Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-20-102019.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir Seynab Xaabsey ayaa dalka dib ugu soo laabatay, kaddib dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Seynab oo markii ay ka soo dagtay garoonka Aadan-Cadde la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa wacad ku martay in aysan dalkaan uga cabsa doonin waxa ay ugu yeertay Argagixiso inta ay Naftu ku jirto. Guddoomiye Seynab oo jir ahaan uu raadad badan ku reebay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir Marxuum Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahad celisay garab istaagooda intii ay dhaawaca aheyd. Guddoomiyaha ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee dhaawacooda loo qaaday magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si halkaas loogu soo dabiibo, waxaana xusid mudan in Seynab ay ka mid aheyd dadkii dhaawacyada ugu daran ay ka soo gaareen qaraxaas. “Waxaa laga yaabaa in muuqaalkeyga uu is badalay, balse isma badalin qalbigeyga wax yarna Allaha ka dhigee, Wlh waxaan ku caafimaaday ducadiina, waxaan dalka u halgami doonaa inta aan noolahay” ayey tiri guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda. Intii ay ku jirtay qaban qaabada safarka ay ugu soo laabanaysay dalka ayaa waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah eheladeeda ay ka naxeen, isla markaana ay uga yimaadeen su’aalo ah “Ma-dalkii aad sidaan ku soo noqotay baad ku laabaneysaa, iska joog halkaan ayaan shaqo kaaga raadinaynaaye”. Balse guddoomiye Seynab ayaa sheegtay in ay aaminsantahay qof walba haduu ka tago dalka in Jiilka mustaqbalka ka leh dalkaan ay sidaan ku sii jiri doonaan. Caga jugleyn iyo isku day kasta oo ay ku carqaladeynayso argagixisadu ayaa waxa ay sheegtay in aysan ka reebi doonin halgankeeda u adeegidda dalka, inta ay Naftu ku jirto. Halkaan ka Daawo: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Kismaayo (SMN) – Dabley aan wali la aqoonsan ayaa magaaladda Kismaayo ku toogtay Oday dhaqameed aad looga yaqiinay halkaas. Xaaji Saciid Ciise Adoon oo dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Calanley ayaa waxaa sidoo kale uu kamid ahaa ganacsatada Jubbaland. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Laamaha ammaanka dowlad goboleedka ayaa nan wali ka hadlin. Waa nabadoonkii labaad oo dalka lagu dilay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana ka horeeyay Oday lagu toogtay magaaladda Afgooye. View the full article
  4. Ganacasade isla markaasna kamid ahaa Odoyaadha Dhaqanka ee Jubbaland , Saciid Ciise oo ku magac dheeraa Saciid Adoon ayaa caawa lagu dilay Kismaayo. Ilaa hada [...] Source
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa goor dhaw ku dishay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland. Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay. Xaaji Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas Caasimada Online u sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay. Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Banaadir ayaa shaqada ka joojiyay in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir, kadib markii la sheegay in dib u eegis lagu sameeyay liiska shaqaalaha. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka shaqada laga eryay ay isugu jiraan laba nuuc ama shaqo ka joojintooda loo maray laba qaab, taas oo laga yaabo in shaqaale kale ay saameyso. Shaqaalaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu sababeeyay labadaan qodob oo kale ah In shaqaalaha shaqada laga joojiyay in badan oo kamid ah aysan hadda dalka ku sugneen oo u baxeen dalka dibadiisa. Dadka maqan waxay isugu jiraan kuwa tahriibay, kuwa kale oo helay fursado dibadda ah oo dhib la’aan ku tagay iyo qaar ku maqan fasax laakiin laga saaray liiska Shaqaalaha. Iyo qaar kale oo laga dalbaday in dib u habeen kadib la yimaadaan saxiixa ama wakiil ka noqdo Xildhibaan kuwaas oo heli waayay Xildhibaankooda halka markii hore ay ku joogeen saxiixa ama ay wakiilo ka ahaayeen odayaashooda dhaqanka iyo siyaasiin aan xil heynin Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha lagu sameeyay shaqa joojinta islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ay heli la’yihiin Xildhibaankooda dowladda, maamulka gobalkana uu diiday damiinka qof aan aheyn Xildhibaan. “Xildhibaankeyga igama qabanayo Mobile-ka muddo dheer ayaa wacayaa fariin waan u diray xataa odayga dhaqanka waa ka qaban waayay, guddiga waan tusiyay in uusan qabaneyn fariina ka jawaabeyn” ayuu yiri qof kamid ah dadka shaqada laga joojiyay. Xog kale oo aan helnay ayaa sheegaysa in ay jiraan dad ka badan 100 qof oo kale oo laga yaabo in ay saameyso arintaan. Boqolaal kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ayaa qaba walaac xoog leh oo ku saabsan mustaqbalka shaqadooda maadaama Xildhibaanada ay u badan yihiin kuwa aan ka jawaabin Mobile-kooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland waxaa caawa fiidkii lagu dilay ganacsade caan ah. Marxuum Siciid Ciise Allaha u naxariisee ganacsade Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa Siciid Addoon ayaa koox hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Kismaayo, waxaana dhaawac lagu geeyey Cisbitaalka magaalada, halkaas oo markii dambe ku geeriyooday. Dilka Marxuum Siciid Addoon ayaa aad looga dareemay magaalada Kismaayo, iyadoo dad kacsana lagu dhex arkayo magaalada Kismaayo. Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilka Marxuum Siciid Addoon oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn deegaanada Jubbaland. Bishan October 3-deedii ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar uu u geeriyooday dhaawac bishii hore ee September loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Ganacsade caan ah oo lagu dilay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in degmadaas lagu dilay nabadoon caan oo si wayn looga yaqaanay gudaha degmada Afgooye. Waxaa lagu magacaabi jiray nabadoonka ladilay Ibrahim Maxamed Ibrahim. Lama oga sababta loo dilay waxayna goobjoogayaal xaqiijinayaan in lagu dilay bartama magaalada Afgooye. Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka nabadoonka si weyn ugu xumaaday shacabka degmada Afgooye. View the full article
  9. Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa salaadii Maqrib kadib xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye waxaa ay ku dishay Nabadoon caan ah oo ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ku soo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa uuna ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye. Nabadoon Ibraahim ayaa ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ku matala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buundo yar oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka Nabadoonka ay geysteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa. Goobta uu dilku ka dhacay ayaa aad ugu dhaweed halka ay ku suganyihiin ciidamada dowladda ee barta koontorool ku leh halka loo yaqaano Boondo yar oo lagu baaro gaadiidka soo galaya magaalada. Dableydii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadka reer Afgooye la yaab ku noqotay in ciidamada dowladda lagu hor dilay mid ka mid ah nabadoonnadii magaalada, hadana aysan wax fal celin ah ka sameyn. Caasimada Online Xaafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  10. -Mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka dooday xeerka ismaamulka goballada iyo degmooyinka ee dhawaan uu ansixiyay golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaanada golahan ayaa doodan aad ugu dhaliilay xeerkan oo ay ku tilmaameen mid isku dhexdaadsan oo aan la nidaamin, waxaanay badankoodu soo jeediyeen in dib gudi loogu dhiibo si loo soo saxo degmooyinka iyo gobalada isku khalkhalsan. Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaashii doodan ka hadlay waxa uu yidhi “ Xeerkani muugaadhin wakhtigii aan u codayn lahaynba,waxa xeerarka oo dhan inoogu taala gobaladii jiray wakhtgii Ingiriiskii hakii u kala xad ahayd ayaa u kala xad ah kana way ku taalaa, hadana waxa u leeyahay Cadaadlay oo barigii Ingiriiskii Hargeysa laga xukumi jiray Berbera ayaa xukunta, meel kale oo xuduuda ku taalana waxa xukunta Berbera cida xeerkan qortay cid mirqaansan ayay u eegtahay, cid miyir qabta oo odayaal ah oo cadaalad ah oo isku dhaf ah haloo diro.” Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa dhankiisa waxa uu sheegay “ maadaama oo uu xeerarka shaqeeyaa baabi’inaayo ama uu laalayo hubsiimo badan ayuu u baahan yahay, waxa qaldan waa khal khal farsamaan u malaynayaa waxaan soo jeedinayaa in xeerkan gudi loo saaro.” Xildhibaan Saleebaan Garas Seed ayaa isaguna ku taliyay in dib loogu laabto xeerkan“ Waa xeer badan waanu isku noq-noqonayaa, in loo sameeyo kala xadayn la leeyahay magaalo heblaayo hakaas ayay ku eegtay heblaayana halkaas ayay raacsantahay,in la kala saaro oo ayaan lays dhex dhigin.” ugu danayntii xildhibaan Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa sheegay in xeerkan gudi loo dhiibo “ Gudi hosaadka ay khusayso haloo dhiibo oo wakhtina ha la siiyo maadaama oo ay doorashooyinkiina inagu soo dhaw yihiin kala xadayntii goballada iyo degmooyinkana u baahanay.” Geeska Qaran News
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ka dambaysa in ay albaabada iskugu dhuftaan xafiisyo ku yaallay deegaannnada Dhahar iyo Goldogob, kuwaas oo ay ku la haayeen wasiirro ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa shalay xirtay labada xafiis oo ay wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiir Sadiiq Warfaa, oo sidoo kale ah xildhibaanno, ugu talo-galeen inay kala soo xiriiraan dadka ay ku matalaan golaha shacabka Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada maamulka Puntland, balse kuwa ay xireen ay ahaayeen xafiisyo siyaasadeed laga lahaa dano gaar ah, isla markaasna maamulka Puntland uusan aqbalayn arrintaas. Wasiir ku-xigeenka ma uusan shaacin waxa uu uga jeedo danaha siyaasadeed, ee uu sheegay in loo furay xafiisyadaas. Tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda iyo khilaafka ka dhex oogan dowladda federaalka ah iyo maamulka pUntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland oo Isku Shaadayn Ku Sameeyay Qaar Kamida Taliyeyaasha Ciidamada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-20102019.mp3 View the full article
  14. (SLT-Jabuuti)-Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex-galay qaar ka mid ah waddamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cidda qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka. Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa lagaga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta. Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan. Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya waayayso xilka Guddoomiyanimo. Soomaaliya ayaa hore u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD. Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilaamay qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD. Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud. Source
  15. (SLT-Jigjiga)-Masdaxwaynaha DDS Oo Soo Bandhigay Shuruudaha Uu Ku Xidhay Midayn Lagu Samaynayo Xisbyadda Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Gadiidka Somaliland Oo Madaxwayne Biixi Ka Difaacay Eedaymo Uga Yimid Xisbiga WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay taliyaha booliiska Saldhigga degmada Xamar-wayne ayaa maanta oo Axad ah looga mamnuucay in aysan wax qalab ah la soo geli karin dhismaha Guriga Hooyooyinka Weriyaasha madaxa-banaan ee ka shaqeeya warbaahinta magaalada Muqdisho. Tobaneeyo kamid ah Weriyaasha gobalka Banaadir ayaa Saakay laga celiyay dhismaha Guriga Hooyooyinka waxayna sababsadeen amar hore u yiilay oo ahaa in aan halkaas waxba lagu duubi karin, balse ay shalay ku duubeen cabasho ay ka qabaan tabintii fadhiyada Golaha Shacabka oo laga istaagay. Weriyaasha ayaa loo ogol-yahay in ay yimaadaan Dhismaha Hooyooyinka balse marka ay soo galayaan waxay soo marayaan baaritaan hadii qalabka wax duuba maqal ama muuqaal lagu arko looma ogola in ay gudaha u galaan dhismaha waxayna arintaasi sababtay in Weriyaal badan ay maanta geli waayeen Guriga Hooyooyinka. “Waan geli waayay dhismaha Hooyooyinka waxaana la ii sheegay in aan laabto oo aan iska soo dhigo Kaamirooyinka, xaruntayda ma dhawo soomana bixi karo qalab la’aan waayo halkaan ayaa ka aadaa shaqada” ayuu yiri Kaamira-maan ka tirsan mid kamid ah TV-yada dalka. Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku dhax-taalo oo lagu magacaabo The Village waa rugta ugu wayn oo ay Subaxdii isugu yimaadaan Weriyaasha magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku kala warqaataan waxayna halkaan ku waayeen Weriyaal badan oo Al-shabaab ku dileen qaraxyo kadib weeraro ka dhacay waqtiyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Wafdi ay hoggaaminayaan Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Safiirka dowladda Sweden Amb. staffan Tillander ayaa maanta gaaray Maagaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay kulan la qaateen Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland. Labada Safiir iyo wafdiga la socday ayaa Madaxweyne Biixi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Midowga iyo Somaliland iyo dardar gelinta wada shaqeynta laba dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Somailand ay qeybqadan laheyd xasilinta mandiqadda geeska Afrika. Sidoo kale Saafirada ayaa Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Somaliland si Dimuquraadiyad ah Midowga Yurubna uu ka geysan doono taageero sidii loo qaban lahaa doorashka Somaliland oo waqtigooda ku dhaca. Dhanka kale wafdiga ayaa uga mahada celiyay Somaliland sida ay u taageerto hanaanka doorashooyinka Dimuquraadiyadda ah, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin taageero ballaaran ay ka geystaan doorashooyinka. Wafdigaan gaaray Somaliland ee ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhowaan la filaayo in Somaliland ay ka qabsoomaan doorashooyionka ayadoo dhawwaan xisbiyada ka jirana ay gaareen heshiis ku aadan guddiga doorashooyinka madaxbannaan iyo in si siman loo qeybsado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Washington)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay dhiggiisa Kenya Ukur Yatani. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ayaa ka wada hadlay arrimaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudbaya labada dal iyo arrimo kale. Wasiir Beyle iyo Ukur Yatani oo kulmay inta uu socday Shir sannadeedka IMF iyo Bandhiga Aduunka, kaasi oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiisyay inay si caadi ah u socdaan howlaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudba Soomaaliya iyo Kenya iyo in la xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada dal. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Si Wadajira Ugu Soo Dhaweeyay Dalka Sweden, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander. Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyo Somaliland, gaar ahaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha manqadda Geeska. Waxa sidoo kale kulankaasi lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoowi lahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo mudooyinkii dambe uu muran badan hadheeyay. Labadan dal ayaa waxay ka mid yihiin dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya doorashooyinka Somaliland, isla markaana ka qeyb qaata doorkooga taageero ee ku wajahan hanaan socodka dimuquraadiyada. Midowga Yurub iyo Sweden ayaa u muuqda kuwa culeys badan ku saaraya xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi xalinta khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, si ay waqtigii loo asteeyay ugu qabsooman doorashooyinkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Qof Mayd Ah Oo Laga Helay Duleedka Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Somaliland: President Muse Bihi Receives EU Delegation The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, today received a delegation from the European Union led by Ambassador Nicolas Belanger Martinez. The EU envoy was also accompanied by the Swedish Ambassador accredited to the region, Ambassador Steffan Tillander. The delegation arrived to discuss areas of mutual interest, including the on-going preparations for the oft-delayed parliamentary and local council elections. The two parties also discussed the progress of the many EU funded projects currently underway in Somaliland, including the new water system in the capital, Hargeisa, as well as, the health, education, agricultural, environmental and social programmes supported by the EU in all of Somaliland’s cities, towns and villages. The delegation are also expected to meet with local parliamentarians, politicians, business leaders and social activist during their visits to Somaliland. Qarannews Qaran News