Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tokyo (Caasimada Online) – Talaabo naadir ah, diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Eritrea ayaa si furan wuxuu u codsaday in dib loogu soo celiyo dhalasho uu sheegtay in uu ka haystay Soomaaliya. Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in la siiyey dhalashadaasi sanadku markuu ahaa 1983-dii kahor burburkii. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu hoosta uga xariiqay in uu dalabkaan hordhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Tokyo. Farmaajo oo galabnimadii Axadda dib ugu laabtay Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa waxa uu Japan uga qeybgalay shirka iskaashiga wadankaasi iyo qaaradda Afrika. “Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh uga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii: Hal dad #Eritrea,” ayuu yiri. Ma cadda jawaabta uu Farmaajo siiyey danjiraha, walina Villa Soomaaliya kama jawaabin arrintan, inkasta oo isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo aysan ka jawaabin. Soomaaliya ayaa sooyaal u leh in ay dhalashooyin siiso ajaaniibta kasoo jeeda wadamada doorka firfircoon ka qaatay halgankii uu dalku xorriyadda kaga soo ceshtay isticmaarkii Talyaaniga iyo Britain. Isha: Garowe Online
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay sida ay u socdaan howlaha guddiga iyo dardar-gelinta dib-u-habeynta ciidamada Qaranka, si loogu guuleysto howlaha dib-u-dhiska ciidamada. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Wejiga labaad dib-u-habeynta ciidamda ayaa ka kooban in ciidamada la diiwaan geliyay lagu hubiyo goobahii laga diiwaan geliyay, in la qiimeeyo baahiyaha ciidamada ee saanad iyo hub, in la qiimeeyo Dhismaha xeryaha ciidamada oo lagu saleynayo tirakoobkii la sameeyay, tayeyn ciidamda iyo qiimeynta dhanka tababarrada ay u baahan yihiin. View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay wadahadallo maalmihii la soo dhaafay Dhuusamareeb uga socday hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ay matalayeen Wasiirrada Amniga iyo Arimaha Gudaha. Sababta ay hakadka u galeen wadahadalladaas ayaa sida ay xogta ku helso Caasimada Online waxey tahay in meelaha qaar heshiisyadii ay galeen dhinacyadu oo looga maarmi waayey inuu goobjoog ka noqdo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Arrimaha la’aantiis socon waayey Kheyre waxaa ka mid ah lacag aan la shaacin cadadkeeda oo ku jirta heshiiska ay wada galeen Ahlu-Sunna iyo xukuumadda federaalka iyo saamiga ay Ahlu-Sunna ku yeelaneyso maamulka cusub ee loo dhisayso Galmudug. Waxeyna Ahlu-Sunna ku adkeysatay inaysan jirin wax kulan ah oo sii socan kara hadii uusan Dhuusamareeb tagin Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale cawaa ayaa xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb oo ah halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa waxaa munaasabad loogu qabanayaa Ergada beelaha Galmudug ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta. Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ayaa kasoo qeyb galaya munaasabadda waxaana lagu wadaa in isla caawa la shaaciyo xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda. Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Magaalada Yokohama.ee Dalka Jabaan kaga soo qeyb galay shir weynaha 7-aad ee horumarinta Afrika (TICAD7). ‪Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Japan waxa uu wada hadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, Shinzo Abe, isagoo Madaxweynuhu ugu mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa intii ay halkaasi ku sugnaayeen. Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay safarkii ay ku tageen Dalka Jabaan, iyagoo sidoo kale la kulmay intii ay halkaasi ku sugnaayeen madax ka tirsan Banggiga Adduunka qeybtiisa Afrika, iyagoo ka wada hadlay dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto dib u habaynta maaliyadda , deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-01092019.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Hadalkii Taliye Nuux Taani Oo Xaal Laga Bixiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Tel-aviva)-Raysal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayay Axadda Maanta Dalka Isreal uga bilaabantay booqasho laba Maalmood ah. Raysal-wasaare Abyi Axmed oo xilka Raysal-wasaaraha loo doortay bishii April ee sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii, ayaa Axadda gaadhay Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Isreal, ayaa si toos ah kulan Xafiiskiisa ugula yeeshay Raysal-wasaaraha Isreal, Benjamin Netanyahu. Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa markii uu gaadhay Tel Aviv wuxuu Tacsi u diray ehelada Illaa Saddex Qof oo Isrealiyiin ah oo siyaabo kala duwan ugu Geeriyooday Itoobiya, waxaanu sheegay in dhimashada Dadkaasi oo midkood ku geeriyooday Diyaaraddii Itoobiya ee bishii March ee sannadkan burburtay ay si wada jir ah ugu muruuganayaan labada Dalba, maaddaama oo ay yihiin Walaalo, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-galay Dad Isrealiyiin ah oo wakhti hore ku noolaa Itoobiya, sida uu baahiyey Wargeyska Jerusalem Post. Dhinaca kale, Raysal-wasaaraha Isreal oo si wanaagsan u soo dhaweeyay Dhiggiisa Itoobiya, ayaa bogaadiyey isbeddello lagu horumarinayo dhaqaalaha Itoobiya oo Raysal-wasaare Abyi sameeyay muddadii uu xilka hayey. Raysal-wasaaraha Isreal wuxuu sheegay inay dhiirigelinayaan Maalgeshi Dadka reer Isreal ku samaystaan, maaddaama oo Dad badan oo Isrealiyiin-Itoobiyaan ahi ku nool yihiin Itoobiya. Labada Masuul oo si wada jir ah u qabtay Shir-jaraa’id ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimo khuseeya Xidhiidhka ka dhexeeya Dalalkooda. Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Dalka Japan kaga qayb-galay Shirkii Horumarinta Afrika ee lagu qabtay Magaalada Yokohama ee Japan, ayaa isagoon dib ugu soo laaban Dalkiisa Itoobiya, wuxuu cagtiisii labaad ku gaadhay Isreal. Source
  9. (SLT-Yemen)-Deraasiin Dad ah ayaan ku dhintay Duqaymo ay Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaaminayaan la beegsadeen Xabsi ku yaaalla Galbeedka Dalka Yemen, sida laga xoo xigtay Jabhadda Xuutiyiinta. Yuusuf al-Hadri oo ah Afhayeenka Wasiirka Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 60 Qof ay ku dhinteen Duqaymo diyaaradaha Xulafadu la beegsadeen goob Xabsi ahaan loo isticmaalo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Dhamar. Wuxuu intaa ku daray inay dhaawacmeen illaa 50 Qof, sida uu u sheegay Afhayeenku, Telefiishanka Xuutiyiinta ee loo yaqaano Al Masirah TV. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in goobta la duqeeyay lagu hayey Maxaabiis Dagaal oo gaadhaya 185. Laakiin, War ka soo baxay Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Xulafadu beegsadeen goob millateriga Xuutiyiintu leeyihiin oo ku taalla dhamar, isla-markaana burburiyeen goob ay ku kaydsanaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo Gantaallo. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Dadweynaha Reer Hargeysa Oo Dareenka Celiyay Hadalkii Taliye Nuux Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda. Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka. Kulanka maanta ayaa imanaya, ayada oo Kheyre iyo Filish uu ka dhaxeeyo khilaaf salka ku haya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho. Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose, taasi oo Kheyre uu diiday.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka ayaa si weyn u cambaareeyey falkii ay Dowladda ku xayirtay diyaaradaha tago Magaalada Kismaayo. Cabdiraxmaan ayaa si waydiiyey Bini’aadanimada ay Dowladda Soomaaliya ka fiirisay deegaanada Shabaabka ay joogaan ee aan laga fiirin Shacabka Jubbalanad. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Dawlada Federaalka ah waxay diiday in Al- shabaab lagu daro liiska ururada argagixisada ah ee Al-Qaacida, Dhaaliban iyo Daacish ku jiraan ee hoos dhaca go’aanka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1267. Waxay dawladu ku dooday sababo la xiriira bani’aadanimo. Waxaase la yaab leh in dawladu ay cunaqabatayso shacabka Jubbaland oo hawada iyo baddaba ka xirto. Kiiska bani’aadanimo ee deegaanada ay Alshabaab xukumaan loo fiiriyey ee aan shacabka Jubbaland loo tixgelin muxuu yahay? Halkaan waxaa ka cad in maamulka Villa Somalia ka arrimiyaahi uu Alshabaab cadaw u aqoon ee cadawgoodu yahay cidii ay aragtida siyaasadeed iyo xukunka isku qabtaan. Haddaba haddii xukuumadii dhaqankeedu sidaa yahay, aaway labadii aqal ee Baarlamaanka? Aaway guddoonkii Baarlamaanka labada aqal? Mise Waxay noqdeen shaabad lagu dhufsado wixii la doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo looga warbixiyay Kulanka ayaa lagu sheegay in mudane Khayre iyo guddoomiyaya cusub ay ka wada-hadleen horumarinta gobolka Banaadir iyo sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda Muqdisho. Guddoomiye Filish ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay u socdaan hawlaha gobolka iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyn doonto fulinta qorshayaasha horumarineed ee gobolka isagoo faray in uu la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  14. KISMAYO (HOL) - Jubbaland has protested the arrest of its Security Minister in Mogadishu terming it a violation of the constitution. Source: Hiiraan Online
