-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
https://m.youtube.com/watch?v=_EhPc_lB1lE Qaran News
-
(SLT-Washington)-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii arrimaha amaanka John Bolton. “Waxa aan xalay u sheegay John Bolton in adeegiisa aan xilligan looga baahnayn aqalka cad ,” ayuu soo qoray madaxwayne Trump. “Waxaa aan si adag isugu khilaafnay waxyaabaha uu so jeediyay,” ayuu intaa ku daray Mr Trump. Madaxwaynaha Mareykanka ayaa sheegay in toddobaadka so socda uu magacaabi doonto la taliyihiisa cusub ee dhanka amaanka. Xil ka qaadista Bolton ayaa ku soo beegmaysa xilli la hadal hayay kala qaybsanaan soo kala dhexgashay golaha wasiirada ee Trump. Waxaa la sheegay in kala qaybsanaanta ay kala dhalatay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu meesha ka saaray qorshihii nabadda ee Talaiban iyo Mareykanka. Mr Bolton Tweetarka ku soo qoray: “waxaan is casilaadeyda u gudbiyay xalay madaxwayne Trump waxa uuna igu yiri , ‘waxaan ka wadahadli doonaa barito.'” Source
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa aqalka Dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar. Ujeedka kulankaan oo ahaa islaxisaabtan iyo ladagaalanka musuq maasuqa oo qeyb ka ah siyaasadda duqa magaaladda Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa waxaay goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir. Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid Mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee Xamar, isaggoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutakrifal Awoodeed. View the full article
-
Qof Kasta Si Fiican Ayuu U Yaqaan Lacagta Ugu Awooda Badan Dunida Ee Dollar’ka Ugu Yaraan Maalin Ayaad Shay Ku Iibsatay, Se Hadii Kale Maqaaladiisa Ayaa Kusoo Gaadhay- -Hordhac– Aan Ku Bilaabee Lacagtu Waa Tiir Dhaxaadka Nolosha Aadamaha’ Waana Tiirka Uu Ku Taaganyahay Heerka Dhaq-dhaqaaqa Ganacsi Iyo Kala Iibsiga Dunidu. Hadaba Lacagtii Ugu Horeysay Ee Dunida Waxaa Samaysay Boqortooyadii “Lydian” Ee Uu Hogaaminayey Boqor “Croesus” Sanadkii 550-BCE, Kaasoo Ugu Magac Daray Lacagtaa Magaciisa, “Croesus” Boqortooyadii Lydian’ka Ayaa Waxaa Loo Yaqaanay (Asia Minor) Ama ” Anotolia” Waa Hada Dalka Loo Yaqaan Turkiga. Lacagtaas Aya Ahayd Qadaadiic Ka Samaysan Dahab Iyo Qalin Iyo Sidoo Kale Dahab Iyo Qalin Isku Dhafan, Kuwaasi Oo Ay Sameeyeen Dadka Lydianku, Oo Xirfad Heer-sare ah lahaa, Waxaana Lacagahaa Ku Kala Sawirnaa Dibi Iyo Libaax, Lacagta Libaaxu Ku Sawiran Yahay Waxay Ahayd Mid Ka Samaysan Dahab Oo Waxaa Mushahar ahaan U Qaadan Jirey Madaxda Sare Ee Boqortooyada, Halka Ta Dibigu Ku Sawirnaana Ay Ahayd Mid Ay Qaadan Jireen Shaqaale Hoosaadku, Muddo Kadib Ayaa Laysku dhafay Lacagtii Oo Dahabkii Iyo Qalinkii Oo Isku Shiilan Laga Sameeyey Lacag, Sidoo Kalena Lagu Wada Sawiray Libaaxii Iyo Dibigii, Waxaanay Isku Noqotay Hal-Lacag Oo Keliya. Eeg Sawirka 1aad–> Qarnigii 6aad Waa Markii Ugu Horeysay Ee Mushahar Lacag ahaan’ Loo Qaato, Waana Maamulkii Ugu Horeeyey Ee Shaqaalohooda boqortooyada Iyo Ciidamada Mushahar Ahaan U Siiyey Lacag, Dunida. Taariikhda Dollarka–> 1- Dollarka Waxa Samayntiisa La Bilaabay Sanadkii 1790-kii Waxaana Bilaabay Siyaasada Qorshaha Lacag U Gaara In Loo Sameeyo Dawlada Maraykanka, Madaxweyne George Washington,Taasoo Ay Soo Baxeen Lacago Tijaabooyini Waxaana Si Toosa Loo Isticmaalay laba-Sano Kadib Sanadkii 1792-dii, Waxaana Qayb Weyn Ka Qaatay ” Alexander Hamilton” Oo Ah’ Wasiirkii Maaliyadee Maraykanka Ee Wakhtigaa. 2- Erayga Dollar, Waxa Uu Asal Ahaan Ka Yimid, Lagana Soo Min Guuriyey (Spanish Coin) Lacagtii Birta Ahayd Ee Isbaanishka Ee La Odhan Jirey, “Thaler”, Kadib Markii Maraykanku Samaystay Doolarka Ayaa Iyadoo Lacagtaa Qadiimka Ah’ Ee Isbayn Ee Dunida Aad Looga Isticmaali Jirey Wakhtigaa La Weynanayo Lana Qadarinayo Loogu Magac Daray. 