Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Bed-Alamo ayaa waxaa ay kala wareegtay ciidamada Jubbaland oo muddo ku sugnaa halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray halkaasi kadibna looga saaray ciidamada Daraawiishta Jubbaland. Ilo deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay haatan ka wado baaritaano. Deegaanka Bed-Alamo ayaa dhaca xadka dheer ee kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Muddooyinkii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa ka socday gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  2. On the morning of 21 October 1969, Somalis still unable to come to terms with the brutal killing of their beloved Head of State, on October 15, woke up to a reality that may have been new to them but familiar in many other African countries: a military takeover of the government. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) View the full article
  4. Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay illaa saaka ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sheegay in markii dambe la sii daayey dhalinyarada qaarkood, kadib baaritaano lagu sameeyey. Baaritaanadan ayaa daba socday dil xalay Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim loogu geystay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ammaanka degmadan ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoo maamula gobolku uu qeyla dhaan amni u diray Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. KISMAYU (HOL) - A prominent elder was killed Sunday evening in Kismayo in what is becoming a spate of killings targeting elders in various parts of the country. Source: Hiiraan Online
  7. KISMAYU (HOL) - A prominent elder was killed Sunday evening in Kismayo in what is becoming a spate of killings targeting elders in various parts of the country. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedihii u cuslaa u jeediyay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa aan weli la aasin Meydka taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya, kaas oo saddex habeen ka hor lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Naasa Hablood labo ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in weli uu maran ka taagan yahay sababta keenta dilka taliyahaasi oo lala toogtay askari ilaalo u ahaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulan dhexmaray ehellada taliyaha iyo wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Qaar ka mid ah ehellada Marxuumka ayaa inoo sheegay in wasiirku bixiyey jawaab aysan ku qansin, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Meydka aysan aasi doonin inta ay dowladdu ka cadeyneyso sababta keentay dilka Marxuumka. Dhinaca kale taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor. Maxaadey Suleymaan Eebakar ayaa ahaa shaqsi dhaliyaro ah oo firfircoon, waana sarkaalkii hoggaaminayey howlgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka halkaas oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka . Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galaya Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Paris)-Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Danjire Cali Xasan Ismaaciil ayaa ka qeybgalay xaflad Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiiska soo qabanqaabisay oo lagu casuumay dublamaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada Paris. Wasiirka Arrimaha Dibeda Faransiiska Jean-Yves Le Drian, oo metelayey Madaxweynaha Faransiiska Md Emmauel Macron ayaa gudoonsiiyey bilad sharaf Knight’s Cross Jean-Pierre Rivery, agaasimaha Guud, iyo madaxii hore Medef 56. Munaasibadan oo lagu qabtay magaalada Vannes ee wasaarada Arrimaha Dibedda Faransiisku ku casuumtay safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga ayaa bayaamiyey laba qodob, oo ugu horreyso dedaalkiisa dublamaasiyadeed ee xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Faransiisku iyo wada shaqeynta dhow ee uu u la wadaagay, oo dhigiisa wadamadda caalamka inoo jooga, nasiibdarro aanay weli gaadhin hanashadeeda. Sidoo kale, waxay meesha ka saartay dhaliilo xisbiyada Mucaaradku marar badan ku sheegaan in siyaasada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland fadhiid tahay, kana markhaati kacday sida qadiyadda Somaliland u qiimaynayo dalka Faransiisku. Source
