Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Kampala)-Shirkadda diyaaradaha dawladda Yugaandha ayaa sheegtay in ay duulimaadyo ka bilaabayso khadad cusub oo ay Somaliland ka mid tahay. Magaalooyinka iyo dalalka ay shirkaddu shaacisay in ay duulimaadyo ka bilaabayso ayaa kala ah Kinshasa, Zanzibar, Asmara Eritrea, Hargeisa(Somaliland), Lusaka, Harare, Johannesburg, Djibouti iyo Addis Ababa Uganda Airlines to add nine new routes xigasho: Nilepost Source
  2. Unknown gunmen have shot and killed a young man at Sinai intersection in the Somali capital, Mogadishu. Two men armed with pistols gunned down the man, who is yet to be identified. According to witnesses, the deceased was killed while he was getting out of parking with his motorcycle and was shot several times in the head by attackers on another motorcycle. Witnesses have identified the deceased man as a famous electronic engineer from Bondere district of Mogadishu. The unknown gunmen managed to immediately escape from the crime scene before security forces arrived. The motive behind the murder of the young man remains unclear, and no group has claimed responsibility for the killing. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khaye ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada. Xubno ka tirsan Wasaaradaha iyo Hay’addaha ay u quseyso arrintan ayaa kasoo qaybgalay shirka oo looga hadlay barnaamijyadda la xiriira horumarka iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyadda bulshadda. Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa kamid ah tubaha Qaranka ee ugu muhiimsan barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, kaas oo madaxda dalka ay rajo fiican ka qabaan in ay ku guuleysan doonan. Xukuumadda Federaalka ah ee haatan jirta ayaa waxay dedaal xoogan ku bixineysaa sidii dalka looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay, taasoo gaareysay malaayiin Doollarka Mareykanka. Hoos ka daawo sawiradda kulanka View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali (Baqdaadi) ayaa guddoonsiiyey shahaadooyin hawl wadeennada Hab-maamuuska Madaxtooyada oo uu u soo gaba-gaboobay tababar muddo Seddex Todobaad ah. Tabbarkaan oo ku saabsanaa anshaxa iyo habmaamuska ayaa inta uu socday waxaa khabiir Soomaaliyeed Danjire Ciise Cali Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey diblumaasiyadda uu la wadaagay Saraakiisha Habmaamuuska Madaxtooyada casharro ku saabsan anshaxa iyo diblumaasiyadda, gaar ahaan xiriirka la mucaamalka diblumaasiyiinta iyo hannaanka soo dhaweynta maamuuska Madaxda Caalamka. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa sheegay in casharradan ay qaateen Saraakiisha Habmaamuuska Madaxtooyada ay ka tarjumayaan dib u soo kabashada dalkeenna oo haatan u diyaarsan marti gelinta iyo in ay ku soo hirtaan Madaxda Caalamka. Dhankiisa, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdi Cumar Cali ayaa xusay ahmiyadda ay shaqaalaha Hab-maamuuska u leeyihiin joogteynta taba-barrada iyo tayeyntooda, Waxa uuna u mahadceliyey Safiir Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo aqoonta durugsan iyo waayo aragnimada uu u leeyahay hab-maamuuska u gudbiyey shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka. Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali (Baqdaadi), Kusimaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdillaahi Sh. Cabdikariin iyo Danjire Ciise Cali Maxamed “Ciise Dheere” oo isagu tababarkan u fidiyey hawl-wadeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada. View the full article
