Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa sheegay in Agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka Dowladdu ay ku dhaqaaqeyso. Mahdi oo Maanta ka qeyb galay shirka Agaasimayaasha guud oo Maalintiisii Saddaxaad galay, ayaa wuxuu kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkan oo ay sameeyaan wada tashi, xog is weydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi, maadaama ay yihiin waaya arag iyo Muraayaddii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in Agaasimayaasha guud oo bud-dhig u ah hagaha nidaamka Dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha Dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta Qaranka. Shirka oo ay Maanta ku soo biireen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowlad Gobaleedyada laguna soo bandhigayo waxqabadka Dowaldda dhexe ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaanu qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019. View the full article
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa laba qof oo la rumeysan yahay inay xubno ka yihiin Al-Shabaab u gacan geliyey mas’uuliyiinta dalka Kenya, waxaa sidaas qoray wargeyska Daily Nation. Labada qof oo la rumeysan yahay inay Soomaaliya u baxsadeen kadib markii ay dambiyo ka geysteen Kenya, ayaa lasoo gacan geliyey shalay, sida uu sheegay taliyaha booliska Kenya ee Waqooyi Bari, Paul Soi. Warbixinta booliska Kenya ayaa lagu sheegay in labada qof lasoo gacan geliyey qiyaastii 11-kii subaxnimo ee arbacadii, kadibna loo qaaday magaalada Gaarisa, si halkaas su’aalo loogu weydiiyo. Taliya Paul Soi ayaa sidoo kale sheegay in labada qof la helay ayaga oo wata hub, kuwaas oo lagala wareegay. Ma uusan shaacin magacyada labada qof “Weli waxaa socda baaritaano, dib ayaana warbaahinta kala hadli doonnaa” ayuu yiri. Booliska Kenya ma aysan shaacin halka Soomaaliya ka tirsan ee labadan qof laga soo qabtay iyo habka loogu soo wareejiyey. Dowladda iyo booliska Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-24102019.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Nin Aroosay Maydka Gabadh Uu Jeclaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Qarammadda Midoobaay ayaa ka hadashay Sicir-bararka Somaliland, waxaana ay sheegtay inuu bishii September ee la soo dhaafay uu fadhiyey, inkastoo uu kor u kacay boqolkiiba 12, marka la eego celcelis ahaan halkii uu joogay sicir-bararku shantii sannadood ee la soo dhaafay. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qarammada Midoobay (FAO) ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in isku beddelka sarifka lacagaha shilinka Somaliland iyo Doolarka Maraykanku ay qiimihiisu deganaa suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland bishii September ee la soo dhaafay oo uu hoos u dhacay Boqolkiiba 8-32%. Hay’adda FAO waxay intaas ku dartay in qiimaha baddeecadaha waddaniga ah sida Galeyda cad, Masagada cas iyo Hadhuudhka cad uu qiimahoodu xasiloonaa bishii Septemeber ee sannadkan. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey Ra’iisul-wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo ku guulaystay doorashooyinkii toddobaaadkan ka qabsoomay dalkaas. Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku hadlayey afka Xukuumadda JSL wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka. Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inuu u hambalyeynayo dib u doorashada Ra’iisul-wasaaraha Canada, oo uu u rajeeyey guul muddo xileedkiisa labaad ee loo doortay. Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu uga mahadceliyey dawladda Canada, taageerada ay ka geystaan mashaariicda horumarinta Somaliland oo ay Canada ku bixisay 10 Milyan oo doolar. Source
  7. (SLT-Addis Ababa)-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa sii taabogelinaya cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal ee Jaarka ah. Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa weriyey in Itoobiya ay danaynayso inay inay wax ka dhoofiso, waxna kala soo degto marsadda Berbera. Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay sannad kasta dekedda Berbera kala soo degto baddeecad qiimaheedu gaadhayo 600 illaa 700 oo Milyan oo Doolar. Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Itoobiya u jooga Nairobi, Meles Alem Tikea, waxaanay falanqeeyeen sida ugu wanaagsan ee loo sii horumarin karo xidhiidhka labada dal. Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan arrimaha Nabadgelyadda iyo Ganacsiga, Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Waxbarashadda. Safiirka Itoobiya u jooga Nairobi, Meles Alem Tikea ayaa sheegay inay Somaliland door weyn ka qaadatay ammanka xeebaha, isla markaana kor loo qaadayo iskaashiga ganacsiga ee dalkiisu la leeyahay. Warsidaha East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Itoobiya ay tahay xulafada ugu muhiimsan ee Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika, waxaanay Itoobiya saami dhan Boqolkiiba 19 ku leedahay mashruuca casriyeynta dekedda Berbera oo ay ku wada jiraan dawladda Somaliland iyo Shirkadda DP World. Source
  8. Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Koox hubaysan ay jidgooyo u galeen baabuur dowladda Somaliland leedahay, iyagoona rasaas tiro badan ku furay. Baabuurkaasi ayaa waxa la soo sheegaya in uu marayay xiligii Kooxdaasi rasaasta ku furayeen inta u dhaxeysa magaalada Borama iyo Dilla, iyadoona si rasmiya loo ogeyn cida la socotay baabuurkaasi. Sida Caasimada Online loo xaqiijiyey baabuurkaasi ayaa ahaa mid dowladeed, isla markaana watay taarikada baabuurta u gaarka ah Mas’uuliyiinta dowladda Somaliland. Dowladda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, oo iyadu walaac balaadhan ka qabta amni darada deegaanadaasi, ayaa waxay Boorama u dirtay Abaanduulaha Ciidamada, Gaashaanle sarre Cabdirisaaq Sicid Bulaale. Abaanduulaha Ciidamada ayaa kulan deg deg ah la yeeshay gudida amaanka ee gobalka Awdal iyo qaar kamid ah salaadiinta goblka Awdal, wuxuuna si adag u sheegay in xukuumada Biixi aysan marnaba sii fiirsan karin xaaladaha amni darro ee ka soo cusboonaanaya deegaanada gobolka. Abaanduulaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulamada ay la qaateen guddida nabad-galayada ay ka warsugi doonana, isagoona xusay in dowladdu rajo fiican ka qabto wada-hadal u furma kooxdaasi jidgooyada u gashay. “Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka ee caadiga ahaa iyo arinta nabad-galyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka, iyadoona dhacday dhacdadii foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed” ayuu yiri Abaanduuluhu. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo, ka hordhici maayo wada-hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa”. “Nabad-galyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha, kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa”. Si kastaba, Falkaasi ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay deeganadaasi hoos yimaada gobolka Awdal ay ka jirto Jabhad ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Biixi, sida aanu ku baahinay xogihii hore ee aanu idin soo bandhignay. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
  9. (SLT-Jabuuti)-Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diplomaasiyadeed Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhayo Xubanaha urur Gobolleedka IGAD. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonayo inuu kulankaan deg-deg ah dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin cidda noqoneyso Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Waxaa jiro khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen. Dowladahaan ayaa si gaar ah iskugu heysto cidda qabaneyso xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa dooneysay inay hesho xilka xoghayaha fulinta ee IGAD oo shalay loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo Itoobiyaan ah, halka Dowladda Jabuuti ay rabto inay hesho xilka Guddoomiyaha ururkaan. Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa la filayaa in la siiyo Kenya sida ay u badan tahay waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hadda rabo inuu qabsoomo kulan deg-deg ah oo arrintaas lagaga hortagayo. Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa si xirfadeysan u hirgelinayo qoshaha ay damacsan yihiin, mana jirto illaa hadda dowlad si rasmi ah uga hadashay khilaafka xooggan ee ka dhex jiro Ururkaan. Xubnaha Ururkaan ku jiro lama ogo inay aqbali doonaan kulanka ay dalabadeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Source
  10. Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka. “Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas. “Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan.