  13. Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay duqeyn ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale Shabellaha Hoose. Waxa ay diyaaradahan beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degmooyinka Jilib iyo Jamaame, waxaana jira khasaare. Saraakiil ka tirsan DFS ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan ay ku dhinteen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse tiro ahaan lama sheegin. Diyaaradahan ayaa sidoo kale waxay bartilmaameedsadeen kolonyo ay la socdeen Al-shabaab oo xalay marayey deegaanka Xaramka, waxaana ku dhintay Shan dagaallame oo uu ku jiro sarkaal weli magaciisa aan warbaahinta loo xaqiijin. Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa inta badan waxay howlgallo ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Labada Shabelle, mana jirto faah faahin kale oo dhinayacdan laga hayo, kuna aaddan duqeyntan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in. Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka. Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon. Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan. Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan. Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen. Aabbe ma Aha Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq. Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen. Fool-ka-Fool Madaxweynaha Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen. Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen. Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii. TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka. Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran. Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey. Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon. Xuseen Kulmiye Afrax Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga. Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa. Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan. Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Source
  15. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday kulamo iyo shirar uu hor boodayo Proff. Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha Khaatumo, kuwaas oo inta badan diirada lagu saarayo qorshayaal kala duwan oo ku aadan dalka. Doorashada soo socota ee sanadka 2021 ayaa qayb ka ah kulamadani, waxaana Cali Khaliif Galaydh uu xooga saarayaa haatan sidii xildhibaanada Baarlamaanka Somalia kasoo gala deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn loogu dooran lahaa gudaha magaalada Muqdisho. taas oo ay ka qayb qaadanayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shakhsiyaad kale oo kasoo jeeda deegaanada SSC. Inkasta oo Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta ku wehelisa aanay war rasmi ah siinin warbaahinta, haddana sida warsidaha Muqdishotimes oo xiganaya illo ku dhawdhaw abaabulkaas u xaqiiyey, damaca ugu weyn ee Mr. Galaydh ayaa lagu sheegay sidii loogu dhisi lahaa maamul u gaar ah deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn kaas oo la sheegay in lagu midayn doono Beelaha East Sanaag Clan iyo Sool clan. Sida uu Muqdishotimes uu xaqiijiyey, madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayuu u bandhigay qorshihiisa kuwaas oo iyaguna muhiimad gaar ah siinaya si cadaadis xoogan ay ku saaraan dhinacyada Puntland iyo jamhuuriyadda Somaliland. Xogaha ayaa intaasi raacinaya, Ganacsato, Qurba joog iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa la sheegay in uu garab ka haysto Galaydh, kuwaas oo dadaal badan ku bixinaya hirgelinta maamul cusub oo ay dowladdu taageersan tahay. Subaxnimadii sabtidii dorraad ayaa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, waxa ka dhacay kulan u dhaxeeyey Cali Khaliif Galaydh iyo dhalinyarada kasoo jeeda deegaanada SSC, kuwaas oo qaarkood ay u hanqal taagayaan kamid noqoshada maamulkiisa iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee soo socda oo uu Galaydh dadaal ku bixinayo in aanan lagu dooran magaalada Garowe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo haatan xidhiidh wanaagsan xukuumaddiisa kala dhaxayn madaxda Somalia, ayaa isna fara gelin u arka qorshaha Cali Khaliif, isagoo markiiba fal-celin ka sameeyay, kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha guddaha Puntland oo ku taariikhaysan 19 Octoobar 2019, wareegtadaas oo qeexaysa in dawladda federaalka iyo maamulka Puntland aanu jirin wax heshiis ah oo ay kaga wadahadleen hanaanka ay iman doonaan xildhibaannada cusub ee imaan doona, sidoo kale digreetada ayaa amraysa in xildhibaannada Somalia kaga jira Puntland ay kusoo xeroodaan Puntland iyadoo lagu xulan doono hab-qaybsiga beelaha oo aan lagu xulan doonin hab-deegaan-doorashada dawladda Farmaajo wado Wareegtadan ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Cali Khaliif iyo siyaasiyiintiisu ay ka wadaan magaalada Muqdisho. Cali khlaiif ayaa hargeysa markii uu ka ambobaxayay sheegay inuu muqdisho u tegayo dano isaga khaas u ah, isagoona xusay in wadahadalkii Khaatumo iyo Somaliland meel fiican marayaan, wixii ka qabyo ahna uu soo laabadkiisa dhamaystiri doono Nuqulka wareegtadan ayaa u dhignayd sidan; Source
