-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (PP) ─ Dowaldda Britain ayaa saldhig ciidamada DF lagu tababaro ka furtay magaalada Baydhab ee gobolka Bay, iyadoo lagu sheegay tallaabada inay tahay mid lagu xoojinayo dhismaha cidamada xoogga dalka Soomaaliya. Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa xarigga ka jaray saldhiggan, waxaana la shegay in ciidamada lagu tababaryao saldhiggan ay yihiin kuwa qaybta 60-aad ee XDS, wuxuuna ka kooban yahay saldhiggan xafiisyo iyo goobo lagu barto liishaanka. Sidoo kale, C/casiis Lafta-gareen ayaa gudaha xarunta kusoo dhaweeyey wasiir-u-dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Dowlada Britain u qaabilsan arrimaha Afrika, safiirka Britain ee Somalia iyo sarakiil kale. Intaas kaddib, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu ku bogaadiyay sarkaakiisha ka socota UK sida ay mar waliba u garab-taagan yiihin Dowlada Smalia, ayna uga taageerayaan helid a ciidamo tayeysan oo la wareega amniga guud maamulka Koonfur-galbeed. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa madaxda kala hadlay sidii kaalintooda ku aaddan xoreynta gobollada Koonfur-galbeed u qaadan lahayeen, wuxuuna madaxda kala hadlay inay kaalintooda ka qaataan xaaladaha bini-aadanimo ee ka jira Koonfur-galbeed Somalia. Ugu dambeyn, Mas’uuiyiintii ka socday Britain ayaa dhankooda sheegay inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macallimiin Soomaali ah oo tababbara ciidanka, iyagoo carrabka ku adkeeyen in Britain ay kaalin weyn ka geysan doonto xoreynta deegaannada Koonfur-galbeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Britian oo Saldhig Ciidamada lagu Tababbarayo ka hir-gelisay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-Qarshe] oo shalay booqday difaacyada ciidanka dowladda ee Bariire gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dalacsiiyay sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii lagula wareegay deegaankaas. Jen. Indha-Qarshe ayaa u kuur-galay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre, isagoo ku amaanay hawl-gallada ay ciidamada uga saarayaan deegaanka Ururka Al-shabaab. Sidoo kale, Taliyaha CXD ayaa goobta ku dalaacsiiyay sarkaalkii horkacayay hawl-galkii lagula wareegay deegaankaas oo lagu magacaabo – Cabdi Cali Raage, iyadoo loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle, isagoo kasoo kicitimay darajada dhamme ama saddex xiddigle. Col. Raage ayaa la guuddoonsiiyay shahaado uu ku muteystay kartidii iyo wax-qabadkii uu muujiyay, waxaana taliye Indha-qarshe uu ugu baqay inuu sii wado dadaalkiisa ku aaddan hawl-galallda ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose. Al-shabaab ayaa dhawr jeer laga saaray deegaanno Gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan, inkastoo ay dib ugu soo laabteen, waxaana tallaabadaan lagu dallacsiiyay sarkaalkan ciidan ay noqonaysaa middii ugu horreysay nooceeda. Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa weli qaybo ka mid ah gacanta ku haysa Al-shabaab, inkastoo ciidamada DF ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga saari lahaayeen, waxaase meesha ka maqan kaalintii ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa ku goodinaysa inay dib ula wareegayso gabi ahaan deegaannadii ay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ka saareen xilliyadii lasoo dhaafay, waxaase taas diiday ciidamada DF oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ka dhanka ah kooxda. PUNTLAND POST The post Taliyihii hoggaaminayay Dagaalkii ay DF kula wareegeen Bariirre oo la Dallacsiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa maanta lagu wadaa in lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Waxaa xilkan ku tartami doona Afar musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha xil hayntiisa dhammaatay ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Xubnaha tartami doona ayaa kala ah: 1: Axmed Maxamed Islaam 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Musharax Maxamed Cumar Geedi 4: Canab Maxamed Daahir Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana guud ahaan magaalada lagu soo daadiyey ciidamo badan oo amniga xaqiijinaya. Gaadiidka dadweynaha ayaa hakad ku jira, waxaana yar dhaq-dhaqaaqa ka jira magaalada