  11. “Muuse Biixi Haddii Uu Yaqaan East Sanaag Clan Lama Dagaalameen” Beesha East Sanaag Clan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Banaan baxyadda ka dhacaya deegaanadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sababay inuu hakad gallo qaadkii loo iib keeni jiray magaalooyinka Somaliland. Wararka ayaa sheegaya inay beeralayda Oromada ee dalkaasi ay hakad galiyeen iibinta qaadka, dadweynaha reer Hargeysa ayaa ka hadlay arrintan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Dhuusamareeb (SMN) – Kulamo iska soo horjeeda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay ka dhaceen magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Shirarka ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa lagu kala taageerayo Guddiyadda Doorashooyinka oo ay magacaabeen dowlada iyo Ahlu Sunna. Dhanka kale, waxaa isla magaaladda ka socda shirar kale oo looga arrin-sanayo ammaanka iyo sidii shacabka door uga qaadan lahaayeen nabadda. Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa in ay martigeliso dhismaha Galmudug loo dhan yahay, kaasoo xukuumadda federaalka ay waddo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Khilaaf.mp3 View the full article
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC oo ay hogaaminayeen maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Afrika Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti Mr Nui Zengxiang. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, waxaana looga hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkadda CCECC ka waddo Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso oo kulankani lagu xaqiijiyey in la bilaabidoono bisha soo socota ee November 2019. Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay masuuliyiinta shirkadda CCECC. “Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”. “Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar”. Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jamac Deberaani. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday shirkadda CCECC appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Admiral Guuto Cabaas Aamiin Cali, Taliyaha C iidamadda Badda iyo Ilaalada Xeebaha, ayaa wuxuu beeniyay warar ay baahisay saxaafadda qaar. Wararkaas ayaa ku saabsanaa in Dooni ka baxday Muqdisho ay ku degtay xeebaha Cadale, balse waxaa beeniyay taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed. Cali ayaa xusay in doonta ay haleeshay cilad farsamo, isla markaana lasoo badbaadiyey ciidamadii la socday kuwaas oo haatan badqaba. Waa markii ugu horeysay oo taliska ciidamadda badda uu ka hadlo dooni la sheegay in ay ku degtay ama lagu weeraray xeebaha waddanka. Hoos ka akhriso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Qalad.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Waraysi Lala Yeeshay Macalin Maxamed Soomaali Oo Faah-faahiyay Dhulka Qoyska Madaxweynuhu Ku Haysto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Shirka Afrika iyo Ruushka ee kasocda Dalka Ruushka ayuu Ruushka wuxuu balan qaadey inuu ka qayb qaadanayo kobcinta dhaqaalaha iyo Amaanka Wadamada Afrika. Dhinaca kalena [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diplomaasiyadeed Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan deg deg ah isugu yeerayo Xubanaha urur Goboleedka IGAD. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonayo inuu kulankaan deg deg ah dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin cidda noqoneyso Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Waxaa jiro khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen. Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heysto cidda qabaneyso xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa dooneysay inay hesho xilka xoghayaha fulinta ee IGAD oo shalay loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo Itoobiyaan ah, halka Dowladda Jabuuti ay rabto inay hesho xilka Guddoomiyaha ururkaan. Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa la filayaa in la siiyo Kenya sida ay u badan tahay waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hadda rabo inuu qabsoomo kulan deg deg ah oo arrintaas looga hortagayo. Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa si xirfadeysan u hirgelinayo qoshaha ay damacsan yihiin, mana jirto illaa hadda dowlad si rasmi ah uga hadashay khilaafka xooggan ee ka dhex jiro Ururkaan. Xubnaha Ururkaan ku jiro lama ogo inay aqbali doonaan kulanka ay dalabadeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka ayaa qiratay in xiisadda kala dhaxeysa Jabuuti uu dhaawac dhaqaale u geystay. Guddoomiyaha DP World, ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bankiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Doraleh oo ay shirko ku ahaayeen. Jabuuti ayaa marsadda DP World, oo wax ka maal-gashatay, bishii Febraayo ee 2018, sababo la xiriira muran soo socday ilaa 2012. DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas. Maxkamadda London ayaa bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin, balse Jabuuti way diiday. View the full article
  20. Dibadbaxayaal isu soo bax ka dhigayay bariga dalka Itoobiya ayaa waxay gubeen buug cusub oo uu dhawaan qoray rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed taasi oo ay taageero ugu muujinayeen Jawar Mohammed . Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi. Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan. Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu amaanay isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi. Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda. Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.” Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar. Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi. Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo. Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn. Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay. Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa. Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay. Xigasho: BBC Somali
  21. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland, ayaa goor dhowayd ku dhawaaqday liiska xidhibaanada cusub ee golaha degaanka degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Liiskaan oo ka kooban 25 xubnood, ayaa 7 kamid ah waxay yihiin dumar, sida ku cad warqada liiska xidlhibaanada. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad ayaa sheegay in si cadaalad ah oo hufan lagusoo xulay golaha degaanka Buuhoodle, isagoo sheegay in juhdi badan lagu bixiyay dhismahooda. Marka la dhaariyo golahaan cusub, waxay saacadaha soo socda gelidoonaan doorasho lagu dooranayo gudoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Buuhoodle. HALKAAN HOOSE KA AQRISO MAGACYADA. The post Liiska golaha degaanka Buuhoodle oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
  22. Jowhar (SMN) – Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Xalay howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay Magaalada Jowhar ayaa Gacanta kusoo dhigay Dad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Howl-galladan oo Saacado badan ka socday Xaafahada kala duwan ee Magaalada ayaa u socday si habsami leh oo ay feejignaani ku dheehan tahay, iyagoo kaashanaya Shacabka halkaasi ku dhaqan. Booliska Magaalada Jowhar ayaa kordhiyay howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo marar kala duwan ay Ciidanka ammaanku soo qabteen xubno ka tirsan nabad-diidka oo ku howlanaa falal lid ku ah amniga. View the full article
  23. Maalinta keliya ee uu baroortay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Wa maalinta keliya ee la arkay Kim oo oynaya Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-Un oo kamid ah hogamiyeyaasha caalamka ee aadka looga qabo taliskooda, dalkiisana uu go’doon ku jiro, maadaama uusan xiriir wanaagsan la lahayn dalalka reer galbeedka ayaa waxaa adag in wax badan laga ogaado nolashiisa iyo dabeecadihiisa. Kim Jong-Un, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay hogaamiye aad u ad adag, dalkiisa gacan bir ah ku qabtay. Kim Jong-Un ayaa baroortay oo aad u ooyay maalintii u dhintay aabihii oo lagu magacaabi jiray Kim Jong-il, kaas oo dhintay 17-kii bishii Disembar ee