-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT- Bangladesh)-Maxkamad ku taalla Koonfurta Dalka Bangladesh ayaa 16 Qof ku ridday xukun Dil ah, ka dib markii ay gubeen gabadh ku eedaysay Macalin Iskuul Islaami ah wax ka dhiga inuu kufsaday ama Faro-xumeeyay. Xukunka 16-ka Qof ayaa dhacay Isniintii la soo dhaafay, waxaana soo saartay Maxkamad gaar u ah Kiisaska Dumarka iyo Carruurta la xidhiidha, lix bilood ka dib Dilka Nusrat Jahan Rafi oo 19 jir ahayd. Nusrat Jahan ayaa dhaawaca Dabka u Geeriyootay, bishii April ee sannadkan, 2019, xilli Xaaladdeeda lala Tacaalayey. Hafez Ahmed oo Madax u ahaa Dacwad oogayaasha Kiiskan ayaa soo dhaweeyay Xukunka lagu riday 16-ka Qof, waxaanu sheegay in xukunkani markhaati u yahay inaan Qofka dil ku geysta gudaha Bangaladesh aanu baxsin karin “Waa Guul u soo hoyatay Garsoorka..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Mahmudul Hasan Noman oo ay Walaalo yihiin Gabadha geeriyootay ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay xukuna ku dhacay 16-ka Qof ee ku eedaysnaa inay gubeen Walaashii. Source
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada. Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah. Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena. Waxaa golahu uu uga mahad celiyay shacabka ree Jubbaland sida adkaysiga iyo dal jacaylka leh ee ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen Shacabka Jubbaland taas oo ay qayb ka tahay xayiraada dhinaca hwada ah ee shacabka ay kusoo rogtay Dowlada Federaalka ah. Dhinaca kale Wasaarada Waxbarashada ayaa soo bandhigtay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo dabagal dhab ah oo lagula soconayo sida Iskuulada Waxbarashada ay u hirgalin lahayeen Siyaasada Waxbarashada ee Wasaarada. Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay hanaanka Cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha inay muhiim u tahay sidii sanadaha soo socda loo samayn lahaa dib u qaabayn xoog leh oo dhinaca dhakhliga ah PUNTLAND POST The post Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo qodoba kala duwan looga hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa joojiyay shaqada guddiga ka soo tala-bixinta furitaanka wadooyinka Muqdisho, kuwaas oo uu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddigaan oo la kulmay Jeneral Xijaar lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan oo aan aheyn masuuliyadooda, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan booliiska Soomaaliya. “Arrinta amniga iyo wadooyinka xiran ee gobalka Banaadir waa shaqo u taalo hay’adaha amniga, gaar ahaan booliska waana istiraatiijiyad ka imaaneysa taliska ee ma ahan mid uu go’aamin karo maamulka gobalka Banaadir iyo taliska qaybta” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa. “Gobalku arrimaha amniga shaqo kuma lahan laakiin door waa ku leeyahay waxaan idin keeni doonaa qorshaha amniga gobalka Banaadir waxaad ka qayb qaadan doontaan fulintiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mr Xijaar sida ay noo sheegeen xubnihii kulankaasi ku sugnaa. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa dhowaan soo saaray guddi loogu magac daray guddiga ka soot ala bixinta furitaanka wadooyinka Muqdisho, waxaana muuqata in guddigaasi aysan qaban wax shaqo oo ay la kulmeen caqabado badan sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan booliiska Soomaaliya. Maamulka gobolka Banaadir ayaa inta badan ah mid aan awood sidaas ah u lahayn, waxaana awoodda gobolka haysata xukuumadda, ayada oo gobolka uu ula mid yahay Soomaaliya oo dhan, maadaama uu yahay meesha kaliya ee ay ka taliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyay Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga, waxaana Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibedda loo Magacaabay Amiir khibrad u leh Dalalka Reer Galbeedka, sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka ee Reuters. Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo hore u ahaa Safiirka Sucuudiga u jooga Jarmalka, horena la Taliye ugu ahaa Safiirka Sucuudiga ee Maraykanka, ayaa loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Sucuudiga. Boqor Salmaan ayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Magacaabay, ka dib markii 10 bilood ka hor uu ka qaaday xilkii Safiirnimo ee uu ku joogay Dalka Jarmalka. Sucuudiga oo ah xulafada ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Khaliijka Carabta, xilli uu loolan ka dhexeeyo IRAN ayaa Dalalka reer Galbeedku ku eedeeyaan inaanu ilaalin Xuquuqda aadamaha, taasi oo keentay in Boqor Salmaan ka fikiro sidii loo beddeli lahaa Sawirkaa laga haysto Sucuudiga. Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Ibrahim al-Assaf, kaasi oo isaga loo Magacaabay Wasiirro-dawle. Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda ee Xilka Laga qaaday isla-markaana loo Magacaabay Wasiirro-dawlaha ayaa isagu sannadkii 2018-kii xilka kala wareegay Adel al-Jubeir. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa tahli wayday inay dalka keento shidaal ay hore u balan qaaday inay keenayso bishan Oktoobar, iyadoo shirkadaha shidaalkana ka joojisay bishii hore ee September iyo Oktoobar inay wax shidaal ah dalka keenaan, gaar ahaan Baatroolka. Baatroolka Warqad uu dabayaaqadii bishii hore ee September maareeyaha haamaha shidaalka Xasan Axmed uu u gudbiyay shirkadaha shidaalka, ayaa wuxuu ku wargeliyay inaan bishaas hore ee Septermber intii ka hadhsanayd [markaas waxa bisha ka hadhsanaa tobaneeyo maalmood] iyo bishan Oktoobar meel loo haynin shidaal ay dalka keenaan, gaar ahaan baatroolka. “Mudanayal, waxaanu idinla socodsiinaynaa in baatroolka yaala uu dalka wadi karo muddo dhan laba bilood. Waxa iyana aad ogtihiin inay dawladu keenayso baatrool bisha Oktoobar.” Sidaas ayay tidhi warqada maareeyaha haamaha shidaalku. Laakiin bishan Oktoobar oo hadda marayso maalmihii u dambeeyay ayaanay xukuumadu dalka ka keenin wax baatrool ah, waxaana weli dalka lagu sii kala wadaa baatroolkii ay hore u keeneen shirkadaha dalka shidaalka ka keenaa ee haamaha ku jiray. Naafato Geesta kale, waxa dalka muddooyinkan u dambeeyay laga dareemay gabaabsi dhinaca naafatada ah, iyadoo ay dawladu dalka ka mamnuucday in la keeno naafato sulferkeedu ka badantahay 500 ppm, “Xagga naafatada waxa aan wada ognahay in aa la keeni karayn naafato sulferteedu ka badanthay 500 ppm, sidii marar hore af iyo qoraalba aan iskugu sheegnay. Waxa kale oo aan idinla socodsiinaa in ay dhici karto in dawlada qudheedu ay naftada keento sida ay ugu talo jirto in baatroolkaba ay u keento.” Sidaas ayay warqada maareeyaha haamaha shidaalku tidhi. Laakiin markii uu dalku galay xaalad naafato oo gabaabsi ah, waxa ay shirkadaha shidaalku dekedda Berbera ku soo leexiyeen markab la sheegay inuu badweynta marayay oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho kaas oo siday naafato la sheegay in sulferkeedu ka badantahay 5000 ppm, waxaana naafatadaas lagu shubay haamaha shidaalka shalay, waxaana la filayaa inay suuqa soo gasho maanta. Naafatadan ayaa ah noocii ay xukuumadu hore u mamnuucday, laakiin markii baahidii timid xukuumaduna keeni kari wayday naafatadii tayada lahayd ee ay balan qaaday ayaa la ogolaaday in naafatadan lagu shubo haamaha. Gunaanad Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay inay xukuumadu tahli kari waydo inay dalka keento shidaalkii ay hore u balan qaaday, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ka hadlaya sababta xukuumadu dalka shidaal u keeni kari wayday. Source