  16. “Somaliland Ma Waxa Lagu Keeni Kara Dawlad Dhexe Oo Xoog Badan? waxay aamminsan yihiin in ay tahay dawladdii dumisay, dishay, duqaysay ee dhibaatada gaadhsiisay..” Cabdiwali Gaas, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa doon ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kula degtay bariga xeebta magaalada Marka. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFS, waxaa doonidaasi la socday ku dhowaad 20 ka mid ah askarta xoogga dalka, kuwaasi oo ka baxay magaalada Muqdisho. Waxaa lasoo badbaadiyey 13 askari oo uu ku jiro taliyahooda, kaasi oo lagu magacaabo Xidigle Xismaan Muuse, waxaana illaa iyo haatan la la’ yahay 5 askari. Weli waxaa socda dedaallada lagu baadigoobayo askarta la la’ yahay iyo hubkooda, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo la helay. Magaalada Marka waxaa go’doomiyey Al-shabaab, iyadoo ciidanka dowladda ee doontan la degtay ay doonayeen in dhanka badda ka galaan magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka hay’adaha amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dilkii Xalay Kismaayo loogu geystay, Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqiinay gudaha magaaladaasi. Cabdinuur ayaa sheegay in Jubbada ay aad uga xun tahay dilkaasi, islamarkaana ay Tacsi u direyso ehellada Marxuumka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka ganacsadahaasi. Afhayeenku wuxuu xusay in ciidanku ay baaritaano ka dhan ah raggaasi ay ka wadaan halkaasi. Marxuum Xaaji Saciid Ciise Adoon ayaa sidoo kale ka mid ah waxgaradka deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Cod-Kismaayo.mp3
  19. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ganacsade caan ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xaaji Siciid Ciise Cabdi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Afhayeenka amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ka hadlay dilkaasi ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada marxuumka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku raadjoogaan raggii geystay dilkaasi, islamarkaana howlgallo lagu baadi goobayo ay ka wadaan gudaha Kismaayo. Dilkan ayaa qeyb ka noqonya falal ammaan darri oo doorasho Jubbaland, kadib ka dhacayey deegaanada maamulkaasi. View the full article
  20. Waayadaan dambe waxaa lagu Tahrir falaa awood qaybsiga Dowlada Dhexe, waxaa lasoo saaraa sharuuc la sheego in ay ku saabsan tahay Kheyraadka Soomaaliya iyadoon lagala [...] Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xidhiidha dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey. “Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xidhiidha dacwada Badda. Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigey bartiisa ugaga hadlay sababaha dib loogu dhigay dacwada badda. Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay aqabalayn in marlabaad dib loo dhigo dacwada badda hase yeeshee markii Maxamada ICJ ay dib ugu dhigtey marlabaad ayay dowladuna si sahlan u aqbashay. Source
  22. Taliska Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray amniga magaaladaasi iyo sidoo kale howlgallo ay ka sameeyeen duleedkeeda, Qoraal ka soo baxay taliska ayaa ugu horreyn lagu beeniyey in isbaarooyin la soo dhigay inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Godinlabe ee gobolka Galgaduud. “Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska. Ugu dambeyn Booliska ayaa ka codsaday shacabka in ay kala shaqeeyaan nabad gelyada, si ooga hortago falalka ammaan darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. View the full article
  23. (SLT- Afghanistan)-Xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa socdaal ku gaadhay dalka Afghanistan kadib wadahadalladii Mareykanka iyo Ururka Taalibaan ee fashilmay. Socdaalkan ayaa la xidhiidha iyadoo Washington ay qorsheyneyso in 5,000 askari ay kala baxdo Afghanistan kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka Isbaheysiga NATO. Mr Esper oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xidhiidho sidii loo dhimi lahaa ciidanka Mareykanka. Balse wuxuu sheegay in la bixitaanka ciidankooda ay ku xidhantahay hormar laga gaadho dadaalada nabada ee dalka Afghanistaan. Ciidanka NATO ayaa weeraro xooggan kala kulma dagaalyahanada la magacbaxay dowladda Islaamka ee daacish iyo ururka Talibaan oo xidhiidh la leh dagaalyahanada Al-Qaacida. Source
  24. Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano. Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Marka hore Kacaanka waxaa uu la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii” Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad: September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”. January 21, 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado, afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday January 2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria. FG:- Taariikhdaan waxaa isku soo uruurisay Goobjoog News, mana banaana inaad qaadato Adiga oo aan dhowreyn xuquuqda qoraalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. (SLT- Bangladesh)-Madaxa sare ee qaxootiga Bangladesh ayaa sheegay in kumanaan kun oo qaxooti ah oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya ay dib u dajin ugu sameyn doonaan Jasiirada Bay Bengal oo caan ku ah duufaanada dabiiciga ah ee wata Fatahaaaha. Qaxooti dhan 740,000 oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya oo ka soo cararay wadanka Myanmar bishii August ee sanadkii 2017-dii ayaa ku nool dalka Bangladesh. Millatariga Myanmar ayaa lagu eedeeyay inay wali wadaan xadgudubka muslimiinta ku nool gobolka Rakhine, iyadoo dhowaan la xaqiijiyay in 200,000 oo qaxooti hor leh ay soo Barakaceen. Source