-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ankara ayna dib uga laaban doonin weerarka ay ku qaaday maleeshiyada Kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya sababo la xidhiidha dhaleeceyn kaga imaaneysa dowlada Kale. Mr Erdogan ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu qudbad ka jeedinayay shirka ganacsiga ee ka socda magaalada caasimada ah ee Baku ee wadanka Azerbaijan isniintii shalay. Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Millatariga illaa laga adkaanayo kooxaha Argagixisada ee ku sugan Suuriya. Ma qabno wax dareen ah iyo hanjabaad aan la kulmeyno waana sii wadi doonaa howsha aan bilownay illaa inta aan dhammeyneyno. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo khudbad ka jeedinayey munaasabad sagootin ah oo uu u sameeyey mas’uuliyiintii ka qeyb gashay caleema saarkiisa ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay qaadato mas’uuliyadda guud, islamarkaana ay ilaaliso Dastuurka u yaalla dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo dowladda federaalka iyo dib u heshiisiin, si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. “Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga.”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxda dowladda federaalka looga fadhiyo ilaalinta waqtiga loo qoresheeyey doorashada 2020-ka illaa 2021-ka, si aysan u dhicin muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada doorashadaasi. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in farogelinta ay ka deyso dowlad goboleedyada dalka, si loo helo kalsooni lagu wada shaqeeyo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Sabtidii, Axmed Madoobe lagu caleema saaray Kismaayo, iyadoo ay weli diidan doorashadiisii dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Qaliin dhib badan oo cakiran ayaa ugu dambeyn horseeday geerida askari Mareykan ah oo sannadkii tagtay lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Soomaaliya, sida ku cad natiijada baadhitaan oo heshay jariidadda New York Times. Alex Conrad, oo 26 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac gaadhay 8-dii June 2018, isaga oo ku sugan xero ku taalla meel u dhow magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Conrad ayaa waxaa ku dhacay firidhka hoobiye, kaasi oo qalay wejigiisa, qoortiisa, calooshiisa iyo lugihiisa, taasi oo hoggaamisay dadaal socda hal sac qaatay oo lagu bad-baadin lahaa noloshiisa. Saddex askari oo kale oo Mareykan ah iyo askari Soomaali ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab. Markii weerarka uu dhacay 2:45 galabnimo, Conrad ayaa waxaa durba u kala cararay kooxodii Mareykanka, wuxuuna ka cabanayey xanuun ka hayey lugta, sida baaritaanka lagu sheegay. Daankiisa ayaa waxaa kasoo burqanayey dhiig neefta ku celiyey, taasi oo horseeday qaliin deg deg ah oo tubo looga geliyey qoorta, si uu hawo toos ah uga qaato sambabka. 15 daqiiqo kadib ayaa loola cararay meel amni ah, oo isaga iyo askartii kale ee dhaawacmay ay ka qaadeen laba diyaarad oo ah helicopter noocoodu yahay HH-60 Pave Hawk. Diyaaradaha ayaa dhaawaca ula soo cararay garoonka diyaardaaha Kismaayo, halkaasi oo la keenay 3:15 galabnimo, balse 15 daqiiqo kadib uu ku geeriyodoay saacadda markay ahayd 3:30 pm. Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday in inkasta “oo qalliinada ay fuliyeen shaqaale caafimaad oo aqoon u leh, islamarkaana laba mar ay sameeyeen isku day lagu bad-baadinayo”, haddana Alex Conrad uu u geeriyooday qalad dhacay oo ku saabsan qaabkii loo siiyey tubada hawada siin lahayd. Si kastaba baadhitaanka ayaa go’aamiyey in “shaqsi, koox ama urur gaar ah, aanu sameyn dayacaad” intii lagu guda jiray qalliinka, balse xaaladda lagu jiray oo adkeyd darteed uu qaladka ku dhacay. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin wadahadallo ay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya. Madoobe oo Munaasabad xalay ka dhacday Kismaayo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka yihiin waalidkii, islamarkaana loo baahan yahay in wixii kala tabasho ah la xalliyo, bedalkii buuq iyo kala aragti duwanaanshiyo lagu jiri lahaa. “Saaxiibadey, madaxda dowladda federaalka waan ogolnahay, waa madaxdayadi, xafladdan iney nagala soo qeybgalaan ayaan jeclayn inkastoo uu Abshir matalayo, wadankaan iyagaa xukuma, iyagaa waalid ah, iyagaa laga rabaa mas’uuliyadda iney qaataan oo wadankaan hagaan, annagu khilaaf ma wadno, xumaantadooda kama shqeyneyno, wanaag baan rabnaa, hoggaamintooda baan rabnaa, waqtigooda iney dhammeystaan baan rabnaa, kuwa damaca kaga jira iney doorasho sidii shalay nin walbo ku yimid inuu ku yimaado baan rabnaa ee aan ilaalinno midaanna aan ka shaqeynno…wixii xumaado maanta mas’uuliyaddeeda waxa iska leh madaxda dowladda federaalka sababtoo ah iyaga ayaa waalid ah.. waxaan diyaar u nahay cid walbo oo wax inaga tabeysa inaan ka garbaxno” ayuu yiri Axmed Madoobe. DFS ayaa diiddan Axmed Madoobe, kadib markii ay waxbo kama jiraan ku sheegtay doorashii uu kusoo baxay ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe meel ka baxsan Muqdisho looga hirgalin doono garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo la jaan qaadi kara kuwa caalamka. Kadib kulan ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka socda maamul goboleedyada K/Galbeed iyo HirShabelle ayaa looga hadlay sida loo wajihi karo iyo halka ay ku haboontahay deegaan ahaan in laga hir galiyo garoonkaasi.. Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banadir, Mudane Aadan Sheekh Cali (Fiidow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo garoon ballaaran oo la jaan qaadi kara kuwa ku yaalla dalalka caalamka Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhismaha garoonkan ay xukuumaddu ka sameyn doonto wadatashiyo, islamarkaana la dhameystiri doono inta ka harsan sanadkan. Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu hormarinayo garoomada ku yaalla gudaha dalka iyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
(SLT- Tel Aviv)-Wasaarada arrimaha dibadda Jordan ayaa ugu baaqday ciidanka amniga Israa’iil inay sii daayaan laba ka mid ah muwaadiniinta Jordan oo lagu xidhay iyaga oo ka gudbaya xadka dalkaasi uu la leeyahay daanta galbeed. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Sufyaan Al-Qudah ayaa shaaciyay in safiirka Tel Aviv u jooga Jordan looga dalbaday in si deg deg ciidanka Israa’iil ay u sii daayaan Xeeba Cabdulbaaqi iyo Cabdiraxmaan Maari. Dhanka kale kulankan ayaa intii uu socday ayaa qadka taleefanka waxaa ku wadahadlay saraakiil ka tirsan labada wadan, sida ay tabisay warbaahinta Petra. Qudah ayaa dhanka kale sheegay in Jordan ay ka soo horjeedo talaabada ay ciidanka Israa’iil ku xidheen muwaadiniinteeda ayna dib u baadhi doonto sababta ka danbeysa. War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jordan ayaa dhanka kale lagu sheegay in talaabadan ay shaki gali doonto xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil. Xeeba Cabdulbaaqi oo ah muwaadinad u dhalatay Jordan ayaa heysata dhalashada Falastiin waxaana la sheegay in xaaladeeda caafimaad ay caadi wanaagsan tahay tan iyo markii la Xidhay. Source
-
Sheekh Xuseen Cismaan Cali guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay diyaar garoobeen sidii looga hortagi lahaa fatahaad laga cabsi qabo in wabiga Shabelle uu ku sameeyo gobolkaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaabada labada Aqal ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan in ay u soo gurmadaan shacabka ku dhibaateysan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/www.mp3 View the full article
