Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay agagaarka isgoyska Siinaay, gaaar ahaan dhinaca Yaaqshiid . Dilka ayaa waxaa fuliyey nin ku hubeysnaa qoray Ak47, kaas oo la sheegay inuusan wadan wax darees ciidan ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in wiilka la dilay uu watay mootada nooca loo yaqaano Fekonta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninkii geystay dilkaasi uu goobta ka baxsaday, kadibna ay soo gaareen ciidanka dowladda oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Waa dilkii labaad oo isla maanta ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona saaka koox hubeysan askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku toogteen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. View the full article
  2. Dowladda Jarmalka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $73 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Annett Gunther ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ku deeqeen ay tahay mid lagu taageerayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya. Deeqdan ayey Danjiraha Jarmalka kaga dhawaaqday munaasabad lagu xusayey 30 sano guuradii ka soo wareegatay midowga Jarmalkii Galbeed iyo Jarmalkii Bari oo Muqdisho lagu qabtay. Danjiraha Jarmalka ayaa sheegtay in dalkeeda oo xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya ay labada sano ee soo socota bixin doonaan lacagtaas, iyada oo intaasi ku dartay in ay lacagahani ku taageerayaan hay’adaha maaliyadda Soomaaliya si fursado loogu abuuro dhallinyarada una helaan tababarro, xirfado cusub, iyo dhismaha waddooyinka dalka. Ugu dambeyn Danjire Annett Gunther ayaa soo dhaweysay horumar ay sheegtay in ay Dowladdu ka sameysay dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-08102019.mp3 View the full article
  4. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan. “Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani’adamnimo” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, “waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro.” Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go’aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish. Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go’aanka madaxweynaha ugu yeeray mid “aragti gaaban iyo mas’uuliyad darro.” Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go’aanka madaxweynaha ayaa yidhi “marnaba maya,” isaga oo sheegay in tallabaadan “ay guul weyn u tahay Daacish.” Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. “Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad.” Ayuu yidhi. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan weli soo xulin xubnihii guddiga cusub ee doorashooyinka. Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka, labadaas xubnood ayaa kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha u gudbiyay xubinta uu u soo xulay guddiga cusub ee doorashada oo ah Xasan Yuusuf Ducaale. Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo uu sharcigu awood u siiyay inuu soo xulo saddex xubnood oo ka mid ah 7-da xubnood ee guddiga doorashada, ayaan weli soo xulin xubnihii uu ugu tallo galay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaan isna weli gudbin xubinta uu ugu talo galay guddiga cusub ee doorashada. Sida ay warar xogogaal ahi sheegeen, waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay Madaxweynaha iyo Cirro soo dhammaystiraan xubnaha laga sugayo, ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiga caanka ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sababta mushaharaadka loogu kordhin waayay shaqaalaha iyo ciidamada dawlada isaga dabadii ku macneeyay in dakhliga dawlada ee sare u sii kacaaya ay masuuliyiintu u isticmaalayaan dano iyaga u gaar ah. Waxa uu ku dhaliilay masuuliyiintii xilka uga danbeeyay in aanay lahayn dareen lagu daryeelayo dadka