-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenka oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibadahaasi ayaa ugu horayntii Hambalyo u diray Ardayda ka qalin-jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadahaasi, waxaana uu sheegay inuu la qeybsanaayo dareenka farxada iyo Hambalyada ah ee ay maanta ku jiraan waalidiinta iyo ardaydii ay mudada ku soo tabcayeen, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha oo uu ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin aqoonta iyo soo saarista arday ka dhisan dhanka aqoonta. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Ardayda kula dardaarmay in Cilmiga ay barteen ay wax ugu qabtaan Dalkooda iyo dadkooda islamarkaana ku horumariyaan waddankooda si loo anba qaado geediga aqoonta iyo ilbaxnimada ee hoolka horumarka, ugu danbayntiina wuxuu ugu duceeyey ardaydaasi inuu ilaahay ku anfaco cilmigaa ay barteen. Allaa Mahad Leh Source
-
Ankara (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa baahisay in Turkiga iyo Ruushku ay ka shirayaan in Kurdiyiinta Siiriya laga saaro magaalooyinka ku yaala Waqooyiga Siiirya ee Manjib iyo Kobani marka ay madaxdu ku kulmaa magaaladda Sochi todobaadka dambe. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa warbaahinta ku xaqiijiyay in Putin iyo Erdogan ay ka wada hadli doonaan in magaalooyinka muhiimka ah laga bixiyo gacanta Kurdiyiinta. Xukuumadda Ankara ayaa Khamiistii waxaa ay heshiis la gaartay Maraykanka waxayna ogolaatay in ay gulufka waqooyiga Siiriya hakiso taas badelkeedana ay Kurdiyiintu dib u gurtaan. Talaadada Todobaadkaan ayuu Madaxweynaha Turkigu u safri doonaan magaaladda ku taala xeebta badda madow. Waxaa la filayaa in ay madaxdu go’aamiyaan cidda gulufka qaadi doonta, haddii ay tahay Ciidanka Turkiga ama kuwa Siiriya oo gacan ka helaya Ruusha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
sawir hore Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay wadada udhexeya magaalada Garowe iyo duleedka tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal. Puntland Post oo qadka taleefonka kula hadashay taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac, ayaa u sheegay in shilkaan uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumara. Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Bosaso kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo kahor inta aanu shilku dhicin. Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Garowe. Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddi lagasoo raray dekeda Bosaso. PUNTLAND POST The post Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay nawaaxiga Sunijiif appeared first on Puntland Post.
-
Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeyn Guddigga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka waxaa ka faa’iideysanaya xubno ka socda Maamulka Hirshabelle, waxaana lagu baranayaa Soohdin u Sameynta Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Daahfurka tababrkan kooxo hooleedka Soohdin Sameynta Hirshabelle waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiirka arimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in u jeedka tababarkan loo qabtay ay tahay in la casriyeeyo Soohdimaha Goboladda dalka, isla markaana kulankan uu gogol xaar u yahay wadatashi guud oo dhanka Soohdinta ku saabsan oo ay yeelan doonaa Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo tababarka furay ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tababarkan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo xarunta Gobolka Bari. Kormeerka waxaa Madaxweyne Deni ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyn Deni ayaa ugu horeyn booqday Cisbitaalka magaalada Boosaaso, wuxuuna kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay, intaas kadibna wuxuu kulan laqaatay maamulka oo u soo bandhigay xaaladdda Cisbitaalka, madaxweynaha ayaana sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo booqday Cisbitaalka Guud iyo xarunta gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil Muuse (Balbalaare), oo ka amid ah isimada soojireenka ah ee Puntland, ayaa manta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo soo dhaweeyay diirran loogu sameeyay. Suldaanka waxaa duleedka koonfureed ee magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi Boosaaso. Suldaan Cabuud Cabdi Ismaaciil ayaa mudada uu ku suganyahay Boosaaso waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona bulshada magaalada sida hoggaanka dhaqanka waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada. Hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Cabuud Cabdi Ismaaciil Balbalaare oo soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
