Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (ERGO) – Mohamed Adan Qooray’s shop in the small southern Somali village of Banaanay, just two kilometres north of Jowhar town, does a brisk business charging people’s mobile phones Source: Hiiraan Online
  2. Somalia has made "enormous strides on its path to peace and stability", and Somali women's participation in peace and security efforts has "helped advance society towards an inclusive and peaceful future", Source: Hiiraan Online
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana Beesha caalamka ugu baaqday in aan deynta laga cafin dowladda federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalku ay dhaqaale badan u heli doonto haddii laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, taasi oo ay ku tilmaamtay mid halis ku ah maamul goboleedyada dalka. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey arrimahaasi, isagoona cod dheer ku sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo aan wax hub loo gacan galin. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay haddii dowladda Farmaajo loo gacan galiyo hubkaasi, inay halis weyn oo amni u horseedi karaan Somaliland iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, wuxuuna yiri “Waxaan ogsoonahay in baryahanba dawlada Farmaajo ee Villa Somalia fadhidaa ay isku dayaysay in hub lasiiyo oo waliba ay waydiisatay dalalka Eratariya iyo Turkiga horena ay u soo siiyeen dalal aanan halkan magacayadooda ka sheegayn”. “IGAD iyo dalalka Afrikaba ha ogaadaan inuu hubku mabnuuc ka yahay Soomaaliya, ha ogsoonaadaan hubkaas haddii loo soo daayo in Somaliland iyo Geeska Afrikaba uu hubkaasi khatar ku yahay iyo dhibaato aan loo joogin, waxaan leeyahay aduun weynuhu ha ka digtoonaadan, haddii ay isaga u sii daayaana anagana ha noo soo daayaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo dowladda Villa Somalia isku dayaysay oo aynu ogayn ayaamahanba inuu la meeraysanaayay aduunka hanalaga saamaxo dayntii adeerkii galay, Dawladii Maxamed Siyaad Bare ee aynu inaguna xiligaas kamidka ahayn waxaan leeyahay hadii dayntaas laga saamaxo marka laga saamaxo waxa uu isku dayayaa inuu aduunka dhaqaale ku waydiisto oo uu dayn ku qaato”. “Maanta oo ay beesha caalamku wax yar u tuur tuurto ayaa intii la siinayay waxa uu kaga samaynaayo maamul gobaleedyada iyo culayska uu saarayo aynu ognahay, haduu dhaqaalahaas helo waxa uu isku dayayaa inuu khal-khal siyaasadeed galiyo gobalka oo dhan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada online) – Qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxtooyada ay gudaha gashadeen guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guud ahaan Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiyadaan iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay aad u adkaatay la kulankooda iyo warbixinada laga heli karo xafiisaydooda. “Dhamaantood waxay u muuqataa in gudaha la gashaday loona yeerin doono sida ay shaqada u qabanayaan mana jirto qof ama xisbi la kulmi karo” ayuu yiri Dr Axmednuur Xasan Daa’uud oo kamid ah siyaasiinta magaalada Muqdisho. “Golaha Shacabka waa hay’adda ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya hadase waxa uu ku jiraa gacanta Xukuumadda wax aan loo yeerin kama hadlaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Axmednuur. Hore qaar kamid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa sheegay in aysan awood u laheyn in ay la kulmaan guddiga madaxabanaan ee doorashayoonka Qaranka, halka sidoo kale guddiga uu sheegay in aysan heysan xafiis ay ku shaqeeyaan ayna adagtahay in loogu yimaado xaruntooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii. Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Waa kumaa Jawar? Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar. Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan. Jawar dugsigisa hoose wuxuu ku dhigtay dugsiga Katolika oo Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarana wuxuu ku bartay magaalada Adama isaga oo dugsiga sare ka baxay 2003. Intaa kadib wuxuu deeq waxbarasho uu ka helay jaamacadda United World College oo ku taalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey 2005. Wuxuu sida oo kale jaamacadda Standford ka bartay shaahaadada B.A wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009. Kaddibna jaamacadda Columbia ayuu shahaadada labaad ee mastarka uu ka qaatay isaga oo bartay cilmiga xuquuqda aadanaha wuxuuna ka qalin jabiyey 2013. 