-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu saaka si xushmad-darro ah ula dhaqmay mudanayaasha Golaha wakiilada, kadib markii uu ka carooday su’aal uu weydiiyay kamid kamid ah xildhibaannada. Cawil Xassan Daad oo kamid ahaa xildhibaannadii shirka jaraa’id qabtay ayaa yiri” madaxweynaha waxaan weydiiyay su’aal, runtii xildhibaanno badana way safnaayeen oo waxay rabeen in ay su’aalo weydiiyaan madaxweynaha, su’aashayduna waxay ku salaysaneyd xaqiiqda dhabta ah ee waddanka ka jirta”. “Sidaad dhegaysanayseen, wuxuu iiga dhex-hanjabay Baarlamanka dhexdiisa, anigu hanjabi mayo sidiisa oo kale, balse Dastuurkan ugu hanjabayaa, haddii Alle idmo jawaabtana isaguu ka helayaa. Madaxweynaha anigu wax ceeb iyo sharaf dhac ah ma oron, nin oday saaxiibkay ah ayuu aha. Waad u jeedeen si caro leh ayuu hoolkii uga baxay. Madaxweynaha shalay baan dooranay biyo u kaban mayno in aan xilka ka qaadno haddii uu Dastuurka jebiyo” ayuu sii raaciyay xildhibaan Daad. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore ayaa isna yiri” madaxweynuhu markii uu noo imaanayey, qori caaraddiis kuma imaan, cod buu ku yimid, isagoo shacab ah ayuu soo galay Baarlamanka isagoo madaxweyne ah ayuu noqday.” Sidoo kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab ayaa isna yiri” maahayn madaxweynuhu in uu xildhibaannada u hanjabo, uma hanjabin hal xildhibaan ee wuxuu u hanjabay lixdan iyo lixda xildhibaan oo Golaha Baarlamanka dhexdiisa uga hanjabay, taasina xaq maaha.” Hadalka xildhibaanada ayaa ku soo beegmay wax yar, kadib markii madaxweyne Deni uu si carol eh uga jawaabay su’aashii xildhibaanka, islamarkaana uu deg deg hoolka Baarlamanka uga baxay. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee xildhibaanada PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cawil Daad: Biyo u kaban-mayno in aan xilka ka qaadno madaxweyne deni appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ansixiyey guddiga doorashada maamulkaasi oo uu dhowaan magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir. Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan arrimaha doorashada la filayo inay ka dhacdo maamulkaasi. Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey guddigaasi, iyadoona kulanka ay soo xaadireen 111 Xildhibaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Dhuusamareeb uu ku sugan yahay guddigii ay ku magacowday dowladda dhexe, waxaana ay u muuqataa in khilaafka uu sii xoogeysanayo. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug hor geeyay Guddigii uu dhawaan Magacaabay ee doorashooyinka. Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa toddobaadkii hore magacaabay Guddiga Doorashooyinka, habeen ka dib markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan uu Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye. 110 xildhibaan ayaa ogolaatay in uu Sharci Yahay Gudigga Farsamo ee uu Magacaabey Sh Shaakir waxaana Diiday 3 xubnood, Sidaas waxaa Ku dhawaaqey Guddoonka Shir Gudoominayay Kulankan . Guddiga uu Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay ayaa waxay dooran doonaan guddoon, iyaga oo bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug. Sheekh Shaakir ayaa u mahad celiyay Xubnahan Baarlamaanka Galmudug ee Taabacsan Ahlusunna waxaana uu Tilmaamey in ay Ka soo Baxeen Shaqo Culus oo looga Fadhiyay. Tallaabada lagu ansixyay Guddigan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, ee ay soo magacawcay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale Beledweyne uu fatahaad uu ka sameeyey wabiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Daadad xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la tageen illaa labo caruur ah oo ku geeriyooday fatahaadii u dambeysay ee uu sameeyey wabiga. Sidoo kale inta badan dadka shacabka ah ayaa isaga barakacay Beledwweyne, halka kuwa kalana ay weli ku go’doonsan yihiin halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey sida ay haatan xaaladdu tahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/dsd.mp3 View the full article
-
