-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa la helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay dhismayaa ku yaalla agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Xaafado ku dhow. Jugta Madaaficda oo laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku dhacay halka magacaabo Kaambada oo ku dhow Xarunta Taliska Booliska Kumaanda Polisio sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale Hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa saddex ayaa waxaa mid kamid ah uu ku dhacay dhismaha safaaradda Itoobiya oo ku dhegan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. In ilaa iyo la xaqiijiyay hoobiyeyaashaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah,waxaana dad ku sugan goobaha ay madaafiic kusoo dhaceen ay sheegeen inay casbi soo wajahday, kadib markii hoobiyeyaasha ay kusoo dahceen xaafadahooda. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaas madaafiicda ah, waxayna sheegeen inay la heleen Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Vill Somalia gudaheeda. Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan weli helin xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan oo Maanta laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa tilmaamay in weerarkaan uu qeyb ka yahay weerarada ay ku hayaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamda AMISOM. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin weerarka madaafiicda ee lagu qaaday Xarunta looga taliyo Soomaaliya oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
THE HAGUE (HOL)- Public hearings for the maritime dispute between Kenya and Somalia will commence on November 4, the International Court of Justice has formally announced. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (SMN) – Jeneraal Berhanu Jula, taliye ku xigeenka ciidamada waddanka Itoobiya ahna madaxa howlgalada, ayaa u sheegay warbaahinta in ay qabteen “xubno ka tirsan” Daacish. Sidda laga soo xigtay Jeneraalka, kooxdan ayaa meelo kala duwan oo dalkaas kamid ah waxay isku dayeysaa in ay isku balaariso kuna yeelato unug xoogan, balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay ku fashilantay. Warbixino laga helay hay’addaha sirdoonka ayaa waxay qeexayaan in ay jiraan tirro dagaalyahano ururkan kamid ah, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dibadda, ay galeen dalkaas bilooyinkii lasoo dhaafey. “Wali ma caddeyn karno qorshahooda, balse waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq si ay u aqoonsadan dagaalameyaashooda, isha ayaanse ku hayaan,” ayay wakaaladda wararka Itoobiya kasoo xigtay sarkaalka. Ururkan oo Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda gobolka Bari ayaa Geeska mandiqada kasoo if-baxay 2015-kii, waxaana hogaamiye u ah Cabdiqadaair Muumin. View the full article
-
Garoowe (SMN) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa ammaanka ee maamulka Puntland. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka, islamarkaana si gaar ah loo soo tababaray ayaa waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan amniga magaaladaasi. Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in u jeedka loo soo xulay ciidamadaasi uu yahay sugidda nabad galyada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, iyaga oo aan cuburin dadweynaha. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa uga digay ciidamadan inay si macno darro ah u rasaaseeyaan dadka, wuxuuna tilmaamay in askarigii amar la’aan xabad rida uu isagu qaadi doono mas’uuliyadda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Australia ayaa soo saartey digniin cusub oo ku aadan khatarta amni ee garabka Daacish uga dagaalama dalka Soomaaliya. Guddiga Amniga iyo Sirdoonka ee baarlamaanka Australia oo warbixintan soo saarey ayaa sheegay in ururka uu maleegayo weeraro ay ka geysanayaan meelo ay kamid tahay magaaladda Muqdisho. “Kooxo ay kamid tahay Daacishta Soomaaliya, waxay beegsan karan reer Galbeedka…afduubasho madax furasho doon ah,” ayay sheegeen, iyaga oo aanan kala caddeyn hadii ay AlShabaab kamid tahay. Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa dalka Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland, halkaasi oo ay kasoo ifbaxeen sanadku markii uu ahaa 2015-tii. Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in Kooxdan xubnaha u dagaalama badankooda ka yimaadeen dhanka Al-Shabaab, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso in ka badan 250. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro dhanka cirka ah ku qaadey goobaha Daacish kaga sugan tahay gobolka Bari ee Puntland, waxaana looga dilay xubno badan. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa isku raacey in Daacishta Soomaaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah, laguna daro liiska xagjirnimada dunida, “maadaama ay geysanayaan dambiyo”. View the full article
-
The Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ICJ ayaa warbixin cusub kasoo saartay Kiiska dacwadda Badda ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib go’aankii dib loogu dhigay muddo laba bilood ah.Maxkamadda ayaa sheegtay in dadkii isku diiwaan geliyey inay ka qeyb noqdaan kulankii Maxkamadda ee baaqday looga baahan yahay in mar kale is diiwan geliyaan. 4-ta November oo ah maalinta koowaad ee Maxkamadda ahna Maalin Isniin ah ayaa waxaa la dhegeysan doonaa Soomaaliya, waxaana jaanis la siiyey 10:00Am illaa 1:00Pm iyo 3:00Pm illaa 4:30 galabnimo. Dowladda Kenya ayaa iyadana doodeeda soo jeedin doonto Maalinta Arbacada ah 10:00Am illaa 1:00Pm iyo 3:00Pm illaa 4:30 galabnimo. Maalinta Sedexaad ee Maxkamadda oo ah Todobada Bisha November ayaa waxaa fursad kale la siin doonaa dalka Soomaaliya saacadda marka ay tahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo. 8-da Bisha November oo ah Maalinta ugu dambeyso ee dhageysiga dacwadda ayaa waxaa leh Dowladda Kenya oo maalinteeda labaad u noqoneyso waana Maalin Jimco ah, waxayna soo jeedinteeda leedahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo. 24-ka Bisha October ayaa ugu dambeyn loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan dadka doonayo inay ka qeyb galaan fadhiga soo socdo ee maxkamadda kuwaas oo isugu jiro Diblomaasiyiinta, Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale. Dowladda Kenya ayaa sabab u aheyd inay baaqato dhageysiga Maxkamadda oo lagu ballansanaa sagaalka Bishaan kadib markii ay dalbatay in dib loogu dhigo. Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay cosiga Dowladda Kenya inkastoo ay kaliya ku dartay 2 bil halka Dowladda Kenya ay codsatay in dib loogu dhigo ilaa 12 Bil. Dowladda Kenya ayaa muujisay cabsi ku aadan in looga guuleysan doono Dacwadda taalo Maxkamadda ICJ, waxayna isku dayday inay meel kasta u marto sidii loo joojin lahaa dacwadda balse Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaysan wax wada hadal ah ka geli doonin Kiiskaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!. Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyska Reer Axmed Aw diiriye Guuleed oo Aabahood Oday Axmed ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Waxan ilaahay ugu baryayaa inuu Marxuum Oday Axmed janatul-Firdoows ka waraabiyo Qoyskiisa,xigtada,Xasbada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasiir Ducaale ayaa ugu baaqay ergada ka qeyb galeysa shirkaasi in ay ka qeyb qaataan nabad galyada deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Dhuusamareeb oo uu sheegay in la xoojiyey maalmihii la soo dhaafay. Dhanka kale waxa uu ballaan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Al-Shabaab looga saari doono deegaanada ay ka heystaan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Shirka Dhuusamareeb oo looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxaa Jimcihii daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay wareejiyey hoggaanka shirka golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta. Wasiir cawad, oo Guddoominayay shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar, ayaa geba-gebadii kulanka xilka hoggaanka ku wareejiyay dhigigisa Dalka Ciraaq, Maxamed Cali Xakiim. Ambassador’ Cawad, ayaa sheegay in Lixdii Bil ee ay Soomaaliya haysay xilka ay u qabsoomeen waxyaabo badan, kana shaqeeyeen isu soo dhoweynta siyaasadda Waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta iyo iskaashigooda. Shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda carabta ayuu sheegay in looga hadlay, dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo colaadaha ka aloosan Waddamada Libya, Yemen iyo Suuriya. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe. Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Garoowe waxaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha xukuumadda, barlamaanka iyo maamulka degmada. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo soo dhoweynta ka dib warbaahinta kula hadlay aqalka martida garoonka ayaa sheegay in madaxweynuhu safaro ku soo maray dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxbadana uga soo qabsoomeen. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweynah Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safarkiisii Imaaraadka iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-11092019.mp3 View the full article
-
Daawo:Sidii M/weyne Muuse Biixi loogu soo dhaweeyay Boorama
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (Caasimdda Online) – Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen lacago looga qaado dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si qaldan loo maamulo. Waxa ay sheegeen Ganacsatada gobolka Banaadir in lacago taburacaad ah oo loogu tala galay dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho bil kasta si joogta ah looga qaado hadana ayan jirin wax muuqda oo lacagtaasi lagu qabto si khaldana loo maamulo. Halkan Akhriso War Saxaafadeedka Ganacsatada soo saareen Ku: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Og. Handti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed Og. Raysulwasaaraha Xukuumadda Fed. Soomaaliyeed Og. Madaxweynaha Jumhuriyadda Fed. Soomaaliyeed Ujeeddo: Warsaxaafadeed Wax Ka Qabasho Lacagta Jidadka Annaga oo ah ganacsatada canshuurta ugu badan laga qaado , isla markaasna ah aasaasayaalkii tabarucaadka dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho, lagana qaado tabarrucaadda ugu badan, waxaan ka codsanaynaa cid walba oo ay khuseyso in ay wax ka qabtaan musuqa lagu hayo lacagta tabarucaadda dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho. Lacagtaan