-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyay hadal caro badan dhaliyay oo dhawaan ka soo yeeray, kaas oo ahaa in qof naafo ah aan looga baahneyn in uu qorto ama ka sii mid ahaado ciidanka Asluubta. Taliye Mahad ayaa sheegay in hadalkaas oo buun buuniyay si ka duwan sidii uu ula jeeday, isagoo tilmaamay in ay u yimaadeen dad naafo oo doonayay in ay qortaan ciidanka Asluubta, balse uu ku war galiyay in aysan qora karin ciidanka. Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin qof ku naafoobay iyaga oo ka tirsan ciidanka Asluubta oo uu shaqada ka eryay, isla markaana dadkii naafada ahaa ee u yimid uu u sheegay in ay shaqo u raadsadaan hey’adaha kale ee dowladda, maadaama sida uu sheegay igaya ay ka helayaan shaqooyin ay ka bixi karaan. Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka buun buuninaya hadalkiisii uu u aqoonsanayo nabadiid iyo dad been sheeg ah oo sida uu sheegay horay u jiri jiray, hadalna sida loo dhigay uusan u dhihin. Dood weyn iyo cambaareyn ayaa ka dhalatay hadal uu taliya ciidanka Asluubta Soomaliyed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ku yirin “Loogama baahna ciidanka Asluubta ee aan hoggaamiyo qof naafo ah, lug ha la’aato, gacan ha la’aato, il ha la’aato ama xubin kale ha la’aatee”. Ururrada u dooda xuquuqda dadka naafada ah, siyaasiyiin iyo bulsho kale ayaa aad u cambaareeyey hadalka ka soo yeeray taliyaha ciidanka Asluubta. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa dadkii ka fal celiyay hadalka taliyahaan ayaa yiri, “Hadii dowladdu ay hadda ka hor wasiirkii waxbarashada xilkii ugu qaaday Jaamacadaha dalka ayuu wax ka sheegay hada waxaan ka sugeynaa in taliyahaan u gafay dadka naafadaa ee qarankooda u naafoobay ay xilka ka qaado”. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/14f2795a-f1e8-427e-929c-2de6cc6d5cbb_48k.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has landed in the Kenyan capital, Nairobi on Monday, to attend the 25th anniversary of the International Conference on Population and Development (ICPD). President Farmajo and his delegation received a warm welcomed on arrival at JKIA and is expected to present the country’s progress on the empowerment of girls and women. ICPD will deliberate on reproductive health and human rights among other issues. The forum will also seek actionable commitments to address gender-based violence and harmful practices such as Female Genital Mutilation (FGM). This year marks the 25th anniversary of the groundbreaking for the International Conference on Population and Development, which took place in Cairo in 1994. During the conference, leaders articulated a bold vision regarding the relationships between population, development and individual well-being. Its program of action, adopted by 179 governments, recognized that reproductive health, as well as women’s empowerment and gender equality, are the pathway to sustainable development. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galabta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heystay xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo loo heysto dilal ay ka geysan jireen daafaha galbeed ee magaalada Muqdisho. Xubnaha la xukumay ayaa tiro ahaan gaaraya Afar ruux kuwaas oo lagu kala magacaabo 1-Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 2-Maxamed Cismaan Maxamed, 3-Ismaaciil Maxamed Xuseen iyo Saadaq Cabdi-Jabaar Cumar Xuseen. Ragaan ayaa lagu eedeeyay in ay dilal u geysteen dad iskugu jiray saraakiil ciidan askar iyo dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay dagmooyinka dhaca galbeedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Cali Maxamed Cali oo ka mid ah Abaayaasha dhalay mid ka mid ah dadkii la dilay ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan garaneyn sababta loo dilay wiilkiisii oo gacanta ku hayay nolosha isaga, xaasaskiisa iyo sagaal caruur ah oo uu dhalay, kaas oo ka mid ahaa dadka ay dileen xubnahaan. Xeer ilaa liyaha maxkmada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Korneyl Cabdullahi Buulla Kamey ayaa Maxkmaada ka dalbaday in ragaan ay yihiin dambilayaal galay danbiga lagu soo eedeeyay waxaana uu dalbaday in lagu xukumo dil toogasho ah. Guddoomiyaha Maxkmada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto xukunka ragaan dhageesiga dacwadana ay intaan ku egtahay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland ay kulamo aan loo kala kicin ku leeyihiin madaxtooyada maamulka Jubbaland ee magaaladaas. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdullahi Luga-dheere iyo guddoonada baarlamaanka maamulkaas ayaa xalay ilaa maanta kulamo aan loo kala kicin kuleh magaalada Kismaayo. Kulamadaan ayaa looga arinsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shuruud ay Beesha Caalamku hor dhigtay hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland. Kismaayo waxaa kale oo ku sugan xubno ka socday Beesha Caalaka, kuwaas oo gaaray maalmo ka hor, waxaana la sheegay in madaxda Jubbaland ay ku war galiyeen fariin guud oo ay uga sideen taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya, taasoo ah in marnaba aysan Beesha Caalamku aqbaleyn doorashadii 22-kii August ee sanadkan ka dhacday magaalada Kismaayo ee markii seddaxaad dib loogu doortay Madaxdeyne Axmed Madoobe. Madaxda sare ee Jubbaland sida madaxweynaha, ku xigeenadiisa, guddoonada baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulamo soo bilaawday galinkii dambe ee shalay uga arinsanaya waxii ay ka dhihi la haayeen jawaabta ay ka sugeyso Beesha Caalamka ee ah in aysan aqbal aheyn doorashadii dhacday sidaas darteedna ay ogolaadaan in la qabto doorasho kale. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo naga dalbaday in aanaa adeegsan magaciisa iyo codkiisa ayaa xaqiijiyay arintan waxa uuna sheegay in hoggaanka Jubbaland ay haatan ka baaraan degayaan wixii ay ka dhihi la haayeen jawaabta laga sugayo. Lama oga go’aanka ka soo bixi doona kulamada madaxda sare maamulka Jubbaland, sidoo kale Xildhibaanka noo waramay ee ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in uu saadaaliyo waxa ka soo bixi kara kulamada iyo waxa ilaa hadda la isla meel dhigay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo, wixii xilligaas ka dambeeyana waxaa marba marka ka dambeysa cadaadis iyo culeys siyaasadeed ay ku waja heysay maamulka Madaxweyne Madoobe iyo gobolada uu ka arrimiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (SMN) – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Ololahan ayaa si gaar ah wax loogu tarayaa haweenka iyo dhallaanka ay noloshooda saameynta xoogga leh ay ku yeesheen fatahaaduha, maadaama ay yihiin qeybta ugu ballaaran ee u baahan gurmadka waara. Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen. “Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay. Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.” Marwo Seynab Macallin oo bogaadisay isku xirnaanta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka ayaa tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan isku-xirka howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Maraykanka uu kaabaayo qorsheyaasha Qaran ee lagu samata-bixinayo dadkeenna dhibaataysan. Olalaha Marwada Koowaad oo ka bilowday Gobolka Columbus ayaa qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarsiiso Gobollada kale ee Dalka Maraykanka, oo ay ugu horreysiinayso magaalada Seattle Washington, si ay u dardar geliso dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska ururiyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si degdeg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu gaarey magaaladda Nairobi, caasimadda waddanka Kenya, halkaas oo si balaaran oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Nuur Diiriye Xers. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-11112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaalada siyaasadee ee xilligaan ka jirta dalka iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & jawaabtii dowladda. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab weyn ka qaadeen hadaladii asbuucyadii ugu dambeeyey kasoo baxayey Siyaasiyiinta Mucaaradka ah. “Waxaa ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee madaxda ka ah xisbiyada ee dalkaan soo hoggaamiyay waqtiyo kala duwan inay yareeyana xasaradaha dhibaatooyinka shacabka dhibsanaya oo u keeni kara niyad jab ay ka niyad jabaan dowladnimo soomaaliyeed, shacabka uma dulqaadan karo, mas’uuliyadda waa la wadaagaa, erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka siyaasiyiin saaxibo ah, walaalo ah oo aan looga baahneyn inay sidaas u dhaqmaan”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Cali Geedi ayaa sheegay in lawada ogyahay dhibaatada laga soo maray dhisitaanka Dowlad Soomaaliyeed kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu sheegay in Maanta ay kaliya tahay in la gargaaro dadka dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha wabiyada lana joojiyo hurinta colaadaha. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xurmeyso madaxdii hore ee dalka, isla markaana dhowrto mansabka ay leeyihiin. “Dowladda Soomaaliya ee hoggaanka Mas’uuliyiinta ah waxaa laga rabaa inay madaxdii ka horeeyay soo dhoweeyaan inay xurmeeyaan, inay mansabka ay leeyihiin ee qaranka shaarkiisa horay u soo howdeen inay ku dhowraan ayaa laga rabaa, maadaama aanay boqoortooyo ah oo berri xukunka ka degi karaan una baahan karaan in iyagana la xurmeeyo”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya inay yareeyaan xasaradaha iyo waxyaabaha ay Shacabka dhibsanayaan,isla markaana Shacabka u dul qaadan karin hadallada kazoo yeeraya Siyaasiyiinta iyo Madaxda Xisbiyada. Ugu Dambeyntii Cali Geedi ayaa ku baaqay in la wada sugo Xilliga doorashada isla markaasna cid kasta ay la timaado markaas waxa ay heyso. Halkaan hoose ka daawo hadalka Cali Geedi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – War murtiyeed kasoo baxay Isbaheysiga Beelaha Gobolka Bari ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey deegaanada Maamulka Puntland. War Murtiyeedka ayaa looga hadlay weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland iyo xil ka qaadistii la sheegay in lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo hadda isaga tagay Magaalada Garoowe. Maamulka Puntland ayuu ishabeysiga ku eedeeyey inuusan ku dhaqmin Dastuurka u yaalo maamulkaas taasina ay caqabad ku tahay horumarkii la filayey in la gaarsiiyo Dadka Puntland. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran Bismilaahi Raxmaani Raxiim Date11/11/2019 War-Murtiyeed ka soo baxay Isbahaysiga Beelaha gobolka Bari Xaaladda Maanta ay ku sugan tahay Puntland Maamulka Puntland oo 21-jirsaday waxaa u degsan dastuur iyo shuruuc haddii la xurmeeyo, si hufanna loogu dhaqmo waxaa hubaal ah in la mahdinayo, dalkanna la agarsiin karo horumar dhinac walba ah. Nasiib darro weli lama gaarin himiladii ay reer Puntland ku taamayeen, maxaa yeelay xukuumadihii isaga dambeeyey hogaanka dalka ayaa ku guul darreystay inay hirgeliyaan aaladda dhabta ah ee bulsho horumar lagu gaarsiin karo, taasoo ah hannaanka axsaabta badan iyo tartanka furan ee siyaasadeed oo ku saleysan hal qof iyo hal cod, Xukuumadihii isaga dambeeyey Puntland halkii laga rabey inay xilkooda u gutaan si dastuurka iyo sharciga waafaqsan, waxay dhaqan ka dhigteen in ay dadka u garba duubaan in lagu negaado nidaam beeleedka lagu fashilmay, lagana dhaxlay eexda, musuqmaasuqa, caddaallad darrada, sed-bursiga iyo boobka hantida ummadda Puntland. Sidoo kale waxay adeegsanayaan xeelad, caburrin, cadaadis iyo xukun maroorsi. Ku dhaqan la’aanta dastuurka wuxuu dheliyey in koox gaar ahi ay awooda dowladnimo u adeegsato si gaar ah, waana arrinta keentay in dadweynaha ay dareemaan shaki, tuhun iyo kalsooni darro laga qabo hannaanka maamulka Puntland. Sidoo kale nidaamkaasi wuxuu dhaawacay is aaminaadii, isbahaysigii iyo is walalaysigii ay dadweynaha reer Puntland ku soo caano maaleen, caqabado bandanna kaga soo gudbeen. Isbahaysiga beelaha gobolka bari markii uu si dhab ah u qiimeeyey duruufahan ka jira Puntland waxay arkeen in ay xaaladeedu aad u culus tahay oo haddii ay waayo hore ka duwaneyd qeybaha kale ee Soomaaliya manta waxay ku sugan tahay xaalad iyo marxalad aad u fool xun, taariikhda soomaaliyanna meel xun ka geli doonta, haddaan la helin ehel ka samata bixiya. Waana arrinta keentay in la yagleelo Isbahaysiga Beelaha gobolka Bari iyagoo u arka in go’aankaasi uu yahay gudasho mas’uuliyad taariikhi ah iyo waajib wadaninimo. Yoolka Isbahaysiga beelaha gobolka Bari waa gaaris bulsho mideysan oo caddaallad, sinaan iyo horumar harsanaysa, waxaynna ku miditayaan asteenta nidaam dowladeed oo bedela xaqiiqada hadda ka jirta Puntland, taasoo ah dal hodon ah oo dadkiisu yahay sabool. Weerarkii iyo