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa ka hadlay fatahaada wabiga Shabelle iyo xaaladaha adag ee ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuu walaacsan tahay saameynta ka dhalatay fatahadaasi, wuxuuna ugu baaqay dowladda dhexe iyo HirShabelle inay gurmad u sameeyaan dadkaasi. Halkan hoose ka akhriso: KA HORTAGGA IYO KA JAWAABIDDA MUSIIBOOYINKA DABIICIGA AH Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne. Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne. Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas. Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay. Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan. Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle? Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo maanta ka qeybgalay furitaanka Kalfadhiga 45-aad ee baarlammaanka maamulkaasi ayaa mid ka mid ah golaha wakiiladu wuxuu weydiiyay su’aal uu buuq ka dhashay oo ku aadaneyd in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa looga baahan yahay in ay is casilaan, maadaama xildhibaanku uu sheegay inay fashilmeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday xukuumada oo hadda sagaal bil jirsatay. Madaxweyne Deni oo ka caroodau su’aasha xildhibaankaasi ayaa si caro leh ugu jawaabay, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay cadeymo. Halkan hoose ka dhageyso su’aasha iyo jawaabta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cc.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-26102019-sx.mp3 View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi oo maanta si rasmi ah u furmay. Intaasi kadib guddoonka Golaha Wakiilada ayaa xildhibaanada u ogolaaday inay su’aallo weydiiyaan Madaxwweynaha. Xildhibaan Cawil Daad oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa weydiiyey Madaxweynaha su’aal kulul oo la xadhiidha dib u dhac iyo fashil uu sheegay inuu ku yimid howlaha xukuumaddiisa. Deni oo ka cadhooday su’aashaasi ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaanka oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee guul-dareystay. Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni ayaa guud ahaan hoolka baarlamaanka iskaga baxay, weliba isaga oo aad u cadheysan, Halakn hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo khudbad u jeediyay kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa ka warbixiyay wixii qabsoomay xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kalfadhi Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay dhinacyada; amniga, dhaqaalaha, taabba-gelinta garsoorka, nidaaminta shaqooyinka wasaaradaha, mushahaar-siinta shaqaalaha dowladda, arrimaha bulshada, tayeynta hay’adaha dowladda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, maalgeshiga iyo ganacsiga. Madaxweynaha ayaa markii uu khudbaddiisa dhammaystay, waxaa su’aal weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka, iyadoo madaxweynuhu su’aashaasi uga jawaabay si kulul, islamarkaana uu deg deg ah uga baxay hoolka Golaha Wakiilada, xilli ay saf ugu jireen xildhibaanno badan oo su’aalo qaba. Hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka warbixiyay arrimaha u qabsoomay xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa maanta waxa uu su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi. Su’aalaha la weydiinayey ayaa u badnaa amniga iyo sidoo kale dhanka dhaqaalaha, waxaana jiray xildhibaanno weydiiyey madaxweynaha su’aallo kulul. Dani oo aad uga carooday su’aalaha qaar ayaa sheegay in mudadii uu xilkan hayey sameeyay isbedallo amni, dhaqaale iyo horumar. Wuxuu sheegay in wax badan uu ka qabtay amni darradii ka jirtay magaalada Boosaaso, dhaqaalaha Puntland uu sidoo kale meel wanaagsan joogo. Deegaanno ka maqnaa gacanta Puntland ayuu sheegay in lagu soo celiyey wax ka yar Sideed Bil, isaga oo dhanka kale sheegay in si joogto ah uu maamulkiisa u bixiyey mushaarka shaqaalaha dowladda. Dani ayaa ugu dambeyn sheegay inaanu ahayn shaqsi shaqadiisa loogu goodiyo, islamarkaana ay jiraan xildhibaanno doonaya iney maamulka la wareegaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Sida ay inoo sheegeen saraakiil ku sugan Dhuusamareeb, ciidamadan ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran, waxaana ay ka kala tageen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo. Ciidankan ayeey DFS dooneysa iney qeyb ka ahaadaan kuwii ay horey u geysay magaaladaasi, waxaana ay sugi doonaan ammaanka. Ciidamadan la geeyey Dhuusamareeb ayaa imaanaya xilli DFS iyo Ahlu-sunna uu ka dhaxeeyo is faham darri ku aaddan dhanka doorashada Galmudug. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Shaqada, Shaqqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland oo kaashaynaysa hay’adda CARE International, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay kulan ku saabsan ka doodista hirgelinta Xeerka Sanduuqa horumarinta Dhalinyarada Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo qabatay kulan ku saabsan hirgelinta xeerka Sanduuqa Dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi oo maanta si rasmi ah u furmay. Deni ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan wixii u qabsoomay muddada sagaalka bilood oo ay jirto xukuumaddiisa. Intaasi kadib guddoonka Golaha Wakiilada ayaa xildhibaanad u ogolaaday inay su’aallo weydiiyaan Madaxwweynaha, kuwaas oo la xariira xaaladda Puntland. Xildhibaan Cawil Daad oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa weydiiyey Madaxweynaha su’aal la xariirtay “dib u dhac iyo fashil” uu sheegay inuu ku yimid howlah xukuumadda oo amniga uu ku jiro. Su’aashan oo abuurtay xasarad ayaa waxaa sidoo kale xildhibaanku sheegay in xukuumadda ay u egtahay inay ku jirto maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedka, isagoona xusay inay haboontay in ay baneeyaan xafiiska, si loo badbaadiyo Putland. Deni oo ka carooday su’aashaasi ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan Daad oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee guul dareystay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale uu sheegay in xildhibaan Cawil looga fadhiyo cadeymo muujinaya arrinta uu ka hadlay. ” Xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidka layga soo qunuuday.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni oo caro badan ay ka muuqatay wejigiis aya isaga baxay guud ahaan hoolka baarlamaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/DENI.mp4
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si aad u kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xassan Daad. Xildhibaanka ayaa madaxweyne Deni weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo. Balse madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guul waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen madaxtooyo ka ahaa ay arrimo badan ku fashilmeen. Hoos ka daawo su’aasha iyo jawaabta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si dhiig-kar ah uga jawaabay su’aal la weydiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Somali intelligence officials say an airstrike by a U.S. drone has killed three senior officers with Islamic State group-affiliated fighters in northern Somalia. Friday’s airstrike targeted their vehicle while the men were traveling in Golis, a mountainous area controlled by the group, a senior Somali intelligence official told The Associated Press. Another Somali official said among those killed was a notorious bomb expert who had been on the intelligence radar for nearly a year. The officials spoke on condition of anonymity because they were not authorized to speak to the media. The U.S. Africa Command confirmed the airstrike and said it was carried out in coordination with Somalia’s government. AFRICOM did not immediately reply to a question about how many airstrikes the U.S. has carried out in Somalia this year. View the full article
-
Around 140,000 people in Somalia have been forced to flee their homes due to flooding in the Hiraan region, including some 70,000 children, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Friday. The agency also warns that a further 300,000 people – including 150,000 children – in Beledweyn town and the surrounding areas of the Hiraan region of Somalia could be forced to relocate over the coming days if, as predicted by the Somalia Water and Land Information agency, the Shebelle River reaches the flooding threshold. Parts of Somalia have experienced heavy rains in recent weeks, causing the floods that OCHA warns could continue to cause harm in precaution is not taken. The agency says the floods have already damaged infrastructure and other facilities in the Horn of the African country, including markets, schools, and hospitals. It also says the increased rains will worsen a food crisis in the country. Already at least 6.3 million people, nearly half the country’s population, are affected by the situation. This includes 2.1 million people estimated to be experiencing severe food shortages between October to December 2019. OCHA appealed for aid to support response programs in Hiraan region, including the provision of food, water, temporary shelter, and health services to those affected. View the full article