Kismaayo, waxaa socota qaban-qaabadii ugu dambeysay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo booqasho ku tegay Bariire ayaa dalacsiiyey Cabdi Cali Raage oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey dagaalkii dhowaan Xooggaga Al-Shabaab looga saaray gudaha deegaankaasi. Taliye Indha-Qarshe ayaa Gaashaanle u dalacsiiyey sarkaalkan oo horay u ahaa Dhamme. Sidoo kale Cabdi Cali Raage ayaa la guddoonsiiyey bilad sharaf uu ku muteystay howlgalkii lagula wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa boggaadiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi, isagoo ku dhiirogeliyey ciidamada dowladda inay sii dardar geliyaan howlgalladooda iyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday. Tallaabada lagu dalacsiiyey sarkaalkan ayaa sare u sii qaadeysa niyada ciidamada, waxaana ay suura gelin kartaa in laga guuleysto Al-Shabaab. Ciidamada ayaa muddooyinkii la soo dhaafay degmooyin iyo deegaano muhiim ah ka saaray kooxdaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – Maxkamadda Sarre ee Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dib u bilaabeysaa dhageysiga kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas Aadan. Gal-dacwadeedkan oo dil toogasho loogu xukumay saddex ruux kuwaasoo midkood uu qirtay dambiga ayaa maraya heer gaba gabo ah. Shaqsiyaadkan oo racfaan ka qaatay xukunadaasi ayaa laga soo xiray Gaalkacyo, halkaasi oo falka uu ka dhacay bishii Febraayo ee sanadkan. Marxuumadda oo ahayd 12-jir ayaa waxaa la sheegay in loo geystay kufsi wadareed kahor inta aanan la dhaafin nolosha. Xeer-beegtada dowlad goboleedkaasi oo heerar kala duwan marsiisay kiiskan ayaa haatan u muuqda mid xukunka kama dambeys ah ku ridi doona. View the full article
-
Awdheegle (SMN) – Ciidamadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay hoobiyeyaal isku dhaaf-sadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadkan ayaa ka dambeeyay markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic kusoo tuureen saldhiga xoogaga difaaca Qaranka. Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dhacdadan, wallow la sheegayo in uu jiro waxyeelo soo kala gaarey labada dhinac. Ma jirto wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo guutadda halkaasi ku sugan. Awdheegle ayaa kamid ah degaanaddii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda dib loogu soo celiyay howlgalada ka socda gobolada dalka. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa daahfurey Xarun loogu talagalay Tababarka ciidanka xooga dalka oo ay maalgalinteeda ka qeybqaateeb dowladda dalka Ingiriiska Kulankii daahfurka xaruntaasi waxaa siddoo kale ka qeybqalay xubno ka socday dowlad goboleedka K/Galbeed, saraakiil,Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada dowlada Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika, Safiirka Dowlada Ingriiska u fadhiya Somaliya iyo Sarakiil Kala Duwan. Madaxweynaha K/Galbeed iyo madaxdii kale ee ka socotay dalka Ingiriiska,waxa ay Soo Dhoweyn ka dib kormeeren qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan sida xafiisyada.qolalka jiifka iyo goobo lagu Barto Sida Wax loo liisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka mahad-celiyay sida sarakiisha dowlada UK ay Mar waliba u garab tagan yiihin dhismaha ciidan Tayeysan oo la wareega amniga guud deegaanadda Koonfur Galbeed,wuxuuna ka dalbaday in ay ka qeybqaataan xoreynta deegaanada maamulkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha Bini- aadanimo ee ka jira Koonfur Galbeed Somaliya. Madaxda ka socotay Dowlada Ingiriiska ayaa dhankooda waxa ay sheegen inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macalimiin Somali ah oo tababarta ciidanka waxaana ay carabka ku adkeeyen in UK ahaan ay kaalin weyn ka geysan doonan xoreynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona xusay in mar waliba muhiimada kowaad ay siinayaan arrimaha bini-aadanimada. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacaan doorashooyin iska soo horjeeda. Doorashooyinkaasi ayaa waxaa kala qabanaya maamulka Axmed Madoobe iyo murashaxiin kasoo horjeeda qaabka ay u socdaan. Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsan AMISOM. Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa laga cabsi qabaa in maanta ay kasoo wada baxaan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada uu ugu cad-cad yahay Axmed Madoobe. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa saaka ka socota Kismaayo, taas oo lagu wado in maanta lagu qabto magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqa baabuurta ayaa la xadiiday, waxaana ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey xaafadaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaan ay hakad galiyeen dhaq dhaqaaqa, iyadoona gudaha magaalada kaliya lagu arkayo gaadiidka ciidamada. Illaa iyo afar musharrax oo ay ku jirto Haweeney ayaa ku loolami doono doorashadan oo weli lagu muransan yahay. Dhanka kale musharraxiinta isbedal doonka Jubbaland ay iyana qorsheynaya inay qabsadaan doorasho kale, taas oo haddii dhacdo Kismaayo maanta lagu dooran doono labo madaxweyne. Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay doorashadan, iyada oo ka digtay in ay ka dhashaan rabshado iyo xiisado hor leh. Axmed Madoobe oo doonaya in dib loo doorto ayaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo doorashadan, maadaama saaxibadiisii hore ay ku guuleysteen guddoonka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bbc-Subax-22082019.mp3 View the full article
-
Somaliland agriculture in sector is ranked in importance among the productive sectors after the livestock sector with 20 to 25 % of the population depending directly on the sector for their livelihood. Despite many constraints such as unfavorable climatic conditions, inadequate investment capital, inadequate technical capacity, lack of post-harvest technology, inadequate institutional capacity, inadequate agriculture Research and extension, and poor rural infrastructure, the sector has substantial untapped potential that needs to be harnessed. Somaliland consists of 10 agro-ecological zones of which eight are arid or desert with significant limitation to agricultural production. The total arable land of the country is estimated to be around 350,000 hectares and is concentrated largely on the North-western plateau – Southern Awadal, Gabiley and Maaroodijeex. Crop production in Somaliland is constrained by a multitude of interacting socioeconomic, biophysical, and technical factors, of which water scarcity is the most important biophysical factor. Climate related stresses, particularly amount of rainfall precipitations and distribution impact on crop production and productivity. Figures on food imports suggest that crop production and food aid assistance provided by the international community are not keeping up with the domestic demand for food items. Droughts are the main obstacle for agriculture in Somaliland; however, there are other contributing factors to the poor agricultural performance in the country, such as: I. Lack of enabling environment for Agricultural development II. Lack of research and extension III. Inadequate sustainable water shed management IIII. Decreased productivity and outputs in agriculture sector V. Wide spread pest and diseases in the country VI. Huge post-harvest losses VII. Promote microfinance and microcredit schemes for farmers VIII. Limited formal technical Vocational and Educational training (TVET) and farmer field schools IX. Promote both local and foreign investment interventions on agricultural production X. Lack of knowledge for potential and utilized national arable land XI. Inadequate information collection system XII. Lack of research and extension services XIII. Poor land use techniques leading to degradation of agricultural land; XIIII. Inadequate farm machinery equipment XV. Inadequate support service such input support and credits services; XVI. Inadequate agricultural infrastructure such as irrigation and feeder roads for production. XVII. Lack of leadership for innovation agriculture However, I recommend the following to be adopted by the concerned department to achieve tangible results in the agriculture sector: Gabble the backbone of Somaliland agriculture I. Promotion of increased agricultural production II. Ensuring the country’s food security III. Create conducive environment for agricultural production and provide subsidized farm implements IIII. Promote both local