-
Content Count
215,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii u hoggaansamay ajendaha iyo cadaadiska dalka Kenaya ee ahaa in wada hadal kasta oo labada dhinac ah ay qeyb muhiim ah ka noqoto muranka badda. Kulan ay dowladda Kenya u soo martay midowga Afrika iyo guddoomiyeheeda Cabdifitax Al-sisi ayaa xalay magaalada New York, xarunta Qaramada Midoobey ku dhexmaray madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Kenyatta, iyaga oo ka hadlay muranka badda, xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka. Ilo ku sugan magaalada New York iyo Shirka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Kenya ay maalmahan raadineysay la kulanka wafdiga Soomaalida laakin Muqdisho ayaa shardi ka dhigtay in ajendaha laga saaro arrinta muranka badda, taasi oo sida muuqata Kenya ayaa guuleystay, oo ajendaha kiiska badda waxaa uu qeyb ka ahaa kulanka ama arrimihii looga hadlay miiska. In ajendayaasha wada hadalka labada dal uu qeyb ka noqdo muranka badda waa guul ay Kenya gaartay, waxaa kale oo dhici karta in Nairobi ay xalay Farmaajo kala hadashay codsi cusub oo todobaadkan ay u dirtay maxkamadda ICJ oo ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda oo balantu tahay November 4, Kenyaanku waxaa ay qabaan in waqtigu ku yar yahay. Maxkamadda ICJ ayaa dib dhigtay dhageysi lagu waday bishan September hadana waxaa laga yaabaa iney mar kale sii dib dhigto. Dhinaca kale, bogga Villa Somalia ayaa daabacay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. In kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay. In laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax la sheegay inuu ahaa Miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa saakay ka dhacay dalcadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasare kala duwan. Sida ay Goob joogayaal inoo sheegeen, qaraxan waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dhowaqiisa laga maqlay degmooyin badan oo magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay Labo askari oo la tilmaamay in gaariga ay la socdeen, iyadoo Labo qof shacab ah oo halkaasi marayeyna uu dhaawac kasoo gaaray, sida ay goob joogayaal inoo xaqiijiyeen. Ciidamada ammaanka oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaanno, mana jirto faah faahinno kale oo ay bixiyeen hay’adaha ammaanka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa faa faahin dheeri ah ka bixiyey waxa ka jira xiyaaradda dhinaca duulimaadka ee la saaray maamulka Jubbaland. Maareeyaha ayaa marka hore beeniyey in la hakiyey dhammaan duulimaadyadii Kismaayo muddo saddex cisho ah, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin warqad rasmi ah oo ka soo baxday dowladda federaalka oo lagu joojiyey diyaaradihii tagi jiray garoonka magaaladaasi. Axmed Macalin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hadda aysan jirin wax xayiraad ah oo saaran Juubaland, kaliya waxa uu xusay in shirkadaha diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay hay’adda ku soo wargeliyaan 24 saac, ka hor, sida uu hadalka u dhigay. Dhowaan ayey aheyd markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay hakad gelisay diyaarad siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeeday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay amar la sheegay inuu ka soo baxay dowladda oo muddo 3 cisho lagu hakiyey dhammaan duulimaadii magaaladaasi, inkastoo oo uu hadda amarkaasi meesha ka saaray Maareeyaha hay’adda duulista hawada, Mudane Axmed Macalin. Khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dmabeysa, kaas oo ka dhashay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Codka-Duulista.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Qoysaska dadkooda ku waayay Labadii shil ay diyaaradda Boeing gashay ee ka kala dhacay Ehiopia iyo Indonesia ayaa la siinaya lacag magdhaw ah oo ay shirkaddu bixineyso. Qoys kasta waxaa uu heli doonaan lacag gaadheyso $144,500 oo doollar. Lacagtan ayaa ah mid ay shirkaddu u qonddeysay, taas oo gaadheyso 50 Milyan oo doollar. In ka badan 340 qof oo rakaab aha ayaa ku dhintay markii ay burburtay diyaaradda Boeing, shilalkaas oo ka kala dhacay gudaha Itoobiya bishii March iyo Indonesia bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay. Source
-
New York (SMN) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir gaar ah magaalada New York kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Belgium. Shir-doceedka ay ku yeesheen magaalada New York Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Belgium Mudane Charles Michel waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, kaalinta Belgium ee dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub u sii dardargelin lahaa taageerada uu ku bixiyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. dalka Belgium-ka ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Washington)-Afhayeenka Congresska Maraykanka Nancy Pilosy ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah uu u bilaamay baadhista lagu sameynayo Madaxweynaha Maraykanka iyo eedo sheegaya in dawladdo shisheeyey gargaar ka raadsaday, si ay uga caawiyaan dib u doorashadiisa sanadka 2020ka. Pelosi ayaa hadalkan shaaca ka qaadday ka dib markii ay hogaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga kula kulantay Aqalka Baarlamaanka. Tirada dimoqraadiyiinta ah ee doonaya in madaxweynaha xilka laga qaado ayaa tiradoodu sii badanaysaa. Pilosi ayaa Trump ku eedaysay in khiyaameeyey dhaartii uu xafiiska u qaaday, amniga qaranka Maraykanka iyo amniga doorashada Maraykanka. Source
