-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysnaa oo xalay ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa rag hubeysan ay ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi . Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku aadanaa in dolwadda uu ka saari doono Muqdisho, haddii aysan joojin dhaq dhaqaaqyada ay wado. Maxamed Cabdo Xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkaasi uu ku noqday mid filan waa ah, islamarkaana uu dhaawacayo nabad galyada iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd inuu u damqado dalkiisa, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-soofaysane-2.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay haatan wadaan wejiga Labaad ee u gurmashada dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Waare ayaa tilmaamay in uu dhammaaday wejigii Koowaad ee gurmadka, kaasi oo ahaa badbaadinta dadka, wejiga Labaadna yahay dhanka Samofalka. “Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle. Magaalada B/weyne waxaa weli ka soconaya dedaallada loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey fataahadda Wabiga Shabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-11112019-ok.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Maxkamada Abukar Cabdinuur Jaamac Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso, ayaa xukuntay laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay geed-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud. Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin, iyadoo ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaash maqan. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Maxkamadda Boosaaso oo xukun ridday appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magalada Athenis ee dalka Griigga ,halkasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah oo ay hormuud ka yihiin madaxda dalkaasi. Booqashada Madaxweynaha oo qaadaneysa muddo 3-cisho ah ,waxaa inta uu joogo dalka Giriigga uu madaxda dalkaasi kala hadli doonaa sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ganacsi iyo kan dhaqaalaha ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweynaha Shiinaha wxa uu mudada uu joogo dalka Girigga uu boooqan doonaa dekada Piraeus oo ay maamusho shirkada shixnadaha Cosco ee ay leeyihiin Shiinaha . Waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 10 alaabada dalka Shiinaha uu u dhoofiyo dalalka Yurub,waxa ay sii maraan dekedda Piraeus oo kulaasha biyaha badda Meditareeniyamka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Shiinaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Giriiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil hore uga tirsanaa hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa hadda xilla sare ka haayo ciidamada amaanka oo la soo xariiray Caasimada Online ayaa muujiyay walaac xoog leh oo ay ka qabaan amaanka madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda. Saraakiishaan oo naga codsaday in aanan adeegsan magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in ay jirto dayacaad amni oo weyn oo halis ku ah ammaanka madaxweyiyaashii hore ee dalka islamarkaana aysan ku baraarugsaneen madaxda dhibaatada ay wajahayaan. “Saacad walba ayay Shabaab beegsan karaan. Ka sokow Shabaab, dalka waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo xoog leh dilalka iyo weerarada dhacana kaliya ma fuliyaan Al-shabaab ee waxaa jira falal argigixiso oo ku lug leh siyaasadaha is diidan oo ay geestaan dad la yaqaano balse loo saariyo Al-Shabaab waxaana ii muuqda in hogaamiyaashaasi ay dayacan yihiin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa iyo xilka uu ka haayo Booliska. “Baaritaan dheer lama marsiiyo dadka ka qaybgala xafladahooda, sidoo kale ma ahan dad la yaqaano, waxay u badan yihiin arday laga soo aruuriyay jaamacadaha kuwa ay keeneen arday kale oo ah dhalinyaro