3- Luuqada Ingiriisada Ayaa Eray Bixinta Dollar Lagu Soo Kordhiyey Qarnigii 16aad, Taasoo Ah’ Eray Nasakhan Oo Ka Yimid kelmada (Thaler), Thaler Ayaa Ah’ Eray Jarmala, “Joachmisthaler” Ayaa Lagu Magaacabi jiray Meeshii Laga Soo Qoday Macdanta Qalinka Ee Laga Sameeyey Qadaadiicda Birta Isbaanishka’ Waxayna Ku Taalay Meeshii Loo Yaqaanay Bohemia, Ee Hada Loo Yaqaa “Republic Czech” Halkaas Ayaanu Ka Yimid Erayga Thaler, Oo Loo Rogay Dollar. 4- Calaamada Astaanta U Ah’ Doolarka Maraykanka “$” Waxay Ka Timid Lagana Soo Min-guuriyey Astaantii Lacagtii Birta Ahayd, Ee Isbaanishka, Calaamadaaso U Taagan Erayga “Peso” “$” (PS) Sidoo Kale Way Noqotaa Xarafka (P) Oo Macne Ahaan Ah’ Lacag. 5- Sanadkii 1933-Kii Ayaa La Sameeyey Waraaqda Doolarka Ah’ Ee Ilaa Hada Sida Saxda Ah Loo Isticmaalo. 6- Sanadkii 1875- Ayaa La Sameeyey Waraaqdii Ugu Horeysay Ee Dollara. 7- Sanadkii 1775-tii Ayaa Shir Weynihii Kongarayska Ee Dalka Maraykanka Lagu Qorsheeyey In Dalki Yeesho Lacag Gaara, Taasoo La Diyaariyey Qalabkii Lacagta Diyaarin Lahaa. 8- Ka Hor Samaynta Iyo Soosaarida Lacagta Doolarka Dalka Maraykanku Waxaa Laga Isticmaali Jirey, Lacagta Qadaadiicda Isbanishka, Iyo Tii Cismaaniyiinta Walow Aanay Saamayn Weyn Lahayn Lacagta Cismaaniyiintu. 9- Lacagta Qadaadiicda Ah’ Ee Ka Samaysan Dahabka Iyo Ta Qalinku Waxay Ahaan Jireen Kuwo Lagu Qiimeeyo Qiime Isku Dhow, Waxaana Kala Isticmaali Jirey Oo Samaystay Dalalka isbaanishka Iyo Ingiriiska, Walow Ay Saamayn badnayn Qalinka Qadaadiicda ah’Ee Isbaanishku. 10- Sanadkii 1816-Kii Ayaa Ingiriisku Lacagtoodii Dahabka Ahayd U Yeeleen Qiimo, Waxaanay Noqotay Lacag Heer-sare ah’ Iyadoo Ka qiimo Badatay Qadaadiicdii Isbaanishka, Iyo Tii Cismaaniyiinta Oo Dunida Aad Looga Isticmaali Jirey Waagaas. 11- Sanadkii 1834- Tii Ayaa Dollarka Maraykanku Xoogaystay Waxaanay Sameeyeen Qadaadiic Ka Yar-yar Kana Qaab Wanaagsan Qadaadiicdii Isbaanishka, Iyagoo Ku Baahiyey Yurub Oo Dhan Waxaanau Noqotay Lacag Lasoo Dhaweeyey Maadaama Ay Ahayd Farsamo Ahaan Mid Si Heer-sare ah Loo Diyaariyey, Sidoo Kale Qadaadiicdii Dahabka Ahayd, Ee Ingiriiska Ayay Hoos U Dhac Mugle Ku Sameeyey Dollarku Waagaas. 12- Inay Noqoto Lacagta 1aad Ee Dunida Waxaa Lagu Qorsheeyey Heshiiskii 1944-Kii Ee (Bretton Woods Agreement). 13- Lacagta 10 Iyo 20-ka Dollar Waxaa La Sameeyey Saandkii 1945-Kii, Dhammaadkii Dagaalkii labaad Ee Dunida, Markii Dhaqaalihii Dunidu Hoos-U Dhacay Ayaa Dawaladihii U Soo Amaah Tageen, Maraykan Si’Uu Lacagta U Badiyo ayaa Uu Qorshahan Sameeyey. Qalinkii: Fadxi Greenford Cont: 252-63 4001631 image.png Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballaarisay cunaqabateynta saaran maamulka Jubaland oo markii hore ku koobneed dhinaca duulimaadka oo kaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda federaalka Soomaaliya ay cunaqabateynta Jubaland ku kordhisay ilaa afar heer oo kale oo cunaqabateyn ah, kuwaas oo ay ka dhalan karto dhibaatooyin daran oo saameeya shacabka degaanka. Shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la kordhiyo cadaadiska Jubaland waxaana lagu daray afartaan qodob oo kale ah. Gabi ahaanba waxaa la joojiyay wadashaqeynta wasiirada xukuumadda Kheyre kala dhaxeysay wasiirada kale ee maamulka Jubaland ilaa inta laga xalinayo khilaafka labada dhinac. Waxaa meesha laga saaray in maamulka Jubaland la siiyo lacago maamul gobaleedyada loo soo marsiiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay helaan maamulada oo dhan, marka laga reebo Galmudug oo ku jirta soo kabasho iyo dhismaha maamul cusub. Dowladda Soomaaliya waxay si KMG ah hakad u gelisay dhamaanba mashaariicdii hormarineed ee Jubaland, oo ay ku jiraan dhismaha saldhigyo ciidan iyo adeegyo kale oo dheeraad ah hadii la helo iyo kuwii hadda socday. Iyo go’aanka ugu dambeeyo oo ah in la joojiyo dhamaan tababarada, taageerada iyo ka warqabka ciidamada ku sugan Jubaland ee aan ka amar qaadan dowladda federaalka Soomaaliya, ilaa inta laga xalinayo khilaafka taagan. Go’aanadaan oo lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada, ayaa