Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xuseen Macalim Maxamuud lataliyihii hore amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa ka hadlay xaaladda Amniga ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Xuseen oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Canshuuraha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka laga dhex gali karo. La taliyihii amniga qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ku xoogeysteen Magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in qaab dowli ay dadka lacag uga qaadaan waa sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab dad waa dili jireen, weeraro waa geysan jireen, balse haatan waxay bilaabeen qaabkii dowladeynta oo oo ay gaarsiiyeen meel kasta oo dalka ka mid ah, labo arrimood ayay xoojiyeen oo dowladnimada aas aas u ah, sida canshuurta dowlada qaado oo kale, xukunka iyo cadaalada”ayuu yiri Xuseen Macalin. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay markaas si toos ah ugu imaanayaan ganacsatada halka markii hore uu sheegay inay taleefoon usoo diri jireen. “Qof socda ayaa u tagaya nin Ganacsade ah wuxuu leeyahay anigoo xubin Shabaab ah, lacag ayaa laga rabaa, halkii shalay taleefan la isku soo diri jiray, hada waxaa timid toos, waana joogista muuqata ee Al-Shabaab”ayuu yiri Xuseen Macalin. Sidoo kale lataliyihii amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay wax ka qabato habka cusub ay dadka lacagta uga qaadaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Addis Ababa)-Wararka ka imanaya Bariga Itoobiya ayaa sheegaya in dibadbaxayaal cadheysan halkaa ku gubeen Buug uu qoray Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Dadka isku soo baxay ayaa taageero u muujinaya ninka lagu magacaabo Jawar Mohamed oo madax u ah dhalinayarrada lagu magacaabo Qeerro ee rabashadaha dhiggaya. Hoggaamiyahan ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka kaxeysatay ciidammadii ilaalinayay gurigiisa, hase ahaatee waxaa arintaan beeniyay saraakiisha Ammaanka. Ra’iisaal Wasaare Abiy oo lagu ammaano isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana dhinaca kale waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi. Booliiska Itoobiya ayaa waxaa ay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay, balse hadalka ka soo yeedhay Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda. Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.” Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar. Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi. Buugga ayaa waxaa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda Ra’iisal wasaaraha iyo sidoo kale halka uu hiigsanayo in uu Itoobiya gaadgsiiyo. Source
  3. (SLT-Moscow)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika aya kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb gelaysa Shirkaas. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin,iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha wada shaqeynta labada dal xidhiidhka arrimaha dibadda Ganacsiga iyo kaalmooyinka arrimaha horumarinta. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalka Soomaaliya. Source
  4. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Turkiga uu u sheegay in uu joojiyay duulaanka uu ku qaaday waqooyiga Suuriya. Trump ayaa dhanka kale sheegay in Washington ay ka qaadeyso cunaqabateynta ay saartay Ankara oo lagaga Jawaabayay weerarka millatariga ee lagu qaaday maleeshiyada Kurdiyiinta. Cunaqabateynta waan qaadi doonaa ilaa ay dhacayaan waxyaabo aan anagu ku faraxsaneyn, ayuu yidhi Trump oo arbacada shalay ah warfidiyeenada kula hadlayay aqalka Cad. Bilowgii bishan ayaa Trump wuxuu ku soo rogay cashuur boqolkiiba 50 ah biraha iyo alaabaha kale ee Turkiga u iibgeeyo Mareykanka. Waxaa sidoo kale xayiraad dhaqaale la saaray saddex sarkaal oo ka tirsan xukuumadda Ankara oo ay ka mid yihiin wasiirrada difaaca iyo Tamarta. Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhaleeceyn kala kulmay go’aanka uu ciidankiisa kaga saaray waqooyiga Suuriya, taasi oo lagu tilmaamay khiyaano ka dhan ah maleeshiyada Kurdiyiinta. Sadex sanno muddo laga joogo ayaa kooxda Kurdida oo taageero ka helaya Millatariga Mareykanka ay dagaal culus kaga saareen magaalada Kobani iyo deegaano kale oo ku yaalla waqooyiga Suuriya. Source
  5. Shirkadda DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in bangiyada caalamku ay u diideen in ay lacago ka deynsato kadib markii uu saameeyay go’aankii dowladda Djibouti uga saartay dekedda Dooraaleh. Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Suldaan bin Axmed ayaa sheegay in murankii dhexmaray iyaga iyo dowladda Djibouti uu dhaawac u gaystay kalsoonida lagu qabo shirkadda iyo sidoo kale mashaariicda ay maal-geliso. Wuxuu sheegay in shirkadoodu aysan hadda heli Karin lacago ay ku maal-geliso mashaariicda ay ka waddo dalalka qaarkood kadib markii bangiyada caalamiga ah ay u diideen in ay lacago deyn ah siiyaan. Bangiyada ayaa walaac ka qaba sida loo dammaanad qaadayo in ay sii jiri karaan heshiisyada ay shirkaddu la gasho dowladaha si loo siiyo lacago ay ku maal-geliso mashaariicda. Dowladda Djibouti ayaa dalkeeda ka saartay shirkadda DP World oo lacago badan oo deyn ah ku maal-gelisay dekedda Dooraaleh taasi oo kalsooni-darro u keentay bangiyadii lacagaha deymin jiray shirkaddaasi. Go’aanka Djibouti ayaa ka dambeeyay muran soo kala dhexgalay iyaga iyo shirkadda oo gaaray heer maxkamadeed. PUNTLAND POST The post Shirkadda DP World oo sheegtay in aysan hayn lacago ay wax ku maal-geliso appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Suuriya)-Ciidamada Ruushka ee la geynayay xadka Suuriya iyo Turkiga ayaa billaabay iney goobihi loogu tala galay la geeyo ay u ruqaansadaan, tallaabbadaasi oo qayb ka ah qodobbada labada dhinac ay ku heshiiyeen si xooggagga kurdiyiinta halkaasi looga saaro. Guutooyin ka tirsan ciidammada Ruushka ayaa ka gudbaya wabiga Furaat iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kobceyn. Sida uu dhigayo heshiiska ay galeen Ruushka iyo Turkiga, ciidamada Ruushka iyo Suuriya ayaa xoogagga kurdiyiinta ka saaraya xadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan. Ciidamada Turkiga ayaa sii wada gacan ku haynta aagga ay qabsadeen muddadii uu socday dagaalka ay kula jiraan kurdiyiinta, Turkiga oo xoogaggaasi u arko iney yihiin argagixiso. Qorshaha Turkiga uu aaggaasi ka damacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah inuu “aag ammaan ah” ka abuuro xadka uu la wadaago Suuriya kaddibna uu dajiyo qoxooti ka badan Laba milyan oo Suuriya ka soo jeeda. Source
  7. Sochi (SMN) – Shirka Dhaqaalaha ee u dhaxeeya Ruushka iyo qaaradda Afrika ee ka socda magaaladda Sochi ayaa wuxuu maalintii labaad galay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo shalay si rasmi ah loo daahfuray. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Sharafeedka Afrika Abdulfataax Asiisi oo si wadajir ah u furay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa tilmaamay muhiimadda Shirkani u leeyahay dalalka Afrika iyaga oo xusay dhinacyada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, socdaalka iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. View the full article
  8. Dhuusamareeb (SMN) – Kulamo lagu taageerayo Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo ay magacowday dowladda federaalka ayaa lagu qabtay Dhuusamareeb. Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa ka qeybgalay munaasabadda, halkaas oo ay khudbado ka jeediyeen. Xubnaha ayaa kula dardaarmay guddiga in uu ka shaqeeyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay kuna dhisan cadaalad iyo horumar. Mudaneyaasha ayaa sidoo kale waxay uga mahadceliyeen dowladda dedaaladda ay ku bixineyso dhismaha Galmudug middeysan. Hoos ka daawo sawirada View the full article
  9. Kulbiyow (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubadda Hoose. Iska hor-imaadka oo ka dhacay tuulada Kulbiyow ayaa waxaa ka dhashay khasaaro labadda dhinac soo kala gaarey. Al-Shabaab oo guulo sheegatay ayaa tilmaamtay in ay duulaanka qaadey markii ay heshay xog ah in ciidanka Kenya dhibaato ka wadaan halkaas. Dhibaatadda oo ciidamadda Jubbaland ay qayb ka yihiin ayay xustay in ay kamid tahay dhac iyo handaad ay bulshadda u geysanayaan. Xaaladda degaanka ayaa haatan ah mid degan, waxaana la sheegayaa in aysan wali si rasmi ah u bilaaban dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dagaa.mp3 View the full article
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Sochi oo uu ka socdo shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika waxa uu kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iskaashiga dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi ee wakhtigan ka jira gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin appeared first on Puntland Post.