2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada. Kacdoonkii isbadel doonka Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya. Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo. Wuu beeniyay edyamhaasi. Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah. Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy. Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo. Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan. Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada. Isha: BBC Somali
  6. Masar iyo Itoobiya waxaa wali ka taagan xiisadda biya xireenka Wabiga Niil ee Al-nahda. Marar badan ayaa hanjabaad hawada la isu mariyaa waxaana u danbeeyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Dalkiisa Dagaal uu ka galayo Al-nahda. Masar waxay ilaa 15 heshiis ka gashay biyaha wabiga niil, laga soo bilaabo xilligii guumaystaha, waxaana u danbeeyey heshiiskii 1993- dii Mubaarak iyo Malis sanaawi dhex-maray. Heshiisyadaas waxay ku qotomeen in biyaha Masar aado aanan la xirin, waxna loo dhimin. Heshiisyadaas laguma xad-gudbi karo waxayna qayb ka yihiin Xeerka Caalamiga ah, Masarna waxay dacwad gayn kartaa Garsoor Caalami ah. Markii intaas laga soo tago Masar waa Dal leh, ilbaxnimo fog, Aqoon durugsan iyo awood Ciidan. Soomaaliya oo ku tiirsan xoolaha iyo beeraha waxaa maro labo wabbi oo ka imaado Itoobiya. “Jubba iyo Shabeelle”. Mid kasta waxuu maraa Saddex gobal oo dhul-beereedka ugu badan ah. Hoggaamiyihii Itoobiya 1964-tii waxuu ku hanjabay in uu qalajin doona ilaha biyaha Soomaaliya aado markii uu dhacay dagaalkii koobnaa. Dr Cabay Axmad, rasiiul wasaaraha Itoobiya ee haatan talada hayo mar uu ka hadlaayey Dakadaha Soomaaliya in uu maalgashto waxaa hadalkiisa ku jiray: ” Biyaha dhanaha lama cabbi karo” oo uu ka waday biyaha macaan Itoobiya ayey idin kaga imaadaan, baddana lama cabbi karo. Ma jiro wax heshiis ah oon ka galnay Biyaha Wabbiyada, Caalamkana waxuu uu gali rabaa waxa loogu yeero Dagaalka biyaha iyo Dekadaha “حرب المياه والمواني”. Dowladaha waxay ka fakarayaan Amniga biyaha, oo ka muhiimsan Amniga caadiga ah. Haddii 2009-kii lagu baraarugay in Kenya ay Khariid iskeed ah ka samaysay Xaduud badeedka Labada Dal 2005-tii, goorma ayaa lagu baraarugi doonaa wabbiyadii oo xiran?. W/Q: Garyaqaan Cali Sheikh Aadan Yuusuf “Cali Somali” Calisomali400@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. A man accused of stabbing an Edmonton police officer and striking four pedestrians with a cube van was trying to cause as much chaos and destruction as possible, the Crown said in its closing statement Wednesday. Source: Hiiraan Online
  8. BROOKLYN, N.Y. (CN) – Two accused Somali pirates were arraigned in Brooklyn Wednesday on terrorism charges alleging they kidnapped and held a U.S. citizen hostage between January 2012 and September 2014. Source: Hiiraan Online
  9. Reconciliation is a long process that encompasses all dimensions of peacebuilding in societies emerging from violent conflicts. The aim of reconciliation is to restore trust and mutual understanding between communities and societies. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-23102019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Saddax masuul oo ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa joojiyay shaqadii ay ka hayeen dowladda Hoose ee Xamar kadib markii ay soo wajahday cabsi badan oo dhanka ammaanka. Guddoomiye Waaxeedyadii qaabilsanaa Waaxyaha kala ah Nageyle, Faanoole, Farjano ayaa joojiyay shaqadii ay hayeen, waxaana qaarkood la sheegay in ay ka baxeen magaalada Muqdisho halka qof kamid ahna uu magan u noqday masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xil sare haya. Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomihii Waaxda Farjano oo magaceeda lagu soo koobay Hani ay ka soo tagtay gurigeeda oo ku yaalla Kaaraan, waxayna meel kamid ah Muqdisho la joogtaa mas’uul ay qaraabo yihiin oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyihii Waaxda Faanoole Fardowso Muxudiin ayaa joojisay shaqadii dowladda hoose ee gobalka Banaadir kadib markii ay soo waceen Al-Shabaab. islamarkaana ay uga digeen shaqada ay ku jirto. Fardowso waxay joojisay shaqada kadib markii maamulka gobalka u geysay in ay sii wadi karin shaqada waxayna sheegatay daruufo kale. Sidoo kale waxaa hore shaqada Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan ujoojiyay Daadir Maxamed Xasan, waxaana la sheegay in uu sababsaday hanjabaada Al-Shabaab. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa qiray in masuuliyiin ay sababo amni shaqada u joojiyeen. Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir waxay ka mid aheyd degmooyinka ugu amni roon Muqdisho hadase waxaa lagu tiriyaa degmooyinka ay ka dhacaan dilalka ugu badan. Guddoomiye waaxeedyada gobalka Banaadir malahan ilaalo, sidoo kalane ma heestaan gaadiid waxayna qaarkood shaqada iyo danahooda kale ku aadaan gaadiid BL ah halka kuwa ugu roon ay kireestaan Bajaaj waxaana arimihaas ay qayb ka qaadanayaan halista ay wajahayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Magaalada Sochi ee dalka Ruushka waxaa maanta ka furmay shirkii Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Sharafeedka Afrika Abdulfataax Asiisi oo si wadajir ah u furay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa tilmaamay muhiimadda shirkani u leeyahay dalalka Afrika iyaga oo xusay dhinacyada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, socdaalka iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo goobjoog ka ah shirka ayaa isaga iyo wafdigiisa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaan qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalka Soomaaliya. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. Shirkan ayaa socon doona 23-ka ilaa 24-ka bishan iyada oo la filayo in qodobo kasoo baxaan. PUNTLAND POST The post Shirkii Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo furmay appeared first on Puntland Post.
  13. Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka oo dhowaan lamagacaabay ayaa maanta waxay u yeereen qaar kamid ah Siyaasiyiinta muga weyn ku leh Puntland si ay ula [...] Source
  14. Somaliland: Are Our Leaders Serious About Democracy? Once again, Somaliland’s three political parties, Kulmiye, Waddani and UCID have fallen into disagreement. This time it is about the membership of the new Somaliland National Elections Commission (NEC). The Somaliland constitutions clearly states that the three political parties in the country may nominate to the NEC members of the society “who are not official members of the party”. These new nominees can be supporters who share the same political philosophy or eminent persons. The President, Muse Bihi Abdi’s nomination to the new NEC of a fully-fledged party member does not seem valid. However, the stance taken by the other political parties doesn’t help matters. We have come this far through, dialogue, discussion and consensus. There has to be a “give and take” in order for the nation to move forward. It would seem that our current political leadership has no desire to see any parliamentary or local council elections to take place in the country. So, this begs the question, why don’t they want the vote to take place? Our parliament’s mandate has badly expired. It has been sitting for 14 years! Ten of these years have been on extensions. It is out of gas, out of ideas, out of everything. It has become a place for members, when they even bother to show, just to draw their monthly wages or fly on political junkets abroad! It is not even clear which members belong to which party! Are they Kulmiye, Waddani, UCID or even UDUB? The local councils have become a place for graft and corruption on an unprecedented level. Local people”s taxes are being used, allegedly, to buy land, businesses, villas and farms! The House of Elders (Guurti) has become senile. Our elders have taken to fighting each other in the chamber! This is the supreme legislative body in the country! It has been sitting for close to three decades. It is badly in need of reform. Yet, it is now even unable to get involved in local disputes, such as Ceel-Afweyne, Eastern Sanaag or other national crisis, because it is also out of gas, ideas and purpose. What keeps Somalilanders together is a sense of shared beliefs, ties and outlook. If we cannot give our citizens the franchise to elect new members of parliament and local councils and reform our House of Elders, it will have a domino effect on all other national institutions. Enough with the delays, obfuscations and political shenanigans. Come together for the sake of the country and let’s get ready for free and fair elections. The people of Somaliland will not accept the current status-quo. We need to remain united and strong. And we can only achieve that through democracy. Qarannews Qaran News
