-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla Magaalada Hargeysa. Maayarka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee Sharci-darrada kaga shaqaysta Hargeysa. Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo fulinayna amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Meherad kasta oo ay ka shaqaynayaan Shaqaale ajaanib ah waa in Maamulada degmooyinka Caasimaddu hubiyaan in Shaqaalaha Ajaanibka ahi haystaan Waraaqihii Sharciga ahaa ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, taasi oo noqonaysa qof kasta oo muwaadin ah oo Meherad furtay oo Shaqaale Ajaanib ahi u shaqeeyaan la ganaaxi doono, haddii Qofka ajaanibka ah ee u shaqaynayaa aanu soo qaadanin Warqadda sharciga ah..” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamda France ayaa xalay Gantaalo culus ku garaacay saldhigyo ay daganyihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku yaalla degmooyin ka tirsan Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya. Duqeyntaan ayaa ka dhacey saldhigyo aad loo ilaaliyo oo ay leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka dhasheen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ka tirsan kumadaandooska Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeynta markii ugu horreysay lala-eegtay taliska Jubbooyinka ee dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku yiilay degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khsaare soo gaaray ciidamo halkaasi ku sugnaa. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ugu yaraan 3 Gantaal lagu dhuftay xaruntaasi oo ay ku sugnaayeen ciidan loo diirinayay howlgal Milateri, kuwaas oo gaaray in kabadan 100 Askari. Ciidankii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in tobaneeyo kamid ah ay ku geeriyoodeen duqeyntaasi. Dadka degaanka ee degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyo soo gaaray dagalaamayaal ka tirsan Al-Shabaab balse hakad la geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha markii la qaadayay dhaawacyada xubanhaasi. Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay duqeeyeen Saldhig ay daganayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kala-duwan, kuwaas oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe. Si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay quqeynta Jilib balse Saraakiisha Soomaaliya waxay sheeganayaan in ay ku dileen tiro badan 20 dagaalame oo ajaaniib ah. Dhanka kale isla Duleedka Degmada Jilib waxa la Duqeeyay xaruun ay ku sugnaayeen ciidamo Al-Shabaab ah oo lasheegey in loo waday inay ka hortagaan ciidamada DF oo Baardhere ka soo baxaya kuwaas oo ku wajahan Degmada Bu’aale maalmaha soo socoda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in degaano kale oo ka tirsan Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelada Hoose la duqeeyay waxaana dhamaan duqeymahaasi la soo sheegayaa in dagaalamayaal badan ay ku geeriyoodeen. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in howlgalkaan uu bilaaw u yahay abaabulka howlgalo lagu wado in ay ka bilaawdaan Jubbaland oo la isugu furayo 3-da Gobalka ee Jubooyinka iyo Gedo. Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka soo dhaqaaqaan degmada Baardheere ee Gobalka Gedo kuwaas oo ku jiheysan degmooyin ka tirsan Jubada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin: B. Wasiiru-Dowleyaal: 1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. 2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. 3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. 4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. T. Wasiir Ku-xigeeno : 1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. 4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo aan caadi ahayn ayada oo ku eedeysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab. Warkan ayaa waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan badqabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eedeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka. Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eedeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Maareeye ma uusan yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eedaymaha ka dhanka ah warbaahinta Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay in ay soo saarto go’aaan mideysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakin ma uusan faahfaahinin arintaasi. Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aysan buun buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan. Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eedeynayay in ay caburin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho. Gefka Maareeye ayaa imanaya ayada oo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runt aka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
21-kii 1969 Oktoobar “Gu’yaal iyo gu’yaal bay rarteen gocorro shaydaane Iyadoon goblamin baa haddana Giiro loo hadhay”. Jaalle Maxamed Siyaad Barre isagaa dumiyey intii uu dhisay. Jacaylkiisii xad-dhaafka ahaa ee uu kursiga u qabey ku sii amar-ku-taaglayntiisa iyo is cajebintiisii kelitalusnimo ma aanay jisciman intii uu dhisay oo keli ah ee waxa galaafatay ummad dhan iyo qarannimadeedii. Gaashaanle Sare Maxamed Siyaad Barre iyo 24-kii sarkaal ee 21 Oktoobar 1969 Afgembiga talada dalka ku qabsaday waxa ay horqabateeyeen nidaamkii curdinka ahaa siyaasadeed ee qunyar socodka ahaa ee talada waddanku ay ku tibbanaysey sagaalkii sano ee dawladihii rayadka ahaa ee taagta darnaa. Ayax teg, eel na reeb. Iniintii uu aasay waa taa weli aan aagna looga gudbi kari waayey: kelitalisnimo iyo is cajebin, jujuub iyo cagjugleyn, aniga iyo anaaniyad, danni iyo is waa’ iwm. Manifesto Group, kooxdii Cali Mahdi, ayaa ahaa ukuntii koowaad ee qaraxda isla 1991, ilaa maantana weli aagna loogama gudbin oo waa taas kolba miinada iyo mililku meel ka fadkudinataan ama qarxayaan. Tabnaan VS Tognaan (– 20 + 10). Tabnaantu marka ay tognaanta ka tan badiso daalac ma la yeeshaa, mise deyn baa kugu go’aya oo kugu soo baxa? Wax kale, Taliskii Maxamed Siyaad, lagu xusuusan maayo aan ahayn toddoba sannadood (Okt 1969 – Juy 1976) oo horumar ruqaansi togan ah iyo 15 sannadood (July 1976 -Jan 1991) oo tabnaan, burbur, kala daadasho, kala aamin bax, is diiddo, iska hor imaadyo iyo kala haad; kala haab ah; qalbiyo wadajirey oo kala boodey, dani iyo is waa’ ah iyo birta iska asal iyo is gumaad ah iwm. Bisiddaa dhasheeda cunta, Kacaankii Oktoobar 1969 isagaa intii uu dhisay dib u cunay, dhiidhii na ku darsaday oo mas’uul N0: Kow (1) ka ahaa wixii dumey. Ka warran jabhadihii dawladda la dagaallamay ee burburka horseeday?! Iyagu waxa ay ahaayeen falcelin ka dhalay isaga (Maxamed Siyaad maamulkiisii iyo ficiladiisii ama danuubtiisii). Waxa horseed u noqday ardaydiisii, iyana wax badan dhaami waaye macallinkooda, mas’uuliyadda burburkana badhkooda ayay leeyihiin; in ay dhisi kari waayeen “qaran dhaama kii dumey”. Waa taas cilladdu. Hadda Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka mid ahaa “raggii garanuugta celin jirey; marka uu gabraarashada u baxo ninkii gumeysiga ahaa ee dalka haysan jirey”. Kaas baa isna macallin u ahaa; Faashiyaddii Benito Mussolini! Mingiste Xayle Maryan iyo derbigiisii waxa ay garteen isla sannadkaas 1991 intii Siyaad Barre iyo Jaalleyaashiisii garan waayeen. Qolada Itoobiya kelitalisnimada ku haystey waxa kala doorteen Ubixii Cusbaa (New Flower); Addis Ababa, oo burburta iyo kursiga iyo talada oo ay ka hulleelaan markii xoogaggii hubaysnaa caasha soo saareen, waxa aanay doorteen in ay iyagu ka hadaafaan. Taas bay garteen oo damacoodii in kursiga ku dagaallamaan waa ay ka tanaasuleen. Waa ta keentay kala duwanaanta Muqdusho iyo Addis Ababa ee maanta ama Itoobiya iyo Soomaaliya. In maanta Kacaankii iyo kelitalisnimada la gocdo ama hiloobo, oo naf iyo bakhti afuuf laga dhigtaa waxa u sabab ah, si kasta ha la isu dhaamee, kala qaarranaanta ama kala gantoobnaanteenna iyo in aan weli meelna “haakah” si buuxda looga odhan waayey ee wax kale iyo wanaag Maxamed Siyaad Barre laga dhaxlay oo uu ka tegey ma aha! “In kastoo guddoonkii burburay loo gudcuro joogey *in kastoo geyigu waa xormee gaadhka lagu meershey *in kastoo go’aankii dulliga geesinnimo diiddey *in kastoo gaggaabkii