xaafadeed, qaarkood waa iska yimadaan baaritaanka la marana aad ayuu u jilacsan yahay waxaa dhici karta in qaraxyo lala soo galo, sidoo kale waxaa dhici karta in ay toogasho dhacdo mana heestaan ciidan ilaaliyo oo ka baara halka ay u socdaan meesha ay fariisanayaan iyo dadka u soo dhaawanaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan Booliiska Soomaaliya. Sidoo kale Saraakiil hore oo ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qalad tahay in madaxdii hore ay ku safraan hal diyaarad, sidoo kalane ay aadan magaalo ay ka jirto qatar amni oo ka kooban laba nuuc oo kala ah. Qatarta amni ee dalka ka jirta oo ka imaan karta argigixisada dalka ama dhinacyo kale, iyo qatarta labaad biyaha magaalada ku soo fatahay oo ay ka dhalin karto xaalado amni oo halis ah, oo labadooda ay mar qura ku bixi karaan. Masuuliyiintaan ayaa madaxdii hore ee qaranka ka dalbaday in ay joojiyaan safarada halka diyaarad ah sidoo kalane ay kordhiyaan taxadarkooda balse aysan ku koobin oo kaliya iska ilaalinta qartarta Al-Shabaab laakiin ay ogaadaan saameentooda iyo dalka ay rabaan in ay ku dhax shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiir Maareeye Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo si adag dowladda ugu hanjabay, kadib markii ay shalay laba jeer isaga iyo wefdigiisa ku xannibtay garoomada diyaaradaha Muqdisho iyo Beledweyne. “Magaaladaan **********aa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan. Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu yiri Sheikh Shariif. Wasiirk Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xalay saqdii dhexe warbaahinta u sheegay in hadalka Sheikh Shariif uu layaab iyo filan-waa ku noqday dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in uu ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa, islamarkaana taxaddar ka muujiyo wax kasta oo dhaawacaya magaca Qaran ee uu xambaarsanyahay Sheikh Shariif. “Warka ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr Maareeye. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay laba jeer xannibaado kala duwan u geysatay wefdi ka socday xisbiyada ka dhisan Muqdisho, oo ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamed, kuwaasi oo gurmad u siday dadkii ku waxyeelloobay fatahaadda Beledweyne. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay hanjabaadii Sheikh Shariif appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u jawaabtay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri sidan: Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mudane Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa hadal filan-waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaasoo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan Astaan Qaranka u soo noqday. Sidaas Awgeed, waxaanu Madaxweynihii hore Shariif Shiekh Axmed ugu yeeraynaa in uu dhowro magaciisa iyo sharaftiisa, kana taxadaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu Xambaarsan yahay Madaxweyne hore. Dawladda Soomaaliyeed, Madaxdii hore ee Qaranka iyo cid kasta oo doonaysa horusocodnimada Dalkan waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, bad-qabka iyo amniga guud ee Dalka. Ummadda Soomaaliyeed waxay manta hiigsanaysaa horumar iyo nabad, cid kasta oo hogaanka soo qabatay waxaa laga sugayaa in ay ka qayb qaataan xoojinta iyo ka miro dhalinta himilooyinka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiir Maareeye: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/11/Codka-Maareeye.