  15. G/sare Dhool-gu’ Dowladda Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay xabsiga magaalada Garoowe dhigtay taliyihii qeybta Booliiska gobolka Cayn ee Puntland G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu’). Taliyaha oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Garoowe ayaa xabsiga la dhigay kadib markii sida la sheegay uu diiday amar ay siiyeen taliska Booliiska Puntland oo la xiriiray in uu dib u-habayn ku sameeyo Booliiska gobolka Cayn islamarkaana shaqada ka cayriyo askarta aan sida joogtada ah u hawl-gelin. Warbaahinta Puntland Post ayaa la xiriirtay taliyaha Booliiska Puntland iyo ku xigeennadiisa si ay faahfaahin uga hesho xarigga sarkaalkaasi balse midkoodna kama jawaabin taleefonka. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Taliye ciidan oo lagu xiray magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dalsan Media Group oo ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV, oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogaysa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Ducaale ayaa lagu eedeeyey in ilaaladiisa ay 24/8/2019 rasaas ku fureen gaari ay la socdeen ilaa afar ka mid ah shaqaalaha Dalsan Media. Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Al-mukarama, waxaana Dalsan Media Group ay sheegtay in rasaas si ku talagal ah loogu furay gaariga shirkadda Dalsan Media Group, taas oo dhalisay khasaaro soo gaaray gaarigga, iyadoo shaqaalihii la socday ay ka badbaadeen, balse ay la kulmeen dhaawac maskaxeed qaarkoodna ilaa iyo haatan ay la il daran yihiin maadaama ku dhawaad 40-Xabadood ay jaha kasta kaga dhacday Gaarigga. Qareenka u doodaya Dalsan Media Group Daahir Maxamed Cali (Daahir Carab) ayaa warqad Ogeysiin Sharci ah Maanta u diray Wasiirka amniga iyadoo la ogeysiiyey wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, taasoo ku saabsan dhacdadii 24-kii Agoosto. Qoraalka loo diray Wasiirka Islow ayaa looga dalbaday inuu xaliyo falkii lagu rasaaseeyey Gaarigga Dalsan TV isagoo mudeeyey inu ku xaliyo muddo 7-maalmood ah, wuxuuna intaas ku daray in Madaxda Dalsan Media Group ay dhowr jeer la xiriireen Wasiir Islow si ay arrintaas ay ugala hadlaan, hase’ahaatee aanu ka Jawaabin. Qareen Daahir Carab ayaa qoraalkiisa ku wargeliyey Wasiirka Amniga inuu muddo 7 maalmood ah xal uga gaaro arrintan lana xiriiro madaxda Dalsan Media Group, taas oo haddii aysan dhicin uu raadin doono dariiq sharci ah oo kale si loo difaaco xuquuqda wakiiladiisa. Halkaan Ka Akhriso Warqadda Qareenka Difaacaya Dalsan Media Group
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaas laga dajiyey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM. Ciidamada Dhuusamareeb laga dajiyey ayaa ah ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Diyaaradahaan ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 6 Diyaraadood oo siday Saanad Milatari iyo Ciidamo kamida ah Kuwa AMISOM gaarahaan kuwa Dowlada Itoobiya. Horay waxaa Magaalada Dhuusamreeb u gaaray Ciidamada Dalka Jabuuti oo ka tirsan Ciidmada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee howl gala Soomaaliya. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa fariisimo ka sameystay Gudaha iyo Banaanka Magaalada Dhuusamareeb waxayna la midoobeen kuwa Jabuuti oo horey halkaas u gaaray. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug maadaama Doorasho dhawaan ka dhacayso. Awoodii Ciidamada Ahlu Sunna ayaa guud ahaan meesha ka baxday waxayna Dhuusamareeb marti u tahay Ciidamo AMISOM ah oo dhawr jeer oo hore ay diideen Madaxda Ahlu Sunna. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug ayaa maanta la kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu shaaca ka qaaday xildhibaan Axmed Macallin Fiqi. Xubnaha Kheyre la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Macallin Fiqi, Cabdullaahi Sambaloolshe, Mahad Salaad, Saadaq Macalin Cabdi Kariim, Cabdiraxmaan Odowaa, Saabir Shuuriye, iyo xildhibaano kale. “Kulan muhiim ah oo ka dhacay xafiiskiisa Raysulwasaaraha xukuumadda Xasan Khayre, oo nagu wehliyey musharaxa madaxweynaha Galmudug xildhibaan Cabdiraxman Odowaa.” Waxaa sidaas yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook. “Kulanka waxaa diiradda lagu saaray si qoto dheerna looga wadahadlay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.” Ayuu sii raaciyey Fiqi. Fiqi ayaa si yaab leh oo aan laga fileyn u sheegay in kulankaas ay xildhibaanada mucaaradka ku ammaaneyn ra’iisul wasaare Kheyre. “Waxaa la bogaadiyey hawsha uu hormuudka ka ahaa Raysul wasaare Khayre ee xooggan lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta cusub ee doorashadeedu ay ka dhacayso caasimadda Dhuusamareeb.” “Gabagabadii Raysulwasaaraha iyo saaxiibadii kulankaas ka qeybgalay waxaa lagu heshiiyey dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.”