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Afhayeenka Golaha Qaranka ee Kenya Justine Muturi iyo safiirka Mareykanka ee kenya Kyle McCarter ayaa waxaa dhex-maray dood kulul oo ku saabsan qaraarkii Kenya ay ku fashilantay ee golaha ammaanka ee QM. Muturi ayaa Dowladda Mareykanka oo uu ku tilmaamay inay tahay mid awood badan ku eedeeyey inay diiday dalabkii Kenya ee ahaa in Al-Shabaab loo aqoonsado koox argagixiso caalami ah. Muturi ayaa tallaabada uu Mareykanka qaaday ku tilmaamay inay tahay mid Al-Shabaab u fududeeneyso inay lacago ka helaan hay’ado ajaanib ah. “Maskaxda ayaan ku hayaa go’aankii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku diiday inuu Al-Shabaab ugu aqoonsado koox argagixiso ah. Tani waxay xaqiijineysaa inay kooxdu noqoneyso mid hesho maal-gelin xitaa canshuur bixiyeyaasha,” ayuu yiri Muturi. Waxaa durba arrintaas ka jawaabay Safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya Kyle McCarter kaasoo sheegay inuusan Mareykanka waligiis ku fashilmin inuu Kooxda mintidiinta ee ka dagaalanto Soomaaliya u aqoonsado koox Argagixiso ah. Sida laga soo xigtay McCarter, Mareykanka wuxuu taageeray qaraarka Qaramada Midoobay ee lambarkiisa yahay 751 kaasoo Al-Shabaab u aqoonsanayo inay yihiin koox argaggixiso, isagoo beeniyay eedeymaha uu u jeediyay Afhayeenka Golaha Qaranka ee Kenya Justine Muturi. Qaraarka 751 ayaa sidoo kale ah midka ay taageereyso dowladda Soomaalida oo diidan qaraarka Kenya ee 1267. “Tani wax su’aal ah kama taagno, Mareykanka Al-Shabaab wuxuu u aqoonsan yahay urur argagixiso, waxaana mar kasta u isticmaaleynaa kooxdaan wax kasta oo ku jira qaraarkaas “ ayuu yiri McCarter. Si kastaba ha ahaatee McCarter ayaa sheegay in Mareykanka uusan ku qanacsaneyn codsiyada Kenya ee ah in ay joojiso dhammaan gargaarka bini’aadannimo ee la geeyo Soomaaliya oo kasoo kabaneysa dagaalo sokeeye. “Arintaani waa arrin u baahan in maanta si cad loo cadeeyo. Codsiga ka yimid Kenya wuxuu ahaa qaraarka 1267 oo ay ku jirto in meesha laga saaro daryeelka bani’aadamnimada ee Soomaaliya” ayuu yiri McCarter. Labada mas’uul ayaa hadalkaan isku dhaafsaday intii ay socotay Xafladda furitaanka shirkii sirdoonka iyo Amniga Baarlamaanka ee Isniinta ka dhacay Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-8102019.mp3 View the full article
  7. MOGADISHU (HOL) - Germany has announced a $73 million aid package to Somalia over the next two years adding to increasing international aid to the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  8. Washington (CNN)I n the first few months of his administration, President Donald Trump asked then-acting Homeland Security Secretary Elaine Duke why he could not ban refugees from "f*****g Somalia" in a bout of rage at his Bedminster golf club. Source: Hiiraan Online
  9. Hussein Mohamed, Kenya’s top political show host, will be leaving Citizen TV after a 10-year stint. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa wajahaya caqabado iyo culeyso badan oo dowladda Soomaaliya ay kaga hor-istaageyso inay tagaan xarunta guddiga doorashada qaranka. Fowsiya Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya haddana kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiro ayaa maanta sheegtay inay ka taagan tahay tagitaanka Xafiiska Guddiga madaxa banaan oo ku yaal gudaha Xarunta madaxtooyada. Waxay sheegtay inaysan xisbiyada tagi karin halkaas oo aysan awood u laheyn, taasina ay hor taagan tahay shaqadii guddiga. Waxay asxaabta kula talisay in guddiga laga caawiyo sidii loogu dhisi lahaa dhulkii dhawaan laga siiyey Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid dan u ah Dalka iyo Xisbiyada. “Masuuliyiinta Xisbiyada dhibaato ayay ku qabaan in ay tagaan xarunta Guddiga madax banaan doorashooyinka ee ku yaala Madaxtooyada” ayey tiri Fowsiya. Fowsiya ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan inay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah. Waxay sheegtay in Xisbiyada mucaaradka ay u diyaar garoobeen in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod si looga gudbo hab qeybsiga 4.5 “Xisbiyada midowbay waxaa ka go’an oo ay garteen in danta dalka ku jirto in laga gudbo 4.5 loona gudbo codeyn qof iyo cod ah” Waxay tilmaamtay inay arrintaas 2017 ku heshiiyeen Dowladdii hore iyo Maamul Goboleedyada, waxayna sheegtay inay tahay wax fudud oo la qaban karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Kulanka wasiir Dhabancad iyo qunsulka Ethiopia Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa ka warbixiyay kulan uu maanta Garoowe kula qaatay