  11. Dhuusamareeb (SMN) – Muran siyaasadeed ayaa ka dhashay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee ay magacaabatay Ahlu Sunna. Hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa wuxuu qaadacay Guddiga, oo uu ku sifeeyay mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka. Magacaabida Ahlu Sunna ayaa timid iyadda oo xukuumadda federaalka ay magacowday Guddi ka shaqeynaya howlaga maamul dhisitaanka maamulkaas. Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa Shabelle u sheegay in talaabada Ahlu Sunna qayb ka tahay qaladaadka jira Galmudug. Carabey oo sii hadlaya ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in xalinta arrintaan loo wajaho qaabka uu qabo Dastuurka iyo habraaca xukuumada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Carabey.mp3 View the full article
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay. Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo xilsaaray ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug. Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin, isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto. Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb, waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay. Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha. Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xilligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogaan, kaasi oo ka dhashay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama dowladda ay gudi magacowday, halka madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir uu maalin ka hor uu ku dhawaaqay guddigga doorashada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-24102019.mp3 View the full article
  14. RIYADH (Reuters) - Saudi Arabia appointed a prince with diplomatic experience in Western capitals as foreign minister on Wednesday in a partial cabinet reshuffle as the kingdom tries to mend its international image and prepares to take over the Group of 20 presidency. Source: Hiiraan Online
  15. Protesters in eastern Ethiopia have burnt copies of a new book by prime minister and Nobel Peace Prize winner Abiy Ahmed in a show of solidarity with an opposition media activist. Source: Hiiraan Online
  16. Boosaaso (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa kormeeray degaano ka tirsan gobolka Barie e dowlad goboleedkaas. Mudaneyaasha ayaa degaanadda ay tageen waxaa ka jirta dhibaatooyin dhanka nolosha ah gaar ahaan caafimaad xumo iyo cuno yar. Dadka degaanka ayaa waydiistay Xildhibaanadda in ay lasoo gaaraan gurmad bini’aadamo oo degdeg ah maadaama ay dhibaato haysato. Sharcidejiyeyaasha ayaa tilmaamay in ay gudbin doonan dhibaatadan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni si uu wax uga qabto. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Baahi.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Axdiga Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Xiliyada Colaadaha ayay shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka dood geliyeen markii ay horgeysay Wasaaradda Waxbarashadda ee xumuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Fadhiga oo ahaa kulankii saddexaad ee Kalfadhiga 6aad ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan mudaneyaasha Aqalka Hoose. Xildhibaano fadhiga ka hadlay ayaa qeexay in Axdigan “uusan muhiim ahayn” maadaama “uu ka hor-imaanayo Diinta suuban ee Islaamka”. Sharcidejiyeyaal kale oo sheegay in tallooyinkii laga taagay Muqdisho aanan loo eegin waxay Diinta Islaamka ka qabto ayaa xusay in Axdiga uu u ogolaanayo dowladaha Masiixiga in ay Kaniisado ka furtaan dalka. Khal-khal amni ayay cod dheer ku xuseen in uu abuurayo “maadaama ay joogaan kooxaha argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish [ISIL]”. Mid kamid ah Xildhibaanadda