and foreign investment interventions on agricultural production V. Map potential and utilized national arable land VI. Promote microfinance and microcredit schemes for farmers VII. Formulation, implementation and monitoring of agricultural legislations, regulations and policies. VIII. Infrastructure, marketing, trade and investment development. IX. Technical institutional and human resource development. X. Sustainable Watershed Management XI. Manage and control pests and diseases in crops XII. Ensure availability and sustainability management of water for all. XIII. Promote appropriate technologies and practices for minimizing post-harvest losses along the entire commodity value chain XIIII. Supporting agricultural research and promoting technology delivery; XV. Facilitation and representation of agricultural state Cooperatives in the government; XVI. Development, implementation and co-ordination of programmes in the agricultural sector XVII. Regulation and quality control of inputs, produce and products in the agricultural sector; XVIII. Management and control of trans-boundary pests, diseases and invasive species; XIX. Documentation and registration of agricultural land XX. Collection, maintenance and management of information on agriculture sector; and Promotion of sustainable resource management and utilization. Therefore, Somaliland Government should rethink its policy on food security and find ways and means to resolve the issue given the above mentioned. I think part of the solution lies in the leadership qualities, we need to find an expert who has the capacity to address the issues mentioned above. Trading news Qaran News
-
Prominent economist Abdalla Hamdok has been sworn in as Sudan's new prime minister, leading the country's transitional cabinet months after a mass protest movement forced the military removal of long-time authoritarian President Omar al-Bashir. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON (Reuters) - A U.S. military MQ-9 drone was shot down in Yemen’s Dhamar governate, southeast of the Houthi-controlled capital Sanaa, two U.S. officials told Reuters on Wednesday, the second such incident in recent months. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda sare ee Puntland waxaa saaka dib uga furmi doona dhegaysiga kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir kufsi iyo dil loogu geystey magaalada Galkacyo. Wajiga 3aad ee dhegaysiga kiiskaan ayaa waxa uu noqon doonaa mid aad xasaasi u ah kadib markii maxkamaddu horay u dhegaysatey eedaymaha xukumanayaasha, qareenada u doodaya iyo qiraal mid kamid ah sameeyey. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo. PUNTLANDPOST The post Kiiskii Caasha Ilyaas oo saaka markii 3aad ay dhegaysan doonto maxkadda sare ee Puntland. appeared first on Puntland Post.
-
Magaala madaxda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta waxaa ka qabsoomi doonta doorashada madaxtinimada ee maamul goboleedka Jubbaland. Doorashadaan oo aad xasaasi u ah ayaa waxaa markale loo saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono madaxweynaha xilligaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) maadaama aysan saamayn weyn lahayn xubnaha loolanka kula jira. Marka laga yimaado doorashada ay samayn doonaan xubnaha barlamaanka 2aad ee Jubbaland waxaa iyana dhankooda doorasho samayn doona barlamaankii ay soo xuleen musharixiinta la baxay isbedel doonka, taasi oo ka dhigan inay soo bixi doonaan 2 madaxweyne oo Jubbaland leedahay. Beesha caalamka oo walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka digtey in haba yaraatee wax xasi looni darro ah laga abuuro magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland. DFS oo horay uga soo horjeensatey barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa lafilayaa inay qaadacdo labada doorasho si looga takhaluso soo laabashada Axmed Madoobe, walow ay iyadu dhistay barlamaanka iyo gudiyada ka dhanka ah Axmed Madoobe. Ciidamada AMISOM ayaa gacanta kuhaya ammaanka xarunta doorashada waxaana xiran guud ahaanba isu socodkii iyo cidkasta oo soo geli lahayd magaalada Kismaayo. PUNTLANDPOST The post Kismaayo oo maanta 2 doorasho martigelinaysa & wararkii ugu dambeeyey. appeared first on Puntland Post.