isla markaasna wax lagaga qabanaayo dhibaatooyinka dalka ka taagan. Eng, Maxamed Xaashi ayaa sidan u sheegay barnaamijka Maamul Wanaaga ee tilifishanka HCTV, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi” Waxii isoo galay wakhtigaygii iyo kuwii iga danbeeyay waxan ay ku faanaan ee ay leeyihiin intaas ayaan keenay in lays barbar dhigo intee dalka iyo dadka gasha intee daaro lagu dhistaaa, dhibaatadu waxay noqotay inay madaxdu wax gaar ah qabsadaan ileen lacag la’lama iman markaan dalka soo galnee, waxii wax loogu qaban lahaa umadda inyar ayay ku koobnaatay oo iyagu u isticmaalay dano gaar ah, lacagta ha korodhee maxay u qabatay dadweynaha maxaa laga faa’iday, maxaa baahidii lagaga baxay in dib loogu noqdo oo la eego haayad waliba waxay qaadato oo la eego waxay kordhisay iyo sida wax loo qaato, anigu waxaan xooga saarayay daynta oo aan bixiyo, dadkoo aan wax u kordhiyo waayo waxa wax qabanayaa waa dadka dadkaas hadaan la daryeelina arintu ma soconayso, fikradaydu waxay ahayd in daacadnimo lagu dhiso maamulka.” Maxamed Xaashi wuxuu intaas raaciyay “ waxa is waydiin ah waxan oo daar ah oo la dhisay qaarbaaba la dumiyay oo qaar ka sii dhaadheer laga dhisaye miyaa loo baahnaa, waxaynu u baahnayn daryeelka dadkeena iyo sidaynu wax ugu samayn lahayn, waxaan rabay marka laga tago boqolkaas aan kordhiyay in laysku eego waxa shaqaaluhu qaadanayo iyo nolasha qiimaheeda oo loo qiyaaso waxa ay ku noolaan karaan.” Waxa uu sharaxaad ka sii bixiyay dhibaatadu halka ay ka taagan tahay“ waxaad ka soo qaadaa warshadii sibidhka, aniga oo wasaarada ganacsiga ah ayaa la yidhi warshadii sibidhka ayaa la samaynayaa gudidii ayaan markaas ka mid ahaa, warshada waxaan anigu soo jeediyay in aynu inagu saamiyo ka iibino dadkeena oo si siman looga iibiyo dabadeedna waxa la yidhi hebel iyo hebel ayaa leh oo lagu naas nuujinayaa, siday ku baaqatay sidaas ayay ahayd, khasaaraha ay inaga gaadhay warshaduna sidaas ayuu ahaa,imikadan waxa la wadaa Cumaani iyo mid Kuwayti ah ayaa ka qaybgalaaya waa keegaagii oo aad leedahay ciday ila cun, inagu waaan bixin karnaa lacagta lagu bixin karo oo 40 milyan lagu qiyaasayo.” Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka sare ee xisbiga isla markaana u hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta magaaladda hargeysa loogu sameeyey Odey xaaji Cabdi Xariir oo ahaa odey weyn oo Reer Somaliland ah Bashiir Cabdi Xariir Aabihina ahaa Oo xubin Fulinta Xisbiga ah. Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxda kale ee Xisbiga ayaa u duceeyey Odeyga inu Alle swc Jannadiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Germany said Monday it will provide an additional $73 million in financial aid to Somalia as it vowed to boost bilateral ties. Ambassador Annett Gunther made the announcement while hosting a celebration in Mogadishu to mark German Unity Day attended by Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire. “To support Somalia on its path, Germany is increasing its support in its development cooperation by $73 million over the next two years,” said Gunther. “This increase, as was jointly agreed, will foster inclusive growth, skills development (through technical and vocational education and training) and urban infrastructure. Furthermore, Germany is engaging with a higher priority in rural development, agriculture and water management.” Also present at the event was the Speaker of the Upper House, Abdi Hashi Abdullahi, Minister of Foreign Affairs Ahmed Isse Awad and other members of the Somali government. Gunther noted that the substantial support by the German government honors the progress made by the Somali people. “It aims to support maintaining the positive trajectory Somalia has taken in recent years,” she added. The event, which took place at the European Union Diplomatic Compound, commemorated the 29th anniversary of the reunification of Germany on Oct. 3, 1990. View the full article
