-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
War Saxafadeed ka Soo Baxay Madaxtooyada Qasriga Madaxtooyada+Wuxu daaran yahay+Muqaal Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. Qaran News
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka. Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa looga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta. Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan. Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya weyneyso xilka Guddoomiyanimo. Soomaaliya ayaa horey u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD. Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilowday qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD. Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Sarkaal sare oo ka tirsan Kurdiyiinta dalka Suuriya ayaa sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan oo ay dib u qaadayaan. Arintan ayaa ka dambaysay heshiis dawlada dalka Maraykanku ay miiska soo saartay oo dalka Turkiguna uu ogolaaday kadib markii dagaalkii ka socday magaalooyinka Waqooyiga dalka Suuriya ay barakiciyeen dad tiro badan. Redur Khalil, oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Kurdish-ka ee Syrian Democratic Forces (SDF), ayaa sheegay in qorshahaasi lagaga daadguraynayo magaalada Ras al-Ain la qorsheeyey maanta oo Axad ah, waa hadii aan dib u dhac ku imanaye. Dagaalyahanada ugu badan ee ka kooban SDF ayaa ka yimid kooxda Kurdish ah ee (YPG) magacooda loo soo gaabiyo, taas oo dawlada Ankara ay u aqoonsan tahay koox Argagixiso oo gooni goosad doonaysa. Source
-
Wasiirka Maaliyadda XFS, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo ku simaha xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah shacabka labada wadan, kadib kulan ay yeesheen marka uu soo dhammaaday midka sanadlaha ee hay’adda Lacagta IMF. Labada Mas’uul ayaa cod dheer ku sheegay in marbnaba wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin qaxooti Soomaaliyeed ee Kenya kiiska Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in muhiim tahay in laga shaqeeyo xoojinta ganacsiga labada dal. Kenya oo ka mid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururo badan oo gargaar siiya Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dowladood, kaas oo uu uga sii kiiska Badda ee yaalla ICJ. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Waxaa ka mid aheyd taallooyinka laga taagey magaalada Muqdisho midda halgamaa Axmed Gurey AUN oo ciidamadiisu ay ku dhowaadeen xuduudda Itoobiya ay la leedahay dalka Suudaan asagoo ka duuley nawaaxiga gobolka Awdal. Taallo halgamaa marka goob la surayo waxaan aheyn jiilasha koraya In halagamayaashaas ay ku dayasho u noqdaan wax ka baxsan oo macno ah oo ku jira ma garan karo, haddii ay taas tahay Halgamaa Axmed Gurey wuxuu halgankiisu salka ku hayey In dhulka Itoobiya la yiraahdo laga xoreeyo xabashadii gaalada aheyd. Haddaba waxaa halgankaas iska dhaxley jiilal badan waxaa ugu danbeeyey ururka ONLF oo u halgameyey kaliya Gobonimo gaarsiinta gobol ay xabashidu Xoog ku heysato oo laga yaabo waagaas intiisa badan inuu xor ahaa. Madaxwyne Farmaajo oo maanta taalladii Axmed Gurey oo bir ka samaysan qarash badanna ku baxey samaynteeda noo surey KM4, sow ma ahan ninkii xukuumaddiisu ay ku tilmaantay ururkii Gobonimo u dirarka ahaa (ONLF) ee dhaxalkii Axmed Gurey sii waday inuu yahay argagixiso oo illaa hadda xukuumaddiisu ay u aqoonsan tahay? sow ma ahan kii u gacan geliyey dawladda Ethiopia mid ka mid ah halgamayaashii saraakiishii sare ee Ururkaas waa C/kariim Qalbi Dhagax ayadoo laga dhoofiyey isla magaalada Muqdisho oo taalada Axmed Gurey laga taagey. Haddii uu Axmed Gurey noolaan lahaa asagoo halgankiisa sidii u sii wada sow asagoo indhaha ka xiran, jeebeysan, jirdil loo geystay, dadka Soomaaliyeed ka daba-qayliyaan looma gacan galiyeen kuwii uu la dirirayey, maxey