cuslaa garangar duul duulay *in kastaan garaad lagala hadhin galabba sheeggeeda *sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye *inta maanku gaajeysan yahay guuli waa weli”. Maxamed Bashe X Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweyne Deni oo la tashaday wasiirkiisa arrimaha gudaha, ayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari. Sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyayaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo. PUNTLAND POST The post degdeg: Madaxweyne Deni oo guddoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Bari iyo Gardafu appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wareysi gaar ah oo shirkaasi ku saabsan siiyey wakaaladda TASS ee dalkaasi ayaa sheegay in halku-dhegga sanadkan ee shirkan noociisa ah uu yahay “ Nabadda, amniga iyo horumarka”, taasina aaney iska iman ee laga baaraan dagay, waxaa uu intaasi raaciyey in horumar aan la gaari karin iyada oo aan xal loo helin kooxo badan oo argigixiso ah oo dhibaato ku ah dalal badan oo Afrikaan sida ISIL, al-Qaeda, Boko Haram iyo Al-Shabaab, kuwaas oo qasaya waqooyiga Afrika, gobolka Sahara-Sahel region, harada Chad iyo geeska Afrika. Putin waxaa uu sheegay in dalkiisa uu Afrikaanka ka caawin-doono la dagaalanka argigixisada, dambiyada abaabulan, ka ganacsiga daroogada, dhaqista lacagaha, tahriibka, burcad badeedka iyo arrimo kale. Dhanka horumarinta Afrika waxaa uu madaxweyne Putin sheegayaa in qaaradda ay dalal badan horay uga cafiyeen deymo hadana sameyn-doonaan, kana taageeri doonaan sidii loo xakameyn lahaa cudurka Ebola, musiibooyinka dabiiciga ah, xalinta khilaafaadka iyo ka hortagooda. “Jaamacada Ruushka ardey badan ayaa lacag la’aan lagu tababaraa, waxaan xoojineynaa iskaashiga” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay ka qeybgalka madasha Ruushka iyo Afrika, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kala kulmo madaxda iyo ganacsatada Ruushka, kalana hadlo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, loona bilaabi lahaa iskaashi dhow oo dib u loogu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee 60-maadkii iyo qeybta hore 70-maadkii qaranigii tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay agagaarka isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj, waxaana fuliyey askari ka tirsan Booliska, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in marxuumka iyo askariga ay murmeen kadibna uu rasaas ku furay, taasoo keentay in waduhu u geeriyoodo dhaawac soo gaaray. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey dilkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa waxyeelo kala duwan u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka nooca Bajaaj-ta ee ka shaqeeysa gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Seddax ka mid ah saraakiishii Maxamed Siyaad Barre oo qurbaha ku badbaadi waayay Jeneraal Maxamed Cali Samatar Jeneraal Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya. Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sannadkii 2010-kii go’aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobollada woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladda. Maxkamad ku taal waddanka Mareykanka ayaa go’aamisay in Janaraal Samatar uu bixiyo lacag lagu ganaaxay taasi oo soo gabagabeyneysay muddo siddeed sano ah oo dacwad ay ku socotay. Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan 21 milyan oo Dollar, taasi oo la siinayo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay jir-dil dhacay xilligii uu dowladda Soomaaliya ku jiray siddeetamaadkii. Kornayl Tuke Kornayl Tuke Kornayl Tuke wuxuu ka mid ahaa saraakiishii madaxda ka ahayd ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yiraahdo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sannadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah loogu geystay Magaalada Gabilay. Tuke ayaase beeniyay eedaymaha loo haysto. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sarsare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo ka dib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornaylka ayaa u wareegay wadanka Maraykanka, ka dib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Dacwadda la xiriirta kiiskan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa si rasmi ah uga furmaysa maxkamad ku taala Mareykanka, sida ay shaaciyeen wargeysyada kala ah The Guardian iyo New York Times ee kasoo kala baxa dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka. Maxamed Xasan Ismaciil Faarax Maxamed Xasan Ismaciil Jeneraal Maxamed Xasan Ismaciil ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii kacaanka, markii uu dalka Soomaaliya burburay wuxuu qaxooti ahaan u tagay dalka Kanada. Maxamed Xasan wuxuu dalka Kanada ka soo galay dhanka Mareykanka sannadku markuu ahaa 1991-dii. Muddo kadib ayaa waxaa soo shaac-baxday in Jeneraal Maxamed uu galay dambiyo ka dhan xuquuda aadanaha. Dhukumantiyo ka soo baxay maxkamd heer federal ayaa muujiyay in Maxamed uu mas’uul ka ahaa jirdil loo geeystay maxaabiis. Sannadkii 1993-dii , waxaa laga saaray liiska dadka Kanada ay magan-gelyada siisay kadib markii la arkay calaamado muujinayay in uu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada. Inkastoo Kanada ay go’aan ku gaartay in Xasan dalka laga musaafiriyo, haddana dalka lagama saarin. Mana jirin cadeyn muujinaysa in Maxamed uu dalka ku sii noolaan karo. Si kastaba sannadkii 2011-kii Hay’adda Canada u qaabilsan Xuduudaha ayaa Faarax ku dartay liiska 30 nin oo lagu soo eedeyay in ay galeen dambiyo ka dhan xuquuqda aadanaha. Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada ayaa walaac xooggan muujiyay kadib markii Maxamed Xasan Ismaciil Faarax loo magacaabay taliyaha booliska dalka Soomaaliya kuwaasi oo ku andacoonayay in ay nasiib darro tahay nin ku jira liiska dambiilayaasha loo magacaabo jago intaa la’eg. Qaran News
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaaladaas ay Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah. Dadka banaanbaxaya ayaa waxaa ay ka careysan yihiin dil xalay askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu Magaalada Garoowe ugu geystay qof Shacab ah, iyaga oo dalbadanaya in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey. Magaalada garoowe ayaa lagu arkayaa dad careysan oo gubaya taayiro, kuna gubaya albaabka hore ee xarunta Booliska Puntland. Sidoo kale ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaa waxaa dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ciidamadii ka dambeeyey dilkaasi, iyagoona ku doodaya inaan la aasi doonin ilaa iyo la soo qabto askarigii ka dambeeyay dilkaasi. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha booliska maamulka Puntland ee magaalada Garowe.
-
Dowlada Jubbaland ayaa wacad ku martay inay si qodo dheer u baarayaan Dilka loo geystay Ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon. Xaajigu euxuu kamid ahaa Dadka [...] Source
-
Unidentified gunmen have killed a Somali prominent elder and businessman in Kismayo town of southern Somalia. The victim identified as Said Abdullahi was shot dead in Kismayo on Sunday evening. The spokesman for Jubbaland administration, Abdinur Ibrahim Hussein, who spoke to the media states that the security forces launched operations to hunt down the perpetrators of the attack. “I confirmed that the security forces searching for the attackers who killed the elder. No one will be left without for their crimes,” he said. No group has claimed the responsibility for the latest attack on the traditional leader. He is the second elder assassinated last night, following the killing of Ibrahim Mohamed Ibrahim in Afgoye. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo Al-Shabaab iyo ciidanka Jubbaland maanta ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamadaasi ay ku lahaayeen duleedka degmada Dhoobley. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Bed-Alamo oo hoos yimaada magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF) Intii Ra’iisul Wasaaruhu joogay Washington, waxuu ka qayb galay shirka miiska wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray, waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo. Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta, ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha bangiga adduunka, agaasimaha maamulka IMF, wasiirrada maaliyadda Netherlands, Talyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka. Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