  9. MOGADISHU (Hiiraan Online) - Somali journalist Abdi Latif Dahir has been appointed the New York Times East Africa correspondent, the U.S news company has said. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (Hiiraan Online) - Somali journalist Abdi Latif Dahir has been appointed the New York Times East Africa correspondent, the U.S news company has said. Source: Hiiraan Online
  11. Washington (Caasimada Online) – Bilo un kadib markii uu xukunka qabtay, madaxweyne Donald Trump ayaa isaga oo aad u carreysan waxa uu sii-hayihii xilligaas ee xoghayaha amniga gudaha, Elaine Duke weydiiyey sababta aan wax uu ugu yeeray “qaxootiga Soomaalida liidata” looga mamnuucin Mareykanka. Sheekadan ayaa waxaa lagu faah-faahiyey qeyb ka mid ah buugga cusub ee “Border Wars” oo shaaca ka qaaday in Trump uu rumeysan yahay in Soomaalida ay halis ku yihiin Mareykanka. Bilo ka hor xilliga uu Trump sida carreysan uga hadlayo Soomaalida, waxa uu soo saaray amar madaxweyne oo dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee kasoo jeeda 7 dal oo kale looga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka. “Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqday inay naceyb gaar ah u qabaan Soomaaliya. Ayaga oo inta badan dadka Soomaalida usoo qaadanayey tusaale, marka ay ka hadlayaan halista qaxootiga imanaya Mareykanka,” ayaa lagu qoray buugga. Buugga “Border Wars” ayaa waxaa qoray Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka tirsan wargeyska New York Times. Bishii October 2017, toddobaadyo kadib markii Trump uu ku cowdsay Elaine Duke, oo xilligaas ahayd sii-hayaha xoghayaha amniga gudaha, waxaa soo wacay Stephen Miller oo ah la-taliyaha sare ee siyaasadda Aqalka Cad ee Mareykanka, isaga oo ku adkeystay in si deg deg ah la joojiyo qaxootiga ka imanaya 11 dal, gaar ahaan Soomaaliya, sida ku cad buugga. Duke ayaa diiday codsigiisa, sababtoo ah waxaa xlligaas socday kiis maxkamadeed oo ka dhan ah amarka madaxweynaha ee lagu mamnuucay dadka ka imanaya Soomaalida iyo 7 dal oo kale. Tan iyo markii uu xukunka yimid Trump, maamulkiisa ayaa hoos u dhac xooggan ku sameeyey tirada qaxootiga imanaya Mareykanka, waxaana tirada sanadkan ay gaartay heerkii ugu hooseeyey oo ah kaliya 30,000. Si kastaba, Trump ayaa damacsan inuu hoos usii dhigo oo uu gaarsiiyo 18,000. Qaxootiga kuma jiraan Soomaalida oo waxaa weli saameynaya amarka Trump oo dhaqan galay kadib markii ay xukmisay maxkamadda sare. Soomaalida kaliya ee Mareykanka iminka yimaada waa dadka kusoo gala Visa-ha, gaar ahaan waalid, caruur iyo xaas qof Mareykan ah, taasi oo xitaa in kasta oo sharci ay tahay, haddana aad loogu adkeeyo, lana marsiiyo baaritaano qaata bilooyin iyo sanado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddi uu dhawaan Golaha Guurtida Somaliland u saaray inuu Xal ka gaadho Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay, ayaa saaka War-bixin siiyey Gole-weynaha Guurtida. Xildhibaannada Guddiga ah oo muddo toddobaad ah ku mashquulsanaa sidii ay xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in Xeer Nidaamiyaha cusub ee wasaaaradda waxbarashadu uu Dastuurka baal-marsan yahay. Wasaaradda Waxbarashada ayaa Xeer nidaamiyaha cusub u cuskatay inaan Deeqaha Waxbarashada ee Itoobiya siisay Somaliland aan lagu darin Ardayda ka soo baxday Dugsiga gaarka ah. Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiga gaarka ah ayaa bilaabmay markii dugsiyada gaarka ah laga reebay 400 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya, kuwaasi oo lagu koobay Ardayda Dugsiga Dawladda Somaliland. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay Sharci-darro ah qorshe ay Wasaaradda Waxbarashadu ku doonayso in Dugsiga gaarka ahi ay sannad kasta Wasaaradda iska soo diwaangeliyaan, qorshahaasi oo ay diidan yihiin Dugsiyada gaarka ah. Guddiga War-bixinta siisay Guurtida ayaa Guddoomiyaha Golahaasi uu arrintan u saaray, ka dib markii Maamuleyaasha Dugsiyada gaarka ahi ay cabasho ula tageen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa wacad ku maray inuu maamulkiisu xooga saari doono wax ka qabashada amniga, nadaafada, canshuuraha iyo dib u dhiska. Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyey inuu la dagaalami doono dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala. Guddoomiye Filish ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarka Caasimada, si loo helo waddooyin dhisan, iyo dhismayaal qurux baqdan. “Muqdisho oo amni ah oo qurux badan oo waddo iyo dhisme burbursan lahayn in aan gaarno oo halkaasi aado ayaan rabaa, barakacayaasha inaan maareynno ayaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan amniga wax ka qabanno, waxaan rabnaa inaan la dagaalanno dadka canshuurta aan bixin ama sida xun u isticmaala.” ayuu yiri Cumar Filish. Tan iyo markii xilkan loo soo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxa uu waday dadaallo lagu hormarayo magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Dowladda Germany ayaa maanta ku dhawaaqday inay bixinayao $73 million oo ah caawinaad dhaqaale oo loogu talo galay Soomaaliy. Safiirka Gernany ee Soomaaliya Ambassador Annett Gunther, ayaa taageeradaan dhaqaale uga dhawaaqay magaaalada Muqdisho xilli uu Germany u dabaal dagayay xuska maalinta midnimada Dalkooda oo lagu qabtay Muqdisho. Ambassador Annett Gunther ayaa sheegay dalkiisu inuu kordhinayo taageerada ku saabsan horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay sii xoojindoonaan xiriirka labada dal. Dhaqaalahaan ayuu Jarmalku sheegay in wax looga qabandoono horumarinta iyo tababarada xirfdaha gacanta, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, horumarinta reer Miyiga, Beeraha iyo maamulka Biyaha. Dowladda Germany ayaa bogaadisay horumarka Soomaaliya ka socda. Dowladda federalka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay helaysay balanqaadyo boqolaal milyan oo dollar oo caalamku ku taageerayo dadaalada lagu gaarayo hiigsiga 2021, oo ah in dalka ay ka dhacdo doorashooyin dadweyne. Puntland Post The post Germany oo ku dhawaaqday inay $73 million siinayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada ah ee dalka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobey, Mahesh Kumar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo waddamo kale ay buuxiyeen shuruudaha dhanka dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey. Mahesh Kumar ayaa shaaciyey in dalalka Somalia, Comoros, Sao Tome iyo Princip, ay dhameystireen shuruudaha dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay xoghayuhu in hadda dalalkaasi ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan. Dhinaca kale xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa sheegay in dhammaadka bishan October ay istaagi doonaan shaqada ee QM. Xoghayaha ayaa arrintaasi sabab uga dhigay dhaqaale xumi soo wajahay Qaramada Midoobay. Guterres ayaa xusay in laga gaabiyey bixinta Qaaraanka ay ku shaqeyso Qaramada Midoobay oo uu ku eedeeyey dalaka xubnaha ka ah. Arrintan ayaa haddii aan wax laga qaban waxa ay saameyneyn doontaa dhammaan howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Kooxda Heegan Sports Club ee ciidanka booliska ayaa bogeeda bulshada ku shaacisay in ay soo qaateen goolhayaha kooxda degmada Waaberi sanadkan u sahlay in ay usoo gudbaan fiinalaha tartanka kubbadda cagta degmmoyinka 2019 kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir Abwaanka wuxuuna xidigan diirada u saarnaa kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,ka dib wacdarahii uu kusoo bandhigay olalahan. Guddoomiyaha naadiga Heegan Cabdiraxmaan Mursal ayaa kooxdiisa kusoo dhaweeyay