War Saxafadeed ka Soo Baxay Madaxtooyada Qasriga Madaxtooyada+Wuxu daaran yahay+Muqaal Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. Qaran News
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka. Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa looga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta. Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan. Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya weyneyso xilka Guddoomiyanimo. Soomaaliya ayaa horey u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD. Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilowday qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD. Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Sarkaal sare oo ka tirsan Kurdiyiinta dalka Suuriya ayaa sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan oo ay dib u qaadayaan. Arintan ayaa ka dambaysay heshiis dawlada dalka Maraykanku ay miiska soo saartay oo dalka Turkiguna uu ogolaaday kadib markii dagaalkii ka socday magaalooyinka Waqooyiga dalka Suuriya ay barakiciyeen dad tiro badan. Redur Khalil, oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Kurdish-ka ee Syrian Democratic Forces (SDF), ayaa sheegay in qorshahaasi lagaga daadguraynayo magaalada Ras al-Ain la qorsheeyey maanta oo Axad ah, waa hadii aan dib u dhac ku imanaye. Dagaalyahanada ugu badan ee ka kooban SDF ayaa ka yimid kooxda Kurdish ah ee (YPG) magacooda loo soo gaabiyo, taas oo dawlada Ankara ay u aqoonsan tahay koox Argagixiso oo gooni goosad doonaysa. Source
-
Wasiirka Maaliyadda XFS, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo ku simaha xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah shacabka labada wadan, kadib kulan ay yeesheen marka uu soo dhammaaday midka sanadlaha ee hay’adda Lacagta IMF. Labada Mas’uul ayaa cod dheer ku sheegay in marbnaba wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin qaxooti Soomaaliyeed ee Kenya kiiska Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in muhiim tahay in laga shaqeeyo xoojinta ganacsiga labada dal. Kenya oo ka mid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururo badan oo gargaar siiya Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dowladood, kaas oo uu uga sii kiiska Badda ee yaalla ICJ. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Waxaa ka mid aheyd taallooyinka laga taagey magaalada Muqdisho midda halgamaa Axmed Gurey AUN oo ciidamadiisu ay ku dhowaadeen xuduudda Itoobiya ay la leedahay dalka Suudaan asagoo ka duuley nawaaxiga gobolka Awdal. Taallo halgamaa marka goob la surayo waxaan aheyn jiilasha koraya In halagamayaashaas ay ku dayasho u noqdaan wax ka baxsan oo macno ah oo ku jira ma garan karo, haddii ay taas tahay Halgamaa Axmed Gurey wuxuu halgankiisu salka ku hayey In dhulka Itoobiya la yiraahdo laga xoreeyo xabashadii gaalada aheyd. Haddaba waxaa halgankaas iska dhaxley jiilal badan waxaa ugu danbeeyey ururka ONLF oo u halgameyey kaliya Gobonimo gaarsiinta gobol ay xabashidu Xoog ku heysato oo laga yaabo waagaas intiisa badan inuu xor ahaa. Madaxwyne Farmaajo oo maanta taalladii Axmed Gurey oo bir ka samaysan qarash badanna ku baxey samaynteeda noo surey KM4, sow ma ahan ninkii xukuumaddiisu ay ku tilmaantay ururkii Gobonimo u dirarka ahaa (ONLF) ee dhaxalkii Axmed Gurey sii waday inuu yahay argagixiso oo illaa hadda xukuumaddiisu ay u aqoonsan tahay? sow ma ahan kii u gacan geliyey dawladda Ethiopia mid ka mid ah halgamayaashii saraakiishii sare ee Ururkaas waa C/kariim Qalbi Dhagax ayadoo laga dhoofiyey isla magaalada Muqdisho oo taalada Axmed Gurey laga taagey. Haddii uu Axmed Gurey noolaan lahaa asagoo halgankiisa sidii u sii wada sow asagoo indhaha ka xiran, jeebeysan, jirdil loo geystay, dadka Soomaaliyeed ka daba-qayliyaan looma gacan galiyeen kuwii uu la dirirayey, maxey macno samaynaysaa taallo dhagax ka samaysan oo meel la suro haddii ficilkaadu uu beeninayo taala-suridaada? Itoobiyadii halgamayaashaas ay hortaagnaayeen maantay ayada ayaa ciidankeedii dawlad goboleedyada loo adeegsanayaa, magaalooyinka qaarkoodna ay dad ku laynayaan, qaarna ay sigeen sida Jubaland oo ciidamo kumaandoos calooshood u shaqaystayaal Itoobiyaan ah la doonayey in loo adeegsado In ay soo jeebeeyaan madaxwyne Axmed Madoobe sidii ay u soo jeebeeyeen Mukhtaar Roobow. Madaxweynuhu