  15. Kigali (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in xiisadda kala dhaxeysa dowladda Jabuuti ay dhaawac xooggan oo dhaqaale u gaysatay shirkadda. Guddoomiyaha DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bankiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Doraleh oo ay shirko ku ahaayeen. “Waxaan sameynnaa maal-gelin balse qiimo badan ayaa nooga baxaya. Taasi waa dhaawac” ayuu yiri Sultan Ahmed oo ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaasi oo shirkaddiisa ay 35 milyan oo dollar ku mala-gelineyso xarun cusub oo ganacsi. “Waxaa yaraaday bankiyadii lacagta na deemin jiray. Banki kasta oo lacag na deymin lahaa waxa uu leeyahya ‘ka waran haddii dalka aad maal-gashanaysaan uu idinku sameeyo sida Jabuuti?’, marka Jabuuti waddo xun ayay noo furtay” ayuu yiri Sultan Ahmed bin Sulayem. Dowladda Jabuuti ayaa dekedda Doraleh kala wareegtay DP World, oo wax ka maal-gashatay, bishii Febraayo ee 2018, sababo la xiriira muran soo socday ilaa 2012. DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas, waxaana Maxkamadda London ee Dhex-dhexaadinta Caalamiga ah ay bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin. Jabuuti waa ay diiday go’aanka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta yeeshay kulankoodii 3aad ee Kalfadhiga 6aad. Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey oo uu Hareer fadhiyay Guddoomiye kuxigaanka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Guud ee Golaha Shacabka. Ugu horeyntii Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka Codsaday in ay Ansixiyaan Ajandaha kulanka. Intaas kadib waxaa la guda galay Ajandaha Kulanka oo kal koobnaa dhowr qodob oo kala ah Akhrinta 1aad Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada iyo Akhrinta 1aaad ee ka mid noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal shalay ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka. Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, ayaa hoggaaminayay wafdiga. Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo ay goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, ayaa looga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda. Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxa ayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka. View the full article
  19. Wajeer (Caasimadda Online) – Xildhibaanka baarlamanka Kenya ee laga soo doorto Wajeer, Faadumo Geedi ayaa talaaladii shalay aheyd Maxkamadda horteeda ka sheegtay in jir ahaan uu u weeraray Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen qoondeyntii miisaaniyada ee bishii Juun ee 2019-ka. Faadumo Geedi ayaa sheegtay inay aad uga naxday markii ay aragtay Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim oo feer la dhacayo isla markaasna uu dhaawac culus oo keenay jab uu kasoo gaaray Daanka. Waxay xustay inay dhacdadu dhalisay mudaaharaad aad u xun oo ka imaanaya Haweenka ku jiro baarlamaanka, kuwaasoo ka dhiidhiyay khudbaddii miisaaniyadda. Waxay maxkamadda horteeda ka sheegtay inay aad u qeylisay markii uu dilayey sidaas ay kusoo kala dhex gashay Gladys Wanga oo ah haweeney Baarlamaanka kasoo gashay Homa Bay. Waxay u sheegtay garsooraha in Rashiid, oo lagu soo oogay dacwad inuu dilay uu ka cawday qoondeyn lacageed laakiin Ms Geedi waxay ku jawaabtay in gobolka oo dhan loo qoondeeyay Sh100m oo keliya. “Eedeysanuhu wuxuu ii sheegay in aan caddaalad ahayn markaas kadibna wuu I dharbaaxay,” ayay tiri Marwo Faadumo Gedi. Waxay sheegtay in dhacdadaasi ay sharaf dhac ku keentay isla markaana ay codsatay in la helo caddaalad. “Aniga ahaan dhacdadan waxay ii ahayd niyad jab maahan sidii naag ahaan ee waa xaas ahaan iyo hooyo ahaan ….. Waxaan baryayaa in aan helo caddaalad, maahan in dacwadda loo qaado sida qof haween ama hoggaamiye oo kale. Waxaan ahay hooyo halka aan ka imidna ma ahan