macno samaynaysaa taallo dhagax ka samaysan oo meel la suro haddii ficilkaadu uu beeninayo taala-suridaada? Itoobiyadii halgamayaashaas ay hortaagnaayeen maantay ayada ayaa ciidankeedii dawlad goboleedyada loo adeegsanayaa, magaalooyinka qaarkoodna ay dad ku laynayaan, qaarna ay sigeen sida Jubaland oo ciidamo kumaandoos calooshood u shaqaystayaal Itoobiyaan ah la doonayey in loo adeegsado In ay soo jeebeeyaan madaxwyne Axmed Madoobe sidii ay u soo jeebeeyeen Mukhtaar Roobow. Madaxweynuhu wuxuu jiilasha Soomaaliyeed u dhigey cashar cinwaankiisu yahay “halgamaa waa dhiibis, ururkiisuna waa argagixiso, haddii loo baahdana Taallo waa suris”, waxaan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu meel isku raaco, isma qabato halgamaa iyo halgankiisu waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal!! Haddii xaalku sidaas yahay taalooyinka xiga kuwaan hadda la taagay waa badda & Shidaalka Soomaaliya oo la xaraashay, madaxda dawladuna ay noo shidaan heesihii gobonimo doonka, xoogagga wadaniyiintuna ay sax weeye sax weeye sawaxan ah dhegaha nooga jabiyaan, qaaqlayaashiina ay dhalleeceeyaan ciddii arrimahaas ka hadasha! W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Cadaalada Somaliland, waxaanu tilmaamay in hadalkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ah oo aan haboonayn, waxaanu sheegay marar badan inay dhacday Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda inay hadalo gef ahi uu ka soo yeedhay, wax laga qabtayna aanay jirin. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal uu Xisbigoodu u gudbiyey Shir gudoonka Wakiilada, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlayay Wasiirka Cadaalada “Ciidamo inaga goostay halkii laga murugoon lahaa in wax yar oo fudud lagu tilmaamo oo la yidhaahdo waxay ahaayeen Ciidamo aynaan u baahnayn waa ayaan daro weyn, hore waxaynu u ogeyn wixii ku hadlaayey Taliyaha Ciidanka Qaranka, haddana Wasiirka Cadaalada wuxuu ku hadlaayey weynu arkaynay, talaabooyin laga qaadayna ma jiraan, cid wax ka qabatayna ma jirto, Madaxweyne ka damqaday ama raaligelina ka bixiyey ma jiro, markaas Wasiiradda iyo Masuuliyiinta xilalka umadda haya haddii ay khalad galaan, ama hadalo gef ahi ka soo yeedho waa in talaabo adag laga qaadaa, oo waajibkooda la mariyaa, balse raali ayaa lagala yahay qaabka ay u hadlayaan, haddii aan raali laga ahayna waa laga damqan lahaa waxay ku hadlayaan, oo Madaxweynuhu xilka ayuu ka qaadi lahaa, waxaana xaqiiqo ah in dadkii la rabay inay isku soo dhawaadaan, inay hadda sii kala durkayaan, oo la sii kala fogeynayo, oo la sii kala didinayo”. Mar uu ka hadlaayey qoraal ay Shir gudoonka Wakiilada ay Xisbi ahaan u gudbiyeen ayaa yidhi “Qoraal ayaanu u gudbinay Shir gudoonka, qoraalkaas oo aanu kaga hadlaayno xubnaha uu Madaxweynuhu magacaabay iyo qaabka aanu sharcigu raali uga ahayn, sababtoo ah Cabdirashiid Riyo –raac weynu ogeyn oo wuxuu ahaa XIsbiga Kulmiye oo olole ayuu u galay, waxaa kale oo aynu ognahay in Inantan uu ku soo daray Madaxweynuhu xubnahan uu magacaabay inay iyana Komishankii hore ka tirsanayd Komishankii horena waanu diidanayn, in la soo celiyo cid ka mid ahna waa sharci daro”. Dhanka kale Xisbiga UCID isna dhankiisa warqad qoraal ah ayuu u gudbiyey Sihr gudoonka Golaha Wakiilada, oo uu kaga cabanayo xubnaha uu Madaxweynuhu u gudbiyey Wakiilada. Source
-
Xubnaha guddiga farsamada ee maamulka u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Guddiga oo ka kooban oo 13 xubnood ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay halkaasi kulamo ka bilaabaan, kuwaas oo xal loogu raadinayo Galmudug oo mid ah. Dhowaan ayey aheyd markii guddigan ay magacowday wasaaradda arrimaha gudahan, waxaana ka horyimid Ahlu Sunna, inkastoo ay haatan socdaan wadahadalllo hoose. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020. Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta. Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka. View the full article
