Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xudur (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool ayaa qaarkood hubka u qaatay sidii ay Ururka Al Shabaab kula dagaalami lahaayen gobolkaasi, ujeedkooduna uu yahay in ay iska difaacaan. Shacabka ku dhaqanka Deegaanka Yabyab ee duleedka Magaalada Xudur ayaa ka dhiidhiyay xoolo ay xalay Ururka Al Shabaab ka kaxeysteen dadka deegaanka, waxayna bilaabeen in ay hubka qaataan. Shacabka oo si iskood ah isu soo abaabulay ayaa maanta maleeshiyada Ururka Al Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Yabyab. Dadka reer Yabyab oo xoolo dhaqato u badan ayaa la soo sheegaya in ay xoolahooda dib kaga soo ceshteen maleeshiyada Al Shabaab, waxaana kolkii dambe halkaasi gaaray Ciidanka Xoogga Dalka oo gurmad ahaan uga baxay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. C/laahi Aadan Maxamed oo ah hoggaamiyaha shacabka u istaagay inay Shabaabka la dagaalamaan ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada ahi, ee Shabaabku ku hayaan bulshada deegaanka. C/laahi Aadan oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa yiri “Waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo gaysanayan Al Shabaab, ka dib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalano, arrintaasna waan ku guuleysanay.” Ugaas Cali Dirir oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee dadka deegaanka ku dhiirageliyay inay Al Shabaab la dagaalamaan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay dagaalka sii wadaan. Ugaas Cali Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dadka reer Yabyab ay la baxayn magaca ah (Cali Qaran), waxayna dadka Shabaab la dagaalamaya ay u badan yihiin kuwo da’ ah. Dadka ku dhaqan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya qaarkood ayaa hubka u qaatay, sidii ay isaga difaaci lahaayen maleeshiyada Al Shabaab.
  2. Geeska Afrika waxaa saameeyey isbdelo isdabajoog ah, ka dib markii mugdi siyaasadeed iyo xasillooni la’aan muddo dheer hareeraysay. Somaaliyana waxay ka mid tahay isbedeladaas ka soo iftiimay guud ahaan gobolka. Arrintaas, waxay dhalisay in Kenya durbadiiba dareento in horseednimadeedii Bariga iyo Geeska Africa, ay ciriiri geli karto dib u soo noolaashaha dowladnimadda Soomaaliyeed, tasoo saamayn ku yeelan kara gobolka. Mararka qaar waxaad u malaysaa habdhaqanka Kenya sidii bukaan uu dhaqtar ku soo sheegay cudur oo ay ismoogeysiinayso in dan u tahay inay wax ka bedesho nolosheeda si dhaawac horleh uga badbaado. Isdhegammarrinta Kenya waxaa saldhig u ah, iyadoo ay ka degi la’ in Soomaaliyada maanta ay ka duwan tahay middii ay u baratay macaamilkeeda. Sida la wada ogsoon yahay Maxkamadda Caalimiga ee ICJ, ayaa dib loo dhigay dhagaysiga dacwaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanayd dhulbadeedka Soomaaliya ay Kenya sheeganeyso. Kenya waxay ku marmarsiyootay dalabkeeda, in ay garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaacidda dacwaddeeda, oo ay u baahan tahay muddo kordhin sannad ah, si ay garyaqaano kale u raadsato. Maxkamadda ayadoo ka ambaqaadaysa codsigaas, islamarkaasna ka walaacsan dib u dhaca aan qorshaysnayn ee soo foodsaaray, ayay waxay u kordhisay muddo laba bilood ah, taasoo aad uga yar middii ay Kenya codsatay. Go’aanka maxkamadda waxaa laga dhadhansan karaa diidmo farsamaysan oo ay ku diidayso dib u dhac uu ku yimaado garta ay u fadhiso. Halkaas waxaa kaaga cad in shirkaddaha garyaqaanada ugu caansan dunida iyo garyaqaanada shaqsiga ah ay doorbidayaan dacwaddaha ay ka filan karaan in ay ku guulaysanaayaan, taasoo kor u qaadeysa sharaftooda iyo magacooda. Maadaama uu waqtigu aad u kooban yahay, isdifaaca Kenyana uu dhidibo adag ku fadhin ayaa waxay u badan tahay in qareenno badan ay isku fogeeyaan difaacidda Kenya. Waxaase la yaab leh, siyaasadda guracan ee Kenya oo ay horboodeyso marwa Monica Juma aysan waxba ka dheefin qaladaaadkii siyaassaddeed ee ay gashay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kenya waxay weli aaminsantahay in ay awood u leedahay in ay siddey doonto u furdaamin karto dacwadda badda ee kala dhaxaysa Soomaliya. Maalmo ka gadaal markii ay hubsatay in ay maxkamadda dib u dhigtay qaadista dacwadda, ayay waxay horeyba ka bilowday luggoyntii lagu yaqiin. Maalintii Axadda ee 15ka Sateembar ayay tiri “waxaan doorbideynaa waanwaan ka baxsan maxkamadda, si xal waara looga gaaro garta labada dhinac” (TheEastAfrican, Sabteembar 14 2019). Juma waxay kaloo raacisay ayadoo hadalka sii wadata “Waxaan doorbideynaa garta noocan oo kale, taasoo ah, haddaad u fiirsato, habka ay mudnaanta siiyaan Qaramadda Midoobay (UN), Isutagga Africa (AU) iyo urur goboleedka IGAD. Sababtoo ah waa sida ugu fursadda weyn oo taabagelin kara in ay nabadgalyo ku dhammaato garta”. Haddalkaas, wuxuu ifafaale u yahay in Kenya aysan u hogaamsamaynin go’aanka maxkamadda hadday gartu raacdo Soomaaliya. Su’aasha meesha taal waa ma suurtoobi kartaa in ay Kenya diido go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda? Jawaabtu waa maya. Kenya waxay saxiixday in ay u hoggaansamayso maxkamadda ICJ 1963-dii. Maxkamaddana waxay leedahay habab kala duwan ay ku hirgeliso go’aamadeeda oo ay ugu horayso Golaha