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool. Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaannadaasi, gaar ahaan duleedka degmada Xudur. Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aad u culus, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aynu la xiriirnay. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha Labada dhinac kasoo kala gaaray dagaalkan, hase ahaatee xaaladda ayaa saakay ah mid deggan. Ciidanka dowladda ayaa deegaanno duleedka ka ah degmada Xudur ee Bakool waxay saakay ka wadaan howlgal, balse ma jirto cid faah faahisay howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Tehraan)-La-taliyaha amMaanka Qaranka Imaaraadka Mr. Tahnuun Bin Zayed ayaa booqasho qarsoodi ah ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan, xilli xiisadDa ka taagan gacanka Khaliijka ay sii Xoogeysaneyso. Mid ka ah saraakiisha sare dhanka Amniga Imaaraadka ayaa u xaqiijiyay majalada Middle East Eye ee fadhigeedu yahay magaalada London. Dhanka kale warkaan lagu daabacay website ka MEE ayaa waxa aan ka hadlin safaarada Imaaraadka uu ku leeyahay UK oo ka gaabsatay. Safarkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zeyed oo ah walaalka ka yar boqorka dalkaas. Kulanka mas’uuliyiinta sare ee maamulada Imaaraadka ayaa imaanaya kadib weeraro bishii May lagu qaaday afar markab oo waday shidaal oo ka shiraacday dekadda Imaaraadka ee Fujairah. Xukuumadda Washington ayaa weeraradaas ku eedeysay ciidanka ilaalada kacaan ka Iiraan. Bishii hore ayaa maamulka Dubai wuxuu soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan hoggaamiyeyaasha Yurub si loo dajiyo xiisadda ka aloosan gacanka Khaliijka. Wadamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku baaqayay in hab diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka Iiraan kala dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Source
-
Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli ciidamada ammaanka ay howlgallo ka wadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha Hantiwadaag, Horseed iyo Kulmis oo dhammaan ka tirsan degmadaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka waxaa howlgalladaasi lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro. Sarkiisha ciidanka amniga HirShabelle ayaa sheegay in baaritaanadu ay sii socon doonaan tan iyo inta la xaqiijinayo amniga magaallo madaxda maamulkaasi ee Jowhar. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo habeen hore gudaha magaaladaasi lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga ee maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday cunaqabateyn weyn oo la saarayo Turkiga sababo la xidhiidha weerarka ay ciidamada dalkaas ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta. Si kastaba, Trump ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka. “Dad ma waxaa jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter. “Dagaallada aan dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.” Ayuu yidhi madaxweynaha. Trump aya adhinaca kale sheegay in laga yaabo in Kurdiyiinta “ay sii daynayaan qaar’ ka mid ah maxaabiista Daacish, si ay Mareykanka u dagaal geliyaan, balse waxa uu sheegay in si fudud ay dib ugu qaban karaan ciidamada Turkey ama dalalka Yurub ee ay ka yimaadeen. Trump ayaa sheegay inuu hogaamiyayaasha congress-ka, oo ay ku jiraan dimoqraadiga kala shaqeynayo in cunaqabateyn dhaqaale la saaro Ankara. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-15102019-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay haatan wadahadallo hoose u socdaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaliya iyo hoggaanka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Wadahalladan ayaa intooda badan diirada lagu saarayaa guddiga farsamada ee ay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u magacowday dhismaha Galmudug. Ahlu Sunna ayaa ka hortimid ku dhawaaqista guddigaas oo ka kooban 13- xubnood, taas oo keentay isfaham waa hor leh oo soo kala dhexgalay dowladda iyo Ururkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay dalbaday in la fuliyo heshiiskii ay la gashay dowladda oo ahaa in guddiga laga siiyo 6 xubnood, halka 7 kale ay qaadaneyso dowladda dhexe. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa soo jeedisay in gudiga loogu biiriyo 5 illaa 6 xubnood oo ka dheeri ah 13-kii xubnood ee horay loo magacaabay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona la filayo in dhowaan uu Dhuusamareeb dib ugu laabo wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, si loo xaliyo arrintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Russian President Vladimir Putin has visited Saudi Arabia in his first trip to the kingdom in over a decade, signing oil agreements and discussing regional security, in particular, Saudi Arabia's ongoing rivalry with Iran. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON — US President Donald Trump suggested Monday that Syria’s formerly US-allied Kurds could look to 19th century French emperor Napoleon Bonaparte for protection after he ordered the departure of nearly 1,000 US troops from the country Source: Hiiraan Online
-
Congresswoman's high profile, Trump's attacks help her raise $1.1 million. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arimaha Dibada ee Morocco Nasser Bourita, ayaa cadeeyay in dhaleecaynta Jaamacadda Carabta ee ka dhanka ah Turkiga ee lagu soo qaaday kulankooda xaaladaha degdega ah ee 12ka Oktoobar uusan ka turjumeyn mowqifka Morocco. Jaamacadda Carabtu waxay soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso militariga Turkiga Howlgalka Nabadda ee Waqooyiga Siiriya. Tallaabada Turkiga ayaa sidoo kale waxaa dhalleeceeyay UK, dhowr dowladood oo Yurub ah, iyo waddamada Jaamacadda Carabta. ,Turkiga wuxuu doonayaa inuu adkeeyo xuduudahiisa iyadoo laga ciribtirayo argagixisada halkaas ka jirta isla markaana la xaqiijiyo soo celinta amaan ee qaxootiga Suuriya iyo xasiloonida dhuleed ee Syria,” ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacaywakaaladda Anadolu. Qatar iyo Soomaaliya ayaa labaduba diiday bayaanka. Morocco sidoo kale waxay ku biirtay labada dal, iyadoo Bourita uu ku nuuxnuuxsaday in bayaanka Jaamacadda Carabtu uusan ka tarjumeyn mowqifka waddanka Waqooyiga Afrika. Dalka Liibiya ayaa sidoo kale isna diiday bayaanka. PUNTLAND POST The post Wadamada Jaamacadda Carabta oo ku kala qeyb samay howlgalka Turkiga ee Syria appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Agaasime Goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed. Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah. Sidoo kale waxa ayu isla garteen in aad dhalinyaradda looga wacyi geliyo qatarta ka dhalan karta tahriibka iyo dhibaatooyinka badan ee ka danbeeyo waxayna hoosta ka wada xariiqeen in xad loo yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay saraakiil ka tirsan Hay’adda IOM appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Qaliin dhib badan oo cakiran ayaa ugu dambeyn horseeday geerida askari Mareykan ah oo sanadii tagtay lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Soomaaliya, sida ku cad natiijada baaritaan oo heshay jariidadda New York Times. Alex Conrad, oo 26 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac gaaray 8-dii June 2018, isaga oo ku sugan xero ku taalla meel u dhow magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Conrad ayaa waxaa ku dhacay firirka hoobiye, kaasi oo qalay wejigiisa, qoortiisa, calooshiisa iyo lugihiisa, taasi oo hoggaamisay dadaal socda hal sac qaatay oo lagu bad-baadin lahaa noloshiisa. Saddex askari oo kale oo Mareykan ah iyo askari Soomaali ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab. Markii weerarka uu dhacay 2:45 galabnimo, Conrad ayaa waxaa durba u kala cararay kooxodii Mareykanka, wuxuuna ka cabanayey xanuun ka hayey lugta, sida baaritaanka lagu sheegay. Daankiisa ayaa waxaa kasoo burqanayey dhiig neefta ku celiyey, taasi oo horseeday qaliin deg deg ah oo tubo looga geliyey qoorta, si uu hawo toos ah uga qaato sambabka. 