-
Senotor Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Puntland ku matala Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa ka horyimid go’aankii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ka furteen gudaha Puntland. Mashruuc ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurk dalka iyo dhammaan shuruucda u taalla dalka. Sidoo kale wuxuu xusay in Puntland aysan is hortaagin karin xubnaha ku matala Puntland, haddii ay xafiisyo ka furanayaan deegaan doorashooda. Senatorka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliy ay ku leeyihiin maamulkaasi. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ee degmadaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal foolka fool ah oo muddo socday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo dhex maray ciidanka Milatariga iyo raggi weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in dagaalyannadooda weerar dhowr jiho ah ay ka fulyeen degmada Awdheegle , islamarkanaa ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo saraakiisha dowladdu ay ka soo saareen dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay intanba. Xaaladd ayaa hadda degan, waxaana goobiihi lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatriga Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-20102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wafti baladhan oo ka socda midowga Yurub ayaa soo gaadhay shalay magaalada Hargeysa. Wafigan ka socda Midawga Yurub ayaa madaxweye Biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah Cabdirxmaan Maxamed Cadbilaahi (Cirro) iyo Eng.Faysal Cali Waraabe kala hadli doona maanta khilaafka soo kala dhex galay ee la xidhiidha xubnaha loo soo xulay guddida doorashooyinka ee cusub. Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa hakiyay labadii xubnood ee ay u gudbiyeen golaha wakiilada kadib markii ay cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo madaxweyne Biixi u gubyay golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah komishanka xilku ka dhamaanayo kuwaas oo ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi uu soo xulay . Midawga Yurub ayaa bishii todobaad ee sanadkan waxa uu isku soo jiiday xisbyada siyaasada Somaliland ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid kuwaas oo mudo dheer isku khilaafsanaa gudida doorashooyinka oo xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday, waxaana markaas la gaadhay heshiis shan qodob ah oo khilaafkaas lagu soo gunaanaday, waxaanay hada u muuqataa in mar labaad loo baahday in midawga Yurub uu isku soo jiido hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland. Source
-
Dib u dhigista kiiska Badda marka laga eego dhinacyo kala duwan; DFS waxaa ugu jira fursado ay ka faa’iideysan karto, oo guul u horseedi kara in Soomaaliya ay ka gaarto kiiskaas. Hadii aan soo koobo waxaa ugu muhiimsan. 1) in dowladda Federaalka ah ay siiso Saammi-qeybsiga beesha degta Wajeer iyo deegaanno ka tirsan Jubooyinka, Gedo, Shabeelaha hoose iyo Bakool, taas oo loo arko hadii Dowladda Federaalka ku guuleysato in ay noqon karto mid aan lagu gorgortamin baddeenna oo dhulka ku dhararsan ay degto beeshaas, waana mid ay ku baraarugsanyihiin madaxda ugu sarreyso Kenya, maankoodana ka guuxeyso in ay jab ku tahay haddey sidaas sameyso dowladda Soomaalia. 2) Ma jiraan gole wacyi-galin ah oo arrimahaan bulshada Somaliyeed kala hadla, waana arrin sameynteeda leh, suurta galna ka dhigi karta in dowladda Kenya ay marin-habaabiso bulshada Soomaaliyeed, waxaana muddooyinkii dambe soo batay Khubaro iyo aqoonyahanno Kenyaan ah oo wacyi-gelin Media-yaha u marinaayay Bulshadooda, kuna dhiirrigelinaayay in ay difaacdaan baddooda. 