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Toddobaadyadii la soo dhaafay, gudaha Soomaaliya, dowlad-goboleedka Hirshabelle – oo ka kooban gobollada Hiraan iyo Shabeelle – waxaa ku dhuftay, ka dib bilooyin abaar ah, roobab mahiigaan ah oo sababay musiibo bini’aadannimo in ka badan laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan kun oo barakacay iyo tobannaan dhintay. Fatahaada wabiga shabeelle ayaa waxyeeleeyay guryo, dalagyo iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo burburiyey dhamaan noocyadii dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, halka isbitaal kuyaala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dhanka galbeed ee muqdisho uu xirnaa. Nasiib darrose, si kastaba ha noqotee, wixii hadda dhacay si ballaadhan ayaa loo filayay. Horaantii sanadkii hore magaalada Beledweyne waxaa ku soo fatahay daadad rabshado wata oo Talyaanigu wuxuu u qoondeeyay 6 milyan oo Euro miisaaniyaddii 2019 ee dib-u-dhiska barkadihii hore ee bilaa-haadka ahaa soddonkii sano ee dagaalka sokeeye ka dib dhicitaankii. General Siyaad Barre. Laga soo bilaabo 2018, sidaa darteed, mashruucu wuxuu lahaa inay soo diyaariso FAO iyadoo lala kaashanayo dowlad goboleedka Hirshabelle oo ay dowladda dhexe u soo bandhigtay dowladda dhexe shaqsi ahaan Wasaaradda Beeraha laakiin bishii Luulyo ee la soo dhaafay, ka dib markii la soo saaray “wareegtada howlgalka” , Iskaashiga horumarineed wuxuu Soomaaliya u yareeyay 6 milyan oo doolar, taas waxaa la oran karaa waa xaq maalinta ku xigta markii Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya, Saciid Xuseen Iid, uu ku sugnaa Rome doorashada Agaasimaha Guud ee cusub. ee FAO. Haddaba, wax yar uun ka dib daadadkii maalmihii la soo dhaafay, ayay FAO u dirtay qabyo-qoraalka mashruuca riwaayadda Guddoomiyaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware kaas oo taleefanka naga soo gaadhay, oo xaqiijiyey helitaanka dukumintiga, laakiin wuxuu sheegay in aanu samayn inaad wax ka ogaato jarista lacagta Talyaani taasoo, asaga, had iyo jeer la heli karo iyadoo lagu saleynayo macluumaadka la helay laba bilood ka hor. Waxaan markaa u yeernay Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Iid oo amaaney shaqada wanaagsan ee Talyaanigu ka qabtay Soomaaliya, laakiin isaga xitaa lacagtii lama goynin, maxaa yeelay, waxaa lagu saleynayaa kulan lala yeeshay guddiga dhibaatada ee daadadka. Toddobaadkii hore, Talyaanigu wuxuu xaqiijiyay helitaankiisa. Wadahadal khadka taleefanka ah oo aan ku yeelanay Rome ayaa xaqiijiyay in ay jiraan lacago loogu talagalay dib u dhiska bangiyada wabiga Shabeelle, laakiin ay ku jiraan saadaalintii ay ku bixi lahaayeen 2020. Haddii xisaabtu aysan fikir aheyn, 6da milyan ee loogu talagalay dib-u-dhiska Dowlad-goboleedka Hirshabelle sanadka 2019 waxaa lumiyey iyadoo aan laga warqabin mas’uuliyiinta Soomaaliya oo Wasiirka Beeraha uu leeyahay mas’uuliyadda ugu weyn ee ah inuusan waqtigiisa ku soo bandhigin mashruuca. . Falanqayn qoto dheer ayaa waxay horseeday in la hubiyo in aysan ahayn markii ugu horreysay ee lacagaha loogu talagalay Soomaaliya aan lagu kharash gaarin dib-u-dhacyada ku yimaada horumarinta mashaariicda iyo dib-u-dhacyadaasi inta badan waxaa sabab u ah maqnaanshaha heshiisyo laba geesood ah oo toos ah oo u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya oo aan horey u jirin. wali dib ayaa loo soo celiyay ka dib dhicitaankii Siyaad Barre. Ilaa iyo hadda isku dayga Soomaaliya ee jihadaasi ma noqon wax natiijo ah. Si loo taageero mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, Talyaanigu wuxuu maraa dhinac saddexaad (FAO, UN, IFAD, iwm). Sidaa darteed faafinta buqcadda oo ka hortagaysa in Soomaaliya ay si toos ah u ogaato deeqsinimada Talyaaniga iyadoo ay soo noqnoqonayso luminta tabarucaadka loo baahan yahay si loo yareeyo dhibaatada daran ee dadkeeda. Haddii dhibaatooyinkaas si weyn looga guuleysan karo iyadoo la raacayo sharuudaha heshiiska laba geesoodka ah, way adkaan lahayd in laga gudbo dhibaato kale oo inta badan ka dhaceysa kiisaska: doorashada qandaraasleyaasha. Laakiin halkan su’aashu ma aha diblomaasiyad iyo sharci dejin midna. Sidoo kale, hoo, waxaa ku xaddidan xiriirka u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya oo keliya. Waxaa qoray: Wargeyska la Repubblica ee Rome W/T: Muuse Maxamuud Jiisow