Ammanka. Kenya waxay hadda u ololaynaysaa in ay ku fadhiisato kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee 2021-2022- ka. Marwo Juma waxay waraysi siisay ayadoo ku doodaysaa “Geeska Africa waxay noqotay marinka isgaarsiineed aad muhiim ugu ah adduunwaynaha waxayna horyaala dhibaatooyin amnidarro (Daily Nation, 16 Sabteembar 2019). Mar haddii ay ka soo horjeedsato go’aanka maxkamadda waxaa hubaal ah in ay dhuminayso fursadda kursigaas oo ay Jabuuti tartanka kula jirto. Waxaa layaab leh, dhuunirraaca Kenya ay marna isku tiriso Bariga Africa oo ay samaysatay Urur Goboleedka Bariga Africa (East Arican Community- EAC), marna Geeska Africa oo ay ku dooddayso in ay ayadda horjooge u tahay. Haddaan si kale u dhigno, Kenya waxay si bareer ah marar badan u horistaagtay ka mid noqoshada Soomaaliya urur goboleedka EAC. Laakiinse waxaa ka sii yaab badan markay u fududaysay Koonfurta Suudaan in ay ku biirto EAC 2016-kii, ayadoo madaxbanaanayd 5 sano oo kaliya. Haddal kale oo darreenkayga soo jiitay ay tiri marwo Juma ayadoo siinaysa wareysi muuqbaahiye ka mid ah kuwa maxaliga ee dalka Kenya (KTN News Kenya), aya ah “Sidaad la socoto annaga iyo Soomaaliya waxaa horey u kala saxiixanay heshiis is-afgarad ‘MoU’ 2009kii kasoo qoraayey haddiiba ay dhacdo in uu muran ka dhasho badda labada dhinac in lagu xaliyo hab wadaxaajood nabadeed”. Sida ka muuqata, marwo Juma waxay iska maaweelinaysaa halku maantay mowqifku taagan yahay iyo sababta keentay arrinku meeshuu maantay marayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Beenaale waxaa sira xasuus-xumi”. Bal aan xasuusino haddii ay xasuusteeda yaraatay. Waa run in uu heshiis is-afgarad labada waddan kala saxiixdeen 2009kii. Laakiinse marwo Juma waxay ku indho-adeegaysa arrin ka baxsan heshiis is-afgaradka. Heshiisku wuxuu ku saabsanaa in labada dowladood ay midba midda kale ay ka horistaagin codsigeeda xaddaynta sare ee Hoobad Qaaradeedka (Continental Shelf). Heshiiska waxaa uu kaga gaabsaday xallinta wixii kilaafaad ah ee ku saabsan xaddaynta badda ee labada dal ay wadaagaan ka heshiiyaan. Habka loo heshiinaayo, meesha lagu sheegin, sidoo kalena cidda heshiinaayso kuma xusnayn. Heshiiska marnaba uma aqoonsanayn Kenya lahaanshaha aaga muranka dhaliyey. Laakiinse, Kenya ayadoo og arrintaas ayay gacandhaaf ku samaysay heshiiska waxayna si bareer ah uga xaraashtay bishii Juunyo 2012 shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total oo Talyaani iyo Faransiis kala ah. Waxaa su’aalshu tahay, haddii ay Kenya daacad ka tahay maxay u afgembisey heshiiska is-afgaradka ay hadda ku marmarsiyoonayso? Intaas arrinku kuma eka, ee markii ay Soomaaliya kaga dacwootay UN-ka in Kenya marin-habaabisey heshiiska dhexyalay ayaa Kenya lagu qasbay in wadaxaajood lagasho Soomaaliya. Labadii shir ee hore waxaa martigelisay Nayroobi. Mas’uuliyiintii Keenyaatiga waxay la soo shirtageen dhulka annaga ayaa leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ee uu waqtigaas Dr. Cabdiraxman Bayle ayaa warqad u qoray dhigiisa Kenya oo uu ku leeyahay “meeqa ayaad rabtaan inuu arrinku sidaan ku sii socdo ayadoon wax miro dhal lahayn shirarka noocan?” Keenya waxay ka soo jawaabtay ayadoo codsatay in mar seddexaad la kulmo. Akhristow arrintaas si fiican ula soco. Dowladda Soomaaliya waxay aqbashay codsigaas, waxaana lagu ballamay Muqdisho in shirka lagu qabto 25kii ilaa 26kii Agoosto 2014. Kenya ballanti ayay ka baxeen, mana aysan imaanin shirka. Taa waxaaba ka darnaa, maamuus xumada iyo yasidda ay Soomaaliya u muujiyeen ayagoo aanan wax cudurdaar ka bixin sababta ay u maqnaadeen maqnaadeen. Soomaaliyana ayadoo ka carraysan islaweynidda Kenya dacwo hordhigtay maxkamadda ICJ, 28 Agoosto 2014. Intii waqtigaas ka dambeyey, marwo Juma iyo dowladdeeda waxay marar badan cunaqabatayn iyo aflaggaaddo joogta ah la dabasocdeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Haddaba waxaa arrin lagu qosla ah in maanta ay marwo Juma ay fagaare kasta la soo taagan tahay in ay Soomaaliya ay u carartay maxkamad ayadoo ay wadooyin kale oo badan ay u furnaayeen iyo in Soomaaliya dan ugu jirto in wadahadal ka baxsan maxkamadda lagu xalliyo arrinta. Waxaan leenahay marwo Juma, wadooyinka aad sheegayso adigaa hore u xiray “waagaad isla waynayd.” Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Mar i dage Allahaw dego, mar labaad idagase anaa dagay.” Marka Kenya ha ku adkaysato islaweynideedii illeen “gar laba nin kama wada qoslisee”. W/Q: Cusmaan Maxamed iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan-sayrtay qorshe ay usoo jeedisay dhigeeda Masar oo ah qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan. Masar oo ku tiirsan webiga Nile, ayaa ka walaacsan in biyo xireenka Itoobiya u horseedi karo gabaabsi ku yimaada biyaha iyo waraabka. Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele ayaa sheegay ” In Masar ay dooneyso ka faa’iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.” “Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka biyaha ee Itoobiya. Dhamays-tirka dhismaha biyo xireenka Itoobiya ayaa hadda ku dhaw in la dhameystiro. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  4. Qormadan gaaban ayaan ugu talagalay in aan aragtideyda qormo kaga waramo Alifleeyda sallafay ee ku hawooda siyaasad u baahan deganaan khibradeed. Macna ahaan aniga igama ahan in aan ku liidaayo shakhsiyaad hammi u leh siyaasadda badweynta ah ee dalkeena ka jirta. Waxaan in badan indhahaygu qabtaan dhallinyaro wax dhaliisha aragti ahaan, balse aynaan haysan hadaf ee wax ku dhaliilaan. Waxaa in badan ku arkaa barraha bulshada dhaliilo ku qotoma aragtiyo diidmo iyo mid aan diidmo ahayn. Dulucda ujeedka Waxaa i soo maray walaalo aan ka soo wada jeedno deegaan aan u wada dhalannay, kana mida dadka aadka uga hadla barraha bulshada. Waxaan marar badan ka wada sheekeysanay marxaladaha iyo horumarrada aan la rabno deegaanadeena iyo sida aan u jeclaan lahaa in aan uga midowno horumarinta dadkeena. Markasta oo aan gaarno wax ay dadkeenu u baahnaayeen misena ay iyaga aad ula xumaato, iyagoo u sababeeya xumaan ay badanaa ladoonaan shaakhdiyaadka horseedka u ah hiigsiga hadafyada aan gaarno badanaa. Waxaan badanaa isku dayi jiray in aan sharraxaad ka siiyo waxa qabsoomay iyo halka ay wax noo marayaan, hase ahaatee taa bedelkeeda waxay barraha bulshada noogu soo jawaabaan kuwa dadkeena iyo deegaanadeenuba aanan u wanaagsanayn. Marxaladaha deegaanada aan kas oo jeedno waxay u yaqaanaan magacyo shakhsiyadeed, iyagoo bulshada u dareensiiya in wax kasta oo wax qabad ah ay aad u sii hooseyso. Dhinacyadan ayaan arkaa in ay aad u buun buuniyaan kolka ay qaraxyadu dhacaan, misena uu Webiga Shabelle bilaabo in uu ku fataho deegaanadeena. Eedeymaha ay soo jeediyaana maaha kuwa ay wax ku dhisayaan ee waa kuwo ay ku burburinayaan. Marka aad milicsato sida ay uga aradan yihiin siyaasad hufan iyo sida ay isugu haystaan khubaro dhanka siyaasadda ah ayaan ugu magac-daray (Alifleeydii siyaasadda ee Saynisyahanada ismooday!). La-soco qaybta labaad Hassan Abdulkhader Mudey AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-19092019.mp3 View the full article
  6. Addis Ababa, September 19, 2019 (FBC) – Ethiopia’s Chief of Staff of the National Defense Force General Adem Mohammed met with Lt. General Hamad Mohammed [...] Source
  7. In central Somalia, about 5,000 Sufi fighters are signing up to join the national army. In a surprise move two months ago, the group decided to have its fighters... Source: Hiiraan Online
  8. QATAR Qatar Airways has today published their annual report for 2018-2019, and the results are rough. You have to read quite a bit into the report to see just how bad things were. The title of the press release announcing the results simply says that the report “highlights strong growth in overall revenue.” Then the first sentence notes that the results are “highlighting the airline group’s success and underlying robust financial health in the face of the continued illegal airspace blockade against the State of Qatar.” Personally that’s not my takeaway from these results… Qatar Airway Reports 639 Million USD Loss Qatar Airways has today reported a net loss for the past year of about 639 million USD. Last year the airline lost about 69 million USD, and they labeled that as the most challenging year in their history. This year’s results represent a nearly tenfold increase in the company’s losses. I’d note that while these results are audited and technically accurate, this probably doesn’t quite equal a “free market” loss of the same amount at another airline. For example, Hamad International Airport is also owned by the government, so the airline pays much lower fees than other airlines would pay at their hub airports. Why Did Qatar Airways Lose So Much Money? There are a lot of important numbers beyond just the loss, so let’s take a look at some other key figures: Passenger revenue increased by 14.3%, while capacity (measured by available seat kilometers) grew by 13.5%; increased revenue outpacing increased capacity sounds like good news Cargo revenue increased by 16.8%, while capacity (measured by available ton kilometers) grew by 11.8%; again, increased revenue is significantly outpacing increased capacity here The airline added 11 destinations to their route network and 25 aircraft to their fleet Qatar Airways blames these results on the loss of mature routes, higher fuel costs, foreign exchange fluctuations, and of course the ongoing blockade with their neighbors. There’s no denying that the Gulf blockade has a huge impact on their business: The airline is having to fly longer routes to avoid certain airspace, which increases their fuel bill and reduces their aircraft utilization The airline has had to cut routes to several countries, including Saudi Arabia and the UAE, which used to be their two single biggest foreign markets But there’s no end in sight for this blockade, so at this point this just seems to be an ongoing reality for them. Qatar Airways’ prolific CEO, Akbar Al Baker, had the following to say: “2018-19 was a year of achievement in the face of adversity for Qatar Airways. Despite facing challenges that are unparalleled in the airline industry, I am very proud that we have grown our fleet, expanded our network and seen overall revenue increase to QAR 48 billion (USD 13.2 billion), a rise of 14%. Passenger numbers are up, capacity as measured by available seat kilometres has risen and our Cargo business is now the largest in the world. 