lagu darin waxyaabihii ay xukuumadda faah faahisay markii uu shirkooda soo dhamaaday, waxaana dibad joog ka ahaa dhamaan wixii aan ka tirsaneyn golaha wasiirada, sida kaamira-maanada, shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xog-heynida oo dhan. Xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay saarnaan doonto Jubaland muddo dhowr bil ah, kadibna lagu dari doono cunaqabateyno kale oo intaan ka ballaaran sida ay noo sheegeyn qaar kamid ah wasiirada goobta joogay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kaas oo shalay barqadii ka dhacay wadada hor marta dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay qaraxaas dhaawac halis ah ku gaarsiiyeen Jeneral Maxamed Cabdullaahi Dhoore, oo ay sheegeen in uu Booliska Soomaaliya u qaabilsanaa arimaha dibadda. Al-Shabaab ayaa sidoo kale warka kasoo baxay waxa ay ku sheegeen in salkaalka ay qaraxaas ku bar-tilmaameedsadeen uu ahaa isku xiraha booliska Soomaaliya iyo booliiska caalamiga ah ee INTERPOL. Al-Shabaab ma sheegin in qaraxaasi uu ahaa mid sarkaalka loogu xiray gaarigiisa iyo in uu ahaa mid lagu sii diyaariyay wadada, balse waxa ay sheegeen in qaraxaas ay kula beegsadeen goob si weyn loo ilaaliyo oo ay ku sugnaayeen askar ka kala tirsan booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda ka hadal qaraxii shalay iyo xaaladda caafimaad ee Jeneral Maxamed Dhoore. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-10092019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo shalay kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada. Hadaba, Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Dafac” oo daba socday amarkaa yaabka leh ee ay soo saartay xukuumada Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay caqabadaha uu Madax-banaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amarkaasi ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka dhawaajiyey in xeerka saxaafada Somaliland uu awooda xulashada wararka iyo kala horeysiinteedaba uu siiyay Tifaftiraha hay’adaha warbaahineed ee kala duwan, isagoona amarka wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid uu fara-galin ku sameeynayo madax-banaanida warbaahinta. Garyaqaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Amarkaasi uu hoos dhac weyn ku keeni karo tartankii ka dhaxeeyay warbaahinta Somaliland iyo kuwa kale Geeska Afrika, midaasi oo ku tilmaamay inay lumin doonaan Soomaali badan oo dunida daafaheeda ka fiirsan jirey wararkooda, wuxuuna yiri: “Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen”. “Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso”. “Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay”. “Markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan”. “Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT- Zimbabwe)-Xulka kubadda cagta Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, ciyaar galabta ka dhacday Harare National Sports Stadium ee dalka Zimbabwe. Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee ciyaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed. Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay ciyaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay usoo gudubto waxayna u eekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaado daqiiqadaha yar ee cayaarta ka hadhay. Hase yeeshee Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee ciyaarta, kuna adkaatay 3-1. Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maadaama Soomaaliya ay lugtii koowaad kusoo adkaatay 1-0. Source
-