-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-24102019-sx.mp3 Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato View the full article
-
Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ansixiyey sharciga dakhliga guud ee qaranka. Ilaa 31 mudane oo ka tirsan senatorada ayaa ogolaaday sharciga sharciga dakhliga guud ee qaranka. Arrimaha sharciga la xiriira kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Booliiska dalka Kenya ayaa soo saaray liiska toban nin oo qeyb ka ah kooxda argigixisada ah ee Alshabab islamarkaana dilalka ka geystay magaalada Mumbasa. Sida lagasoo xigtay Howlgallada amniga ee socda, waaxda booliisku waxay raadineynayaan dhowr dambiilayaal kale oo bartilmaameedsanayay xubno ka tirsan shaqaalaha amniga dadweynaha. Sida boolisku sheegay dadkaan la raadinayo ayaa looga shakisan yahay inay ka soo laabteen kooxda mintidiinta Al-Shabaab ee Soomaaliya. “Waxaan haynaa tilmaamo muujinaya in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana loo diray gobolka xeebta si ay u weeraraan xarumaha dowladda,” ayaa lagu yiri warbixinnada ka soo baxay booliiska la-dagaallanka argagixisada. Oktoobar 1-deedii, ciidanka Kenya ayaa waxay weerareen guri ku yaal Mombasa waxayna qabteen laba tuhmane oo lagu kala magacaabo Bakari Chibonja iyo Athuman Nyae, waxayna dileen seddex kale, oo kala ah, Swaleh Yusuf Abdalla, Salama Salim Mohamed, iyo Mkubwa Sadi Ramadan. Labo kamid ah kuwa la qabtay ayaa la rumeysan yahay inay soo direen Al-Shabaab si ay u qorsheeyaan weerar argagixiso oo lala damacsanaa xuska maalinta Halyeeyada Qaranka ( Mashujaa), oo ku beegnayd Oktoobar 20. Halkan hoose waxaa ah liisaska 10 tuhmanayaal argagixiso oo ay booliisku soo bandhigeen; Ali Shando alias Mzalamu Zamdini alias Sheli Sheli alias Mwarabu Mohamed Mwinyi Mwachidigo Suleiman Bakari Mwasura Adam Hamisi Jabalenni Mohamed Bakari Mwachidiwa Hamdi George Adisi Mwanenda Bakari Hassan Setu Ali Tengeza PUNTLAND POST The post Kenya oo shaacisay magacyada toban nin oo halis ku ah ammaanka dalkeeda. appeared first on Puntland Post.
-
Jamaame (Caasimadda Online) – Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobalada Jubbooyinka iyo shabeeladda hooose. Duqaynta ayaa si gaar ah waxaa loola bartilmaameedsaday saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Jamaame, Bu’aale iyo Jameeca. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeymaha ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Bu’aale lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Bu’aale uu dhaawac ka soo gaaray sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Kabdhe. Ma jiraan faahfaahin intaasi ka dheer oo laga heliyo duqeyntii ka dhacday degmooyinka Jamaame iyo Bu’aale oo ka tirsan Jubbooyinka. Dhanka kale wararka laga helayo deegaanka Jameeca oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsadeen xarun ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan weli la xaqiijinin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi. Diyaaradaha dagaal mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin, shirkaan is aragga ayaa ahaa soo dhowaynta Madaxweynaha Ruushka Putin u sameynayay madaxda Afrika ka socota, ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga ee Afrika iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi ee Jamhuuriyadda Rashia Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay ka qeyb galay Casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Ruushka dhammaan Madaxda ka qayb gashay shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa, tan oo jid cusub u fureysa xiriir qoto dheer oo iskaashi uu Ruushka la yeesho Qaaradda dihin ee Afrika. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh, kaasoo bishii hore ku dhaawacmay xabad uu si kama’ ah ugu dhiftay Guddoomiyaha degmada Warsheekh. Dhaawaca loo gaystay Xildhibaanka ayaa dhacay 19-kii Bishii September, xilligaasi oo uu ku soo dhaawacmay Magaalada Warsheekh. Dhaawaca xubintan ka tirsanaa Golaha deegaanka Warsheekh ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka Keysaney ee duleedka degmada Kaaraan, hase ahaatee markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka Madiina. Guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed Darafey ayaa la sheegay in si aan ula kac laheyn u toogtay saaxibkiis, xilli uu barayay sida loo rido bastooladaha iyo qaabka wax loogu shiisho. Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Maamulka Degmadaasi Warsheekh oo siyaabo kala gedisan ula hadlay Warbaahinta gudaha. Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Xildhibaanka dhintay Allaha u naxariistee. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Abiy Ahmed ayaa waxaa Workneh Gebeyehu u magacaabay xoghayaha guud ee IGAD. Workneh Gebeyehu waxaa uu horay u soo noqday wasiirka gaadiidka, wasiirka arrimaha dibadda iyo madaxa UN-ka ee xafiiska Nairobi(UNON). Magacaabista Workneh Gebeyehu waxaa ay ka dhigan tahay in guddoomiyenimada IGAD uu qaadan doono dalka Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa Qoray: Macallin Maxamed (Soomaali): “Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay” Magacaygu waa Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali), waxaan muddo 14 sanno ku dhow dhigayay maadada Physics-ka oo aan bare ka ahaa dugsiyada sare ee dalka iyo jaamacadahaba gaar aaan caasimadda Hargaysa. Waxaan ka mida ahay macallimiinta diyaarisay ee tacabka badan galisay qoritaanka buugta manhajka dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan maadada physics-ka. Waxaan ahay Macallin bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo badan, waxa aan soosaaray jiilal badan oo maanta dalka wax ka ah. Waxa aan wax ka dhigaa Dugsiyada sare ee dawladda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba. waxa aan shaqadaydii macallinimo ka bilaabay dugsiga sare ee Gacanlibaax 2005, ilaa imikana aan xiisado ka bixiyaa. Waxaan ahay dulmane shacabwaynaha somaliland usoo gudbinaya dareen muddaba aan labaaxaa degayay oo aan qarsankari waayay. Tani Waa Qisadaydii Waxaan bishii sagaalaad ee sanadkan isku dayay inaan jago aan ku lahaa degmada I.Kood.Buur gaar ahaan Xaafadda G/Allah, ka dhisto guri, kadib markii aan u dhameeyay wixii sharci ahaa ee ay dawladda hoose iiga baahnayd. Markii aan u dhameeyay gurigii wixii sharci ee la iiga baanaa isla markaana aan bilaabay gurigii, iina socday laba toddobaad ayaa Waxaa Maayarka caasimaddu, amar telephone uu ku bixiyey ku joojiyay dhismaha Guriga aan ka dhisanaayay, degmada I.Kood.Buur gaar ahaan Xaafadda G/Allah. Ku dhawaad 5 cisho ayaanu markaas sii kala maqnayn kormeerayaasha degmada, kadib markii ay igu soo mareen goobta uu dhisku ka socday goor aroornimo ah, iyagoo markii ay arkeen, sharcigii, mulkiyaddii, warqaddii jeexidda iyo ogolaanshahii dhisitaanka, oo kasoo wada baxay dawladda hoose, dhamaanyoodna leh saxeexyadii masuuliyiintii u xilsaarnayd, oo kala ahaa :Maayarka, Agaasimaha dhulka, Agaasinka qorshaynta dhulka, Xisaabaadka, Gudoomiyaha degmada iyo Joonmitirka, Waxa uu kormeerku subaxdaas ii saxeexay halkii isaga uga bannaanayd xaashida jeexidda. Intaas kadib, waxaa si kedis ah iila soo hadlay kormeerkii xaafadda I.Kood buur. Aniga oo markaas ku jiray xiisad xilli barqo ah. Islamarkii aan qabtay telka waxa la igu yidhi, : “ma macallinkiibaa?” aniga “Haa” Iyaga “walaal, waa kormeerkii degmada I.Kood buur, Waxaan ka imid gurigaagii waxaan soo joojinnay dhiskii”. Aniga: “Oo sababna walal?”. Iyaga: “walaal waxaagu waa sax, laakiin waa amar iga sarreeya” Aniga: “Haye walaal” Iyagii: “Bal hadda macallin soo dhaqaaqoo degmada noogu kaalay” Aniga “Bal waayahay”. Ardaydii, aan xiisadda ugu jiray ayaa jawigaygii oo isbaddalay aan kusoo noqday. Xoogaa suaalo ah ayay i waydiiyeen. “Macallin ma dhibbaa jirta?” “Maya waan idinkusoo noqonayaaye casharka sii qorta”. intaas aan sii socdo waxay maskaxdaydu iswaydiinaysaa “waar amarkan kasareeyaa tollow waa maxay?”. Waxa aan si dhakhso ah u gaadhay degmadii I/Koodbuur. Kormeerayaashii oo debedda markaas soo istaagay oo gaadhi Vitz ah kasoo degay ayaanu albaabka hore ku kulannay. Waar macallin bal kaalay, gacantay i qabteen, way yaabanyihiin Fajac iyo amakaag ayaa ku dhan, gaadhigayga xaggiisa ayaanu u wada dhaqaaqnay, gaadhigaan gudaha u galnay dadka oo meesha kubadnaa awgeed. Markiiba waxaa igasoo baxay “waar walal sidee wax u jiraan bal ii warrama?” Waa laba nin mid madaxa ayuu ruxayaa oo hadalka kasoo baxayaa waa kelmed qudha oo ahayd sidatan, “waar miyaan dulmiga laga baqayn?” “Waar miyaan ilaahay laga baqayn?” Kii kale ayaa ii jawaabay runtiina i taabsiiyay wuxuu igu yidhi: “Waxaa nasoo garaacay maayarkii anagoo hawl shaqo Xeedho u joogna, Haye? Amar ayuu nagusiiyay in dhismahaaga la joojiyo”. “Walal Waayo?” Sababta miyuu idiin sheegay?” Waxa aan u malaynaynaa, In ay kadanbeeyaan qoyska madaxwaynuhu, Waayo Wiil uu madaxweynuhu abti ruma u yahay ayaa telephoneka amarka nalaga soo siiyay maayarka noogu dhiibay. Markaas Macallin isasoo furdaami oo shaqadayadaas hanaga galaafan, haddaad xabbad jaajuur ah ku kordhisid annagaa u maqan macallin oo shaqada nalaga eryayaa”. “Bal waayahay”ayaan ku idhi anigoo fajacsan. Waxaan waydiiyay intii aanay ka dhaadhicin gaadhigayga In ay ii sheegaan numberka Inankan Madaxweynaheena walaashii dhashay ee telephoneka maayarka idiinku dhiibay? Waan ka qortay, waan garaacay, nasiib darrose igamuu qabanin. Galabnimadii ayaan faylkaygii kasoo sameeyay dhawr koobi, hal koobi oo kamida ayaan u geeyay nin xil dhibaan golaha deegaanka ah oo aanu asxaab isku dhaw nahay, maayarkana ay isku dhawyihiin. Waxaan ku hawlaysnaa muddo laba cisho ah sidii aan maayarka u heli lahaa iyo ciddii aan u mari lahaa. Akhriste u fiirso, dhismahayga telephone ayaa lagu joojiyay, may jirin waraaq xayiraadeed oo laytusay oo dhulka aan dhisanaayo saarnayd, Dawladda hoosena waraaqii xayiraada hore way uga weyday, waana sababta ay warqadda jeexidda ogolaanshaha dhismaha iigu sameeyeen, waana tan warqaddii jeexistu. Wiilkii madaxwaynuhu abtiga u ahaa waxaan garaacaba goor galabnimo ah ayaanu telephoneka iska helnay, dood dheer ayaa na dhex martay oo sidatan u dhignayd. Markaan isu sheegayba, danbiile ayuu iga dhigay, “ma adigaa dhisanaayay guriga?” “Haaye maxaad ku haysataa?” “Waadba qiranaysaa waliba, Magacaaga waxa aan dhigay xeer-ilaalinta iyo Saldhigga Koodbuur,” Haye yaabay “oo maxaad iga doonaysay?” “Meeshan awoowgay Biixi Abdi ayaa lahaa, waa naloo xukumay, Sadmddex xukun maxkamadeed ayaa noogu dhacay, ee waan kaa xallin karaa dacwadda saldhigga aan dhignay e, halkaas ha dhaafin oo ha kharash garoobin, intii hadhoow lagaa dumin lahaa”. Markii uu hadalkiisii