2018-19 was nonetheless a challenging year and while it is disappointing that Group has registered a net loss of QAR 2.3 billion (USD 639 million) – attributable to the loss of mature routes, higher fuel costs and foreign exchange fluctuations – the underlying fundamentals of our business remain extremely robust. Our success is due to an unwavering belief in our strategy to give our passengers the very best, backed by the perseverance and hard work of our staff. I look forward to 2019-2020 with optimism and confidence that our growth will continue and we will serve even more countries around the world.” My goodness, His Excellency has quite a take on the state of his airline (in fairness, he can also do no wrong): Click here to read more Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab, ayaa baahiyay qudbad dheer oo laga soo duubay hoggaamiyahooda ninka lagu magacaabo Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, taas oo uu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka. Qodbadda oo socaneysa mudo 20 daqiiqo ah ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin maalgashiga dalka, dagaalka lagula jiro ururkiisa, maamul goboleedyada, kiiska badda ee dacwadiisu taallo ICJ, dhulka Soomaaliyeed ee ay maamusho Kenya ee NFD iyo arimo kale. Abuu Cubeyda ayaa ugu horeyn ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxuuna sheegay in khilaafkaas uu banaanka soo dhigay saameynta ay Kenya iyo Itoobiya ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya iyo go’aanada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. “Xitaa go’aanadooda siyaasadeed u madax banaana, talaaba kastoo ay qaadayaan waxay u bandhigaan shisheeyaha, waxaa tusaale idin kugu filan waxa hadda ka socda Kismaayo iyo sida ay Itoobiya u maamuleyso talaabo kastoo ku saabsan doorashadii lagu qabtay ee maamulka ka taliya halkaas, sidoo kale Galgaduud waxaa ka taagan qalqal doorasho, kadib markii lagu daabulay ciidamo kala keenay Addis Ababa” ayuu yiri hoggaamiyaha Al-Shabaab. Mar uu ka hadlayay maalgashiga dalka ayuu sheegay Abuu Cubeyda in dalkan uu yahay dalka barwaaqeysan oo dhan kasta hodan ka ah, Allaahna uu ku maneystay macaadin iyo kheyraad fara badan kuwaas oo bad iyo barri intaba ka buuxa, isagoo ku baaqay dadku ay maalgashadaan dhulkooda kana kaaftoomaan gacan hoorsiga shisheeyaha. “Waxaan umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah ku dhiiragelinayaa in ay dalkooda maalgashadaan, dhulkoodana tacbadaan, dadkooda tabaaleysanna gacan qabtaan” ayuu yiri Abuu Cubeyda. Mar uu soo hadal qaaday faragalinta shisheeyaha oo uu tilmaamay in ay hormuud u yihiin Mareykanka iyo Ingiriiska ayuu sheegay in ay duulaan ku yihiin Soomaaliya, kana hortaaganyihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka, isla markaana ay ku dirqinayaan dhaqanada reer Galbeedka, boobna ay ku hayaan kheyraadka umadda Soomaaliyeed. “Mareykanka iyo Ingiriisku waxay doonayaan in aan u hogaansano oo marna aanan iska difaacin, waxay doonayaan in gumeystaha Afrikaanka ah ee Kenya iyo Itoobiya horboodayaan aanan iska dulqaadin, waxay doonayaan in gumaadka iyo xasuuqa ay ku hayaan bulshada Muslimka ah indhaha ka daawanno, gacmahana ka laabano, dhagahana ka owdano, waxay doonayaan inaan gardaradooda iyo gaboodfaladooda ay har iyo habeen kula kacaan Umadeena aqbalno oo marna aanan ka guban oo ka gilgilan” ayuu yiri. Hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday muranka badda ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka ay heysato ee NFD. “Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Al-Shabaab kasoo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamadda ICJ ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan, waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye” ayuu ka yiri kiiska badda. Isagoo sii hadalayay ayuu yiri, “Waxaa laga rabaa Umadeena in ay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dekado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Shirkii Golaha XFS Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018. Wasiirka Maaliyadda XFS oo ugu horreyn Golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshah dalka deynta looga cafinayo, ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay. Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan. Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar. Inta badan kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu yahay 31.5 milyan oo doollar Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar. Isbedelka guud ee dhanka kharashka ah ee ku yimid ku talagalkii miisaaniyadda 2019, waxaa qayb ka ah 9.5 Milyan oo ku korortay mushaaraadka iyo gunnada ciidamada iyo macallimiinta, 6 milyan oo loo qorsheeyeey maamulka hawada gudaha dalka kusoo wareegay, 8 Milyan oo dheeraad ah oo dowladda dhexe u qorsheysay dowlad gobaleedyada iyo 8 Milyan oo dhisme iyo iibin dhulal iyo dhisme safaareed loo qorsheeyay. PUNTLAND POST The post DFS oo lacag dheeraad ah u qorsheysay dowlad gobaleedyada appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Masuuliyiin Ka Hadlay Jabhad Lagu Sheegay Gobolka Awdal, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=Me6kWQm_0rE Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay in Dadka Muqdisho ay mudan yihiin in laga xiro jidadka isla markaasna ay rafaadaan, isagoo taas sabab uga dhigay inay iyaga yihiin Ballaayo waxaas keensaday. Ganacsadaha ayaa sheegay in Muqdisho lagu dhacay Hanti badan oo dad shacab ah ay lahaayen dhiig badanna lagu daadiyey midaasna aan weli laga toobad keenin waxna la iska waydiin. Wuxuu sheegay in fidnada Soomaaliya ay soo bilaabatay Sanadkii 1960 illaa haddana xal loo la’yahay, wuxuu tusaale usoo qaatay in dadkii riday Siyaad Barre ay awoodi waayeen inay dalka xal u keenaan ayna Muqdisho u kala jareen laba qeyb. Ganacsade Abuukar ayaa sheegay in haddii la rabo in laga baxo dhibaatada dadka Muqdisho heysato loo laabto Alle isla markaasna la iska dhaafo Dastuurka la isku xukumayo oo uu ku tilmaamay inuu yahay arrin gaar u ah Gaalada. Abuukar ayaa sheegay in madaweynayaashii dalka soo maray oo uu ugu dambeeyo Madaxweyne Farmaajo uu midba midka ka dambeeyo wax ka sheego isagoo sheegay inaysan waxba is dhaamin, wuxuuna tusaale u soo qaatay Farmaajo oo uu sheegay inuu horey u ballan qaaday inuusan xiri doonin jidadka markii dambana laga waayey. Wuxuu sheegay in markuu Famaajo tago uu imaan doono mid isaga ka daran dadkana ay dhihi doonaan Farmaajo ayaa fiicnaa. Ugu dambeyntii Wuxuu xusay inaysan Soomaaliya dowlad shaqeyso ka dhallan doonin inta uu Dalka leeyahay lix Madaxweyne sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Jamhuuriyada Somaliland waa Dal aan weli aqoonsi caalamiya helin Mana aha Dal xidhiidh caalamiya oo xiddidaystay la leh wadamo badan, Somaliland waa Dal dakhligiisu hooseeyo, oo kamid ah dalalka aduunka ugu dakhliga yar, Hase ahaatee Somaliland waa Dal DADKIISU firfircoon yihiin oo ay furfuran yihiin, kuna Wanaagsan baayacmushtarka, waxayna xidhiidh ganacsi la leeyihiin dunida dacaladeeda, iyaga oo u kala goosha dalal badan si ay uga soo waaridaan shixmado ganacsi,waxayna safar ugu kala baxaan dunida afarteeda gees,waxa jira kenbeniyo dad reer Somaliland ahi leeyihiin oo xidhiidh caalamiya laleh dunida laamana kuleh wadamo badan, Jamhuuriyada Somaliland hada waxa ka socda ganacsi maalinba maalinta ka danbaysa kobcaaya kaas oo ay Ganacsato shuraako ah iyo kuwo keli keli ahba leh, Ganacsiyada sidda xawaaraha u kobcaaya waxa ka mid ah Hudheelada, dhismaha, iskuulada. Se ganacsiga xawaaraha uu ku socdo xadhkaha goostay waa baayacmushtarka Caafimaadka. DHAKHAATIIR GANACSATA ayaa soo baxday oo siddii shaarshaarida shillin eryanaaya, Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland Waxa aad ugu soo badanaaya goobo caafimaad oo gaar looleeyey iyo farmasiiyo iyo shaybaadho intaba gaar looleeyey oo goobo ganacsi ah, dhamaan Dhakhaatiirta u diwaan gashan inay u shaqeeyaan dawladda, mid aan lahayn goob caafimaad oo uu gaar u leeyahay ma jiro, waxaad arkaysaa Dhakhtar jooga goob caafimaad sidda dhakhtarada Dowladda oo ku odhanaaya xagan sifiican wax laguuguma qabanaayee, hodhaw goobtayda kaalay, halkii ruuxa danyarta ah uu u eegi lahaa ee dawada jaban ama bilaashka ah ee dawlada siin lahaa ayuu baayacmushtar ka eegayaa, oo halka dhakhtarkan dawlada bilaashka uu ku arkaayo kiisa waa inuu tigidh u goostaa 10 doollar ama in ka badan ah, oo uu ku arkaayo, dawadii iyo sheebaadhkuna u dheer yahay, yaalaa dawada ay hayaan farmasiiyaha Dhakhaatiirtu gaarka u leeyihiin waa kuwo haya Dawooyinka yaala dhakhtarada Dowladda oo kale, waxa aad arkaysaa goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ay ka shaqaynayaan shaqaale da’doodu aad u yartahay, waxa aad arkaysaa farmasiiyo ay caruur da’yar ay hayaan oo ay dawada kaa iibinayaan, Siddoo kale haddii iraab laguu qoray ay kugu mudayaan, haddii dhaymo u baahantahayna ku dhayaaya, maxaayeelay waa goob ganacsi oo qoys leeyahay oo ubadka qoyska lagu carbinaayo si ay ganacsiga qoyska uga qayb qaataan, waxa kale oo Dalka kusoo badanaaya Dhakhaatiir ajahanabi ah oo debeda lagasoo waarido iyaga oo mudo kooban Dalka jooga, oo mudadaa waxa ay ku fuliyaan Qaliin, baadhitaan, iyo daweyn, Hadaba mudada waxay qalaan dad tiro badan, dadkii oo aan bogsan oo aanay eegin in qalniinkii wax u kordhiyey iyo in uu waxyeelo dheeraad ah u gaystay, ayey Dalka ka dhoofaan, ileen waa Dhakhaatiir Ganacsato ahe. DAWO DHOOBAN SUUQYADA oo meel laga maro lahayn ayaa iyana jirta, waxa aad moodaysaa in Somaliland tahay goobta lagu sameeyo Dawooyinka, xadiga Daawo suuqyada wadhan owgeed, waxa jirta in dawadii noqotay shixmad baayacmushtar oo ruux kastaa keeni karo, taas oo sabab u noqotay in Dawooyin bug ah ama faalso ah Dalka lakeeno, sidda aynu ognahay dunida waxa ka jira kooxo maafiyo ah oo foojari gareeya wax wal oo la sameeyo si ay Cid u caameeyaan, waxyaabaha aadka iyaga oo bug ah lasameeyo Dawooyinka ayaa u badan, siddaa laajigeed ruuxa ganacsatada ah Hadduuna aqoon u lahayn waa lacaamayn, Siddoo kale shacabku waa danyar oo ma iibsan karaan Dawooyinka tayada leh ee qaaliga ah, ruuxii baayacmushtariga ahaana wixii kasoconaaya ayuu soo waaridayaa ha ahaato bug ama macmal Mar haddii