3) Kaalinta warbaahinta ee Difaaca Badda. Warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya waxay ku dhibban-yihiin in ay helaan khubaro cilmigan bartay oo aqoon durugsan u leh, si faah-faahsanna warbaahinta ula hadla, taasna waxey noqon kartaa fursad kale oo ay DFS ka sameyn karto halkaas si shacabka Soomaaliyeed loogu sheego in ay badda iyaga leeyihiin ayna tahay in ay difaacdaan. 4) Abaabulka Qareenadii ka soo qeyb-qaatay kiiskan, waa fursad dahabi ah oo mar kale ay Dowladu ku xoojin karto qareennadii difaacay Badda ee kiiska halkan soo gaarsiiyay , hadii ay dowladda isku keentana dad badan aaminsanyihiin in Soomaaliya guul gaari karto. 5) Kabaaraan dagidda in saameyn uusan ku yeelan Ololaha Doorashadda Somaliya, inkastoo maxkamadda ay go’aamisay in kiiskan la qaado June-2020, hadana waxaa la rumeysan yahay in waqtigaas ay tahay Xilliga ololaha, waa Fursad kale oo DFS ay ugu Faa’iideysan karto in ay sameyso qorshe cad oo suurta galinaya in saameyn iaku yeelan ololaha doorashada iyo kiiska Badda, waana arrinta dowladda Kenya ay u aragto in fursad dahabi ah ay u tahay, isla markaana suuratagalin karta in DFS ay ogolaato wada-hadal ku aadan kiiskaas. 6) Wadajirta DFS iyo Maamul Gobaleedyada, muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay DFS in beesha caalamka iyo kenyaba ay arkaan Soomaaliya oo wada socoto, hal mooqifna leh, waxaana lagu gaari karaa in dowladdu ay isku keento una muujiso xushmad iyo dulqaad maamul goboleedyada, ayadoo ka billaabeyso Jubbaland oo lagu xanto in ay Kenya garab siiso. 7) in ciidamada Kenya lagu badalo ciidamo Jabuutiyaan ah, waa mid isku soo jiidi karto dowladda Farmaajo iyo shacabkeeda, waxuuna noqon karaa go’aan ay si isku mid ah usoo dhoweeyaan ummadda Soomaaliyeed, Kenyana ku noqon karo caqabad kale oo rajo xumo u horseeda. W/Q:- Xasan Kaahiye
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in wasiirrada xukuumadda federaalka ah ay xafiisyo ka furtaan gudaha Puntland. Maamulka Puntland ayaa howsha ay wasiirrada wadaan ku tilmaantay sharci darro mar haddii aaney ku iman doorasho qof iyo cod ah. Arrintan Puntland waxaa iska diiday xildhibaanno federaalka ah uu ku jiro Senator Maxamuud Mashruuc ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka, isla markaana aan la is hor-taagin xuquuqda mataaladda ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland. Puntland’s move was rejected by lawmakers and senators from the upper house who says they do not agree with Puntland’s decision. the action ban by the Puntland state government is a violation of the Somali constitution and that differences opinion polls of 2020 cannot be used by Puntland as a barrier representation rights. Dhankiisa, Cabdiraxmaan Dhoore oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa isna sheegay in arrinka Puntland uu sharci darro yahay waxaa uuna ugu baaqay wasaaradda iney ka laabato go’aankeeda qaldan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo uu haatan ka dhexeeyo muran xoogan ayaa ku heshiiyey qodobo muhiim u ah labada shacab. Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani oo kulan ku yeeshay magaalada Washington ayaa isla gartay in muranka Badda uusan saameyn howlaha gargaarka iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal. Sidoo kale waxa ay ku ballameen labada wasiir in ay ka wada shaqeyn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado, si uusan markale u dhicin khilaaf diblumaasiyadeed. Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kadib shirka miiska wareegsan ee Bangiga Aduunka iyo Hay’adda IMF ayey wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya shaaciyeen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha. Tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda labada dal oo salka ku haya dhul Badeed dhan 150,000 oo KM ayaa waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac, kaas oo ka sii daray, markii ay dowladda Kenya qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya. Dacwadda Badda oo haatan ka furan ICJ ayaa dib loo dhageysan doonaa 8-12 June ee sanadka 2020-ka, iyadoo muddo laba jeer dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A Labour councillor from the London Borough of Tower Hamlets, Amina Ali, has been shortlisted as a candidate for the Poplar & Limehouse seat in the next general election. If, successfully adopted as a candidate for this safe Labour seat, Cllr. Amina Ali, would become the first member of parliament from a Somali background. Born and raised in the East End of London, Cllr. Amina Ali began her career in politics as a researcher for the late Labour MP, Tony Banks. As a graduate of the London Metropolitan University, Cllr. Amina Ali, has always remained active in the local community in Tower Hamlets. She has worked with the Somali community association, as well as, the local Law Centre. A single mother of two, Cllr. Amina Ali, combines her duties as a parent and as a two term local councillor. She serves in the Tower Hamlets Borough cabinet, currently over seeing Brexit preparations. A stronger supporter of Somaliland, Cllr. Amina Ali, played a key role in a symbolic vote taken by the borough council to recognize, her ancestral home, as a sovereign state. Follow the link to view a video on why Cllr. Amina Ali is running for the Poplar & Limehouse seat. https://www.youtube.com/watch?v=s-aBh2zOBjo&feature=youtu.be Supports can also contact her campaign at; Campaign@aminaali.com Qarannews Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah Senatorada Puntland ku matala Aqalka Sare ayaa ka horyimid go’aankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ee ay ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ka furteen Puntland. Senator Mashuruux ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurka,dalka, islamarkaana aan la hor istaagin xubnaha Puntland ugu jira dowladda dhexe ee Somalia. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya. Ugu dambeyn Senator-ku waxa uu carabka ku dhuftay inuu soo soo dhaweynayo fikradda ah in deegaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka ay sameystaan xiriir joogta ah. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo ay wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada Qorsheynta iyo shaqada Soomaaliya ay ka furteen maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Midowgii Soofiyeeti oo hoggaaminayey xoogaggii Waarsow ee siyaasaddii garabka bidix caalamkana u ahaa miisaan siyaasadda lagu cabbiro, marka la barbardhigayo quwaddii NATO ee iyana hoggaamineysey siyaasaddii garabka midig, ayaa mar qura shafka dhulka dhigay, waxaana fatahay god weyn oo in muddo ahba lagu qodayey irbad ili maqabatay ah. Webigaan karkaarka jebyey marka laga yimaado, burburka siyaasadeed ee uu sababay waxaa uu horseed u noqday in hal qolo aduunka ku amar ku taagaleyso, waana midda sababtay in guri kasta oo dunida ka mid ah dab ka holco, Soomaaliyana ay safka hore kaga jirto dalalka ka soo kaban la’. Eedda burburkaan siyaasadeed waxaa ku calaamadsan kuna taariikhoobay sunuud raqiis ahna ku iibsaday, Madaxweyne Mikhail Prokhorov Gorbachev. Waxaa kala tegay oo midba meesha uu doono u dhaqaaqay dadyow awalba cuqdi iyo ciriiri taariikh dheer leh kuwada joogay. Quwaddii Ruushku waa ciirtay. Waxaa hantidii dalka boobay rag Maafiyo ah oo aan waxba u meel dayeyn. Waxaa beddelay Mikhail Prokhorov Gorbachev, Boris Yeltsin oo aan kala garaneyn gabal dhacay iyo waa baryey. Dal weynahaan burburay, waxaa hal mar dhexdooda ka soo baxay nin dhalinyaro ah, sanado badan la tababarayey, afaf badan ku hadla, si fiicanna u fahamsan qolo welibaa farta ay qorto.Waa Vladimir Putin’e, wuxuuna isu soocay iskuna dubariday dad xul ah, khubaro ah, kaddibna isu keenay dal weynihii Rushka, intii sifo sharci ah kuwada joogi kartay. Wuxuu horseed ka noqday rab caleen lehna isugu keenay