laacibkan,isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin soo qaadashada xidigan oo muhiim u ahaa iyaga. “Waxaa kooxda arimo shaqsi ah ugu tagay goolhaye Mustaf Nakuuja oo door wanaagsan kulahaa kooxdeena,talaabadan waxa ay taageerayaasheena u arkaan mid wax badan ka dabooli karta kaalintii uu baneeyay laacib Mustafa” ayuu Goobjoog ugu waramay guddoomiye Cabdiraxmaan Mursal Goolhayahii hore kooxda Heegan Sports Club Mustaf Maxamed Yuusuf (Mustaf Nkuuja) oo arimo shaqo kooxdiisa kaga tagay bilo ka hor ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howshan uu kaga mahadcelinyo maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha naadigiisa. “Goolhaye Cabdiraxmaan waa qof dhallinyaro ah oo hami wanaagsan ka leh in meel sare ka gaaro xirfadan waxaan u rajaynaa in uu guulo waaweyn la gaaro kooxdiisa cusub,balse waa shaqo adag oo u baahan da’daal iyo dhabar adaag” ayuu Goobjoog ugu waramay goolayhii hore kooxda Heegan Mustafa Nakuuja. “Ku biiritaanka kooxda Heegan Waxaan u arkaa in ay tahay mid aad u wanaagsan waxaa la iga sugayaa waa waxa xigadoono in bandhigayga,balse waxaa xooga saarayaa in aan horomaiyo kooxdayda iyo xirfadayda iyo in aan kula guulaysto koobaba badan ayuu goolhaye Cabdiraxmaan Daahir u sheegay Goobjoog. Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti, kuna geeriyooday shalay dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Ciidammada Somaliland Oo War Xasaasi Ah Soo Saartay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-galaTalefeshinka Universal, agaasimaha ayay ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey. Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xidheen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xadhiggiisa. Warkan wixii ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com Source
  20. (SLT- Minnesota)-Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi. Ihaan Cumar ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay. Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii. “Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan. Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda carruur ah ee ay isu dhaleen. Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka. Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xidhan ee loo doorto Congress-ka Maraykanka. Source
  21. Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa guddoomiyahii degmadaasi ee dhowaan xilka laga qaaday iyo ku xigeenkiisii dhanka maaliyadda. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilka ka qaadday guddoomiyahii Buulo-burde C/casiid Daahir, waxaana xilkaasi si KMG ah loogu magacaabay inuu sii hayo guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda Liibaan Cabdi. Guddoomiye Cabdi Casiis ayaa sheegay in aanu jirin xil laga qaaday, islamarkaana aanay soo gaarin warqaddii shaqada looga joojiyey, sidaasi darteedna uu shaqadiisa sii wadan doono. Saakay ayuu ciidamo la tagay xafiiskiisa, wuxuuna bilaabay in shaqooyinkiisa uu si caadi ah u wato, halka guddoomiye ku xigeenka maaliyadda uu isna dhankiisa bilaabay qabashada shaqadii guddoomiyaha, maadaama si KMG ah isaga xilkaasi loogu magacaabay. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la saadaalin karin sida ay wax ku dambeyn doonaan, iyadoo degmada Buulo-burde arrintan aad looga hadalhayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulkaasi, Axmed Madoobe. Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xafladda caleema saarka ay dhaceyso marka ay soo dhameystirmaan wufuuda ka qeyb galeysa munaasabadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cadaadiska faraha badan ee ay dowladda federaalka ku heyso Jubbaland uu ka dhalan karto kacdoon shacab, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo labo jeer ah uu dib u dhac ku yimid munaasabadda caleema saarka, sababa la xariira khilaafka dowladda iyo Jubbaland. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax isku soo dhowaansho oo labada dhinac ah. Khilaafkan ayaa ka soo bilowday doorashooyinkii iska soo horjeeday ee dhowaan ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo gabi ahaanba ay ka hortimid dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  23. (SLT-Washington)-Garsoore ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku amaray inuu waaxda dambi baadhista ee New York uu u soo gudbiyo canshuur celintiisii ee 8-ddii sannadood ee ugu dambeysay. Garsooraha ayaa diiday doodaha qareenada madaxweynaha ee ah in xasaanada guud ay ilaaliso isaga inta uu xafiiska joogo. Mr Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykanka soo maray ee aanan shaacin cashuur celintiisa tan iyo sannadkii 1960-kii. Xukunkaan maxkamadda ayaa waxa uu sahlayaa baaritaanka ku saabsan lacagtii la sheegay in la siiyay labadii dumar ee sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump. 75-ka bog ee xukunka lagu qoray ayuu garsoore Victor Marrero ku sheegay in uusan aqbali karin “sheegasho aan xad lahayn oo ku aaddan xasaanadda madaxweynaha ee nidaamka garsoorka”. Qareenada madaxweynaha ayaa islamarkiiba dacwad racfaan ah u gudbiyay maxakamadda sare. Dhanka kale madaweynaha ayaa xukunka ka dib bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in arrintani ay dabada ka riixayaan dacwad oogeyaasha Dimuqraadiga si madaxweyne Trump dambi loogu helo. Baadhintaanka ayaa waxa uu quseeyaa lacag uu qareenkii hore ee madxweyne Trump siiyey laba haween oo sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump. lacagta la sheegay in dumarkaasi la siiyay ayaanan loo soo gudbin guddiga doorashada ee federaalka. Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah lacagtaasi la bixiyay ma waxaa loogu talagalay in lagu dhowro sumacadda gaarka ah ee Mr Trump ama waxaa lagu difaacayay sharafta musharax madaxweyne. Source
  24. (SLT- Lampedusa)-Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyooday kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Lampedusa, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga. 22 qof oo kale ayaa badda laga soo bad-baadiyey. Doontan siday muhaajiriinta ayaa rogmatay ayada oo doon ay leeyihiin ilaalada ay isku dayeysay inay muhaajiriinta kasoo qaado meel badda ah oo 10 km u jirta Lampedusa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ilaada Xeebaha. Doomo iyo diyaarado qumaati u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaada Xeebaha Talyaaniga ayaa weli raadinaya dad la la’yahay. Warbixino laga soo xigtay mas’uuliyiinta Sicily oo ay soo waceen muhaajiriinta ayaa sheegaya in qiyaastii in ka badan 50 qof ay saarnaayeen doonta. Ururo aan dowli ahayn ayaa sheegay in ku dhowaad 30 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan sideed caruur ay suurta-gal tahay in la la’yahay. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 muhaajiriin ah ay illaa iyo hadda sanadkan dhinteen, ayaga oo ka isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub. Source
  25. (SLT-China)-Shirkadda Batroolka ee dowlada China ayaa la sheegay inay iskaga baxday heshiis Maalgashi oo ay la gashay dowlada Iran, go’aankan oo la sheegay inuu la xadhiidho cadaadiska iyo cunaqabateynta Maraykanka uu saaray wadanka Iran. Wasaarada Batroolka ee Iran ayaa xaqiijisay in Shirkada China laga leeyahay ay hore heshiis maalgashi oo gaadhaya 5 Bilyan oo dollar kula gashay wadanka Iran mashruuca balaadhinta xarumaha Gaaska laga soo saaro badda Iran. China ayaa xiligan dagaal ganacsi kula jirta Dowlada Maraykanka oo cashuur dheeraad ah kusoo rogtay qalabka ay u iibgeeyaan dalkaasi, waxaana hadda socda gorgortan u dhaxeeya Maraykanka iyo China balse aan weli lagu heshiin, waxaana loo badinayaa in go’aanka China ay uu kaga baxday Iran la xadhiidho gorgortanka ay kula jiraan Maraykanka. Source