tabarucaada ah oo hadda uu maamulo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, wax shaqo ah oo muuqda laguma qaban muddo hal sano ah. Waxaan ognahay in lacagtaas ganacsatadu looga qaado si joogto ah, iyada oo aysan jirin hab isla xisaabtan ama xitaa warbixinta xaalka ay ku sugan tahay lacagta muddadii uu maamulayey Gabeyre October 2018 ilaa September 2019. Sidaasi awgeed Ganacsatada laga qaado tabarrucaadda dib-u-dhiska waddooyinka waxay dalbanayaan in: La xaqiijiyo in lacagta lagu qabto AKOON (XISAAB) aammin ah, Talada lagu maamulayo lacagta laga tixgeliyo ganacsatada laga qaado lacagta ugu badan, La soo bandhigo xisaab xirka lacagihii loo uruuriyey dhismaha waddooyinka muddadii sanadka aheyd ee u dhexeysay Oktober 2018 – September 2019. Mahadsanidiin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Badhan)Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jooga Degmada Badhan ayaa xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland halkaa u jooga. Weriyaha Telefiishanka Horn Cable Tv u jooga Magaalada Badhan, ayaa soo sheegaya in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugan ay xidheen Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed. Illaa hadda lama oga sababta Puntland u xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Badhan, maaddaama oo awalba Masuuliyiin kala matalaya labada dhinac ay Magaalada Badhan wada joogi jireen. Dawladda Somaliland weli kama hadal Xadhigga Puntland kula kacday Badhasaab ku-xigeenkii u joogay Badhan, balse Xidhiidh uu Telefiishanka HCTV la sameeyay Badhasaabka Somaliland ee Badhana ma suurto-gelin inuu nala hadlo. Sidoo kale, Puntland ayaan ka hadal Xadhigga Badhasaab ku-xigeenka Somaliland, laakiin Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa in dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya Badhan uu isa soo tarayo Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xoogan oo goor dhow ku hoobtay dhismaha madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda oo gaarayey illaa saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhacay xarunta safaaradda Itoobiye oo ku taalla gudaha Villa Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada hoobiye ee kale ay ku dhaceen xaafadaha Cagadhiig iyo Kaambada oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare u badan dhaawac ay ka dhasheen madaafiicdaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya,. Mana’ahan markii ugu horreysay oo hoobiyeyaal lagu weeraro dhismaha madaxtooyada Qaranka oo ah oo goob aad loo ilaaliyo. Faah faahinta kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali Prime Minster Hassan Ali Khaire continues his trips in Southwest state holding talks with the region’s president Abdulaziz Laftagaren and other officials. Both the PM and Southwest state leader met commissioners from different districts in Bakool region on Tuesday night in Hudur town. The meeting which was classified as “very important” attended by the commissioners of Hudur, Rabdhuure, and Tiyeeglow, and was mainly discussed how to defeat Al-Shabaab in Bakool region. The Prime Minister promised during the meeting that he will deal with the current situation of the region mainly security and humanitarian crises. This comes after the PM and his delegation was welcomed in the region on 7th September, and he spent time with the leaders, elders, and youth in Baidoa, the interim capital city of Southwest State. Finally, Khaire is the first Premier to pay such lengthy regional tour out of Mogadishu and stayed in Galmudug state for almost two months, and now it’s not comprehensible how much time that he might spend in Southwest. The trip follows after the government forces and their allied African Union troops are carrying out joint offensives against Al-Shabaab in Southern parts of Somalia. View the full article
-
Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo rogay amarro dhanka ammaanka kuwaas oo la xariira dadka hubka ku dhex heysta magaalada gudaheedaha Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay ciidanka Booliska marnaba uusan cidna ka ka ogolaan doonin in hub lagu dhexsito gudaha magalada Garoowe, waxana uu sheegay in ciddii lagu arko lagala wareegayo. Sidoo kale, taliyaha ayaana sheegay in arrintaan looga golleeyahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalda, isaga oo carabka ku dhuftay in howlgalkaan lagula dagaalamayo dadka Hubka ku dhex qaata magaalada oo waliba ay ku jiraan ciidama aan shaqada ku jirin oo ayaga oo hubeysan jooga magaalad isaga oo arrintaas ka hadlaayana waxaa uu yiri” “Marnaba ma ogolaaneyno in Magalada hubka la isaga dhexwato ciidamada howlgallada ku jira waxaan u sheegayaa inay qorayaha ka qaadaan cidii ay ku arkaan, iyaga oo Magalada ku dhexsita,ilaalada Madaxda xataa laguma arki karo magalada xarumahooda haku ekaadaan ayuu yiri” Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse”. Hadalka Taliska Ciidanka Booliska dowlad gobaleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa ku soo aadaya ayadoo ciidamada Booliska Puntland ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo kala duwan ka sameynayeen Xaafadaha gudaha kala duwan ee Magalada Garoowe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