wuxuu jiilasha Soomaaliyeed u dhigey cashar cinwaankiisu yahay “halgamaa waa dhiibis, ururkiisuna waa argagixiso, haddii loo baahdana Taallo waa suris”, waxaan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu meel isku raaco, isma qabato halgamaa iyo halgankiisu waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal!! Haddii xaalku sidaas yahay taalooyinka xiga kuwaan hadda la taagay waa badda & Shidaalka Soomaaliya oo la xaraashay, madaxda dawladuna ay noo shidaan heesihii gobonimo doonka, xoogagga wadaniyiintuna ay sax weeye sax weeye sawaxan ah dhegaha nooga jabiyaan, qaaqlayaashiina ay dhalleeceeyaan ciddii arrimahaas ka hadasha! W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Cadaalada Somaliland, waxaanu tilmaamay in hadalkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ah oo aan haboonayn, waxaanu sheegay marar badan inay dhacday Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda inay hadalo gef ahi uu ka soo yeedhay, wax laga qabtayna aanay jirin. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal uu Xisbigoodu u gudbiyey Shir gudoonka Wakiilada, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlayay Wasiirka Cadaalada “Ciidamo inaga goostay halkii laga murugoon lahaa in wax yar oo fudud lagu tilmaamo oo la yidhaahdo waxay ahaayeen Ciidamo aynaan u baahnayn waa ayaan daro weyn, hore waxaynu u ogeyn wixii ku hadlaayey Taliyaha Ciidanka Qaranka, haddana Wasiirka Cadaalada wuxuu ku hadlaayey weynu arkaynay, talaabooyin laga qaadayna ma jiraan, cid wax ka qabatayna ma jirto, Madaxweyne ka damqaday ama raaligelina ka bixiyey ma jiro, markaas Wasiiradda iyo Masuuliyiinta xilalka umadda haya haddii ay khalad galaan, ama hadalo gef ahi ka soo yeedho waa in talaabo adag laga qaadaa, oo waajibkooda la mariyaa, balse raali ayaa lagala yahay qaabka ay u hadlayaan, haddii aan raali laga ahayna waa laga damqan lahaa waxay ku hadlayaan, oo Madaxweynuhu xilka ayuu ka qaadi lahaa, waxaana xaqiiqo ah in dadkii la rabay inay isku soo dhawaadaan, inay hadda sii kala durkayaan, oo la sii kala fogeynayo, oo la sii kala didinayo”. Mar uu ka hadlaayey qoraal ay Shir gudoonka Wakiilada ay Xisbi ahaan u gudbiyeen ayaa yidhi “Qoraal ayaanu u gudbinay Shir gudoonka, qoraalkaas oo aanu kaga hadlaayno xubnaha uu Madaxweynuhu magacaabay iyo qaabka aanu sharcigu raali uga ahayn, sababtoo ah Cabdirashiid Riyo –raac weynu ogeyn oo wuxuu ahaa XIsbiga Kulmiye oo olole ayuu u galay, waxaa kale oo aynu ognahay in Inantan uu ku soo daray Madaxweynuhu xubnahan uu magacaabay inay iyana Komishankii hore ka tirsanayd Komishankii horena waanu diidanayn, in la soo celiyo cid ka mid ahna waa sharci daro”. Dhanka kale Xisbiga UCID isna dhankiisa warqad qoraal ah ayuu u gudbiyey Sihr gudoonka Golaha Wakiilada, oo uu kaga cabanayo xubnaha uu Madaxweynuhu u gudbiyey Wakiilada. Source
-
Xubnaha guddiga farsamada ee maamulka u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Guddiga oo ka kooban oo 13 xubnood ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay halkaasi kulamo ka bilaabaan, kuwaas oo xal loogu raadinayo Galmudug oo mid ah. Dhowaan ayey aheyd markii guddigan ay magacowday wasaaradda arrimaha gudahan, waxaana ka horyimid Ahlu Sunna, inkastoo ay haatan socdaan wadahadalllo hoose. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020. Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta. Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka. View the full article
-
Senotor Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Puntland ku matala Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa ka horyimid go’aankii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ka furteen gudaha Puntland. Mashruuc ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurk dalka iyo dhammaan shuruucda u taalla dalka. Sidoo kale wuxuu xusay in Puntland aysan is hortaagin karin xubnaha ku matala Puntland, haddii ay xafiisyo ka furanayaan deegaan doorashooda. Senatorka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliy ay ku leeyihiin maamulkaasi. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ee degmadaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal foolka fool ah oo muddo socday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo dhex maray ciidanka Milatariga iyo raggi weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in dagaalyannadooda weerar dhowr jiho ah ay ka fulyeen degmada Awdheegle , islamarkanaa ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo saraakiisha dowladdu ay ka soo saareen dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay intanba. Xaaladd ayaa hadda degan, waxaana goobiihi lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatriga Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-20102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wafti baladhan oo ka socda midowga Yurub ayaa soo gaadhay shalay magaalada Hargeysa. Wafigan ka socda Midawga Yurub ayaa madaxweye Biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah Cabdirxmaan Maxamed Cadbilaahi (Cirro) iyo Eng.Faysal Cali Waraabe kala hadli doona maanta khilaafka soo kala dhex galay ee la xidhiidha xubnaha loo soo xulay guddida doorashooyinka ee cusub. Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa hakiyay labadii xubnood ee ay u gudbiyeen golaha wakiilada kadib markii ay cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo madaxweyne Biixi u gubyay golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah komishanka xilku ka dhamaanayo kuwaas oo ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi uu soo xulay . Midawga Yurub ayaa bishii todobaad ee sanadkan waxa uu isku soo jiiday xisbyada siyaasada Somaliland ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid kuwaas oo mudo dheer isku khilaafsanaa gudida doorashooyinka oo xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday, waxaana markaas la gaadhay heshiis shan qodob ah oo khilaafkaas lagu soo gunaanaday, waxaanay hada u muuqataa in mar labaad loo baahday in midawga Yurub uu isku soo jiido hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland. Source
-
Dib u dhigista kiiska Badda marka laga eego dhinacyo kala duwan; DFS waxaa ugu jira fursado ay ka faa’iideysan karto, oo guul u horseedi kara in Soomaaliya ay ka gaarto kiiskaas. Hadii aan soo koobo waxaa ugu muhiimsan. 1) in dowladda Federaalka ah ay siiso Saammi-qeybsiga beesha degta Wajeer iyo deegaanno ka tirsan Jubooyinka, Gedo, Shabeelaha hoose iyo Bakool, taas oo loo arko hadii Dowladda Federaalka ku guuleysato in ay noqon karto mid aan lagu gorgortamin baddeenna oo dhulka ku dhararsan ay degto beeshaas, waana mid ay ku baraarugsanyihiin madaxda ugu sarreyso Kenya, maankoodana ka guuxeyso in ay jab ku tahay haddey sidaas sameyso dowladda Soomaalia. 2) Ma jiraan gole wacyi-galin ah oo arrimahaan bulshada Somaliyeed kala hadla, waana arrin sameynteeda leh, suurta galna ka dhigi karta in dowladda Kenya ay marin-habaabiso bulshada Soomaaliyeed, waxaana muddooyinkii dambe soo batay Khubaro iyo aqoonyahanno Kenyaan ah oo wacyi-gelin Media-yaha u marinaayay Bulshadooda, kuna dhiirrigelinaayay in ay difaacdaan baddooda. 3) Kaalinta warbaahinta ee Difaaca Badda. Warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya waxay ku dhibban-yihiin in ay helaan khubaro cilmigan bartay oo aqoon durugsan u leh, si faah-faahsanna warbaahinta ula hadla, taasna waxey noqon kartaa fursad kale oo ay DFS ka sameyn karto halkaas si shacabka Soomaaliyeed loogu sheego in ay badda iyaga leeyihiin ayna tahay in ay difaacdaan. 4) Abaabulka Qareenadii ka soo qeyb-qaatay kiiskan, waa fursad dahabi ah oo mar kale ay Dowladu ku xoojin karto qareennadii difaacay Badda ee kiiska halkan soo gaarsiiyay , hadii ay dowladda isku keentana dad badan aaminsanyihiin in Soomaaliya guul gaari karto. 5) Kabaaraan dagidda in saameyn uusan ku yeelan Ololaha Doorashadda Somaliya, inkastoo maxkamadda ay go’aamisay in kiiskan la qaado June-2020, hadana waxaa la rumeysan yahay in waqtigaas ay tahay Xilliga ololaha, waa Fursad kale oo DFS ay ugu Faa’iideysan karto in ay sameyso qorshe cad oo suurta galinaya in saameyn iaku yeelan ololaha doorashada iyo kiiska Badda, waana arrinta dowladda Kenya ay u aragto in fursad dahabi ah ay u tahay, isla markaana suuratagalin karta in DFS ay ogolaato wada-hadal ku aadan kiiskaas. 6) Wadajirta DFS iyo Maamul Gobaleedyada, muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay DFS in beesha caalamka iyo kenyaba ay arkaan Soomaaliya oo wada socoto, hal mooqifna leh, waxaana lagu gaari karaa in dowladdu ay isku keento una muujiso xushmad iyo dulqaad maamul goboleedyada, ayadoo ka billaabeyso Jubbaland oo lagu xanto in ay Kenya garab siiso. 7) in ciidamada Kenya lagu badalo ciidamo Jabuutiyaan ah, waa mid isku soo jiidi karto dowladda Farmaajo iyo shacabkeeda, waxuuna noqon karaa go’aan ay si isku mid ah usoo dhoweeyaan ummadda Soomaaliyeed, Kenyana ku noqon karo caqabad kale oo rajo xumo u horseeda. W/Q:- Xasan Kaahiye