Ruushka maanta oo dhaqaale iyo farsamada casriga ahba hodanka ka ah. Soomaaliya weli nasiib uma yeelan horseed lagu hirto, waxaana isu baddelaya siyaasiyiin Good iyo Abees ka daran, waxayna u badan yihiin dhal shaydaan oo xumaani buuxisay, gumaystena dhalay meeshana dhigtay. Burburka Soomaaliya kala qoqobay, ayaa qola weliba nasiibkeeda horjoogtaa. Si guud marka loo eego, waxaa dalka Soomaaliya dul joogta daruurta ayaan darrada, waxaana isla dayeysan dadweynaha oo caalwaa ah iyo siyaasiga aan caqligiisa kaashan oo ku shaqeeynaya waxaa cadowga dadka Soomaaliyeed u yeeriyaan. Maamulka Puntland oo qayb ka ah Dawlad-Goboleedyada Fedaraalka Soomaaliya, ayaad mararka qaarkood la yaabaysaa sida wax u socdaan, waxaadna ku fakaraysaa, xaggee ka curyaansan tahay ?. Maxayse saanta u dhaqaajin la’dahay 21 sano ka dib? Ma hoggaankaa? Mise waa dadka?yaab!. Sagaal (9) bilood iyo Lix (6) cisho ayaa laga joogaa kolkii xilka Madaxtinimada Puntland uu la wareegay Mudane Saciid Cabdullaahi Deni. Marka si qota dheer looga hadlayo siyaasadda imaatinkiisu waxay ahayd: “muruqa laba suulle ninba si ku ah”. Hase ahaatee, in badan oo aan horay raali uga ahayn imaatinkiisa, ayaa hadda maqsuud ka noqotay siyaasadda deggan ee uu la yimid. Inskatoo aan la saadaalin karin siyaasiga Soomaaliga ah ee casrigan jooga, hadda Madaxweyne Deni waqtigii koobnaa ee uu joogay, waxa uu keenay siyaasad dabacsan oo furfuran iyo waxqabad keenay inta wax garanaysaa ay u riyaaqdo, waxaana muuqda saanqaad wanaagsan sida hadda wax ku socdaan, inkastoo ay jiraan jilaafooyin siyaasadeed oo aan macna sidaas u sii ridan lahayn, badankoodna hunguri doon salka ku hayaan. Maxaa qabsoomay? Maxaase qabyo ah? Khudbaddiisii Caleemasaarka ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay inuu dib-u-habayn iyo dib-u-dhis ku samayn doono ciidamada Puntland, waxaana hadda soo baxay racii ugu horreeyey ciidamada oo mid walba oo ka mid ah qoorta uu suran yahay Kaarkiisa Aqoonsiga, waana howl galeen sida uu ii sheegay sarkaal sare oo ka tirsan guddigii loo xilsaaray dib-u-dhiska ciidanka. Waxaa kale oo uu intaas ii raaciyey, in Saddex (3) xero oo ciidan hadda dib-u-dhisku ka socdo. Garsoorka Dib-u-dhiska Garsoorka ayaa ka socda magaalada Gaalkacayo, waxana shaqadii laga fariisiyey inta badan shaqaalihii hore ee Garsoorka Gobolka Mudug, waxaana hadda socota shaqo-qoris, ayadoo lagu saleynayo laguna xulayo qof kasta aqoontiisa iyo khibradda uu u leeyahay dhinaca garsoorka. Sidoo kale, waxaa la ii sheegay in Gobollada Puntland oo dhan dib-u-habayn dhinaca Garsoorka ah laga samayn doono. Waxaa is-bar-bar socondoona dhismaha Ciidanka iyo kala hufka Garsoorka, maadaama aysan kala maarmin. Diyaaradda Ethiopian Airline Muddada gaaban ee ay jirtay Xukuumadda Madaxwene Deni, waxaa si wanaagsan loogu diirsaday diyaaradda Ethiopian Airline oo hadda muddo 3 bilood ah isaga gooshaysa Puntland iyo caalamka intiisa kale. Tani waxay sahashay, dad badan oo muddo dalka ka maqnaa inay dib ugu soo laabtaan, waxayna keentay koboc dhaqaale, doorkii iyo adeeggii Wasaaradda Duulista Hawaduna kor ayuu kacay. Qabashadii Shirkii Maalgashiga ee Puntland Waxaa magaalada xarunta ah ee Garoowe lagu qabtay shir aad u ballaaran soona jiitay indhaha caalamka. Wuxuu ahaa shirkii abid ugu weynaa ee Maalgashi oo Soomaaliya lagu qabto tan iyo intii ay bur burtay dawladdii Milatariga ahayd ee keiligi-taliska ahayd. Waxaa hadda gobollada Puntland ku sugan ilaa 2 shirkadood oo ka jawaabaya dalabkii Maalgashiga, kuwaasoo dhowaan howl geli doona. Wasaaradda Maaliyadda Markii la soo dhisay xukuumada Madaxweyne Deni, waxaa aad looga qawaday Golaha Wasiiradda qaarkood. Waxaa dad badan aaminsanaayeen in inta badan, Wasiiradu ka tabar yar yihiin Wasaaradaha loo magacaabay; waxaana Wasaaradaha aad looga iimaan darrooday ka mid ahayd Wasaaradda Maaliyadda. Sida uu ii sheegay khabiir xagga