qunsulka dowladda Ethiopia u fadhiya caasimadda Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo qunsulka Ethiopia uu ku saabsanaa siyaasadda xakamaynta qulqulka muhaajiriinta u dhashay waddanka Ethiopia ee soo galaya gudaha Puntland iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi tahriibayaasha ah. Mudane Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ay dib u celisay ilaa 3000 kun oo muhaajiriin Ethiopian ah kuwaasi oo dalbaday in dib loogu celiyo waddankoodi halka hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay gudaha Puntland dib uga celisay in ka badan 300 boqol oo isla muhaajiriin Ethiopiana sida wasiirku sheegay. Waxa kale oo wasiirku sheegay in iyadoo lala kaashanayo qunsuliyadda Ethiopia ee ku taalla Garoowe uu weli socdo qorshaha dib u celinta muhaajiriinta iyo tahriibayaasha u dhashay waddankaasi ee soo galaya gudaha Puntland. Dhinaca kale wuxuu caddeeyay in dowladda Puntland ay ka go’antahay daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi duruufaysan ee muhaajiriinta ah islamarkaana ay qunsuliyadda Ethiopia isla garteen in la xakameeyo qulqulka tahriibayaasha. Hoos ka daawo wareysiga wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay dib u celisay 3000 oo soogalooti Ethiopian ah appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in madax-dhaqameedkii dhawaan la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)- Madax-dhaqameed Iyo Siyaasiyiin Baaq U Diray Xukumadda Farmaajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Nasiib-darro Ku Tilmaamay Dhisme Ka Socda Dugsiga Sheekh Bashiir, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Nairobi)-Khilaaf dhinaca hawada ah oo soo dhex kala dhex galay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay faro-gelisay Maamulka hawadeeda, ka dib markii diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ay si toos ah u fadhiisatay Magaalada Kismaayo, inkasta oo ay marka hore soo martay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Maamulka Hawada ee Soomaaliya (SCAA) ayaa Kenya ka dacweeyay Hay’adda Maamulka Hawada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (ICAO), sida laga soo xigtay Masuul aan la Magacaabin, sida uu Salaasada Maanta qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Magaalada Nairobi. Sabtidii, Kenya waxay diwaangelisay diyaaradda Fokker 50, 5Y-JXJ oo daad-guraysay Siyaasiyiin isla-markaana fadhiisatay Kismaayo, Magaalo Madaxda Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Bishii September, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in aanay Kismaayo tagi karin, iyagoon fadhiisin Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Kenya iyo Soomaaliya ayaa hore waxa uga dhexeeyay Khilaaf dhinaca badda ah. Source
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Biixi ayaa wada qorshe cusub oo ay ku qabsanayso dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay ku gaarsiineyso adeegyo kala duwan. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay Somaliland ka faa’iideysaneyso marinka istaraatijiga ah ee ay ku taalo, midkaasi oo ay iskaga kala gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliland ay rabto inay nabadeed ay kaga faa’iideysato sidii ay dhakhli uga abuuri laheyd maraakiibta caalamiga ah ee iskaga kala gooshta bada cas, wuxuuna yiri “Horta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunka istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno”. “Maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaan ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faa’iido ka helno”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno bee’ad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maal-geliyo uu xoolihiisa la bixi karo”. “Imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanu u samaynaa tas-hiilaad, dhaqaale ahaan sharciyda cashuuro caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino”. “Markaas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono hab ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Cabdullaahi Xaaji Wariyaha rug