Xil ka qaadistii caddallad darrada aheyd ee guddoomyaha Baarlamaanka Puntland Waxaan cambaareynaynaa, kanna xunahay haddaanu nahay isbahaysiga beelaha gobolka Bari falkii foosha xumaa ee lagu weeraray hoolka baarlamaanka Puntland iyo xil ka qaadistii sharci darrada aheyd ee lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo dared) iyadoo si ula kac ah loo baalmaray dastuurkii dalka u degsanaa iyo xeer hoosaadkii baarlamaanka Puntland. Horaa waxaa loo yiri “Ninna caadadii ma daayo, bahalna ceyriin ma daayo’ xikmadaas oo loola jeedo in xildhibaanadii baarlamaanka Puntland oo horay xoogaa lacag ah ku ansixiyey iyagoon arag heshiiskii dhexmaray shirkadda DP-WORLD oo ka diiwaan gashan imaraadka carabta iyo dowladda Puntland, shirkadaas oo lagula heshiiyey in lagu wareejiyey dekadda Bosaaso. La yaab malaha in isla xildhibaanadii oo lacag la siiyey in ay si sharci darro ah xilka uga qaadaan Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland, tallabadaas oo dhaawac weyn iyo qalqal u geysatay xasiloonindii iyo amnigii guud ee deeganada Puntland. Sidoo kale dhacdadaasi waxay dhaawac u geysatay midnimadii iyo wadajirkii beelihii isu bahaystay dhismaha maamul goboleedka Puntland. Haddaba, isbahaysiga beelaha gobolka bari wuxuu ku baaqayaa in dhamaan dadka waxgaradka, aqoonyahanka,cullimaa’udiinka, haweenka iyo dhalinyarada reer Puntland isugu yimaadaan shirar guud oo lagu samata bixinayo laguna badbaadinayo Puntland. Wabilaahi towfiiq Waxaa soo diyaariyey guddiga qoraalka ee Isbahaysiga beelaha gobolka Bari Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Kaxda. Xog ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa in sababta xilka looga qaaday Taliyaha ay tahay arrimo amni darada ah ee ka taagan Degmada Kaxda. Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan. Taliyaha xilka laga qaaday ee Kaxda ayaa awood u yeelan waayey inuu xaliyo dhibaatada amni xumo ee ka taagan degmadiisa. Sida xogta ku helnay maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in taliye cusub loo magacaabo Degmada kaasoo la filayo inuu noqdo mid xal u keeni karo dhibaatada amni ee ka jirto halkaas. Seddex Maalin ka hor ayey aheyd markii degmada Kaxda lagu dilay ilaa 4 qof halka Shan kalana lagu dhaawacay kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dadkaas ku sugnaayeen. Arrintaan ayaa loo aaneynaa inay la xiriirto aano qabiil ,iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay degmada Kaxda ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed, waxaana la sheegay in beelaha ay kala wataan laba ciidan oo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta la sheegayaa inuu magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ugu ambabaxay ka qeybgalka shir ujeedadiisu tahay in 2030-ka meel fiican laga gaaro qorshaha caafimaadka galmada iyo xadididda taranka. Mas’uuliyiinta shirkan ka qeybgalaya ayaa lagu wadaa iney balanqaad ka sameeyaan arrimihii lagu heshiisyey shirkii dadka iyo horumarka ee 1994. Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidoo kale shan arrin oo kala ah: caafimaadka galmada iyo taranka oo qayb ka ah caafimaadka guud, maalgelinta loo baahan yahay in lagu xaqiijiyo dhammaan yoolalka barnaamijka ICPD, kala duwanaanshaha dadka iyo awooda ay u leedahay in lagu dhaqaaqo kobaca dhaqaalaha iyo horumarka joogtada ah, tillaabooyinka lagu soo afjari doono gacan-qaadka ku saleysan jinsiga iyo dhaqamada waxyeelada leh iyo xaquuqda daryeelka caafimaadka galmada iyo taranka iyo arrimo kale. Warbixinta ururka UNFPA waxaa ku jirta iney jiraan in ka badan 232 million oo doonaya in aaney uur qaadin balse aan isticmaalin waxa looga hortago, maalin walbo waxaa dhinta ilaa 800, weliba arrimo la daaweyn karo inta uurka lagu sido ama xilliga dhalmada, ilaa 33,000 ayaa lagu qasbaa guurka halka sanad walbo 4 million loo gudo qaab fircooni ah. Shirkan oo inta badan haweenka lagu awood siinayo, waxaa iska kaashanaya Kenya, Denmark iyo ururka UNFPA Soomaaliya malahan siyaasad la xiriirta xadiditaanka taranka, caafimaadka galmada iyo arrimo badan oo shirka looga hadlayo, waxaana jooga wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasaaaradda caafimaadka iyo hey’ado kale oo dowladda Soomaaliya uga wakiil ah arrimaha la xiriira qoyska iyo caafimaadka, matali kara, ugana aqoon badan madaxweynaha, ee waa maxay sababta uu madaxweynaha u aaday Kenya? Tan iyo February 2019 ma fiicneyn xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, Villa Somalia waxaa ay Goobjoog New u sheegtay madaxweyne Farmaajo markii uu tagayey Koonfur Afrika bishii May ee sanadkan inuu diiday marista Kenya, isaga oo ka degay Tanzania, waxaa kale oo shirarkii ay Soomaalida u tagi jirtay Nairobi loo wareejiyey Adis Ababa, Haddaba, maxaa isbadalay? Villa Somalia waxaa uu muuqato iney kala hadleyso, isna badashay siyaasadeeda la xiriirta Kenya wixii ka dambeeyey shirkii qaramada midoobey ee New York kolkaas oo xogheyaha qaramada midoobey u sheegay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo wada hadal ku aadan badda. Mareykanka, Ingiriiska, midowg Yurub iyo Afrika ayaa iyaguna ku cadaadiyey Farmaajo inuu wada hadal la galo Kenyaatta si wada hadal loogu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya. Shirkan oo 3 maalin socon-doona waxaa lagu wadaa in shir dooceed ah uu dhex maro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo midka Kenya Uhuru Kenyatta, arrinta ugu muhiimsan ee looga hadlayo waa badda, Kenya ujeedkeeda waa mid cad waana in kiiska laga soo celiyo maxkamadda ICJ. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada Amniga iyo Waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris ee caasimadda Faraniiska halkaasi oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda Paris oo maanta furmaya War-saxaafadeed ka soo baxaya xafiiskiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in mudada uu socdo shirka Madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka uu Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar ah la qaadan doono qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya mudda saddex maalmood ah uu Ra’iisul wasaare Khayre u safri doono magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre oo faahfaahiyay qodobada looga hadlayo Shirka Paris appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabaab militants reportedly vacated from areas in Mudug region in the past 24 hours. Reports indicate that Al-Shabaab fighters left Deeqlo and Marale, located on the outskirts of Harardhere district of the region. It is not yet known the reason behind the withdrawal of the militants, however, Galmudug forces have already started military exercises there. There has been no word from al-Shabaab about the retreat of its fighters. There is a tense situation in the areas around Harardhere as local residents say they are worried that fighting will erupt there at any time between Al-Shabaab and regional troops. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). View the full article
-
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay baneysay deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda sababta, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa durbo dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabay halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dib u garashada ay sameeyeen dagaalyahannadooda. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka ku sugan agagaarka degmada Xarardheere ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey, sida ay sheegtay Villa Somalia. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Safarka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo shirka marti-gelineysa, ay weli ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay muranka badda, ayna dadka qaar u arkaan mid aan habbooneyn. Hase yeeshee Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in shirkan uu muhiim u yahay. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” Inkasta oo sida ay madaxtooyada sheegtay shirka muhiim yahay, haddana dadka diblomaasiyadda yaqana ayaa rumeysan inay ku filneyd in wafdi wasiiro ah oo ka socda wasaaradaha qaabilsan arrintan shirka loo diro. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid gobolka Bakool ee K/Soomaaliya. Lafta Gareen oo la hadlayey dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ayaa ku dhawaaqay howlgallo cusub oo waddo furis ah. “Runtii howlgallada waa ay bilaaban doonaan oo ciidamadu waa ay u diyaar garoobeen,waxaana idiin sheegayaa Reer Waajid safarkeena xiga ee aan Waajid ku imaaneyno Jidka ayaan kusoo safri doonaa kuna laaban doonaa ayuu yiri” Madaxweynihu. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo maamula Waajid iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaasi. MadaxweyneLafta Gareen ayaa maalmihii dambe booqasho ku bixinayey deegaanada K/ Galbeed, waxaana socdaalkiisii ugu dambeeyey uu ku tegay degmada Bardaale. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Maxakamadda daraja koowaad ee Boosaaso ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday labo nin oo lagu eedeeyey in ay dhac u geysanayeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Raggan ayaa maxkamadda sida ay sheegtay waxa ay ku heshay in xilliga habeekii ah ay dhac baahsan ka geysanayeen xaafadaha Boosaaso. Sidoo kale maxkamadda ayaa waxa ay soo bandhigtay qoray mac-mal ah la sheegay in raggaasi ay adeegsan jireen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/vvv.mp3 View the full article
-
It was 9:00 PM on a Thursday night, November 7th 2019 in the normally quiet town of Garowe- the capital of the autonomous Puntland State in Somalia. Most people were in bed getting ready for a good night’s sleep when, all of a sudden, the quiet atmosphere of the town was disrupted by the sound of machine guns and semi-automatic small weapons. People rushed to their phones to call friends and family members to check their safety, and to know “what the heck was happening in the town”. The information of the mysterious gun-fight spread quickly through social media platforms: The president has ordered troops from the presidential guard forces to attack and capture the parliament building which is guarded by members of the police force! The raid ended after 30 minutes of intense gun battle that killed 3 people including 1 combatant from each side, and a well-respected local businessman who owned a shop next to the target building. Earlier on the same day, the parliament went on a three-day recess. On the other side of the town, the minister of finance has just finished distributing cash to 53 MPs from the chamber of 66 members who reported to his house for the cash handouts. Credible sources confirm that each member was handed 20,000 US dollars, more than 1 million dollars in total! The money was a reward for each MP who would sign, on the spot, a motion of no confidence against their own speaker Mr. Abdihakim (Dhobo). The motion was handcrafted by the state president Mr. Said Deni. The next morning, the parliament was ordered to convene a quick session to announce the removal of their speaker. Why would the president order a raid on the legislative body of his administration and forcefully remove the speaker? Well, the answer is quite simple- given the severely dysfunctional and corrupt nature of politics in Somalia: The president intends to subordinate the legislative branch and make it in-effective, akin to how dictators operate in many parts of Africa. Mr. Abdihakim Dhobo was seen as a man of integrity who was determined to keep the parliament independent from the executive and ensure accountability among different branchs of the administration. His forceful removal is seen as “the kiss of death” to accountability within Mr. Deni’s government. It is believed that- through his removal- Mr. Deni wants to clear the way for predatory contracts between his government and companies from the United Arab Emirates and China. The proposed deals include concessions of key infrastructure facilities including Bosaso airport as well as mining operations in Bari and Sanaag regions. Such deals are expected to disproportionately benefit the foreign companies and fill the pockets of very few individuals in the president’s inner circle. On the other hand, the removal of the speaker has angered his constituency in Sanaag and Bari regions and might lead to fresh conflicts in the area similar to what had happened in during President Adde Muse’s regime in late 2000s. By: Abdi Isse isseabdi@aol.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
NAIROBI (HOL) - President Mohamed Farmaajo left for Kenya Monday to attend the 25th anniversary of the International Conference on Population and Development (ICPD). Source: Hiiraan Online
