iyo duqa caasimada. Balse, waxa xiisaha gaarka u yeelay magacaabistaan waa waqtiga ay ku soo beegantay, itijaaha siyaasadda xukumadda, iyo sooyaalka taariikh nooleedka saraakhiisha la magacaabay. Inkastoo siyaasadda arrimaha dibedda, dib-u-habeenta dhaqaalaha iyo ciidamada ay dowladda amaan ku mudatay, haddana waxaa xukuumada culays ku haya amaanka caasimada, madax maamul-goboleedyo u dhaqmaya sidii dowladdo gaar ah, dabindaabyada shisheeyaha (Imaaraadka, Kenya iwm), iyo maqaamka Muqdisho oo noqotay mashruuc ay adeegsadaan danleeda gaarka. Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa noqday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya. Waxaa uu aqoonta ciidanka ku qaatay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa, sida wadamada Mareykanka iyo Jarmalka. Balse kornayl Cabdullahi Cali Macow, oo ka tirsanaan jiray NSStii Soomaaliya, haddana madax ka ah Machadka Cilmi-baarista Amniga ee Soomaaliya, ayaa su’aal geliyay sababta ay xukuumada u door-biday in xilkan u dhiibto Jeneraal Xajaar. Kornayl Macow, wuxuu rumaysan yahay in taliye Xajaar gacmihiisa nadiif ka ahayn ku xad-gudub xuquuqda aadamaha. Intaas wuxuu raaciyay, inuu taliye (mas’uul) ka ahaan jiray NSSta magaalada Hargaysa sanadihii 1978, 1987, iyo 1988. Waxuuna xusay in loo tababaray howlaha sirdoonka, isla-markaasna magacaabista ay astaan u tahay in la caburiyo mucaaradka (Radio KNN – August 23, 2019). Waxaa xusid mudan in eedahaas maxkamadi aysan xukumin, caddeyna uma hayso wargeyska jamhuriyadda. Waxayse dad badan xasuusan yihiin in xilligii uu taliye Xajaar madaxda ka ahaa hawlaha nabadsugida Hargaysa ay aheed xilli ururkii SNMta dagaalo kula jireen xukuumadii Madaxweyne Maxamed Siyaad. Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska – maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta. Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u barteen Jeneraalka, kaalintii uu ku lahaa dajinta rabshadihii ka dhashay xarigii Mukhtar Robow, iyo khilaafkii soo kala dhex galay xukuumada iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom, xilligii ay socotay doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan waxuu isticmaalay erayo aad u adag, isagoo la hadlayey shacabka ku dhaqan Baydhabo, waxaana uu yiri “dhib Xamar yaala Baydhabo ha keenin, dhib duurka yaalana Baydhabo ha keenin. Qolyo ayaa dhahaya laandheere ayaan ahay. Haddaad laandheere tahay, anaa kaa laandheereysan [dowladda], kun askari ayaan haystay, kun kale ayaa la iigu soo daray. Ee edeb yeesha nabadda ha la ilaaliyo.” “Nuxurka khudbadaas, waxay ahayd sugida amniga inaan lagu barxin siyaasad, wuxuuna si cad u qeexay shaqada Booliiska,” sidaas waxaa yiri khabiir dhanka amaanka ah. Jeneraal Ismaaciil Yuusuf Raage (odawaa), ayaa noqday Taliyaha XDS. Waa 32 jir ciidanka ka mid ahaa 13 sano. Waxuu tababaro ku soo qaatay wadamada Ugaandha iyo Turkiga. Waxuu aqoon u leeyahay hoggaaminta ku dagaalanka magaalooyinka, iyo ilaalinta madaxda. Waxuu ku taqasusay hoggaaminta ciidanka lugta, isagoo uga soo baxay Kuliyada Ciidamada eeTurkish – Army War College, sanaddii 2014. Dad badan oo aqoon u leh Jeneraal Odawaa, waxay ku sifeeyeen inuu yahay ruux u jajaban howlaha ciidanka, isla-markaasna xiiso gaar ah u qaba ka mid ahaanshaha ciidamada, kuna haboon hoggaaminta ciidanka xilliga dagaalka. Waa taliye jecel ku dhex jirka ciidanka. Saraakiishii hore ee ciidamada waxaa loo tababaray sida ay ciidamo dhisan oo ay dowlad leedahay weerar loogu qaado ama difaac loogu sameeyo. Balse dagaalka Alshabaab lagula jiro, wuu ka duwan yahay kii ay yaqiineen saraakiishii hore ee XDS. “Marka la eego da’diisa, iyo khibradiisa dagaalka magaalooyinka, waxay ciidanka XDS ka caawinaysaa inuu si sahala uga itaal roonaado kooxda Al-shabaab, waa haddii ciidamada loo dhammaystiro baahidooda,” sidaas waxaa rumaysan sarkaal hore uga tirsanaa XDS. Duqa Caasimada Muqdisho waxaa loo magacaabay Cumar Maxamud Maxamed (Finish). Haddaba Cumar Finish maxaa lagu sifeen karaa, maxayse xukuumada ku xulatay? Cumar Finish waxuu xubin ka ahaan jiray ururaddii hubeysnaa ee qaybta ka ahaa dagaaladii sokeeye, sida USC, SSA. Sanadii 2006 waxuu xubin ka noqday ururkii Isbahaysiga dib u soo celinta nabadda iyo la-dagaallanka argagixisada (ARPCT) oo dagaal la galay Midowgii Maxaakimta Isaamiga (ICU). Inkastoo xubin baarlamaan uu noqday, misana dadka reer Muqdisho waxay ku xusuustaan dagaaladii uu qaybta ka ahaa ee sababay barakac, dhimasho, iyo dhaawac dad rayid ah. “xukuumada waxay heshay shaqsi ku haboon oo aamusin kara siyaasiyiinta aan xishoon oo xeerinaynin xeerarka, iyo shuruucda dalka. Markay timaado maqaamka Muqdisho, balse dhanka kalsoonida shacabka lama tixgelin,” sidaas waxaa rumaysan falanqeeye codsaday inaan magaciisa la adeegsan. Magacaabistani, waxay ku soo beegantay maalintii Mudane Axmed Madoobe dib iskugu doortay madaxtooyada Jubaland, dowladda Kenyana ku taageertay iyadoo madaxda mucaaradku daba safan yihiin. Sidaa daraadeed, magacaabistani waxaa laga dheehan karaa in siyaasaddii ay xukuumada kula dhaqmaysay mucaaradka ee sabsabaalintii iyo dulqaadka ahayd meesha ka baxday. Tifaftiraha Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors
