-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qayb-gelayo shirka dadweynaha iyo horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay shirkani maadaama hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Wafdiga Madaxweyne ku wehliya shirka Nairobi waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Diiriye Xersi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi oo uu albaabada u xirnaa lagu soo qaaday doorashadii muranka dhalisay dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo. Ilo ku dhow shirka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyey in Axmed Madoobe la hor dhigay in beesha caalamaka ay dooneyso in doorashadaasi dib loogu celiyo, si loo xaliyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaaminya maamulka Jubbaland Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaasi uu si aad ah uga biya diiday, Axmed Madoobe oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo la xariira dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa labadaani gobol dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga dowladda ayaa maanta kulan looga hadlayey amniga ku yeeshay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa falalka liddiga ku ah amniga ee mararka qaar ka dhaca degmadaasi. Saraakiishii ka hadashay kulanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe walaac xoogan laga muujinayey amniga degmooyinka Kaxda, Dharkenley iyo Wadajir ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-11112019-sx.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta taageersan dowladda oo ay lacagta ku siiso inay warbaahinta ka difaacaan, ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynayaashii hore ee soo maray Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho oo ka jawaabayey hadalkii Shalay kasoo yeeray Shiikh Shariif ee ahaa inay Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka saari doonaan haddii aysan dhibaatada joojin ayaa sheegay inuu ugu baaqayo siyaasiyiinta ku midoobay Xisbiyada Madasha Qaran inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateyn. ” Xisbiyada qaran waxaan ugu baaqayaa inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateen, ma jirto cid dagaal guul ku gaartay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle . Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maro dalka uu leeyahay afar sano oo muddo xilliyeedkiisa ah isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugtaan waqtiga yar ee u haray Dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay haddii ay Dowladda Soomaaliya dambi gasho isla markaasna ay mucaaradka dacwo qabaan inay u gudbiyaan Maxkamadaha dalka balse uu ka xun yahay in qori caaradiisa wax lagu raadiyo sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay dambiyo badan galeen intii ay xukunka hayeen aysana jirin cid diiday inay dhameystaan waqtigii Dastuurka u ogolaanayey. Halkaan hoose ka daawo hadalka Salaad Cali Jeelle oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somali government has termed statements by former president Sheikh Sharif Ahmed as ‘astonishing’ and not befitting the status of a former head of state. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah. Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir. “Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan. Hadalka Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa wuxuu niyad jab ku yahay ciidamada qaar ee naafada ah kuwaasi oo u soo dhaawacmay Qaranka. C/raxmaan C/shakuur oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay tallaab ka qaado Taliyaha oo meel kaga dhacay dadka naafada ah. “Haddii wasiir waxbarasho xilka looga qaaday in uu Jaamacadaha dalka dhaliilay, bal aan dhowro waxa ay madaxda dalku ka yeelaan ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah. Inkastoo ognahay in isagoo dad soo xasuuqay la dalacsiiyey, haddana waxaan is leenahay yaan laga quusan damiirkooda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada Madaxweynayaashii hore iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in khalkhal gelinta loo geystay safarka Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud uu saameyn karay badqabkooda, wuxuuna ku tilmaamay mid fuduul ah oo aan la qaadan karin. Sidoo kale wuxuu ka digay isku day kasta oo uga sii dari kara xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kadib markii shalay, Sheekh Shariif uu sheegay in uu Muqdisho ka saari doono dowladda, haddii aysan ka waantoobin waxa ay wado. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo sii hadlayey ayaa dowladda ka dalbaday inay joojiso waxa u muuqda daandaasiga, sida uu hadalka u dhigay. “Khalkhal gelinta safarka Madaxweynayaashii hore, oo xataa bedqabkooda saameyn karay, waa faduul aan la qaadan karin. Waanse ka digayaa isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari kara. Dowladduna waa in ay ka qaangaarto waxa hadda u muuqda daandaansiga.” wasiirkii hore ee arrimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo madaxdii hore, taas oo ka dhalatay kadib socdaal ay shalay Madaxweynayaashii hore ku tageen degmada Beledweyne oo la sheegay in dowladdu ay isku dayday inay is hortaagto wafdigaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha xisbiyada Qaran ee uu guddoomiye u yahay, Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wejiga labaad gargaar ay ugu talageen dadka ay saamyeeyen fatahaadaha u diray degmada Bardaale ee gobolka Baay. Wafdigan oo goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa hoggaminaya guddoomiyihii hore Baarlamaankii KMG ahaa, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Lacagta ay geyn doonaan Bardaale ayaa dhan 100,000 oo Dollerka Mareykanka ah, taas oo qeyb ka aheyd 200,000 oo Dollar oo madasha xisbiyada ugu deeqday fatahaadaha. Gargaarkan ayaa qeyb ka noqonaya gurmad xoogan oo loo fidinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Shalay ayey aheyd markii wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen Beledweyne oo ay geeyeen 100,000 oo Doller iyo gargaar loogu talagalay dadka ku nool magaaladaasi. Safarkaasi oo la siyaasadeeyey ayaa waxaa ka dhashay xiisado u dhexeeya madaxdii hore ee dalka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana labada dhinac hadallo kulul ay isku mariyeen dhanka warbaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
More details are coming out of an attack reported on the outskirts of Somalia’s southern port city of Kismayo on Sunday night. The assault which was one of the biggest raids in months was targeted a military base run by Jubaland state forces, according to local residents, who spoke to Radio Shabelle via phone on Monday morning. It is not clear how many casualties were caused by the attack. In response to the ambush, Jubbaland state troops have launched operations to search for the attackers who are believed to be Al-Shabaab members. Al-Shabaab frequently attacks allied forces’ bases in the Jubba regions of southern Somalia as part of its attempt to oust the UN-backed Somali Government and expel the foreign troops. View the full article
-
Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane, Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkii ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada iyo deegaanada hoostaga ay heysato dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaas ay soo wajahday hoy la,aan,Cunno yari iyo Caafimaad darro,isagoo Guddiga gurmada Fatahaadaha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dadkaas ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan maadaama Dowladda Soomaaliya ay arrintaas u wakiilatay guddiga. Axmed Xuseen Afrax,Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta ka soo jeeda degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolosha dadka danta yar ee ay fatahaaddu ku saameysay degmada iyo deegaannaa hoostaga oo qoysas badan ay ka barakaceen. Degmada Mahadaay iyo deegaanno badan oo hoostaga ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,iyadoo dadki ka barakacay ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah. View the full article
-
Somali Federal Government said it is very concerned about a comment made by the former head of state, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed on Sunday. Minister for Information, Mohamed Hayir Mareye termed the remarks made by the former President after he visited flooded hit city of Beledweyn as “astonishing”. Sheikh Sharif blamed President, Mohamed Abdullahi Farmajo’s government for disrespecting the constitution through violation of freedom warning that if the current administration will not desist they will use all necessary to stop it. He condemned an alleged attempt by the aviation authority to block his flight trip to deliver aid to affected citizens in Hiiran region. “The Somali government is surprised by the remarks made by the former President Sharif Sheikh Ahmed,” The Information Minister Mohamed Abdi Mareye said. “The remarks are below the status and dignity of what was expected from the former leader.” Press Statement from the Ministry of Information appealed to the former President to respect his status and avoid a move that harms his national reputation. “The Somali government, former head of states and all others that value the development of the country have the responsibility to safeguard the unity, safety, and security of the nation.” The statement said. View the full article