dhamaystey, ayaan anigoo si deggan ula hadlaaya ku idhi: “Haddii meeshu xayirnayd, maxaa laygu sharciyeeyay? Maxaa Dawladda hoose markay ii raaceen meesha u garan waayeen inay xayirantahay? Maxaa Kormeerka guud ee degmadu u ogaan waayay? Sidee meel xayiran Dawladda hoose iga qorshaysantahay oo loo baloodheeyay? Maxaa waraaqaha xayiraadda dawladda hoose loo dhigi waayay? Ma afka ayay idiinku xayirantahay?” Waxbaanba xasuusiyay anigu markaas. Maalin kadib ayaa layga yeedhay xafiiskii degmada I/Koodbuur, waxay ii dhiibeen waraaq xayiraadeed, oo markaas loo keenay, taasoo dhinac alla iyo dhinac loo qaado aan lahayn, bal waatan warqadduye ila eega. Dhinackasta waa waddo, kumanaan waddo ayaa dhinac kasta maraaya, bal waa saddexdee, saddexda uga xayiran Bari, Galbeed, iyo Koonfur? Waxaan waydiiyay qoladii kormeerka waraaqdan xayiraadda goormaa la idiin keenay? Saaka 6dii subaxnimo ayaa la keenay ayay iigu jawaabeen. Wali yididiilo ayaan qabaa oo waxaan ka rajo sugayaa maayarka, oo rag badani iigu maqanyihiin. Waxaan u haystay in maayarku uu awood leeyahay , Waxaan moodaayay in maayarku uu madax banaanyahay ee aanuu lahayste ahayn. Waxaan u haysatay in Maayarka sharcigii uu iigu saxeexay uu igu difaaci karo. Waxaa Ergedii iyo rajadii aan naawilaayeyba soo afgo’een markii abaara 11kii iyo badhkii subaxnimo, aniga oo xiisad ku jira, uu xiisadda iiga yeedhay mid ka mid ah maamulka Iskuulku, Waan soo raacay, waxaa xafiiska hortiisa igu sugaayay, wiil uu madaxwaynuhu dhalay oo aan macallin u ahaa, iyo wiilkii uu abtiga u ahaa madaxwaynuhu, oo telephone aan ka doodno maahee aanaan hore isu arag. Markaan arkay wajiga wiilka uu madaxweynaheenu abtiga u yahay wuu i gartay ana waan gartay.Waxa uu ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee aan wax ugu dhigo dugsiga sare ee Gacan Libaax, islamarkii aanu indhaha isku dhufanay waanu isku naxnay oo igamuu filayn, waxa uu ii muujiyay ixtiraam badan haddana waxbaa dabada ka riixayay. Gacanta ayay i qabteen, waxa ay iila dhaqaaqeen dhinaca gaadhi madaw oo VX ah, cid gaadhiga saaran ma ogi markaas. Daaqadda danbe ayaa layga furay, Waan galay labadii inan ee ila socdayna way soo fuuleen. Waxaan ugu tegay gaadhigii oo aan hal-mar isha ku dhuftay, Maayarkii aan siraadka ku waayay oo xagga hore saaran, gaadhiga waxaa wada inanka madaxwaynuhu dhalay, xagga danbe waxaa fadhiyay nin cas oo buuran oo lay sheegay in uu madaxwaynaha walaalkii yahay, “keen faylkaagii” ayuu Maayirku si toos ah ii yidhi, Waan yaabbanahay faylkuna gaadhigayga ayuu ku jiray. Markiiba waxaa maskaxdayda kusoo dhacay, raadraaca documentska ayaa la rabaa in la tirtiro, waana lagu khiyaamaynayaa, hadalka ayay daldalayaan, waanse fekerayaa anigu, Waxa ay ii raacsheen “hawshaada waynu dhamaynaynaa, qorshaynta dhulka ayaynu eegaynaa nasii filkaagii”. “ma hayo iminka ma hayo” ayaan lasoo booday, laakiin sawirkii Faylka oo whatsuppka iigu jiray ayaan tustusay, waxbay akhriyeen “waa hebel sexeexaasi, kaasina waa hebel, waynu xidhxidhaynaa iyo waynu xidhnay kaas” ayaa laysku celcelinayaa, waxaan kaga degay farriin ahayd: “Adigu marka ay fullinta gaadho, macallin waynu dhamaynaynaa hawshaadee nasug, haddii kale ciddii kaa iibisay u doono Faylkaagana maayarka u keen” Haye Haye ayaan ku macasalaameeyay. Guntii iyo gabagabadii, waa kuwan sawirrada gurigayga dhismihiisu bilawga ahaa, Waxaa qandaraaska dhiska qaatay shirkad dhisme, waxay qaadatay oo heshiiska usii shubay 50% lacagtii dhismaha, gurigu waxa uu ilaa hadda xayiranyahay 17cisho, Waxaa muddadaas ilaa maanta igu socda kharash, uu ka mid yahay kirada taangiyada biyaha, waashmaannada, iyo qalabkii oo meesha yaalla, sida sawirrada ku wada cad. Goobta dhismuhu ka socdaana ma aha goob cidlo ah, dhinac kasta waxaa ka xigaa waa dhisme hore loo dhamaystiray oo aan muran gellin. Madaxwayne aragtaye! Ma adaan ogaal noqon? Mise waa adeegayaal Gaar aad u leedahay? Ma awoodahaagay Ab intaad wadaagtaan Noo adeegsadaanoo Xaqa umadda duudsiya? Waxaa Qoray: Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali) Source
