Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-25102019-sax.mp3 View the full article
  2. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen is rasaaseyntii xalay ka dhacday Magaaladaas taasi oo la sheegay in wax khasaaro ah ka dhalan. Taliyaha ciidanka Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan, isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey. Israsaaseynta xalay ka dhacday Dhusamareeb ayaa timid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin ciidamo gooni ah oo la wareegay Xarumaha qaar ee Dhuusamareeb, balse sugida Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ay u xilsaaran yihiin Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale Ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray askarigii rasaasta Ku furay xarun uu Ku dugnaa madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si kastaba Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug weli kama hadlin rasaasta xalay la sheegay in Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku fureen Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  3. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay soo geba-gabaysay dhismaha Golaha Degaanka degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Wasaaradda ayaa shalay galab soo bandhigtay liiska cusub ee Golaha Degaanka Buuhoodle oo ka kooban 25 xubnood kuwaasi oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka degmadaasi. Sidoo kale xildhibaannada Golaha Degaanka Buuhoodle ayaa isla xalay doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada kadib doorasho halkaasi ka dhacday. Guddoomiyaha degmada Buuhoodle ayaa loo doortay Shawr Cabdullaahi Maxamed halka ku xigeenkiisana loo doortay Maxamed Cali Qawdhan sida uu shaaciyay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Hoos ka daawo muuqaalka shaacinta PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo maamul cusub u dhistay degmada Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka. “Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas. “Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan. Halkaan ka daawo khudbadda madaxweynaha oo turjuman PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Madasha iskaashiga Afrika iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka Oktoober 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Puntland. 2. Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. 3. Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Dowladda Puntland. 4. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay mas’uuliyiin cusub appeared first on Puntland Post.
  6. Democrats in North Dakota have called upon Republican State Senator Oley Larsen to resign after he admitted to spreading "fake news" on Facebook about Ilhan Omar, a Muslim Democratic Congresswoman from Minnesota. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho laga joojiyay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyadoo la marsiiyay madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Warbixinta aan helnay ayaa sheegaysa in safiirka Turkiga uu warqad cabasho ah uu u qoray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabashada safaaradda ayaa aheyd mid ku saleysan in mas’uuliyiintaan ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ay safaaradda u soo doontaan fududeenta dal-ku-galka Turkiga (Visa), waxayna u qaataan si joogto ah. Ugu yaraan 15 qof oo kamid ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo ay safaaradda dacwada ka gudbisay ayaa qofkiiba qaaday dhowr qof oo uu ku sheegay xaaskiisa. Qaarkood ayaa dhaafay 4 qof oo dumar oo ah tirada qofka muslimka ah loo ogol yahay in uu guurasdo siday ay sheegtay safaaradda Turkiga. “In kabadan 8 jeer ayey qaarkood noo keeneen hablo, waxay ku sheegeen xaaskooda midba mar ayey noo keeneen waxaan u sheegnay in aysan qabi karin intaan oo aysan diintu ogoleen” ayuu yiri masuul ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho. “Mid kamid ah markaa weydiino magaca qofkii ugu horeeyay ama labaad oo dhameestiran ma yaqaano waxaa badan haween ay saaxiibo la yihiin xataa ma ahan qaraabadooda” ayuu yiri masuulka aan xogtaan ka soo xiganay oo ka tirsan safaaradda Turkiga. Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada masuuliyiintaan oo qaarkood xilal saro ka haayo xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya waxaase xogta aan helnay ay sheegeysaa in hadda aysan sidii hore aheyn dhibaatadii ay qabeen. Arintaan ayaa sababtay in gudaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho laga joojiyay ka bixinta fisaha Turkiga waxaana qandaraaska fisaha la siiyay shirkad gaar ah, ayada oo laga raray gudaha safaaradda Turkiga maadaama aan safaaradda laga joojin karin xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee usocda safiirka Turkiga ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Iman Elman is a female captain in the Somali National Army, making her the youngest female commander in Somalia Source: Hiiraan Online
