-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay shalay oo Isniin ahayd Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa inta kulankooda ay ku guda-jireen kaga wadahadleen arrimo la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, bani’aadannimada iyo dhaqaalaha. Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himilada dadka, isagoo caddeeyay in ‘”kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Qaramada Midoobey ee danaha dadka Soomaaliyeed “. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Wadaadka xabsi guriga ku jira ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay kaga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo halka ay mareyso. Sheekh Xasan oo ah nin bareer hadla oo lagu yaqaan in uusan aragtidiisa la ganban ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah. Ugu horeyn wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in ay kala duwan yihiin ballan qaadyadii uu xilliga doorashada sameeyey iyo hab dhaqankiisa oo haatan u ek siyaasad aan dulqaad laheyn, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka jawaabay hadalkii dhowaan ka soo yeeray madaxweynihii dowladdii KMG ahyed ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaas oo u muuqday mid uu ku hurinayo colaad sokeeye oo mar labaad ka dhacda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/ccc.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Mudane Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Faransiiska ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron. Kulankan oo ahaa mid soo dhoweyn ah ayaa waxaa labada mas’uul ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo taageerada uu Faransiiska siiyo Soomaaliya. Emmanuel Macron ayaa xukuumadda Soomaaliya ku ku booriyey dadaallada ay waddo iyo horumarka kala duwan ee laga gaaray siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Ugu dambeyn Khayre ayaa uga mahadceliyey dowladda Faransiiska soo dhoweeynta ay u sameysay, wuxuuna dalkaasi uga qeyb galayaa shirka Nabadda Paris. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-12112019-we.mp3 View the full article
-
Boorama (Caasimada Online) ― Jabhada Xoreynta gobolada Awdal iyo Selel ee uu Hogaamiyo Suldaan Wabar ayaa markii u horeysay la hadashay warbaahinta, tan iyo intii ay Caasimada Online shaacisay dib u soo rogaal celintoodii. Jabhada ayaa fariimo u dirtay dadka ku dhaqan gobolka Awdal, iyagoona luuqad adag kula hadlay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Dib u rogaal celintooda ayey waxay Jabhadu ku sheegtay inaysan waxba iska badali dulmigii ay hore uga qeyliyeen ee u baxeen, isla markaana looga baxay balamihii hore loola galay. Jabhadan ayaa sidoo kale waxay sheegtay inaysan jirin Somaliland la wada leeyahay, balse ay tahay dowladd Sacad Muuse, oo duudsiisay waxyaabihii ay xaqa u lahaayeen shacabka Awdal. Waxayna Jabhadu shacabka reer Awdal ugu baaqday inay hubka qaataan oo kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xukuumada Biixi, iyagoona u digay Ajaaniib ay sheegen in ay ku sugan yihiin gudaha gobolka Awdal. Jabhada Wabar ayaa sidoo kale waxay Mas’uuliyiinta xukuumada Somaliland ugu hanjabtay inay deg deg uga baxaan gobolada Awdal iyo Selel, haddii kale ay arrintaasi kala kulmi doonaan cawaaqib xumo. Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay ka dilaacay Jabhado badan oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa u caqli celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xasan Daahir Aweys oo soo duubay muuqaal muddo nus saac ka badan soconaya ayaa ugu horeyn sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu u socdo qaab aan dadka munaasab u ahayn, isla markaana uu maskaxda kala socdo Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu sheegay in balanqaadkiisii iyo tasarufka Madaxweyne Farmaajo aysan is lahayn, sidoo kale maskaxdiisa iyo widciguna aysan is lahayn. Dhanka kale Xasan Daahir Aweys ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey in uusan isagu cadowga iyo **********ta ka saarin Muqdisho balse uu si fudud ku helay xilka uuna meel cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay. Wuxuu ku tilmaamay in uu yahay nin dadka ku daneysta, wuxuuna ugu baaqay in uu dadkiisa dhinac ka raaco. Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Daahir Aweys PUNTLAND POST The post Xasan Daahir Aweys oo u caqli celiyey Farmaajo iyo Sheekh Shariif appeared first on Puntland Post.
