-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo-(Caasimada Online)-Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in caawa madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland ay kulamo aan loo kala kicin ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo haatan uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, labadiisa ku xigeen iyo xubno kale ayey u dhaxeeyaan kulamadu waxayna ka arinsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shuruudo ay hor dhigeen xubno ka socday beesha caalaka oo maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland aadna ugu dhaw hoggaanka sare ee Jubbaland oo naga dalbaday in aanaa adeegsan magaciisa ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Jubbaland maanta ilaa caawa kulan aan loo kala kicin ay ku leeyihiin Madaxtooyada Kismaayo. Xildhibaanka ayaa sheegay in xubnihii ka socday beesha caalamka ee dhawaan yimid magaalada Kismaayo ay madaxda Jubbaland ku wargaliyeen in aysan aqbali doonin doorashadii dhacday iyagoo ka dalbaday in ay ogolaadaan in la qabto doorasho kale. Beesha Caalamka ayaa haatan hoggaanka Jubbaland ka sugeysa in ay ka jawaabaan dalabka ay u soo jeediyeen oo ahaa in lagu celiyo doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo 22kii July, taas oo ay haatan ka arinsanayaan madaxda Jubbaland sidii ay uga jawaabi lahaayeen. Lama oga go’aanka ka soo bixi doona kulamada madaxda sare maamulka Jubbaland, sidoo kale Xildhibaanka noo waramay ee ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in uu saadaaliyo waxa ka soo bixi kara kulamada iyo waxa ilaa hadda la isla meel dhigay. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo qeyb ka ahaa wafdi uu hoggaaminayay Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay xayiraad loo geystay iyo waxa ay ku soo arkeen garoonka Beledweyne. Xasan Sheikh ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay in si ula kac ah garoonka Aadan Cadde ay xayiraad ugu geysteen, iyagoo sida uu sheegay isku dayaya in ay baajiyaan safarkoodii magaalada Beledweyne. Sidoo kale wafdigaan oo mar ku sigtay in uu ku soo laabto Muqdisho iyagoo aan gaarin Beledweyne, waxa uuna sheegay madaxweyne Xasan Sheikh in aysan jirin wax khatar ah oo maanta ka jiray garoonka Beledweyne, taas oo u diidi kartay in diyaaradii siday ay ka degto garoonka Beledweyne. Waxaa uu sheegay in amar ka soo baxay madaxda dowladda dhexe ay ku dhibaateyeen Garoonka diyaaraddaha Muqdisho, sidoo kalena ay marmarsiyo ka dhigteen in garoonka Beledweyne ay biyo fadhiyaan. Xasan Sheikh ayaa sheegay in markii ay ka degeen garoonka magaalada Beledweyne aysan ku arkin wax biyo ah oo ku jira Garoonka, taas bedelkeedna lagu booreysa karay sida uu sheegay madaxdweyne Xasan Sheikh. Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud aya shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir, si ay uga guuleystaan weerarka iyo caburinta ay madaxda dowladda federaalku ku heyso qof kasta. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Warka-10112019-ok.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Gurmada Walaal oo ah deeq ay iska soo uruuriyeen Bulashada iyo Ganacsatada ka soo jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Dhuusmaareeb ayaa maanta lagu warjeediyay Maamulka Hirshabelle. Munaasabada lagu wareejinayay deeqdan ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Gudoomiyaha gobolka, Gudiga Wakiilka ka ah dadka deeqdan bixiyay iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Ganacsatada hoggaamineysa deeqdan Gargaarka ah waxana ay cadeeyeen in ay ku wareejiyeen Madaxda Hirshabelle Gurmad Walaal. Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Madaxweyne Kuxigeen Hirshabelle oo ka hadlay Munaasabada deeq wareejinta ayaa umahadceliyay gudiga Gurmad Walaal iyo Dhanaan dadka reer Galmudug gaar ahaan dadka ka soo jeeda Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan. Deeqdan Caawinaada ah ee maanta la wareejiyay ayaa loogu talagalay in loo qeybiyo Shan kun oo qoys oo kamid ah dadka ku barakacay fatahaada Webigga Shabelle ee Magaalada Baladweyne. Gurmad Walaal ayaa sideed Gaari oo kuwa Xamuulka qaada ah oo sida deeq isugu jirta Raashiin, Dawooyin iyo Mareekaneeco ayaa noqoneysa tii ugu weyneyn ee deegaan Soomaaliyeed uga timaada dadka Baladweyne ee la daala-dhacaya saameynta ka dhalatay fatahaada Webiga Shabelle uu ka sameeyay Baladweyne. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta waxay markii ugu horeysay ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed. Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay si cad u baalmartay dastuurkii iyo qawaaniinta ay ku dhaqmeysay, isla markaana xil ka qaadista Dhoobo loo maray sifo sharci daro ah. Wasiirka Biyaha Somaliland, Saaleebaan Cali Koore oo qaar kamid ah Warbaahinta Somaliland kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa arrinkaasi sheegay, isagoona ka dhawaajiyey in Dhoobo yahay shaqsi ka soo jeeda Somaliland, ayna deeganadooda ku soo dhoweynayaan. “Waxaan u aragnaa nidaamkii ay sheeganayeen inaysan marin, ayna u dhaqmin sida uu dastuurkoogu uu qorayo. Waxaana u aragnaa in sifo sharci daro ah u dhacday (xil ka qaadistaasi)” ayuu yiri Wasiirka biyaha Somaliland. Wuxuuna intaas ku sii daray “Dhoobo waa nin Somalilander ah, hadduu yimaado isagoo aaminsan Somaliland, aad iyo aad baan u soo dhaweynaynaa, horena wan u sheegnay oo wuxuu kamid ahaa dadka aynu laheyn halkaasi waxba idima yaalan, oo ay halkan (Somaliland) wax ku wada leeyihiin”. “Waxaanu leenahay (Dhoobo) anagu Somalilander baanu ku aqoonsanahay, ku soo dhawoow dhulkaaga hooyo, meelkasta oo timaadana adigoo fikirka Somaliland aaminsan waanu ku soo dhoweynaynaa”. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa, isagoona si gaar ah Madaxweyne kuxigeenka Puntland u soo jeediyay in uu isku tashto inta uu gabalku ku dhicin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hassan Ali Khayre, today traveled to France to attend the annual Paris Peace Forum which will kick off November 11-13, 2019. According to the office of the PM, the Forum for Peace in Paris, the annual international will focus on ways to resolve the problems in the world. The Prime Minister will hold a panel discussion with some of the leaders attending the meeting. Meanwhile, Khaire is expected to pay a visit to Brussels, Belgium, where he will meet the new European Union leadership. The Prime Minister’s visit to France and Belgium is part of the acceleration of national development agendas and efforts to pardon the debt owed to the Somali nation. View the full article
-
Saturday, 19th of October 2019, seems to have been a glorious day for Somalia’s efforts to gain debt relief. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay xilli uu ka soo laabtay safar ay ku tageen magalada Beledweyne ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda federaalka oo uu sheegay in maanta amarkooda loogu xayiray Garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde. Waxaa uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin ficilada ay madaxda dowladda fedelaaku ku ka cayaan, kuwaas oo uu ka carabaabay caburinta Shacabka iyo madaxdii hore dalka, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabadda ku haboon hadii sidaan ay wax ku sii socdaan. Madaxweyne Shariif ayaa ku dhaartay in magaalada xoog looga saarayo madaxda talada heysa haddii aanay joojin ku tumashada sharciga oo uu sheegay in ay soo laa laabatay. “Magaalada waxaa joogi jiray ******** awood ayaa looga saaray, ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa sidoo kale awood looga saaray, marka kuwa hada jooga ma kuwaas ayey ka awood badan yihiin? waa maya, wallahi xoog ayaan uga saareynaa magaalada, haddii aanay joojin sharciga ay ku tumanayaan” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii hore ee dalka. Dadka shacabka ah ee wax ka tabanaya xukuumadda hadda talisa ayuu ka dalbaday in ay cabashadooda u soo gudbistaan Madasha Xisbiyada Qaran ee uu isagu hoggaamiyaha ka yahay, isagoo balan qaaday in ay si deg deg ah uga jawaabayaan cashada shacabka, waxa uuna wacad ku maray in ay gaarsiinayaan halka ugu dambeysa. Hadalka Shariif ayaa daba jooga xayiraad maanta loogu gaystay gudaha garoonka Aadan Cadde, iyadoo markii loo ogolaaday in ay ka duulaan garoonka mar kale loo diiday in ay ka degaan garoonka diyaaraha ee magaalada Beledweyne oo ay ku sii jeedeen, waxayna ku dhawaadeen in ay Muqdisho ku soo laabtaan. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019. Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka. Shirka sannadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-10112019.mp3 View the full article
-
Paris (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019. Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka. Shirka sannadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tehran (AFP) - Iran has discovered a massive new oil field, President Hassan Rouhani said Sunday, a find that would boost its proven reserves by about a third in a rare piece of "good news" for an economy battered by US sanctions. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisbaatami doonaan Shirkadda leh diyaaraddii maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Beledweyne, isagoo ku eedeeyay inay sameysay mas’uuliyad darro, ayna qaadatay riski sida uu yiri. Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xalay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle uu ku wargeliyey Safarka labada Madaxweyne,balse ay jireen in qeyb kamid ah Garoonka Baladwyene ay biyo yaalleen. Waare ayaa sheegay in saaka 6-dii subaxnimo lala wadaagay in garoonka aan lagu degi karin, maadaama 600mitir oo dhulka diyaaradaha ku degaan uu biyo dhigay roobab xalay da’ay, isla markaana aysan diyaaradaha ku degi karin, gaar ahaan diyaaradaha nooca Focker 50 oo ah mida qaaday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha qaabilsan dhinaca Hawada,sida UN-Ka iyo AMISOM ay ku wargeliyeen in xilligaan aan Garoonka diyaarad ku degi karin,isla markaana uu hadalkaasi la wadaagay Xasan Sheekh Maxamuud laakin uu ugu jawaabay hadal aan wanaagsaneyn. “Go’aanka diyaaradaha dhulka duuliyaha ma lahan waxa is la keh hey’adaha u xil saaran oo ka warami karo shirkadaas leh diyaaradah waxay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada waqtigeeda kala xaali doonaan waana la xisaabtami doonaa”ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne. Waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegayay in Dowladda Federaalka u diiday wafdiga Madaxweyayaashii hore ee Soomaaliya iyo in Maamulka Hir-Shabeelle uu Garoonka Baladweyne u diieen inay diyaaradii sidey ka degaan Garoonka Baladweyne. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Shirkadda leh diyaaradii fulin weysay amarka ee qaaday wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee geysay Magaalada Baladweyne,isaga sheegay inay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland. Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Dowladdu ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe. Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gudbo in la dayactiro buundooyinka iyo meelaha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mashruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Guud ahaan Puntland: “Runtii maanta waxay noo tahay farxad inuu billaabanayo Mashruuca Wadada (Boosaaso-Garoowe) iyo (Garoowe-Laascaanood) oo aan rajeynayno intii ka googo’day wadada in lagu sameynayo dayactir mug-weyn oo aan rajeynayno in ay wadada sidii si ku dhow ay kusoo noqoto. Waa mashaariicda halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, kaabayaasha ugu muhiimsana ah” Ayuu yiri Madaxweyne Deni Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wadada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deegaanka Sin-ujiif. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay Mashruuca dayactirka wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
