-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda federalka Soomaaliya gaar ahaan xafiiskeeda xeer ilaalinta ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, iyadoo la fahansiinayay hab cusub oo ay dowladda federalku u bixindoonto warqada dhaawac muujinta ee Rifeertada. Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo. Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dowladda federalka sannadka ugu horeeya ay dhammaan xarumaha booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badeli karin, la koobiyayn karin islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha. Halkaan ka daawo. Muuqaalka The post Dowladda federalka Soomaaliya oo Garowe tababar ugu furtay laamaha garsoorka iyo Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Jeddah (Caasimada Online) – Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga, kaddib weerar xooggan ay ku qaadeen goob ku dhow xuduuda labada dal. Afhayeen u hadlay Xutiyiinta ayaa BBC-da u sheegay in 3 guuto oo ka tirsan ciidamada Sacduudiga ay is dhiibeen. Waxa uu sheegay in kumanaan ciidan la qabtay qaarkalana la dilay, hase yeeshee saraakisha Sacudiga weli ma aysan xaqiijin sheegashada Xutiyiinta. ”Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo nooociisa ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xutiyiinta iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo”, ayuu yiri afhayeenka. Gaashaanle Yahiya Sarea ayaa sheegay in ciidamada Sacuudiga uu soo gaaray ”khasaare nafeed iyo mid hubka ah ahba”. ”Dhamaan ciidamada la qabtay ayaa waxay ka soo muuqan doonaan Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xutiyiinta”, ayuu yiri Yahiya Sarea. Xutiyiinta ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 14-kii bishii Sebteembar lagu qaaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga. Haseyeeshee waddamada baritaara Sacuudiga ee Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa weerardaasi ku eedeeyay inay ka dambeysay Iran, balse Iran ayaa beenisay eedeymahaasi. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Somali Government says it has fully lifted the travel restriction imposed on Kismayo, the interim seat of Jubaland and alerted airlines to start flights to the southern port city. The Somali Civil Aviation Authority said Saturday in a Notice to Airman has last week ordered all airlines to file in a notice 24 hours before departures to Kismayo. The order came a day after ex-President Sheikh Sharif was barred from boarding a plane to Kismayo September 22 ahead of the newly elected Jubaland leader Ahmed Madobe. Jubbaland Government, however, postponed the inauguration from September 26 but did not indicate a new date. This comes amid a political rift between Mogadishu and Madobe. View the full article
-
Somali National Army (SNA) killed a senior al-Shabab commander in an operation in Lower Shabelle region in southwestern Somalia, officials said on Sunday. Military officials who spoke the State-owned media said the Somali forces killed Hassan Abshir Jibril in bombardment on al-Shabaab base on the outskirts of Dhegle town. According to the officials, heavily armed al-Shabaab fighters have been regrouping themselves outside of the town during the bombing. Somali National News Agency (SONNA) reported that twenty al-Shabaab fighters including their leader were neutralized by the Somali army in coordination with AMISOM. The slain Jibril was said to be responsible for al-Shabaab’s several attacks on Janale and Barire towns of Lower Shabelle region. Al-Shabab did not comment on the latest incident which targeted its fighters. Recently Somali forces have killed dozens of al-Shabaab in raids on the group’s bases. Somali forces backed by African Union Mission in Somalia intensified operations on al-Shabaab in central and southern Somalia, conducting consecutive offensives to drive the militants out of these regions. View the full article
-
Somalia’s Minister of Air Transport and Civil Aviation, Mohamed Abdullahi Salad (Oomaar), who spoke to the SONNA [Somali National News Agency] while he is in Canada, said he had reached an important agreement with officials from the government of Oman on the sidelines of International Civil Aviation Organization (ICAO) conference. Minister of Oromar accompanied by the Director of the Somali Civil Aviation Authority Ahmed Moalim has reached a Memorandum of Understanding with the delegation of the Oman International Aviation Authority and agreed upon bilateral aviation and civil aviation cooperation between the two countries. The agreement coincides with the International Conference on the International Aviation Organization (ICAO) in Montreal, Canada, which has entered into the second phase of the first and second elections of the permanent member states for the next 3 years. Somalia was represented at the conference by HE Mohamed Abdullahi Salad (Omaar) Minister of Air Transport and Civil Aviation. The Minister and his delegation held separate meetings with some of the international delegation after the vote, discussing a number of issues. and to strengthen cooperation and relations with Somalia in these countries. The delegates that the Minister met, include some from Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia, and the regional aviation organizations of the Arab League (ACAO) and the AFCAC. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Mahamat Saleh Annadif has congratulated the Federal Government of Somalia. The biggest achievement is that Somalia is now officially in control of its airspace, more than 25 years since the collapse, thanks to efforts by the Federal Government of Somalia. View the full article
-
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta shirkii golaha dhexe ku ansixiyay xubno ka tirsan xisbigaasi. Xubnaha la ansixiyay oo u mahadceliyay xubnaha golaha dhexe. Waxaana ka mid ah xubnaha la ansixiyay: • Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guddoomiye xigeenka 1-aad • Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac Guddoomiye xigeenka 1-aad • Kayse Cali Geeddi guddoomiye xigeenka 3-aad • Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha guud Source
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Baydhabo ayaa sheegaya in maamulka madaxweyne Cabdi Casis Lafta-gareen uu bilaabay cadaadis iyo ficillo ka dhan xuriyatul qowlka. Todobaadkan gudihiisa waxaa la xiray dad aad u tira badan, waxaa kale oo la mamnuucay shirarka iyo in xisbiyada siyaasadda ka howl-galaan Koonfur galbeed. Cabdiqaadir Barre Macalin oo ahaa weriye madaxbannaan oo horay uga soo shaqeeyey Radio Baydhabo, Barkulan, Koonfur Galbeed TV iyo meelo kale ayaa la xiray, ilaa hadda lama sababta. Liibaan Ibraahim Amiin oo ah wakiilka hey’adda Posos ayaa ka mid ah dadka todobaadkan la xiray, hey’adiisa waa NGO. Xasan Macalin Isaaq oo horay u ahaa guddoomiyaha ku-xigeenka maaliyadda ee gobolka Bay ayaa isna la xiray arrimo aan la garaneyn. Mustaf Ibraahim oo isna ahaa guddoomiye ku-xigeenka Baydhabo ayaa ka mid ah dadka u xiran maamulka Koonfur Galbeed. Dhanka kale, waxaa la mamnuucay shirarka aaney ka warqabin maamulka ee ka dhacaya gudaha maamulka Koonfur Galbeed, Waxaa kale oo la mamnuucay xafiisyada xisbiyada ay ka furan lahaayeen gudaha maamulka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa falkaasi cambaareeyey isaga oo bartiisa Twitterka soo dhigay “Waa wax laga xummado sida loola dhaqmay saxaafadda Baydhabo. Dambiga kaliya ay galeen waa iney gaarsiyeen dadweynaha Soomaaliyeed war run ah oo dhacay ee tolow dadkii warramayne waa sidee xaalkooda. Allow Alle! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - At least two civilians were injured when an AMISOM convoy was hit by a landmine in SOS area in Mogadishu’s Hilwaa district. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka ee Somaliland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay dacwadda loo heysto, Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse (Coldoon) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta mamulkaasi. Maxkamadda racfaanka ayaa tan gobolka Maroodi-Jeex ku raacday xukunkii saddexda sano iyo lixda bilood ee ay horay ugu riday Coldoon. Wararka ayaa sheegaya fadhiga maxkamadda uusan joogin wax Qareen ah oo difaacayey, Wariye Coldoon, taas oo ay walaac xoogan ka muujiyeen qoyskiisa. Cabdimaalik oo xabsiga ku jira in ka badan 6 bilood ayaa loo heystaa eedeymo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland iyo Dusiga Abaarso oo ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa. Dhowaan Qareenkiisa ayaa is casilay, isaga oo sheegay in Soomaaliland uusan ka jirin sharci madax banaan. Xarigga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse (Coldoon) ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey dad badan, kuwaas oo ku dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Burco)-Shirkii goalaha dhexe ee xisbiga WADDANI oo hadda si toos ah uga socda magaalada Burco ayaa waxa xilka laga qaaday xoghayihii guud ee hore Maxamed Cabdillaahi Uurcadde. Xilka qaadista Maxamed Cabdillaahi Uurcadde waxa ay ku timid soo jeedin ka timid guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guddiga fulinta ee xisbiga. Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa hadda codayn u qaaday xil ka qaadista Uurcadde waxaanay u dhacday codaynto sida tan: waxa fadhiya shirka 352 xubnood waxa ogolaaday 344 xubnood waxa diiday 4 xubnood waxa ka aamusay 6 xubnood Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley warbaahinta isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO). Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal. Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota. Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi. Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC. Shirkan oo ahmiyad gaar ah u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey Mas’uuliyiinta Dawladaha Caalamka waxay bogaadiyeen sida Hufnaanta leh oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u hanatay Maamulidda Hawadeeda,taasi oo ay ku mutaysatay in ay Madaxda Dawladaha bogaadin u muujiyaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Oomaar iyo dadkii kala shaqeeyey ee Wasaaradiisa,oo dadaalkooda aan hagarta laheyn lagu gaarey Guusha maanta la hantay. Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, Culimaa’udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka soomaaliyeed. Shahaada sharafta ay heshay shirkadda Hormuud ayaa waxaa u gartay dadka Soomaaliyeed, waxayna noqotay shirkaddii ugu horrasay ee abaal-marin noocaan ah la siiyo, iyadoona Hormuud Telecom ku mutaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed iyo u gar-gaaridda dadka dhibaataysan. Martidii sharaftii ka soo qayb gashay xafladda ayaa mid mid u dul istaagay waxqabadka muuqda ay shirkadda Hormuud u qabatay dadkeeda, waxayna dhammaantood isku raaceen in Hormuud Telecom la garab istaago mar waliba ay taageero u baahato. Batuulo Sh. Axmed Gaballe Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajisay in Hormuud Telecom ay mudan tahay in shacabkeeda ay shahaado sharaf noocaan ah u gartaan ay tahay arrin ku dayasho mudan, waxayna dhinaca kale xustay in Hormuud dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Kenya ay tahay wax aan laga aamusi Karin. “Hormuud waa hanti Soomaaliyeed, marna kama aamusi doono in la bur buriyo Hantida Ummadda Soomaaliyeed, waa in aan garab istaagnaa markii ay inoo baahato”. Ayay tiri guddoomiyaha Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Batuula Shiikh Axmed Gaballe. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sidoo kale madasha ka sheegay in Hormuud tahay shirkad u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed ayna u baahan in abaal-marinno sidaan oo kale ah ay shacabkeeda u gartaan. “Shirkad Soomaaliyeed oo aan aqaanno waxa ay qabatay marqaatina ay ka yihiin shacabka Soomaaliyeed waaye Hormuud Telecom, waxaana leenahay Hambalyo mar labaad iyo mar saddexdaad” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa dhinaca kale carrabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay marnaba raali ka noqon doonin bur-burinta lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta Hormuud, isagoona dhinaca kale xusay in Hormuud ay tahay hanti qaran mar walbana loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay abaal-marin noocaan ah u gartaan dadka waxqbadkooda muuqdo sida Hormuud oo kale. Ugu dambayn Cabdixakiim Xasan Idow oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Hormuud Telecom oo guddoomay shahaado sharafta ayaa xusay in garashada Shacabka soomaaliyeed shahaado noocaan ah siiyaan Hormuud ay tallaabo wanaagsan, waxa uuna u mahad celiyey dadkii u gartay shahaadadaan, iyo sidoo kale madasha U abaal-Gud oo xafladda soo qaban qaabisay. Guddoomiye Cabdixakiim Xasan ayaa dhinaca kale khubadiisa ku soo qaatay qaar ka mid ah waxqabadka shirkadda Hormuud isagoona yiri “Hormuud Telecom waxay qayb wayn ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha, waxayna sidoo kale shaqo abuur u samaysay in ka badan 30,000 Kun shaqaale ah, waxaana ganacsiyada soomaaliyeed ku maal-galinnay in ka badan 15 Million dollar.” Waa markii ugu horraysay ay dadka soomaaliyeed shahaahdo sharaf noocaan ah u gartaan shirkad ganacsi oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu abaal-mariyey kaalinta muuqata ay ka gaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyo u hiillinta dadka tabaalaysan ay xil iska saartay shirkadda Hormuud Telecom.
-
(SLT-Burco)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shirka maanta waxa maanta fadhiya 352 xubnood oo golah dhex ah sida uu sheegay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI Cismaan Afgaab oo furay shirka. Guddoomiye Cismaan Afgaab ayaa waxa kale oo uu sheegay in shirka maanta lagaga hadli doono arrimo ay ka mid tahay: 1) xil ka qaadis ay soo jeedisay guddiga fulinta ee xisbiga WADDANI 2) ansixinta xubno cusub Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wararka naga soo gaaraya agagaarka xaafadda SOS ee degmada Heliwaa ayaa sheegaya in goordhow halkaasi qarax lagula eegtay kolonyo ciidamada AMISOM ah oo jidka marayey. Ciidamada AMISOM ee miinada lala eegtay ayaa rasaas furay dadkii goobta ku sugnaa si aan kala sooc laheyn. Lama oga khasaaraha ka dhashay goobta, laakin dib ayaan idiin soo dheegi-doonnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com