-
SIDEE AYAY KU TIMID IN URURADA SIYAASADEED EE SOMALILAND TOBANKII SANO HAL MAR LA FURAA ? Somaliland markii ay u guurtay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland afti dadwayne 97% 31 may 2001 , ayaa dalka waxa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed si la isugu habeeyo oo loogu diyaargaroobo doorashooyin dimuqaradi ah oo looga baxo madaxdii lagu soo dooranayey nidaamka shirbeeleedka waxaana la sameeyay Udub , Ucid , Sahan , Birsol , Hormood , Asad , ileys iyo Kulmiye oo ugu dambeeyay . Ururadaasi qaar way isku biir-biireen intii doorashadii dawladaha hoose ee dhacday dabayaaqadii 2002 ka horaysay waxaana doorashadaasi ku tartamay 6 lix urur siyaasadeed oo kala ahaa Udub , Ucid , Hormood , Sahan , Asad iyo Kulmiye , waxaa soo baxay xisbiyo siyaasadeed loo aqoonsaday sadexdii xisbi ee ugu codka badnaa oo noqday Udub , Kulmiye iyo Ucid ururadii hadhay iyo xildhibaanadoodii deegaanku waxa lagu kala biiray sadexdaa xisbi qaran. Horaantii sanadkii 2003 ayaa loo dareeray doorashadii Madaxweynaha ee ugu horaysay ee dadwaynuhu codkooga cida ay rabaan ku soo saarayeen waxaana ay dhacday April 2003 waxaana ku tartamay sadexda xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid madaxdii u sharaxnayd oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin , Ahmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo ) iyo Faysal Cali Xuseen ( F.C.Waraabe ) waxaana helay doorashadii xisbigii Udub iyo murashaxiisii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa ku xigeenkiisa mudo xileedkooguna yahay 5 sano , halka ku xigeen Kulmiye uu ugu sharaxnaa Cabdiraxmaan Aw cali Faarax ( Laba-tole ) ucidna uu ahaa sida aan filayo nin dhintay oo xildhibaan golaha wakiilada ahaa . Sanadku markii uu ahaa 2005 waliba dabayaaqadiisii ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland looga dareeray doorashada golaha wakiilada Somaliland si ay dadweynaha reer Somaliland markii ugu horaysay codkooga ugu soo doortaan wakiilo dadwayne oo gala golaha xeerdejinta Somaliland oo ay iyagu gacantooda ku doorteen mudo xileedkooguna yahay 5 sanadood. Waxa aan dalka ka dhicin oo mudo kordhin lagu sameeyay doorashooyinkii goleyaasha Deegaanka oo ay ahayd in ay dhacaan sanadkii 2007 , sidaasi oo kale waxa aan dalka ka dhicin doorashadii madaxtooyada Somaliland oo mudaysnayd 2008 oo iyadana mudo kordhin lagu sameeyay hal sano ah si ay u dhacdo 2009. Haddaba marka halkaa la Isla marayo ayaa waxaa is abaabulay siyaasiyiin ku qanci waayey sadexda xisbi qaran una arkay in sharcigu ogol yahay in ururo siyaasadeed dalka laga furan karo , iyaga oo ku doodayey in la qanciyo oo lala eego shuruucda dalka, sida Xeer 14 oo intaasi oo meelood ururka/xisbiga qoraya taasina cadayn u tahay in ururo iyo axsaabi tartamayaan iyo waliba sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23aad faqradiisa 3 aad oo si cad u cadaynaysa in muwaadiniintu isku habayn karaan ururo siyaasadeed , waxaanay ku dhawaaqeen urur siyaasadeedkii Qaran. Xukuumadii xiligaa joogtay ee Udub doodna way la furi kari wayday oo sharciga way ku qancin kari wayday wax kale oo ay ku hor istaagi kartana way garan wayday dabadeedna maalin ay dadkii taageersanaa