Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,C//raxmaan Ducaale Beyle ayaa manta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasaaradda. Kulankaan oo Aah mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Maaliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasaaradda mudada bisha ah ee tagtay Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika,ayuu yiri Wasiirku. Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hanaanka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan laga leenahay sanada soo socota ee 2020. Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya dalka Deynta ugu badan uu ku leeyahay Mareykanka taas oo gaareysa 1 Bilyan oo Dollar,halka Rushka uu ku leeyahay 700 oo Milyan iyo Talyaaniga oo Soomaaliya ku leh 600 Milyan iyo dalal kale. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wadamada lacagta ku leh Soomaaliya ay la shireen ayna go”an kugaareen in Soomaaliya deynta laga cafiyo. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxwayne kuxigeenka Bangiga Aduunka ee Muqdisho yimid uu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota. Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Beyleayaa shaabka kula dardaarmayin la isqabsado gacmaha oo si wadajir ah loogu shaqeeyo dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qabtay Barnaamijkii la kulan Wasiirkaaga oo bil walbo uu bulshada ku siiyo faahfaahinta Maaliyadeed ee Dalka iyo waxa uu qabsoomay Wasaaradda Maaliyada Bishii lasoo Dhaafay. Wasiirka ayaa soo bandhigay natiijadii kasoo baxday shirarkii ay la yeesheen Madaxda Hey’adaha IMF, Word Bank iyo Banigiga Horumarinta Afrika. Sidoo Kale Wasiirka ayaa Bulshada la wadaagay Hiigsiga Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan deyn-cafinta asagoo sheegay in ay rajeynaayaan in sanadka 2020 ay ku guuleystaan cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya. Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacmaha isqabsadaan isla markaana ay si wada jir ah uga shaqeeyaan Hormarinta Dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Diyaarad ay saaraayeen Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo kusii jeedey Baledweyne ayaa maanta waxay Khatar u gashay iney meel cidla ah caga [...] Source
  4. Saaka waxaa Garoonka Diyaaradaha Smuqdisho lagu hor istaagay mar kale Madaxweynihii hore Sheikh Shariif oo uu marakan weheliyey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh xili ay u [...] Source
  5. Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay hoggaaminayaan la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa manta gaaray deegaanka Xeraale oo ka tirsan maamulka Galmudug. Wafdigaan oo ay ka mid ahaayeen xubnaha la socday Agaasimayaasha dib-u-heshiisiinta iyo federaaleynta, waxa ay Xeraale kula kulmay guddiga Farsamada dhammeystirka dadaallada dib-u-heshiinta Xeraale iyo Huurshe. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah golaha shacabka ayaa ka hadlay xayiraadii koobneyd ee maanta garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horreyn xildhibaan Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkaasi iyo in la hor istaago madaxda madasha xisbiyada Qaran oo jeedkoodu ahaa kaliya gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee fatahaadda webigu ay saameysay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso niyad xumada madaxda Villa Soomaaliya yo halka uu gaaray falfal-xumadoodu, sida uu hadalka u dhigay. Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in garoonka Aadan Cadde uu noqon karo mid la mid ah sbaarooyinkii dalka ka jiri jiray, taasina aan la aqabli karin, islamarkaana aysan jirin cid laga yeelayo wax aan wafaqsaneyn Dastuurtka iyo shuruucda u taalla dalka. Halkan hoose ka aqriso: Waa wax laga xumaado in hakad la geliyo socdaal ay saakay ku tagi lahaayeen madaxda madasha xisbiyada qaran magaalada BELEDWEYNE ayagoo ujeedkoodu ahaa gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee fatahaadda webigu ay saamaysay. Sabab gargaar loo wado Beledweyne isbaaro loogu dhigto ma jiri karto, laakin waxay muujinaysaa niyad xumada kooxda Villa Somalia iyo halka uu gaarey falfal-xumadoodu. Garoonka MUQDISHO ma noqon karo mid la mid ah isbaarooyinkii dalka ka jiri jirey, cid laga yeelayana ma jirto wax aan sharciga waafqsanayn, BELEDWEYNE waa tagis si kastoo turaanturooyin loogu horgudbo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Cabdi Bile ah oo marayey inta u dhexeysa deegaanada Dacdheer iyo Biyo Gaduud ee gobolkaasi. Gaariga gadoomay ayaa waxaa la socday ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Galmudug. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkaasi ku dhaawacmay illaa 9 askaro oo 3 ka mid ah ee aad u liitaan, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Cadaado. Shilalka gaari ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey deegaanada Galmudug, waxaana loo sababeeyaa burburka waddooyinka isku xira deegaanada maamulkaasi. View the full article
  8. Diyaaradii ay la socdeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo xildhibaannada labad aqal ee baarlamaanka oo ka tirsanaa madasha xisbiyada qaran iyo qaar kale aya Goordhaw ka degtay garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne. Wafdiga ayaa dhibaato kala kulmay degista diyaaradda kadib markii uu duuliyaha ku wargeliyey madaxda cilado uu sheegay iney ka hor istaagayaan degetaanka, taasi oo ay biyo diideen, keentana inuu markii dambe dejiyo diyaaradda. Mar sii horeysay wafdiga waxaa lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aden Cadde halkaas oo ay saacado ku xayirnaayeen, sababta ilaa hadda ma cadda. Madasha xisbiyada waxaa ay horay ugu qaadeen dadka ku dhibaateysan Baladweyn gargaar raashin iyo lacag ilaa $200,000 ah si wax looga qabto dhibaatada fatahaadda biyaha. Dhanka kale, waxaa baaqday wafdi halkaasi u socday uu horkacayey ra’isul wasaare Xasan Kheyre, lama oga sababta ay u baaqdeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Eray Bixin Saddexaad Oo Ku Lamaan Erayadda Tix iyo Tiraab Oo Iiga Dhex Muuqday Af-soomaaliga. – Hilba hilbaynta hadalka Somalidu hore waxay u qaybisay labadan qodob: Tix iyo Tiraab. Hase yeeshee anniga waxa ii muuqday in aanu intaa ku koobnayn oo ogaalkaygu i tusay in uu jiro qodob saddexaad oo aan u bixiyey Tilmaan. Haddaba, maxaan ku qeexayaa tilmaan : tilmaani waa af-garasho laysla yaqaan oo aad u adeegsato xubnaha jidhkaaga sida Gacmaha, indhaha, Sanka, indhaha, Afka, Suuniyaha, Foolka, Garbaha, Faraha gacmaha oo keli iyo wadarba leh, Baabacooyinka Gacmaha oo keli iyo wadarba leh, Lugaha, Jilbaha, Laabta IWM. Af-garshada Tilmaan waxa kale oo ay usii kala farcantay ama looga sii kala faa’iidaystay xubnihii jidhka baniaadanka si kala duwan, oo waxa la caalamiyeeyey ama laga dhigay far qoran oo ay isku af-gartaan dadka maqalka naafada ka ah iyo kuwa maqalka fayoobi. Dhaqdhaqaajinta faracyadda wajiga iyo gacanta. Guntii iyo gabogabadii, af-garshada Tilmaani waxay u gun balaadhan tahay sida lamaanaha kale Tix iyo Tiraab. Waxaan qabaa haddii loo hagar baxo sida lamaanaha kale oo la galiyo tacab iyo cilmi-baadhis in laga qori karo buuggaag fara badan. Soo bandhigista: 10.11.2019 Cabdirisaaq Cismaan Fadal Oslo, Norway. afadal@gmail.com Qaran News
  10. Diyaarado gargaar u sido dadka ay saameeyeen fatahaadda Webiga Shabelle ee magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa in ay ka ambabaxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa ku howlanaa muddooyinkan sidii gargaar dhameystiran loo gaarsiin lahaa Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Roobabka. Shalay ayay ahayd markii diyaarado sido gurmad isugu jiro daawooyin iyo raashin la gaarsiiyay dagmada Bardaale , sidoo kale Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa horay loo gaarsiiyey gargaar kala duwan oo ka yimid gudaha dalka iyo dibadda intaba. View the full article
  11. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle. Ujeedka hoggaanka madasha xisbiyada Qaran ee Beledweyne ayaa ah mid ay ugu kuur galayaan xaaladaha adag ee ka jirta magaladaasi iyo dhibaatooyinka ay sabababeen fatahaadaha ku dhuftay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulashada oo ay xog wareysan doonaan inta ay joogaan halkaasi. Dhowaan madasha xisbiyada Qaran oo guddoomiye u yahay Sheekh Shariif Axmed ayaa ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha 200,000 oo doller-ka Mareykanka ah. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-10112019-ww.