(SLT-Dubai)-Diblumaasi sare oo Masri ah ayaa Isniintii sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Quwadaha Adduunku ugala shaqayn lahaayeen in Maraykanku uu Suudaan ka saaro Liiska Dalalka Maalgeliya Argagixisada. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar, Sameh Shoukry ayaa sheegay inuu taageero Caalamiya la rabo Dawladda Rayidka ah ee ka dhalatay Suudaan, waxaanu xaqiijiyey in Qaahira ka shaqaynayso sidii Maraykanka iyo Dalalka kale ay Suudaan uga saari lahaayeen Liiska Dalalka Argagixisada Maalgeliya, taasi oo lagu daray Xilligii uu Suudaan xukumayey Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir. “Masar waxay ka taageeraysaa Suudaan sidii looga saari lahaa Liiska Argagixisada..” ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masaru u Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan, waxaanu intaa ku daray “Sidoo kale, waxaanu xoojinaynaa arrinta Maraykanka (Liiska Argagixisada ee Suudaan ugu jirto Maraykanka), waanuna sii wadaynaa riixiddeeda (Si looga saaro Liiskaa), annaga oo kala shaqaynayna Madaxda Suudaan.” Maraykanka ayaa Suudaan ku daray Liiska Dalalka Maalgeliya Argagixisada 1993-kii ama Afar Sanadood ka dib, markii Cumar Xasan Al-bashiir uu xukunka ku qabsaday Afgambi. Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar Sameh Shoukry ayaa booqasho ku tagay Isniintii Shalay Magaalada Khartoum, waxaanu halkaa kula kulmay dhiggiisa Suudaan, haweenayda lagu Magacaabo Asmaa Abdalla. Source
-
(SLT-Iran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa eedayn culus u jeedisay Dawladda Isreal. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee IRAN Javad Zarif, ayaa Isreal ku eedeeyay inay dagaal raadinayso, ka dib markii Raysal-wasaaraha Isreal uu toddobaadkan sheegay inay IRAN leedahay goob sir ah oo ay ku kaydsato ama ku samaysato hubka Nuklear-ka. Wasiir Javad Zarif ayaa sheegay in Isreal raadinayso Dagaal, isagoo hadalka Benjamin Netanyahu ku tilmaamay ‘Oohinta yeyga’ Xiisadda labada Dal ee IRAN iyo Isreal ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Isniintii Shalay uu Raysal-wasaaraha Isreal Mr. Netanyahu uu sheegay in Isreal ogaatay in qalab loo adeegsado hubka Nuklear-ka ay ku arkeen Magaalo ku taalla badhtamaha Dalka IRAN oo Magaceedu yahay Abadeh. Mr. Netanyahu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Basaasiinta Isreal ay Sannadkii hore dhukumantiyo la xidhiidha Nuklear-ka Iran ka soo xadeen bakhaar ku yaalla Gudaha IRAN, arrimahaas oo dhamina muujinayaan tuhunka la qabo ee ah IRAN leedahay Hubka wax gumaada ee Nuklear-ka. Laakiin, Wasiirka arrimaha dibedda IRAN oo hadalkaa daba socda ayaa Maanta sheegay in Isreal raadinayso dagaal, hadalkeeduna la mid yahay ‘Oohinta Yeyga’. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya, Baasha Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Muqdisho, wuxuu kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka, Donald Y. Yamamoto. Kulanka oo ka qabsoomay safaaradda xukuumadda Washington ee magaala madaxda waddanka ayaa waxaa looga arrin-sadey arrimo ay kamid yihiin xaalada garsoorka dalka iyo dib habeynta ku socota. Mr Baashe ayaa waxa uu u sheegay diblumaasiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo celin lahaayeen kalsoonida ay bulshadu ku qabaan Maxkamadda dowladda iyo nidaamka cadaaladeed ee qaranka. Yamamoto oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay soo celinta kalsoonida dadweynaha ayaa waxa uu u balanqaadey gudoomiyaha in ay kala shaqeyn doonan qorsheyaashi ay wadaan. Garsooreyaasha federaalka ayaa waxaa aad loogu dhaliilaa “in ay qaataan laaluush, ayna cadaalado darro u xukmiyaan muwaadinka sharciga u lahaa gal-dacwadeedka”. Tani ayaa dhabaha u xaartay in rayidka qaarkii ku nool magaaladda caasimadda ah ay cadaalad u raadsadaan dhanka argagixisadda AlShabaab, taasi oo xukuumadda digniin horey uga soo saartay. Inta badan dadka garsoorka u doonta xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxaa la wariyaa in ay isku hayaan lahaanshiyaha dhul ama kiisas kale. Yamamoto oo qadiyaddan kusoo qaadey Baashe ayaa lagu waramayaa in uu kula taliyey in “qaabka kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dowladda”. Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, dhaqaalaha iyo barnaamjiyadda horumarinta oo ay kamid tahay arrimaha bini’aadanimadda iyo kobcinta dakhliga. AlShabaab oo Muqdisho laga saarey 2007-dii kadib guluf balaaran ayaa wali saameyn ku leh, waxayna ka fulisaa weeraro dhiig ku daato xili ay sanad walba ka hesho malaayiin dollar, iyagoo u maray canshuur uruurin. Xigasho: Garowe Online
