-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa inuu wax ka qabto amniga, nadaafadda, canshuuraha iyo dib u dhiska. Wuxuu sheegay Filish in maamulkiisa rabo in la helo waddooyin dhisan, qurux badan, iyo dhismayaal qurux baqdan si Muqdisho usoo ceshato quruxdii waa lagu yaqaanay. Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in sidoo kale ay la dagaallami doonaan dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala waa sida uu hadalka u dhigaye. “Muqdisho oo amni ah oo qurux badan oo waddo iyo dhisme burbursan lahayn in aan gaarno oo halkaasi aado ayaan rabaa, barakacayaasha inaan maareynno ayaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan amniga wax ka qabanno, waxaan rabnaa inaan la dagaalanno dadka canshuurta aan bixin ama sida xun u isticmaala” ayuu yiri Filish. Duqa Muqdisho ayaa waxaa sugaya wax ka qabashada arrimo u badan amniga, dib u dhiska, nadaafadda iyo arrimo kale oo muhiim u ah caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Tel Aviva)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladaha Khaliijka la saxeexdaan heshiis aan la isku soo gardarrooneyn maadaama labada dhinac ay ka siman yihiin dagaalka lagula jiro dalka Iran. Wasiirkaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Bahraini Sheikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa Bishii ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray in ujeedadka kulankaas uu ahaa sidii looga wada hadli lahaa heshiis nabadeyd oo mustaqbalka lala saxeexdo dowladaha Carabta. Dhammaan Dowladaha Carabta oo gaadhayo illaa 22 Dowladood marka laga reebo Masar iyo Jordan ma aqoonsano Israa’iil maadaama ay xoog ku heysato dhulal Carbeed oo ku yaalla dalalka Falastiin iyo Suuriya. “Maalmahaan dambe waxaan waday wadahadalo siyaasadeed oo ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka kaasoo heshiis aan la isku soo gardaroon loola saxeexanayo Dowladaha Carabta” ayuu Twitte-rkiisa kusoo qoray Israel Katz. “Tallaabadaan taariikhiga ahi waxay soo afjari doontaa Khilaafaadka waxayna Shacabka u ogolaaneysaa Iskaashi inta laga saxeexayo heshiisyada Nabadeed” ayuu sii raaciyey. Source
-
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Hargeysa, agaasimaha ayeey ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey. Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xireen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xariggiisa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha ee HirShabelle, Maxamed Cali (Caadle) ayaa xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, C/casiis Duurow. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiir Caadle ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG ah u heyn doonto, Liibaan Cabdi Nuur (Burisow) oo ahaa ku-xigeenka Maaliyadda degmadaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Dowladda Germany ayaa sheegtay inay Soomaaliya siineyso $73 million oo taageere dhaqaale ah iyadoo ballanqaadday inay xoojineyso xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ambassador Annett Gunther ayaa ballanqaadkan jeedisay xilli uu ka qeybgalayey xaflad Muqdisho ka dhacday oo lagu xusayey maalinta midnimada ee Jarmalka taasoo uu sidoo kale kasoo qeybgalay ra’iisul-wasaare Kheyrre. “Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayey tiri Gunther. “Kordhintan oo sida mideysan la isugu raacay waxay xoojineysaa kobaca, xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho, Germany waxay ahmiyad siineysaa horumarinta reer miyiga, beeraha iyo maareynta biyaha,” ayey tiri Ambassador Gunther. Sidoo kale waxaa dhankooda ka hadlay munaasabadda Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Gunther waxay xustay in taageeradan muhiimka ah ee ay Germany siineyso Soomaaliya ay ku sharfeyso horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed. “Ujeedku wuxuu yahay in la taageero joogteynta dariiqa fiican ee ay Soomaaliya qaadday sannadihii dambe,” ayey tiri Gunther. Xafladdan oo ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu xusayey 29 guuradii kasoo wareegtay dib u midowgii Jarmalka oo ku beegan 3, Oct 1990. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay uu ka furmo Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa socota qaban qaabada munaasabadda lagu furayo Kalfadhigan, waxaana ka qeybgali doona guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, kuwaasi oo shalay gaaray Baydhabo. Mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan khudbado ay kaga hadlaya shaqooyinka baarlamaanka iyo waajibaadka xildhibaanka. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saaka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka askariga oo ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ilo deegaanka ah aya Caasimada Online u sheegay in xilliga la dilay Marxuumka uu ka soo baxayey gurigiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo. Wararka ayaa sheegaya in askariga la toogtay uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka, iyadoona kooxdii dishay ay si aayar ah goobta uga baxsatay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib ay goobta tageen ciidamada Booliska, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, mana jirto cid sheegtay masuuliyadda dilkan, balse Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka ah Askarta. Toogashadan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ay xoojisay howlgallada ka socda xaafadaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Ciidanka Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa bilaabaya in ay iskaga baxaan deegaanada ay ku sugan yihiin xilli Millatariga Turkiga uu isku diyaarinayo howlgal ka dhan ah kooxda Kurdida iyo dagaalyahanada Kale. Washington ciidankeeda ma taageeri doono howlgalka Turkiga ee ka dhan ka ah kurdida, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saari doonaa gobolka Idlib, sidaasi waxaa sheegtay xoghayaha dhanka warfaafinta aqalka cad Stephanie Grisham. Balse ma cada waqtiga rasmiga ah ee Mareykanka ugu danbeyn ciidankiisa uu kala bixi doono waqooyiga suuriya kuwaasi oo tiradoodu ay tahay, 1,000 Askari. Ms Stephanie ayaa intaa raacisay in Turkiga uu bilaabay dhaq-dhaqaaq ku aadan howlgalada milatari ee gobolka Idlib. Afhayeenka aqalka cad ayaa ugu danbeyn sheegtay in Isniinta maanta ah ay ciidankooda ka baxeen laba saldhigyada Tel Cabyad iyo Ras Al-Ceyn oo u dhow xadka Turkiga. Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayaa isku khilaafsan dagaalka ka dhanka ah Kurdida waxaana Mareykanka uu ugu hanjabay Turkiga in cunaqabateyn dhaqaale uu ku soo rogi doono hadii Turkiga uu weeraro Dagaalyahanadan. Source
-
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in si shuruud la’aan ah kusii deyso wasiirka wasaaradda amniga maamulkaasi, C/rashiid Janan oo ku xiran magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay Sayid Aadan in Jubbaland ay leedahay maxkamado kala sarreeya, cid walbo oo Jubbaland ah misane wax tabaneysa ay ka dacwoon karto. Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in haddii dowladda federaalka aanay soo deyn Wasiir Janan ay ka dhalan karto kala qeybsanaan, niyad xumo iyo sidoo kale cawaaqib xumo, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Jubbaland waa State ay hay’adihii garsoorka dhan ay u dhan yihiin, maxkamado leh, ciida reer Jubbaland ee waxtabaneysa haddii ay jirto waxay xaq u leeyihiin in maxkamada Jubbaland ka dacwoodaan, taas oo maalin walbo ay dhacdo..haddii ay jirto cid cabasho qabto waxaa haboon in maxkamadaha Jubbaland ka dacwoodaan, dowladda Federaalka ay wasiirka iyo mas’uulka kale ee halkaasi ku hayaan xorriyaddooda iyo sharaftooda dib usoo celiyaan, niyad xumo ayaa ka imaaneysa, kala qeybsanaan baa ka imaaneysa, cawaaqib xun baa ka dhalanaya” 6-dii bishan, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa la horkeenay wasiir Janan oo la sheegay in loo haysto dilal ka dhacay gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saaka gudaha degmadaasi lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. Askariga ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxayey hoygiisa, islamarkaana ku sii jeeday goobtiisa shaqo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkaasi ay durbo goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen , kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Dhinaca kale waxaa xalay degmada Wadajir ka dhacay qarax xoogan, kaas oo la sheegay in gaarigiisa loogu xiray nin ganacsade ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka saldhigga degmadaasi ayaanan geysan wax khasaare ah, marka laga reebo burbur xoogan oo soo gaaray gaariga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo. Horumarinta hanananka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-8102019.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Duurow) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu xalay ka sameeyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle. Duurow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan weli soo gaarin Digreeto xilka looga qaaday, sidoo kalena uusan jirin mas’uul ku soo wargeliyey arrintaasi. Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu beeniyey in ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata ay la wareegeen xarunta maamulka degmadaasi. “Anigoo ah guddomiyaha degmada Biulo-Burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Duurow) waxaan cadeynaa in eysan isogaarin waraqda la shegay islamarkaana aysan isoo sheegin madaxda isoo magacaawday, sidookale waxaan halkaan ku beeninayaa wararka been abuurka ah oo la leeyahay guddoomiyaha ciidamo taabacsan ayaa la wareegay degmada, waxaan aaminsanahay nidaamka dowladnimo oo aan shalay ku imid, isla nidaamkas aan ku baxo una hoggaansamo nidaamka dowladnimo.”ayuu yiri Duurow. Khilaafka ka taagan Buulo-Burte oo maalmahan taagnaa ayaa ka dhashay dhismaha golaha deegaanka oo ay si weyn uga horyimideen waxgaradka degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Mareeyihii dekeda dalka Djabouti Sacad Omar Geelle oo ahaa ganacsade weyn oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha dalka Jibuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku geeriyooday dalka faransiiska. Lama sheegin waxa uu u dhintay. Sanadkii 2011, Sacad Cumar Geelle ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee dekeda Jabuuti ka dib markii Dekeda Jabuuti iyo shirkad laga leeyahay dalka China oo la yiraahdo CHMI heshiis ku gaareen in ay wadajir u maamulan Dekeda Jabuuti. Allaha unaxariistee, Sacad Omar Geele, waxaa uu kamid ahaa dadka ugu saameynta badan qoyska reer Cumar Geelle. Waxaa uu sidoo kale madax ka ahaa shirkado waaweyn oo kuyaala dalka Jibuuiti oo qaabilsan wax dhoofinta iyo wax soo dajinta. (Import and Export) Shirkada DP world oo horey usoo maamushay dekeda Jibuuti, ayaa Sacad Cumar Geelle, sanadkii 2004 u qaadatay agaasime farsamo,. Puntland Post The post Agaasimihii dekeda Jibuuti lana dhashay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