raqiis tahay kana soconayso, Waxaad arkaysaa dilaaliinta u dhigdhigaaya farmasiiyada iyo goobaha caafimaadka ee gaarka looleeyey Dawooyin sidda bagaashka loo xaraashaayo, iyada oo dilaaliintu leh intaa ku fasax adigana intaas ayaa kuugu jiree, nasiibdaro dilaalku aqoon umalaha dawada Mana sharixi karo wax tarka iyo waxyeelada ku lifaaqan ee dawadaasi sababi karto, se waxa uu doonayaa in dawadaas ay socoto oo la iibsado, waxa aad arkaysaa dad loo qoraayo bushqado Daawo ah, kuwaas oo sababi kara in ruuxa waxyeelo ka weyn gaadhsiinkara ta ay Daawo ahaan ugu qaadanayaan, haddiiba aanay qudh-gooyaba ku noqon, waxa aad arkaysaa ruux antibaayotig (antibiotic) kiish loogu miisay oo dhowr bilood quudo lagu yidhi, waxyeelo ba’an ayey Shacabka u gaystaan Dawooyin si qaldan loogu qoray, kuwo dhacay, qaar tayadoodu hoosayso iyo Dawooyin bug ah oo Cid samaysay la aqoon oo digo iyo danbaska ah, Dawooyinka ilaa xitaa wadhatooyinka ayaa bacadka la fadhiya, oo Waxaad arkaysaa kaar-jabin siddii tamaandho laysku dul saarsaaray oo wadhato iibinayso ama kabadhe kaaryoonle ahi, Dawo haddii Dhakhtar iyo farmasii lagu ogaa maanta suuqyada waa Dawo wararac. DHIBTA SHACABKU QABO oo Runtii laga gayoonahay soo bandhigeeda, hase ahaatee ta mudooyinkan danbe aad looga dayrinaayey waa waxyeelada loo gaysto Dadka, looguna geesto goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay, iyo siddoo kale dhakhtarada ajahanabiga ah ee Dalka intay mudo cayiman ku nagaadaan, haddana ka fulinaaya qalliino nolol badal ah, oo iyana Hagardaamo, waxyeelo naf iyo maalba leh u gaysta Shacabka, waxa aad arkaysaa inta ruux ee qalliin lagu sameey oo iyagii oo kasoo kaban qalliinka, bogsasho warkeed daaye, uu dhakhtarkii Dalka ka dhoofay dibna loo arag, waxa aad arkaysaa dad iyaga oo aan baadhitaan loo samayn iraab iyo kiniin lagu billaabayo, waxa aad maqlaysaa hebel ama heblaayo wey dhinteen oo Dawo khalad ahbaa lagu muday ama la liqsiiyey, waxa aad arkaysaa dad ka cabanaaya goobaha caafimaadka gaarka looleeyey oo leh Dhakhtaro maaha oo waa siddii Arbeerko oo kale Qolal iyo Sariiro loo kiraynaayo, dadbaa ku odhanaaya saacad heblaayo marka lagaadho waa in aad sariirta banaysaa, haddii ruux umushay tahay oo aanay khidmadii hayn inta ay soo qaadayso ilmaha ayaa laga Rahmayaa!. DHOOHANAANTA DOWLADDA kahaysata xaaladaha murugaysan ee Dalka gudihiisa ka taagan sidda ay u mooganyihiin ee aanay uga warhayn Dhibaatooyinka uu shacabku qabo, waa wax laga xumaado, waana masuul-daro, siddaynu ognahay waxa qudha ee aan la iibsan karin waa naf, Naftuna waa Nolosha, noloshuna waxay nolol kuu tahay waa caafimaad qabka, siddaa laajigeed shacab caafimaadkooda laga war hayaa waa shacab rajo iyo Dan laga leeyahay, waxay u muuqataa in Xukuumaddii gabtay shacabkii, iyada oo aynu ogsoonahay in 96% Shacabka Somaliland aynan ku tiirsanay Dowladda oo aynan ka helin wax gargaar iyo Guno toona, se xaga kale Xukuumadu 100% waxay wax ka heshaa waa Shacabka ha ahaato cashuurta ay ka qaado ama waxa deeqbixiyaashu ku bixiyaan madaxda Ummada, hase ahaatee Xukuumadu Waxaad moodaa inay moogantahay taa, sababta oo ah in aanay hoos u eegin shacabka duruufaha haysta iyo sidday xitaa ajahanabi tabtii caruusadihii wax lagu bari jiray intuu u qalqalo iyagii oo kala wadhan lasii galbinayo ee Dalka ka huleelaya, Sidda wasaarada caafimaadku uga gaabisay dabagalka Dawooyinka Dalka soo gala iyo inay baadhaan dawooyinku inay Dawooyin sax ah yihiin, in Dhakhtaradan dadkii danyarta ahaa dhiig miiranaaya ee lacagta lagu arkaayo inay Ummada ka qabato, oo Dawooyinkan siddii bagaashka loo keenaayo sharci u dejisaa, oo ajahanabigan Dadka ku barbaranaaya ka joojisaa, Hadal iyo dhamaan haddii xukuumaddii iyana baayacmushtari noqoto Dal iyo Dad masii jiro doono, waayo shacabka intiisa badani aadbuu u jilicsanyahay oo abaarihii iyo biyo la’aantii ayuu dalag iyo dunyaba ku waayey ciddina umay guntan, iminkana caafimaadkoodii ayaa ganacsi galay oo wadaado iclaajlayaal ah iyo Dhakhaatiir Ganacsata iyo Dawo Dhooban suuqyada ayaa isku kaashaday oo Runtii dhib ayey qabaan ee waa in dowladdu dadkeeda xaalaysaa. Illaahay baa Mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
  14. Qalinkii A/Rahmanfidhinle UK. Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland oo ahaa 217 dugsi ayaa haatan gaadhay 315 Dugsi ku waas oo isugu jira kuwo Sare/ hoose iyodhexe oo u kala baxa 78 dugsiyo oo sare iyo 237dugsi oo isugu jira Hoose / Dhexe iyo 39ah kuwa boodhinka ah ee la seexdo.Tirada guud ee ardayda dhigata ayaa lagu qiyaasay ilaa 120 kun oo arday.Tirada maclimiinta dugsiyaas ayaa gaadhaya 3500macalin oo ka tayo iyo tacliin fiican macalimiinta dugsiyada dawalada wax ka dhiga. Dugsiyadan tirada badan ee gaarka loo leeyahay waxaa lagu dhigaa ilaa iyo6 manhaj oo kala duwan sida manhajka, Ingiriis, Sudaan, Kenya, masar, Yaman iyoTurkiga . badanka Dugsiyadan ayaan manhajkoodu ku mudeysneyn sida manhajka JSL oo ah 4-4-4 taas oo macnaheedu yahay 4 sano oo dugsi hoose ah, 4 dugsi dhexe ah iyo 4 dugsi sare ah. Qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa maamula dad ajaanib ah oo looga baqanaayo in ay ilmaha la yeeshaan waalidka oo ay maskaxdooda wax kale ku shubtaan. Ka dib