-
New York (SMN) – Wadahadallo saddax geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa ku soo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqaynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Waxaa kale oo xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay. Madaxweyneayaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Post navigation ← Previous Post View the full article
-
23-kii bishan ayeey ahayd markii shirkadaha duulimaadyada lagu wargeliyey in muddo Saddex cisho ah aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin magaalada Kismaayo, kadib warqad ay ka heleen hay’adda duulista hawada dalka. Hadaba waxaa soo baxay hadalkan hadal ka duwan, kadib markii isla hay’addaasi ay sheegtay in aanay jirinba warqad dhankeeda ka timid oo lagu xayirayo duulimaadyadii Kismaayo. Axmed Macalin, maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wararka sheegaya in la xanibay duulimaadyadii Kismaayo muddo Saddex cisho ah, balse wuuu tilmaamay in shirkadaha ku wargeliyeen oo kaliya iney hay’adda 24-saac kahor kusoo wargeliyaan duulimaadya ay ku aadayaan Kismaayo. Maareeyaha ayaa sheegaya in hadalka ay ka maqleen oo kaliya warbaahinta, iyadoo xusid ay mudan tahay in shalay (24 September) uu dhaqan galay ammarkii xayiraadda lagu saaray duulimaadyada Kismaayo. “Waxaan warbaahinta ka maqlayey in Kismaayo la xiray oo diyaaraduhu tagi karin, iyadoo la leeyahay illaa 26-ka bishan laga gaaryo diyaaraduhu tagi karin, waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed iney u sheego inaanay jirin wax si rasmi ah uga soo baxay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo xadidaya diyaaradaha u duulaya Kismaayo, wax walbo waa caadi, waxa jira oo kaliya ammar kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku amraya diyaaradahaasi in 24-saac kahor inta aanay aadin Kismaayo ay soo codsadaan fasax taasna waa caadi” ayuu yiri Axmed Macalin. Boqolaal qof oo aadi lahaa Kismaayo iyo kuwo kusoo wajahnaa Muqdisho ayaa shalay la sheegay iney dib uga dhaceen safarkooda, xilli dowladda ay 23-kii bishan garoonka Aadan Cadde ku xayirtay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahnaa Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo saaka aroortii hore ka dhacay dalcada Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo la saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay waxyeelo u badan dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa ciidan, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka tirsanaayeen maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari ee ka dhaca M/ Muqdisho. View the full article
-
(SLT-London)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dib u bilaabi doona maanta arbacada kulamadooda caadiga ahaa kuwaasi oo uu xanibay raysal wasaaraha UK. Maxkamadda sare ee UK ayaa shalay daaqada ka tuurtay go’aanka Boris Johnson uu ku kala diray baarlamaanka inta UK ay ka baxeyso Yurub. Garsoorayaasha Maxkamada sare ee UK oo gaadhaya 11 ayaa ku tilmaamay go’aanka Johnson mid aan sharci Aheyn. Baarlamaanka UK ayaa dhowr goor isku khilaafay qaabka ay kaga baxayaan UK waxaana taasi ay keentay in laba toddobaad ka hor la hakiyo kulamada Baarlamaanka. Source
-
NEW YORK -- The Trump administration, locked in a trade war with China, is increasing pressure on Beijing over what it says is the systematic oppression of ethnic minority Muslims. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-25092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan guda Caasimada, ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaarigan oo ahaa nooca raaxada, xilli uu marayey dalcadda Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Khasaaraha hor dhaca ah ee la helayo ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari, ayna ku dhaawacmeen saddex qof kale oo la saarnaa gaariga. Waxa kale oo qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo uu ku jiro wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saraakiisha qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa ciidan, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka tirsanaayeen maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimadda Online) – Wadahadallo saddex geesood ah oo ay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku yeesheen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in uu kusoo dhamaaday is faham. Arrinkan ayaa lagu shaaciyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeyn doonaa ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas ay shegeen in la isku waafaqay. Kenya ayaa marar badan ku adkeysatay in kiiska dacwadda badda laga soo celiyo maxkamadda, oo is-afgarad lagu dhameeyo. Khilaafka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa gaaray halkii ugu xumeyd gaaray bishii February markii ay dowladda Kenya u yeeratay safiirkii u jooga Muqdisho, halka kan Soomaalida na ay ku amartay in uu dalkiisa ku laabto. Waxay ka dambeysay Kenya oo ku doodaysa in Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay. Soomaliya ayaa arrintaa si kulul u beenisay. Kulanka New York ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada hogaamiye tan iyo bishii March markaas oo ay ku kulmeen magaalada Nairobi. kuna heshiiyeen inay soo celiyaan xiriirka labada dal, sida uu sheegay ra’isilwasaaraha Itoobiya Aby Axmed oo labada dhinac dhexdhexadinayay. Balse tan iyo markaasi waxaa dhacay dhacdoyin loo arkayay inuu dhaawac ku yahay xiriirka labada dal sida Kenya oo dib u billowday inay diyaardaha Soomaaliya soo maraan Wajeer, iyo Soomaaliya oo dalabatay in shirarkii Nairobi ka dhici jiray qeyb ka mid ah loo wareeiyay dalalka kale ee deriska ah. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, iyaddoona dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga. Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray faahfaahin ku saabsan wixii ay labada Madaxweyne ka wada hadleen. Halkaan ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook: Nuxurka wada hadallada Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee uu gogosha dhigay Madaxweynaha Masar oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Al Sisi. 1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo halkii uu taagnaa horraantii Febraayo, 2019. 2. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeyo kalsooni abuurista labada dal. 3. In kiiska dacwada badda loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka. 4. In la sii joogteeyo wadahadalla. Wabillaahi towfiiq Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray masuuliyiinta golihiisa xukuumada ee kasoo jeeda gobolka Cayn inay si degdeg ah ku tagaan magaalada Buuhoodle, waxaana amarkaan madaxweynuhu soo saaray kahor inta uusan u safrin Bosaso. Wadigaan ayaa la filayaa in uu hogaamindoono wasiirka shaqada iyo shaqaaalaha dowladda Puntland, Jaamac Faarax Muuse, waxaana safarka ku wehlindoona wasiirka degaanka iyo isbedelka cimilada, wasiir ku xigeenada iyo xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Cayn. Waxaa la filayaa inay noqdan wafdigii ugu cuslaa ee taga magaalada Buuhoodle . Weli lama oga ujeeddada safarka masuuliyiinta, hase ahaatee warar madax bannaan oo uu helay Puntland Post ayaa sheegaya in uu la xiriiro qorshe madaxweyne Deni ku doonayo in wasiir waliba oo xukuumadiisa katirsan uu tago gobolka u kasoo jeedo farriiinta xukuumadana halkaas gaarsiiyo. Wadigaan ku wajahan magaalada Buuhoodle, oo la qorsheynayay inay Buuhoodle u safraan maalin kadib amarka madaxweynaha, ayaa weli u xayiran wasaaradda maaliyadda Puntland oo la faray inay fududayso qarashka ku baxaya socdaalka wafdigaan. Puntland Post The post Wafdi culus oo katirsan xukuumada Puntland oo ku wajahan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
adahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham sida ay sheegtay madaxtooyada Villa Somalia. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Sida lagu xusay qoraalka Villa Somalia Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay. Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u mahadcelinayso Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi oo dawrka hoggaamineed ka qaatay wada hadallada Kenya iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kenya iyo Soomaaliya oo heshiis is af-garad ah gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo dhowaan laga diiday in uu u duulo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa ka badbaaday shirqool sumcaddiisa ay ku dhiman lahayd oo lala rabay. Madaxweyne Shariif, oo ah hogaamiye saameyn ballaaran leh, sidoo kalane lagu tiriyo dadka ugu dhow ee Soomaaliya hogaankeeda ku soo laban kara, ayaa dowladda Kenya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay usoo jeediyeen in uu diyaarad Milateri ka raaco magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, taas oo toos u tageysa Kismaayo. Inkastoo ay magaalada Kismaayo saarantahay xanibaad ay ku soo rogtay dowladda Soomaaliya ayaa hadane Kismaayo waxaa si maalinle ah u taga diyaarado dagaal oo ka baxa Nairobi iyo kuwa UN ah oo aysan waajib aheyn in ay Muqdisho soo maraan ama Kismaayo laga celiyo. Caasimada Online, ayaa xog ku heshay in masuuliyiiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u soo jeediyeen in uu ka baxo Nairobi islamarkaana uu qaato diyaarad Milateri maadaama uu yahay masuul xushmad leh oo dalka xil muhiim ah ka soo qabtay. Sidoo kalane uu saaxiib la yahay hogaanka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa Shariif usoo jeedisay in isaga iyo wafdigiisaba ay siin doonto diyaarad Milateri oo ka qaada Nairobi toosna u geysa Kismaayo kana soo celisa balse waxaa warkaasi diiday Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif, hadii uu raaci lahaa diyaarad milateri oo ay leedahay Kenya, waxa lagu eedeyn lahaa in uu xariir la leeyahay Kenya islamarkaana uu kala shaqeynayo qabsashada degaanada Jubbaland iyo ka guul gaarida murunka Badda. “Waxay geliyeen waqti dheer iyo maskax in ay Madaxweynaha ku qanciyaan socdaalkiisa Kismaayo in uu ku tago diyaarad Milateri oo ay leedahay Kenya, laakiin kuma guuleysan hadafkooda” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Ma cadda in xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ee soo jeedintan sameeyey inay is ogaayeen. Waxaa macquul ah in kenya danteedu tahay in Shariif geyso Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Axmed Madoobe, halka dowladda Soomaaliya danteedu tahay inay sumcad disho Shariifka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Labour Minister meets Somali counterpart Source: Hiiraan Online
-
Turkish President Recep Tayyip Erdogan and his Somali counterpart Mohamed Abdullahi Mohamed met Tuesday Source: Hiiraan Online
-
Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Masar ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. Dhinaca arrinta badda, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in kiiska badda go’aankiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka taas oo la isku waafaqay. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal. Qaran News