la balameen in ay meel fagaare ah kala hadlaan ayaa la xidhxidhay iyada oo eedo la dhoobdhoobay oo is abaabul iyo wax noocaas ah loo sameeyay laguna xukumay. Khilaaf komishanka doorashooyinka ah iyo in doorashada diwaan galin dadwayne la sameeyo oo lagu galo iyo waliba jiitano iyo iskhilaaf doorasho oo dhawr goor mudadooda la kordhiyey oo dalka khalkhal galiyey ka dib waxa soo dhex gashay beesha caalamka markii ay doorashooyinkii dhici waayeen la iskuna tanaasuli waayey waxaana axsaabta qaranka ku heshiiyeen in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo komishan doorasho oo cusub la dhiso si doorashooyin dalka uga dhacaan. Waxa iyagana la soo daayey siyaasiyiintii urur siyaasadeedka Qaran oo sokeeyahooga ugu dhow uu noqday xisbiga Kulmiye si ay u ridaan xukuumadii Udub oo dalka dhinacwalba la hadhay marka dareenkii iyo qiimeyntii xiligaa taagnayd runta laga sheego , waxaana ay kula heshiiyeen in marka Kulmiye talada dalka qabto waxii gar ah ee sharcigu siiyo loo yeelo oo ururada siyaasada la furo oo ah albaab ay muwaadiniinta raba hogaaminta talada ka soo galaan. Sanadkii 2010 kii bishii June 26 keedii ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland laga qabtay doorashadii labaad ee Madaxwayne shacabku gacantiisa ku soo doorto , waxaana ku tartamay sadexdii xisbi ee Udub, Ucid iyo Kulmiye oo ay madaxwayne u ordayeen isla sadexdii murashax ee doorashadii madaxtooyada ee 2003 dii oo kala ahaa Rayaale , Siilaanyo iyo Faysal halka ay ku xigeenadoodu kala ahaayeen Udub Axmed Yuusuf Yaasiin , Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici iyo Ucid oo Alle ha u naxariisto e uu ka sharaxnaa Dr Mohamed Rashiid Sh hassan . Waxaa ku guulaystay xisbigii ugu xooga weynaa mucaaradka oo ahaa Kulmiye waxaana Madaxwayne iyo Ku xigeen noqday Siilaanyo iyo Saylici , waxaa ay kursiga la wareegeen oo la dhaariyey 27 July 2010 , waxaa ay xili yididiilo iyo rajooyin isbadel oo badan ay qabeen dadka reer Somaliland maadaama ay ahayd markii ugu horaysay ee xisbigii mucaaradka ahaa ka guulaystay xisbigii muxaafidka ahaa intii loo guuray nidaamka dimuqaradiga ah. Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu sameeyay gudi uu u saaray ka soo talo bixinta furista ururada siyaasada oo aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka ee gobol walba talo bixin iyo rabitaanka bulshada soo eegta kuna soo celisa war bixin lagu go’aan qaato , ka aragtidayda ahaan waxa ay iila muuqatay in uu qancinayey xisbigiisa Kulmiye oo intooda badani aanay raali ka aheyn in ururada la furo , laakiin Siilaanyo waxa uu ahaa shaqsi macquul ah oo marwalba jeclaa dimuqaradiyada iyo rabitaanka bulshada. Gudidii markii ay warbixintii soo celisay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo warqad u qoray wax lagaga badalayo xeerkii doorashada oo si cad loogu qeexayo in 10 kii sanoba hal mar la furo ururada siyaasada Somaliland iyaga oo tartan la gali doona sadexda xisbi qaran ee sii jiray , natiijada tartankaa ka soo baxda ayaa sadexda ugu sareeya uun ay noqon doonaan sadexda xisbi qaran oo 10ka sanadood. Dood dheer oo golaha wakiilada Somaliland kaga doodeen xeerka doorashada ee kaabida iyo wax ka badelka lagu sameynayo