markii loo kuur galay ee daraasad lagu sameeyey qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa laga dhawaajiyey in qaar ka mid ah dugsiyadaasi ardeyda qaarkooday ciqaabaan gaar ahaan dugsiyada boodhinka ah ee magaalooyinka ka baxsan oo iyana tiradoodu gaadhayso 39 dugsi. In kasta oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ay Waax gaar ah iyo Agaasime Waaxeed u sameysay kuna dadaashay sidii dugsiyadaa loo xakameyn lahaa ee manhajka dawliga ah loogu soo dabaali lahaa hadana ilaa iyo hada ” Faanoole fari kama qodna ”Maadaama maamulka Dugsiyadaasi ka madax banaan yihiin Wasaarada Waxbarashada hadana madaxbanaanidaasi maaha in ay waxa ay doonaan sameeyaan waxaana Maareeyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ku adkaatay in uu qaar dugsiyadaa ka mid ah uu gudaha u galo oo uu kala xaajoodo arimaha manhajka dowliga ah iyo iskujaangoynta waqtiyada fasaxyada dugsiyada dalka. Hadaba waa maxay khataraha dahsoon ee ku gedaaman Dugsiyadaas gaarka loo leeyahay ee JSL ? 1- iyada oo laga cabsi qabo in ardeyda dhigata qaar ka mid ah dugsiyadaas infikirkooda la bedelo oo ay gacanta u galaan macalimiin dhaqan qalaad iyo diimo qalaad ku jiita ardeyda. 2- Qaar ka mid dugsiyadaa ardaydu waxay dhigtaan waxbarasho kala dhiman maadaama mudeynta manhajkoodu ku saleysan yahay 3-3-3 sanadood oo keliya. 3- Ka dib markii la sameeyey u kuur gal dahsoon, lana waraystay arday kala duwan oo ay ku jireen ardey dhaqan celin loogu daray dugsiyadaa gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ardaydaasi hayadaha ku shaqada leh Badbaadada caruurta uxaqiijiyeen in ay kala kulmeen Dugsiyadaas oo boodhin ahaa- jidh dil, nadaafad xumo, nafaqo daro, hanjabaad joogto ah iyo hagardaamooyin kale oo aanay qeexin. 4- Nasiib daro dugsiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaan Shanta albaadada xidhay ee ajaanibku maamulo may soo marin markii horeba Wasaaradda Waxbarashada iyo wasaarada Arimaha Debeda ee JSL, mana laha qawaaniin iyo xeerar adag oo lagu dhaqo, Albaabkana kamaba furaan Wakiilada wasaaradda waxbarashada ee howshaa loo igmaday. 5- Maadaama Wasaaradda waxbarashadu hawsheedii ka soo bixi wayday dugsiyadaana ay ka buuxaan ardey sita dhalashada wadamada reer galbeedka,Waxaa ku soo maqan dugsiyadaa qaarkood Hayado caalami ah oo nabadgelyada caruurta qaabilsan, sidaa daraadeed waa in ay dugsiyadaasi taxadar badan sameeyaan oo samaystaan qawaaniin iyo shuruuc cadaynaaya in ardaydoodu gacan nabadgelyo ku sugan yahiin inta ay dugsiyadooda joogaan. 6-Waxay wasaaraddu ka gaabisay in ay dhamaystirto shuruucdii iyo qawaaniintii waxbarashada gaarka ah iyo ta dawliga ahba lagu hagi lahaa laguna dhaqi lahaa. 7-Dugsiyadanimarna may soo dhaweyn ku dhaqanka meel marinta manhajka dowliga ah ee JSL iyodhamaan xeerarkaqeexaaya siyaasadda waxbarashada gaar ka ah. Wasaarada Waxbarashaduna kumay dhiiran in ay yeelato awood ay rusqadaha kala noqonto ku haysta kuwa aan haysana ay ku khasabto in ay qaataan. 8- Dugsiyadani waxay indhaha ka rideen waajibaadkii iyo shaqadii wasaaradda waxbarashada iyo shuruudihii dawliga ahaa ee ku wajahnaa meel marinta iyo fulinta manhajka qaranka JSL. 9- Qaar ka mid ah dugsiyani waxay ilaa iyo hada ay ka biyo diideen in lagu dhigo afka hooyo iyo manhajka qaranka Somaliland. 11-Badanka dugsiyadaasi ma laha nimaad isku dheeli tiran oo lagu kantaroolo waxbarashadooda si loogu kal soo naado manhajyadooda ay ka soo waarideen dalalka debeda. 12- In kasta oo ay lacag badan ka qaadaan ardeyda dugsiyadaasi hadana qaar ka mid dugsiyadaasi ayaa tayada waxbarashadoodu aad iyo aad u liidataa. 13- Hadii aanay wasaaradu dar dar gelin in ay wadashaqeyn buuxda la yeelato dugsiyadaas waxaa dhici doonta in ardeyda dugsiyadaasi ay helaan fursado loogu ogolaado in ay ku qishaan imtixaanka shahaadiga ah sida horeba loogu tuhmay 14-Waa in Wasaaradu ku khasabtaa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud si uu ruqsad qaanuuni ah u heloloona helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo. 15- Waa in Wasaaraddu kantaroolaan tirada ardayda fasalkiiba fadhiisata, nadaafada dugsiga, tayada waxbarashada iyo tayada gaadiidka ardeyda qaada intaba, 16- Waa inWasaaradda Waxbarashadu iyadu yeelataa Jaangoynta Waqtiyada la xidhaayo iyo waqtiyada la furaayo dhamaan dugsiyada JSL oo dhan. 17- Waa in Cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan Dugsiyadaasi sida cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda. 18- Waa dusgi waliba warbin sanadleh ah oo dhameystiran geeyaa Wasaaradda Waxbarasha si loola socda tayadooda waxbarsho. 19- Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahayiyo Wasaaradda Waxbarashadu isugu yimaadaan Xayn daabka sharciga iyaga oo ixtiraamaaya xeerarka waxbarashada . 20 – Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ay u hogaan samaan Xeer-nidaamiyaha loo dejiyey ee qeexaaya Siyaasada Waxbarashada gaarka loo leeyahay. Gunaanad: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo Qorshaha Shanta sanadood ee Waxbarashada JSL ( 2017 – 2021 -ESSP ) kuna falkiso sifeyaashii loo kantarooli lahaa dugsiyada gaarka loo leeyahay, Waxaana laga sugayaa in ay soo nooleyso xukuumadu xidhiidhkii wada shaqeyneed ee dugsiyada gaar ka ah iyo wasaaradda waxbarashada. Waana in ay dar dar geliso barnaamijka isku xidhka dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay isula jaan qaadaan dugsiyada dalku isuna caawiyaan dhinac kastaba. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle -Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Source