SEATTLE — Ethiopian Airlines’ former chief engineer says in a whistleblower complaint filed with regulators that the carrier went into the maintenance records on a Boeing 737 Max jet a day after it crashed this year, Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga dalka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay in ay la wareegeen amaanka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo labadooduba sheegtay in ay yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland kadib doorashooyin is diidan oo ka dhacay Kismaayo. Xildhibaano ka tirsan Golaha Is-beddel doonka Jubbaland ee ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labadan masuul, Xildhibaano iyo odayaal ka tirsan garabka Xidig iyo Seeraar ay amaankooda la wareegeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo. “Amaankayna waxaa masuuliyadiisa qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan Kismaayo waxaana arintaan ay timid kadib markii ay nasoo food-saartay cabsi iyo hanjabaadyo joogto ah” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii doortay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca kale, ciidamada Itoobiya ayaa ku guuleestay in maamulka Jubbaland ay ka soo daayaan qaar yar oo kamid ah siyaasiin tiro badan oo u xiran maamulka Jubbaland, kuwaas oo la sheegay in ay qayb wayn ka ahaayeen xoogaga is-beddel doonka Jubbaland. Ciidamada Itoobiya ayaa u ballan qaaday Seeraar iyo Xidig in ay xaqiijin doonaan amaankooda iyaga iyo inta kale ee ka tirsan dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee looga soo horjeedo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maal iyo magac meel xun galay ! Siyaasiyiin badan ayaa Yurub iyo Mareykan taageera dadka dhaqanka xun ee falkii qawmu luud sameeya, qasab ma aha in ay siyaasiyiintaasi ficilladaas sameeyaan ama ka raalli yihiin, hase yeeshee dan siyaasadeed ayaa ka gashay oo cod ay kursiga ku fuulaan ayay taageeradaas ku raadinayaan. Halkan – Soomaalida- hay’ado badan oo reer galbeedkaas ah ayaa si gaar ah u taageera dadka anshax xumooyinka ka shaqeeya, sida: qawmu luudnimada, isku milanka labada jinsi, fanka iwm, ujeeddadu waa in ay dhaqanno reer galbeed suuq u raadiyaan ee ma aha in ay baahi aad qabto dar ilaahay u daboolayaan. Mashaariicdaa sumaysan dad inala jinsi ah inala af ah, sida ay sheegtaanna inala diin ah ayaa soo qaata oo lagu gunneeyaa, lagu maalgeliyaa oo lagu difaacaa, qasab ma aha in dadkaasi waxaas wada doonayaan oo ay ku sifaysanyihiin, waxase hubaal ah in ay ku hawllanyihiin oo raalli ku yihiin in ay ku shaqeystaan oo magac iyo maalka ka dhexraadiyaan faafinta fusuqa iyo fadaraynta akhlaaqda bulshada. Qofku in uu xumaanta ka shaqeeyaa iyada oo sideeda diin ahaan iyo dadnimo ahaanba u liidata, haddana in uu la dagaallanka wanaagga iyo dadka samaha ugu yeedhaya shaqo labaad ka dhigtaa waa musiibo laba jibbaaran! In ay baahidu meelxun kaa gashaa waa musiibo Alle laga magangalo, waxa Nebiga -SCW- ka sugnaatay: (بَادِرُوا بِالأَعْمَالِ فِتَنا كَقِطَعِ اللَّيْلِ الْمُظْلِمِ. يُصْبِحُ الرَّجُلُ فِيْهَا مُؤْمِناً وَيُمْسِي كَافِراً. أَوْ يُمْسِي مُؤْمِناً وَيُصْبِحُ كَافِراً. يَبِيعُ دِينَهُ بِعَرَضٍ مِنَ الدُّنْيَا)أخرجه مسلم في صحيحه. ((Acmaasha wanaagsan kala degdega/u degdega -ka hor-fitnooyin gobolka habeenka oo kale ah/sida ay u madowdahay ee u qarsoontahay habeenka oo kale ah. Waxa uu qofku waabariisanayaa isaga oo muumin ah, waxaanu galabaysanayaa isaga oo gaal ah! Waxa uu galabaysanayaa isaga oo muumin ah waxaanu waabariisanayaa isaga oo gaal ah! DIINTIISA AYUU KU IIBSANAYAA ADDUUNYO YAR)) Saxeex Muslim. Walaalayaal waa wakhti fitno ee aynnu dadaallo oo toosnaanta wakhti gashanno, gurraca iyo fitnadana la dirirro. Dr-Abdulqani Beder Qaran News