sandkii 2011-ka. Kim aabihii ayaa u dhintay xanuun wadnaha kaga soo booday xilli uu ku safrayay tareen. Kim Jong-Un waxaa uu aad uga naxay dhimashada aabihii, maalintii la aasayay na ay tahay maalinta keliya ee la arkay isagoo aad u oynaya. Aabaha dhalay Kim jong-un ayaa dalkaas maamulayay tan iyo sanadkii 1994, oo uu xiligaas kala wareegay aabihii Kim Il-sung. Xiligaas waxa uu ahaa nin aad u da’ yar, oo waxbadan ka ogaa qaabkii iyo siyasadihii uu aabihii ku maamuli jiray dalkaas. Kim, xiligaas wuxuu ahaa shakhsi aad ugu dhawaa abihii markii uu xilka hayay, dabeecadihiisa na qaatay, taasna ay keentay in markii uu dhintay aabihii isaga uu la wareego xilka. Shacab u barooranaya dhimashada Kim abihii Tacsida aabihii ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay kumanaan shacabka dalkaas, kuwaas oo la ooyay, Kim Jong-un iyo eheladiisa. Dhammaan dadkii ka qeybgalay tacsidaas oo ay kamid ahaayeen saraakiisha ugu sareysa milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa baroortay. Inkastoo inta badan dadka ay u badan tahay inay aad uga naxeen dhimashada hogaamiyahooda ayaa hadana shacabka dalkaas oo aad uga cabsada dowladda, waxay dadka qaar aaminsan yihiin in oohintii ay oynayaan xilligii tacsida ay ahayd mid aan indhaha dhaafsaneyn, qofwalba oo ka qeybgalay aaska Madaxweynaha na uu ku qasbanaa in uu ooyo, maadaama qofka aanan oynnin uu khatar ugu jiri in laga shakiyo oo la dhibaateeyo. Dalka Kuuriyada Waqooyi waxaa sahlan in qofka lagu dilo wax aan sidaas u sii weyneyn, taas na ay keentay in dadweynaha ay aad uga cabsadaan dowladda. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa markii hogaamiyaha dalkaas, Kim Jong Un uu dilay adeerkii Jang Sang Thaek oo lagu eedeeyay in uu doonayay in uu xukunka ka tuuro Kim. Sidoo kale dalka Malaysia waxaa sanadkii 2017 lagu sumeeyay nin ay walaalo yihiin madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, kaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida dishay. Kim, aabihii iyo awowgii Kim oo ah siyaasi aad u da’ yar, dhashayna sanadakii 1984 ayaa la sheegay in uu wax ku bartay gudaha dalkaas iyo dibadda, oo waxaa uu wax ku bartay skoolka Liebefeld Steinhölzli ee dalka Switzerland. Dalka Kuuriyada Waqooyi oo dalalka reer galbeedka ay saaraeen cunqabateyn, adag tahayna in qof ajnabi ah uu tago ayaa go’doon ku jiray sanado badan, maadaama ay xurguf kala dhaxeysay dowlado ay kamid tahay Mareykanka. Hasayeeshee sanadihii dambe waxaa muuqatay in xoogahaa furfurnaasho laga dareemay dowladda dalkaas, oo dhowr jeer tijaabisay gantaalada ridada dheer, kuna hawlaneyd sameysiga hubka niyukleyka. Hogaamiyeyaha dalkaas, Kim Jong-un ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay la kulmay hogaamiyeyaal ay kamid yihiin Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Mareykanka iyo Kim Jong-un ayaa muddooyinkii dambe waday kulamo la isugu soo dhaweynayo labada dhinac, si ay uga wadahadalaan cunaqabateynta saaran iyo sidii dalkaas uu uga tanaasuli lahaa hubka niyukleyrka ee uu doonayo in uu sameysto. Qaran News
  24. Masar (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane; Cismaan Libaax Ibrahim iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka. Wasiir ku xigeenka ayaa kulamo hareer socda shirka la qaatay wasiiradda dhiggiisa ah ee ka qeyb galay shirka, isagoo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa dhibaatooyinka xagga Biyaha ah ee ka taagan qaar ka mid ah Dunida Islaamka. Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Todobaadka Biyaha Masar oo Khamiista Maanta ah lagu soo gebagabayn doono Magaalada Qaahira, iyadoo la wado in uu halkaasi ka jeediyo Khudbad ku aaddan habka uu Dalkeennu ugu faa’iideysan karo Kheyraadka Biyaha. Wasiiradda Biyaha ee Dowladaha ku midoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa Sanadkiiba ka arrinsada Biyo yarida ka jirta Waddamada ka tirsan Ururkan. Kulamada noocan oo kale ah ayaa waxa laga soo saaraa war murtiyeed ku saaabsan in si guud loo taageero Dalalka ay haysato Biyo yarida iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga kheyraadka Biyaha. View the full article