wax fudud in aad hoggaamiye ka noqoto ”ayay tiri Faadumo. Waxay sheegtay inay qortay qoraal caddeynayo wixii gaaray ka hor inta aan lagu daaweyn Isbitaalka Karen. Dhanka kale Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim ayaa inkiray inuu wax xad gudub ah ku sameeyey Xildhibaan Faadumo. Ugu dambeyntii Maxkamadda ayaa damiin kusii deysay Cabdirashiid Qaasim waxaana mar kale dib la isugu soo laaban doonaa dhageysiga dacwadda. Faadumo Geedi iyo Qaasim ayaa is-dhaafsadeen erayo kulul mudadii uu socday kulankii Baarlamaam ee dhacay 13 June ee sanadkaan ka hor inta uusan gacan ka hadalka bilaabin mudanaha bariga Wajeer laga soo doorto. Sidda laga soo xigtay wargeyska The Star, Xildhibaanka ayaa dalbaday in uu ogaado sababta Geedi, oo kamid ah Guddiga Miisaaniyadda, aysan wax lacag ah ugu qoodaynin degaankiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-23102019.mp3 View the full article
  21. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,kulankaas ayaa looga hadlay Amaanka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Itoobiya waxay [...] Source
  22. A delegation led by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in President Farmajo arrives in the black sea resort city of Sochi for the Russia-Africa summit on Tuesday. The head of state and his delegation were welcomed by Russia officials upon arrival at Sochi International Airport. The President is accompanied by Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad his Defense counterpart, Hassan Mohamed Amardambe and among other senior officials. During his time in Sochi, the President and his delegation are scheduled to conduct sideline meetings with leaders and heads of governments from Africa to discuss issues of mutual interests between their nations. The Russian President Vladimir Putin and Egyptian President and African Union Chairman Abdelfattah Al Sisi co-chair the Russia–Africa Summit which will be held on 23–24 October 2019 at Sirius Park of Science and Art. The summit is the first event of its kind in the history of Russian-African relations to which the head of every African state and the leaders of major regional associations and organizations have been invited. The Summit plenary sessions will look to discuss a wide range of issues on the international agenda and to compare views on pressing issues of vital interest to Russia and Africa. View the full article
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Boqolaal taageerayaal ah ayaa maanta isugu soo ururay dibedda guriga Jawaar Mohamed oo ah nin u dhaqaaqa bulshada Oromada, oo ay ishayaan dowladda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Arrintan ayaa imanaysa maalin kadib markii ciidamada ammaanka ay hareereeyeen guriga Jawaar kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu u digay “dadka haysta baasaboorada ajnabiga ah ee leh warbaahinta.” Jawaar oo haysta baasaboor Mareykan ah ayaa leh warbaahinta Oromia Media Network. Taageerayaasha oo boqol gaarayaa ayaa ayaga oo ku sugan dibedda guriga Jawaar ee caasimadda Addis-Ababa waxay ku qeylinayeen erayo ay ku taageerayaan isaga, islamarkaana ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. In ka badan labaatan askari oo booliska federaalka ah ayaa habeenkii talaadada hareeyey gurigiisa, kuna qasbay ilaaladiisa inay guriga isaga tagaan. Ma cadda sababta guriga Jawaar loo hareereeyey, hase yeeshee saacado ka hor tallaabadaas, Abiy Ahmed oo baarlamanka la hadlay ayaa isaga oo aan magac sheegin u digay dadka leh warbaahinta. “Kuwa leh warbaahinta ee aan haysan baasaboorka Itoobiya, waxay jiraan labada dhinac. Marka ay nabad dhacdo halkan ayay joogaan, marka uu dhib dhacana halkaas.” Ayuu yiri Abiy. “Waxaan isku daynay inaan u dulqaadanno. Hase yeeshee tani haddii ay waxyeeleyneyso nabadda iyo jiritaanka Itoobiya, haddii aad ku hadasho Amharic ama Oromiffa, midkee doontaba, tallaabo ayaan kaa qaadaynaa.” Ayuu yiri Abiy. Amharic iyo Oromiffa waa labada luuqad ee ay kula kala hadlaan labada qowmiyad ee ugu dadka badan Itoobiya ee Amxaarada iyo Oromada. Jawar oo aaminsan qadiyad aan rabshad wadan oo ah in Oromada mar walba kow tahay, ayaa Itoobiya kusoo laabtay bishii August ee sanadkii tagay, isaga oo kasoo tagay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com