-
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Sheegay In Dhowaan ay Bilaabanayaan Howlgallo la isugu furayo wadooyinka go’doonsan ee deeganda Hirshabeelle, kuwaas oo muddo ay go’doon ay ku hayeen Alshabab. Dr Maxamed Cabdi Waare oo maanta xerada iidamada Amisom gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad qada sharaf ah oo ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo Heer degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida qeybihiisa kale duwan. Sidoo kale Madaxweynaha oo Sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inta ammaanka Soomaaliya uusan oo hagaagsaneyn uusan geeska Africa aysan nabad noqoneynin taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan ammaanka gobolka uu hagaagayo Dhanka kale Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah ciidamada Amisom ee naftooda u huray sidii deegaanada Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka uu nabad u noqon lahaa , si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira. Ugu dambeynta madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan wadashaqeynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaan in uu maalinta bari ah booqasho k tago magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri. Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa sannadkan waxa la isweydiinayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda. Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan. Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus. Source
-
Qaahira (Caasimada Online)– Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somalia, Dr. Abdullahi Ali Hassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal. Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale. Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Xigasho: mubasher.info, Egypt Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “qoone” ayaa si kulul uga hadlay dooda ka dhalatay ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaas oo dhowaan odayaasha gobalka diideen in loo diro Galgaduud. Xildhibaan Qoone, ayaa sheegay in ay qalad weyn tahay in ciidamo arradan, islamarkaana aan hubeesneen una badan carruur sida odayaasha sheegeen ay dowladda Soomaaliya u dirto goobo dagaal, asagoo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay dhagaysto baaqa odayaasha. “Hiiraan, isagaa u baahan ciidan iyo taageero ee ma’ahan in ciidan laga qaado sababtoo ah Beladweyne meel u jirta 3 KM waxaa u jooga Al-Shabaab” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho. “Xukuumadda malahan dhaga wax-maqla balse waxaan uga digayaa in ay maqli weyso hadalka ugaas-ka iyo dhaqanka kale, sababtoo ah waxaa ka imaan kara culeesyo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo hadalkiisa sii wata xildhibaano Qoone, ayuu sheegay in dalka uu qaatay nidaamka federaalka islamarkaana aysan hadda jirin ciidan ka howlgala degaan ka baxsan gobalkooda ama halkii laga qoray, taasina ay muujineyso xadgudub kale sida uu hadalka u dhigay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone. “Ma aragtay ciidanka Puntland oo ka howlgala Beladweyne ama Jowhar, ma aragtay kuwa Galgaduud oo ka howlgalaya Baydhaba, sidee kuwa wiilasha Hiiraan loogu qaadayaa meel kale” ayuu yiri xildhibaan Qoone Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa shalay iyo dorraad diiday in magaalada Beladweyne laga qaado ciidamo gaaraya ilaa 400 oo askari, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadan lahaayeen howlgal ka bilaabanaya degmada Ceel-buur ee gobalka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