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018. Wasiirka maaliyadda XFS oo ugu horreyn golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshah dalka deynta looga cafinayo, ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay. Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan. Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar. Inta Badan Kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar. Isbedelka guud ee dhanka kharashka ah ee ku yimid ku talagalkii miisaaniyadda 2019, waxaa qayb ka ah 9.5 Milyan oo ku korortay mushaaraadka iyo gunnada ciidamada iyo macallimiinta, 6 milyan oo loo qorsheeyeey maamulka hawada gudaha dalka kusoo wareegay, 8 Milyan oo dheeraad ah oo dowladda dhexe u qorsheysay dowlad gobaleedyada iyo 8 milyn oo dhisme iyo iibin dhulal iyo dhisme safaareed loo qorsheeyay. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-19092019.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka abwaaniinta caanka ah Somaliland ayaa si weyn u dhaliilay Madaxweynaha Somaliland md. Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in tallo-xumadiisa ay u burburayso Somaliland. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook waxa uu ku yidhi: “Hadday Somaliland gacanta Muuse Biixi iyo talo-xumadiisa ku burburi weydo, weligeed burburi mayso. Doobir!!! Doobir!!!!! Doobir!!!!” Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa Maanta ka hadlay Dagaal u dhexeeya laba beelood oo Shalay ka dhacay deegaanka Masle oo hoos taga degmada Ceel Af-weyn. Dagaalkan oo sababay dhimashada shan Ruux iyo dhaawaca 9 kale, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ka soo saaray baaq nabadeed, isagoo dhanka kalena digniin u diray Cid kasta oo ka mid ah labada Beelood oo Tallaabo dambe qaadda, warkaasi oo Faahfaahsan halkan Hoose ka Daawo Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Salaad Oomaar oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay sababihii keenay in xayiraad la saaro Duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray Magaalada Kismaayo. Oomar ayaa sheegay inay Dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii uu sheegay inuusan maamul ka jirin Jubbaland ayna u cabsadeen xuduudaha dalka. Oomaar ayaa xusay iyagoo gudanayo waajibaadka ka saaran Xuduudaha inay amreen in Diyaaradaha ay soo maraan Muqdisho kadibna ay usii gudbaan Magaalada Kismaayo Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismaayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.” Mar Su’aal laga waydiiyey sababta aysan xayiraad u saarin Magaalooyinka kale ee Soomaaliya oo kaliya ay u bartilmaameedsadeen Kismaayo ayuu sheegay in meelaha kale ay ka jiraan Maamul ay Dowladda aqoonsatay uuna ka shaqeeyo Xafiisyada Immigration-ka Soomaaliya. Sidoo kale mar wax laga waydiiyey in Ujeedka laga leeyahay xayiraadaan uu yahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xiro Siyaasiyiinta Jubbaland ayuu sheegay inay arrintaas tahay been abuur ayna jirin cid ay dowladda dooneyso inay xirto marka laga reebo dad uu sheegay inay Booliska raadinayaan oo dambiyo galay. Hadalka Oomaar ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubbaland uu maanta soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland. Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho ku xirtay Wasiirkii Amniga ee Maamulka Jubbaland kadib markii diyaaradii uu saarnaa ay soo martay Magaalada Muqdisho kadib amarkii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya. Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay in xayiraada la saaray ay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamul Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in xayiraadda Dowladda ay saartay duulimaadyada Kismaayo aysan isaga shaqsi ahaan saameyn ku yeelan karin oo uu aadi karo halkii uu doono isagoo aan wax fasax ah ka qaadan Dowladda Dhexe balse cidda la cunqabateenayo ay tahay Shacabka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Wasiir Oomaar https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Omaar.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Washington, 17 Sep, 2019: The Government of the Federal Republic of Somalia warmly welcomes President Donald J Trump’s acceptance of credentials from Somalia’s new ambassador [...] Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno Iyo Waxgarad Si Adag Uga Hadlay Dil Shalay Ka Dhacay Gobolka Salal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. This is the third of a series of articles on past parliamentary elections held in Somalia between 1956 and 1969. The previous two articles on the same subject appeared on Hiraan Online on August 19 and September 1, 2019, respectively. Source: Hiiraan Online
  23. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Xidhay 3 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source