-
(SLT-Hargeysa)-Koox hubaysan ayaa Salaasadii dorraad jidgooyo u galay baabuur ay dawladu leedahay oo marayay inta u dhaxaysa Borama iyo Dila, waxaanay ku fureen baabuurka rasaas tiro badan. Abaanduulaha ciidamada qaranka gaashaanle sare Cabdirisaaq Sicid Bulaale ayaa arrintan u tagay Boorama waxaanu kulan la yeeshay gudida amaanka ee gobalka iyo qaar ka mid ah salaadiinta goblka Awdal. Abaanduulaha ayaa sheegay in aan la eegan Karin xaalada amaan ee gobalka Awdal, waxaanu yidhi “Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka ee caadiga ahaa iyo arinta nabadgalyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka shalayna dhacdadu ka dhacday foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed, waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo,ka hordhici maayo wada hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa nabadgalyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha,kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa.” Muddooyinkii u dambeeyay waxa la hadal hayay oo ay xataa qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobalka Awdal warbaahinta kaga hadleen jabhad la sheegay inay ka samaysantahay deegaanka Dila ee gobalka Awdal. Source
-
Nabadoonnada iyo wax garadka gobalaka Bakool ayaa ku guuleystay in dhex dhexaadin iyo waanwaan ay ka dhex sameeyaan laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay degmada Ceelbarde iyo deegaanno hoos yimaada gobalka Bakool. Nabaddoonada oo deegaannadaas 4 bil ku sugaa deegaanka dagaallada ka dhaceen ayaa la sheegayaa in ugu dambeyntii ay ku guuleysteen arrinta dhexdhexaadinta. Dhanka kale maamulka magaalada Xudur iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Odayaasha iyo Waxgaradka oo ku soo guulaystay howshii ay u baxeen ee ahaa heshiisiinta beelahaasi walalaalaha ee ku wada nool degmada Ceel-berde iyo deegaannada hoos yimaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Ruushka Puntin ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu Dalkiisu uu ka cafiyey aduun gaaraya 20 Bilyan oo Dollar ay ku lahaayeen Afrika. Si loo xoojiyo [...] Source
-
(SLT-Dubai)-Shikradda DP WORLD ee dalka Imaaraadka ayaa sheegtay in muranka iyo dacwaddii dhexmartay iyaga iyo dowladda Djibouti ee ku aadanaa maamulka Dekedda Doraaleh, ay taasi dhaawac gaadhsiisay shirkadda, isla markaana ay ku adkaatay inay bangiyada caalamka ka hesho deyn ay ku maalgaliso mashaariic cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laqaaday dhamaan cuna qabateynadii la saaray dowladda Turkiga kadib weerarkii ay ku qaadeen waqooyi bari dalka Suuriya. Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo. Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya. Waxa uu yiri :”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”. ‘Marka sidaa darteed waxaan la hadlay Xoghayaha Maaliyadda waxaana u sheegay in Turkiga laga qaado dhammaan cunaqabateenadii la saaray 14-kii bishaan Octobar” ayuu kusii daray. ”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee goboladaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump. Sidoo kale madaxwaynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turika iyo Ruushka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