-
Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Faransiiska ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron. Kulankan ayaa labada mas’u waxa ay uga hadleen arrimo ay ka mid tahay xiriirka labada dowladood iyo taageerada uu Faransiiska siiyo Soomaaliya. Madaxweyne Macron ayaa dowladda federalka ku booriyey horumarka kala duwan ee ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xaan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey dowladda Faransiiska soo dhoweeynta ballaaran ee loo sameeyey, isagoona ku bogaadiyey, sida ay mar walbo u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Khayre ayaaa ka qeyb galaya shirka nabadda Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka. Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka taareeo dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, isagoona duqeymo ka dhan ah kooxdaasi ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Paris caasimada@live.com
-
The President of South-West State Abdiaziz Lafta-Garen, has presided over a meeting over the Security in Wajid, Bakool region. The meeting was attended by the leaders of the regional state, traditional elders and local officials who focused on the reopening of the main streets connecting towns in the region. Speaking to the crowd, President Lafta-Garen said his administration is taking the final steps to reopen the roads blockaded by al-Shabaab. He also urged the people of the region to work with the state and national forces, in the efforts to wipe out Al-Shabaab from the entire areas that remained under its control. President Abdiaziz Lafta Garen arrived in Wajid district on Monday, where he was warmly welcomed by the local residents and regional leaders. Scroll down for pictures: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Machadka Heritage ee ka faalooda arrimaha siyaasadda, Mudane Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horreyn agaasimaha ayaa ka digay sii socoshada xiisada u dhexeysa labada dhinac, wuxuuna sheegay in haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel halis ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan xiise u qabin dagaal siyaasadeed ee loo baahan yahay in laga shaqeeyo xasiloonida dalka, isagoona intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya saboolnimo aysan xamili karin dib u dhac kale. “Soomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaan.”ayuu yiri agaasomaha Cabdirashiid. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inuu noqdo Aabe muqaal u ah Qaran guuleystay, islamarkaana uu ka shaqeeyo horumarka iyo midnimada Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey Madaxweynaha inuu xoojiyo dadaalka Al-Shabaab, sidoo kalena uu la heshiiyo Somaliland, Puntland iyo Jubbaland. “Mudane Madaxweyne Farmaajo waajibaadkaada shaqo ma aha in aad cashar barto siyaasiyiin ee shaqadaadu waa inaad noqoto aabe muuqaal u ah qaran guuldareysatay, Waxaa lagaa rajeynayay in aad heshiis la gaarto Al Shabaab, Somaliland, Puntland, Jubaland, Siyaasiyiinta Muqdisho, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay nabad qiime kasta ha ku kacdee.” ayuu ku soo gabagabeeyey, Agaasimaha Machadka Heritage. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kacsan, islamarkaana dhaq dhaqaaq laga dareemayo Muqdisho, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Reports from the Lower Shabelle in southern Somalia indicate that Somali government forces are conducting operations in many parts of the region on Tuesday morning. The operation came after Al-Shabaab targeted AMISOM convoy with IED blast in Muuri area of Lower Shabelle region on Monday night, according to the residents The explosion has led to a direct confrontation between the AU troops and Al-Shabaab militants, though the casualties were not confirmed. Al-Shabaab, which claimed responsibility for the attack, said the bomb explosion damaged one of AMISOM’s armored vehicles. The situation is currently tense and military activities are being felt in some areas of Lower Shabelle in southwest Somalia. View the full article
-
Wafdi uu hogaamninayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman Ayaa Gaaray Magaalada Addis-ababa ee Dalka Ethopia. Guddoomiyaha Waxaana Garoonka Diyaaradaha Ku soo Dhaweeyey Guddomiyaha Baarlamnka Federalka Ethopia, Xildhibaanno, Iyo Mas’uuliyiin kale oo Ka socota dalkaasi Safarka Guddoomiye Mursal oo la tilmaamay in uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dale e Soomaaliya iyo Itoobiyaayaa ka Dambeeyay casuumaad uu ka helay dhiggisa dalka Ethopia, View the full article
-
Warbixin ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay laaluush ku bixisay in ka badan nus Milyan Dollar si ay u soo saarto murashaxiinta ay taageerto doorasho ka dhacday Koonfur Galbeed bishii December ee sanadkii hore. Qoraalka oo soo baxay todobaadkan waxaa lagu xusay in doorashada Koonfur Galabed ay saameeyeen qalalaaso iyo laaluush lagu iibsaday xildhibaannada, laguna bixiyey lacag u dhaxeysa $5000 iyo $8000. “Khubarada ayaa helay warbixinno badan oo muujinaya in 82 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur-galbeed loo duuliyay magaalada Muqdisho horraantii November 2018 si ay u helaan lacag horudhac ah oo ah qiyaastii $ 5,000 midkiiba, taas oo lagu beddelayo taageeradooda gaar ahaan musharraxiinta madaxweynaha, ”ayaa lagu sheegay warbixinta. Xildhibaannadan ayaa sidoo kale doorashada kadib la siiyey inta u dhaxeysa $2000 iyo $3000, doorashadan waxaa lagu doortay Cabdi Casis Lafta-gareen oo horay u ahaa xubin ka tirsan golaha wasiirrada Xasan Kheyre. Warbixinta khubarada waxaa lagu sheegay in arrintan laaluush bixinta ay qaabilsanaayeen 3 qof oo dowladda federaalka ah ay u