  9. The Cedar-Riverside neighborhood in downtown Minneapolis is nicknamed “Little Mogadishu” because of its Somali American population. On Somali Street, a mall rests inside a wide, blue bungalow. There, different vendors in stalls sell traditional clothes, food items, and duvets. Source: Hiiraan Online
  10. SYLVANIA, Ohio (WNWO) — "My hijab is a part of me. Like if you're asking me to run without my hijab, you're asking me not to run. That's period. Point-blank." Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib billaabay bixinta kirada xirmooyinkaas, sida ay shaaca ka qadday xukuumadda Soomaaliya. Wasiir ku -igeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Cabdiqaadir Hilaal, ayaa sheegay in shirkadahan ay bixiyeen lacag dhan 1.7 Milyan oo dollar. Waxaa uu sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya. “Maamulka lacagtan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraaad wadaaga ee DFS Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF ku kala saxiixdeen magaaladda Baydhabo sanadkii tagay,” ayuu yiri Hilaal. Waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib ay shirkadahan bixiyaan Ijaarka, sidda lagu sheegay qoraalka wasiir ku xigeenku soo dhigay bogagiisa xiriirka bulshadda. Hilaal ma uusan soo bandhigin cadadka guud ee kirada lagu leeyahay shirkadda, inta baaqiga ku ah marka laga jiro qadarka ay haatan bixiyeen iyo halka ay ku dhaceyso lacagtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Waxaana aad baraha bulshada iyo warbaahintaba loogu arkayey Sawirka muujinayey kulankaasi oo uu Madaxweyne Al-Sisi uu dhoola-cadeynayo, halka Abiy Ahmed uu dhiniciisa u fadhiyo si degan. Kulankaasi ayaa imaanaya xili ay labada Mas’uul ka wada qeyb galayeen shirka Afrika iyo Ruushka, isagoona ku soo beegmaya un hal maalin kadib markii uu si adag ugu hanjabay Abiy Ahmed dowladda Masar. Abiy Ahmed ayaa shalay waxa uu ku hanjabay in dalkiisi uu abaabuli doono malaayiin ciidamo ah oo la dagaalama dalka Masar, haddii looga maarmi waayo mashruuca ay Itoobiya waddo ee biyo-xireenka. Madaxweyne Al-Sisi oo u muuqday mid iska dhego tiray hadaladii hanjabaada ahaa ee Abiy Ahmed, ayaa wuxuu yiri “Waxaan kugu hambalyeynayaa abaalmarinta Nobel Peace Prize, waxaadna tahay nin ay nabadu ka dhab tahay”. Abiy Ahmed ayaa isaguna sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan qaadanay nabada in aan ku xalino dhibaatooyinka aan la leenahay dowladaha dariska ah iyo taageerida horumarka Afrika”. Raysul wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’antahay dhameystirka mashruucaasi biyo xireenka oo uu ugu yeeray mashruuc ‘heer sarre ah’. “Waa in la rumeysnaado inaysan jirin awood Itoobiya ka hor istaagi karta inay sameyso biyo xireeno” ayuu yiri Abiy Ahmed. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii ay laga maarmaan noqotona dagaal, waxaan abaabuli karnaa malaayiin. Haddii ay qaar gani karaan gantaalo, qaarkale ayaa adeegsan kara bambooyin, laakiin midaasi maaha danteena”. Hadalkan Abiy Ahmed ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Masar, ayaa ku soo aadaya todobaadyo un kadib markii la shaaciyay in uu ku guuleystay bilada nabada ee ‘Nobel Peace Prize’, midaasi oo ka dhalatay isbadalkiisa siyaasadeed iyo dib ula heshiinta Ereteriya, oo muddo badan dagaal kala dhaxeeyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa shalay dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Ciidamadaan oo waday howlgallo lagu baarayay miinooyin ayaa waxaa ay ku guuleysteen iney qarxiyaan mid ka mid ah miinooyinkii lagu aasay waddada, miinadadii 2-aad ayaa haleeshay ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada. Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane. Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Shiinaha. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayey maamulaha shirkadda CCECC ee Bariga Afrika, Guo Chongfeng iyo madaxa shirkaddaasi ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Mr Nui Zengxiang. Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay dib u dhiska waddada dheere isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyo sidoo kale dhismaha waddada degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Waxa kaloo shirka lagu soo qaaday dhismaha garoonka Puntland ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Afhayeenka madaxtooyada maamulkaasi, Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha waddada Garoowe iyo Boosaaso la bilaaban doono bisha soo socota ee Novembar. “Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”. “Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar.” ayuu yiri afhayeen Jamac Yuusuf Dabaraani. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. NEWS RELEASE On UN Day, Egypt and the United Nations celebrate 74 years of successful partnerships Egypt is a founding member of the United Nations, one of the major troop-contributing countries to the UN Peacekeeping CAIRO, Egypt, October 24, 2019/ — The United Nations in Egypt and the Egyptian Ministry of Foreign Affairs, co-organized a ceremony today at the Diplomatic Club in Cairo under the theme “United for a Sustainable Future”. The annual commemoration held on October 24th celebrates everything that the UN represents and has achieved since its establishment in 1945. This year’s celebration marks the 74th anniversary of the UN Charter’s entry into force and as many years of successful partnerships between the United Nations and Egypt. Egypt is a founding member of the United Nations, one of the major troop-contributing countries to the UN Peacekeeping and has been a non-permanent member of the Security Council five times. Egypt chaired the UN Group of 77 last year in New York and this year in Rome. Egypt is also home to some 36 United Nations offices and can be considered as one of the organization’s major regional hubs. In his address during the ceremony, UN Resident Coordinator in Egypt Richard Dictus praised Egypt for its active and leading role at the international and regional levels as “a proud contributor to the United Nations and a strong multilateral partner.” He also hailed the long and constructive partnership between Egypt and the UN to solve multidimensional development challenges. “It is a partnership that highlights a united commitment to pave the way for a life of dignity and prosperity for all.” Mr. Dictus added that the focus of the UN “must be on supporting Egypt to build on its recent successes in establishing macro-economic stability and become a global example of how sustainable development can bring a nation to unprecedented levels of prosperity and well-being for all its citizens – inclusive of the marginalized, youth, women and children.” H.E Ambassador Hamdi Sanad Loza, Deputy Foreign Minister for African Affairs stated that “ Egypt has placed sustainable development at the top of the national priorities and adopted sustainable development vision 2030 that conforms with the implementation of the UN agenda 2030 as well as the African Union agenda 2063”. The ceremony was attended by senior government officials, the diplomatic community, UN and Egypt partners from international and regional organizations, academia, civil society, media, private sector, and representatives of the UN agencies, funds and programmes based in Egypt. The evening began with the screening of a video statement by UN Secretary General, António Guterres where he reiteratied the core UN principle of Leaving No One Behind stating that “at this time of turbo-charged change, the United Nations remains focused on the real problems of real people.” Guterres also announced the launch of an ambitious campaign starting January 2020 when the United Nations will hold dialogues around the world and across borders, sectors and generations to reach the global public, to listen to their hopes and fears, and to learn from their experiences. “Next year marks the Organization’s 75th anniversary. This milestone is a critical moment to shape our future, together. I invite you to join the conversation. Together, let us advance the well-being of “we the peoples”.” Guests browsed a display of publications highlighting the development efforts made throughout 2018 with national and international partners to the tune of an oriental instrumental performance. Distributed by APO Group on behalf of UN Information Centre in Cairo. SOURCE UN Information Centre in Cairo Qaran News