-
The US recently reopened its embassy in Somalia after 28 years, citing security improvements in the East African nation blighted by conflict for many years. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasmada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Israel Katz ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladaha Khaliijka la saxiixdaan heshiis aan la isku soo gardarrooneyn maadaama labada dhinac ay ka siman yihiin dagaalka lagula jiro dalka Iran. Wasiirkaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Bahraini Sheikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa Bishii July ayaa Axaddii shalay aheyd Twitter-kiisa kusoo qoray in ujeedka kulankaas uu ahaa sidii looga wada hadli lahaa heshiis nabadeyd oo mustaqbalka lala saxiixdo dowladaha Carabta. Dhammaan Dowladaha Carabta oo gaarayo ilaa 22 Dowladood marka laga reebo Masar iyo Jordan ma aqoonsano Israel maadaama ay xoog ku heysato dhulal Carbeed oo ku yaalo dalalka Falastiin iyo Siiriya. “Maalmahaan dambe waxaan waday wadahadalo siyaasadeed oo ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka kaasoo heshiis aan la isku soo gardaroon loola saxiixanayo Dowladaha Carabta” ayuu Twitte-rkiisa kusoo qoray Israel Katz. “Tallaabadaan taariikhiga ahi waxay soo afjari doontaa Khilaafaadka waxayna Shacabka u ogolaaneysaa Iskaashi inta laga saxiixayo heshiisyada Nabadeed” ayuu sii raaciyey. Waxay u muuqataa inay tallaabadaan tahay middii ugu dambeysay oo ay Israel ku dooneyso inay xiriir kula sameysato Dowladaha Carabta oo aan aqoonsaneyn sidoo kalana aan la laheyn xiriir Diblomaasiyadeed. Qabsashada Israel ee dhulalka reer Falastiin ayaa caqabad weyn ku aheyd Heshiisyo nabadeed oo ay la gasho Dowladaha Carabta balse sanadihii dambe waxaa muuqato inay isku soo dhawaanayaan kadib walaac xooggan oo laga qabo dowladda Iiraan. Taageerada ay Iran siiso Kooxaha ka dagaalamo Syria, Iraq, Lebanon iyo Yemen ayaa walaac xooggan ku hayo dowlado badan oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Israa’iil. Khudbadii uu Katz ka jeediyey shirkii Qaramada Midoobay ee dhacay dhammaadka Bishii September ayuu ku sheegay inay Iran qalqal gelin ku heyso Amniga Bariga Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Intii u dhaxeysay 2008-dii illaa iyo 2012-kii, Fawaz Axmed Xamdun, waxaa magaciisa laga hadalhayey guri walba oo ku yaala Mombasa, sababtoo ah in uu ahaa ciyaaryahan caan baxay. Kooxda kubadda cagta ee Korea FC ayaa waxa uu kula guuleystay koobab badan isaga oo kala ciyaari jiray khadka dhexe ee weerarka. Isaga oo ku guda jira waxbarashada dhigayana dugsiga Kikoani Primary School ayaa waxa uu ku gaarey darajadaas. Kolkii dambe waxa uu isaga baxay iskuulka si uu waqti badan ugu helo kubadda cagta, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Taas waxay fursad u siisay in uu sii kordhiyay hibadiisa. Balse, sanadkii 2012-kii ayaa mar qura laga waayey shaashadaha kadib markii uu kamid noqday xidigaha naadiga Old Town ee ka dhisan xaafadda Majengo oo hoostagta magaaladda Mombasa. – Xagjireyn – Xamdun, oo haatan xabsi ugu jira eedeymo la xiriira argagixisimo, ayaa waxaa laga xagjireeyay Masjidka Musa, halkaas oo uu ka bilaabay in uu AlShabaab u qoro dhalinyaradda isaga oo wakiil ah kana tirsan Kufungwa. Kufungwa ayay laamaha ammaanka rumeysan yihiin in ay tahay shabakadda dhalinyaradda u qorta ururka fadhigiisu yahay Soomaaliya. Faris Haadi, 20-jir, ayaa la aaminsan yahay in uu Xamdun dhuufsaday una fududeeyay socdaalkiisa Soomaaliya. Faris ayay qoyskiisu sheegeen in uu maqan yahay tan iyo 8-dii September 2019-ka. Xariga Xamdun ayaa ka dambeeyay kadib dilka saddex ruux oo la tuhunsan yahay kuwaasi oo ay kamid yihiin; Salama Salim oo ku magac dheer Bakari Mnyapara iyo Mkubwa Sadi Ramadhan. Booliska oo aan carabaabin shaqsiga saddexaad ayaa tibaaxay in saddexdooda ay qorsheynayeen weeraro ay gobolka ka geystaan. Xariga iyo khaarijinta ayaa timid saddex maalmood kadib markii bileysku soo saarey digniin ku aadan in AlShabaab ay todoba xubnood u soo direen Kenya si ay weeraro uga fuliyaan goobo cayiman. Bartilmaameedyadda ayaa lagu kala sheegay xarunta Hay’adda Maamulka Dekadaha, garoonka diyaaradaha iyo Boosteejadda Tareenka. Goobahan ayaa dhamaantooda ku yaala Mombasa. “Meelaha kale oo ay qorsheynayeen in ay beegsadaan waxaa kamid ah huteeladda iyo xeebaha teedsan xeebaha Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday hay’addaha nabad-gelyadda. Salim iyo Ramadhan, oo ay Talaadadii lasoo dhaafey dileen booliska, ayaa horey loo xiray eedeymo la xiriira argagixisinimo. Macluumaadka ayaa muujinaya in Saalim la xiray Maaj 2017-kii isaga oo kusii jeeda Soomaaliya uuna wehliyo Suleiman Hemed Mwandilo. – Tababar argagixisinimo – Labadooda oo lagu xiray Takaba oo Mandera ka tirsan, ayaa maxkamad lasoo taagay waxaana kolkii dambe lagu sii daayey damaanad. Balse waxay tan iyo waqtigaas ku dhuumaaleysanayeen goob aan la carabaabin. Dhinaca kale, Ramadhan, oo bishii April laga qabtay Likoni oo Mombasa ka tirsan, ayaa lagu soo oogay 12-dacwad oo la xiriirta argagixisinmo. Dacwadaha waxaa kamid ah in uu xubin ka ahaa AlShabaab iyo in uu daabacay warbixino dhiirogelinaya rabshado. Booliska ayaa u sheegay Maxkamada in Ramadhan uu khatar ku yahay Amniga Qaranka. Sikastaba, waxaa kolkii dambe lagu sii daayey damaanad. – Qorsheynta weeraro – Ramadhan iyo Salim ayaa la dilay, waxaana laga soo furtay goobta lagu khaarijiyey oo Dudus ah hub. Guri ka kooban 12-qol ayay ku noolaayeen. Hubka lasoo furtay ayaa isugu jiray; qoryo AK 47 ah iyo walxo qarxa. Goobtaas ayaa la aaminsan yahay in ay ku maleegayeen weeraro. Qof saddexaad oo la sheegay in ay qaraabo ahaayeen ayaa dhaawac ahaan lagu qabtay kahor inta uusan dhiman. Booliska ayuu tusiyey dukumiintiyadooda. Meydkiisa ayaa nan wali la aasin. Qore Illo wareedyo ayaa u sheegay Sunday Nation in Saalim uu ku biiray xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida markii uu isaga baxay ka ganacsiga maandooriyaha oo uu kala shaqeyn jiray nin lagu magacaabo Ba Jay. Kadib markii uu noqday qof nadiif ah uuna kasoo qalin-jebiyey xarun dadka lagu dhaqan-celiyo ayaa waxa uu noqday xubin firfircoon oo AlShabaab u qorta dhalinyaradda aaga uu deganaa. Shabakadda Ramadhan Kufungwa ayuu xubin ka noqday. Kufungwa waa hogaamiyihii hore ee Masjidka Muusa, kaasi oo dib kaga biiray dagaalameyaasha AlShabaab kadib dilkii Axmed Iimaan Cali. Cali oo geeridiisa ay su’aallo ka dhasheen ayaa la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii Ceel Cadde ee 2015-kii iyo duulaankii Dusit D2 ee uu Maahir Riziki ka ahaa is-miidaamiye. Xigasho: Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax C/raxmaan Maxamed Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaraaka (NISA) ayaa waxa uu ka digay in heshiiska looga baxo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe/Galmudug. Musharax C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay haddii Ahlu Sunna heshiiska looga baxo in ay taasi horseedi karto qalqal amni iyo dib u dhac hor leh. “Waxaan ka digayaa in Ahlu Sunna looga baxo heshiiskii ugu dambeeyay ee hadda lala galay. Haddii la fulin waayo qodobadii lagula heshiiyay waxaa laga yaabaa in la wajaho qalqal amni iyo dib u dhac hor leh.” Ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Tuuryare. Waxaa uu tilmaamay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay soo halgantay, isla-markaana ay shacbiga Soomaaliyeed tustay in lala dagaalami karo maleeshiyada Ururka Al Shabaab. “Ahlu Sunna way soo halgameen, waxayna dadka Soomaaliyeed tuseen in Al Shabaab lala dagaalami karo. Waxay kaloo suurageliyeen in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto.” Ayuu yiri General C/raxmaan Maxamed Tuuryare. Waxaa uu carabka ku adkeeyay in Ahlu Sunna aanay marnaba mudnayn in heshiiska looga baxo, haddii ay dhiig badani u daadisay nabadda maanta ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Galmudug. Waxa uu intaa ku daray in Ahlu Sunna ay u khalanto in loo abaal gudo, oo aanay mudnayn in lagu ballan furo. C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug ayaa sheegay in uu Ahlu Sunna wanaajin doono, haddii uu ku soo baxo doorashada loogu jiro Xafiiska Madaxtooyada Galmudug. “Wax badan baan ka qaban doonnaa xiriirka Ahlu Sunna, haddii la ii doorto Madaxweynaha Galmudug. Musharax kasta ayaa mid muhiim ah u arka in lala shaqeeyo Ahlu Sunna, haddii xilka loo doorto.” Ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Tuuryare. General Tuuryare oo sidoo kale soo noqday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee qabashada xilka Madaxtinimada Galmudug. General Tuuryare oo lagu xusuusto mowqifkiisii adkaa ee Shabaab ayaa loo arkaa mid ka soo bixi kara xilka, uuna suuragelin karo in Shabaab laga sifeeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u diiwaan gelisay furriinka ninkeeda xilli lagu tuhmayo xidhiidh-Guur Nin Caddaan ah Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah maxkamad uga diiwaan gelisay codsi ah in laga furo ninkeeda, ahna aabaha saddexdeeda caruur, xiili ay jirto xan ku saabsan in xidhiidh hoose ay la leedahay nin degan magaalada Washington DC oo lagu magacaabo Tim Mynett. Warqadaha codsiga furritaanka Ilhaan ee ninkeeda Axmed Xirsi oo 4-tiii October laga diiwaan geliyey maxkamadda Hennepin County ee gobolka Minnesota ayey ku sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Ilhaan oo 38 jir ah iyo Axmed ayaa is-guursaday 2002. Waxay mar kala tageen 2008, hase yeeshee waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018. Ilhaan iyo Axmed “Waxaa xidhiidhka guurkeena gaadhay dhaawac aan dib loo bogsiin karin” ayaa ku qornaa warqadaha ay Ilhaan gaysay maxkamadda. Ilhaan ayaa warqadaha ku sheegtay in iyada iyo Axmed midkoodna uusan dooneyn in midka kale laga ilaaliyo inuu dhowaado. Waxay sheegtay inay doonayaan in si isle’eg loogu ogolaaday haysashada iyo korinta caruurtooda. Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xidhiidh jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xidhiidh uu la leeyahay Ilhaan. Tim Mynett iyo Ilhaan Cumar Tim Mynett ayaa maxkamadda Washington DC ka diiwaan geliyey kiis uu ku beeninayo inuu xidhiidh jaceyl la leeyahay Ilhaan. Tim ayaa ka shaqeeya urur qaabilsan doorashooyinka, taasi oo lacag ka badan 250,000 oo dollar ka heshay ololaha Ilhaan. Lacagtaas ayaa abuurtay su’aalo ku saabsan in shaqada uu Tim u qabtay Ilhaan aysan u qalmin, balse lacagta lagu siiyey xidhiidhka labadooda ka dhaxeeya. Sida ku cad warqadaha ay maxkamadda u gudbisay Beth Mynett, ayada iyo Tim ayaa kala guuray bishii April kadib markii Tim uu qirtay inuu xidhiidh jaceyl la leeyahay Ilhaan. Ilhaan Cumar ayaa diiday in illaa iyo hadda ay wax jawaab ah ka siiso warbaahinta xidhiidhka la tuhmayo inuu kala dhexeeyo Tim oo ah nin caddaan ah iyo furiinka ay diiwaan gelisay jimcihii ee ninkeeda Axmed Xirsi. Qaran News
-
Popular Contributors