xilsaartay arrinkan. Qoraalka waxaa lagu beeniyey warbxin ay Koonfur galbeed ka soo saartay qalalaasihii ka dhacay Koonfur Galbeed ee lagu sheegay in 4 qof dhinteen, warbixinta waxaa la xaqiijiyey in lagu dilay halkaas 15 qof. Dhinac kale, Puntland waxaa la sheegay in murashaxiinta ay bixiyeen laaluush lagu qadaray between $30,000 iyo $70,000, taas oo loo qeybiyey xildhibaannada Puntland intii ay doorashada Janaayo socotay. Wararkan la xiriira laaluushka ay Villa Somalia bixisay waxaa ay imaanayaan xilli ay Soomaaliya mar walbo malaayiin ka dalbato beesha caalamka, sheegtana abaar iyo macluul. OCHA ayaa December sanadkii hore ka digtay in ilaa 200,000 oo ruux ay qatar ugu jiraan macluul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Daahir Aweys oo maxbuus u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus oo aan loo meel dayin ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed horeyna ay iskala tirsanaayeen Maxaakiimtii islaamiga. Xasan Daahir Aweys ayaa Shiikh Shariif ku eedeeyey inuusan isaga cadowga iyo **********ta ka saarin dalka balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna mid cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay. Wuxuu ku eedeeyey inuu Shiikh Shariif yahay nin dadka ku daneysto markii dantiisa uu gaarana meel cidlaa uga tago. Xasan Daahir ayaa Shiikh Shariif ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo. ” Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Shiikh Shariif oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Shiikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo si toos ah muuqaal uga soo galay bartiisa Facebook. Xasan Daahir Aweys ayaa Shiikh Shariif ku eedeeyey inuusan ka cabsaneyn in dadka nacaan, wuxuuna sheegay inay jiraan dad badan oo Shiikh Shariif ku qatalan. Wuxuu ugu dambeyntii sheegay inuu Shiikh Shariif ka quustay markii uu codka siin waayey Xasan Shiikh Maxamuud waqtigii Doorashada. ” Markii ugu dambeysay Xasan Shiikh ayuu siin waayey 40 cod oo uu heystay xilligii doorashada, Howsha waxay aheyd qabiil, markii uu codka siin waayey ayaan ka quustay Shiikh Shariif” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Xasan Daahir Aweys Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa farageliyey xiisad salka ku heysay dilal la xariira aanooyin Qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Ku simaha guddoomiyaha gobolka, ahna guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la xaliyey xiisadii ka taagneyd Kaxda, kadib kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo fal ami darro ah ka geysata halkaasi. Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir inuu soo farageliyo xiisaddaasi, islamarkaana uu si deg deg ah ku xaliyo, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan xasilinta amniga. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xilkii laga qaaday taliyaha saldhigga Booliska degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana xog ay heshay Caasimadda Online ay sheegeysaa in sababta xilka looga qaaday ay tahay amni darada ka jirta Degmadaasi Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan. Taliyaha xilka laga qaaday ee Kaxda ayaa awood u yeelan waayey inuu xaliyo dhibaatada amni xumo ee ka taagan degmadiisa. Sida xogta ku helnay maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in taliye cusub loo magacaabo degmada, kaas oo la filayo inuu noqdo mid xal u keeni karo dhibaatada ka jirto halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalayaa shirka dadeynaha iyo horumarinta, waxaana soo qaban qaabisay QM. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula kulmay Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM oo gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha kasoo xarooda Al-Shabaab ayaa sheegay iney doonayaan yareenta qatarta Al-shabaab. “Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan ayuu yiri Madaxweynahu. “Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka ayuu yiri Madaxweynahu. Dhallinyaro badan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey isaga soo baxayey ururka Al-shabaab, waxaana ay kusoo biiriyeen dhanka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasi oo tilmaamay in markii hore la qalday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, kaasi oo ka dhacay gobolka Mudug. Maleeshiyaad ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen gaari dhuxul siday, kaasi oo marayey deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120-km u jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Hal qof oo ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa ayaa dhintay Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Dhagtuur, halkaasi oo lagu daweynayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari siday Dhuxul oo ay la socdeen dad rayid ah, xilli uu marayey deegaanka Dhagtuur ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay hal qof oo shacab ah, iyadoona uu sidoo kale ku dhaawacmay mid ka mid ah maleeshiyaadkii qaaday weerarkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa weerarkan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobolka Mudug ku soo laa laabta dilal salka ku haya Aanooyin Qabiil oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah oo ku wada sugan gobolkaasi. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - The British government has renewed its travel advisory against Somalia warning its citizens to leave the country for fear of terrorist attacks and kidnappings. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - The British government has renewed its travel advisory against Somalia warning its citizens to leave the country for fear of terrorist attacks and kidnappings. Source: Hiiraan Online