-
Doonidan ayaa waxaa la socday ciidan ka tirsan Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, iyadoona uu horkacayay G/dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan), Taliyaha Guutada 14-ka October. Wararka ayaa sheegaya in doonida ay ku degtay meel dhawr kiilo mitir u jirta Dekeda Magaalada Marka, lana soo badbaadiyay toban askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 14-ka October. Wararka ayaa intaa ku daraya in nolol iyo geeri aan midna lagu hayn saddex ka mid ah ciidankii doonida saarnaa. Ciidanka la soo badbaadiyay ayaa waxaa Magaalada Marka la keenay iyagoo hubkooda iyo dareyskooduba ku labisan, balse ay maqan yihiin askartii kale ee safarka badda ay soo wada galeen iyo saanadii ay wadeen. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Magaalada Muqdisho ka diray ciidan la socda doomaha nooca dheereeya, kuwaa oo lagu wado in ay ka qayb qaataan dadaalada lagu doonayo in lagu soo samata bixiyo askarta la la’yahay. Ciidankan ayuu ujeedkoodu ahaa in safar dhinaca badda ah ay ku taggaan Magaalada Marka, sababo ku aadan Shabaabka oo dhinaca dhulka ka go’doomiyay magaaladaasi. Ciidankan oo ka tagey Magaalada Muqdisho ayaa saanad hub ah u siday Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Marka, waana markii ugu horeysay oo shil noocaani oo kale ah uu ku qabsado Xeebaha Magaalada Marka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-21102019.mp3 View the full article
-
Ra’sul Cayn (Caasimadda Online) – Dagaalamayaal ka tirsanKurdiyiinta Siiriya ayaa ka baxay magaaladda go’adoonsan ee Ra’sul Cayn, waana dib u gurashadii u horeeysay tan iyo markii heshiis xabad joojin ah la gaaray khamiistii laso dhaafay. Afayeen u hadlay xoogaga SDF Kino Gabriel ayaa sheegay in Kurdiyiinta aysan ciidan uga harin magaaladda Ra’sul Cayn silamarkaaana la daad gureeyay. Balse maleeshiyaad ay taageeyaan ciidaka Turkiga ayaa ku gacan sayray hadalka Kurdiyiinta waxayna sheegeen in qaybo magaaladda ka mid ah ay Kurdiyiintu joogaan, sida ay warisay Reuters. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad 86 gadiid ah oo siday dagaalamayaaal Kurdiyiin ah ay magaaladda ka baxeen waxayna tageen magaalo 40 KM u jirta Tal Tamiir. Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen. Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay in ka badan 100 gaari oo ka gudbaya waqooyiga bari ee dalka Syria, halkaas oo Turkiga ay ogolaadeen inay joojiyaan howl-galkii ay ka wadeen kadib heshiis xabad-joojin ah oo dhex maray Washington iyo Ankara. Xoghayaha gaashaandhigga, Mark Esper ayaa sabtidii sheegay in dhammaan 1,000 askari ee Mareykanka ah ee ka baxaya waqooyiga Syria ay u gudbi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish, “si ay gacan uga gaystaan difaaca Ciraq”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, sareeye gaas, Yaasiin Cumar Dheere, ayaa maanta xarunta taliska ciiddanka difaaca Puntland ee 54-aad, tababar ugusoo xiray ciidamo katirsan daraawiishta. Tababarkaan oo socday ku dhawaad bil, ayaa ciidamada loo tababarayay tabta dagaalka, sancada hubka nuucyadiisa kala duwan, difaacida xuquuqda dadka iyo macluumaadka baarista qaraxyada. Ujeedadu loo tababaray waxay ahayd in kor loo qaado tayaynta ciidamada Puntland, iyadoo laga duulayo siyaasada madaxweynaha Puntland ee ku salaysan dhisida iyo horumarinta awooda ciidamada Puntland. Wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabarey, oo qeyb galay xaflada xiritaanka, ayaa bogaadiyay tababarkaan, wuxuuna sheegay Puntland in ay u baahan tahay in ciidamada awoodooda aad loo dhiso maadaama ay leedahay cadowyo qatar ku ah jiritaankeeda. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, sareeye gaas, Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay ciidamadaan maanta la tababaray inay qaateen tababar xirfadeed nuucii ugu horeeyay ee la bixiyo. Taliyuhu wuxuu sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay diyaar garowga tababarka guud ee ciidamada Puntland iyo dugsiyadii lagu tababari lahaa ciidamadaas oo qeyb kamid ah dhowaan xariga laga jarayo. In ka badan 500 askari, ayuu taliyuhu sheegay inay haatan ku xaraysan yihiin xerada tababarka Xorgoble ee degmada Qardho. Ugu dambayn, taliyaha ciidanka iyo wasiirka warfaafinta ayaa shahaadooyin iyo abaal marino guddoonsiiyay macalimiintii tababarka bixinaysay iyo ciidamadii tababarka qaatay oo maanta iyagu dib ugu laabanayay goboladii ay ka yimaadeen. HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA IYO MUUQAALKA. PUNTLAND POST . The post Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland oo Garowe tababar loogusoo xiray appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi, ayaa ku adkaystay go’aankiisii ahaa in aanu beddelin xubnaha guddida doorashooyinka ee mucaaradku ka cabanayo. Ilo xogogaal ah ayaa ii sheegay in madaxweynuhu wefdigii midowga Yurub ee dhexdhexaadinta u yimi Hargeysa u sheegay in arrintu u taallo golaha Wakiillada Somaliland in ay diidaan ama yeelaan balse aanu isagu xilligan waxba ka beddelayn. Labada xisbi Mucaarad oo hore u diiday qaar ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi, soo magacaabay ayaa la filayaa in ay go’aankooda dhawaan la wadaagaan shacabka. Xigasho: Hassan Galaydh Source
-
President Farmajo leaves Mogadishu for Russia-Africa summit
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has departed the country on Monday on his way to Moscow, Russia. The head of state is among leaders invited to attend the Russia-Africa economic forum scheduled in the resort city of Sochi from 23rd October. The Forum will be attended by African heads of state, representatives of Russian, African, and international business and government agencies, and representatives of African integration associations. During his visit, the Somali President is also scheduled to hold sideline meetings with government officials and leaders to discuss mutual interest and cooperation. According to the organizers, the forum is expected to strategically step towards creating favorable conditions for the development of trade and economic relations between Russia and Africa by diversifying the forms and areas of Russian-African cooperation. A significant set of trade, economic, and investment agreements are expected to be signed following the conclusion of the Forum. View the full article -
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta kacsan xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoona uu ka socdo dibadbax ballaaran. Banaanbaxa oo ay dhigayaan shacabka reer Kismaayo ayaa waxaa looga soo horjeedaa dilkii xalay halkaasi loogu geystay ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon. Dibadbaxayasha ayaa dalbanaya in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka. Sidoo kale qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen. Ganacsade Xaaji Adoon oo xalay toogasho lagu dilay ayaa waxaa baxsatay kooxdii fulisay. Jubbaland oo ka hadashay dilkan waxa ay sheegtay inay ka xun tahay, islamarkaana ciidamadeeda ay ku raad joogaan raggii fuliyey. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri ah oo doorashada Jubbaland, kadib ku soo kordhay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa ku eedeeyay maxkamadda derejada kowaad tan rafcaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Karkaar in ay sii daayeen xukmanayaal aan xabsigoodii dhammaysan. Guddoomiye Faahiye ayaa laamaha garsoorka gobolka Karkaar ka dalbaday in ay caddeeyaan hannaanka loo maray sii daynta Maxaabiista aan dhamaysan Xukun waqtiyeedka lagu ridday. Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in laamaha caddaaladdu kala shaqeeyaan oo qeybina wax ciqaabto qeybina wax cafiso islamarkaana ay bulshada u kala qeybiyaan qaar cadow ah iyo qaar xabiin ah. Hoos ka akhriso qoraalka guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Qardho: Laamaha garsoorka oo laga dalbaday in ay caddeeyan habka loo sii daayay maxaabiis aan xukunkoodii dhammaysan appeared first on Puntland Post.