-
Kenya's population census figures have been released, causing controversy among some groups who feel the results are not fair or accurate. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog dheeraad ah oo ku saabsan kulan todobaadkii hore dhaxmaray guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo hadda ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaas ayaa ku saabsanaa wadashaqeynta gobalka Banaadir iyo Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya oo ay hogaamiso Khadiijo Maxamed Diiriye. Mid kamid ah agaasimiyaasha gobalka Banaadir oo ka tirsan kooxdii la socotay Cumar Filish ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu si cad ugu sheegay in Cumar Filish miisaanka ay wasiir Khadiija ku dhex-leedahay dowladda. “Cumar Filish ma taqaanaa wasiir Khadiijo? Waa halbowlaha Nabad iyo Nolal la shaqeey mar dambane yeysan isoo gaarin cabashadeeda” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii la socday guddoomiyaha gobalka Banaadir. “Madaxweynaha markii uu intaas dhahay waa ka dhaqaajiyay isagoo aan dhageysan jawaabta guddoomiyaha sidoo kalane aan ka wareysan xaaladda kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay. Khadiija iyo Cumar Filish ayaa isku qabtay cayaaraha gobolka Banaadir oo wasaaradda ay dooneyso inay kaalin ku yeelato, halka Filish uu ku dooday in wixii heer gobol ah aysan wasaaradda shaqo ku lahayn. Si kastaba Khadiija ayaa rumeysan in haddii banaanka laga dhigo cayaaraha gobolka ay taas macnaheedu tahay inaysan jiri doonin wax ay qabato wasaaradda, maadaama Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee ay ka howl-gasho. Waa taas sababta keenta inay korontada ka dansato garoonka Injineer Yariisow, xilli ay dhici rabtay cayaarta finalka degmooyinka gobolka Banaadir. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu dhamaaday khilaafka labada dhinac, oo Flish uu tanasulay, islamarkaana dhawaan la qaban doono Ciyaartii baaqatay 24-kii bishii hore ee u dhaxeysay degmooyinka Dharkeynlay iyo Waabari ee gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in muddo dhowr bil ah aysan Xukuumadda bixin misaaniyaddii loogu talagalay socodsiinta shaqada baarlamanka. Xildhibaanadaan ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu u xaqiijiyay in dhowr bil aysan Baarlamaanka helin lacagtii lagu socodsiin lahaa shaqada Baarlamanka (Running Coast), taasna ay saameen ku yeelatay shaqada Baarlamanka. “Guddoomiyaha waxa uu noo sheegay in aysan soo gaarin miisaaniyaddii baarlamanka ee socodsiinta shaqada waxaana guddoomiyaha lagu leeyahay deymo badan oo uu safar ku galay” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Lacag dhan $200,000 ayaa la sheegay in ay ku dhici jirtay akoon uu leeyahya Golaha Shacabka islamarkaana lagu socodsiin jiray shaqada Baarlamaanka balse waxaa la sheegay in dhowrkii bil ee la soo dhaafay aysan soo gaarin lacagtaasi. Waxaan la xiriirnay xukuumadda Soomaaliya si aan wax uga weydiino sababta aan loo bixin miisaaniyadda baarlamaanka ee dhowrkii bil ee ugu dambeysay, balse wax jawaab ah kama helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Daraasad Reer Galbeed oo shaacisay Hal sabab oo ay Iran Bariga Dhexe ugaga awood badan tahay Dalka Mareykanka & Xulufadiisa Dowladda Iiraan ayaa Millateri ahaan waxay Mareykanka kaga horeysaa Bariga Dhexe, waxaana u suurta-galiyey shabakadaheeda urur ee Bariga dhexe, sida ay sheegayso cilmi baaris uu soo saaray Machadka daraasaadka Ingiriisku. Iyadoo la tixraacayo daraasada uu soo saaray Machadkaasi ayaa Wargeyska ‘Isreal Today’ waxa uu maanta bogiisa hore ku daabacay war uu cinwaan uga dhigay “Iran waxay militariga kaga fiican tahay Mareykanka iyo xulafadeeda bariga dhexe”. Sidoo kale sida ku xusan daraasada Machadkaasi ayaa waxa lagu sheegay sababta Millateriga Iiran uga