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa caawa laga dareemaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, wixii ka dambeeyay markii rasaas lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah meelaha uu magaalada ka degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay weerarka gaysteen, xilli uu halkaasi ku sugnaa Sheekh Maxamed Cali Xasan, isla-markaana uu ka badbaaday. Madaxda Ahlu Sunna iyo kuwo Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad uga carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa waxaa caawa si weyn loogu arkayaa wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona u diyaarsan in ay ka hortaggaan weerar kale oo lagu soo qaado Xero Inji. Goor sii horreysay, xoogaga Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Xarunta Degmada Dhuusamareeb, xilli lagu waday in Ciidamada Dowladda ay si rasmi ah ula wareegaan amniga Xarunta Degmada. Ciidamada Ahlu Sunna oo aad u fara-badan ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha iyo dibadda ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb, waxayna kaga hormareen Ciidamada Dowladda ee ku sugan magaalada. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay ku amrayn inay isaga baxaan ciidan yar oo ka tirsan kuwa Galmudug oo horey u qaabilsanaa ilaalinta amniga ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb. Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Shiirkoole ayaa waxaa laga dheehan karaa in ay feejignaan badan muujinayan, waxayna xirteen wadooyinka soo gala xaruntaasi. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka ku gadaaman xarunta. Maxamed Xaashi Jimcaale oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa yiri “Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb caawa aad ayay u kacsan tahay, goobaha ganacsiga waala xiray, meelihii ay dadka isugu imaan jireen iyana way haawanayaan. Runta markaan ku sheego magaalada waxaa laga dareemayaa saan saan dagaal.” Maxamed Xaashi ayaa yiri “Ciidamada Ahlu Sunna ayaa aad loogu arkayaa magaalada. Xerada Inji ayaa waxaa goor dhow soo saaray ciidan fara-badan oo ka tirsan Ciidamada Jugta Culus loo yaqaano. Waa ciidamadii la dagaalamay Al Shabaab, kana xoreeyay qaybo badan oo Gobolka Galgaduud ka tirsan.” Waxa uu intaa ku daray “Waxaan maqalnay in gurmad uu Ahlu Sunna uga soo socdo Magaalada Guriceel, saacadaha soo socdo ayaana la fillayaa inay soo gaaraan magaalada. Xaaladda Dhuusamareeb waa sidaasi caawa.” Nabadoon Cabdi Guure oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee reer Galmudug ayaa sheegay in caawa la argagax geliyay dadweynaha ku nool Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay ka xun yihiin in la qalqal-geliyo amnigii magaalada. “Shacabka ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb iyo waxgaradkuba aad bay uga xun yihiin falkaan ay ku kaceen Ciidamada Dowladda, hadana meesha kama marna doorkii dhaqanka, waxaana socdo waan waan lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo. Odayaasha Dhaqanka way la xiriireen labada dhinacba, amniga in la wada ilaaliyo ayaana muhiim ah.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure. Nabadoon Guure ayaa yiri “Shacabka Dhuusamareeb oo amni u bartay ayaa caawa wajahaya xaalad cabsi ah, hal qof oo shacab ah kuma arkeysid wadooyinka, dadka guryuhuu ku wada xarooday.” Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Ahlu Sunna ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay rasaasta lagu weeraray Xero Inji, oo ah midda ugu weyn ee ay leeyihiin Ciidamada Ahlu Sunna. Masuuliyiinta Dowladda Somaliya iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaan si rasmi ah uga hadlin xaaladda cakiran ee caawa ku soo korortay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (HOL) - Former Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn has denied he was aware of secret torture prisons in the country noting he could not change some human rights violations since he was an outsider in a ‘deep system’. Source: Hiiraan Online
  18. New York (Caasimada Online) – Warbixinta guddiga khubarada kooxda dabagalka QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dowladda Soomaaliya ay musuq-maasuqday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta guddiga oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka, balse ay si gaar ah u heshay Caasimada Online, ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay laaluushtay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay u doortaan musharaxii ay wadatay [Cabdicasiis Lafta-gareen]. “Xubnaha baarlamanka ayaa helay lacag u dhaxeysay 20 illaa 30 kun oo dollar midkiiba, si ay ugu codeeyaan musharaxa dowladda ay dooneysay” ayey tiri warbixinta. 82 ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayay warbixinta sheegtay in bishii November 2018 la geeyey magaalada Muqdisho, oo midkiiba la siiyey 5,000 oo dollar oo hormaris ah, ayada oo loo ballan-qaaday lacag 20 ilaa 30 kun ah marka ay doortaan musharaxa dowladda ee Lafta-gareen. Guddiga khubarada ayaa sheegay in sidoo kale la hayo caddeymo muujinaya in sarkaal maaliyadeed oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, uu lacag boqolaal kun oo dollar ah ku wareejiyey wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed, si xildhibaannada loogu qeybiyo. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhaba, kadib markii dowladda federaalka ay xirtay musharax Mukhtaar Roobow, taasi oo dhalisay rabasho. Dilalkaasi ayay warbixinta sheegtay inay fuliyeen ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay awood ku maquunineyso maamul goboleedyada dalka si ay madax ugu dhigto shaqsiyaad ayada ku xiran, taasi oo horseedday burburka dhowr maamul, iyo khilaafyo wiiqay awooddii mideysneyd ee lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  19. Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in halkaas laga maqlay rasaas. Xabadaha ayaa lagu waramayaa in laga dareemay meel ku dhow hoyga uu magaaladaas ka degan yahay Sheekh Shaakir. Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo Guddiga doorashada ee uu magacaabay ayaa degan dhismaha. Lama ogga cidda ridday rasaasta, wallow la sheegayo in ay ganeyn ciidamo ka tirsan dowlada federaalka. Wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaasta oo lagu beegsaday ilaalada gurriga, illaa iyo haatan lama soo warin. Xaaladda ayaa sheegayaa in ay tahay mid kacsan, wallow ay socdaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda taagan. Caasimadda Galmudug ayaa isku diyaarineysa martigelinta Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Gudoonka baarlamaanka maamulkaas. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay baaqatay cayaartii Fiinaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhexmari laheyd Degmooyinka Dharkeynley iyo Waaberi. Cayaarta oo caawa ka dhaci laheyd Garoonka Eng. Yariisow ee Degmada Cabdicasiis lana filayey inuu kasoo qeybgalo Ra,isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa baaqatay kadib markii ay tagtay korontada Garoonka taasoo keentay inuu Garoonka noqdo mid mugdi ah muddo ku dhow Hal Saac. Korontada markay dib usoo noqotay ayaa lagu dhawaaqay inay cayaarta baaqatay maadaama uu Ra,isilwasaare Kheyre ka cudur daartay inuu imaado sababo Amni. Sida saraakiil ka tirsan laamaha amniga u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa laga baqay in korontada tagitaankeeda ay ku dhex jiri karto farsamo la doonayo in garoonka laga sameeyo falal amni darro oo ay fuliso Al-Shabaab. Telefishinada ayaa lagu amray inay isaga tagaan garoonka, waxaana cod baahiyaasha laga sheegay inay cayaarta baaqatay inkastoo aan la sheegin sababta. Kulankaan ayaa maalin dhaweyd loo baajiyey Ra,isulwasaare Kheyre dartiis oo safar ugu baxay Mareykanka isagoo amray inuu isaga soo xiri doono tartanka. Lama sheegin waqtiga la cayaari doono, waana markii labaad oo ay baaqato.
  21. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw rasaaseeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan. Sheikh Shaakir ayaa xilliga la rasaaseeyay ku sugnaa afaafka hore madaxtooyada Galmudug ee INJI oo haatan uu ku shaqeeyo. Xarunta INJI ayaa waxaa dagan hoggaanka Sare ee Ahlu-Sunna Waljameeca, qaar ka mid ah saraakiishii Ahlu-Suun, guddigii doorashada Galmudug ee uu magacaabay Sheikh Shaakir iyo xubno kale oo siyaasad ahaan taabacsan Ahlu-Sunna. Shaakir ayaa xilliga la rasaasaynayay waxa uu taagnaa goob banaanka ka ah xarunta uu ku shaqeeyo ee INJI, halkaas oo uu ka socday dhismaha difaac ay galaan ciidamada ilaalinaya xarunta uu daganyahay ee INJI (Koolba Waardiye). Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasaastaas ay caawa ciidamada dowladdu ku fureen madaxa xukuumadda Galmudug, walina ma jirto labada dhinacba cid ka hadashay arintaas. Waxaana heegan la galiyay dhamaan ciidamada ka amar qaata hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana cawa kacsan xaaladda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ahlu-Sunna ay ciidamo ku daabuleyso xarumaha INJI iyo dowladda hoose ee magaalada. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  22. Rabbi ha u naxariisto waxaa maanta oo Khamiis ah 24.10.2019 ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee Dalka Isutaga Imaaradka Carabta Xaaji Cabdulaahi Cumar Ismaaciil (Casaro) Marxuum [...] Source
  23. Sochi (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka. “Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas. “Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan. View the full article
  24. Ciidamada AMISOM ayaa maanta dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Ciidamadaan oo waday howlgallo lagu baarayay miinooyin ayaa waxaa ay ku guuleysteen iney qarxiyaan mid ka mid ah miinooyinkii lagu aasay waddada, miinadadii 2-aad ayaa haleeshay ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada. Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane. Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com