xisaabaadka iyo dhaqaalaha, lana shaqeeya Wasaaradda Maaliyada Puntland, wasaaradda ayaa hadda hormood u ah Wasaaradaha kale, marka la eego habka shaqo ee ay la timid,waxaana arintaan sababay ayuu yiri in Wasaaraddu shaqaalaysay koox khibrad sare u leh xagga Maamulka, Maaraynta xisaabaabka iyo miisaaniyadda; waxaana si lama filaan ah u kordhay dhaqaalaha soo gala Wasaaradda Maaliyadda. Su’aashu waxa weeye shaqadan wanaagasan wasaaraddu ma sii wadi doontaa? Mise…? Waxaa dad badani qirayaan, in xilligan hadda aynu joogno, Wasaaradda Maaliyaddu tahay midda loogu ammaan badan yahay hogaankana u haysa wasaaradaha kale. Qunsuliyadda Dalka India Muddo kooban ka dib, markii la doortay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa soo gaaray Puntland xarunta Garoowe, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka India, waxaana safiirka iyo maamulka Puntland isku afgarteen in Qunsuliyad laga furo magaalada Garoowe. Waxaa tani fududaysay safaradii ganacsatada iyo dadwenahii caafimaadka ugu dhoofi jirey India iyo dalalka bariga fog iyo weliba ardaydii jaamacadaha u aadi jirtey, waxana laga nastay fiisayaashii loo raadsan jiray dalalka Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo meelo kale. Safarkii Imaaraadka Carabta Bishii la soo dhaafay ayey ahayd kolkii Madaxweyne Deni safar shaqo ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Markii uu soo laabtayna, Madaxweyne Deni wuxuu sheegay inay Imaaraadka iskusoo afgarteen kuna soo heshiiyeen mashaariic laga fulin doono magaalada Boosaaso, sida: Korontada biiyaha laga dhalinayo, Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo la fidin doono, ayna la wareegi doonto shirkad maamusha; iyo weliba, in dhowaan la bilaabi doono dhismaha iyo fidinta dekadda Magaalada Boosaaso. Waxaase weli dadweynuhu saluugsan yahay shirkadda DPW oo muddo 3 sano ah Dekedda Boosaaso gacanta ku haysay, wax tillaabo dhisme ahna aan weli qaadin. Gidaarkii Jubbaland oo la jebiyey Dawladda Puntland ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Deni, ayaa burburisey gidaarkii siyaasadeed oo loogu tala galay in lagu curyaamiyo, laguna burburiyo maamulka Jubbaland. Waxaa maamulka Puntland horseed ka noqday Caleemsaarkii Madaxweyne Ahmed Mohamed Islam – Axmed Madoobe- oo go’doon siyadeed ay gelisay Dawladda Federaalku. Marka arrimahan oo dhan la isku soo wada xooriyo, ayaa waxaa muuqata yididiilo wanaagsan oo dhanka horumarka horay loogu qaaday. Waxaase jira, kooxo abaabullan oo dhagar-qabeyaal ah, xoogaa dhaqaale ahna lagu shubtay, looguna talogalay inay khal-khal siyaasadeed iyo degganaansho la’aan ka abuuraan gudaha Puntland. Waxaa iyana xusid mudan, haddii aad weydiiso kooxahan sababta dhabta ah ee maamulka cusub ee socod baradka ah ay u diidan yihiin, waxaa ay ka hadlayaan oo qur ah waa dhaqaale iyo wax la cuno, mana arkaysid cid ayaga ka mid ah oo ka hadlaysa fikir siyaasadeed oo dan u ah shacabka Puntland iyo mucaarad wax-dhisid ku salaysan. Waa xilkasnimo la’aan, in kooxahaan qaylo dhaaminayaa hankooddii iyo jiritaankoodii ay ka hor mariyeen hunguri iyo hanti raadin, iyo inay ilaawaan dantii guud. Waxaa mudan in si mugweyn loo fakaro oo aynu tiigsano sidii loo gaari lahaa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo barwaaqo ah. “WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HARO”. La soco qayta 5aad maxaa qabyo ah? Abdirazak Yassin – Caanogeel PUNTLAND POST The post Xilkasnimo la’aantaada: Han dhintay iyo hurguri (Q4) appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka waxbarashada Somaliland Cismaan Jaamac Aadan oo la hadlayay arday ka qalinjebinaysay Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in caddaaladda dalku aad iyo aad u liidato waxaanu ardayda sharciga baratay ku boorriyay in isbedel ka keenaan nidaamka caddaaladda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Popular Contributors