caddaaga ah ee muddada dheer BBC-da ka hawlgali jiray Cabdullaahi Xaaji ayaa xalay la guddoonsiiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Soomaalida, ISA, taas oo sannad kasta lagu qabto magaalada London. Sacad badan ayaa u dhacay markii Cabdullaahi Xaaji uu soo istaagay masraxa, waxaana magaciisa ku dhowaaqay wiil uu dhalay Axmed Xassan Cawke oo muddo dheer ay soo wada shaqeeyeen Cabdullaahi. Wariye Cabdullaahi Xaaji oo hadda hawlgab ah ayaa ka sheekeeyay kaalintii uu ku lahaa horumarinta Afka Soomaaliga intii uu ka tirsanaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. “Barigii wadahadaladii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ayaa aad u maqli jirey, kalmadda ‘Peace Process’ , waxaan ku fasiray Geeddi Socodka Nabadda, aad ayaa loo qaatay, balse nimankii aan wada shaqaynaynay waxay yiraahdeen, waa maxay waxan , ma miyi baynu joogtaa” ayuu yiri Cabdullaahi Xaaji oo aad loogu xusuusto eraybixinta ay ka midka tahay ‘Barwaaqo Sooraan’ iyo kuwa kale. Waxa uu ahaa qof aad u jecel shaqada, mas’uuliyad dheerna iska saara shaqada, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri “30 sanno ayaan BBC-da u shaqaynayay iyo 10 sanno oo galin aan soo gali jiray, dadka waxay dhihi jireen ninkan miyuusan dhimanaynin, afartankaas sanadood waligeed fasax dheer ma qaadanin, waayo mas’uuliyad baan iska saaray dadka Soomaalida ah ee i dhagaysta”. Qabanqaabiyeyaasha munaasabadda ayaa Cabdullaahi Xaaji u aqoonsaday in uu yahay qof wax weyn kusoo kordhiyay Soomaalida intii uu noolaa, tahayna in lagu abaalmariyo. Cabdullaahi Xaaji oo waraysanaya Maxamed Siyaad Barre, madaxweynihii Soomaaliya Waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaano ‘Lifetime Acheivement Award’ ama ‘Mirodhalka Nolosha’ oo la siiyo dadka intii ay noolaayeen ka miro dhaliyo hiigsiyada nolosha midkood oo waxtar u leh isaga iyo bulshadadaba. Cabdullaahi Xaaji oo ka hadlay sida uu u arko abaalmarinta dhif iyo naadirka ah ee la siiyay ayaa yiri “Waa abaalmarin aan aad ugu faraxsanahay, aanan ilaashan doono inta aan noolahay – Waxaanan ku aqbalayaa si mahadnaq qotodheer ay ku dheehantahay”. Qaran News
  18. Izmir (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu tababar uga socdaa dalka Turkiga xilli wadankaan Africa ku yaalo uu dagaal kula jiro Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab. Tababarka la siinayo Saraakiishaan ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wuxuu ka socdaa Dugsiga Sare ee loogu talagalay Cutubyada taliska Ciidamada Turkiga, wuxuuna ku yaalaa Magaalada ku taal Galbeedka Turkiga ee Foça. Tababarkaan oo socon doono muddo Lix Asbuuc ah ayaa Saraakiishaan waxaa lagu bari doonaa halista Argagixisada, burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhaca, howlgalada gaarka ah iyo sidii looga jawaabi lahaa weerarada Argagixisada. Tababarkaan ayaa waxaa taageereyso Hay’adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga (TİKA) oo gargaar horumarineed siisa Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalo Africa. Saraakiisha Soomaalida ee tababarkaan qaadanayo ayaa gaarayo illaa 10 waxayna isugu jiraan qeybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuraleyda. Lt. Önder Yıldız oo ka mid ah tababarayaasha ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu (AA) in ardaydaan ay xiiseyneyaan inay wax bartaan. “Waxay diyaar u yihiin inay bartaan waxyaabo cusub waana ku faraxsanahay inaan awoodno inaan caawinno,” ayuu yiri. Yıldız wuxuu intaas ku daray in saraakiisha Somaliyeed la siin doono shahaado si ay si sax ah uga jawaabaan halista argagixisada kadib markay dhameeyaan tababarka. Abdurrahman Abdullah Muhammad oo ah kormeere Booliis Soomaali ah oo dhiganayay koorsada ayaa sheegay inuu ahaa tababar adag laakiin runtii ahaa mid hufan. “Waxaan aragnay marti-gelinta Turkiga, halkaan waxaanna ku barannay waxyaabo faa,ido u leh dib-usoo kabashada Soomaaliya, markaan runta ka hadlo waxay ahayd koorso aad noogu adag oo waxaan xasuustaa inaan lumiyay neefsashada mararka qaarkood markaan hirgalinayno wixii aan bartay.”ayuu yiri Abdurrahman . Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  19. Golaha wasiirada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ansixiyay in la kordhiyo howlgalada milatari ee ciidamadooda ka howlgala biyaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE). Kalfadhi uu shir-guddoominayay Madaxweyne Moon Jae-in ayaa waxay ku heshiiyeen isaga iyo golihiisa xukuumada in la kordhiyo sii wadida howlgallada ciidan illaa Dec. 31, 2020. Kuuriyada Koonfureed ayaa sanadkii 2009 gacanka Cadan u dirtay 300 kamid ah ciidamadeeda aadka u tababaran, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida. Dhanka kale, ilaa 140 kamida ciidamada gaarka ah ayaa laga howlgaliyay Imaraadka Carabta ilaa bishii Janaayo 2011, kuwaas oo loogu talo galay inay tababar siiyaan ciidamada maxalliga ah. Bishii August, Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysay in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap. Puntland Post The post Kuuriyada Koonfureed oo muddada u kordhisay ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo Imaaraatka appeared first on Puntland Post.
  20. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisada xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Xiisada ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha degmadaasi, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Duurow. Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle ayaa xilka ka qaaday Duurow, waxaana si KMG ah uu xilkaas ugu magacaabay Liibaan Cabdi oo ahaa ku-xigeenka Maaliyadda degmadaasi. View the full article
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle. “Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan. DHAMMAAD View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa shalay markii ugu horreysay maray nidaamka hubinta shaqaalaha dowladda ee ka badqabka Al-Shabaab iyo urur diimeeyada kale ee dalka ka jira. Qaybta amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir ayaa shalay lagu bilaabay hubinta waxaana shaqadaas qabanayay hay’adaha amaanka ee gobalka Banaadir, iyadoo wareysiyada ay qaadaan isla maalintaas u gudbinyay hay’adda NISA oo hubin kale ku marsiineysay Godka Jilacow. Su’aalo isku mid ah ayaa la weydiinayay shaqaalaha waxaana tirada su’aalaha lagu sheegay in ka badan 20 su’aalo oo qaarkood isku soo noqnaya si qofka looga helo jawaabo aan is waafaqsaneen. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah su’aalihii dadka la weydiiyay waxaana kamid ah. 1) – Qofka shaqaalaha waxaa la weydiinayaa qabiilkiisa ilaa 3 heer ama ilaa jufo hoosaadka. 2) – Sidoo kale waxaa la weydiinayaa Yaa waaye Xildhibaankaaga, Nabadoonkaaga ka diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha. 3) – Maxaa qaban jirtay ka hor inta aadnan dowladda u shaqa bilaabin. 4) – Maka mid noqotay Al-Shabaab, Daacish ama urur diimeed kale sida Xisbul Islaam, Maxkamadihii iyo kuwa kale. 5) – Qof kamid ah qoyskaaga maka tirsanyahay Al-Shabaab, hore ma uga mid noqday, xataa qof aad daris aheydeen. 6) – Imisa Xaas ayaa leedahay, Caruurtaada waa imisa, Imise guur ayaa soo martay. 7) – Iskuulkee ka soo baxday, maxuu ahaa luqadaada waxbarashada ma Carabi mise English, Jaamacadee ka baxday/dhigataa iyo su’aalo kale. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dedaalo lagu hubinayo shaqaalaha dowladda oo dhan, waxaana hadda socda hubinta guud ahaan shaqaalaha dowladda. Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog arinatan ku saabsan, waxaana maanta la filayaa in la hubiyo shaqaalaha qaybta arrimaha bulshada ee Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Boosaaso, Oktoobar, 08, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Sacad Cumar Geelle, oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha Jibuuti. Madaxweyne Deni ayaa uga tacsidayeeyay shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyeeyay geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay. Puntland Post The post Puntland oo ka Tacsiyeysay Geerida Marxuum Sacad Cumar Geelle. appeared first on Puntland Post.