kulanka ka hadlay ayaa daboolka ka qaadey mid kamid ah tafaasiisha halista ah ee Axdiga ku jira. “Axdiga wuxuu dhigayaa in Kaniisadaha dalka ku yaala in loo ilaaliyo sida Masaajida, marka sidee laysku waafujinayaa Diinta Islaamka oo Dastuurkeena uu sheegayo in ay tahay mida kale ee la ogol yahay”. Dastuurka qabyadda ah ee federaalka qodobadkiisa labaad farqadihiisa koowaad, labaad iyo saddexaad ayaa xeerinaya arrimahan. – Diinta Islaamka waa Diinta Dalka – Diin aan ahayn Diinta Islaamka laguma faafin karo dalka – Lama soo saari karo shuruuc ka hor imaaneysa shureecada Islaamka. “Xiligan la joogo dhibaatada furan oo feker Diini ah, hadii aan xeerkan ogolaano, oo la guda galo Kaniisada dhisitaankeena, waxaan is-leeyahay buuq fara badan ayaa nagu furmaya,” ayuu yiri mudane kale oo hadlay. Xubno kale oo qaba aragti midaan ka duwan ayaa ka hadlay fadhiga, kuwaas oo taageeray sharcigan, iyaga oo cod dheer ku dalbaday in la dedejiyo meelmarinta sharciga oo akhrinta saddexaad la marsiiyey. “Sharcigan waxaan u arkaa mid wanaagsan oo waxtar leh. Meelaha laga dhaliilayo ee xagga Diinta. Dalkan sanado badan ayuu gumeysi soo haystay oo Kaniisado ka dhisnaayen,wax naga halaabay ma aanan arkin,” ayuu ku doodey. Soomaaliya oo ah dal dhaca Geeska qaaradda Afrika isla markaana leh xeebta ugu dheer mandiqada derisna la ah dalal Masiixiyiin ah ayaa dadkiisa waxay boqolkiiba boqol yihiin dad Muslimiin oo Sunni. Isha: Garowe Online
  18. MOGADISHU, Oct. 23 (Xinhua) -- The UN migration agency has called for proper sanitation for 2.6 million Somalis who remain displaced within the country. Source: Hiiraan Online
  19. BISMARCK, N.D. — A Republican state senator from North Dakota said Wednesday he's sorry for posting a long-debunked photo that purports to show Minnesota Democratic U.S. Rep. Ilhan Omar holding a weapon at an al-Qaida training camp, but that he won't apologize to Omar. Source: Hiiraan Online
  20. Waa kuma Jawar Maxamed, ninka ay hadda kala boodeen Abiy Axmed Jawar Mohamed Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii. Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Waa kumaa Jawar? Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar. Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan. Jawar dugsigisa hoose wuxuu ku dhigtay dugsiga Katolika oo Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarana wuxuu ku bartay magaalada Adama isaga oo dugsiga sare ka baxay 2003. Intaa kadib wuxuu deeq waxbarasho uu ka helay jaamacadda United World College oo ku taalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey 2005. Wuxuu sida oo kale jaamacadda Standford ka bartay shaahaadada B.A wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009. Kaddibna jaamacadda Columbia ayuu shahaadada labaad ee mastarka uu ka qaatay isaga oo bartay cilmiga xuquuqda aadanaha wuxuuna ka qalin jabiyey 2013. 2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada. Kacdoonkii isbadel doonka Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya. Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo. Wuu beeniyay edyamhaasi. Jawar Siraaj Mohamed Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah. Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy. Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo. Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan. Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada. Qaran News
  21. The image shared by North Dakota state Sen. Oley Larsen (R) was actually shot in 1978, four years before Omar was born Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo maanta ka furantay Magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. The post Madaxweyne Farmaajo oo ka Qeyb galay Furitaanka shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika appeared first on Puntland Post.