ayaa waxa loo codeeyay in kaabidaa iyo wax ka badelkaasi sax yihiin oo sidaa lagu ansixiyey Madaxwayne Siilaanyo na saxeexay oo uu xeerkaasi ku dhaqan galay. Waxaana muwaadiniinta reer Somaliland isku abaabuleen ururo siyaasadeed oo la tartama sadexdii Xisbi qaran ee Udub , Kulmiye iyo Ucid , ururadaasi waxa ka mid ahaa Xaqsoor , Dalsan , Udhis Waddani , Rays , Jamhuuriga , Nuur , umadda , Nasiye , Gurmad NDP , Badbaado , Damal . Doorashadii goleyaasha Deegaanka ee dhacday sanadkii 2012kii ayaa ay ka qayb galeen ururadii iyaga oo la tartamay axsaabtii hore u jirtay oo uu ka maqan yahay xisbigii Udub oo khilaaf iyo isqabsi soo kala dhex galay hogaankii xisbiga u burburay, sidaasi oo kale dhawr urur ayaa iyaguna aan galin oo ku hadhay qiimayntii; waxaana ay kala ahaayeen Nuur , Jamhuuriga , Udhis , Gurmad , NDP , Badbaado , Damal iyo Nasiye oo isagu tartanka uun ka hadhay waxaana tartamay Kulmiye , Ucid oo axsaabtii ah iyo Xaqsoor, Dalsan, Waddani, Umada , iyo Rays . Waxaana tartankaa sadexdii ugu sareeyay loo aqoonsaday sadexda xisbi qaran ee 10 ka sanadood oo ka bilaabmayey 2012 , sadexda xisbi qarana waxa ay kala yihiin Kulmiye , Waddani iyo Ucid. Haddaba waxa isweydiin leh maadaama oo cimrigii axsaabta uu ka hadhsan yahay laba sano iyo bilo oo loo baahan yahay in ururadii siyaasadeed la furo , doorashada la furayaana ay tahay doorasho gole deegaan oo aanay isku beegmayn mudo xisbiyeedkii sadexda xisbi qaran oo 2022 ga ah , miyaanay haboonayn in doorashada ugu horeysa ee gole deegaan dhacaysa in la furo , hadii ay dhacdo sanadka 2020 amaba 2021 ? Mohamed Abdi Jama hormood@hotmail.com Mob: +252634241005 Facebook: Muhamed Dhimbiil Twitter: @dhimbiil Image Qaran News
-
Hafza Yusuf is a British-Somali textile designer who has started to volunteer her time to give back to her community. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa si xoog ah kula wareegay hanti uu leeyahay Marxuum Cabdiitaax Cumar Xalane, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilacda magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Caasimada Online ayaa ogaatay in General Zakiya Xuseen oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ay amartay in la xiro askartii ilaalada u aheyd Marxuum Xalane. Hub ka badan 10 qore oo ah nuuca fudud ah, rasaas iyo bastoolado IYO Sidoo kale ugu yaraan 2 gaari oo mid kamid ah uu yahay qooqan ayaa la sheegay in ay la wareegeyn Booliiska Soomaaliya. Waxaa Xabsi ku jira dhalinyaradii hubka heysatay oo diiday in ay wareejiyaan hubkii ay heesteen oo ay sheegeyn in uu yahay hanti ay leeyihiin carruur agoon ah. Marxuum Cabdifitaax Cumar Xalane, hantida lagala wareegay ayaa la sheegay in uu si shaqsi ah u lahaa, islamarkaana uusan aheyn hanti dowladeed, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Amarka ay bixisay Zakiya ayaa la sheegay in ay ka dhalatay dood badan, waxaana xiligaas dalka ka maqnaa Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayada oo Zakiya ay aheyd kusime. Waalidka iyo ehelada siyaasiinta ah ee Marxuum Xalane ayaa dalbaday in hubka heshiis ay kula wareegto dowladda, balse waxaa diiday General Zakiya walina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com