  19. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis oo dib-u-dhis iyo ballaarin lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib-u-dhiska lagu sameeynayo xarunta degmada Shibis, shacabka ku noolna ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladda Hoose,Isagoo xusay in ay ka go’an tahay daadejinta maamulka si loogu dhaweeyo shacabka. “Si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada waxaa mar walba naga go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, idinka waxaa la idinka rabaa kaalintiina inaad qaadataan oo dib-u-dhiska dalkiina u istaagtaan ”. Sidoo kale Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta heer Gobol, heer Qaran iyo dadweynaha ku nool degmada Shibis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. As bizarre as it might sound, al Shabaab militants seem to now find a short cut to legally take over reins of power secretly through the ballot, with help from clan chiefs rather than with the violence often associated with them. As if wanting to prove its influence, the militants recently summoned elders involved in the 2016 election to go and repent. Those elders who heeded the call for fear of reprisals were literally held hostage for 20 days in secret locations around the country. The meeting became an al Shabaab civic engagement plan, plotting a silent takeover of power. “They gave us clothes and money and even promised to pay us $300 every month on one condition which is that we do what they order us to do. They told us the country is being taken over by infidels and that we have to salvage it. We are still waiting for their order,” a clan chief who did not wish to be named said. Considering there are three parliamentary elections coming up in Galmudug and South West State in September and October and of course the countrywide presidential and parliamentary elections in 2020. The latest revelation makes many people wonder the influence the militants can have on the elections, if indeed the elders, just like before, are involved. ELDERS INFLUENCE Subject to change, under Somali’s current electoral system, elders choose MPs, who in turn elect the president. In previous election models, the clans directly nominated the MPs. We can never dismiss the influence of elders in Somalia politics. Some of the elders who took part in the ‘al Shabaab civic education’ say the militants plan to use force and persuasion to convince the elders to nominate their own to parliament in 2020. The only way these elders will be rendered invaluable is if Somalia succeeds in organising a one-person-one-vote election. However, that depends on several factors, including the adoption of the interim charter, the liberation of areas still controlled by al Shabaab and preparing the country for the vote. Recent events such as the Jubaland elections show cracks in national unity, which are likely to be used by the militants to further their agenda. One year before the next election, al Shabaab continues to destabilise peace at will. Just recently, they claimed responsibility for a suicide attack inside the office of the late Mogadishu mayor Eng Abdirahman Omar Osman “Yarisow”, who died from the attack. Such sad incidents make people wonder how Somalia plans to secure its next election. As a benefactor, am sure al Shabaab will do everything in its power to disrupt the election, playing dirty politics of bribing, threatening officials as it often does or even going out to kill their targets to silence their critics just to clear the way for their candidates of choice. STATUS QUO It is highly likely that come next year, the status quo will remain, making it almost impossible for national elections to be conducted. Al Shabaab is now likely preparing itself for a scenario where the elders will be needed for the nomination of clan delegates who elect MPs. Al Shabaab must have realised the value of these elders, no wonder they treated them so well and fed them like kings. However, little or much they spend on their upkeep is an investment they are likely to demand something in return. “They gave us first-class treatment. They used to feed us like kings. They made us renew our Islamic vows as if we were non-Muslims before meeting them. They bought us clothes, shoes and head turbans. They paid us $200 each when we were leaving and promised to give us a $300 salary every month,” the elder added. As much as we loathe them, the question now seems to be how many al Shabaab MPs they will get and not if because they have already proved their ingenuity and strategic thinking. Time and again they are ahead of us in implementing their evil plots. Following the cold-blooded murder of Yarisow, President Mohamed Abdullahi Farmaajo reportedly admitted the possibility of al Shabaab moles in government and ordered security agencies to flush them out. Some of those elders who heeded the al Shabaab invite have reportedly been arrested in some parts of the country. My biggest worry is the level of corruption in Somalia elections. Recent news of the increased al Shabaab revenue from their extortion rackets shows the group has lots of cash and could easily buy off parliamentary seats. This is why the Somalia National Independence Election Commission and the government need to quickly develop strategies curtailing al Shabaab members or even sympathizers from becoming MPs, or worse, president. Let us hope not. The writer is a Somalia expert and former war correspondent Source: Somali Star
  21. Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska, Soomaaliyeed, Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka hadashay kiiska wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay ay xireen ciidamada ammaanka Soomaaliya. Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa sheegtay in dambiyo culus uu ku eedeysan yahay wasiir Janan. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”ayey tiri taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in haataan mas’uulkaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Jubbaland ayaa si xoogan u cambaareysay xariga wasiirkeeda amniga loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho. View the full article