sareeyo ay tahay, in dowladda Iiraan ay awood ahaan u adeegsaneyso ama u mareyso ururada ay taageerto ee Xisbullah iyo Maleeshiyaadka kale ee Shiicada ah. “Awoodda Iran ay u leedahay inay ku dhaq-dhaqaaqdo ururradeeda ay aasaastay ee Lubnaan, Siiriya, Yemen iyo Ciraaq ayaa ah habka ugu wanaagsan ee Tehraan uga dhex shaqeyn karto Bariga Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka daraasadaasi. Waxay intaasi sii raacisay “Qaabkan shaqo, wuxuu siinayaa reer Iiraan inay si joogto ah uga sarreeyaan khatar la’aan iyo khasaaro la’aanba inta lagu guda jiro iska horimaadka tooska ah ee lala yeelanayo kuwa iska soo horjeeda.” Warbixinta daraasadaasi ayaa sidoo kale waxay iftiimisay in Ciidamada Iiraan ay muhiimad weyn u leeyihiin Ururadaasi, marka loo eego dhanka barnaamijka Gantaalaha Balaastiga ah iyo barnaamijyadeeda Nukliyeerka. Waxay sidoo kale warbixintaasi shaaca ka qaaday in dowladda Iiraan ay lacag dhan 16-Milyan oo dollar, ay ku maal-geliso gudaha dalalka Syria, Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen, iyadoona la ogyahay in ururka Xisbullah uu helo kaalmo sanadle ah oo gaareysa 700-milyan oo doollar. Inkasta oo Millatariga Mareykanka iyo xulafadiisu ay caadi ahaan leeyihiin faa’iido militari oo ka badan midka reer Iran ee ku sugan gobolka, haddana cilmi baaristu waxay ku nuux-nuuxsatay in Iiraan ay ka sareyso awooda waxtar ahaaneed ee Mareykanka iyo xulafadiisa. “Marka la eego awoodda waxtarka leh, Iiraaniyiinta ayaa ka sareeya Mareykanka iyo shuraakada gobolka. Inkasta oo dowladda Iiraan saarantahay cunaqabateyntii Mareykanka, haddana Tehraan kuma dhicin isku dhac caalami ah oo macno u leh istiraatiijiyadeeda” ayaa lagu soo af-meeray Warbixinta Machadka daraasaadka Ingiriiska. Qaran News
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqday mowqif cusub oo ku aaddan Iran, islamarkaana shaacisay inay dooneyso in xiisadda Iran wada-hadal lagu dhameeyo. “Iran, dalalka gobolka iyo quwadaha adduunka waa inay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan islamarkaana raadiyaan heshis cusub oo xiisadda gobolka lagu qaboojinayo, islamarkaana dib loogu soo nooleynayo dhaqaalaha Iran” waxaa sidaas yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters Anwar Gargash ayaa sheegay in xiisadda oo kasii dartaa hadda kadib aysan cidna dan ugu jirin, islamarkaana uu rumeysan yahay in weli ay jirto fursad ay ku guuleysan karto diblomaasiyadda Waxa uu ka digay “dookha beenta” ee ah in la kala doorto dagaal ama heshiis atomic oo aan “dhameystirneyn”. Gargash ayaa dhinaca kale sheegay in heshiis cusub oo lala galo Iran aysan ahayn inuu ku koobnaado kaliya nukliyeerlka balse uu noqdaa mid wax ka qabanaya barnaamijkeeda gantaallada ballistic iyo “faro-gelinta ay ku hayso gobolka” ayada oo adeegsaneysa kooxo ay taageerto. Waxa uu sheegay in qodobadaas ay macnahoodu yihiin in dalalka gobolka ay ku lug yeeshaan wada-hadallada. Mowqifka Imaaraadka ayaa ka duwan kan dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudiga oo aaminsan in Iran aan wada-hadal lala gelin balse cadaadiska dhaqaale ee Mareykanka uu saarayo lagu qasbo inay is dhiibto., Imaaraadka ayaa bilihii ugu dambeeyey muujinayey siyaasad dabacsan oo ku wajaahn Tehran, ayada oo bishii tagtay sarkaal sare oo ka socda Abu Dhabi uu si qarsoodi ah u tagay Tehran lana soo kulmay madaxda Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa Millateri ahaan waxay Mareykanka kaga horeysaa Bariga Dhexe, waxaana u suurta-galiyey shabakadaheeda urur ee Bariga dhexe, sida ay sheegayso cilmi baaris uu soo saaray Machadka daraasaadka Ingiriisku. Iyadoo la tixraacayo daraasada uu soo saaray Machadkaasi ayaa Wargeyska ‘Isreal Today’ waxa uu maanta bogiisa hore ku daabacay war uu cinwaan uga dhigay “Iran waxay militariga kaga fiican tahay Mareykanka iyo xulafadeeda bariga dhexe”. Sidoo kale sida ku xusan daraasada