-
Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda federaalka ah ku eedeeyey in aaney dadka u gargaarin, ogoleynna in loo gargaaro. Mudane Sheekh Shariif oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Inta dadka lagala qeyb qaato xanuunka, baahidooda la dul istaago intaas ayaan u soconay, siyaasad ma jirin. Dowladda ma fahamsano wixii loo doortay, ma fahamsano sharciga lagu doortay, diyaar uma aha xuquuqda muwaanka Soomaaliyeed ee lagu aaminay iney ilaaliso, haddii inta ay istaagto gargaarka dadka u baahan yihiin gaarsiin lahaayeen, waxaan dhihi laheyn mahadsanidiin ku jeer, laakin meeshii waxbo ma geyneyno, baahideeda kuma filnin, intan baxno oo biyo lugaha gishanno ayaan soo noqoneyaa, sawir ayaan iska soo qaadeynaa, qofkii aadayana ma aadi karo”. Madaxweyne Shariif waxaa uu sawir ka bixiyey sida wax u dhaceen, waxuuna yiri” “ Xamar xilli dambe ayaa nala qaaday, markii Balaweyne kor tagtay oo garoonkii aragnay, waa na soo celiyey, Xamar marka aan ku soo dhownahay ayaa Pilot-kii waxaa la dooday madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo dhahay garoonka waa qoyan yahay, laguma degi karo halka madaxweynaha uu dhahay, waxaas waxbo kama jiraane, waan idin celinaa na dheh, ninkii maskaxdiisa waa is badashay, xiriir ayuu sameeyey, isla markii diyaarad militari oo Itoobiyaan ah, oo midda aan wadanay marka ugu yar tahay labo mar ka culus ayaa ka degtay, waa maqlay, waa kala jiireeyey, waa na geeyey, garoonka mid ciid leh ayuu ahaa, marka beenta intaas la eh ma fileyn”. Guddoomiyaha madasha xisbiyada Mudane Shariif waxaa uu ka hadlay in ay dhismo u dan leeyihiin “Innaga mucaarad waa nahay, laakin mucaarad wax dhisaya ayaa nahay, maxaan wax ku dhiseynaa? sharci, ciidamo miyaa nagu aragteen aniga Xasan Sheekh oo wadano, weligeen miyaan idiin kala hadlnay dowladda hala dumiyo, innaga waxaan leenahay sharciga hala ilaaliyo, waxa ugu horeeyana waa xuriyadda muwaadinka”. Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday in la isweydiiyo waxa ka dhalan kara carada iyo caburinta muwaadinka Soomaaliyeed isaga oo yiri “Garoonka diyaaradda haddii dad laga celiyo, maxaa dhici kara isma weydiiyaan, dadkan qoryihii waa heystaan, weli xanuunkii waa hayaa, cadaalad darradii waa dul saaran tahay, albaabadii waa xiran yihiin, jid la mari kara ma jiro, haddii qofkii aad ceejiso, maxaa ka imaanaya, qofka normalka ah caqligooda waa ka hooseeyaa”. Ugu dambeyntii, madaxweyne Sheekh Shariif oo caro ka muuqato waxaa uu sheegay in haddii dhibka laga joojin waayo ay xoog isaga qaban doonaan kuwa dhibka wada, lana aqbali doonin **********nimo, waxaa uuna arrinkaas ka yiri “Magaaladan mooriyaan ayaa heysan jirtay sow ma aha? Waa lala dagaalamay waa la bixiyey, Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyey, waa la bixiyey, Shabaab ayaa qabsaday, waa laga adkaaday, maka xoog badan yihiin dadkaas? Walahi, tuma Walahii, tuma Walaahi haddii aysan joojin waan bixineynaa, qofka aan sharci ilaalin, muxuu nagula joogaa, **********imo ma yeeleyno, sharciga in la isku xukumo ayaan rabnaa”. Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo muddo ay ku sugnaayeen. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Dagaalyahannadii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ayaa faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen halkaasi, si ay ula wareegeen gaca deegaanadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab la saaray culeys xoogan, islamarkaana duqeymihii u dambeeyey ee lala beegsaday ay sababeen inay dib uga gurtaan deegaanada Deeqlo iyo Maraale. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka dhacay saraakiisha Al-Shabaab oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Muddooyinkii dambe ciidanka Milatariga Soomaaliya, kuwa daraawiishta Galmudug iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay weli ko xoogan yihiin dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Xisbiga UPD , xubinna ka ah madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ah ku mashquulaan, shaqana ka dhigtaan cidda garoonka ka baxeysa ama ka soo dageysa. Mudane Xasan Sheekh oo arrintan ka hadalaya waxaa uu yiri “Nasiib darro 7-badii subaxnimo , 11-kii iyo jarjar ayaan ka baxnay, dowladda federaalka ah mas’uuliyidda ugu sareysa hoggaanka dalka, mas’uuliyadda lama wadaago, madaxweynaha ayaa dalka mas’uul ka ah, xukuumadda ra’isul wasaaraha ayaa mas’uul ka aha, labadoodu iney shaqo ka dhigtaan hebel diyaar ha raaco, hebel uu raacin, hebel diyaaradiisa dib haloo dhigo, dalkan waxaa uu leeyahay hey’ad duulis oo mas’uul ka ah, ninkii madaxda ahaa intan u yeernay ayaan ku niri “ Hey’adda duulista iyada ayaa garoomada, hawada mas’uul ka ahe, amarkaaga miyey diyaaradda ku joogtaa? “ Maya ayuu dhahay, aniga amarkeyga kuma joogto”, wixii ka soo hara marka wixii ay ku joogto waad garan kartaa, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha isku tagaan, hal xafiis isla fariistaan, maanta oo dhan telefoono ku jiraan hebelow adiga xagga ka riix, oo wiilasha shaqaalaha ay ciriiri geliyaan, oo ay dhibaan, innaga Baladweyne inta aanan tagin, diyaarad midda aan wadanay 4 jeer ka miisaan weyn ayaa ka degtay”. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu tilmaamay in garoonka Baladweyn aaney biyo ku jirin isaga oo edeb darro ugu yeeray waxa lagu sameeyey”Garoonka diyaaradaha Baladweyn, meel yar oo biyo ugu jiraan iska daaye, boorka ka kacayey xisaab ma leh, edeb darro iyo dulmi iyo been sheeg ayey aheyd garoonkaa saan iyo inta ayaan saan ah, marka dowlad hoggaankeeda waxaas ku mashquulsan yahay, goorma ayey kacee oo wax qabsanee? Ugu dambeyntii, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in dalka aaney wax shaqo ah ka soco isaga oo yiri “Dalka meesha uu taagan yahay waa meeshaas, shaqo ma jirto, dowladnimo lagama shaqeeyo”. Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka. Waare ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey wejiga 1-aad ee gurmadka oo ahaa badbaadinta dadka, islamarkaana uu haatan socdo wejiga labaad ee Samafalka. Wejiga labaad wuxuu tilmaamay in laga shaqeynayo kaliya sidii dadkaasi dhibaateysan loo gaarsiin lahaa cunto, biyo nadiif ah iyo daawo. Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha HirShabelle ku baaqay in aan loo kala harin u gurmaashada dhammaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalooyinka Bardaale iyo Beledweyne. “Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay.” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle. Dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo gurmad iyo caawimaad deg deg ah loogu fidinayo dadka dhibaateysan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay isaga baxeen degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Al-shabaab ayaa ka baxay degaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoosyimaada degmada Xarardheere, kadib markii cabsi xoogan ay kasoo wajahday dhanka Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgallo ka wada halkaasi. Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda in malayshiyaadka Al-shabaab ay ka carareen degaannada hoostaga Xarardheere, kadib markii ciidamada Federaalka iyo saaxibadood todobaadkii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysteen dhulkaasi. Wakaaladda ayaa sheegtay, in ciidanka dowladdu ay halkaasi ka wadaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoosyimaada ee dhaca koonfurta gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxday degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Sanatorada Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golahaasi, waxayna uga arrinsan doonaan Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiyada Qaranka. Golaha Aqalka Sare ayaa waxa maanta hor yaalla ajandaha ah akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiya Qaranka, iyagoona dood adag ka yeelan doono sharcigaasi Sidoo kale Sanatorada Aqalka Sare ayaa la filayaa in ay wax ka dhimis iyo wax ku darid intaba ay ku sameeyaan Hidise Sharciyeedka Istaatiijiyada Qaranka. Aqalka Sare oo ku jira Kalfadhigii lixaad ayaa waxaa hor yaalla sharciyo muhiim ah oo laga sugayo inay meel mariyaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida ay shalay dowladda ula dhaqantay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horreyn Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi, wuxuuna sheegay in madaxdii hore ay mudan yihiin in la ixtiraamo, islamarkaana loola macaamilo si degan. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay dajiyaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka. “Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu dambeyn wuxuu dowladda kula taliyey in ay keento qorshe lagu xasilin karo xiisada jirta hadda, si loo yareeyo shidada haatan taagan iyo is mari-waaga siyasaadeed ee u dhexeeya madaxda dalka iyo mucaaradka. “Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas. Shalay ayey markale is qabteen madaxda dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo booqasho ku tegay Beledweyne, inkastoo dowladdu lagu eedeeyey in ay siyaasadeysay socdaalkaasi oo sababay xiisado hor leh oo u dhexeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