15 daqiiqo kadib ayaa loola cararay meel amni ah, oo isaga iyo askartii kale ee dhaawacmay ay ka qaadeen laba diyaarad oo ah helicopter noocoodu yahay HH-60 Pave Hawk. Diyaaradaha ayaa dhaawaca ula soo cararay garoonka diyaardaaha Kismaayo, halkaasi oo la keenay 3:15 galabnimo, balse 15 daqiiqo kadib uu ku geeriyodoay saacadda markay ahayd 3:30 pm. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in inkasta “oo qalliinada ay fuliyeen shaqaale caafimaad oo aqoon u leh, islamarkaana laba mar ay sameeyeen isku day lagu bad-baadinayo”, haddana Alex Conrad uu u geeriyooday qalad dhacay oo ku saabsan qaabkii loo siiyey tubada hawada siin lahayd. Si kastaba baaritaanka ayaa go’aamiyey in “shaqsi, koox ama urur gaar ah, uusan sameyn dayacaad” intii lagu guda jiray qalliinka, balse xaaladda lagu jiray oo adkeyd darteed uu qaladka ku dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii iyo siyaasiyiintii kala qeyb galay xafladii caleemo saarkiisa. Baaqaas ayaa ahaa in madaxweynuhu uu wada hadal la galo cid kasta oo saluugsanayd doorashadiisha islamarkaasna uu miiska wada xaajoodka ku dhameeyo khilaafka kasta oo Jubbaland dib u celin kara. “Waxaan diyaar u nahay si kasta oo aan uga garbixi karno inaan uga garbaxno cid kasta oo wax naga tabanaysa, hadday ahaan lahayd gudaheena ama dowladda federaalka dhinaceeda,” ayuu yidhi Axmed Madoobe. “Siday doonto ha u adkaato, waxaan diyaar u ahay inaan nabad ka shaqeeyo, laakiin waxa aan ku kala bixi karno waa inay ahaadaan sharci” ayuu kusii daray hadalkiisa. Hadalkaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyay xaflad lagu sagootinayay wafuudii ka qeyb gashay caleemo saarkiisa. HALKAAN HOOSE KA DAAWO PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii Kismaayo iskugu tagtay appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s government says it is setting up a national blood bank for the first time in more than two decades. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Yuusuf Indhacadde oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii 14-kii October, iyadoo wax laga weydiiyay casharada ay ka baratay dowladdu dhacdadaas iyo waxa ay uga faaiidaysatay shacuurtii dadka Muqdisho, oo aad uga gilgishay xasuuqii loo geystay. Indhacadde ayaa sheegay in dowladdu ay ka baratay oo kaliya in ay jarto wadooyinkii ay is ticmaali jireen shacabka dulman ee Muqdisho, halka kuwo uu ku sheegay arxan laawe yaalna ay dhankay ka soo gaaraan dad reer Muqdisho ka xasuuqayaan. Waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto khibrad yari ciidan oo aad u baahsan taas oo saameynteeda leh, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdo uu isagu la kulmay. “Galab galbaha ka mid ah ayaan Bar koontorool soo istaagay aniga oo la socda gadiid tikniko ah, wiilal boolis ah ayaa goobta joogay waxaan tusay ID CARD ama aqoonsigeygii waxa uu fiirinayay mudo badan, waxaa ku iri maxaad intaasoo dhan ka fiirineysaa afar xaraf bis ayaaba ku qorane”. Intii uu ka hadlayay arintaas ayuu sheegay Indhacadde in askarigii uu akhrin waayay magacii ku qornaa aqoonsiga, markii uu isku sheegayna uu aamini waayay. “Waxaan watay tikniko iyo ciidan badan, iyaguna afar wiilbey ahaayeen, hadana waxay isku dayeen in ay iskay hortaagaan, waana mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee Muqdisho iyo dalka oo dhan ka jira” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Jeneraalka ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid aad u liita, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii hoobiyaasha loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Xalane, isagoo xusay in qoriga ugu ridada dheer oo ay heystaan uu yahay Hoobiyaha oo kaliya, isaguna marka uu ugu bato ay tiiradiisu tahay 8-KM oo kaliya. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