Machadkaasi ayaa waxa lagu sheegay sababta Millateriga Iiran uga sareeyo ay tahay, in dowladda Iiraan ay awood ahaan u adeegsaneyso ama u mareyso ururada ay taageerto ee Xisbullah iyo Maleeshiyaadka kale ee Shiicada ah. “Awoodda Iran ay u leedahay inay ku dhaq-dhaqaaqdo ururradeeda ay aasaastay ee Lubnaan, Siiriya, Yemen iyo Ciraaq ayaa ah habka ugu wanaagsan ee Tehraan uga dhex shaqeyn karto Bariga Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka daraasadaasi. Waxay intaasi sii raacisay “Qaabkan shaqo, wuxuu siinayaa reer Iiraan inay si joogto ah uga sarreeyaan khatar la’aan iyo khasaaro la’aanba inta lagu guda jiro iska horimaadka tooska ah ee lala yeelanayo kuwa iska soo horjeeda.” Warbixinta daraasadaasi ayaa sidoo kale waxay iftiimisay in Ciidamada Iiraan ay muhiimad weyn u leeyihiin Ururadaasi, marka loo eego dhanka barnaamijka Gantaalaha Balaastiga ah iyo barnaamijyadeeda Nukliyeerka. Waxay sidoo kale warbixintaasi shaaca ka qaaday in dowladda Iiraan ay lacag dhan 16-Milyan oo dollar, ay ku maal-geliso gudaha dalalka Syria, Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen, iyadoona la ogyahay in ururka Xisbullah uu helo kaalmo sanadle ah oo gaareysa 700-milyan oo doollar. Inkasta oo Millatariga Mareykanka iyo xulafadiisu ay caadi ahaan leeyihiin faa’iido militari oo ka badan midka reer Iran ee ku sugan gobolka, haddana cilmi baaristu waxay ku nuux-nuuxsatay in Iiraan ay ka sareyso awooda waxtar ahaaneed ee Mareykanka iyo xulafadiisa. “Marka la eego awoodda waxtarka leh, Iiraaniyiinta ayaa ka sareeya Mareykanka iyo shuraakada gobolka. Inkasta oo dowladda Iiraan saarantahay cunaqabateyntii Mareykanka, haddana Tehraan kuma dhicin isku dhac caalami ah oo macno u leh istiraatiijiyadeeda” ayaa lagu soo af-meeray Warbixinta Machadka daraasaadka Ingiriiska. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta ku wajahan deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Wafdi hor dhac u ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Waajid oo ka mid ah meelaha uu baaqan doono Madaxweyne Lafta Gareen. Ujeedka safarkan ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaaladaha dhanka nolosha ah ee ka jira halkaasi. Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa maamullada degmooyinka, kan gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada, si uu uga xog wareysto dhibaatooyinka ka jira Bakool. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee wafdigan ayaa si aad ah looga dareemayaa gobolka, iyadoo aad loo xoojiyey amniga meelaha uu baaqanayo Madaxweynaha. Ma’ahan markii ugu horreeysay ee uu booqasho ku tago Cabdicasiis Lafta Gareen gobolka Bakool, waxaana kol hore uu ku soo dhoweeyey Ra’iisul wasaare Khayre oo booqasho ku tegay deegaano ka tirsan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ayaa ka jawaabtay hadalkii galabta ka soo yeeray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay madaxweyne Shariif ugu baaqeyso in uu ilaaliyo maqaamka uu leeyahay madaxweyne hore. Mareeye ayaa lama filaan ku tilmaamay hadalkii uu galabta jeediyay Sheikh Shariif Sheikh Axmed. “Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa filan waa ku noqday hadalkii ka soo yeeray mudane Shariif, kaas oo aan u qalmin karaamada iyo maqaamka laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Isagoo sii hadalayay ayuu yiri, “Waxaan madaxweynihii hore ugu yeereynaa inuu dhowro sharafkiisa iyo magaciisa kana taxa daro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsanyahay madaxweyne hore”. Ugu dambeyntii wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garowsantahay in masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta midnimada, bad qabka iyo amniga guud ee dalka. Halkaan ka Daawo: https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2739007346160040&id=468010099926454 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