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xayiraddii Maanta loogu geystay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif Garoomada Diyaaradaha Muqdisho iyo Beledweyne. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in muddo 30 Daqiiqo wafdigaas lagu xayiray Hawada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. ” Diyaaradii siday Madaxweyneyaasha ayaa hada ka degtay magaalada Beledweyne. Diyaarada ayaa loo diiday markii hore in ay ka degto airport ka. Mudo 30 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kadib ayaa hada loo fasaxay in ay degto” Ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay aheyd shirqool la doonayey in lagu dhibaateeyo madaxdii hore ee dalka soo martay sida uu hadalka u dhigay. ” Arintaa ayaa u eg sirqool la doonayay in lagu dhibaateeyo Madaxweyneyaashii hore oo safar gargaar bini adamnimo ah ugu socday magaalada Beledweyne oo bulshada ku dhaqan dhibaato ka soo gaartay fatahaadihii ka dhacay magaalada”. Hadalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanayo Xilli Maanta garoonka Muqdisho lagu xayiray wafdigaas iyadoo kadibna la sheegay in diyaaradda loo diiday inay kasoo dagto garoonka Beledweyne kadib markii laga dansaday raadeerkii hagi lahaa sida uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad. Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay in kooxda raadaarka ee hagta diyaaradaha ku wargeliyeen in diyaaradda soo degi karin, arrimo la xiriira roobab magaalada ka da’ay, isla markaana dib ugu celiyo diyaarada Muqdisho. Hase ahaatee Madaxdii hore ee dalka oo diyaaradda saarnaa ayaa diiday in diyaaradooda dib loogu celiyo Muqdisho, arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana markii diyaaradda dib u laabatay uu duuliyaha ku qasbanayaaday inuu hadana laabto oo uu ka dego garoonka Beledweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam iyo Nabadoono ayaa maanta waxay Booqdey Xarunta Madaxtooyada Puntland halkasoo ay ku balan sanaayeen ayna la kulmeen Madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni [...] Source
  15. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay halkaas ka dagtay diyaaraddii siday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed. Diyaaradda oo markii hore loo sheegay inaysan Beledweyne kasoo dagin karin lagana dansaday Raadeerkii hagi lahaa ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday inay ka dagto halkaas. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wafdigaas oo hadda gaaray Beledweyne, wada-hadal dheer kadib ayaa diyaaradda loo ogolaaday inay kasoo dagto garoonka diyaaradaha Beledweyne. Intii uu wada-hadalka socday ayaa la sheegay inay diyaaradda taagneyd hawada, lamana helin weli cidda fududeysay inay halkaas ka dagto. Safarka Beledweyne ee madaxweynaashii hore dalka usoo maray ayaa maanta la kulmay culeys badan oo uga imaaday dhanka Dowladda, iyadoo markii horana lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
  16. S/guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag S/Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in xilka qaadistii guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ay wax saameyn ah ku yeelatay ciidanka. “waxa weeyaan wararka la leeyahay Somaliland baa ciidamo ku noqonayaan iyo wax lamid ah midna ma ogin, ciidamadu waajibaadkoodi iyo shaqadoodii way haystaan, dhammaan waxay ku sugan yihiin fariisimahoodi awalna waa ku sugnaayeen haddana waa ku sugnaanayaan, hawlaha siyaaasadduna wax ciidanka u yaalla maaha” ayuu yiri Canshuur. Taliye Canshuur ayaa dhinaca kale Somaliland ugu baaqay in ay ciidankeeda kala baxdo degaanka Yubbe ee bariga magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo 11-kii Maarso ee sannadkan ay qabsadeen ciidamada Somaliland. “Somaliland waan ugu baaqnay waana u sheegnay, wixii halkaa dhibaato iyo khasaaro ka yimaada in ay iyagu qaadayaan,waxaana ku raja-weynahay si dhakhso ah in ay u qaataan malayshiyooyinkooda ay halkaa keensadeen” ayuu sii raaciyay Gen Cansuur isagoo ku hanjabay “haddii aysan qaadan waxa xigaya in tallaabo ciidan laga qaado oo laga fuliyo”. Gen Canshuur ayaa ku cel-celiyay in si dhakhso ah Somaliland tallaabo looga qaadi doono, haddii aysan la bixin ciidankooda haysta degaanka Yubbe ee gobolka Sanaag. Hoos ka daawo wareysiga PUNTLAND POST The post Gen Canshuur: Ciidanka wax saamayn ah kuma yeelan xilka qaadistii Dhoobo-daareed appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa si xoogan u cambaareeyey xayiradii maanta lagu sameeyey Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne. Caynte oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in xanibaadda madaxdii hore ay tahay daandaansi iyo bahdilaad, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay tallaadaban ay muujineyso kalsooni la’aanta xukuumadda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka inay ku tumanayaan Dastuuurka iyo shuruucda u taalla dalka. “Xannibaadda madaxdii hore waa daandaansi iyo bahdilaad, waxayna muujineysaa kalsooni la’aanta madaxda Nabad iyo Nolol, ku tumashada dastuurka iyo hurinta fitnada, Falcelinta ugu habboon waa in lala tiigsado garsoorka, si ilbaxnima lehna looga dhiidhiyo. Fitnada ay N&N ku baaqeyso waa laga yimid!” ayuu uri Wasiirkii Caynte. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo markii labaad xayiraad lagu sameeyey wafdi hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo markii dambe la fasaxay, waxaana u jeedadoodu ay tahay kaliya qiimeynta xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xoogan ka geystay wabiga Shabelle. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Inkastoo uu hakad galay Safar ay saaka ku Adi lahaayeen Baledweyne Madaxda Xisbiyada Mucaaradku hadana waxaa la qorsheynayaa iney gaaraan Baledweyne. Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh [...] Source
  19. Wadada laamaha ee isku xirta Bosaso iyo Garowe ayaa lagu wadaa in dhismeheedu uu bilowdo maanta oo Axada 19.11.2019, Waxaa sidaas Puntlandi.con wasaarada Gaadiidka Puntland. [...] Source
  20. As Nadia Mohamed doorknocked for her City Council campaign, the 23-year-old often fielded questions from St. Louis Park residents about her age. Just how young are you, they asked her, and what could such a fresh face possibly know about sidewalks? Source: Hiiraan Online
  21. Former Somali presidents Hassan Sheikh and Sheikh Sharif have left Mogadishu on Sunday for the flood-stricken Beledweyne, where thousands are in dire need of humanitarian aid. The plane carrying the leaders have been stopped at Mogadishu’s Aden Abdulle International airport after rains pounded Beledweyne airstrip early in the morning. The leaders along with lawmakers and other officials are set to deliver aid to the flood victims in the town who have been left homeless by the flash floods from the river. The UN humanitarian agency said on Wednesday heavy rains have affected 547,000 people in Somalia and displaced 370,000 people. In the town of Beledweyne, in central Somalia, a river overflowed and at least 10 people died when a boat capsized trying to rescue stranded residents, locals said. Schools have been forced to shut their doors due to flooding, while the rising waters also caused damage to buildings and widespread disruption. Education officials said students and teachers have been forced to flee to higher ground where aid agencies are providing life-saving assistance, including shelter, to a quarter of a million people. View the full article
  22. MOGADISHU (HOL) - Former Presidents Hassan Sheikh Mohamud and Sheikh Sharif Ahmed were held back from traveling to Beletweyne for a couple of hours in Mogadishu Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. A delegation led by Somalia’s Posta and Telecommunication Minister, Engineer, Abdi Ashur Hassan accompanied by the ambassadors of Turkey, Qatar and Djibouti arrived in flood-hit city Beledweyn on Saturday. The envoys assessed the damage caused by the heavy floods in a bid to aid the victims. Members of the national flood relief committee also arrived in Beledweyne today to coordinate local relief operations. Qatar’s Hassan Bin Hamza Hashem and his Turkish counterpart Mehmet Yilmaz held a meeting with leaders from Hirshabelle state officials led by a leader, Mohamed Abdi Ware. The envoys pledged to deliver additional humanitarian assistance from Bosaso port via road since the local airport was affected by the heavy downpour. More than 52,000 families displaced after River Shabelle busted its banks following torrential rains across the country. View the full article